|
Bilowga Siirada
Waxaa Diyaariyey Walaalkeen waxaynaku diyaarsan tahay Somali Talk aadbuuna ugu mahad san yahay Cismaan bilaad
Usmaan
Bilad Email:
osmanbilad@hotmail.com
Waxaa
Soo Guuriyey Halkaankusoo Uriyey C/axmaan salad Osmaan
Email: Durdur77@hotmail.com
NASABKII RASUULKA SCW
Sida la wada ogsoon yahay nasabka
Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW
waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana
qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato
Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan
oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa
laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex
dabaalan.
Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta
ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba,
waxaana weeye sidatan:
Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib
(Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar
(Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.
Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la
oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray
awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda
oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh
sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.
Haashim Wuxuu dhalay afar wiil
oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo Shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya
iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.
Cabdimudhalib siduu ku dhashay
waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma
bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday
magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay
Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas
muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu
Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis
iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa
waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii
ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim".
Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.
Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban
wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas,
Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma.
Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna
wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha
iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.
DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY
KACBADA
Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo
yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu
magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen.
Arrintii ayaa waxaa maqlay Nin
reer bani kinaana ah markaasuu kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay
wuxuuna go'aansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo
toban maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga ayaa saarnaa. Abraha iyo ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku soo
dhow yihiin ayey geel Cabdimudhalib lahaa qabsadeen markaasaa Cabdimudhalib ergo ugu tegey isagoo doonaya in geeliisii loo
soo daayo. Abraha wuxuu yiri: "kacbadiinnii ayaan duminayaa, adna geel baad dooneysaa!" Cabdimudhalib wuxuu ugu jawaabey:
"geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa leh isagaan kaa difaacanaya" wuxu markaa Abraha yiri "haddii aydan ila dagaallamaynin
Makka isaga baxa" qureyshna sidii ayey yeeshay, geeliina waa loo sii daayey Cabdimudhalib.
Ka dib markuu Abraha soo gaaray
togga Xasar ee Musdalifa iyo Mina u dhexeeya ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu u dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka dhinaca
kale loo jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray shimbiro mid walba
waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada lugood. Ninkii uu dhagaxaasi ku dhacana wuu googo'ayey oo wuu dhimanayey.
Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee waxay ku dhacday intuu Rabbi u qaddaray, intii kalena waa carareen iyagoo
isjiiraya. Ninkii Abraha ahaa isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay. Qureysh oo markii ciidanku yimid
buuraha ku kala carartay, markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey guryohoodii ku soo laabteen. Qisadan waxaa
ka warrantay suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu Rasuulku SCW dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii maroodiga
(Caamul fiil).
QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII
ABDI MUDHALIB
Maalin ayaa Cabdimudhalib
oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii
ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo
wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri:
"Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib
wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii la dooday oo arrinkii
lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel
cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey
raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada
dhintaan.
Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu
meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri raggii
jifadiisa ahaa "nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa". Sidii ayey yeeleen laakiin
markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yiri "ma wanaagsana inaan meeshan iska fadhino ee aan soconno". Markuu hashiisii fuulay
oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna
wuu ugu yeeray. Markay kulligood cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yiraahdeen" Ilaah baan ku dhaarannaye
arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana
ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee".
Markaa ayuuu Cabdimudhalib wuxuu
ku nadray in haddii Ilaahay toban wiil siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas
ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.
Cabdimudhalib markii
Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen ayuu isugu yeeray oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli noqdeenna
sanamkii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii
uu carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda
la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco siiba abtiyaashiis reer bani
makhsuum, Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii
markuu u tegey ayey ku tidhi "magtiinnu waa meeqa?" markaasuu ugu jawaabay "toban halaad", ka dib ayey tidhi "toban halaad
iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku
dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli noqdo". Cabdimudhalib
waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib
geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina
ku dhacay geelii. Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.
Markaa wixii ka dambeeyey
magtii qureysheed ee tobanka geelo ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo
uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay ina labo gowrac" oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.
Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la
midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf galay, arrimo badanna waxay
ku dhaameen dad badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga
kaliya qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi
jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u oofin jireen.
Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada helaynin aysanna nadar oofintiis
u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.
Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba
ahaa nebiga aabbihiis, waxaa hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu Caa'id binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu guursaday
Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna, Aamino
oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da'diisu waxay markaas ahayd 25
sano.
Abdul A.K.
DHALASHADII & BARBAARINTII
RASUULKA SCW
Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii
Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis
u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna
tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu
la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.
Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr
maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa
Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la
odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah.
Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo
ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay
tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii
oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka
agoonka ah". Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa",
isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey
ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen
ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo
raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.
Ka dib markay Xaliimo labo sano
soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey,
sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa
maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo
bixiyey cad yar markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku celiyey.
Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir
doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna
u celiyeen.
Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu
la noolaa illaa lix sano ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii
Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina
ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna
wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu Nabigu SCW ku
noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee
labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay
Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa
uu ka hanaqaaday.
QISADII BAXIIRA
Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey
ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku
scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel
la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira
la oran jiray heystayna diinta masiixiga,
cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.
Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed
waa ag mari jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda,
calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen
waxayna yiraahdeen "weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?", wuxuu ku
yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri "Ma cid baad ka soo tagteen?", waxay ku jawaabeen
yar ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri "u yeera gabanka".
Markii
la qadeeyey ayuu Baxiira su'aal weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri "wiilkan mxaad u tahay"? wuxuuna ugu jawaabey "Aabbe
ayaan u ahay". Baxiira waxa uu yiri "suurogal maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?". Abii-dhaalib waxaa
uu yiri "Adeer baan u ahay", intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su'aalo, ugu dambeyntiina
wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.
Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib
"wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan
ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda", Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday
Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu
soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo.
GUURKII KHADIIJA
Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray
wuxuu guursaday Khadiija bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh oo ka sheegganayd haweenkii
qureysheed, waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo
maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa'iidada. Waxay maqashay Maxammed
binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray
loona bixiyey Maxammed Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo.
Rasuulka SCW waa uu ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo Maysara.
Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii
u qaadeen Shaam halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaasna wuxuu soo gaday wixii Makka looga
baahnaa. Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay
ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.
Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga SCW ku arkay,
sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga SCW arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka SCW u soo bandhigtay
iney is guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa
isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW loogu meheriyey Khadiijo.
Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano
dhaafay, waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdhiya. Waxayna
Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey Dhayib iyo Daahir) iyo afar
gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo, Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii
way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen.
Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab
waxaa guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa
uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo degtay suuratu
lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: "u fura Maxammed labadiisa gabdhood" wayna fureen ka dibna
waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba k dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali
bin Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.
Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen Faadumo
oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya,
waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa ay dhasheen
Naginimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo
in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii
8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya saan soo tilmaanayba.
DHISITAANKII KACBADA
Sida la sheego waxaa la yidhaahdaa
kacbada waxaa dhisay malaa'ig ama Nebi Aadam laakiin Qur'aanka iyo axaaddiista midna kama hadlin arrinkaas, sidaa darteed
waxaa xaqiiqo ah oo Qur'aanka iyo axaaaddiistuba sheegeen in Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil ay dhiseen. Waqtigii
qureysheed, Nebiga oo 35 sano jira ah ayey qureysh waxay dheheen kacbadii maaddaama ay duugowday waa in aan dhisnaa oo aan
maal u ururinaa, waxayna isku dhaarsadeen in aysan kacbada ku dhisin illaa wax xalaal ah maahane iyo in aysan gelin naag saaniyad
ah xoolaheeda iyo xoolo Riba ah iyo wax qof bani aadam ah laga dulmiyey.
Nimankii qureysheed markii ay kacbada dhisaayeen
waxaa ka go'ay xoolihii xalaasha ahaa ee ay haysteen sidaa daraaddeed waa ay ka soo soka mariyeen kacbada dhismihii Nabi Ibraahim
labada tiir ee Shaam xigay. Markii ay dhismihii dhammeeyeen ayey isku khilaafeen ciddii xajarul-aswadka booskiisii dhigi lahayd
maxaa yeelay qabiil walba wuxuu rabay inuu isagu magaca qaato.
Markuu arrinku qir iyo qir daadhey
ayey waxay go'aansadeen qofka ugu horreeya ee albaabkaas ka soo galaa inuu kala saaro. Nasiib wanaag qofkii ugu horreeyey
ee albaabkii ka soo glay wuxuu noqday Nabiga SCW markaas bay ku farxeen oo waxay dheheen waa Max'ed Aammiin kulligayo raalli
baan ka nahay. Arrinkii bay Nagiba SCW u sheegeen markaas buu wuxu yir: "ii keena go", markii go'ii loo keenay buu yiri: "qabiil
walba nin ha keeno" markii qabiil kasta nin keenay ayuu dhagaxii go'ii ku dhex riday nin walbana uu dhinac qabtay, markii
meeshii la gaarsiyeyna intuu kor u qaaday ayuu saaray.
Arrintaan oo kale meelaha ay qureyshtu
ku dhaantey dad badan oo maanta islaam u nasab sheeganaya maxaa yeelay qureyshi waxay garatay in cibaadada Alle iyo beytkiisa
aan lagu dhisin xoolo xaaraam ah laakiin in badan oo muslimiin ahi waxaa laga yaabaa ineysan taas fahmin oo cibaadada ilaahay
ay xaaraam u adeegsadaan, wax badan oo khayr ahna ay xaaraam geliyaan sida masaajiddada iwm.
Sidoo kale Ilaah way rumeysnaayeen,
sida marka la yidhaahdo yaa abuuray cirka iyo dhulka, idinkana yaa idin irsaaqa, roobkana yaa keena waxay dhihi jireen "Allaah".
Asnaamtana waa ay ogaayeen in aysan Ilaahyo ahayn laakiin waxay u sameeyeen suurado dad wanwanaagsan sida Nabi Ibraahiim iyo
Nabi Ismaciil waxayna dhihi jireen Ilaah baannu ugu dhowaaneynaa, sida maantaba dadka u yiraahdaan awliyada Ilaah baannu ugu
dhawaaneynaa. Sidoo kale markay ku safraan badda oo dhibi ku timaaddo Ilaahay ayey baryi jireen, laakiin maanta dad muslimiin
sheeganaya ayaa hadday dhibi ku timaaddo awliyada keliya baryaya ama Ilaah iyo awliyada amaba Ilaah iyo Nabiga SCW.
SOO DIRITAANKII RASUULKA SCW
Markii ugu horreysey ee Rasuulka
uu waxyiga ku bilaabanayey waxaa lagu bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada ugu imaaneysey oo u cad sida oogga waabberi oo kale.
Riyaadaas waxay socotey muddo lix bilood ah Rasuulku SCW wuxuu jecleystey inuu meel gaar ah ku cibaadeysto wuxuuna tegi jirey
god la yiraahdo Qaaru Xiraa oo ku yaalley buurta Nuur oo Makka laba mayl u jirta, halkaas oo uu soo joogi jirey habeeenno
intuu sahaydiisa (cuntaddiisa)
qaato, waxaa uu Rasuulka SCW ku
cibaadeysan jirey iney diintii Nabi Ibraahiim aheyd iyo in kale ma kala cadda, laakiinse waxaa cad in shirkigii iyo asnaamtii
taalley Khaliijul-carab uu ilaahay ka dhowray uuna nacay.
Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa
qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba, maalinkii dambe ayaa Malag u yimid wuxuuna ku yiri: "akhri", markaasuu Nabigu SCW ku yiri:
"wax ma akhriyo", ka dib intuu qabtey oo majuujiyey ayuu mar labaad yiri: "akhri" Nabiguna wuxuu yiri: "wax ma akhriyo", mar
saddexaad intuu qabtey ayuu yiri: "ku akhri magaca Rabbigaagii abuuray (koonka), akhri Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo
baray (dadka) qalimka, dadkana baray waxaysan ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5) Markaasuu Rasuulku ka daba akhriyey, intaa ka
dibna malagii waa uu tegey.
Rasuulku SCW isagoo naxsan oo wadnihiisu
boodboodayo ayuu gurigiisii yimid markaasuu ku yiri xaaskiisii Khadiija: "I deda I deda" iyana wy dedday ilaa uu argagaxii
ka tegey, markii naxdintii ka ba'day ayuu qisadii u sheegay Khadiija kuna yiri: "naftayda ayaan maanta u baqay" markaasay
tiri: "ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin maayo weligaa mxaa yeelay martidana waad soortaa, xaqana waad u kaalmaysaa",
markaa ka dib ayey Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa Khadiijo ina adeerkeed, diintii
Nebi Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo aad u da'weyn oo indho la'kuna turjumi jiray kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga.
Markay u tegeen ayaa Khadiijo tiri: "ina adeer bal dhegayso wiilka aad adeerka u tahay", Waraqa wuxuu Nabiga ku yiri: "maxaad
aragtay?" markaasuu Rasuulku SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu qisadii dhegaystey ayuu fahmay arrintii wuxuuna yiri: "kaa
kuu yimid waa kheyr wadihii Nabi Muuse u imaan jirey" wuxuuna intaa sii raaciyey "shallaytadeydee maan noolaado marka qoomkaagu
ku bixinayo".
Rasuulka SCW waxa uu la yaabay
wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan ah Makka ayaa laga saari doonaa, markaasuu yiri: "oo
ma i bixinayaan", Warqaa wuxuu yiri: "Haa, qof lama imaan waxa aad la timid ilaa waa lala colleytamay, haddii aan maalinkaa
gaarana waan kuu gargaari" hase yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo badan ma sii noolaan, waxyigiina waa is raacraacay. Ka
dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka kala go'ay si argagaxu uga tago, debadeed wuxuu yiri Rasuulka SCW: "anigoo soconaya
ayaan samada markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu yimid oo kursi ku fadhiya samada iyo dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay
ilaa aan dhulka ku dhacay.
Ka dib reerkaygii ayaan u tagay
oo ku iri: "I dede i deda" markaasay i dedeen. Alle ayaa markaa soo dejiyey aayadahan: "(NABIGA) IS DADAYOW, KAC OO DIG RABBIGAANA
WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD" (sida asnaamta) (Suurat Al-Mudathir)
HABABKII UU WAXYIGU UGU IMAAN JIRAY
RASUULKA SCW
wuxuu waxyigu ugu imaan jiray Rasuulka
SCW toddoba nooc oo kala ahaa sidatan:
1) Riyo wanaagsan oo hurdada ugu
imaanaysay, taasoo u caddayd sida oogga waabberi waana tii waxyigu ugu bilaabmay.
2) Arrimo uu malaggu qalbigiisa
ku rido isagoon malagii arag.
3) Malagga ayaa nin isugu soo matali
jiray oo la hadli jiray ilaa ay mararka qaarkood asxaabtu ka arkeen.
4) Waxyiga ayaa ugu imaan jiray
sida qaylada gambaleelka waxayna taasi ahayd habka ugu daran Rasuulka SCW ee waxyiga ugu imaan jiray oo wuu dhididi jiray.
5) Malagga ayaa ugu imaan jiray
suuraddiisii Alle abuuray oo u waxyoon jiray, waxayna arrintaani dhacday labo jeer sida ay tilmaantay suuratu Wannajmi.
6) Alle ayaa uga waxyooday samawaadka
dushooda sida habeenkii la dheelmiyey ee salaadaha lagu soo farad yeelay Alle ayaa toos ula hadlay siduu Nabi Muuse ula hadlay.
DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY
Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu
wataacaalaa soosaaraymas'uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi,
dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii
diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku
SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd haddii uu markii u horreysey
kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu
bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex sano.
Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada
ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna
lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu
Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.
Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa
nin magac iyo sharaf ka leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu
yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu
markaa Abuubakar dacwadii gaarsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku
islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:
1.
Cusmaan Binu Cafaan 2. Subyr binu Cawaama 3. Cabdiraxmaan binu Cawf 4. Sacad binu abii waqaas 5. Dalxa binu Cubeydillah
Ka
dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu Cabdilasa,
Arqaam ibnu abii Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib,
Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadhaab walaalishiis), Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi
binu Mascuud iyo kuwo kale waxaa uuna ibnu Haashim gaarsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen dadkii islaamka ugu
horreeyey, dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.
Odeyaashii qureysheed markii ay
maqleen arrinkaas dan kama gelin oo waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii markaa
ka horba ay niman qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin
walbana ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo weyn ma aysan qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga
ahayd.
MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII
RASUULKA SCW
Waxay dacwadii islaamku
qarsoodi ku socotaba markii saddex sano la marayo ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu dacwadiisa muujiyo ummaddana
uga digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan.
Wuxuu Allah SW yiri: (U DIG QARAABADAADA
KUU SII DHAW). (Suuratu-Shucaraa:214).
Rasuulka SCW
markay aayaddani soo degtay wuxuu fuulay buurta Safa wuxuuna yiri: "Waa saabaxaa (waa wareey)", markaas ayaa dadki Makka joogay
oo dhan ay soo yaaceen oo meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof ayuu soo dirsaday oo ku yiri: "soo eeg wuxuu yahay".
Markii meeshii la iskugu yimid ayuu Rasuulka SCW yiri: "ka warrama haddaan idin iraahdo toggaan fardo duullaan idinku
ah ayaa soo maraya ma rumaynaysaan", markaasey dheheen "haa been kuguma aannaan baran", markaasuu yiri Rasuulka SCW
"waxaan idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka horreeya", Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu u yeeray qabiil walba oo
qureysh ka mid ah illaa uu ka soo gaarey qabiilkiisii oo uu isna reer ugu sii dhawaaqay ilaa uu kasoo gaaray gabadhiisii Faadumo
ahayd oo uu ku yiri "faaduma bintu Maxammedey naftaada ka badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye inaanan Alle waxba
kaaga tarayn". Sidoo kale muslim waxa uu wariyay in markii ay aayaddaani soo dagtay uu Rasuulku si guud iyo si khaas ahba
ugu yeeray (quraysh) wuxuuna yiri qurayshey ka badbaadiya naftiina naar reer baniii kacabow ka badbaadiya naftiina naar. Arrintaas
dadkii qureysheed way ka caraysiisey waxayna kicisey buuq magaaladii oo dhanna waa la isla dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab
oo ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid wuxuu Rasuulka SCW ku yiri: "halaag ha kuu sugnaado maalinta inta ka hartaye
ma waxaan baad noo soo kulmisay". Allaah ayaa u jawabey oo ku soo dejiyey Suuratu Tabbad.Wuxuuna Allaah ugu bishaareeyey ninkaas
iyo xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa iyo dintiisa ayey la colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo dejiyey
aayadan.
Wuxuu Allaah SW yiri: (Muuji waxa
lagu amrayo, Isagana jeedso Mushrikiinta). (Suuratul-Xijri:94)
Aayaddan waxa uu Allaah
Rasuulka ku amray inuu muujiyo xaqa, gaaladana ka jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u qumay meel walbana waxa uu ka caddeeyey
shirkiga iyo khuraafaadka ay ku jiraan iyo xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney Allah keliya waxidaan oo Ilaahnim u qiraan.
Odeyaashii qureysheed
markey arkeen Maxammed SCW iyo diinta cusub ee uu la yimid iyo inuu khilaafay diintoodii iyo ilaahyadoodii kuna sheegay
iney yihiin baadi ayeye olole qaadeen si ay dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin lahaayeen, baaddilka iyo xumaatada ay ku jiraanna
u difaaci lahaayeen. Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay qaadeen waxaa ka mid ahaa in qaar ka mid ah ay u tageen Abii-dhaalib
kuna dheheen "Abii-dhaaliboy, wiilka aad adeerka u tahay ilaahyadadii ayuu caayey, diintayadiina wuu ceebeeyey, waxgaradkayagiina
wuxuu ka dhigey maangaab, aabbayaashayona wuu baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama isku kaaya daa, adiguna annagaad nala mabda'
tahay oo waad is khilaafsan tihiin makra aan kaa kaafino'. Abii-dhaalib wuxuu ugu jawaabay hadal jilicsan", odeyaashina wa
laabteen.
Rasuulku SCW
isagu waxaas uma jixinjixin dhegna jalaq uma siin wuxuuna gudayey dacwadiisii, maxaa yeelay cid aan Ilaahey aheyn oo uu maqlayaa
ma jirto meel walbuuna xaqii kala istaagey. Odeyaashii qureysheed markii ay arkeen in tallaabadii hore ay waxba ku socon waayeen
uuna soo dhowaadey waqtigii xajka, waxay bilaabeeen tallaabo kale waxayna isugu yimaadeen shir ay uga hortegayeen Nabiyullaah
Maxammed SCW inuusan dacwada gaarsiin dadkaas tirada badan ee xajka u imaanaya waxayna u tageen nin duqowdoodii ka mid
ah o la oran jirey Waliid ibnu Muqiira inuu keeno arrinkii Maxammed dadka looga ceyrin lahaa. Waliid wuxuu yiri: "hal arrin
isku raaca hana is khilaafinina si aan qarkiin qaarka kale u beenin, si aysan dadku idiin fahmin, maxaa yeelay hadday qaarkiin
dhahaan waa saaxir, qaarna dhahaan waa waalan yahay dadku way idin fahmayaan", markaasey dheheen adigu noo go'aami (middii
aan isku raaci lahayn) wuxuu yiri: "bal idinku wax keena waan idin dhegaysanayaaye", odeyaashii ayaa warkii bilaabey oo yiri:
"waa wax sheege (kaahin)", Waliid wuxuu yir: "Ilaah baan kudhaartaye ma aha kaahin, waana naqaannaa kuhannada iyo wax sheeggooda",
waxay dheheen aan dhahno waa waalan yahay" wuxuu yiri "ma waalna, waana naqaannaa waallida iyo isku dhexyaaceeda" waxay dheheen
aan dhahno waa saaxir" wuxuu yiri "ma aha saaxir, waana naqaannaa sixirleyda iyo sixirkooda", waxay dheheen aan dhahno waa
gabyaa" wuxuu yiri "maaha gabyaa, waana naqaanna gabayga qeybihiisa oo dhan", waxay dheheen "maxaan marka dhahnaa", wuxuu
yiri "hadalkiisu waa macaan yahay, wax kastoo aad tiraahdaanna wa la fahmeyaa inaaan waxba ka jirin ee bal muddo i siiya
waan k a soo fekerayaaye', muddadii ka dib ayuu soo laabtay wuxuna yiri "saaxir baa ugu whow", taas ayaa markaas la
go'aansaday oo la isku raacey. Ninkaas fekerkiisaasna waxa ka hadashey Suuratul-mudathir laga bilaabo aayaddaa 11 ilaa 30.
Ka dib markii go'aankii
Waliid la isku raacey waxay bilaabeen sidii ay ku dhaqan gelin lahaayeen waxayna isku qeybiyeen waddooyinkii Makka soo gelayeye
si qof walba oo soo mara ay ugu digaan arrinta uu wata Nabiga SCW iyagoo ku sheegaya saaxir. Sidoo kale waxay ka hadlayeen
meelihii ay dadka xujeda ihi isugu imaanayey. Dadkii arrimahas aadka uga qeyb qaateyna waxaa ka mid ahaa Abii-lahab oo Nabiga
scw adeerkiis ahaa wuxuuna samaynayey ninkaasi intuu Nebiga SCW daba galo ayuu cid kastoo Nabiga SCW u tago oo xaqa
gaarsiiyo isagoo ka daba hadlaya ku lahaa "ha u rumeynina waa beenlowe, diintiisii buu ka iishee", qureyshna jidadkii Makka
iyo meel walba intey tagaan ayey lahayeen 'iska jira waa saaxir dadkii kala geeyaye" laakiin arrintoodaasi waxay noqotay dacwo
oo dad badan oo aan ogeyn Nabi Maxammed SCW dacwada uu wato ayaa ogaadey, cidohoodiina gaarsiiyey Nabiga cusub
oo soo baxay.
Qureysh weli
ma gaarin iney gacan ula tagaan Nabiga SCWiyo dadkii raacsanaa laakiin waxay ku jireen dacaayad iyo jeesjees iyo in dadka
lagu diro oo la yiraahdo iska jira. Sidoo kale waxay mararka qaarkood Rasuulka SCW u soo bandhigayeen fikrado ay ku leeyihiin
Ilaahaaga iyo diintaada qaar ka soo tanaasul oo ka soo dabac annaguna qaar baan ka tanaasuleynaaye. Waxay kaloo sameynayeen
iney Rasuulka SCW rag u soo diraan oo dhahaan "haddaad madaxtinnimo rabto madax baan kaa dhiganeynaa, haddaad maal rabto
waan kuu ururineynaa ilaa aad noqoto kan noogu taajirsan, haddaad jirran tahay maalkayaga ayaannu kugu bixineynaa ilaa aad
ka caafimaaddo, haddaad gabar rabto gabdhaha qureysheed tan ugu quruxda badan ayaannu ku siineynaa" hase yeeshee arrimahaas
oo dhan lagama yeelin. Ka dib markey arkeen in Nabiyullaahi Maxammed SCW diintiisa iyo dacwadiisa marna ka tanaasuleyn, shirkigooda
iyo khuraafaadkoodana uusan ka aamuseyn ayey waxay aad u kordhiyeen dacaayadohoodii kala duwanaa maxaa yeelay Rasuulka SCW
gacan ulama aysan tegi karin oo Abii-dhaalib ayey uga baqaayeen. Dacaayadohoodu waxay u qeybsanaayeen dhowr qeybood
oo kala ahaa: 1) Rasuulka oo ay ku jeesjeesaan, xaqiraan, caayaan, ku oriyaan, wax kastana dhahaan. Arrimahaasna Allah
isagoo tilmaamaya wuxuu ku soo dejiyey aayado kala duwan, waxaana ka mid ah:
((WAXAY DHEHEEN KAN QUR'AANKA LAGU SOO DAJINAYOW ADIGU
WAAD WAALAN TAHAY)), (Suuratul-Xijir:6)
Sidoo kale Allaah isagoo inooga
warramaya markay muslimiinta ku jeesjeesayaan wuxuu yir:
((KUWII DAMBAABAY WAXA AY AHAAYEEN
KUWA KU QOSLA KUWII XAQA RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY IS QANJARUUFAN JIREEN, MARKAY EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY LAABAN
JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA) KU RAAXAYSANAYA, MARKAY MUMINIINTA ARKAANA WAXAY DHAHAAN WAA BAADIYEYSAN YIHIIN, LOOMANA DIRIN
IYAGA IN AY (MUSLIMIINTA) ILAALIYAAN))
2. Waxaa ka mid ahaa dacaayadihii
iyo been abuurashadii ay Rasuulka iyo qur'aanka ka fidin jireen iney dhahaan "waa been uu abuurtey ama dad kale ayaa soo baray"
arrintaasna Allaah oo tilmaamaya wuxuu yiri:
3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa
dacaayadihii ay qur'aanka iyo Rasuulka SCW kula dagaallami jireen iyagoo raba iney dadka u tusiyaan inuu Nabigu SCW
wato sheekooyinkii ummadihii hore laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir binu Xaarith uu aadey Faaris uuna soo bartey
taariikhdii boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku soo laabtey, wuxuuna ninkaaas samayn jirey markii Rasuulka SCW meel
ka istaago oo dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni jirey sheekooyinkaas dhihina jirey "Maxammed igama
sheeko qurxoona".
Qureysh markey arkeen
ineysan nooc walba oo dacaayad iyo xumaan ah waxba ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen wada hadallo ay rabaan iney isugu soo
dhowaadaan iyaga iyo Nabiga SCW oo isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag yahay iyana iiney tooda ka soo
dabcaan oo meel dhexe la isugu yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase yeeshee Allaah subxaanahu watacaalaa oo had iyo jeer
Rasuulka SCW tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan xaqa iyo baadilku wax wada qeybsan karin iyo
inaan xaqu marna tanaasul oggoleyn.
Wuxuu yiri Allaah: ((WAXAAD
DHAHDAA GAALOOY, MA CAABUDAYO WAXAAD CAABUDAYSAAN, IDINNA MA CAABUDAYSAAN CIDDA AAN CAABUDAYO, MANA CAABUDIN WAXAAD CAABUDEEN,
IDINKUNA MA CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO, DIINTIINAAD LEEDIHIIN ANNA DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-Kaafiruun).
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaalahay
Rasuulka SCW u soo bandhigi jireen oo ay rabeen in la isugu soo dhowaado in qaar odeyaashoodii ka mid ahaa ay Rasuulka
SCWu soo jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad la caabudo hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey jawaabtii
loogu jawaabi lahaa ehlu-baadilka.
Wuxuuna yiri: ((WAXAY JECELYIHIIN
IN AAD U SOO DABACDO OO AY SOO DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9)
Qureyshi markii intaas oo
tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka
dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga
dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab
iyo ragiisii waxay soo go'aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas
ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa
ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW
isaga dhib badan oo loo geysan lahaa waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad weyn ku
lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.
Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu
darnaa waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab oo aan soo marnay dadka kulmiyey Rasuulka SCW inuuku yiri "halaag ha kuu
sugnaadee ma waxan baad noo soo kulmisey". Sidoo kale laba wiil oo uu Abii-lahab dhalay lana kala oran jirey Cutba iyo Cuteybaa
waxay kala qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-kalthum sidaan soo sheegnayba
Abii-lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan, iyaguna way ka yeeleen.
Waxaa kale oo ay siiradu werisey in markuu dhintey wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-lahab u tegay odeyaal
qureysheed oo meel fadhiya kuna yiri: "bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo waa abtar (gablan)". Dhibkaas Abii-lahab
keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la
oran jirey Ummu Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata
Nabiga SCW. Ummu Jamiil waxa ahayd haeen aad u carrab dheer oo dhib badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada
iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey soo qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo kacbada
wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW ku dhufato. Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay Rasuulka SCW
oo Abuubakar keliya ayey indheheedu qabteen markaas ayey ku tiri: "meeyey Maxammed waatuu hadda kula fadhiyaye, waana maqlay
inuu i caayey ee haddaan arki lahaa dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa", intaas keliya kuma harine waxay tirisay gabay yar oo
leedahay "Mudamamaan waan caasinney amarkiisana waan diidney diintiisana waan nacney". mudamaman waxay ula jeeday Maxammed
oo ay si khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka caydeedii; Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya
sida Alle uga dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam maxamed ayaan ahay.
Sidoo kale dadkii
Rasuulka aad u dhibi jirey waxaa ka mid ahaa Xakam ibnu Abil-Caas, Cuqba ibnu abii Muceydh, Cadiyyi ibnu Xamraa iyo kuwo kale.
Dadkaasi waxay Rasuulka SCW ku dhibi jireen xitaa gurigiisa; maxaa yeelay qaar ka mid ah ayaa Rasuulka SCW deris
la ahaa. Ibnu Isxaaq wuxuu weriyey Xakam ibnu Abil-Caas maahane intoodii kale inaan midna ka islaamin. waxaana ugu xumaa Cuqba
ibnu Muceydh.
Waxa uu Bukhaari ka
werirey Cabdullaahi ibnu Mascuud in maalin odeyaashii qureysh oo Abii Jahal madax u yahay kacbdana fadhiya ay arkeen Nabiga SCW
oo kacbada ku tukanaya. Markaasay dheheen "yaa noo keenaya mandheerta geela reer hebel oo Maxammed markuu sujuudo dhabarka
ka saaraya", waxaa si halhaleel ah u boodey Cuqba ibnu abii Muceydh, mandheertii ayuu keenay markaasuu sugey ilaa uu Rasuulka SCW
ka sujuuday. Markuu Rasuulku SCW wejiga dhulka la helya ayuu garbaha ka saarey mandheertii. Abii-jahal iyo raggiisii markey
arkeen qosol ayey iskula daateen, Rasuulkuna SCW sujuuddiisii ayuu iska sii watay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu
yiri: "arrinkaas waan u jeeday hase yeeshee far ma dhaqaajin karin", sidaa darteed waxaa timid Nabiga SCW gabadhiisii
Faadumo oo k qaadday mandheertii iyagiina cayday. Rasuulka SCW markuu salaaddii dhammaystey ayuu Ilaahay baryey oo yiri
saddex jeer "Allow qureysh qabo", dabadeedna mid mid ayuu u magacaabay raggii goobta joogay yiri: "Allow qabo Abii-Jahal.
Cutba ibnu abii Rabbiica, Sheyba ibnu abii Rabbiica, Waliid ibnu Cutba, Ummaya binu Khalaf, Cuqba ibnu abii Muceydh", markaasey
naxeen maxaa yeelay waxay rumeysnaayeeen ducada xaramku ay mustajaabo tahay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri "waxay ahaayeen
toddoba, waxaana arkay toddobadoodii oo goobtii Badar la dhigay oo lagu guray ceelkii lagu gurayey meydkii gaalada",
Cuqba ibnu Abii Muceydh (oo asna ka mid ahaa dadkii bader lagu qafaashey oo dhex lagu dilay) maahane. Sidoo kale waxaa Muslim
weriyey in maalin Abuu-Jahal dadkii ku yiri "weli ma dhexdiinnaa Maxammed wejigiisa ciidda ku camcaminayaa" markaasey dheheen
"haa", wuxuu yir "Laata iyo Cussa ayaan ku dhaartaye haddaan arko isagoo wejiga dhlka ku camcaminaya inaan qoorta uga istaagayaa
oo wejigiisa si fiican u booreynayaa". Maalin dambe ayuu markaa arkay Nabiga SCW oo kutanaya, markaasuu ku soo dhaqaaqay
si uu go'aankiisii u fuliyo, markuu ku dhaqaaqay ayaa dadkii arkeen isagoo gadaal gadaal u soo bodey oo gacmaha taagaya. Markaasay
dheheen: "maxaa kugu dhacay", wuxuu yiri "god naar ah ayaa dhexdayada ka samaysmay". Nabiga SCW markii arrintaa la weydiiyey
wuxuu yiri "haddii uu ii soo dhowaan lahaa malaa'igta yaa xubin xubin u kala dafi lahayd".
Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa
tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU) WAA XAD GUDBEEN, MARKUU ISKU ARKAY (GAALKANI)
QANINIMO, RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA ADDOON (RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN HADDUU HANUUN
KU SUGAN YAHAY (KAN LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO, KA WARRAN HADDUU (KAN WAX REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA JEESTAY
(XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq: 6-14)
Ka dib Abii-Jahal
waxa uu yimid Rasuulka SCWwuxuuna ku yiri: "ma waanan kaa reebin arrinkaan? markaasaa Rasuulka SCW si adag ula hadlay
isagan dhaqaaqay markaasuu Abii-Jahal ku yiri Nabiga: "waad ogtahay inaysan jirin cid iga gurmad badan: Allaah ayaa ninkaas
u jawaabay waxa uuna qur'aankiisa ku yir:
((ARRINKU SAAS MA AHANE HADDUUUSAN
JOOGIN WAXAANNU QABAN FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS) GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU) YEERIN MALAA'IKTA
SABAANIYA, ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN (RABBIGAANA U) SUJUUD UNA DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19).
Rasuulka SCW
markii ay quraysh beenisay oo ay aad ula colaytantay si xunna ula dhaqantay Ayuu Ilaahay uga baryay in uu abaar ku rido
wuxuuna yiri: "Allahayow iigu kaalmee in toddoba (sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo kale ah ay dushooda ahaato:
Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa baryadii wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii abaartii haleeshay oo ay hal sano hasyay
oo ay cirkii waxaan qiic iyo hunri ahayn ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga ayo hargaha ka cuneen, ayaa Abii Sufyaan
Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri: "waxaad amraysaa hoggaansamidda Alle iyo in riximka la xiriiriyo, tolkaana way halaagsamayaan
marka Alle u bar". Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka qaado (abaarta) ay mu'miniiin noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW
Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo Quraysh dhibkii waa ka feydey, hase yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii ayey sii
wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu yiri:
((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ
CAD, OO DABOOLAYA DADKA KAASOO AH CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN) RABBIYOW NAGA FAYD CADAABKA WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY
WAANTOOBIN, WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY, MARKAASAY KA JEESTEEN ISAGII AYNA DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)),
(Suuratu-Dukhaan: 10-14).
DHIBAATOOYINKII ASAXAABTA LAGU
HAYEY
Kufaartii qureysh
markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa islaamay waxay sameyn jireen iney canaantaan, caayaan
oo ku diraan eheladiisa, inta badanna gacanta ulama aysan tegi jirin. Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan qabiil
xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa aysan jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u geysan
jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo aabbihiis Yaasir
iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya iyo gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo kaleba.
Bilaal wuxuu
addoon u ahaa oo ciqaabi jirey Ummaya ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi jireyna waxay ahayd intuu xarig qoorta ka geliyo ayuuu
ku jiidi jirey ama qorrax kuleylka duhurkii intuu seexiyo oo dhagax weyn xabadka kasaaro ayuu dhihi jirey "ama waad dhiman
ama Maxammed baad ku kufrin". Bilaal wuxuu ku dhihi jirey "AXAD" oo uu ula jeedo Ilaah keliya baan rumays nahay oo aan caabudayaa,
dhib kasto loo geystana wax kale afkiisa waa soo mari waayeen. Maalinkii dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa soo maray
Abuubakar Al-siddiiq, markaasuu ku yiri ninkii ciqaabayey: "maad Ilaahay uga baqdid ninkaan miskiinka ah", markaasuu yiri:
"wax u qabo adigaa diintiisii ka fasahaadiyee', markaasuu Abuubakar yiri: "waxaan ku siinayaa addoon aniga ii jooga oo aad
isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa", sidaas ayuuna ku xoreerey Bilaal. Markuu Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa suuqa loo
geliyey inuu axsaan hore ka dhexeeyey (labadooda) hase yeeshee Allaah ayaa difaacey oo u jawaabey dadkii waxaa ku hadlayey.
Wuxuuna ku soo dejiyey aayadahan:
Wuxuu Alle SW yiri: ((Waxaa
ka fogaada (naarta) kan cabsada, waa kii bixiyey maalkiisa si uu isu dahiriyo, ruux wax siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu u bixiyey
Rabbiga sarreeya dartii, dib dambuuna u ralli noqon doonaa)), (Suuratul- layl 17-21).
Sidoo kale Cammaar ibnu
Yaasir iyo Aabbihiis Yaasir iyo Hooyadiis Summaya, oo ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinka dardaran loo geystey, ayaa maalin
iyadoo la ciqaabayo waxaa soo maray Nabiga SCW markaasuu ku yiri: "sabra reer Yaasirow, mowcidkiinnu waa jannee", Odeygii
Yaasir iyo habartii Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas oo weliba habarta waxaa gacantiisa ku diley Abii-jahal oo iyadoo
la ciqaabayo ayuu waran farjiga uga dhuftay halkaas oo ay ku naf baxday kuna noqotay qofkii u horreeyey ee ummaddaan
Nabi Maxammed SCW Alle dartiis loo dilo. Willkoodii Cammaarna intay aad u ciqaabeen ayey ku dheheen "hadaad Maxammed
caydid, Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid waan ku sii deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay ayuu sameeyey siday ku
dirqiyeen, ka dib markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u tegey una sheegay waxay ku dirqiyeen, Allaah ayaa markaas soo dejiyey
aayaddaan:
Alle SW wuxu yiri: ((WAXAA
ABUURTAY BEEN KUWA AAN RUMAYN AAYAADKA ALLE, KUWAASI WAA BEENALAYAAL, KUWA ALLE KU KUFRIYEY IIMAANKOODII KA DIB (WAA HLAAGSAMEEN),
RUUX LAGU KHASBAY QALBIGIISUNA KU XASILAN YAHAY IIMAANKA MOOYEE, RUUXIISE XABADKIISU U WAASIC NOQDO GAALNIMADA WAXAA KORKOODA
AHAADAY CARO XAGGA ALLE KA AHATAY, WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB WAYN)), (Suuratu-Naxli 105-106).
Sidoo kale dadkii
la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa addoomo dad gacantood ku jirey,
hase yeeshee waxaa wada xoreeyey Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas xoreeyey ayaa aabbihiis abu-quxaafa oo aan
weli islaamin ku yiri: "Maandhow maad xoolahaaga ku bixisid dad xoog leh oo ku difaaci kara hadhow intaad dad ducafa ah ku
bixineysid, hase yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas Alle dartiis ula jeedo.
Sidaan soo sheegnay
Muscab ibnu Cumeyr oo ku jirey dadkii aadka loo ciqaabay oo ay dhashay islaan maalqabeen ah, ahaana nin dhallinyaro ah oo
qurxoon oo aad u xarrago badan, maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka. Muscab markay hooyadiis maqashey inuu
islaamay ayey xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u cadaadisay hase yeeshee markay intaas oo dhan wax uga qaadi weydey ayey
dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu jirkiisii jilif yeesho, wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday Xabashida.
Markuu xabashida ka soo laabteyna waxaa Rasuulku SCW dacwo ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu muddo yar ka dib dacwadii
wada gaarsiiyey guryihii reer Madiina kuna noqday macallinkii reer Madiina.
Sidoo kale Khabaab wuxuu
isna ka mid ahaa dadkii ay gaaladu dhibka ku hayeen ilaa uu maalin u tegay Rasuulka SCW oo Kacbada hooskeeda jooga isagoo
doonaya in uu Ilaahay u baryo si dhibka looga fududeeyo wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow maad Alle noo baridid, markaasaa Rasuulku SCW
fariistay oo ku yiri: waxay ahaayeen dadkii idinka horreeyey (muminiinta ahaa) kuwo loogu shanleeyo hilibka iyo lafta dhexdooda
shanlo bira, arrinkaasna kamana kala dhambali jirey, kamana reebi jirin diintooda, Allena wuu taamyeelin isagoo Alle maahee
aan cid kale ka baqayn, sidoo kale waxa uu Khabaab shaqo u qabtay Caas binu Waa'it oo ka mid ahaa kufaartii Quraysheed, markaasaa
Khabaab ku yeeshay xoolo markaasuu u tegay oo ku yiri: "isii waxaygii hase yeeshee Caas waa diiday wuxuuna yiri, ku siin mahayo
ilaa aad Maxamed ku kufridid. Khabaabna waxa uu guu jawaabay ku kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo misna lagu soo bixiyo,
Caas wuxuu yiri: "ma intaan dhintaa qiyaamaha la i soo saarayaa,? Khabaab ayaa ugu jawaabay "haa," waxa uu yiri: "halkaasna
waxa aan helayaa maal iyo ilmo oo markaasaan kuu gudayaa. Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la midka ah tilmamaya
waxa uu Qur'aankiisa ku yiri:
((KA WARRAN KAN KU KUFRIYEY AAYAADKAYAGII
OO YIRI(AAKHIRO) LA I SIINAYAA MAAL IYO CARRUUR, MA WUXUU DAALACDAY QAYBKA, MISE ALLAHA RAXMAANKA AH AGTIISA AYUU BALLAN KA
YEESHAY, SAAS ARRINKU MA AHANE WANNU QORIN WUXUU LEEYAHAY, WAXAANA U FIDINAYNAA CADAABKA FIDIN, WAAN DHAXLAYNAA WAXA UU SHEEGANAYO
(EE UU KU FAANAYO) WUXUUNA NOO IMAANAYAA ISAGA OO KALIGIIS AH)), (Suuratu-Maryam 77-80).
Dhibaatooyinkaas aan soo
tilmaannay oo isugu jiray dil, ciqqab, cadaaadis, dulmi, boob, iyo aflagaaddo ayaa dadkii asxaabta aha lagu hayeysiiba kuwoodii
taagta darraa ee cid difaacaysa aysan jirin aad ayuuna dhibkaasi uga batay wax walba ayaana lagula dhaqmay, hase yeeshee Alle
iyo Rasuulkiisa ayaa intaas amrayey inay dhibka ku samraan oo taqwada iyo daacada Alle ku dadalaal dagaalna aysan samyn ee
ay gacmahooda laabaan, hase yeeshee asxaabtu waxay jeclaayeen in ay is difaacaan oo iska celiyaan cadowga Alle, marar badanna
waxa ay u yimaadeen Rasuulka iyagoo ka sheeganaya dhibka lagu hayo oo jecel inay is difaacaan, sida dhacday maalin in Cabdiraxmaan
bin Cawf iyo koox kale oo asxaabta ka mid ahayd u yimaadeen Rasuulka kuna dheheen: "Nabi Allow markaan shirkiga ku jirnay
awood baan lahayn, markaan iimaanka qaadanayna xaqiiriin baan noqonnay". Markaasaa Nagibu SCW ku yiri: "waxaan idin amrayaa
iska dhaafid hana la dagaalinina qowmka, sidaas ayaa asxaabtii Rasuulku u fuliyeen amaradii Alle iyo kuwii Rasuulka SCW uguna
samreen dhibkii iyo cadaadiskii ka imaanayey acdaadii Alle, Allena mar walba waxa uu soo dejinayey aayado uu ku amrayo inay
ay samraan oo gacmahooda laabaan, Rasuulkuna arrintaas ayuuu ku boorrinayey, Cabdullaahi bin Cumar isagoo tilmaamaya dhibaatadii
asxaabta lagu hayey waxa uu yiri: 'Islaamku waa yaraa sidaa darteed ninka diintiisa ayaa laga fidnaynayeey, way dili jireen
ama wa cadaabi jiree".
DAARTII ARQAM BINU ABII ARQAM
DAARTII ARQAM BINU ABII ARQAM
Daarta Arqam binu abii Arqam waxay ahayd rugtii ay Rasuulka SCW
iyo asxaabtiisu ku kulmi jireen oo uu diinta ku bari jirey kuna tarbiyeyn jirey, kuna kala war qaadan jireen intii
Makka la joogey.
In kastoo ay dacwadu jahri (qarsoodi) aheyd, haddana xikmadda dacwadu
waxay keentay in meel qarsoodi ah la isugu tago oo ay diinta ku bartaan howlahoooda khaaska ahna ku qabsadaan, maxaa yeelay
haddii ay bannaanka ku shiri lahaayee ama ay diinta isku bari lahaayeen dhib weyn ayaa soo food saari lahaa, sidii dhacdayba
maalin ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu tageen buuraha Makka oo ay ku tukanayeen, waxaa markaa arkay gaaladii oo dagaal
ku soo qaadday halkaasoo dhibaatooyin la isku gaarsiiyey sida saxaabiga la yiraahdo Sacad ibnu abii Waqaas oo muslimiinta
ka mid ahaa uu laf madaxa ugu jeexay nin mushrikiinta ka tirsanaa oo caayey diintiisa, dhiiggaasuna wuxuu ahaa dhiiggii u
horreeyey oo Alle dartiis loo daadsho intii Rasuulka SCW la soo diray.
Abdul A.K.
HIJRADII
U HORREYSEY EE XABASHA LOO HIJROODAY
Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii rumeeeyey
Rasuulka scw ee qaatey caqiidada islaamka ayaa marba marka ka dambeysa aad u sii siyaadayeey ilaa la gaarsiiyey asxaabtii
Rasuulka scw heer aad u adag oo ay xammili kari waayeen iney ku noolaadaan magaaladii Makka oo ay ku dhasheen tolkoodna degganaa,
iyadoo waxa lagula dagaallamayaana ay ahayd caqidadaas islaamka oo ay qaateen iyo iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex
jiray ee shirkiga iyo caadooyinka foosha xun ahaa Xaaladdu markay halkaa marayso ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa sheegay
muslimiintii in uu dhulka Alle waasic yahay.
Rasuulku scw markuu arkay heerka adag ee asxaabtiisu marayso
iyo dhibaatooyinka daran ee soo gaaraya dadkii islaamka qaadanayey siiba kuwoodii masaakiinta ahaa ayuu u sheegay iney u hijroodaan
dhulka xabashida oo uu ka talinayey boqor caaddil ah si fiicanna u heystey diintii Nabi ciise magaciisana la oran jirey Najaashi. Sidaa darteed ayaa waxaa baxay bishii Rajab ee sannadkii ee sannadkii
shanaad kooxdii ugu horreysey oo u hijroota xabashida. Kooxdaas oo ka koobnayd 12 rag ah iyo 4 dumar ah waxaa hoggaaminayey
Cismaan binu Caffaan oo ay la socotey xaaskiisii Ruqiya oo ahayd gabadhii Rasuulka. Wuxuuna Rasuulku scw yiri isagoo ka hadlaya
labadooda "waa ehelu-beytkii u horreeyey ee u hijrooda jida Alle intii ka dambeysey Nabi Ibraahiim iyo Nabi Luud". Waxay kooxdaasi
ku baxday si qarsoodi ah iyagoo baxaya habeennimo maxaa yeelay si caddaan ah uma bixi karin, gaaladii qureysheed markay ogaadeen
in kooxdaasi baxday waxay ka daba direen ciidan si loo soo qabto, maxaa yeelay baadilku waqti kasta oo u joogo iyo meel kasta
oo u joogo waa isku af, raallina ugama ahan xaqa inuuu ku fulo gudaha dibeddaba.
Nasiib wanaag kooxdii muslimiinta ahayd waxay isla markiiba tageen
baddii Ilaahna wuxuu uga sahlay doonyo ijaar ah oo meesha marayey, waxayna tageen dhulka Xabashida iyagoo Nabad qaba. Ciidankii
gaaladu soo dirtey waxay tageen baddii oo cidla ah dabadeedna waxay ku soo laabteen Makka, xaaladdu markay halkaas marayso
laba bilood ka dib, bishii Ramadaan ee isla sannadkii shanaad ee soo diriddii Rasuulka scw, ayaa maalin Rasuulka scw uu ugu
yimid madaxdii qureysheed oo kacbada gabren, markaasuu sidii caadadiisa ahaan jirteyba inuusan xaqa cidna uga cabsoon cid
walbana gaarsiiyo diinta Alle ha yeesho ama ha diiddee, ayuu odeyaashii ku dul akhriyey suuratu al-najmi oo ah suurad aad
cajiib u ah. Odeyaashii meesha joogay markay maqleen suuraddaas waa is hanan kari waayeen markaasay si fiican u dhegaysteen
uguna khushuuceen, maxaa yeelay in badan fursad ma siin iney qur'aanka dhegaysteen oo waxay iska ilaalin jireen iney maqlaan
wayna ku buuqi jireen, laakiin maanta ilaahay ma haleeshiin iney ku buuqaan. Rasuulku scw markuu dhammeeyey akhriskii suuraddaas
ayuu sujuuday sida mashruuca ah in la sujuudo marka suuraddaa la dhammeeyo.
Odeyaashii qureysh ee dhageysanayey iyagoon is ogeyn ayey hal
mar sujuud la wada daateen dhammaantood, markay sujuuddii ka soo kaceen ayey is haaraameen waliba kuwii meesha ka maqnaa ayaa
canaantay kuwii dhagaystey oo sujuudey kuna yiri: "ma maantaad qur'aankiisii iyo ilaahiis u sujuuddeen!?". Odeyaashii waxay
isla markiiba degsadeen jawaab been ah si ay isu difgaacaan waxayna yiraahdeen: "ilaahyadayaduu ammaanay oo markuu marayey
Laata, Cussa iyo Manaat ayuu yiri "kuwaasu waa asnaamtii sarreysey, shafeecadoodana la rajaynayey", sidaa darteed ayaannu
u sujuudney". Waxaa kale oo culimada qaarkood yiraahdaan hadalka ay sheegayaan shayaaddiintoodii ayaa dhegahooda ku akhrisey,
markaasey sujuudeen.
Markii qisadaani dhacday ayaa kooxdii muslimiinta ahayd ee dhulka
Xabashida u hijrootey waxaa la gaarsiiyey warkii oo la bddelay oo waxaa lagu yiri: "odeyaashii qureysheed waa islaameen" markaasay
si halhaleel ah uga soo laabteen dhulkii Xabashida maxaa yeelay awalba waxaa geeyey dhul aysan garaneyn dadkiisa iyo dhaqankiisa
carar ay diintooda la cararayeen. Muddo markay soo socdeen oo ay soo gaareen duleedka Makka ayey ogaadeen xaqiiqdii iyo in
warkii sidii loogu sheegay uusan ahayn cadaadiskii iyo dulmigii Makka yaalleyna uu sidii hore kaba daran yahay, markaasaa
talo ku caddaatey waxayna ka tashadeen waxay samayn lahaayeen. Ugu dambeyntii waxay u kala qeybsameen saddex qeybood: Qeyb
ku noqotay dhulkii Xabashida, qeyb dhuumasho ku soo gashay Makka iyo qeyb magangelyo weyddiisatey qaar ka mid ah odeyaashii
qureysh. Qureysh markay arkeen in dadkii shalay fakaday ay soo laabteen ayay kordhiyeen dhibkii iyo cadaadiski ay muslimiinta
ku hayeen waxayna soo saareen go'aanno cusub oo ah: in qabiil walba uu wiilkooda ama gabadhooda ku filnaado oo ciqaabo cadaasna
saaro.
Kooxdaan dhowr iyo tobanka ahayd ee xabasha u hjrootay waxaa
ka mid ahaa Abuu Bakar siddiiq hase yeeshee markay sii marayeen Barkul Qimaad ayaa waxaa la kulmay nin la oran jiray ibnu
Daqinna oo oday u ahaa reer Qaara markaasuu Abuu Bakar ku yiri: "xaggee u socotaa, Abuu Bakar ayaa markaa ku yiri: tolkay
ayaa isoo bixiyey waxaana doonayaa in aan dhulka ku socdo oo (tago meel aan) Rabbigay ku caabudo. Ibnu Daqinna ayaa hadlay
oo yiri: "adigoo kale ma baxo lamana bixiyo ee laabo oo baladkaaga Rabbigaa ku caabud anigaa ku meggan geliyeye, markaasuu
Abuu Bakar Ibnu Daqinna la soo noqday, Ibnu Daqinnana ogeysiis ayuu bixiyey inuu Abuu Bakar meggan geliyey. Qureyshna wa ay
ka aqbashay (laakiin waxay Abuu Bakar u ogalaadeen) in uu gurigiisa dhexdiisa ku caabudo Rabbigiisa oo uusan muujisan. Sidaas
ayuu markaa Abuu Bakar ahaa ilaa muddo wuxuuna sameyn jirey Qur'aanka ayuu kor u qaadi jirey isagoo gurigiisa joooga markaasaa
waxaa ku soo ururi jirey dumarka iyo carruurta gaalada iyagoo eegaya oo la yaabban, wuuna ooyi jirey Abuu Bakar marka uu Qur'aanka
akhrinayo, arrinkaasi wuxuu dhibay Qureysh waxay markaa u tegeen Ibnu Daqinna oo ka codsadeen inuu ka laabto (meggan gelyadii
uu Abuu Bakar u fidiyey), Ibnu Daqinna ayaa markaa Abuu Bakar u tegey oo kala doorransiiyey inuu (Abuu Bakar) cibaadada siraysto
ama kala noqdo meggan gelyadii, Abuu Bakar ayaa markaa u celiyey meggan gelyadiisii kuna yri: "waa kuu celiyey meggan gelyadaadii,
waxaana ku raaali ahay meggan gelyada Alle.
HIJRADII LABAAD EE DHULKA XABASHIDA
Markuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu
hayey dadkii muslimiinta ahaa ee joogey Makka oo aad u kordhay iyadoo waxa lagula dagaaallamayey ay ahayd tawxiidka iyo ciqiidada
saliimka aha oo ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray asxaabtiisii mar labaad iney dhulka Xabashida u hijroodaan oo sidaan soo
sheegnayba uu ka talinayey boqor caaddil ah. Waxaa marka baxay oo hijroday 83 rag ah iyo 18 dumar ah oo ku baxay si qarsoodi
ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo nabad qab ayey ku gaareen dhulkii Xabashida.
Madaxdii qureysheed markay maqleen
in dadkii muslimiinta ahaa ay dhulka xabashida u hijroodeen iyagoo ah caddad tiro badan, oo tegey meel ay diintooda iyo naftooda
ku ammaan helayaan, aad ayay u caroodeen waxayna isla markiiba qaateen tallaabo degdeg ah oo ay uga hortegayaan arrintaas.
Waxay direen laba nin oo la kala oran jirey Cumar binu Caas iyo Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica, waxayna u dhiibeen hadiyad
badan, waxayna ku dheheen "waxaad hadiyaddan u geysaan boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa, kuna hormara wasiirrada oo intaad
arrinka ka dhaadhicisaan u kaxaysta boqorka, boqorka markaad la kulantaanna waxaad u sheegtaan inuu gacanta idinka soo geliyeo
dadkaas isagoo aan ka hadalsiin".
Labadii nin waa ay baxeen iyagoo xoolo
badan oo hadiyaad ah daadihinaya, siday arrintu ahaydna waxay ku hormareen wasiirradii, nin walba oo ka mid ahaana waxay siiyeen
hadiyad fiican, go'aankii ay wateen way ka dhaadhiciyeen, ka dibna labadii nin iyo wasiirradii oo wada socda ayaa u wada tegey
boqorkii ahaa Najaashi, hadiyaddiisiina waa loo geeyey. Ka dibna labadii nin ee wafdiga ahaa mid ka mid ah ayaa istaagay si
uu barnaamijkii ay boqork iyo dowladda Xabashida ugu yimaadeen u soo gudbiyo, wuxuu yir "boqorow waxaa dhulkaaga soo galay
niman dhallinyaro ah oo aan caqli lahayn oo diintoodii kuwii u sharaf badnaa oo ahaa odeyaashoodii noogana ogaal badan xaalkooda
iyo waxa ay ku ceebeynayaan". Intaa markay soo bandhigeen labadii nin ayaa waxaa hadalkii qaatey wasiirradiii, oo sidaan soo
sheegnayba ahaa niman xoolo cunay waxayna yiraahdeen: "boqoroow run bay sheegayaane u dhiib ha celiyaane".
Najaashi oo siduu Rasuulka scw sheegayba
aha boqor caaddil ah, markuu dhegaystay hadalkii ay soo jeediyeen nimankii wafdiga ahaa ee hadiyadda keenay iyo ayiditaankii
wasiirradiisa ma uusan qaadan hadalkoodii kumana kedin arrimaahaasi inu caddaaladda ka tago oo hal dhinac keliya dhegaysto
ee wuxuu yiri: "ha la ii keena dhinaca kale".
Markii loo tegey dadkii muslimiinta
ahaa oo loo sheegay in boqorku rabo ayna yimaadeen niman loo soo diray ayey ka wada hadleen siday u qaabbili lahaayeen arrinkaas,
ugu dambeyntiina waxay qaateen go'aankii lagu yaqaanney qofka iimaanka macaankiisa dhadhamiya inuusan qofna uga cabsoon Ilaahay
diintiisa waxayna go'aansadeen wax kasta oo ku yimaada ineysan diintooda marna ka soo dabcin.
Waxayna af-hayeen ka dhigteen Jacfar
binu abii-dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis, dabadeed boqorkii ayaa loo yimid, hadalkiina waxaa bilaabay Jacfar wuxuuna
yiri: "boqoroow waxaan ahaan jirnay dad jaahiliya ah, sanamkaan caabudi jirney, bakhtigana waan cuni jirney, faaxishadana
waan la imaan jirney, qaraabadana waan goyn jirney, deriskana waan xumeyn jirney, midkayaga xoogga lehna wuxuu boobi jirey
kan tabarta daran, sidaas ayaan ahayn, markaasaa Ilaahay wuxuu no soo diray Rasuul annaga naga mid ah, oo aan naqaan nasabkiisa,
runtiisa, ammaanadiisa iyo dhowrsanaantiisa, wuxuuna noogu yeeray Ilaahay keliya inaan waxidno oo aan caabudno kana dhex baxno
wixii annaga iyo aabbayaashayo aannu caabudi jirney; sido kale wuxu na amray inaan warka ka run sheegno, ammaanadan gudanno,
qaraabdana xiriirinno, deriskana wanaajinno, xaaraamta iyo dhiigga dadkana ka fogaanno; sidoo kale wuxuu naga reebay xumaan
oo dhan, markhaati beenaalaha, xoolaha agoonta oo la cuno, gabdhaha dhowrsoon oo la af-lagaadeeyo (qadfo); sidoo kale wuxuu
na amray Allaah keliya inaan caabudno oo aanan u shariik yeelin; haddaba Rasuulkaas ayaannu rumeyney waana raacnay wuxuu noo
keenay oo Ilaahay diintiisa ah; Ilaah keliya ayaanna caabdunay, waxna ugu shariik yeeli mayno, waanna xarrimnay wuxuu Ilaahay
naga xarrimay, waana xalaalaynay wuxuu Alle noo xalaaleeyey; sidaa markaan yeelnay waxaa nagu xad gudbay dadkayagii, way na
cadaabeen, diintayadii ayey naga fitneeyeen, waxayna doonayaan inaan bannaysanno xumaataan bannaysan jirnay, markay na dirqiyeen,
na dulmiyeen oo ay na ciririyeen oo annaga iyo diintayadii ay kala dhex galeen ayaan waddaankaaga u soo baxsannay oo adiga
ku doorannay, derisnimadaadaanna jecel nahay, waxaanna rajayney inaan agtaada nalagu dulmineyn", intaas markuu Jacfar ku soo
koobay hadalkiisii aadka u qiimaha badnaa dhinac walbana wax ka ishaaray, ayaa Najaashi su'aal weydiiyey Jacfar oo ku yiri:
"waxa uu Nabigaasi xagga Ilaahay ka keenay wax ma ka haysaa", Jacfar wuxuu yiri haa, Najaashi ayaa yiri "akhri", markaasuu
Jacfar akhriyey Suuratu Maryam oo si fiican uga hadahsya qisadii Maryam iyo wiilkeedii Nabi Cise.
Najaashi markuu dhegaystey suuraddaas
oohin ayuu la dhacay ilaa uu gadhkiisii ka qoyey, wasiirradii meesha fadhiyeynaa sidoo kale way ooyeen markay maqleen Ilaahay
aayaatkiisaas. Najaashi ayaa markaas hadlay oo yiri: "waxaad akhriday iyo wixii Nabi Ciise la yimid hal dariishad bay ka soo
baxeeen", ka dibnay wuxuu ku jeestey labadii nin ee qureysh soo dirsatay oo ku yiri "Ilaahay ku dhaartaye inaanan idiin dhiibayn
dhibna looma geysan karo".
Intaas markuu fadhigii ku dhammaaday
oo lagu kala dareeray ayaa Camar binu Caas ku yri saaxiibkiisii Cabdullaahi ibnu Rabbiica "Ilaah ayaan ku dhaartaye shirqool
ayaan u samaynayaa dadkaas berrito aan ku dabargooyo markaasoo Cabdullaahi ku yiri "ha samynin arrintaa, maxaa yeelay waa
tolkeen haba na khilaafaane', hase yeeshee Camar waa ku adkeystey go'aankiisii wuxuu mar labaad ku laabtay Najaashi isaga
iyo saaxiibkiis waxayna ku dheheen "boqoroow dadkaani Ciise ibnu Maryama waxay ka sheegaan hadal weyn", markaasaa mar kale
loo yeeray muslimiintii, markay yimaadeenna Najaashi ayaa hadlay oo yiri "maxaad ka aamminsan tihiin Nabi Ciise?", Jacfar
ayaa u jawaabay oo yiri 'waxaan ka aamminsannahay wixii Nabigayagu noo sheegay oo ah inuu yahay Ilaahay addoonkiisii, Rasuulkiisii,
ruuxdiisii iyo kalimmaddiisii uu Maryama ku riday", markaasaa Najaashi qori yar kor u qaaday oo yiri "iska taga aammin baad
ku tihiin dhulkayga qofkii dhib idiin geystana waa dambiile, mana jecli in la siyo buur dahab ah oo qof idinka mid ah dhib
loo geysto", labadii nin ee qureysh ka socdeyna wuxuu u yiri "ha loo celiyo hadiyaddooda uma baahniye".
Ka dibna isagoo hadalkiisii sii wata
wuxu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye hadda ka hor markii inqilaabka la igu sameeyey ee Ilaahay iiga gargaaray laaluush igama
uusan qaadan, qof bini aadan ahna arrinteyda kalama uusan tashan, aniguna arrintiinna laaluushna ku qaadan maayo qof binu
aadan ahna ku raaci maayo". Hadalkaas oo ula jeedo in Ilaahay u gargaaray, asna Ilaahay diintiisa iyo xisbigiisa uu u gargaarayo,
sidaas ayaana arrintii ku dhammaatay, wafdigii qureyshna ku laabtay isagoo la murug geliyey, hadiyaddiina lagu soo celiyey,
muslimiintiina waxaa Ilaahay siiyey cisso iyo wanaag, waxayna dhulkii Xabashida ku joogeen nabadgelyo iyo wanaag.
Madaxdii qureysheed markii wafdigoodii
ku soo laabtay una warramay wixii uu dhulka Xabashida kala soo kulmay ayey aad u caroodeen kana xumaadeen, waxaa kaloo murugo
kale ku sii noqotay in Ilaahay diintiisii ay Makka dhaaftay oo ay gaadhay Afrika ammaanna ku heshay, ayna baab'day arrintii
ay doonayeen oo ahayd in diintu aysan Makka dhaafin oo ay halkaas ku cabburiyaan.
Asalaamu aleykum, OsmanBillad
U TEGITAANKII ABII-DHAALIB
Qureysh markay tallaabo walba oo ay
qaadday, oo ay rabtey in ay dacwada islaamka ku joojiso, ay u suurtageli wayday, dacwadii islaamkuna ay marba marka ka dambeysa
sii fideyso, dadka raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay Nabi Maxammed SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis
Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen waxna aan ka qaban Nabi Maxammed ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku dheheen "Abii-dhaalibow
waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh hadda ka horna waan kuu nimid annagoo kaaga dacwooneyna wiilkaad adeerka
u tahay, hase yeeshee nagama aadan qaban oo kaalintaadii waad ka soo bixi weydey, haddaba ilaah baan ku dhaarannaye ku sabri
mayno mar dambe wuxuu nagu samaynayo wiilkaad adeerka u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo, ilaahyadayada oo wax laga
sheego iyo caqligayaga oo la duro, marka ama naga qabo ama noo daa", Abii-dhaalib dacwadaas ay odeyaashu ula yimaadeen oo
ka dhex taagan wiilkiisa iyo tolkiis aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeeray Rasuulka SCW oo ku yiri "adeer reer tolkaa waa
ii yimaadeen sidaasayna i yiraahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood u lahaynna ha igu kallifin". Rasuulka
SCW markuu dhegaystey fikraddii adeerkiis u soo jeediyey, arkayna in adeerkiis ka soo dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici
karto inuu ka baxo garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yiri "adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma awoodo
in aan ka tago arrinka la ila soo diray, markaasuu abii Dhaalib yiri: "Ilaah baan ku dhaartaye ben ma sheegin wiilkaan adeerka
u ahay weligiis e iska noqdo".
Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu
ka istaagay isagoo ilmo ay indhihiisa ku soo joogsatay waayo arrinka uu maanta adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in xaqa
iyo diinta laga haro oo kufri la raaco. Abii-dhaalib markuu arkay go'aanka kama dambaysta ah ee uu Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeeray oo ku yiri
"adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma ay soo gaarayso awooddoodu (dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee amarkaaga la jahar
wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna bishaarayso indhahaaguna ha ku qaboobaan sidaas".
Madaxyaweyntii qureyshee d markay
arkeen Abii-dhaalib inuusan waxba ka qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii iyo diintoodii
uu ku sheegayo baadi uguna yeerayo iney Ilaah kaliya caabudaan ayey mar saddexaad Abii-dhaalib ku laabteen waxayna ku dheheen
"Abii-dhaalibow waxaad tahay nin akhyaar ah wiilkaagana wuxuu samaynayo waad la socotaa, adiga laftaaduna nala diin baad tahay
oo m araacsanid diintiisa haddaba wiilkaan dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii ku ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee,
(dilnee) adigana waxaan kuugu beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid abnu Muqiira oo la yiraahdo Cimmaara, oo ah wiil aad
u fiican, marka qaado wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba", Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yiri "ma waxaad iigu timaaddeen
inaan wiilkiina idiin koriyo, keygana aad dishaan", meeshiina waa lagu kala tegey.
U TEGITAANKII ABII-DHAALIB
Qureysh markay tallaabo walba oo ay
qaadday, oo ay rabtey in ay dacwada islaamka ku joojiso, ay u suurtageli wayday, dacwadii islaamkuna ay marba marka ka dambeysa
sii fideyso, dadka raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay Nabi Maxammed SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis
Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen waxna aan ka qaban Nabi Maxammed ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku dheheen "Abii-dhaalibow
waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh hadda ka horna waan kuu nimid annagoo kaaga dacwooneyna wiilkaad adeerka
u tahay, hase yeeshee nagama aadan qaban oo kaalintaadii waad ka soo bixi weydey, haddaba ilaah baan ku dhaarannaye ku sabri
mayno mar dambe wuxuu nagu samaynayo wiilkaad adeerka u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo, ilaahyadayada oo wax laga
sheego iyo caqligayaga oo la duro, marka ama naga qabo ama noo daa", Abii-dhaalib dacwadaas ay odeyaashu ula yimaadeen oo
ka dhex taagan wiilkiisa iyo tolkiis aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeeray Rasuulka SCW oo ku yiri "adeer reer tolkaa waa
ii yimaadeen sidaasayna i yiraahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood u lahaynna ha igu kallifin". Rasuulka
SCW markuu dhegaystey fikraddii adeerkiis u soo jeediyey, arkayna in adeerkiis ka soo dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici
karto inuu ka baxo garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yiri "adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma awoodo
in aan ka tago arrinka la ila soo diray, markaasuu abii Dhaalib yiri: "Ilaah baan ku dhaartaye ben ma sheegin wiilkaan adeerka
u ahay weligiis e iska noqdo".
Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu
ka istaagay isagoo ilmo ay indhihiisa ku soo joogsatay waayo arrinka uu maanta adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in xaqa
iyo diinta laga haro oo kufri la raaco. Abii-dhaalib markuu arkay go'aanka kama dambaysta ah ee uu Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeeray oo ku yiri
"adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma ay soo gaarayso awooddoodu (dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee amarkaaga la jahar
wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna bishaarayso indhahaaguna ha ku qaboobaan sidaas".
Madaxyaweyntii qureyshee d markay
arkeen Abii-dhaalib inuusan waxba ka qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii iyo diintoodii
uu ku sheegayo baadi uguna yeerayo iney Ilaah kaliya caabudaan ayey mar saddexaad Abii-dhaalib ku laabteen waxayna ku dheheen
"Abii-dhaalibow waxaad tahay nin akhyaar ah wiilkaagana wuxuu samaynayo waad la socotaa, adiga laftaaduna nala diin baad tahay
oo m araacsanid diintiisa haddaba wiilkaan dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii ku ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee,
(dilnee) adigana waxaan kuugu beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid abnu Muqiira oo la yiraahdo Cimmaara, oo ah wiil aad
u fiican, marka qaado wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba", Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yiri "ma waxaad iigu timaaddeen
inaan wiilkiina idiin koriyo, keygana aad dishaan", meeshiina waa lagu kala tegey.
ISLAAMIDDII XAMSA BINU CABDI MUDHALIB
Xamsa binu Cabdimudhalib oo ah Nabiga
SCW adeerkiis sida uu ku islaamay waxay ahayd, maalin ayuu ugaar doontay intuu gammuunkiisii iyo qaansadiisii qaatey, goor
uu ugaarashadii jiro ayuu Abii-jahal Rasuulka SCW aad u caayey gacanna ula tegey.
Markuu Xamsa soo laabtay ayaa
arrintii loo sheegay oo lagu yiri "haddaad arki lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd waad
yaabi lahayd", Xamsa markii arrintii loo sheegay loo sheegay ayuu xanaaqay markaasuu dhaqaaqay isagoo qaansadiisii iyo gammuunkiisii
wata wuxuuna tegay kacbada oo ay fadhiyaan Abii-jahal iyo rag kale oo qureysh ah, markaasuu caayey Abii-jahal dhinaciisa fadhidey
soo yaacday si ay Xamsa u waxyeelleeyaan.
Abii-jahal ayaa markaa hadlay oo yiri
"iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii uu adeerka u ahaa dhib u geystaye", iyadoo Abii-jahal sababtuu sidaa u yeelayey ay
ahayd biqid uu ka baqayey in Xamsa islaamo ama ay arrintu gaadho heer laboa qabiil loo kala safto.
Xamsa oo xanaaqsan ayaa hadlay oo
yiri "wiilkaan adeerka u ahaa baad dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay", sidaas ayuu Xamsa ku islaamay
ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAAB
Cumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii
hore islaamka iyo muslimiinta aadka u dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo diriddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo kacay isagoo
raba inuu Rasuulka SCW dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yiri "Cumar xaggee u socotaa?", wuxuu yiri
"waxaan rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala geeyey", markaasuu ku yiri "ma waxaad u malaynaysaa haddii
aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid, haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii Siciid way
islaameene maad iyaga wax ka qabatid!".
Cumar ayaa markaa aaday gurigii walaashii
isagoo xanaaqsan, markuu gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay qur'aan la akhrinayo waxaana guriga joogey walaashiis,
ninkeedii iyo Khabaab oo qur'aan u akhrinayey. Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen
inuu Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina waraaqihii qur'aanku ku yiilley xaseysey (qarisay).
Cumar markii guriga laga furay ayuu
gabadhii ku yiri "keen wixii aad akhrineyseen", markey u diideenna Siciid ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday
ninkeedii ilaa uu iyadii dakharro gaarsiiyey. Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaarsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey dheheen
"waxaad doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna islaamnay". Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo dhibkuu
reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri "i tus waxaad akhrineyseen",
waxay dheheen "waxaad tahay nijaas ee soo qubeyso haddaad rabtid inaan ku tusno", wuu soo meyrtay markuu soo taabtayna waraaqdii
ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu suuraddii akhireyey ayuu yiri "hadalkaan waa hadal
cajiib ah".
Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu
maqlay hadalka Cumar iyo siduu u soo dabcay ayuu soo baxay oo ku yiri "Cumarow waxaan rajaynayaa iney kugu dhacday ducadii
Rasuulka SCW kolkuu lahaa "Ilaahow laba Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo Abii-jahal) midkaad kheyr ku og tahay islaamka ku xooji".
Cumar intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay qalbigiisa hanuun ku soo riday ayuu yiri "xaggee joogaa Nabigii?", markaas ayaa
loo tilmaamay meeshuu joogo. Cumar isagoon weli hubkiisii iska dhigin ayuu meeshii tegey oo ku garaacay gurigii Rasuulka SCW
iyo asaxaabtiisu ay joogeen. Asxaabtii markay arkeen Cumar, ayaa la yiri "waa Cumar", markaasaa Xamsa oo muddo yar ka hor
sii islaamay meeshana joogey yiri "soo daaya, hadduu wanaag u socdana waan arkaynaa, hadduu xumaan u socdana seeeftiisaan
ku dileynaa'. Cumar gurigii ayuu galay, ka dibna halkaa ayuu ku soo islaamay.
Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen
Ilaahay wuxuu muslimiintii siyaadiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is beddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey
tallaabooyin wuxuuna yri "waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay inuu Abii-jahal yahay, markaasaan
gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay, albaabka ayuu iga furay oo i soo dhoweeyey yirina "maxaad iigu timid Cumar", waxaan ku
iri "waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo rumeeyey Alle iyo Rasuulka SCW , waxaan haysan jirneyna aan beeniyey",
Abii-jahal intuu naxay ayuu yiri "waxaad la timid baa xumaaday" gurigii buuna ku cararay. Sidoo kale wuxuu Cumar yiri "waxaan
is weydiiyey ninka ugu warqaadka badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara, waxaan xasuustay inuu yahay Sumeyn
ibnu Camar al-juhani", markaasaan u tegay oo ku iri "waan islaamay " markaasuu u qeyliyey isagoo leh "Cumar ibnu Khadhaab
waa iishay" Cumarna wa ka daba hadlay isagoo leh "ma iilane waan islaamay".
Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu
islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii allow sow xaq kuma taagnin, waa inaan baxnaa oo dhammaanteen aan kacbada ku
soo tukannaa", Rasuulkuna SCW waa ka yeelay, markaasaa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah oo safna Cumar ku jiro safna
Xamsa. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba
dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Cumarna gaarsiiyey Caas ibnu Waa'il.
Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii
muslimiiinta ahaa cissi waxayna bilaabeen in waxyaalo badan oo ay la dhuuman jireen ay bannaanka soo dhigaan siduu Bukhaari
ka weriyey Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu yiri "kama aannaan suulin cissi intuu Cumar islaamay".
ERGEYGII QUREYSHEED EE RASUULKA
SCW U TEGEY
ERGEYGII QUREYSHEED EE RASUULKA
SCW U TEGEY
Duqowdii qureysheed markay arkeen
xaaladdu meesha ay ka sii degeneyso iyo ineysan waxba ku joojin karin dagaal iyo xumaan ayey beddeleen go'aankoodii ahaa in
Rasuulka SCW la dilo, waxayna bilaabeen iney tartiib iyo wada hadallo ku wadaan hawsha sidaa darteed ninkii la oran jirey
Cutba binu abii Rabbiica, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii qureysh ayaa ku yiri odeyaashii "ka warrama haddaan Maxammed u tago
ooarrimo u bandhigo, waxa la arkaa inuu naga aqbalee", odeyaashii waa ku farxeen waxayna dhaheen waa yahay.
Cutba wuxuu u tegey Rasuulka SCW wuxuuna
ku yiri "i dhegeyso wiilkaan adeerka u ahaayow, waad la socotaa sharafta iyo wanaagga aad tolkaa ku lahayd iyo meeshaad ka
joogtay, sidaad sidaa u ahayd waxaad la timid arrin weyn oo is haysigii tolkaa kala geeyey, caqligoodiina waa durtay, ilaahyaashoodiina
waad ceebaysey, aabbayaashoodii tegeyna waad baadiyeysey, haddaba dhowr arrimod baan kuu soo bandhigayaaye dhegeyso" Rasuulka
SCW wuxuu yiri "dheh Abaa Waliid, waan ku dhegeysanayaaye" wuxuu yiri Cutba "wiilkaan adeerka u ahaayow haddaad arrinkaan
u samaynaysid maal badsasho, maal ayaan kuu ururineynaa ilaa aad ka noqoto kan noogu xoolo badan, haddaad dooneyso sharafna
sayid baan kaa dhiganaynaa, haddaad boqornimo dooneyso boqor ayaan kaa dhiganaynaa, haddii waxa kuu imaanaya uu yahay jinni
oo aad jirran tahay dhakhtar ayaan kuu geynaynaa, maalkaygana waa kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo".
Rasuulka SCW wuxuu ku yiri "ma dhammaysatay
abaa Waliid?", wuxuu yiri "haa", markaasuu Rasuulka SCW yiri "anna bal i dhegayso" markaasaa Rasuulka SCW bilaabay oo ku dul
akhriyey suuatu Fusilat. Cutba markuu qur'aankii dhegaystay ayuu aad ugu khushuucay ka dibna wuxuu yiri "iga jooji". Rasuulku
SCW markuu aayaatkii dhammeeyey odeyaashii ayuu ku laabtay isagoo beddelan. Odeyaashii markay arkeen Cutba oo cagajiid ah
oo soo laabtay ayey isu dheheen "Ilaah ayaan ku dhaaranaye, wejigii uu idin kala tegey weji aan ahayn ayuu la soo socdaa".
Ka dib markuu yimid ayaa la yiri "maxaad waddaa?" wuxuu ku jawaabay waxaan soo maqlay hadal aanan weligey maqal isagoo kale,
Ilaah baan ku dhaartaye inuusan ahayn sixir, mana ahan curraafinnimo, ee nimanyohow maanta hadalka igu raaca oo ninkaas iyo
arrintuu wato faraha ka qaada, waxa uu akharinayana wuxuu la imaan doonaa sha'ni weyn, ninkaasna faraha ka qaada oo isu daaya
isaga iyo carabta kale oo hadday dilaan oo ay idinka kaafiyaan waa sidaad rabteen, haduu isagu guuleystana boqortooyadiisu
waa tiinna, cissigiisuna waa cissigiinna oo idinkaa iska leh, waxaadna noqon doontaan kuwa dadka ugu nasiib badan".
Odeyaashii qureysh oo ahaa niman aan
Ilaahay xaqa la doonin si walba oo wax loo tusaaleeyana aan ku qancayn, wax walbana ka hor keenaya madax adayg iyo caniidnimo
markay dhagaysteen fikraddaas wanaagsan ee ninkaa odeyga ihi u soo jeediyey waxay dheheen "wuu ku soo sixray oo carrabku kugu
soo sixray". Cutba wuxuu yiri "waa taas aniga taladaydii ee waxaad doontaad sameeya".
CUNAQABATAYNTII REER HAASHIM IYO
REER MUDHALIB
Odeyaashii qureysh markay arkeen in
aan Nabiga SCW marna u soo dabcayn, boqortooyo iyo wax walba oo loo ballanqaadana uusan doonayn, diintiisiina ay soo xoogeysanayso,
rag khatar ahna ayba raaceen, hadday sidaa ku sii socotana ay rag badan oo kale raaci doonaan, ayey ku laabteen ficilkoodii
hore oo kordhiyeen dhibkii ay Nabiga SCW ay u geysanayeen gacanna ula tageen.
Abii-dhaalib markuu arkay waxay qureysh
samaynayso iyo go'aanka ay gaareen oo ah iney Nabiga SCW dilaan, wuxuu isugu yeeray reer Haashim iyo reer Mudhalib wuxuuna
ku yiri "xaal meeshuu marayo waad aragtaan iyo in la rabo Maxammed la dilo, Maxammedna idinkuu idinka dhashay cid kale oo
difaaceysaana ma jirto haddaba waa inaan difaacnaa dhammaanteen". Go'aankii Abii-dhaalib waa la qaatay oo labadaas reer waxay
go'aan ku gaareen in kooda muslimka ah iyo kooda gaalka ahi ay difaacaan Nabiga SCW Abii-lahab oo diidey maahee. Qureysh markay
go'aanka labadaas reer ay wadajirka u qaateen oo ah iney Nabiga SCW difaacaan waxay isugu yimaadeen shir ay arrintaa ku falanqeynayaan,
ugu dambayntiina waxay soo saareen go'aan adag oo ah in cunaqabatayn lagu soo rogo labadaas reer, warqado ayeyna go'aammadii
ku qoreen kuna dhejiyeen kacbada. Go'aammadaa waxaa ka mid ahaa: inaan wax laga gadan karin lagana iibin karin, inaan loo
guurin karin lagana guursan karin, inaan lala macaamaloon karin lana caawin karin.
Labadii reer waxay iyaguna go'aansadeen
in aan loo jixinjixin arrimahaas ay qureysh soo saartay, mowqifkoodiina waxba ka beddelin, Abii-dhaalibna wuxuu go'aamiyey
in la dego kayntii uu degganaa iyo in la ilaaliyo Rasuulka. Abii-dhaalibna wuxuu sameyn jirey, habeenkii Rasuulka SCW ayuu
gogoshiisa ku seexin jirey, gogosha Rasuulka SCW qof kale ayuu seexin jirey. Cunaqabatayntan oo bilaabatay bilowgii sannadki
7aad ee soo diriddii Rasuulka SCW waxay socotay saddex sano ilaa laga gaaray sannadkii 10aad. Waxaa labadaas reer la soo gudboonaatay
dhibaato iyo baahi aad u daran ilaa ay caleenta iyo haragga ka cuneen, dhawaqa carruurtuna uu guryahooda ka baxayey.
Sannadkii 10aad horraantiisii ayey
cunaqabataytii dhammaatay oo laga takhalusay. Habka looga takhalusayna wuxuu ahaa, nin la oran jirey Hishaam ibnu Camar ayaa
markuu arkay dhibaatada iyo dulmiga lagu hayey reerahaasi meesha ay gaartey iyo inaan loo dulqaadan karin waxay qureysh samaynayso
ayuu is xilqaamay oo u istaagay siduu arrintaa ku tirtiri lahaa, wuxuuna uu ugu horreyntii u tegey nin la oran jirey Suheyr
ibnu abu Ummaya oo ay dhashay Caatika bintu Cabdimudhalib markaasuu ku yiri "waxa aan samaynayno ma wax loo dulqaadan karayo
ayey kula yihiin, mase ku raalli noqotay inaad dheregto abtiyaashaa iyo habaryarahaana ay meeshaa ku gaajoodaan." Markaasuu
Suheyr yiri "Anigaa nin keliyaan ahaye maxaa samayn karaa." Hishaam wuxuu yiri "Anigaa kula jira cid kalena waa raadineynaa".
Wuxuu u tegey saddex nin oo kale oo arrintii ka dhaadhiciyey dabadeedna shantoodii ayaa tashaday.
Subixii dambe markii kacbada la isugu
yimid ayaa Suheyr intuu si fiican u soo lebbistay oo kacbada dawaafay ayuu yiri "warqaddaas xunta ah oo daallimadda ah dadkana
baabi'isay bari baan ka nahay." Abii-jahal baa soo
boday oo yiri "been baad sheegtay lamana baabi'inayo", shantoodii mid kale oo ka mid ah ayaa ka daba hadlay oo ku yiri Abii-jahal
"adigaa ka been badan " intuusan Abii-jahal weli hadlin ayaa midkii saddexaad yiri "labadaas nin ayaa run sheegay wax kale
ninkii ku jawaabaana been ayuu sheegay, kii shanaad ayaa sidoo kale u hadlay. Abii-jahal markuu arkay intaas oo nin oo iska
daba hadashay oo weliba xamaasadaysa, wax kale oo ka dambeeyana uusan garanayn ayuu yiri "arrinkaan meeshaan meel aan ahayn
ayaa lagu soo qaatay xalay baana loo soo dhiray" sidaa ayaa warqaddii kacbada ku dhegganayd oo qodabbadii cunaqabtayntu ay
ku qornaayeen loo baabi'iyey, cunaqabatayntiina ku dhammaatay. Waqtigaasu wuxuu ahaa bishii Muxarram sannadkii 10aad marka
laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.
XUSUUSIN: "Dhamaan inta casharka
ku xiran ama jecel in ay bartaan Siirada Xabiibkeena Maxammed SCW, ha isku dayaan in ay bartaan oo ku daydaan wuxuu Isuga
samayn jirey. Yeyna inta iska aqrin faraha ka qaadin ee ku dayda isaga qofkii kaloo aad uga sheekayn kartidna u sheeg." OsmanBillad
GEERIDII ABII-DHAALIB
Abii-dhaalib wuxuu ahaa Nabiga SCW
adeerkiisii soo koriyey toban sanana difaacayey oo qureysh uga biqi jirtey, muddo badanna ay odeyaashii qureysheed ku soo
noqnoqdeen iyagoo uga dacwoonaya Rasuulka SCW dhibaatooyin badanna ka soo gaadheen difaaciddii Nabiga SCW iyadoo sababta uu
u difaacayeyna ahayd ficilo qabiil iyo inaan wiilkuu adeerka u yahay lagu xad gudbin intuu nool yahay.
Tobankaa sano ee uu Rasuulka SCW difaacayey
ma uusan qaadan islaamka isagoo ujeeda inuu xaq yahay oo xitaa gabay ku sheegay in islaamku yahay diin xaq ah sababta uu u
rumeyna waxay ahayd Ilaah oo aan la damcin hanuunka.
Sannadkii 10aad ee soo diriddi Rasuulka
SCW markay cunaqabatayntii dhammaatay ka dib ayuu Abii-dhaalib xanuunsaday, xanuunkaas oo ahaa kii uu u geeriyooday. Odeyaashii
qureysh markay maqleen xanuunkaas Abii-dhaalib ayey shir qaateen waxayna is dheheen "waad maqasheen in uu Abii-dhaalib xanuunsan
yahay waxaana la arkaa inuu u dhinto, annaga iyo Maxammedna is gefi mayno oo xaaladdiisu meel adag ayey taagan tahay, haddaan
waxyeelleyno markii Abii-dhaalib dhintana carab ayaa na ceebeynaysa oo dhahaysa "intii Abii-dhaalib noolaa wax way yeeli kari
waayeen laakiin markuu dhintay ayey waxyeelleeyen" sidaa darteed waa hadda u tagnaa Abii-dhaalib oo ku dhahnaa annaga iyo
wilkaaga arrin cad nakala sii oo ha nabad geliyo ilaahyadayada iyo diintayada annaguna waa nabad gelineynaaye." waxay markaa
Abii-dhaalib u direen 25 nin oo odeyaashoodii ka tirsanaa oo go'aankaas ula tegey. Abii-dhaalib markuu arrinkoodii dhegaystay
ayuu Rasuulka SCW u yeeray oo ku yiri "adeer reer tolkaa arrintaan bay la yimaadeene ka warran" Rasuulka SCW wxuu yiri "adeer
hal kalimad keliya ha ii dhahaan", Abii-jahal ayaa hadlay oo yiri 'hal keliyaa.. iyada iyo toban la mid ah ayaan kuu dhahayaa".
Rasuulka SCW wuxuu yiri waxaad dhahdaan "LAA ILAAHA ILLA LAAH". Nimankii qureysheed markay maqleen "ninkaani wax uu idiin
oggol yahay ma jirtee naga soo kiciya meesha".
Ibnu Hishaam wuxuu yiri arrintani
waa qisada ay ka warramayso suuradda la yiraahdo SAAD bilwgeeda. Waxaa is weyddiin leh sababtaa ay u diideen iney hal mar
yiraahdaan kalimmadaas tawxiidka, maxay se toban jeer intay afka ka dhahaan ay howshooda isaga wadan waayeen? Su'aalahas jawaabtoodu
waxay weeye, waxay ogaayeen macnaha ka dambeeya kalimaddaas iyo iney dhaqankooda oo dhan beddelayso, mana aysan rumeysneyn
sida ay maanta in badan oo muslimiin sheeganayaa ay ku kadsomeen oo kalimmadaas iney afka uga dhawaaqaan ahayn maxaa yeelay
islaamku waxaa weeye inu qofku qalbiga ka ictiqadiyo xubnahana uga dhaqmo Ilaahna si toos ah ugu xirnaado. Sidaa kale Allah
isagoo tilmaamaya in markii allah keliya la sheego ay dhabarka jeedinayaan waxuu yiri:
"((Waxaan quluubtooda yeelnay dabool
in ay fahmaan qur'aana, dhagahoodana culays, haddii aad (Nabiyow) qur'aanka dhexdisa ku xusto Rabbigaa kaligii waxay jeedinayaan
dabada iyagoo cararaya), (Suuratul-Israa 46).
Ugu dambayntii Abii-dhaalib xanuunkii
ayaa ad ugu siyaaday, Rasuulka SCW wuxuu aad isugu hawlay siduu adeerkiis uga badbaadin lahaa cadaabka Alle, laakiin Alle
ayaan hanuun la damcin. Maalinkii ugu dambeysey ee sakaraadku hayey ayaa waxaa u yimid Rasuulka SCW isagoo ay la joogaan Abii-jahal
iyo Cabdullaahi ibnu abii Ummaya oo doonaya in Abii-dhaalib ku dhinto diintii aabbayaashood, markaasuu Rasuulka SCW adeerkiis
ku yiri "adeerow dheh LAA ILAAHA ILLA LAAH kalimmad aan Ilaahay agtiisa kaaga doodo" Abii jahal iyo Cabdullaahi ibnu abii
Ummaya ayaa ka daba hadlay o yiri "Abii-dhaalib, ma diintii Cabdimudhalib baad ka tegeysaa?", kama aysan suulin iney ka daba
hadlayaan mar kasta oo uu Rasulka SCW u bandhigo adeerkiis kalimmaddaas tawxidka ilaa uu markii dambe ka yiri "waxaan ku dhimanayaa
diinta Cabdimudalib".
Abii-dhaalib waa uu ogaa in diinta
Nabi Maxammed SCW uu wataa ay xaq tahay sida uu ku caddeeyey gabayaduu tiriyey, laakiin wuxuu xaqa u diiday armaa lagu yiraahda
markuu dhimanayey buu baqdin daraaddeed u islaamay. Calla kulli xala ilaah ayaan hanuun u qorin sidaa ayuuuna ku geeriyooday.
Allaah markuu arkay Rasulka SCW sida uu u jecel yahay adeerkiis isaguna hawlay hanuunkiisa ayuu aayaddaan ku soo dejiyey Rasulka
SCW, oo ku yiri:
((Adigu ma hanuunin kartid ciddaad
jeceshahay laakiin Alle ayaa hanuuniya ciddduu doono, isagaana og kuwa hanuunaya)), (Suuratul-Qasas 56).
Markii uu kufrigaas ku dhintay ayuuu
Rasuulka SCW yiri "wan kuu dambi dhaaf weyddiin intaan la iga reebin" Hase yeeshee muddo ka dib markii Madiino loo wareegay
ayaa Allaah soo dejiyey aayaddaan looga reebayo Rasuulka SCW iyo mu'miniinta iney gaalo dambi dhaaf u dalbaan.
((Uma haboona Nabiga iyo kuwa rumeeyey
in ay Mushrikiin u dambi dhaaf wayddiiyaan, haba ahaadeen (mushirikiintaasi) qaraabadood, ka dib intay u caddaatay in ay yihiin
(gaalo) ehelu Jaxiima), (Suuratu-Tawbah 113).
DHIMASHADII KHADIIJA
Sidaan ogsoon nahay Khadiija waxay
ahayd xaaskii Rasuulka SCW ee ugu horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo dhanna u dhashay Ibraahim maahane, Rasuulka SCW aad
ayuu u jeclaa, aad beyna u garab istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u murugoodana way ka baabi'in jirtey nafteedii, maalkeedii
iyo waqtigeediina waxay u hurtay diinta islaama waxayna ahayd qofkii labaad ee ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen Rasuulka
SCW. Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu Abii-dhaalib dhintay wax yar kadib.
Khadiijo waxay lahayd fadli aad u
tira badan oo aan la soo koobi karin haddiise aan wax ka mid ah soo qaadanno. Maalin ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka
SCW markaasuu ku yiri "Rasuulkii Allow tani waa Khadiijo oo wadda weel uu ku jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan, hadday kuu
timaaddo gaarsii salaan xagga Alle ka timid uguna bishaaree guri Jannada ku yaalla oo ka samaysan Lu'Lu' oo aan dhib iyo daal
lahayn".
Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay
oofsaday sannadkii 10aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65 sano, Nabiguna wuxuu jirey 50 sano, waxayna wada
joogeen 25 sano. Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la yiraahdaa Sannadkii Murugta, waxaana Rasuulka SCW
soo foodsaartay dhib aad u weyn maxaa yeelay waa labadii qof oo ay gaaladu Rasuulka SCW ugaga hakan jireen.
Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo asxaabtiisu
uma jixinjixin dhib kasta oo ku timaaddda, Allahna qur'aank ayuu intaa ku soo dejinayey uu ku boorrinayey iney ku sabraan
dhibka ogaadaanna iney ciribta dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka SCW wuxuu sannadkaas 10aad markay Khadiijo dhimatay Sawda
bintu Samca oo ka mid ahayd muslimiintii hijradii labaad ee dhulka Xabashida aaday ninkeediina halkaas ku dhintay.
DHIBAATADII REER DAA'IF
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markay
Makka dacwadii ka soo wadeen 10 sano, juhdi nooc walba ahna ku bixiyeen, shacabkii reer Makkana wax yar maahee ay ka wada
hor yimaaddeen islaamkii, Nabiga SCW iyo asxaabtiisiina ay Makka ka noqdeen tuke cambaar leh, ayaa Rasuulku SCW wuxuu ku dhaqaaqay
tallaabo kale oo ah in uu dacwadii gaarsiiyo magaalooyinka kale ee Makka u dhowaa oo laga yaabi karey iney islaamka qaataan,
taasoo ah arrinta had iyo jeer lagu yaqaanno qofka daaciga ah inuusan quusan haddii irrid ka xiranto irrid kale uu garaaco,
haddii ay meel dacwadii iyo xaqii diiddana ay meel kale qaadato. Sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu aaday Daa'if oo Makka u
jirta 60 mayl isagoo uu la socdo seyd binu Xaarith wuxuuna doonayey inuu dacwada gaarsiiyo shacabka reer Daa'if.
Rasuulka SCW intuu dhexda sii socday
qabiil kasta oo uu sii maro wuxuu ugu yeerayey islaamka hase yeeshee cidna ma ajiibin. Markuu gaaray magaaladii Daa'if wuxuu
ugu horreyntiiba u tegey madaxdii reer Daa'if raggii ugu sarreeyey oo ahaa saddex nin oo walaala ahaa oo la kala oran jirey Cabdiyaaliin, Mascuud iyo
Xabiib ilma Camar ibnu Cumeyr Al-thaqafi ayey ahaayeen. Wuxuu Rasuulka SCW saddexdaa nin u bandhigay dacwadii islaamka hase
yeeshee waxay noqdeen kuwo ka shar badan kuwii Makka, wuxuuna ku jawaabay kii u horreeyey "haddaad run sheegeyso oo Ilaah
adiga ku soo direy waxaan jeexjeexayaa maryaha kacbada", kii labaadna wuxuu yiri "Ilaahay ma waayey cid kale oo uu soo diro",
kii saddexaad wuxuu isna yiri "kuu jawaabi maayo haddaad run sheegayso, maxaa yeelay Rasuul uma jawaabi karo, haddaad Alle
ku been abuuranaysana ma mudnid in laguu jawaabo".
Rasuulka SCW markuu saddexdaa nin
jawaabohoodii arkay iyo ineysan xaqa diyaar u ahayn ayuu dadkii u tegey oo dacwadii u bandhigay uguna tegey qof qof iyo koox
koox waxayse noqdeen kuwo ka dhib badan reer Makka waxayna is gaarsiiyeen inuu Makka ka yimid nin waalan oo Maxammed la yiraahdo,
waxayna ku direen wax ma garatadii, dumarkii, carruurtii iyo dadkii waalnaa. Markuu Rasuulka SCW damcay inuu ka baxo magaaladiina
way daba galeen iyagoo ku orinaya oo dhagaxyeynaya ilaa uu Nabiga SCW ka baxay Daa'if isagoo uu dhiiggu ka tifqahayo lugihiisa
oo dhibaateysan.
Markuu muddo sii socdey ayuu galay
beer dhexda ku taalley oo 3 mayl u jirtey Daa'if oo ay lahaayeen Cutba ibnu abii Rabbiica iyo walaalkiis Sheyba ibnu Rabbiica
oo odeyaashii Makka ka mid ahaa. Geed ayuu Nabigu SCW hoos fariistay, Cutba iyo Sheyba markay arkeen Nabiga SCW oo dhib aad
u weyni ka muuqdo geedna hoos fariistay ayey wiil nasraani (christian) ahaa oo uu shaqeynayey magaciisana la oran jirey Caddaas
ugu dhiibeen xoogaa canab ah oo ku dheheen "ninka geedkaas hoos fadhiya u gee". Rasuulka SCW markii canbkii loo keenay ayuu
ku bilaabay BISMILLAH, wiilkii ayaa yaabay oo yiri 'waa kalimad aan halkaan laga aqoon", markaasaa Rasuulka SCW ku yiri "xaggee
ka timid?", Caddaas ayaa yiri "waxaan ka imid Neynawi (magaalo shaam ku taal)", markaasaa Rasuulku SCW ku yiri "waxaad ka
timid magaaladii ninkii saalixa ahaa ee Yuunis ibnu Mataa". Caddaas intuu yaabay ayuu yiri "sidee ku ogaatay?", Nabiga SCW
wuxuu yiri "waa walaalkay, isna waa Nabi, aniguna Nabi baan ahay' markaasaa Caddaas Rasuulka SCW ku soo boodey oo lugaha iyo
gacmahaba ka dhunkaday. Cutba iyo Sheyba oo meeshoodii ka daawanayey ayaa midkood kii kale ku yiri "Maxammed wiilkii waa kaa
fasahaadiyey". Markuu Caddaas iyagii u soo laabtay waxay ku dheheen "war hooge maxaad samaynaysey?" Caddaas wuxuu yiri "ninkaas
wax ka kheyr roon dhulka ma joogo maxaa yeelay arrinkuu ii sheegay nin aan Nabi ahayni kama war hayo" markaasay ku dhaheen "diintaadaa ka wanaagsan
diintiisee yuusan kaa jeedin".
Intaas ka dib Rasuulka SCW meeshii
ayuu ka tegey isagoo dhinaca Makka u sii luudaya, waxaa markaa Rasuulka SCW u yimid malaku Jibriil oo ku yiri: "Maxamedow,
Alle waa la socdaa waxa dhib ah ee ku soo gaaray iyo waxay dadkaasi kugu sameeyeen, wuxuuna Alle kuuu soo direy malaggii Buuraha
si aad u amarto waxaad (qowmkaaga) ka damacdo, malaggii buuraha doonto, haddaad doonto waan ku gambin labada buurood, (reer
Makka), Rasuulku SCW markii amarkaas la siiyey wuxuu ku jawaabay akhlaaqdiisii naxariista iyo wanaagga badneyd wuxuuna yiri
"iska daaya hadday iyagu xaqii qaadan waayeen waxaa la arkaa kuwo dhabarkooda ku jira iney ilaahay caabudaan", sidii ayeyna
noqotay oo in badan oo iyaga ka mid ah ayaa aakhirkii xaqii qaatay.
Dabadeed Rasuulku Makka ayuu soo aadey,
markuu marayo Makka duleedkeeda ayuu meeel fariistay isagoo ka fekeraya siduu Makka ku geli lahaa, maxaa yeelay odeyaashii
qureysheed ma aysan oggoleyn in Nabiga SCW ay dacwadiisu Makka dhaafto, sidaa darteed haddii ay maqlaan in Nabiga SCW uu Makka
dhaafay oo reer Daa'if iyo qabaa'ilkii baadiyaha u tegey arrintu way qaraar tahay, sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu u cid
dirsaday oo uu magangelyo weydiistey Akhnas ibnu Subery hase yeeshee wuxuu Akhnas yiri "waxaan ahay xiliif, xiliifna wax ma
magan geliyo", ka dib Rasuulku wuxuu la xiriirey Suheyr ibnu Camar oo uu magangal weydiistey hase yeeshee Suheyr dib Rasuulka
SCW wuxuu yiri "Bini Caamir wax kama magan geliyaan bini Kacab". Markaa ka dib Rasuulka SCW wuxuu la xiriirey Mudcim ibnu
Cadiyyi oo uu sidoo kale magangal weydiistey, Mudcam wuu ka yeelay wuxuuna qaatay hubkiisii, wiilashiisiina wuu hubeeyey,
Rasuulkana wuxuu ku yiri "soo gal", markuu Rasuulku soo galay oo kacbada dawaafayey isaga iyo wiilashiisii ayaa hareeraha
ka istaagay ogeysiisna wuu bixiyey oo wuxuu yiri "Maxammed aniguu magantayda yahay", markaasaa Abii-jahal, oo siduu Rasuulku
SCW sheegayba ahaa fircoonkii ummaddaan, aadna u necbaa inuu qof islaamo, ayaa Mudcim ku yiri 'ma magan gelisay mise waad
raacday?". Mudcim wuxuu yiri 'maan raacine waan magan geliyey', markaasaa Abii-jahal yiri "waa yahay ninkaad magan gelisey
waa magan gashan yahay.
Rasuulka SCW wuu qiray Mudcim abaalkaas
uu u galay maalinkii Badarna markuu qafaashay 70 gaalo ah wuxuu yiri "hadduu Mudcim noolaan lahaa oo kuwaan iga codsan lahaa
waan u sii deyn lahaa".
DHEELMINTII RASUULKA SCW ISRAA-WAL-MICRAAJ
Dheelmintii Rasuulka SCW waa la isku
khilaafaa waqtigii ay ahayd ama sannadkii ay dhacday. Waxayna culimada qaarkood weriyaan inay hal sano ka hor hijrada ahayd,
qaarna waxay weriyaan in ay hal sano iyo laba bilood ka horreysey hijrada, qaar kalena waxay weriyaan waqtiyo kale oo kala
duwan. Hase yeeshee Allaah ayaa garanaya waqtiga saxa ah, mana ku soo aroorin qur'an iyo axaadiis saxiix ah oo ka hadlaya
waqtigay ahayd.
Sidoo kale waxaa la isku khilaafaa
inta jeer oo Nabiga SCW la dheelmiyey, laakiin sida saxiixa ah oo culimadu u badan tahay, adilladana laga fahmayo waxa weeye
in hal mar la dheelmiyey. Sidoo kale waxaa iyadana khilaaf ku jiraa habkii loo dheelmiyey iyo waxyaabihii uu Rasuulku SCW
habeenkaa soo arkay, kutubaha qaarkood markay arrimahaas ka hadlayaan waxay soo arooriyaan arrimo badan oo sixadooda aan la
hubin loona baahnayn in la iska dhex dabbaasho.
Rasuulka SCW waxaa la dheelmiyey jasadkiisa
iyo ruuxdiisa sida saxiixa ah. Waqti habeennimo ah ayaana la dheelmiyey, waxayna saxiixaynku wariyeen in Rasuulka SCW markii
la dheeelminayey malaku Jibriil uu guriga saanqaafkiisa ka soo galay oo jeexay xabadka Rasuulka SCW soona bixiyey galbigiisa
kuna dhaqay biyo samsam ah oo ka buuxiyey xikmad iyo iimaan. Waxaana laga dheelmiyey masjidka Xaramka ah ilaa Beytul-Maqdis.
Rasuulku SCW wuxuu sarnaa Buraaqo, waxaana la socday Jibriil. Wuxuu Nabiga SCW ku degey Baytul-Maqdis oo uu halkaa ku tujiyey
anbiyadii, buraaqadiina waxaa lagu xiray masaajidka albaabkiisa. Ka dib wuxuu ka baxay Baytul-Maqdis isaga iyo Jibriil isla
habeenkiiba, waxayna tageen oo koreen samadaan dhow. Ka dib Jibriil ayaa dalbay in laga furo (Albaabka samada) waana laga
furay.
Nabiga SCW wuxuu samada 1aad ku arkay
Nabi Aadam, wuuna salaamay, isna wuu ka qaaday oo wuu soo dhoweeyey.
Wuxuuna Allaah Rasuulka SCW
tusay dadkii wanaagsanaa arwaaxdoodii oo dhinaca midig ka taalla Nabi Aadan, iyo kuwii xumaa oo dhinaca bidix ka yaalla. Ka
dib wuxuu tegey samada labaad oo uu ku arkay Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise. Markaasuu la kulmay oo salaamay, iyaguna waa ka ajiibeen
salaantii wayna soo dhoweeyeen. Samada saddexaad ayuu markaas u gudbay wuxuuna ku arkay Nabi Yuusuf, wuu salaamay isna waa
ka ajiibey, waana soo dhoweeyey. Ka dib wuxuu koray samada 4aad, wuxuuna ku arkay Nabi Idriis, wuu salaamay, isna waa ka aqbalay,
wuuna soo dhoweeyey.
Ka dib samada 5aad ayuu koray oo uu
ku arkay Nabi Haaruun, wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey. Samada 6aad ayuu dabadeed koray halkaas oo uu
ku arkay Nabi Muuse, wuuna salaamay, isna waa ka ajiibay waana soo dhoweeyey. Markuu Rasuulku SCW ka tegey Nabi Muuse ayaa
ooyey. Markaasaa lagu yiri "maxaa kaa oohiyey", wuxuu yiri "waxaa iga oohiyey wiil gadaashay la soo diray oo ummaddiisa jannada
gelaysaa ay ka badan tahay ummaddayda jannada gelaysa". Ka dib wuxuu Rasuulka SCW koray samada 7aad oo uu kula kulmay Nabi
Ibrahim, wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey.
Nebiga SCW ka dib waxaa loo kor yeelay
Sidratul-Muntaha dabadeedna waxa lo sii kor yeelay Baytul-Macmuur. Intaa ka dib Allaah ayuu u sii koray oo la hadlay. Waxaa
asxaabtii Rasuulka SCW isku khilaafeen in Nabiga SCW arkay habeenkaas Rabbigiis iyo in kale. Waxayse asxaabta badankoodu ku
tageen, nusuusta iyo adilladuna tusinayaan in uusan Nabigu SCW Rabbigiis arag ee uu nuur arkay, sidaa xadiiska ay saxiixaynku
wariyeen markii la waydiiyey Rasuulka oo lagu yiri: "Rabbigaa ma aragtay? Wuxuu yiri nuur baan arkay.
Rasuulka SCW markuu Ilaahay u tegey
waxaa isaga iyo ummaddiisa lagu soo farad yeelay 50 salaadood, hase yeeshee markuu la soo laabtay ayuu la kulmay Nabi Muuse.
Markaas ayaa Nabi Muuse ku yiri "maxaa lagu soo amray?" wuxuu Rasuulku SCW yiri "50 salaadood". Wuxuu yri Nabi Muuse "ummaddaadu
ma karto intaas ee Rabbigaa ku laabo oo weydiiso in laga fududeeyo ummaddaada". Rasuulka SCW sidii ayuu yeelay oo Rabbigiis
ayuu la hadlay, waxaana laga soo dhimay 10 salaadood. Hase yeeshee markuu Muuse ku soo laabtay ayuu Muuse mar labaad sidii
oo kale celiyey, Nabiguna SCW waa laabtay. Sidaa ayuuna Rasuulka SCW waa laabtay. Sidaas ayuu Rasuulka SCW ugu dhexeeyey Muuse
iyo Rabbigiis ilaa 5 salaadood laga soo reebay. Markaasuu mar kale Muuse celiyey, hase yeeshee Rasuulka SCW wuxuu yiri "waan
ka xishoonayaa Rabbigay, intan ayaanna ku raalli ahay oo ugu hoggaansamayaa".
Rasuulku SCW isla habeenkiiba wuxuu
ku soo laabtay Makka, subixii markuu waagu baryeyna wuxuu u tegey qureysh oo u sheegay in la dheelmiyey. Laakiin qureysh waxay
arrintaas ka qaadeen carar, waxayna weydiiyeen Nabiga SCW inuu u tilmaamo Baytul-Maqdis oo ay aqoon u lahaayeen. Allaah ayaa
markaas Rasuulkiisa u muujiyey Baytul-Maqdis, Rasuulkuna waa uga warramay oo si fiican ayuu ugu tilmaamay, iyaguna wax tilmaamahaa
ka mid ah kuma diidin, noloshiisana Rasuulka SCW ma tegin Beytul-Maqdis markaan mooyee. Waxaa kale oo Nabiga SCW uu qureysh
uga warramay safarkoodii oo uu dhexda ku soo arkay iyo weliba waqtiga uu ku soo beegan yahay Makka iyo ratigii u soo horreeyey.
Intaas oo dhan waxay noqdeen siduu Nabigu SCW u sheegey, hase yeeshee qureysh uma siyaadin wax aan ka ahayn kufri iyo gaalnimo,
waxaa kale oo shakiyey markay qisadaan maqleen kuwa muslimiinta ka mid ahaa wayna riddoobeen, waxaana lala laayey Abii-Jahal.
Hase yeeshee dadkii iimaanku dhabta
ka ahaa oo yaqiinsanaa in Allaah subxaanahu watacaalaa uu wax walba awoodo, Maxamedna SCW uu yahay Rasuulkiisii, aysanna dhici
karin in uu Allaah ku been abuurto waxa ay arintaani u siyaadisay imaan iyo taqwo sida Abuu-Bakar siddiiq oo markii ay gaaaladu
warkii ula yimaadeen ku yiri: "waa run", waxay dheheen: "ma waxaad u rumaynaysaa in uu xalay tagay Baytul Maugdis kana soo
laabtay waagii oo aan baryin" wuxuu yiri: "waxaan u rumeeyaa wax taa ka fog oo ah khabarka samada uga yimaada subax iyo galaba",
sidaas ayaa marka Abuu-Bakar kula baxay siddiiq.
Rasuulka SCW wuxuu habeenkaas la dheelmiyey
soo arkay arrimo waa weyn oo Ilaahay aayaadkiisa ka mid ah siduu Alleba ku sheegay aaayaddaan.
((XAQIIQDII WUXUU ARKAY AAYAADKII
RABBIGIIS EE WAAWAYNAA)), (Suuratu-Najmi 18).
Arrimuhuu Rasuulka SCW arkay habeenkaas
waxa ka mid ahaa malaku Jibriil oo uu ku arkay suuraddii Alle ku abuuray isagoo leh lix boqol oo garab, sidoo kale wuxuu arkay
oo tilmaamay webiga Kawthar ee Jannada ku yaal, sidoo kale wuxuu tilmaamay Siiratul Muntahaa iyo caleenteeda, Beytul Macmuur
oo ku yaal samada toddobaad iyo habkay malaa'iktu u takto oo ugu tukato. Allena isagoo arrimahaas wax ka tilmaamaya waxa uu
yiri:
((XAQIIQDII WUXUU (NABIGA) ARKAY JIBRIIL
MAR KALE, (OO UU KU ARKAY ) SIDRATUL-MUNTAHAA AGTEEDA, AGTEEDANA WAXAA AH JANNATUL-MA'WAA, WAQTI UU DABOOLAY SIDRADA WIXII
DABOOLAY, (NABIGA) ARAGIISUNA MATAGIN MANA XAD GDUBIN)), (Suuratu-Najmi 13-17).
Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu soo
arkay habeenkaas la dheelmiyey dad la cadaabayo sida kuwa dadka xanta, iyagoo leh ciddiyo bir ka samaysan oo wejiga iyo xabadka
iska diiranaya.
Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW habeenkaas
malaku Jibriil u keenay saddex weel oo ay ku kala jiraan caano, malab, iyo khamri wuxuuna cabbay kii caanuhu ku jireen markaasaa
malaku Jibriil ku yiri: "waa fitradii", sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW habeenkaas maqlay sharqanta qalimaanta maal'igta.
MU'MINIINTII AAN REER MAKKA AHAYN
Rasuulka SCW markuu arkay in reer
Makka ay xaqii qaadan la'yihiin, ilaa intii hore u islaamtay maahane, ayuu bilaabay inuu xoogga saaro dadka meelaha kale duwan
ka imaanaya oo xajka u imaanaya. In kastoo ay shayaadiintii Makkana faafinayeen dacaayaddoodii, haddana Rasuulka SCW kama suulin inuu dadkaas dacwada gaarsiinayo.
Maalin ayuu wuxuu la kulmay nin la
oran jiray Suweyd ibnu saami oo ahaa
nin caan ku ahaa gabayga oo ka yimid magaalada Madiina. Wuxuu Nabigu SCW ninkaas u bandhigay islaamka hase yeeshee Suweyd
wuxuu ku jawaabay: "Waxa aad taqaanno aniguba waaan aqaannaa". Rasuulka SCW wuxuu yiri: "maxaad taqaanaa?", Suwedna wuxuu
yiri: "waxaan aqaannaa xikmaddii Luqmaan". Rasuulku SCW wuxuu ku yiri: "akhri', Suweydna, wuxuu akhriyey gabaygiisii iyo wuxuu
yaqanney. Rasuulka SCW markuu ka dhegaystay ayuu ku yiri "warkaad sheegayso waa wanaagsan yahay laakiinse waxaan hayo ayaa
ka wanaagsan waana qur'aan Ilaahay igu soo dejiyey oo hanuun iyo nuur ah". Nabigu SCW qur'aankii ayuu Suweyd ku dul akhiryey.
Suweyd markuu dhegaystay wuxuu yiri: "waa war wanaagsan wuuna islaamay, markuu Madiiina ku laabtayna wuu geeriyooday.
Abii-darr Al-qafaari, oo ka mid ahaa
dadkii degganaa agagaarka Madiina, ayaa markuu maqlay in Makka uu Rasuul Ilaahay soo diray joogo wuxuu soo diray walaalkiis
oo uu ku yiri: "u tag ninkaas oo khabar fiican iiga keen". Ninkii markuu soo laabtay wuxuu ku yiri: "waxaan soo arkay nin
dadka kheyrka ugu yeeraya, sharkana ka celinaya". Abii-dar warkaasi waa ku filnaan waayey sidaa darteed ayuu aadey Makka isagoo
doonaya inuu la kulmo Rasuulka SCW soo baxay.
Abii-darr markuu Makka yimid wuxuu
degay Xaramka biyaha Samsamkana wuu ka cabbayey oo uu saas yahay ayaa maalinkii dambe waxaa soo maray Cali Binu Abii-Dhaalib,
markaasaa Cali la hadlay oo ku yiri: "waxaa la arkaa inaad soo galooti tahay, Abii-Darr ayaa markaa ku jawaabay "haa", Cali
wuxuu yiri "soo bax aan guriga aadnee, Abii-Darrna wuu ka yeelay oo wuu raacay, hase yeeshee Abii-Darr uma uusan sheegan,
Calina waxba ma weydiin sidaas ayeyna ku kala tageen. Maalinkii dambe ayaa Cali mar kale soo maray Abii-Darr markaasuu ku yiri: "wali
arrintaadii kuuma hirgelin miyaa?" Haa ayuu yiri Abii-Darr, markaasuu Cali yiri, nakici Abii-Darrna waa raacay. Markaasaa Cali
weydiiyey oo ku yiri, maxay ahayd dantaad lahayd oo aad u timid magaaladaan? Markaasaa Abii-Darr yiri: "waan sheegayaa haddaad
ii qarinayso". Calina wuxuu yiri: "waan kuu qarin". Abii-Darr dantiisii ayuu sheegay, markaasaa Cali ku yiri: "waad heshay, halkaasaan
gelayaaye iga soo daba gal, hadiise aan arko cid aan kaaga cabsado bannaankaan istaagayaa, waxaana iska dhigayaa sidii wax
kabta hagaasanaya, ee adigu iska gudub". Cali gurigii ayuu toos u galay, abii-Darr waa ka daba galay. Wuxuuna meeshii ugu tegay Rasuulkii
SCW markaasuu ku yiri, Islaamka ii sharax, markii uu Rasuulku SCW u sharaxayna wuu Islaamay. Wuxuu markaa Rasuulku ku yiri:
"Iska tag oo carradaadii aad, oo noo imow markaad maqasho inaan guulaysanay". Wuxuu markaa Abii-Darr Rasuulka ku yiri, Ilaahii
xaq kugu soo baxshaan ku dhaartaye, inaan Qureysh kala dhex kicin (Islaamnimadayda) markaasuu baxay oo u tegay Qureysh oo
Xaramka ka buuxda wuxuuna ku yiri: "Qureysheey waxaan qirayaa Alle mooye Ilaah kale inuusan jirin, Maxammedna yahay adoonkiisii
iyo Rasuulkiisii". Qureysh markay kalimaddaas maqashay ayey hal mar ku yaaceen iyagoo leh "kan iishay qabta", wayna garaaceen.
Waxaa markaa u yimid oo ka qabtay Cabbaas binu Cabdi mudhalib, kuna yri: 'war hooggiinee, ma waxaad dilaysaan nin reer Qafaari
ah. Ma idiin badbaadayaa safarkiinna aad reer Qafaari sii martaan". Markaasay iska daayeen. Maalin labaaddii ayuu Abii-Darr
mar kale Xaramkii tegay oo sidii oo kale ku yiri, iyaguna sidii oo kale ayey ku sameeyeen. Markaasaa Cabbaas mar kale ka qabtay
oo sidii ooo kale ku yiri. Dabadeedna Abii-Darr wuu iska tegay oo dhulkiisii ayuu ku laabtay.
Sidoo kale dadkii dacwadaa ku soo
islaamay waxaa ka mid ahaa Dammaan Al-Asadi oo ahaa reer Yaman, ahaana nin cudurka dabaysha ku tufa oo daweeya. Markuu Dammaan
yimid Makka ayuu maqlay iyadoo la leeyahay nin waalan oo Maxammed la yiraahdo ayaa halkan jooga ee iska jira, markaasuu run
mooday hadalkaas wuxuu yiri: "waxaa la arkaa in Ilaahay gacantayda ku daweeyo haddaan u tago oo aan ku tufo". Dammaan Rasuulka
SCW ayuu u yimid oo ku yiri: "Maxammed dabaysha ayaan ku tufaa ee ka waran haddaan wax kugu tufo, waxaa la arkaa in Ilaahay
kugu caafiyee". Rasuulka SCW uusan yaabin Dammaan maxaa yeelay, dacaayadahaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa Makka laga faafinayey,
lagana dhaadhicinayey dadka soo galootiga ha. Dadka badankooduna wax ma hubsadaan mana baaraan ee wixii lagu yiraahdo ayey
iska qaataan. Islaamkuna sidiisaba ma oggola in qofku wixii loo sheegaba iska rumeysto isagoo aan hubsan oo aan caddeysan.
Rasuulka SCW wuxuu bilowday hadalkiisii
isagoo ku furturanaya iftitaaxa caamka ah oo ah: Ilaah ayaa mahad iska leh, waan mahadineyna waan kaalmo weydiisaneynaa, waana
dambi dhaaf weydiisaneynaa. Waxaan Allaah ka magan gelaynnaa naftayada sharteeda iyo acmaasheeda xun. Qofkii Allaah hanuun
la doono cid baadiyeyn kartaa ma jirto; qofkuu baadiyeeyana wax hanuunin karaa ma jiro. Waxaan qirayaa in Allaah keliya mooyee
uusan Ilaah kale jirin, keligiisna uu yahay, shariikna uusan lahayn. Waxaan kale oo aan qirayaa in uu Maxammed yahay addoonkiisii
iyo Rasuulkiisii. Dammaan markuu maqlay kalimmadahaas cajiibka ah ee tawxiidku ka buuxo aad ayuu ula dhacay, wuxuuna ogaaday
in xaqiiqadu aysan ahayn sidii lagu yiri, markaasuu yiri "iigu cel". Markuu Rasuulka SCW mar labaad ugu celiyeyna islaamka
ayuu qaatay, wuxuuna yiri "hdal curraafi iyo saaxir waan maqlay weligeyna hadalkaan oo kale ma maqal.
SOO ISLAAMIDDII REER MADIINA
SOO ISLAAMIDDII REER MADIINA
Dadkii uu Rasuulka SCW kula kulmay
mawaasimtii xajka ee uu dacwada gaarsiinayey: waxaa ka mid ahaa lix nin oo reer Madiina ah oo u yimid xaj, lixdaas oo kala
ahaa: Ascad binu Suraarah, Cawf binu Xaarith, Raaafic binu Maalik, Qudba binu Caamir, Cuqbah binu Caamir, iyo Jaabir binu
Cabdullaahi binu Ri'ab. Siduu kula kulmayna waxay ahayd habeen Nebiga SCW iyo Abuubakar oo ku wareegaya dadka xajka u yimid
oo dacwada gaarsiinaya siduu Nabigu xajwalba samyn jiray, ayuu yiri: Kuwamaad tihiin? waxay dheheen koox reer Khasraj ah ayaan
nahay. Wuxuu yiri: waalidii Yahuudba? Waxay dheheen haa. Wuxuu yiri: maad fariisataan aan idinla hadlee? Waxay dheheen waa
yahay. Markaas Rasuulku SCW u bandhigay islaamka, wayna qaateen; waxayna ku laabteen Madiina, wuxuuna waqtigaasi ahaa sannadkii
11aad laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.
Sidaa la ogsoon yahay magaalada Madiina
waxaa wada degganaa laba qabiil oo carab ah iyo saddex qabiil oo yahuud ah. Yahuuddu waxay rumeysneyd diintii Nabi Muuse oo
waxay ahaayeen Ehlu-Kitaab; carabtuna waxay ahaayeen mushrikiin asnaamta caabuda oo aan diin heysan, marar badanna wixii mas'alo
diin ah oo ay qabaan waxay weydiin jireen yahuudda. Yahuuddu waxay carabta ugu faani jirtey in uu imaan doono Nabi diintoodu
sheegtay oo aakhiru-semaanka imaan doono oo ay rumeyn doonaan iyagu (yahuuddu) lana dagaallami doono iyaga (Carabta). Sidaa
daraaddeed lixdaa nin markay Rasuulka SCW arkeenba hore ayey ka islaameen, waxayna xaqiiqsadeen inuu yahay Nabigii ay yahuuddu
sheegi jirtay. Ka dibna waxay ku laabteen Madiina iyagoo Ducaad ah, waxayna ku faafiyeen Madiina dacwadii islaamka
BEYCATUL CAQABADDII 1aad
Markii ay Madiina ku laabteen lixdii
nin ee reer Madiina oo Islaamka qaatay waxay ay diinta Islaamka gaarisiiyeen dadkoodii reer Madiina. Dabadeedna waxay Makka
ku soo laabteen xajkii dambe oo ahaa sannadkii 12aad ee soo dirriddii Rasuulka SCW iyagoo ah 12 nin (lixdii hore shan ka mid
ah iyo toddoba cusub oo kala ah: Mucaad binu Xaarith, Dakwaan binu Cabdul Qays, Cubaada binu Saamit, Yasiid binu Thaclabah,
Cabbaas binu Cubaada, Abuu Haytham binu Tiihaan iyo Cuwaym binu Saacida; dhammaantoodna waxay ahaayeen reer Khasraj labada
dambe maahane. Waxayna Rasuulka SCW kula shireen waqti habeennimo ah, si qarsoodi ah, meesha la yiraahdo Caqaba oo ku taalla
Muna. Maxaa yeelay qureysh ma arki karin Nabiga SCW oo la shiraya dad Makka dibaddeeda ka yimid waayo waxay ka baqayeen in
dadkaasi rumeeyaan oo uu aado ka dibna uu Makka ku soo duulo sidii dhacday markii dambeba.
Rasuulka SCW wuxuu ka qaaday 12kii
nin ee reer Madiina beyco (ballan adag), wuxuuna ku yiri "igula mubaayacooda in aydan Allaah u shariik yeelayn, wax xadayn,
sineysaneyn, carruurtiina dileyn, been abuurashana samaynayn, wanaaggana igu caasineyn", iyaguna waa aqbaleen. Wuxuu Rasuulka
SCW ku yiri: "haddii aad gudataan janno ayaad leedihiin, haddiise aad khiyaantaan waa la idin ka abaal marin, waxayna idiin
tahay kafaaro, haddii la idiin asturo ilaa qiyaamaha amarkiinu xagga Alle ayuu ahaaday, haduu doono wuu idiin cadaabin, hadduu
doonana wuu idiin dhaafin". Iyaguna waa yeeleen oo sidaas ayay Rasuulka SCW kula mubaayacoodeen. Waxayna beycadaani waafaqsan
tahay oo ay isku kalmado yihiin beycadii uu Nabiga SCW heshiiskii xudeybiya la galay dumarka taasoo ay tilmaantay suuratul-mumtaxina.
Ka dib markii beycadaas iyo ballaantaas
la kala qaatay waxay Rasuulka SCW ka codsadeen inuu ku daro nin daaci ah oo inta islaamtayna islaamka bara, inta kalena dacwada
islaamka gaarsiiya. Rasuulka SCW wuxuu markay bexeen ka daba diray Muscab ibnu Cumayr oo aan hore u soo tilmaannay. Muscab
madiina ayuu tagay wuxuuna ku degay guri uu lahaa Ascad ibnu Suraara oo raggii ka mid aha. K a dibna isaga iyo Ascad ayaa
ka hawl galay Madiina oo dacwada wada faafin jirey, marba xaafad ayeyna tegi jireen. Maalin ayey waxay yimaadeen oo ay dacwada
ka faafinayeen xaafad ay degganaayeen laba reer oo la kala oran jirey: Bani Cabdil-asham iyo Banii
Dufur (oo reer Aws ahaa), geed bayna hoos fariisteen iyagoo dacwadoodii gudanaya, markaasaa dadkii xaafadda degganaa ku soo
urureen iyagoo dhegaysanaya.
Ka dib iyagoo dadkii wacdinaya ayaa
waxaa arkay laba oday oo labadaan reer odeyaal u kala ahaa, markii dambana islaamka magac weyn ku yeeshay. Labadaas nin oo
la kala oran jirey Sacad binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr aad bey u caroodeen markay arkeen labada nin oo dadkoodii shirinaya.
Sacad ayaa markaa Useyd ku yiri "Ascad wax kale guryahayaga waxaa uga samayn maayo ee qaraabada aan nahay ayuu og yahay ee
orod Useydow u tag oo nimankaas shaqo ka qabo". Useyd ayaa markaas ku soo dhaqaaqay isagoo caraysan oo warankiisii wata. Ascad
ayaa la hadlay Muscab oo ku yiri "ninkaas soo socdaa waa odaygii ciddayada ee adigay ku jirtaa sidaad ula hadli lahayd'.
Useyd markuu meeshii yimid ayuu isagoo
caraysan wuxuu yiri 'maxaad waxa aannaan raaliga ka ahayn uga faafinaysaan guryahayaga, ma waxaad rabtaan inaad ku ciyaartaan
dadkayaga wax ma garatada ah caqligooda, haddii aydan meesha ka tegin wax kale ayaad arkeysaan". Muscab binu Cumeyr, oo ahaa
nin aad u maskax badan, Rasuulka SCW uu u soo doortay arrintaa, si tartiib ah ayuu ula hadlay Useyd oo wuxu ku yiri "ma la
arkaa inaad fariisato oo aad i dhegaysato oo haddii ay ku anfacaanna aad qaadatid haddii kalena aan kaaa tagno', Useyd oo
ahaa nin odey ah oo akhyaar ah wuxuu ku jawaabay "waayahay waan ku dhegaysanayaa". Muscab dacwadii ayuu gaarsiiyey oo Ilaahay
aayaatkiisii ayuu ku dul akhriyey. Useyd intii qur'aanka lagu dul akhrinayey ayuu wejigiisu is beddelay, markii aayaatkii
la dhammeeyeyna wuxuu yiri "sidee buu diintaan u soo glaa qofkii doonaya?", Muscab wuxuu ugu jawaabay "waad soo qubeysanaysaa
ka dibna tawxiidkaad qireysaa", Useydna sidaas ayuu yeelay, markuu islaamayna wuxuu yiri "nin odey ah ayaa ila socday oo hadduu
islaamo qabiilkiisa oo dhammi ay islaamayaan waana idiin soo dirayaaye la hadla". Useyd markuu ku laabtay Sacad ayaa Sacad
yiri "ka warran meeshii", Useyd wuxuu yiri 'wax dhib ah kuma arag waana la hadlay, laakiin ninka la yiraahdo Ascad oo aad
ilma habreedka ahaydeen waxaa u dhaaranayey jilibkaagii". Sacad markuu intaa maqlayba wuxuu soo aaday meeshii, markuu yimidna
wuxuu ogaaday in meesha wax dhib ahi ka jirin ee isaga loo soo dirayey, markaasuu ku yiri Ascad "waxaad arrintan ug awaddo
xaafadahayaga waa qaraabada aan nahay darteed sow maaha". Muscab ayaa markaa la hadlay oo ku yiri hadlalkii uu Useyr u yiri
oo kale, Sacadna wuxuu ku jwaabay sidi Usery u jawaabay oo kale. Markuu dhegaystay qur'aankiina wuu islaamay.
Sacad galabkii ayuu shiryey qabiilkiisii
Aws oo dhan wuxuuna ku yiri "maxaad igu taqaaniin", waxay yiraahdeen "waxaan kugu naqaanna wanaag iyo inaad tahay kan noogu
fiican" markaasuu yiri "haddii aydaan islaamin salaantiinnu xaaraam bay iga tahay", halkaas ayey markaas dhammaantood ku wada
islaameen rag iyo dumarba hal nin oo isna dagalkii Uxud islaamay mooyee.
Muscab ibnu Cumeyr Alle ha ka raali noqdee wuxuu halkaa ku noqday macallinkii reer Madiina, dacwadii ay halkaas ka wadeen isaga iyo Ascadna
waxay gaartay heer aad u sarreeya ilaa ay reer Madiina badankood islaameen. Dabadeedna xajii dambe ee sannadkii 13aad ee soo
diritaanka Rasuulka SCW wax yar ka hor ayu muscab ku soo laabtay Makka isagoo Rasuulka SCW ugu bishaareynaya islaamka reer
Madiina meeshuu marayo iyo guulaha ay dacwadu gaartay.
BAYCATUL CAQABADII 2aad
Isla sannadkii 13aad ee soo diritaankii
Rasuulka SCW ayaa waxaa kale oo Madiina ka soo baxay oo xajka soo aaday 73 nin iyo 2 dumar ah oo muslimiin ah iyagoo la socda
mushrikiin qabiilkooda ah. Dhowr iyo toddobaatankii qof ee muslimiinta ahaa waxay Rasuulka SCW samaysteen kulan, waxayna ku
ballameen iney isugu yimaadaan meesha la yiraahdo Caqaba oo Muna ku taalla habeen ka mid ah waqtigii xajka.
Muslimiintii reer Madiina way ka
qariyeen shirkaas nimankii ay isla socdeen ee mushrikiinta ahaa hal nin maahane. Ninkaas oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu Camar ibnu
Xaraam wuxuu ahaa nin oday ah oo ay ku kalsoonaayeen una bandhigeen islaamka, markuu aqbalayna kulankii ayey u soo kaxaysteen.
Markii la gaaray habeenkii ay Rasuulka
SCW la ballameen ayey habeen barkii si qarsoodi ah u baxeen waxayna Rasuulka kula kulmeen Caqaba. Rasuulka SCW waxaa la socday
adeerkiis Cabbaas oo aan weli islaamin laakiin ka war hayey arrimaha Rasuulka SCW, garab taagnaana Rasuulka SCW intii uu Abii-dhaalib
dhintay, waqtigaasna u socday inuu arrintaas ayido. Cabbaas wuxuu noqday ninkii ugu horreeyey ee shirkaas ka hadla wuxuuna
yiri "reer Khasrajow waad ogtihiin Maxammed meeshuu naga joogo, 13 sananna annaga ayaa ka difaaceynay dadkii aan isku diinta
ahayn ee aan isaga wada khilaafsanayn, isaguna hadda wax kale wuu diidey inuu idin soo haleelo mooyee, haddaad marka ballan
qaaddaan inaad difaaceysaan oo aad ballantaas ka soo baxeysaan, axadkii khilaafana ka difaaceysaan waa idinka iyo waxa aad
qaaddeen; laakiin haddii aad berri diidi doontaan oo aad garabkiisa ka bixi doontaan haddaba iska daay".
Ka dib waxaa hadlay Thaabit oo ka
mid ahaa 73 kii nin wuxuu yiri "Rasuulkii Ilaahayow maxaan kugula mubaayacoonnaa?", Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "waxaad igula
mubaayacooneysaan is maqal iyo is addeecid waqtiga nabadda iyo waqtiga shiddadaba, iyo in aad maalkiinna bixisaan marka la
barwaaqaysan yahay iyo marka la dhibateysan yahayba, waana in wanaagga la is faro, xumaantana la reebo, waana in Ilaahay dartiis
aad u istaagtaan oo mid dagaallamaya dagaalkiis waxba idinka dhibin, iyo in aad ii gargaartaan haddaan idiin imaado, iina
difaacdaan sidaad u difaacdaan carruurtiinna, naftiinna iyo maalkiinna, iddinkuna janno ayaad leedihiin (hadaad sidaa yeeshaan)".
Markii hadalkaasi dhammaaday waxaa
Rasuulka SCW gacantiisa qabtay Baraa ibnu Macruur oo yiri "Ilaahii xaq kugu soo bixiyaan ku dhaarannaye, waan kaa difaacaynnaa
waxa aan reerkayaga ka difaacno ee nala mubaayacood Rasuulkii Allow, annagana waa nala og yahay inaan nahay wiilashii dagaalka
ku barbaaray oo hubka qaadi jirey". Waxaa isna raggii meesha ka hadlay ku jirey Abuu Haythama oo yiri "Rasuulkii Allow annaga
iyo yahuudda xargo ayaa isug kaaya xiran oo heshiis baa naga dhexeeya, haddaad tiraahdo gooyana waan goyneynaa ee ma laga
yaabaa in hadhow markaad guuleysato aad naga soo tagto?", Rasuulku SCW dhoollaha ayuu caddeeyey wuxuuna yiri "dhiigga ayaa
naga dhexeeya iga mid baad tihiin, aniguna idinka mid baan ahay, waan la dagaallamayaa ciddii aad la dagaallantaan, waana
soo dhoweynayaa ciddii aad soo dhoweysaan. Cabbaas ayaa mar kale hadlay oo yiri "ogaada ballanta aad maanta qaadaysaan inay
tahay in aad la dagaallantaan caddaan iyo madowba, haddii hadhow markii xoolihiinna dagaalku dhammeyo, raggiinnana seeftu
dhammeyso, aad ka bixi doontaan haddaba iska daaya, haddaad sidaa samaysaan waa idiin hooge," laakiin haddii aad u istaagtaan
naf iyo maal waa idiin liibaan".
Intaa ka dib waxay yiraahdeen "Rasuulkii
Allow haddii aanu arrintaan oofinno maxaan leenahay?", Rasuukuna SCW wuxuu yiri "janno ayaa leedihiin" markaasay dheheen "fidi
gantaada" markuu fidiyeyna sidaas ayey kula wada mubaayacoodeeen. Beycadaasina waxay ahayd beycadii labaad oo loo yaqaan beycatu
Caqabadii 2aad.
Markaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri
"12 nin oo odeyaashiinna ah ii soo saara', waxaana loo soo saaray 12 nin oo kala ahaa:
1) Ascad ibnu Suraara 2) Sacad
ibnu Rabbiica 3) Cabdullaahi ibnu Rawaaxa 4) Cabdullaahi ibnu Camar ibnu Xaraam 5) Baraa' ibnu Macruur ibnu Sakhar
6) Cubaada inu Saamit ibnu Qays 7) Sacad ibnu Cubaada ibnu Daliim 8) Mundir ibnu Camrin ibnu Khunays 9) Raafic
ibnu Maalik ibnu Cajlaan 10) Useyd ibnu Xudeyr ibnu Simaak 11) Sacad ibnu khaythama ibnu Xaarith 12) Rufaaca ibnu
Cabdimundir ibnu Subayr
Laba iyo tobankaas nin waxay sagaalka
hore ahaayeen reer Khasraj, saddexda dambena reer Aws. Rasuulka SCW 12kaa nin aad buu ula dardaarmay wuxuuna xusuusiyey mas'uuliyadda
ay qaadeen iyo inuu iyaga la soo xiriiri doono, nin walbana uu jilibkiisa mas'uul ka yahay. Shirkaas markuu dhammaaday oo
lagu kala dareeray ayaa sheydaan ogaaday markaasuu dhawaaqay oo yiri "dadka meesha degganow, Maxammed iyo dad la jiraa waxay
ku heshiiyeen inay dagaal idinku soo qaadaan", markii Rasuulka SCW maqlay hadalkaas wuxuu yiri "kani waa sheydaaankii Caqaba
joogey, Ilaahay baan ku dhaarannayaaye cadowgii Allow waan kala tegaynaa". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW raggii amray in la kala
tago oo qof walba uu meeshiisii ku laabto. Cabbaas binu Cubaada ayaa markaa Rasuulka SCW ku yiri: 'haddaad doonto na amar
aan qureysh aroortii weerar ku qaadnee" hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "iska taga weli dagaal la ima amrine".
Qureysh qeyladii sheydaanka ayey
habeenkii maqashay, markaasay subixii u yimaadeen dadkii reer Madiina oo muslimiinta iyo gaalada isug jirey waxayna ku dheheen
"waxaan maqalnay inaad heshiis la samaysateen saaxiibkayo oo aad doonaysaan inaad naga fakisaan, dagaalna nagu soo qaaddaan,
annaguna dagalkiinna dooni mayno Khasraj iyo Awsow ee maxaa dhacay?". Waxaa markaa hadlay kuwii gaalada ahaa oo aan waxba
ka war haynin oo yiri "arrintaa waxba kama jiraan". Cabdullaahi binu Ubey oo socotadaas reer Madiina madax u ahaa wuxuu yiri "qoomkeygu wax aanan ogeyn ma samayn
karaan" hase yeeshee markii ay reer Madiina noqdeen ayey qureyshi ogaatey in qisadu dhacday markaasay ka daba direen ciidan
laakiinse waxay soo qabteen nin keli ah oo ahaa Sacad binu Cubaada, isagiina waxaaa ka sii daayey oo magangelyo siiyey Xaarith
ibnu Qeys iyo Mudhcim ibnu Caddiyi oo uu Sacad magangelin jirey safarkooda Madiina sii maraya (ee shaam ujeeda). Sidaas ayeyna
ku dhammaatay beycadii Caqaba 2aad.
HIJRADII ASXAABTA EE MADIINA
Rasuulka SCW wuxuu 13 sano ka waday
kacwadii islaamka Makka hase yeeshee reer Makka dacwadii way qaadan waayeen in yar maahane, dhib aad u tiro badan ayuu Nabigu
SCW kala kulmay, isku day badanna wuu sameeyey oo ay ka mid ahaayeen inuu reer Daa'if tegey si ay diinta Alle ugu gargaaraan
hase yeeshee iyagana dhib weyn ayuu kala soo kulmay, dabadeedna juhdi iyo dadaal ayuu saaray wafdiyadii Makka imaanayey si
uu u helo dad xaqa qaata iyo meel dacwada sal u noqota, maxaa yeelay reer Makka loogama rajo qabin in xoog lagu qabto mooyee
wax kale, sidaa darteed waxaa Ilaahay islaamkii ku hanuuniyey oo diintiisa iyo Rasuulkiisa u doortay reer Madiina kuwaas oo
Rasuulka SCW kula mubaayacooday in ay Ilaahay, Rasuulkiisa SCW iyo diintiisaba u gargaari doonaan. Haddaba markii Ilaahay
nasrigaa uu u soo hooyey diintiisa, muslimiintiina ay heleen dhul sal u ah ayaa Rasuulku SCW amray asxaabtii inay u hijroodaan
Madiina qof kastana siduu ku bixi karo uu ku baxo.
Hijradu runtii waa shey adag oo qof
iimaanku qalbigiisa dagay maahee qof kale uusan ku dhiirraneyn, maxaa yeelay wuxuu qofku Ilaahay dartiis uga hijroonayaa dhulkiisii,
dadkiisii, maalkiisii, xaaskiisii, iyo carruurtiisii.
Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo fulinayaa
amarkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW ay amreen, diintoodana ay ku dhowrsanayaan, ayey bilaabeen hijro ay ka hijroonayaan Makka
una hijroonayaan Madiina iyagoo ku baxaya si qarsoodi ah una bareeraya masaafadaas dheer ee kuleylka iy dhibka badan wax walba
oo ku soo gaara Alle dartiisna ku sabraya.
Ma soo koobi karno asxaabtii Rasuulka
SCW qof walba oo ka mid ihi siduu u hijrooday balse aan soo qaadanno qaar ka mid ah siday u hijroodeen.
Ummu Salama, oo markii dambe ka mid
noqotay xaasaskii Rasuulka SCW, ayaa iyada, ninkeedii (abuu salama) iyo wiil yar oo ay dhashay oo ka baxaya Makka waxaa ka
war helay reerkii ay ka dhalatay, markaasay ka daba tageen oo la soo hareen Ummu Salama iyo wiilkeedii kuna yiraahdeen Abuu
Salama "adigu haddaad tegaysid tag laakiin noo soo reeb gabadhayada". Abuu Salama hore ayuu isaga sii socday maxaa yeelay
waxba kama qaban karin. Reerkii markay Ummu
Salama iyo wiilkeedii la soo hareen ayaa waxaa ka war helay oo u yimid reerkii kale ee Abuu Salama ka dhashay oo ku yiri "haddaad
wiilkaygaii gabdhiinnii kala soo harteen, annagaa ilmahan yar dhalnaye na siiya" sidaas ayey kuwaasina wiilkii yaraa ku qaateen.
Ummu Salama oo maxbuusad ku ahayd reerkoodii oo mushrikiin ah, wiilkeediina ay reer kale haystaan, ninkeediina uu hijroday
waxay bilowday oohin iyo murugo ay ku jirtey muddo hal sano ah.
Sannad ka dib ayaa nin ehelkeeda
ka mid ahi wuxuu yiri 'iska sii daaya qoftaan miskiinta ah ee dhibaateysan', sidaas ayeyna ku sii daayeen. Markii la sii daayey
ayey reerkii kale u tagtay oo wiilkeedii ka qaadatay, ratigeediina rartay ka dibna Madiina u hijrootay. Goor ay dhexda sii
marayso ayaa waxaa arkay nin la oran jiray Cismaan ibnu dalxa ibnu abii Dalxa, oo mushrik ahaa, markaasuu yiri "ma aha in ay qoftaan
oo kale masaafadaan dheer marto", markaasuu u yimid oo ku yiri "anigaak ku kaxaynaya".
Ummu Salama waxay tiri iyadoo ka sheekaynaysa
akhlaaq wanaaggii ninkaas "ratiga markuu ii raro ayuu intuu ka durko oraneyey "fuul", markaan fuulana wuu igu waadayey, markii
meel la degana intuu meel har leh ratiga arumo oo qarqarsiiyo (jilib xiro) ayuu ka durkayey, markaan ka degana intuu rarka
ka dejiyo oo ratiga seeteeyo ayuu geed kale seexanayey. Markaan Madiina tagnayna wuxuu yiri "magaaladaas ayaa ninkaagii joogaa
ee orod u tag" isna halkii ayuu ka laabtay". Ummu Salama iyadoo hadalkeedii sii wadata waxay tiri "ninkaas nin aan muslim
ahayn oo ka akhlaaq wanaasan ma arag".
Dadkii ugu horeeyay hijradii madiina
waxaa iyana kamid ahaa Muscab binu Cumayr iyo Cabdullaahi ibnu umi Maktuum waxay qur'aanka barayeen dadkii muslimiinta ahaa
(ee reer Madiina).
Sidoo kale Suheybu-ruumi markuu hijroonayey
waxaa u yimid gaaladii qureysh waxayna ku yiraahdeen "adigoo faqiir ah oo xaqiir ah ayaad noo timid, maal ayaadna naga tabcatay
ee haddaad dooneysid inaad tagto, maalkaaga ayaannu qaadanaynaa" Suheyb wuxu yiri "Haddaan malka idiinka tago ma iska kay
deyneysaan?" "haa" ayey jawaabtoodii noqotay. Markaas ayuu Suheyb maalkii oo dhan uga tegey Ilaahay dartiis.
Markii ay sidoo kale hijroonayeen
Cumar binu Khadhaab, Cayaash ibnu abii Rabbiica iyo Hishaam ibnu Caas waxay ku ballameen iney saddexdoodu is raacaan. Hase
yeeshee Hishaam ibnu Caas ayaa laga war helay waana la xiray, laakiin Cumar binu Khadaab iyo Cayaash ibnu abii Rabbiica way
wada hijroodeen waxayna tageen Madiina.
Ka dib waxaa ka daba tegey Abii Jahal
iyo Xaarith oo ay labadoodaba Cayaash isku hooyo ahaayeen, iyagoo doonaya iney Cayaash soo celiyaan. Waxay u degeen khidad
ay rabaan inay ku soo kexeeyaan o waxay ku dhaheen markay Madiina ugu tageen "Cayaashow hooyadaa waxay ku dhaaratay ineysan
timaha shanlaysan oo aysan qorraxda ka harsan ilaa ay ku aragto'. Cayaash markii arrintaa loo sheegay, naxariis ayaa qabatay
wuxuuna go'aansaday inuu Makka ku laabto oo hooyadiis u tago. Cumar binu Khadhaab ayaa markaa la taliyey oo ku yiri "hooyadaa
hadday injirtu dhibi lahayd way shanlaysan lahayd, hadday qorraxdu dhibi lahaydna way harsan lahayd, ee anigu waxaan kuu sheegayaa
ujeeddada nimankani ay wataan waa inay diintaada kaa fitneeyaan ee ka joog" hase yeeshee Cayaash wuxuu ku adkaystay go'aankiisii
ahaa inuu hooyadiis u tago. Cumar binu Khadhaab ayaa mar kale ku yiri "haddaad go'aankaagii kolley ku adkaysatay kaxayso hashaydan
dheeraysa oo haddaad wax dareento, ama aad shakido, ku carar". Cayaas sidii ayuu nimankii ku raacay laakiinse markii dhex
la sii marayo ayay arrintii sidi Cumar uga digayey noqotay Cayaashna laga caqli badiyey oo Abii Jahal ayaa ku yiri "Cayaashow
ratigan aan saarnahay sidaa uma leylisna oo wuu i dhibay ee ii beddel aan hashaada xoogaa sii saarnaadee". Cayaash markuu
arrinkaa yeelay o hashii fariisiyey ayaa la qabtay oo la xirxiray, waxaana la geeyey Makka isagoo xirxiran.
Abii Jahal iyo Xaarith markay Makka
tageen ayey iyaga oo faanaya waxay dadkii reer Makka ku yiraahdeen "sidaas ayaan maangaabkayagii ku soo samaynaye, idinkuna
sidoo kale maangaabyadiinna ku soo sameeya". Cayaash sidaa ayaa xabsi lagu geliyey isaga iyo saaxiibkiis hore loo reebay ee
Hishaam binu Caas.
Ka dib markuu Rasuulka SCW Madiina
u hijroodey ayuu ku yiri asxaabtii "yaa Hishaam iyo Cayaash arrintooda wax ka qabanaya?". Waxaa istaagay Waliid ibnu Waliid
oo yiri "aniga ayaa waxa ka qabanaya". Waliid wuxuu si dhuumahso ah ku tegey Makka, wuxuuna ogaadey meeshe ay ku xiran yihiin
oo ah guri aan saqaf lahayn. Habeenkii markii la seexday ayuu meeshii ugu dhacay oo xargihii ka furay, xabsigiina kasoo saaray,
ka dibna wuxuu ku soo noqday Madiina isagoo wada Cayaash iyo Hishaam.
Siyaabahaas iyo siyaabo la mid ah
ayey asxaabta Rasuulku uga hijroodeen Makka oo ugu kicitimeen Madiina. Waxayna raggii asxaabta ahaa Makka uga wada bexeen
muddo ` laba bilood gudohood ah, marka laga reebo Abuubakar iyo Cali oo Rasuulku SCW la haray maahee.
HIJRADII RASUULKA SCW
Markuu Rasuulku SCW amray in loo
hijroodo Madiina oo noqotay daartii islaamka loona hijrooday oo asxaabtii qof kasta siduu ku bixi lahaa ku baxay, loogana
dhammaaday Makka laba bilood gudohood, laga soo bilaabo beycadii Caqaba 2aad oo ahayd bishii Dul-xija sannadkii 13aad ee soo
diriddii Rasuulka SCW ilaa bishii Safar sannadkii 14aad ee soo diriddii Rasuulka SCW, ahaydna bishii 2aad ee sannadkii 1aad
ee hijriga, uusanna Rasuulku SCW weli hijroon isaga, Abuubakar iyo Cali, ayaa odeyaashii qureysheed waxay ogaadeen in asxaabtii
Rasuulka SCW ka wada bexeen Makka oo Madiina isku urursadeen, reer Madiinana ay soo dhoweeyeen oo ay raaceen Rasuulka SCW,
isagana la filayo inuu u tago, haddii uu u tagana ay arrintu khatar ku sugan tahay, oo ay suurtowdo in dad badani raacaan
oo uu xoogeysto ka dibna uu Makka ku soo duulo, waxay markaa qabteen shir ay ka soo qayb galeen odeyaashii qabiillada qureysh
oo dhan, reer binu Cabdimanaaf oo Rasuulku SCW ka dhashay maahane. Shirkaas, oo ajendahalagu falanqeynayey ahaa go'aankii
kama dambaysta ahaa ee laga qaadam lahaa
Rasuulka SCW, waxa la qabtay 26kii Safar sannadki 1aad ee hijriga (sannadkii 14aad ee soo diridda Rasuulka SCW).
Waxaa shirkaas lagu qabtay daartii
la oran jirey Daaru-Nadwa (ooahayd gurigii
baarlamaanka qureysh ku shiri jirey). Hoggaamiyayaashii Qureysheed ee halkaa isugu tegey waxaa ka mid ahaa: Abii Jahal ibnu
Hishaam Jubey Ibnu Mudhcim, Ducayna ibnu Cadiyi, Xaarith Ibnu Caamir, Sheyba ibnu abii Rabbiica, Cutba ibnu abii Rabbiica,
Abuu Sufyaan ibnu Xarbin, Ubay ibnu Khalaf, iyo Ummaya ibnu Khalaf, Nadar Ibnu Xaarith, Abul Bakhtari Binu Hishaam, Samca
binu aswad, Xakiim Ibnu Xisaam, Nabiith Ibnu Xajaj, iyo walaalkiis Munabih Ibnu Xajaaj.
Markii shirkii waqtigiisii la gaaray
oo uu bilaabmay ayaa waxaa soo galay sheydaan iska soo dhigay nin oday ah. Markaas ayay dheheen "waa kuma ninkaan odeyga ha?",
markaasuu intuu hadlay yiri "waxaan ahay nin oday ah oo dhinaca Najdi ka yimid, waxaanna maqlay shirka iyo meesha aad ku ballaanteen,
waxaan ahay nin ra'yi u saaxiib ah, marka waan idin dhegaysanayaa waxaa la arkaa inaan ra'yi idinku biiriyo". "waa yahay"
ayaa loogu jawaabay.
Waxaa bilaabmay shirkii oo waxaa
la yiri "waxaanu maanta isug nimid mushkilaaddaan khatarta ah ee uu wado Maxammed, welina dhexdeenna ayuu jooga, haddaba sidee
baanu ka yeelnaa?". Waxaa hadlay nin la oran jirey Abuu Aswad wuxuuna yiri "aan musaafirinno oo ka fageyno waddankeenna, ka dibna
aan isku duubnideenna iyo wada jirkeenna xojinno mar hadduu tafaraaruqiisu naga baxo". Odeygii lahaa Najdi ayaan ka imid (sheydaan)
ayaa hadlay oo yiri "maya, Ilaah baan ku dhaartaye miyeydaan arag ninka faseexaddiisa, codkarnimadiisa iyo sida hadalkiisa
loola dhacayo. Ma aamin baad ka noqoteen in qabiil ka mid ah qabiillada carbeed uu raaco oo uu hadhow idinku soo duulo, beledkiinnana
qabsado. Ra'yi kale keena kaasi ra'yi maahane". Waxaa ku xigsaday oo hadlay Abii Bakhtari wuxuuna yiri: "waa inaanu xabsi
ku ridnaa oo uu halkaas noogu jiraa ilaa uu ka dhinto. Sidii gabayahanadii isaga ka horreeyeyba ay u dhinteen buu u dhiman
doonaaye". Odeygii (sheydaan) ayaa ka daba hadlay oo yiri "haddaad xabsi gelisaan sow nimankii uu ka dhashay ee reer Cabdimanaaf,
oo awalba difaaci jirey, xanaaqi mayaan lana safan mayaan wiilkooda oo aad xirteen". Dabadeed waxaa hadlay mujrimkii ugu weynaa
Abii Jahal oo yiri "anigu waxaan hayaa ra'yi cid soo jeedisey aysan idinku jirin". Markaasaa la yiri "muxuu yahay ra'yigaasi
Abul-xakam?", wuxuu yiri "qabiil kasta oo ka mid ah qabiillada aan meesha ku fadhino waa inuu soo saaraa wiil dhallinyaro
ah oo xoog leh geesina ah, ka dibna wiilashaasi hal mar ha ku kulmiyeen seefaha (maxamed) si aan dilkiisa hal qolo loogu raacan,
ciddiisuna lama dagaallami karto intaas oo qabiil oo kala duwan, magtiisana waynu bixineynaa waana ka istareexaynaa'. Odeygii
(shaydaan) ayaa hadlay oo yiri "ra'yiga saxa ihi waa kaas oo aan la dhacay waana in la fuliyaa". Ugu dambasyntii waxaa la
isku raacay oo la go'aansaday ra'yigaas, waxaana fulintiisa lo xil saaray Abii Jahal binu Hishaam, Xakam ibnu Abil Caas, Cuqba
ibnu abii Muceyd, Samca ibnu Aswad, Ubay ibnu Khalaf, Nadar ibnu Xaarith, Dhuceyma ibnu Cadiyi, Nabih ibnu Xajaja, Munabih
ibnu Xajaaj, Ummaya ibnu Khalaf, iyo Abi Lahab, Raggaasi maalinkii oo dhan ayey khiddadii dejinayeen, hawshiina kala habaynayeen
waxayna go'aan ku gaareen in caawo markuu Rasuulku SCW gurigiisa tago la hareereeyo, markii habeenka aakhirkiisa la gaarana
la miro oo laga tahaluso. Hase yeehsee intay dabinkaas maleegayeen oo ay u qabeen inuu u fudud yahay, Ilaahayna tiisa ayuu
watay wuxuuna qur'aankiisa ku yiri isagoo arrinta ka hadlaya:
((XUSUUSO (Rasuulkow) WAQTI KUWII
GAALOOBEY AY KU DHAGARSANAYEEN INEY KU DILAAN AMA KU BIXIYAAN AMA KU HAYAAN (KU XIRAAN), WAYNA DHAGRAYEEN, ALLAAHNA WAA DHAGRAYEY,
WUXUUNA ALLE AHAADAY INTA WAX DHAGARTA KAN UGU KHEYRKA BADAN)), (Suuratul-Anfaal 30).
Rasuulka SCW Rabbigiis ayaa u waxyoodey
makrigoodii waxaana la amray inuu isla habeenimadiiba baxo oo uu Madiina u hijroodo. Wuxuu Rasuulku SCW isla maalinkiiba u
tegey Abuu Bakar Al-sidiiq waqti duhur ah. Markuu albaabka ku garaacay, ayuu Abuubakar loo sheegay oo la yiri "ww Rasuulkii".
Abuubakar wuxuu yiri "Rasuulku waqtigan oo kale nooma imaan jirin ee maanta arrin weyn ayaa jira". Markaa Rasuulku SCW gurigii
soo galay ayuu Abuubakar ku yiri "saar cidda kula joogta", markaasuu Rasuulku SCW yiri "waxaa la ii idmay inaan baxo". Abuubakar,
oo ahaa nin kheyr jecel, ayaa yiri "Rasuulkii Allow waxaan jeclahay saaxiibtinnimadaada ee aan ku raaco" Rasuulkuna SCW wa
ka aqbalay.
Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii.
Markii habeennimadii la gaarey ayey gurigii hareereeyeen raggii rabey iney Nabiga SCW dilaan hase yeeshee Rasuulku SCW markii
la gaaray saacadii uu bixi lahaa ayuu Cali ku yiri: "seexo gogosheyda oo huwo maradii aan huwan jirey, waxba kuma yeeli doonaane".
Rasuulku SCW ka dib wuxuu soo dhex maray safafkoodii markaasuu ciid madaxa uga wada shubay (raggii), Ilaahna wuu ka indho
saabay. Markii Rasuulkku SCW baxay ayaa waxaa iyagii u yimid nin soo arkay Rasuukii SCW wuxuuna ku yiri maxaad meesha ka dhowreysaan?",
markaasey yiraahdeen "Maxammed", wuxuu yiri "Maxammed aniguu hadda i daba maray". Gurigii ayey meel daloosha ka fiiriyeen
oo yiraahdeen "waa kaa weli hurda". Habeenkii oo dhan ayey Cali dusha ka ilaashanayeen, markii la gaaray waqtigii ay qorshohooda
fulin lahaayeen ayey arkeen in ninka meesha jiifaa uu yahay Cali binu Abii-dhaalib> Cali ayey markaa xirxireen oo bugabugeeyeen
oo dheheen "sheeg Maxammed" hase yeeshee Cali wuxuu yiri "anigu arrinkaas waxba kalama socdo".
Rasuulku SCW markuu iyagii dhaafay
wuxuu tegey gurigii Abuubakar oo ay halkaas iska sii raaceen waxay ka bexeen irriddii dambe. Uma aysan bixin dhinicii Madiina
ee waxay u bexeen dhinicii Yaman illaa ay ka tageen buurta la yiraahdo Qaaru Tawr oo Makka u jirta 3 km, halkaas oo ay ka
galeen god. Markii ay godka gelayeen ayaa Abuubakr yiri "aniga ayaa ku hormaraya" isagoo uga baqaya Rasuulka SCW inuu godka
bahal ka qaniino. Waxay qorsheysteen iney godkaa ku jiraan 3 maalmood inta qureysh baadi doonkeedu uu ka dhammaanay. Waxaa
kale oo heegan la geliyey qoyskii Abuubakar. Cabdullaahi binu Abuu bakar (wiilkii Abuubakar) waxaa loo xilsaaray inuu maalin
oo dhan qureysh ku dhex jiro, habeenkiina uu godka ugu yimaaddo Rasuulka SCW iyo aabihiis oo uu u soo sheego wixii warar ah
ee yaalla Makka iyo wixii go'aan ah ee odeyaashii qureysheed ay qaataan. Asmaa' bintu Abuubakar (gabadhii Abuubakar) waxay
iyana u keeni jirtey raashinka habeenkii. Caamir ibnu Suheyr oo isna ahaa addoonkii Abuubakar, arigana u raaci jirey, waxaa
lagu qeybshey inuu ariga ku raaco agagaarka godka si uu habeenkii iyo subaxdiiba u baabi' iyo raadka Cabdullaahi iyo Asmaa'.
Sidoo kale Cabdullaahi ibnu abii Ureyq oo ay Abuubakar saaxiibbo ahaayeen, gaalna ahaa wuxuuu Abuubakar u hayey laba neef
oo geel ah oo Abuubakar sii iibiyey uguna talo galay inay ku baxaan (isaga iyo Rasuulka SCW), waxayna ku ballameen saddex
beri markey godka ku jiraan inuu u keeno, (labada neef) ninkaasna kalsooni ayaa lagu qabay.
Qureysh markay ogaatay in Nabiga SCW
iyo Abuubakar ka fakadeen waxay isla markiiba tageen gurigii Abuubakar, waxaana albaabkii ka furay Asmaa' Abuubakr. Abii Jahal
ayaa Asmaa' weydiiyey oo ku yiri "xaggee aabbahaa aadey" iyana waxay ugu jawaabtey "ma aqaan meel uu aadey", Dharbaaxo ayuu
markaa dhabanka ku fujiyey. Ka dibna waxaa ciidan loo diray dhinicii Madiina, markii laga soo waayeyna waxaa waddooyinka Makka
ka baxa iyo meel walba loo diray ciidamo ayey waxay yimaaddeen godkii ay Rasuulka SCW iyo Abuubakar ku jireen hase yeeshee
ma aysan arag. Markay tageen ayaa Abuubakar wuxuu Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow haddii mid ka mid ahi uu lugihiisa
fiirin lahaa wuu na arki lahaa". Rasuulka SCW oo Rabbigiis kalsooni dhab ah ku qabay wuxuu ugu jawaabay Abuubakar "waa maxay
malahaagu labo Ilaahay saddexeeyo". Halkaas waxaad ka arkaysaa in Rasuulka SCW oo nimankii intaa raadinayey ay dushiisa taagan
yihiin uusan haddana kala jeclayn oo uu Rabbigiis tala saartay, waana kaas tawakulka saxa ah, markuu asbaabtii oo dhan la
yimid ayuu Rabbigiis talo saartay.
Markii ay dhammaatay muddadii saddexda
beri ahayd oo ay ugu talo galeen inay godka ku jiraan ayaa Cabdullaahi binu Ureyq keenay labadii neef oo geela ahaa oo ay
ku bixi lahaayeen. Abuubakar ayaa Rasuulka SCW siiyey labada neef kii wanaagsanaa, markaasaa Rasuulku yiri "qiimihiisa ayaan
kuu celinayaa oo aan ku qaadanayaa", Abuubakarna arrintaas wuu diiday, hase ahaatee Rasuulku SCW wa ku adkaystay go'aankiisa
isagoo laga yaabo inuu rabay kheyrkaas iyo ajarkaas hijrada inuu ku maro wax uu leeyahay. Asmaa' bintu Abuubakar waxay iyaduna
keentay jiscinkii waddada lagu mari lahaa hase yeeshee waxay soo illowday xariggii lagu rari lahaa alaabta markaasay boqonkeedii
dhexda ugu xirnaa laba u kala jeexday oo midna siisay midna la hartay. Sidaa dardeed Asmaa' waxaa lagu naaneysi jirey laba
boqonley.
Dabadeed Rasuulka SCW iyo Abuubakar
way baxeen iyadoo uu la socdo Cabdullaahi ibnu Ureyq oo ahaa ninkii labada neef oo geela haa keenay, ahaana nin dhulyaqaan
ah, safarkana hogaaminayey, wuxuuna ratiga la fangashanaa (lasaarnaa) Abuubakar. Wuxuu ka bixiyey meel aan la marin oo dhinacii
koonfureed ah, ka dibna hoos iyo dhinaca bari oo badda ah ayey mareen. Abuubakar maaddaama uu ahaa nin aad loo yaqaan oo ummad badani
garanaysey markii la weydiiyo oo lagu yiraahdo "waa kuma ninkan kula socda?" wuxuu ku jawaabayey "waddaduu igu hanuuninayaa"
isagoo ula jeedda waddada xaqa ah ayuu igu hanuuninayaa.
Nimankii reer Makka markay mel walba
ka raadiyeen Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ay 3 maalmood baadi goob iyo orod ku jireen oo ay ka quusteen ayey waxay bixiyeen
ogeysiis ay u direen beled iyo baadiyaba oo ay ku leeyihiin "ninkii Maxammed ama saaxiibkii Abuubakar midkood nolol ama geeri
ku keena wuxuu leeyahay boqol halaad". Reer baadiyihii oo ahaa dad aad u xoolo jecel waxaa galay hunguri iyagoo u hanqal taagaya
geelaas tirada badan, nin walbana dhinaciisa ayuu u orday. Muddo saddex maalmood ah markay Rasuulka SCW iyo Abuubakar sii
socdeen ayaa ninka la yiraahdo Sureyqa binu Maalik isagoo rag la fadhiya waxaa u yimid nin markaasaa ninkii la weydiiyey oo
lagu yiri "ma aragtay nimankaas", maasuu ninkii ku jawaabay "wax ma arag laakiin meel halkaas ah waxaa iiga muuqanayey bidhaan
dhowr qof oo wax saaran ah". Sureyqa markuu hadalkaas maqlay dhareerkii ayaa ka daatay isagoo rajaynaya in ay boqolkii halaad
u soo gacan galeen, wuuna fahmay in ay raggaas la tilmaamayo yihiin Rasuulka SCW iyo Abuubakar. Sidaa darteed wuxuu sameeyey
khiddaad uu ku rabo in raggaa meesha fadhiya aysan arrinta fahmin si aysan geela ula qaybsan, wuxuuna yiri "war aamus waxaad
aragtay waa nimankii reer hebel oo geelu ka baxsaday oo halkaa marayaye'. Halkaas arrintii looga aamusay oo waxaa loo qaatay
in Sureyqa arrintiisu dhab tahay.
Sureyqa markii muddo meeshii la fadhiyey
oo arrintii la hilmaamay ayuu wuxuu yiri "intaan kacay oo guriga galay ayaan gabar la hadlay oo ku iri "faraskeyga gadaal
iiga bixi oo buurtaa gadaasheeda ii gee", aniguna intaan labistay oo hubkeygii qaatay baan dhuumasho ahaan faraskii ugu tegey,
dabadeedna waxaan ka daba tegey Rasuulka iyo Raggii la socday. Markaan u dhowahay ayaan qori tuurtay, markaasaa waxaa iii
soo baxay kii aan nebcaa oo ah inaanan wanaag ka helayn (oo aan ku khasaarayo), aniguse kama yeelin arrintaa oo hore ayaan u sii socday. Markaan ku dhawaaday
ayuu faraskii cagaha dhulka si fiican ula galay, qaacna ka baxay meeshii, markaasaa waxaa ii caddaatay in Maxammed aanan waxba
gaarsiin karin uuna guuleysan doono sidaa darteed intaan qeyliyey ayaan ku iri 'ammaan ayaad iga helaysaan waana idin nabad
gelinayaa ee Maxammedow ii qor warqad amaan ah si haddii aad berri wax qabsato oo aad guuleysato aan u heysto'. Rasuulku SCW
wuxuu amray Caamir ibnu Fuhayr in uu waraaqadda u qoro. Suraaqa ayaa markaa hadlay oo ku yiri Rasuulka SCW "maxaad iiga baahan
tihiin cunto iyo wax walba wan hayaaye', markaas ayaa lagu yiri "waxba kaagama baahnin ee wixii aad aragto naga jeedi" "waa
yahay' ayuu isna ku jawaabay, dabadeedna markuu laabtay cidduu arko wuxuu ku oranayey "dhinacaa anigaa soo maray oo cidi adinkama
jirto".
Rasuulku SCW iyo raggii la socday
waxay gaareen Quba oo xoogaa ka baxsan Madiina. Waqtigaasi wuxuu ahaa maalin Isniin ah 8dii Rabbiicul-awal sannadkii 1aad
ee hijriga.
Dadkii muslimiinta ahaa ee Madiina
joogey oo isugu jirey muhaajiriintii Makka ka timid iyo Ansaartii degganeyd Madiina markay maqleen in Rasuulu SCW ka soo baxay
Makka ayey heegaan galeen oo maalin walba waxay tegi jireen duleedka Madiina iyagoo fiirinaya wax soo socda. Sidey sidaa u
ahaayeen ayey maalinkii dambe iyagoo sidii u sugaya markay qorraxdii ku kululaatay meeshii ka tageen, markii ay tageen ayaa
waxaa Rasuulka SCW arkay nin yahuudi ah markaasuu aad u dhawaaqay oo yiri "waxaad jecleydeen oo aad suggeyseen ayaa yimid".
Muslimiintii ayaa soo firxaday iyagoo hubkoodii wata oo takbiirsanaya Rasuuulkana SCW soo dhoweynaya. Dabadeedna hareeraha
ayey ka galeen. Rasuulka SCW wuxuu ku degey reer bini Camar bini Cawf Xaafadooda, gaar ahaan wuxuu ku sii degay ninka lay
yiraahdo Kaltuum ibnu Hadiyi. Dad badan oo muslimiinta reer Madiina ka mid ahaa ma aysan kala garaneyn Rasuula SCW iyo Abuubakar
hase yeeshee markii dambe ayey ogaadeen. Ka dib Rasuulku SCW waa fadhiistay, Abuubakar waa istaagey isagoo dadkii soo dhoweynaya.
Intii Rasuulku SCW meesha joogey waxaa Makka ka yimid Cali binu Abii-dhaalib oo soo dhameeyey hawshii uu Rasuulu SCW u xilsaaray
iyo ammaannadii uu uga soo tegey.
Rasuulku SCW wuxu Quba joogey dhowr
maalmood, wuxuuna ka dhisay masaajidka la yiraahdo Masjidu Quba. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW ka tegey Quba maalin jimce ah
oo uu Madiina aaday isagoo ay muslimiintii dhinacyada ka socdaan. Markaas. Maruu sii maro qabiil walba oo Ansaar ka mid ahna
waxay lahaayeen "annaga nagu soo deg" laakiin Rasuulku SCW wuxuu lahaa 'hashaani way amran tahay meeshii ay fariisato ayaan
ku degayaa". Waxay ugu dambayntii hashii fariisatay oo uu ku degay meesha masaajidkiisa uu ka dhisay oo ay degganaayeen reer
bini Cabdinajaar oo Ansaar ka mid ahaa, Nabiga aabbihiisna reer abti u ahaa. Gaar ahaan wuxuu ku sii degay guriga ninka la
yiraahdo Abaa Ayuub Al-ansaari.
Waxaa iyaguna woo hijrooday oo waqtigaas
Madiina yimid xaaskii Rasuulka SCW Sawda bintu Samca iyo laba gabdhood oo uu dhalay oo kala ahaa Faadumo iyo Ummu Kaltuum,
waxaa lake oo la socday Usaama binu Seyd iyo hooyadiis
Ummu Ayman iyo qoyskii reer Abuubakar oo ay Caa'isha ku jirtey.
Caa'isha waxay tiri "markii aan Madiina
imid ayaa waxaan ugu imid aabbahay iyo Bilaal oo qandhadii Madiina ku dhacday markaasaan Abuubakar ku iri 'aabbe sidee tahay'
isagoo xoogaa qandhadu deysey oo leh "qof walba wuxuu ku dhex waabariisanayaa ehelkiisa isagoo ay geeridu uga dhowdahay kabihiisa
suunkooda'. Bilaal ayaan isna ku iri "sidee tahay Bilaal" isagoo isna tirinaya beyt yar oo tilmaamaya u hiloobidda iyo jaceylka
Makka. Rasuulka ayaan u tegey oo u sheegay hadalladoodii, markaasuu Rasuulku SCW yiri "Ilaahow Madiina na jecleysii sidaad
Makka noo jecleysiisey ama si ka daran , Ilaahow Madiina caafimaadi oo barakee saaceeda iyo mudkeeda, kana rar xanuunka iyo
qandhada oo u rar Juxfa". Ilaahay ducadaa Rasuulka SCW wuu ka aqbalay waxayna Madiina noqotay Meel ay aad u jecel yihiin,
saxadeeduna fiican tahay.
Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo asxaabtiisa
ku sabir siinaya daltabyada Madiina waxa uu yiri: "Qofkii ummaddayda kamid ah oo ku sabra Cudurka iyo dhibka Madiino waxa
aan maalinka qiyaamaha u noqonayaa shafiic iyo markhaati".
Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo Madiina
u ducaynaya waxa u yiri: "Allahayow noo barakee magaaladayadan, miraheeda, mudkeeda, ikyo saaceeda, barako ay lasocoto, Allahayow
Ibraahiim waxa uu ahaa addoonkaagii , Nabigaagii iyo khaliiilkaagii, anna waxaan ahay addoonkaagii iyo nabigaagii, wuxuuna
(ibraahiim) kuu basryo weydiiyey Makka, anna waxaan kuu baryayaa Madiina siduu Makka kuugu baryo weydiyey iyo si la mid ah.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii waxay
heleen dhul cusub oo ay diintoodii iyo dacwadoodii ka faafin karaan, joogitaankiisana ay xor u yihiin. Magaalada Madiina waxay
noqotay magaalo islaam, in kastoo dadkii deggenaa aysan wada ahayn muslimiin, waxayna ka koobnaayeen 3 qaybood oo kala ahaa:
1) Muslimiinta oo isugu jirey muhaajiriin
Makka ka yimid iyo Ansaar oo Madiina degganayd oo laba qabiil ka koobnaa lana kala oran jirey Awas iyo Khasraj, hase yeeshee Rasuulku SCW
uu u bixiyey Ansaar.
2) Mushirikiintii ka hartay Ansaar
3) Yahuud oo ka koobnayd saddex qabiil
oo la kala oran jirey Banuu Qeynuqaac, banuu Nadiir iyo banuu Qureyda.
WALAALEYNTII MUHAAJIRIIN IYO ANSAAR
Asalaamu Caleykum W.W.
Rasuulka SCW markuu madiina yimid
waxa uu ka aasaasay dawlad islaam ah wuxuuna isku xiray dadkii muslimiinta ahaa ee madiina deganaa iyo kuwii kasoo hijrooday
madiina dibadeeda, isaga oo isugu xiray si macnawi ah iyo si muuqataba. Waxa ay ahayd sida macnawiga ah waxa uu ku booriyey
walaaltinimada, wanaaga, is jeclaysiga, is xaq dhawrka, is nabad gelinta iyo mucaamilada wanaagsan oo dhan. Wuxuuna ka reebay
xumaan idilkeed. Sida muuqatana waxa ay ahayd muhaajiriin iyo ansaar ayuu labo labo u walaaleeyey si ay isugu xirmaan iskuna
kaalmaystaan maxaa yeelay muhaajiriin waxa ay kasoo hijroodeen dhulkoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii. Waxayna yimaadeen meel
aysan waxba ka garanayn.
Waxayna ahayd sida uu Rasuulka SCW
u walaaleyey sidatan:
1. Xamsa binu Cabdi Mudhalib iyo
Sayd binu Xaarith wuu walaaleeyey.
2. Abuu Bakar Sidiiq iyo Khaarij
binu Suhayrna wuu walaaleeyeey.
3. cumar binu Khadhaab iyo Citbaan
binu Maalikna wuu walaaleeyey.
4. Abuu Cubayda ibnu Jaraax iyo Sacad
binu Maalik wuu walaaleeyey.
5. Cabdirahman binu Cowf iyo Sacay
binu Rabbiicna wuu walaaleeyey.
6. Subayr binu Cawaan iyo Salama
ibnu Salaamana wuu walaaleeyey.
7. Cusmaan binu Cafaan iyo Aws binu
Thaabitna wuu walaaleeyey.
8. Dhalxa binu Cubaydillaah iyo Kacab
binu Maalikna wuu walaaleeyey.
9. Saciid binu Sayd ikyo Ubay binu
Kacabna wuu walaaleeyey.
10. Muscab binu Cumayr iyo Abii Ayuubna
wuu walaaleeyey.
11. Abuu Xudayfa binu Cutba iyo Cubaada
binu Bishirna wuu walaaleeyey.
12. Cammaar binu Yaasir iyo Xudayfa
binu Yamaamna wuu walaaleeyey.
13. Abuu daraq-Qafaari iyo Mundir
binu Camarna wuu walaaleeyey.
14. Xaadhib ibnu abii Baltaca iyo
Cuwayn binu Saacidana wuu walaaleeyey.
15. Salmaanu Faaris ikyo Abuu Dardaana
wuu walaaleeyey.
Wuxuu yiri ibnu Isxaaq: "intaan ayaa
nalooga magacaabay walaalayntii uu Rasuulku SCW walaaleeyey asxaabtiisa".
Sidaas ayaa Rasuulku SCW u walaaleeyey
asxaabtiisii oo isugu xiray, iyaga oo ay ka dhaxayso walaaltinimada guud ee islaamka ayey haddana tani khaas usii kala ahayd
oo ay wax wada wadaagayeen ilaa lawaajibiyey in ay is dhaxlaan ka dibna Alle waa joojiyey. Nimankii ansaar ahaa ee madiina
deganaa aad ayey usoo dhoweeyeen walaalahoodii muhaajiriin ee usoo hijrooday, wuxuu Bukhaari saxiixiisa ku wariyey in ansar
Nabiga SCW ku tiri: "noo qaybi annaga iyo walaalahayo timirta (beeraha)", wuxuu yiri: "may", markaasay dheheen (muhaajiriin):
"naga qabta shaqada (beeraha) mirahana waanu idinla wadaagsanaynaa", Ansaarna waa ay yeeshay.
Sidoo kale nimankii ansaar ee lala
walaaleeyey muhaajiriin aad ayey usoo dhoweeyeen waxayn diyaar u noqdeen in ay la kala bartaan maalkooda. Ninka layiraahdo
Sacad binu Rabbiica oo lala walaaleeyey Cabdirahmaan binu Cowf waxa uu ku yiri Cabdirahmaan: "waxa aan ahay ninka ansaar ugu
maal badan, waxaana ka dhigayaa maalkayga labo qaybood (oo waa kala baranaynaa), labo xaasna waan qabaa ee fiiri middii ku
cajab galisa iina magacow waan kuu furayaa markay cidada dhamaysatana guurso", wuxuu yiri Cabdiraxmaan: "Allaha kuu barakeeyo
xaaskaaga iyo maalkaaga ee i tusi suuqa", suuqii ayuu tusiyey, markaasuu Cabdiraxmaan inta xoogaa subag ah qaatay oo suuqii
geeyey ayuu iibiyey dabadeedna waa guursaday.
Haddaba waxa ay arimahaan iyo kuwo
kaleba na tusinayaan sida ay ansaar walaalohood muhaajiriin ugu qumeen, wax walbana ay diyaarka ugu ahaayeen. Allena subxaanahu
watacaalaa aayado badan ayuuu ku ammaanay.
Sidoo kale Rasuulku SCW waxa uu u
qoray asxaabtii heshiis iyo go aamo ay ku socdaan, wuxuuna kadhigay hal ummad, wuxuuna ahaa heshiiskaasi sidatan:
Bismillaahi raxmaani raxiim, tani
waa waraaqdii Nabi Maxamed SCW uu u kala qoray muminiinta iyo musliminta reer qureysheed (muhaajiriin) iyo rer yathrib (ansaar).
1. Kuligood waa hal ummad oo dadka
kale isaga sokeeya.
2. Muhaajiriinta reer qureysheed
sidoodii weeye oo makta way isla bixinaayaan, maxbuuskoodana way soo furanayaan si macruuf ah iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
3. Reer banii Cawf sidoodii weeye
oo magta way isla bixinayaan siday hore iskula bixin jireen, qolo walba (oo iyaga kamid ahna) way furanaysaa maxbuuskeeda
si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
4. Reer banii Xaarith sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awalba iskula bixin jireen, qolo walba (oo iyaga kamid ahna) way furanaysaa
maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
5. Reer banii Saacida sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla bixinaayaan siday awalba iskula bixin jireen, koox walbana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan
iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
6. Reer banii Jasham sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awalba iskula bixin jireen, koox walbana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan
iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
7. Reer banii Najaar sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awal iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan
iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
8. Reer banii Caamir binu Cawf sidoodii
ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan
iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
9. Reer banii Nabiit sidoodii ayey
ahaannayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan
iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
10. Reer banii Aws sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan
iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
11. Muminiintu waa in ay si wanaagsan
uga gudaan qofkii iyaga kamid ah oo qaamaysan oo lasoo furanayo ama diyo laga gudayo.
12. Mumin lama bah wadaagi karo mumin
kale bah wadaagi ogolaanshihiisa maahane.
13. Muminiinta mutaqiinta ahi waxa
ay isugu tagayaan ciddii iyaga ka mid ah oo xadgudubta ama dalabta dulmi wayn ama dambi ama colaytan ama fasaad muminiinta
dhexdooda, dhammaan gacmahoodu qofkaas dushiisay ahaanayaan haba ahaado midkood inankiise.
14. Mumin uma dilo karo mumin kale
gaal, uga mana hiillin karo gaal.
15. Heshiiska Alle (ee gaalada lagula
jiro) waa hal mid, waxaana wax magan galin kara muminiinta kooda ug hooseeya.
16. Muminiinta qaarkood qaarka kale
ayuu gargaare u yahay dadka (kale) kasokow.
17. Qofkii nasoo raaca oo yahuud
ah waxa uu leeyahay gargaar iyo gacan qabasho, isaga oo aan ladulminayn lagana hiillinayn.
18. Nabad gelyada muminiintu waa
hal mid, dagaalka jihaadka Allena (qof) mumin ihi nabad gelyo gaar ah lama samaysan karo (gaalo) in ay muslimiintu u dhan
yihiin oo ay cadaalad tahay maahane.
19. Cid walba (oo muslimiinta kamdi
ah) oo nala duullaan gasha qaarkood qaarka kale ayuu cirbinayaa (waa isku mid).
20. Muminiinta qaarka kale ayuu u
hiiilinayaa wixii dhigooda ah oo jidka Alle kusoo gaara.
21. Muminiinta Alle ka baqaysa waxay
ku sugan yihiin hanuun kan ugu wanaagsan iyo toosnaan.
22. Gaal ma bad baadin karo qureysh
nafteeda iyo maalkeeda is kamana hortaagi karo mumin (usocda).
23. Qofkii mumin dila oo ay ku caddaato
waa la dilayaa in uu waligii kii la dilay raali noqdo maahane.
24. Xalaal uma aha qof mumin ah oo
sugay waxa waraaqadaan ku yaala, Alle iyo aakhirana rumeeyey in uu soo dhawaysto ama u gargaaro dambiile.
25. Qofkii soo dhawaysta ama u gargaara
(daalim) waxaa dushiisa ahaatay Alle nacaladiisa iyo caradiisa maalinka qiyaamaha, la gamana yeelayo madax furasho iyo tawbad
midna.
26. Wax walba oo aad isku khilaaftaan
waxaa loo celinayaa Alle iyo (Rasuulkiisa) Maxamed SCW.
Intaas ayey ku dhammaadeen qodobadii
heshiiska ee uu Rasuulku SCW u kala qoray asxaabta kulana balamay, waxayna qodobadaani sida aan ka aragnaba u qaybsanyihiin
qayb ku khaas ahayd muslimiintii waqtigaas joogtay iyo qayb laga rabo qof kasta oo muslim ah waqti kasta ha joogee, waxayna
tahay qaybta qof walba oo muslim ah laga rabo; labar 1 iyo laga bilaabo lambar 11 ilaa 26 marka laga reebo labar 22.
HESHIISKII UU RASUULKU SCW LA GALAY
YAHUUDDII MADIINA
Yahuudii madiina daganayd sidaan
soo tilmaanayba waxa ay ka koobnayd sadex qabiilo oo lakala oran jiray Banuu Qaynuqaac, Banuu Nadiir, iyo Banuu Qurayda, sidoo
kale waxaa jirtay yahuud kale oo daganayd dhulkaas xijaas sida khaybar iyo agagaarkeeda.
Yahuuddaas oo ka soo guurtay dhinaca
Shaam timidna Madiina iyo agagaarkeeda waqti hore waxay barteen luuqaddii carabiga, waxayna qaateen dhaqankii carabta. Saddexdan
qabiil ee yahuuddu waxay xulafo la kala ahaayeen labadii qabiil ee carabta ahaa ee Madiina deggenaa (aws iyo khasraj) sidii
aan soo sheegnayba.
Yahuuddu carabta waxay u ahaan jireen
culimo maxaa yeelay waxa ahaayeen ehlu-kitaab oo diintii Nabi Muuse ayey hasteen. Waxayna markii hore ugu faani jireen "Nabi
ayaa aakhiru samanka imaan doona, waana rumeyn doonaa waana idinla dagaallami doonaa" hase yeeshee markii uu Rasuulkii kitaabkooda
lagu sheegay yimid oo carab ka soo baxay way diideen, xiqdi iyo xaasidnimo darteed iyagoo oranaya: "anaga ayay rusushu naga
soo bixi jirtey". Kitaabkoodii in badan oo ka mid ah way beddeleen siiba intii ka warramaysay Nabiga SCW iyo sifooyinkiisa,
waxayna Rasuulka SCW la qaabbileen colaad iyo xumaan.
Markii gaaladii qureyshi weydiiso
in Maxammed SCW uu Nabi yahay iyo in kale waxay dhihi jireen "maaha Nabi idinkaana ka toosan oo ka hanuunsan". Ilaahayna isagoo
arrinkaas ka warramaya wuxuu yiri:
((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA QAYBTA
LAGA SIIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO SHAYDAAN, KUNA DHAHAYA KUWA GAALOOBAY KUWAAN (GAALADA AH) AYAA JID UGA HANUUN BADAN KUWA
MU'MINIINTA AH, KUWAASI (YAHUUDA) WAA KUWUU ALLE NACLADAY, CIDII ALLE NACLADANA U HELI MAYSDI GAR GAARE)), ( Suuratu-Nisaa 51-52).
Sidoo kale mararka qaarkood waxay
Rasuula SCW u maleegi jireen shirqoollo ay rabaan iney ku dilaan, Arintaasna weligoodba caan ayey ku ahaayeen oo rususha Ilaahay
qaarna way dili jireen qaarna way beenin jireen siduu Ilaahay ku leeyahay Aayadan:
((WAXAA ILMA BANII ISRAA'IIL KA QAADNAY
BALAN, WAXAANA U DIRNAY RASUL, MAR WALBA OO RASUUL ULA YIMAADO WAXAYSAN NAFTOODU JECLAYN KOOXNA WAY BEENIYAAN KOOXNA WAY DILAAN)), ( Suuratul-Maai'idah 70).
Haddaba yahuuddu iyagoo sidaas rususha
Ilaahay la qabbili jirey haddana Nabigu SCW wuu uga sii xag jirey oo waxay u arkeen iney iyagu rusulnimada uga xaq leeyihiin
maaddaama ay rusushu iyaga ka soo bixi jiren. Waxay kale oo ay isu arkayeen siday haddaba aaminsanyihiin iney carabta iyo
dadka kaleba ka sarreeyaan oo yihiin dad Ilaahay doortay.
Yahuuda dadka kasoo islaamay way
yaraayeen, waxayna noqdeen dadka kuwa ugu cadaawada badan muslimiinta siduu Alleba qur'aanka ugu sheegay, waana arrin ay caan
ku ahaayeen ilaa markii ay Ilaahay nacaladiisu ku dhacday, waana soo marnay qisadii Baxiira uu ku yiri Abii-Dhaalib oo ahayd
wiilkan ka ilaali Yahuud, maxaa yeelay haddii waxa aan anigu ka fahmay ay ka fahmaan way dilayaan.
Yahuuda qofkii ka islaama waxa ay
la qaabili jireen cadaawad, haddii uu qofkaasi ahaa dadkooda kan ugu sharaf badnaa markii uu islaamo waxay ka dhig jireen
kan ugu xun, waxaan bukhaari saxiixiisa ku wariyey in markii uu Rasuulku SCW madiina yimid uu nin ragooda kuwa ugu sharafta
badan, uguna cilmiga badan kamid ahaa oo la oran jiray Cabdullaahi binu Salaama uu islaamay markii Rasuulku SCW madiina yimid
wuxuu ku yiri: "waxa ay yahuud ogtahay in aan ahay sayidkoodii iyo caalimkoodii uuna i dhalay sayidkoodii iyo caalimkoodii
marka u yeer oo wax iga waydii (sidaan dhexdooda ka ahay) intaysan ogaan in aan islaamay maxaa yeelay haddii ay ogaadaan in
aan islaamay waxay iga sheegayaan wax aanan ahayn. Rasuulku SCW waa uu u cid diray markay u yimaadeena waxa uu ku yiri: "yahuuday
Alle ka baqa, waxaan ku dhaartay Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirin waad ogtihiin in aan Rasuulkii Alle oo xaqa ahay,
aana la imid xaq ee islaama, waxay dheheen: "m ogin", wuxu yiri: "see Cabdullaahi binu Salaama dhexdiina ku yahay?", waxay
dheheen: "wa sayidkaayagii nooguna cilmi badan, waxaana dhalay sayidkayagii ahaana caalimkayagii", wuxu yiri: "ka warama hadii
uu islaamo", waxay dheheen: "xaashaa lillaah ma islaamayo (madhacayso)", wuxu yiri: "ka warama haduu islaamo"?, waxay dheheen:
"xaashaa lillaah ma islaamayo", wuxuu yiri ina salaamow usoo bax markaasuu soo baxay oo ku yiri: "yahuudey Alle ka baqa Ilaah
baan ku dhaartay, Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirine waad ogtihiin in uu (Nabi Maxamed) yahay Rasuulkii Alle SCW
oo uu xaq la yimid", waxay dheheen: "been baad sheegtay", markaasuu Rasuulku SCW (iyagii) iska bixiyey.
Rasuulku SCW markuu arkay yahuudda
iyo cadaawaddooda iyo ineysan xaqa doonayn wuxuu sadexdii qabiil ee yahuudda ahaa la samaystay heshiis ah in la is nabad geliyo,
cadowna aan la isugu kaalmayn, Madiinana la wada difaaco, waxayna qodobadii heshiiskaasi ahaayeen sidatan:
1. Yahuudu waxay baxsanaysaa qarashkeeda,
(markii magaalada la wada difaacayo) muslimiintuna waxay baxsanayaan qarashkooda.
2. Yahuudu waxbay labixinayaan muminiinta
inta ay muminiintu dagaalka ku jiraan.
3. Yahuuda reer banii Cawf waa ummad
muminiinta la nool, yahuudu diintooday leeyihiin muslimiintuna diintooday leeyihiin, (yahuudu) waxay leeyihiin ma waalidooda
iyo naftooda (waa xor) qofkii dambi gala oo dulmi sameeya maahane, qofkaasuna ma halaagayo waxaan naftiisa iyo reerkiisa ahayn.
4. Yahuuda reer banii Najaar waxay
leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer banii Cawf leedahay oo kale.
5. Yahuuda reer banii xaarith waxay
leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer banii Cowf leedahay oo kale.
6. Yahuuda reer banii saacida waxay
leedahay (xaquuqda) ay yahuuda reer banii Cawf leedahay oo kale.
7. Yahuuda reer banii Jasham waxay
leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer banii Cowf leedahay oo kale.
8. Yahuuda reer banii Aws waxay leedahay
(xuquuqda) ay yahauuda reer cowf leedahay oo kale.
9. Yahuuda reer banii thaclaba waxa
ay leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer Cowf leedahay oo kale, qofkii dulmi la yimaada oo dambi gala ma ahane, isaguna waxaan
naftiisa iyo reerkiisa ahayn ma halaagayo.
10. Reer Jafna waxay kamid yihiin
(yahuuda) reer thaclaba.
11. Reer banii shudhayba waxa ay
leeyihiin (xuquuqda) ay yuhuuda reer banii Cawf leedahay oo kale, samafalkuna xumaantu is hortaagaa.
12. Xulufada reer banii Thaclaba
iyagay ka mid yihiin.
13. Saaxiibada yahuud iyagay la mid
yihiin (oo xuquuqdoodo kale ayey leeyihiin).
14. Qof iyaga (yahuuda) ka mid ah
oo bixi karaa ma jiro, in uu Maxamed SCW u idmo ma ahane.
15. Qof loo qaban karo ma jiro dhaawac
hore aargudashadiis, qofkii dhib sameeyana waxa uu halaagay naftiisa iyo reerkiisa, qofkii la dulmiyey maahane, Allena raali
ayuu ka yahay kaas.
16. Cidda waraaqdaan kala qoratay
way iska kaashanayaan cidii la dagaasha, waxaana ka dhexeeya waanin, waano iyo samafal xumaanta joojiya.
17. Qofna loo qaban mahayo xiliifkiisa
(dambiga uu sameeyo), gargaarkana waxaa iska leh ciddii la dulmiyo.
18. Yahuudu waxay qarashka labixinayaan
mumininta inta ay muminiintu dagaalka ku jiraan, (maxaa yeelay magaalda waa la wada daganaa mumiminiintaana difaaceysay).
19. Yathrib gudaheeda waa ka xaaraam
(in ay ku xadgudubto) cidda waraaqdaan kala qoratay.
20. Midka la magan galiyo waxa uu
la mid yahay qofka kale hadduusan dhib la imaan, dambina galin.
21. Madiina cid la guma magan galin
karo in dadkeeda (Rasuulka SCW) looga idan qaato ma ahane.
22. Wixii cusub ee ku soo kordha
dadka warqaddaan kala qortay ama khilaaf laga baqayo in uu wax fasahaadiyo waxaa loo celinayaa Allaah iyo Rasuulka Alle ee
Maxamed SCW Allena waxa warqaddaan ku qoran iyo wanaagiisa raali buu ka yahay.
23. Lama magan galin karo qureysh
iyo ciddii garabsiisa.
24. Dadka warqaddaan kala qortay
way isugu tagayaan ciddii yathrib ku soo duusha.
25. Haddii (yahuud) loogu yeero heshiis
ay (cid kale) la galayaan oo ay samaysanayaan, waa ay galayaan wayna samaysanayaan, iyaguna sidaas oo kale hadday (muminiinta)
ugu yeeraan xaq ayey ugu leeyihiin muminiinta waxaan ka ahayn cid Ilaahay diintiisa la dagaalamaysa.
26. Qolo walba waxaa dusheeda ahaaday
in ay (difaacdo) dhinaceeda.
27. Yahuuda reer Aws waa xor naftooda
iyo ma-waalidooduba, sida ay xor u yihiin dadka saxiifaddaan (kala qortay), waxayna wanaag barax la' kula joogayaan dadka
saxiifaddaan ehelkeeda ah, samafalkuna waa in uu xumaanta ka soko maraa, kii xumaan sameeyana isagay dushiisa ahaatay. Allena
waxa uu rumaynayaa (karaali yahay) waxa waraaqdaan ku yaala iyo wanaagiisa.
28. Is ma hor taago waraaqdaan qof
aan daalim ahayn ama aan dambiille ahayn.
29. Qofkii Madiina ka baxaya waa
aamin kii joogayana waa aamin waxaan ka ahayn daalim ama dambiile. Allena waa magan galinayaa qofkii samafala oo dhawrsada
Rasuulka Alle ee Maxamedna waa magan galiyaa.
Sidaas ayuu ahaa heshiiskii uu Rasuuku
SCW la galay yahuudii Madiina daganayd isaga oo u caddeeyey wax walba, kana dalbay in nabad gelyo loogu wada noolaado Madiina
oo aan la isku xadgudbin, lana wada difaacdo magaaladaas la wada dagan yahay, hase yeeshee yahuud oo ilaa waqtigaasba caan
ku ahayd dhagar iyo ballan ka bax ma aysan ilaalin ballaantaas ay Alle iyo Rasuulkiisa SCW la galeen muddo yar ka dibna waxay
ay bilaabeen ballan jebin, intii hore waxa ay dusha ka huwanaayeen heshiiskaas hoostana waxay ka wadeen xumaan, waana arrinta
haddaba lagu yaqaano oo ay caalamka ka dhaadhicisay hase yeeshee islaamku u yaqaano munaafaqnimo, waxaase la yaab ah in dad
badan oo muslimiin sheeganaya ay siyaasaddaas sahyuuniyadda ee laba wajiilanimada ah u haystaan tan kaliya ee saxda ah iyaga
oo ka indho la siyaasadda wanaagsan ee islaamka, haddaba sadexdii qabiilo ee yahuudda ahaa mid walba mar ayuu ka baxay, waxaynuna
kaga hadli doonaa siday ugu bexeen ballantaas iyo siduu Rasuulku SCW u galay qeybaha soo socda.
DHISITAANKII MASJIDKA RASUULKA SCW
Rasuulka SCW markuu ku degay reer
binu Cabdinajaar, gaar ahaan Abaa Ayuub Al-ansaari , hawl uu bilaabo wuxuu ugu hormariyey dhistaankii masaajidka.
Waxaa masaajidka laga dhisay meel
u dhow meeshuu Nabigu SCW ku degay oo bohol ahayd, qubuuro iyo geedo timir ihina ku yaalleen ayna lahaayeen laba wiil oo agoomo
ahaa oo la kala oran jirey Sahal iyo Suheyl.
Waxaana booska bixiyey Mucaad binu
Cafraa' oo labadaa wiil mas'uul ka ahaa, oo Rasuulka SCW ku yiri, "Rasuulkii Ilaahow Sahal iyo Suheyl waa laba wiil oo agoon
ii ah, anigaana raalli gelinaya ee masaajid ka dhiso", waxay kaloo kutubta qaarkood wariyaan in Rasuulku SCW uu labada wiil
booska ka iibiyey.
Waxa uu markaa Rasuulku SCW amar
ku bixiyey in qubuuraha la faago oo la caro geddiyo, (gaalo ayey ahaayeen) boholahana la duugo, geedahana la jaro.
Sidaa ayaa la sameeyey, ka dibna
waxaa la guda galay dhisitaankii masaajidka. Habka loo dhisayna waxa u ahaa sidan: derbiyaalkiisa waxaa laga dhigay dhoobo
iyo dhagax labin ah, saqafkiisana waxaa lagu daday timirta caleenteeda, tiirarkiisa dhexda ahna waxaa laga dhigay geed timireedka
jiridiisa, qibladiisa waxaa loo jeediyey dhinaca woqooyi ee Baytu Maqdis hase yeeshee 18 bilood ka dib, markay soo degeen
aayadaha Suuratu Baqara ku jira, ayaa qiblaadii dhinaca Makka loo wareejiyey, halkaas oo ay baaqi ku ahaan doonto ilaa qiyaamaha.
Masaajidka gudihiisu wuxuu ahaa ciid,
wuxuuna lahaa saddex albaab, dhererka masaajidku, marka laga soo bilaabo dhinaca qiblada ilaa meesha u dambaysa, wuxuu isu
jirey 100 dhudhum, ballaciisuna sido kale ayuu ahaa.
Rasuulka SCW wuu ka qayb qaatay dhismaha
masaajidka, wuxuuna tirinayey gabay yar oo dhiirigelin ah oo macnihiisu yahay "Allahayow ceyshka aakhiro maahee ceysh kale
ma jiro ee u dambi dhaaf muhaajiriin iyo ansaar".
Asxaabtuna iyagoo aad u shaqeynaya
ayey waxay qaadayeen beyt kale oo macnihiisu yahay "haddaan fariisanno Nabiga SCW oo shaqaynaya waa hawl aan wanaagsanayn".
Ka dib Rasuulka SCW markuu dhammeeyey dhismihii masaajidka wuxuu dhinacyada masaajidka ka dhisay qowladihiisii, dabadeedna
wuu ka soo guuray gurigii Abaa Ayuub Al-nasaari.
Rasuulku SCW wuxu ugu hormariyey
hawl uu qabto dhismaha masaajidka, ahmiyadda uu leeyahay iyo sida aan looga maarmin darteed. Wuxuuna yahay masaajidku markaska
iyo xarunta muslimiinta, sidaa darteed maaddaama ay dowlad cusub oo islaam ahi ka dhalatay Madiina si ay u hesho Xarun ayaa
dhismihiisa loogu hormariyey. Wuxuuna masaajidka Rasuulku SCW ahaa meesha salaadda lagu tukado, la isugu yimaado, lagu kala
war qaato, diinta lagu barto, wax lagu kala xukumiyo (maxkamad), wufuudda lagu qaabilo, maxaabiista gaalada lagu xiro, dadka
masaakiinta ah ay seexdaan mararka qaarkoodna dadka xanuunsan lagu daaweyn jirey.
HESHIISKII IBNU UBAY IYO QURAYSH
HESHIISKII IBNU UBAY IYO QURAYSH
Nimankii qureysh ahaa waxay aad uga
xumaadeen muslimiinta iyo dhulka ay heleen iyo iney ka hoos bexeen cadaadiskoodii, sidaa darteed waxay mar walba ku dadaalayeen
sidii ay muslimiinta dhib ugu geysan lahaayeen. Waxayna sameeyeen handadaado badan oo ay muslimiinta ku leeyihiin "ha moodina
haddaad naga fakateen oo aam Madiina tagteen inaad ku nabad gelaysaan".
Sidaa darteed waxay warqad u soo
direen Cabdullaahi ibnu Ubay oo ay ku leeyihiin "waan ognahay inaad soo dhooweyseen Maxammed iyo dadkii la socday oo aad u
ballan qaaddeen inaad u hiilineysaan, haddaba ama iska saara dadkaas ama duullaan ayaan idinku soo qaadaynaa oo iyaga iyo
idinkaba waan idin dabar goynaynaa'. Cabdullaahi ibnu Ubay, oo aan weli muujisan islaamka, ayaa jawaab degdeg ah ku celiyey
qureysh wuxuuna u sheegay in uu Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa la dagaallamayo, qureyshna la jiro.
Rasuulka SCW markuu arrintaa maqlay,
khudbad ayuu u jeediyey muslimiintii, wuxuuna ku yiri "dhagarta iyo khiyaamada ay qureysh idinku waddo waxaa ka daran tan
aad idinka dhexdiinna isku waddaan (Aws iyo Khasraj)".
Markaas ayaa muslimiintii ansaar
ka hortageen arrintii Cabdullaahi ibnu Ubay, halkaas ayaana arrintiisii ku fashilantay, maxaa yeelay wuxuu rabay inuu qabiil
ahaan u kiciyo Aws iy Khasraj oo Rasuulka SCW iyo muhaajiriinta ka horgeeyo. Sidoo kale qureysh waxay soo saareen go'aan ay
xaramka uga joojinayaan dadkii reer Madiina.
Xaalka oo sidaas ah ayaa waxaa baxay
Sacad binu Mucaad oo muslimiita ka tirsanaa, ahaana odeygii Aws, wuxuuna aaday Makka si uu u soo cumreysto. Markuu tegey Makka
ayuu wuxuu ku degay Umaya ibnu Khalaf oo ay jaahiligii saaxiibo ahaan jireen, oo markuu Umaya Madiina tago wuxuu ku dagi jirey
Sacad, sido kale markuu sacad Makka tago wuxuu ku dagi jirey Umaya.
Wuxuu Sacad Umaya ku yiri "waxaad
ii eegtaa waqti ay kacbadu firaaqo tahay si aan u dawaafo". Markii ay kacbadii firaaqo noqotay ayey is raaceen oo kacbadii
tageen. Goor ay dawaafayaan ayaa waxaa arkay Abii Jahal, markaasuu yiri "Umayow waa kuma ninkan kula socda", Umaya wuxuu yiri
"waa Sacad binu Macaad". Markaas ayuu Abii Jahal ku yiri Sacad "Ilaah baan ku dhaartaye hadduusan Abuu Safwaan (Umaya) kula
socon lahayn inaadan nabad ku laabateen maxaa yeelay intaad dadkayagii iishey (bidcoobey) u yeerateen oo dejiseen miyaad haddana
dooneysaan inaad kacbada dhawaaftaan".
Sacad ayaa marka hadlay oo ku yiri
'haddaad kacbada ii diiddo wax ka daran ayaan anna kuu diidayaa oo ah safarkiinna Shaam oo dhaqaalihiinnu ku xiran yahay ayaan
waddada ka goyn doonaa", Umaya ayaa markaas Sacad ku yiri "Sacadow codka kor ha ugu dhigin abal xakam waa sayidka dadka toggan
jooga'e" markaasaa Sacad ku yiri "na dhaaf Umaya Ilaah ayaan ku dhaartaye waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo sheegaya in ay ku
dili doonaan (muslimiinta), Umaya waxa uu yiri: "ma makay (igu dili doonaan)?" Sacad ayaa yiri: "ma ogi", Umaya hadalkaas
si daran ayuu uga argagaxay, markuu reerkiisii u laabtayna waxa uu xaaskiisii ku yiri: "ma waadan ogayn waxa u Sacad igu yiri?
waxay tiri muxuu kugu yiri? waxa uu yiri Maxamed ayaa u sheegay in ay i dili doonaan, markaasaan ku iri Makka miyaa, wuxuu
yiri ma ogi. Ka dib Umaya wuxuu yiri: "Ilaahbaan ku dhaartaye inaanan Makka meelna uga baxayn, hase yeeshee dagaalkii badar
ayaa Abii Jahal soo khasbay isagoo ka-hanaya, waxay haweentisii ku tiri: 'ma hilmaantay wixii walaalkaagii reer yathrib kugu
yiri, wuxuu yiri meel dhow ayaan uga soo harayaa, dabadeedna ciidankii ayuu raacay intii dhex la sii socdayna gaadiidkiisu
diyaar ayuu u ahaa ilaa uu badar tagay oo uu dagaalkii ka qaby galay laguna dilay.
OGGOLAANSHIHII JIHAADKA
Markii muslimiinta 13 sano la soo
dhibayey, nooc walba oo dhib ahna lagu sameeyey, iyagana aan Ilaahay weli u idmin iney dagaallamaan oo raddi ficil (gacan
celin) sameeyaan, intaasna lagu boorrinayey iney ku sabraan dhibka iyo wax walba oo gaalada ka soo gaara, ayaa markii ay Madiina
yimaaddeen, oo dad iyo degaanba ay heleen, waxaa loo idmay jihaadkii waxaana soo degey aayadahan:
((WAXA LOO IDMAY KUWII LALA DAGAALLAMAYEY
(INAY DAGAALLAMAAN) MAXAA YEELAY WAA LA DULMIYEY, ALLENA GAR GAARKOODA WAA KARAA, WAA KUWII GURYAHOODA LOOGA BIXIYEY XAQ DARRO
IYO IN AY YIRAAHDEEN RABBIGAAYO WAA ALLE, HADDAYSAN JIRINNA IN ALLE DADKA QAARKIIS QAARKA KALE KU DIFAACO WAXAA LA DUMIN LAHAA
SAWAAMICDA (MEELAHA YAHUUDU KU TUKATO), BIYACA (KANIISADDA), MEELAHA LAGU TUKADO, IYO MASAAJIDDA DHEXDEEDA LAGU XUSO MAGACA
ALLE WAX BADAN, ALLE WAA U GAR GAARAYAA CIDDII U GAR GAARTA (DIINTIISA), ALLENA WAXA UU AHAADAY (ALLE) QOWI AH OO CASIIS AH)),
(Suuratul-Xaj 39-40).
Aayadahaas wixii ka dambeeyey waxaa
si is daba joog ah u bilaabmay isuna raacraacay aayadihii ka hadlayey jihaadka, oo muslimiinta amrayey kuna boorrinayey iney
u dagaallamaan jidka Allaah iyo iney kalimadda Allaah noqoto midda koreysa oo caalamka ka talisa. Waxaana uu Ilaahay u ballan
qaaday dadka mujaahidiinta ah iney leeyihiin labada wanaagsan midkood: Shahiidnimo ama Guul. Sidaa kale wuxuu Allaah sheegay
in dadka ku dhinta jihaadka aysan dhiman balse ay Ilaahay agtiisa ku nool yihiin.
Jihaadka qur'aanka iyo sunnaduba
aad ayey uga hadleen uguna boorriyeen muslimiinta, aayadaha iyo axaadiista ku soo arooreyna aad ayey u badan yihiin. Jihaaddku
waa waajib marna wuxuu noqdaa fardul ceyn marna fardul kifaaya. Wuxuu fardul ceyn noqdaa oo qof walba oo muslim ah ku waajib
noqdaa markii beled islaam ah lagu soo duulo ama ciddii uu imaamka muslimiintu amro in ay jihaad u baxdo. Fardul kifaayana
wuxuu noqonayaa markii muslimiintu iska deggan yihiin oo iyagu duullaanka qaadayaan, haddiise wax u quma la waayo dhammaantood
waajibkii waa saaran yahay waana dambiilayaal oo ciqaab bay ku muteysanayaan.
Sidoo kale nusuusta islaamku waxay
noo sheetay in cisiga islaamku uu ku jiro jihaadka, markii laga tagana uu Ilaahay dulli badayo muslimiinta. Wuxuu Rasuulku
SCW yiri isagoo arrintaa ka hadlaya: "qofkii dhinta isagoo aan duullaan gelin (jihaad) ama aan naftiisa ugu sheekayn jihaadka
wuxuu dhintay dhimasho jaahili.
Allaahna sidoo kale isagoo mu'miniinta
ku boorrinaya jihaadka wuxuu yiri:
((ALLAAH WUXUU DADKA MU'MINIINTA
AH NAFTOODA IYO MAALKOODA UGA IIBSADAY INAY JANNO U AHOOTO, WAXAY KU DAGAALLAMAAYN JIDKA ALLAAH, WAY LAYNAYAAN WAANA LA LAYNAYAA,
WAANA YABOOH XAQ AH OO KU SUGAN TOWREET, INJIIL IYO QUR'AANKA, YAA KA OOFIN BADAN ALLE BALLANKIISA, KU BISHAARAYSTA (MUJAAHIDIINTOW)
BAYCIINII AAD ALLE LA GASHEEN, ARRINKAASINA WAXAA WEEYE LIIBAAN WAYN)), (Suuratul-Tawbah 111)
Haddana wuxuu Ilaahay qur'aankiisa
ku yiri:
((KUWA MU'MINIITA AHOW MA IDIN TUSIYAA
TIJAARO IDINKA KORINEYSA CADAAB DAR; WAXAAD RUMEYNEYSAAN ALLAAH IYO RASUULKIISA, WAXAADNA KU JIHAADAYSAAN JIDKA ALLAAH NAFTINNA
IYO MAALKIINNABA, TAAS AYAANA IDIIN KHEYR BADAN HADDII AAD WAX GARANAYSAAN)), (Suuratu-Saff 10-11).
Rasuulka SCW wuxuu jihaadka uga hadlay
axaadiis tiro badan kala duwan wuxuuna yiri: "Carraabo jidka Allaah (loo carraabo) waxay ka khayr badan tahay adduunka iyo
waxa ku jira". Sidoo kale wuxuu Rasuulka SCW yiri "waxaa la ila soo saaray saacadda (qiyaamaha) horteeda seef ilaa Allaah
keliya laga caabudo, resqigeygana waxaa la yeelay warankeyga harkiisa hoostiisa, dulli iyo xaqiraadna waxaa la dul yeelay
qofkii amarkayga khilaafa, qofkii dad isu ekeysiiyana (ku deyda) iyaguu ka mid yahay". Sidoo kale xaddiis, uu Imaam Axmed
weriyey qaybtiisa ugu dambaysa wuxuu Rasuulku SCW ku yiri "markaad jihaadka ka tagtaan Alle wuxuu idinku ridayaa dulli, idinkana
qaadi maayo ilaa aad diintiinna u noqotaan".
Aayadaha iyo axaadiista ku soo arooray
baabkan jihaadka way tiro badan yihiin sidaan soo sheegnayba, jihaadkuna waa waajib ka mid ah qaybaha islaamka ugu waaweyn,
Rasuulku SCW uu ku tilmaamay inuu yahay islaamka baarkiisa, qofkii inkiraana waa gaal murtad ah oo dhiiggiisu bannaan yahay.
Waayahan dambena waxaa soo baxay kuwo murtadiin ah oo ka shakisan islaamka qaatayna fikradihii gaalada oo dhahaya "muxuu islaamku
jihaadka u waajib yeelay?". Kuwa noocaas u fekeraaya ma mudna in loo jawaabo maxaa yeelay waa sufaho aan caqli lahayn oo murtadiin
ah, waxayse mudan yihiin in iyaga la weydiiyo, "haddaysan muslimiintu jihaadin ma la nabad gelinayaa? adduunkase dad badan
oo aan muslimiin ahayn baa ku noole ma dagaallamaan miyaa?". Su'alahaas jawaabtooda qofkii wax garad ihi waa garanayaa, jihaadkana
waxaa nagu waajibiyey Allaah SW oo naga og waxa ay maslaxadda iyo wanaaggu noogu jiraan.
Jihaadka waajibnimadiisa waxaa ku
jira xikmado iyo faa'iidooyin aad u tiro badan oo aanan wada koobi karin, islaamkuna wuxuu meel walba ku gaaray wuxuu ahaa
jihaad. Jihaadku wuxuu muslimiinta ka saaray dulligii iyo dulmigii ay ku jireen saddex iyo toban sano ee Makka oo aan jihaadka
la waajib yeelin, kuwaas oo ahaa in marar badan la isku dayey in Nabiga SCW la dilo, muslimiintana la dabar gooyo. Jihaadku
wuxuu sababay in islaamku dunida ku faafo, adduunkuna wuxuu xasillooni iyo nabadgelyo ku noolaa markii ay muslimiintu hoggaaminayeen.
Laakiin markii ay muslimiintii ka tageen jihaadkii, Allaah dulli ayuu baday ka dibna waa la qabsaday oo la gumeystay lana
kala qayb qaybiyey. Adduunkiina wuxuu ilaa maanta ka bixi la'yahay xad gudub iyo dulmi lagu hayo dadka muslimiint ah, meel
walbana lagu gawracayo, dhiiggooduna noqday wax aad raqiis u ah oo aan labo is weydiin, qofka gaalka ihina wuxuu noqday mid
aad qaali u ah oo ummad dhan loo rogo.
Haddaba xaqiiqadu waxay tahay cisiga
islaamku wuxuu ku jiraa Aljihaad Fii Sabiilillaah. Waaggii ay muslimiintu jihaadi jireen qof muslim ah gaal kuma xadgdubin
jirin. Gabar marada laga xayday ayaa ciidamo dhan loo diri jirey. Sideedaba haddii uusan bani aadamku Ilaahay ka cabsanayn
ama bini aadam kale ka baqayn dhulka wuu fasahaadiyaa. Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
((HADDAAN ALLAAH DADKA QAARKIIS QAARKA
KALE KU REEBI LAHAYN DHULKU WAA FASAHAADI LAHAA, LAAKIIN ALLE WA FADLI U SAAXIIB (UGU DEEQAY)), (Suuratul-Baqara 251).
Jihaadku waqti walba waa uu soconayaa,
wuxuuna ku egyahay ilaa qiyaamuhu ka dhaco. Rasuulkuna SCW isagoo tilmaamaya waqtiga uu jihaadku ku eg yahay waxaa uu yiri:
"Jihaadku wuu soconayaa ilaa yawmul-qiyaame". Sidoo kale Alle SW isagoo tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((LA DAGAALLAMA IYAGA (GAALADA) ILAA
(ADDUUNKA) GAALNIMO LAGA WAAYO OO DIINTA DHAMMAANTEED ALLE U AHAATO, HADDAY REEBTOOMAAN (OO GAALNIMO IYO XUMAAN JOOJIYAAN)
ALLE WUU ARKAA WAXAY CAMAL SAMAYNAYAAN)), (Suuratul-Anfaal 39).
Ugu dambayntii muslimiintu baabkan
jihaadka ah waa ineysan fududeysan oo aysan hilmaamin, hurdadana ka kacaan, Ilaahay diintiisana u dhintaan, diyaargarow iyo
isticdaadna sameeyaan, naf jeclaysigana iska daayaan kolley naftu markii loo qoray uun ban baxaysaa kana hor mari mayso kana
dib dhici mayso.
BILAABITAANKII DUULLAAMADA (JIHAADKA)
Rasuulku SCW markuu dejiyey Madiina
oo muslimintii ka dhigay dad isku duuban wax kastana diyaar u ah, yahuuddii Madiina degganaydna uu heshiis la samaystay, ayuu
bilaabay inuu qabaa'ilkii agagaarka magaalada Madiina deganaa uu heshiisyo la samaysto. Heshiisyadaas oo ay ka mid ahaayeen
ineysan qabaa'ilkaas magan galin karin qureysh maalkeeda iyo nafteeda, muslimiintana ku soo xad gudbi karin. Wuxuu kaloo Rasulku
SCW direy duullaamo iyo ilaalo is daba joog ah si qureysh cunaqabateyn loogu sameeyo oo la soo qabto safarradeeda Shaam iyo
Makka u kal socda.
1. Rasuulka SCW wuxuu direy bishii
Ramadaan ee sannadkii 1aad ee hijriga ciidan uu hoggaaminayo Xamsa binu Cabdimudhalib oo gaaraya 30 nin oo muhajiriin ah,
wuxuuna u direy badda xeebteeda si ay u soo qabtaan safar qureysh oo Shaam ka yimid, ayna wadeen 30 nin oo Abii Jahal madax
u yahay. Xamsa iyo ciidankiisii markay gaareen meeshii loo diray oo ay safarkii haleeleen ayaa waxaa kala dhex galay oo ku
kala hagoogtay nin la yiraahdo Majdi ibnu Camar oo odey u ahaa qabiil meeshaas degganaa oo labada qolaba heshiis la ahaa.
Sidaas ayaa Xamsa iyo Ciidankiisii ku soo laabteen iyadoo uusan wax dagaal ihi dhicin.
2. Rasuulka SCW markii uu hal sano
joogey ayuu bishii Safar ee sannadkii 2aad ee hijriga wuxuu la baxay ciidan dhan 70 nin oo muhaajiriin ah. Rasuulku SCW wuxuu
u baxay safar ay qureyshi leedahay oo lagu sheegay meel u dhexaysa Madiina iyo Makka. Magaalada Madiina wuxuu Rasuulku SCW
madax uga sii dhigay Sacad binu Macaad. Rasuulka SCW iyo ciidankuu hoggaaminayey waxay ka dib gaareen meesha la yiraahdo Waddaan
ama abwaa, hase yeeshee wax dagaal ihi ma dhicin oo la isma arag. Halkaas wuxuu Rasuulku SCW heshiis kula soo saxiixday ninka
layiraahdo Camar ibnu Makhshiye oo madax u ahaa qabiilkii la oran jirey banuu Damra. Heshiiskaa waxaa
qodobbadiisii ka mid ahaa: in Rasuulku SCW aammin gelin doono reer banuu Damra naftooda iyo maalkooda, loona hiilin doono
haddii lagu xad gudbo iney Ilaahay diintiisa la dagaallamaan maahee. Markaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu u soo laabtay Madiina
iyadoo duullaankaasi ahaa kii ugu horreeyey ee Rasuulku SCW duulo, wuxuuna Madiina ka maqnaa 15 beri.
3. Bishaas uu soo laabtay ee Rabbiicul
Awal wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan gaaraya 60 ilaa 80 nin, wuxuuna madax uga dhigay Cubeyda ibnu Xaarith. Cubeyda iyo ciidankiisii
way baxeen ilaa ay gaareen meesha la yiraahdo Thaniyatu Murra halkaas oo ay kula kulmeen ciidan badan oo qureysh ah hase yeeshee
dagaal ma dhicin laakiin fallaaro ayaa la is weydaarsaday. Fallaarahaas qaar ka mid ihi waxay ku dheceen Sacad binu Abii Waqaas
oo muslimiinta ka mid ahaa, waana fallaartii u horreysey oo islaamka lagu soo gano, dabadeedna ciidankaasi waa soo laabtay.
4. Isla bishaa Rabbiicul Awal Rasuulka
SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa baxay, wuxuuna Madiina madax uga sii dhigay Saa'ib binu Cismaan binu Madcuum. Rasuulka
SCW iyo Ciidankiisii waxay gaareen meesha la yiraahdo Buwaadh oo u dhow Yunbuc hase yeeshee waxba lama soo kulmin. Bishii
Rabbiicul Awal aakhirkeed ayey Madiina ku soo laabteen.
5. Bishii Jamaadul Uulaa ee isla
sannadkaas ayaa Rasuulka SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ka bexeen Madiina. Ciidankaasu waxay gaarayeen 150 ilaa 200 oo nin.
Sababta uu Rasuulku SCW u baxay waxay ahayd isaga oo maqlay safar ay qureysh leedahay oo Makka ka baxay una sii socda Shaam.
Magaalada Madiinana wuxuu madax uga si dhigay Abaa Salama ibnu Cabdil-Asad. Rasuuulka SCW iyo ciidankiisii waxay gaareen meesha
la yiraahdo Dil-cusheyra oo Yunbuc u dhow hase yeeshee la isma arag. Dabadeed Rasuulku SCW wuxuu halkaas heshiis kula soo
saxiixday qabiilka la yiraahdo Mudlaj iyo xulafadooda reer banii Dumra. Ka dib wuxuu Madiina ku soo laabtay bisdhii Jamaadul
Aakhir.
6. Isla markuu soo laabtayba Nabiga
SCW wuxuu diray koox ciidan ah oo ka kooban 8 nin uuna madax u yahay Sacad binu Abii Waqaas. Sacad iyo kooxdiisii waxay gaareen
meesha la yiraahdo Kharraar oo Xijaas ka mid ah, dabadeedna way soo laabteen iyagoo aan wax ciidan ah la soo kulmin. Isla
bishii Jamaadul Aakhir ayaa Rasuulka SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ka bexeen Madiina, ka dib markii ay soo gaartay in safar
qureysheed oo shaam u socda uu makka kasoo baxay, wuxuuna Rasuulka SCW iyo ciidankiisii u bexeen ilaa ay ka gaareen meesha
la yiraahdo Safwaan oo ceelka Beder u dhoweyd, ka dibna wuu soo laabtay isagoo aan waxba helin.
7. Bishii ka dambeysey ee Rajab wuxuu
Rasuulku SCW direy koox ciidan ah oo ka kooban 12 nin oo uu madax u yahay Cabdullaahi binu Jaxshi, wuxuuna u direy Makka iyo
Dhaa'if dhexdooda, wuxuuna Cabdullaahi u qoray warqad, wuxuuna ku yiri "ha furin ilaa aad labo maalmood socoto". Cabdullaahi
iyo kooxdiisii way bexeen dabadeedna markay labo maalmood dhex ku sii jireen ayuu furay warqaddii Rasuulka SCW, waxaana ku
qornaa "haddaad warqaddeyda aragto soco ilaa aad ka gaartid meesha la yiraahdo Nakhla oo u dhexeysa Makka iyo Dhaa'if, halkaasna
u gal saffarrada qureysheed ee ka imaanaya Dhaa'if, wararkoodana noo soo gudbi". Cabdullaahi markuu hadalladaa akhriyey ayuu
yiri "waan maqlay waana adeecay", kooxdii la socoteyna wuxuu ku yiri "Rasuulku SCW wuxuu i amray inaan socdo ilaa aan ka gaaro
Nakhla oo aan qureysh safarradeeda u galo, wararkanan uga keeno, wuxuuna Rasuulku SCW iga reebay inaan khasbo qof idinka mid
ah ee qofkii shahaado doonayaa ha isoo raaco, qofkii nacayana ha iska laabto, anigu waxaan ku soconayaa amarka Rasuulka SCW".
Ragii dhamantood wey ku wada raalli
noqdeen waxayna diyaar u noqdeen shahaado ay awalba jeclaayeen. Waxay laba iyo tobankoodu wateen lix rati oo lababa rati saarnayd,
markii meel dhexe la maray oo ayaa la degay, markaas ayaa waxaa lumay ratigii ay saarnaayeen Sacad binu abii Waqaas iyo Cutba
binu Qaswaan. Ratigi ayey baadi dooneen hase yeeshee markii muddo la sugayey labadoodii oo la waayey ayaa tobankii kale baxday
oo waxaa meeshii soo maray safar ay qureyshi leedahay oo ay wadeen afar nin oo qureysh ah oo uu madax u ahaa Camar binu Xadrami.
Waqtigaasna waxa uu ahaa maalinkii ugu dambeysey bisha Rajab oo ka mid ah bilaha xurmada leh oo aan la dagaallamin. Cabdullaahi
iyo sagaalkii nin ee la socday arrintii ayey ka wada hadleen oo waxay dheheen "haddaan la dagaallanno maanta Bilihii xurmada
lahaa ayaan dagallanay, haddaan ilaa caawa oo bisha kale dhalanayso deynana xaramka ayey naga gelaayaan". Waxay ka wada hadlaanba
ugu dambaynti waxay go'aan ku gaareen iney safarka iyo raggaba qabtaan. Dabadeedna weerar ayey ku qaadeen waxayna dileen ninkii
madaxda u ahaa Camar ibnu Xadrami, nin la oran jirey Nawfal binu Cabdullaahina waa fakaday, labadii kale oo la kala oran jirey
Xakam ibnu keysaa iyo Cusmaan ibnu Cabdullaahi way qabteen, dabadeedna waxay ku laabteen Madiina iyagoo soo qafaashay labadaa
nin iyo safarkii. Rasuulku SCW wuxu ku yiri "maxaad u dagaalanteen dagaal idinma amrine'.
Nimankii iyo safarkiiba Rasuulku
SCW wuu u kadiyey. Qureysh iyo reer makkana waxay dheheen "Maxammed iyo asxaabtiisii waxay xalaashadeen bilihii xurmada lahaa,
dhiig bay daadiyeen, maalna way qaateen, dadna way qafaasheen". Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan:
((KU DILA MEESHAAD KA HESHAANBA,
KANA SAARA MEESHAY IDINKA SAAREEN (MAKKA) FIDNADA (OO GAALNIM AH) AYAANA KA DARAN DILKA, HANA KULA DAGAALAMINA MASAAJIDKA
XURMADA LEH AKTIISA ILAA AY IDINKULA DAGAALAMAAN DHEXDIISA, HADDAY IDIN KULA DAGAALAMAAN LAAYA SIDAAS WEEYE ABAALKA GAALADUYE,
HADDAY REEBTOOMAAN (OO GAALNIMADA IYO FIDNADA JOOJIYAAN) ALLE WAA DHAAFID BADANE NAXARIIS BADAN, LA DAGAALAMA (OO LA JIHAADA
GAALO IDILKEED) ILAA GAALNIMO LA WAAYO, OO DIINTU U AHAATO ALLE, HADDAY REEBTOOMAAN LA LAMA COLAYTAMO CID AAN DAALIMIIN AHAY)),
(Suuratul-Baqara 191-193).
Qureysh waxay u soo cid dirsatay
labadoodii nin, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "idiin sii deyn maayo ilaa ay ka yimaaddaan labadaydii nin oo ratigu ka lumay oo
ahaa Sacad binu abii Waqaas iyo Cutba binu Qawsaan". Markii ay yimaaddeen labadaa nin Rasuulku SCW wuu u sii daayey labadoodii
nin. Labadii nin ee la sii daayey, Xakam wuu islaamay, Cusmaanse gaalnimo ayuu ku dhintay.
Walaalkiin aad ku walaalowdeen Islaamka
DAGAALKII BADAR [Qaybta 1aad]
Qaybtii 2aad .. GUJI
Waxaan soo marnay inuu Rasuulku SCW
muddo hal sano ku dhow uu ciidamo dirayey isagoo rabay inuu qureysh dhaqaaleheeda curyaamiyo oo ka gooyo jidka ganacsigoodu
ku xiran yahay maddaama ay xoolihii muslimiinta dheceen, kana soo saareen guryahoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii, ayna tahay
qureyshi codowga ugu daran islaamka iyo muslimiinta intaasna soo dhibayey. Muslimiinta iyagoo ka jawaabaya falalkaas xun xun
ee qureysh waxay ka joojiyeen safaradii u kala socday Shaam iyo Makka oo dhaqaalahoodu ku xirnaa. Qureyshi aad ayey arrintaa
uga xumaatay, jidkiina ciriiri ayuu ku noqday ilaa ay ku kalliftay inay maraan badda xeebteeda oo halkaasna looga daba tegey.
Waxaa kaloo qureysh ka sii xanaajiyey in Makka duleedkeeda safarradoodii laga ugaarsado.
Haddaba waxaan soo marnay in Rasuulka
SCW iyo ciidan u hoggaaminayo ay bishii Jamaadul Uulaa ku bexeen safar ay qureysh ledahay oo Makka ka tegey Shaamna u sii
jeeda, hase yeeshee Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waa soo wayeen safarkaas, dabadeedna waxay dhowrayeen soo noqodkiisa dambe.
Labo bilood ka dib markii la is yiri safarkaasi waa soo gaddoomay ayaa Rasuulku SCW wuxuu diray laba nin oo kala ahaa: Dalxa
ibnu Cubeydillaah iyo Saciid ibnu Seyd wuxuuna ku yiri "socda oo baadi gooba soona ogaada meesha ay soo maraayaan iyo waqtiga
ay ku soo aaddan yihiin". labadii nin way baxeen dabadeedna waxay gaareen meesha la yiraahdo Xuura, halkaas markay ayaamo
joogeen ayaa waxaa soo maray safarkii qureysh oo tijaaro iyo alaab fara badan wada, kana koobnaa kun rati oo ay wadeen 40
nin, uuna madax u ahaa abuu Sufyaan ibnu Xarbi. Si degdeg ah ayay markaa labadii nin u soo noqdeen khabarkii oo dhanna Rasuuka
SCW ugu soo gudbiyeen.
Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka soo
baxay bishii Ramadaan sannadkii 2aad ee hijriga, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum hase yeeshee
markuu marayo Rawxaa' ayaa (rasuulku scw) direy abaa lubaaba oo ku yiri "Madiina madax ka noqo, Cabdullaahina salaadda ha
tujiyo". Calanka guud ee muslimiinta wuxuu Rasuulku SCW u dhiibay Muscab ibnu Cumayr, wuxuuna Rasuulku SCW ciidanka u qeybiyey
labo qaybood: Muhaajiriin iyo Ansaar. Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankooda u dhiibay Cali binu Abii-dhaalib, qaybta Ansaarna Sacad binu Mucaad.
Habka duullaanka ciidanka wuxuu Rasuulku SCW u qeybiyey shan qaybood oo waagaas ciidanka loo qaybin jirey: Midig, bidix, horey,
gadaal iyo dhexda. Dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Subeyr binu Cawaam, dhinaca bidixna Miqdaad ibnu-Aswad waana labadii
nin oo labada faras ka watay ciidanka. Dhinaca gadaale wuxuu madax uga dhigay Qeys ibnu abii Sacsac.
Rasuulka SCW iyo ciidankiisii way
dhaqaaqeen waxayna qaadeen waddadii Makka aadi jirtey hase yeeshee markay u dhow yihiiin ceelka Badar oo ay marayaan meesha
la yiraahdo Rawxa' ayey dhinaca midig u leexdeen ka dibna way sii socdeen markay u dhow yihiin meesha la yiraahdo Safraa'
ayaa Rasuulku SCW wuxuu ceelkii Badar u diray laba nin oo sahan ah oo la kala oran jirey Basbas ibnu Cumar Aljuhani iyo Cadiyi
ibnu Saqbaa Aljuhani, si ay u soo ogaadaan safarkii qureysh iyo meesha uu marayo.
Dhinacii kale ninkii la oran jiray
Abuu Sufyaan ibnu Xarbi, oo ahaa ninkii madaxda u ahaa safarkii qureyshee, oo aad u digtoon, ogna waddada uu hayo oo Badar
sii martaa ineysan aamin ahayn wuxuu galay wareysi uu wareysanayo cid aala cidduu arko oo uu ku leeyahay "Madiina maxaad wax
war aha ka haysaa?", markaasaa ugu dambeyntii waxaa loo sheegay in Nabi Maxammed SCW iyo asxaabtiisii ka soo baxeen Madiina
iyagoo raadinaya safarkiisa. Abuu Sufyaan markuu arrintaas maqlay wuxuu ogaaday inuu halis ku jiro sidaa daraaddeed degdeg
ayuu Makka ugu diray qaylo dhaamis, wuxuuna diray nin la oran Damdam ibnu Camar Alqafaari. Abuu Sufyaanna safarkii ayuu
ka hormaray oo wuxu tegey ceelkii Badar wuxuuna ugu tegay ceelka nin la oran jirey Majdi ibnu Camar, wuxuuna weydiiyey inuu war
ka hayo ciidankii Madiina. Majdi wuxuu yiri "cid aan garan waayo ma aanan arag aan ka ahayn laba nin oo neef geel ah watey
oo neefkoodii halkaas arumiyey, ceelkana biyo ka dhaansaday dabadeedna iska tegey.
Abuu Sufyan wuxuu tegey meeshii neefka
geela ah la arumiyey markaasuu saaladii neefka qaatey oo burburiyey, wuxuuna ka helay laf timireed markaasuu yiri "Ilaah baan
ku dhaartaye waa daaqii Madiina", dabadeedna intuu si degdeg ah ugu laabtay safarkii ayuu ka leexiyey waddadii oo dhinaca
badda mariyey. Ninkii uu u direy Makka oo Damdam la oran jirey isagoo ordaya oo qeylo dhaamis ah ayuu Makka galay, wuxuuna
sameeyey calaamooyin lagu yaqaanno qofka dareenka wada oo qamiiskiisii ayuu jeexay, ratiguu fuushanaana sanka ayuu gooyey,
reeryadii ratiga saarnaydna dhinaca kale ayuu u wareejiyey, qeylana afkuu ku shubtay isagoo leh "qureysheey dharbaaxo dharbaaxo,
xoolihiinnii Abuu Sufyaan waday Maxammed baa asxaabtiisii ku soo bixiyey una malayn maayo inaad gaaraysaan ee gargaar gargaar".
Qureysh iyagoo awalba u ciil qabay
Nabiga SCW iyo asxaabtiisa ayaa markii ay maqleen qeyladaas si degdeg ah u soo baxeen iyagoo faanaya oo leh "Maxammed iyo
asxaabtiisu ma waxay u maleeyeen in safarkani yahay safarkii ibnu Xadrami oo kale, ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhaarranaye
way ogaan doonaan si aan sidaas ahayn". Odeyaashii qureysh madaxda u ahaa Abuu Lahab oo keliya ayaa ka haray isaguna wuxuu
u haray xanuun, beddelkiisiina wuxuu diray nin uu deyn ku lahaa oo uu u cafiyey, raggii reer makkana ninkaan bixin beddelkiisii
ayuu dirayey. Waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 1300 oo nin oo wata 100 faras iyo 600 oo canbuur bireed iyo awr aad
u tiro badan. Ammaanduulaha guud ee ciidanka qureysh wuxuu ahaa Abii Jahal, xagga maamulka iyo raashinka waxaa u qaabbilsanaa
9 nin, maalinkii waxay qalan jireen 9 ama 10 geeel ah.
Ciidankaasi waxay soo baxeen iyagoo
uu ka muuqdo kibir iyo is qaad qaad iyo is tus tus siduu Allaahba uu ug caddeeyey aayadan:
((HA NOQONNINA KUWII UGA SOO BAXAY
GURYAHOODA KIBIR IYO DADKA IN LA IS TUSO, JIDKA ALLENA LA XIRO, ALLAAHNA WIXII AY CAMAL SAMAYNAYEEN WAA MID KOOBAYA)), (Suuratul-Anfaal
47).
Qureysh waxaa intaa u sii dheerayd
caro iyo xiqdi ay u qabeen Nabiga SCW iyo asxaabtiisa iyaga oo rabay iney dabar gooyaan.
Waxay Qureyshi u soo dhaqaaqeen dhinaca
Badar, markii ay dhaafeen togga la yiraahdo Casafaan oo ay marayaan Juxfa ayaa waxaa u timid waraaq uu soo direy Abuu Sufyaan
oo uu ku leeyahay "waxaad u soo baxdeen inaad badbaadisaan safarkiina, Allaahna waa idiin badbaadiyey raggiinnii iyo maalkiinnii
ee soo laabta". Hase yeeshee Abuu Jahal oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka wuu diidey warkaas waraaqda ku qornaa wuxuuna yiri
"Ilaah baan ku dhaartaye noqon mayn ilaa aan Badar tagno oo aan saddex beri joogno, geelana ku qalanno, cuntadanaku cunno,
khamradana ku cabno, haweenkuna noogu heesaan, carabna ay maqasho socodkayaga iyo awooddayada si aan dib dambe naloogu haweysan".
Abii Jahal markuu hadalladaas yiri ayaa waxaa hadlay Akhnas ibnu Sureyq oo madax u ahaa reer banuu Suhra, wuxuuna yiri "haddii
uu safarkii nabad galay aan laabanno", markii laga diideyna ciidankii qabiilkiisa oo 300 gaarayey ayuu la laabtay, markii
qureysh jabtayna qabiilkiisu aad ayey uga dambayn jireen, wayna jeclaayeen go'aankiisa. Sidoo kale waxa damcay iney laabtaan
laftii uu Rasuulku SCW ka dhashay oo awalba aan dagaal dooneyn ee lagu soo khasbay hase yeeshee Abii Jahal ayaa u diidey oo
yiri "kooxdani nama cidlaynayso".
Dhinaca ciidankii muslimiinta waxaa
loo soo gudbiyey in safarkii fakaday, ciidan aad u xoog badan oo Makka ka yimidna uu yimid isla markaasna aan laga fursan
doonin in foodda la is daro, sidaa darteed koox ciidankii muslimiinta ka mid ahayd way dhibsatay xaaladdaas adag maxaa yeelay
ciidanka muslimiintu hub sidaa ah ma wadan, dagaalna kuma soo talo gelin, Madiinana rag badan bay uga soo tageen, ujeeddada
ay u soo baxeenna waxay ahayd iney soo qabtaan safarkaas qureysh. Kooxdaas siday u kahanaysayna Allaah ayaa qur'aanka ku sheegay
oo wuxuu yiri:
(( SIDUU RABBIGAA KAAGA BIXIYEY GURIGAAGA
XAQNIMO, KOOX MU'MINIINTA KA MID AHI WAA KAHANAYEEN, XAQA AYEYNA KUGULA DOODAYAAN MARKUU CADDAADEY KA DIB, WAABA IYAGOO DHIMASHO
LOO WADO OO FIIRINAYA)), (Suuratul-Anfaal 5-6).
Rasuulku SCW markii uu arkay xaaladdu
meesha ay marayso iyo wadciga taagan wuxuu arrintii u bandhigay oo la tashaday asxaabtiisii si ay afkaartooda uga dhiibtaan
arrintaas cusub. Abuubakar ayaa markaas istaagay oo si fiican u hadlay, ka dib Cumar binu Khadhaab ayaa hadlay oo bartii loo
baahnaa taabtay. Miqdaad ibnu Camar ayaa isaguna hadlay oo yiri "Rasuulkii Allow ku soco waxa Rabbi ku tusay, annaguna waan
kula jirnaaye. Ilaahay baan ku dhaartaye kugu dhihi mayno hadalkii ay reer banuu Israa'iil Muuse ku yiraahdeen oo kale, kaas
oo ahaa "soco adiga iyo Rabbigaa oo dagaallama, annaguna halkan baan sii fadhiyeynaaye", laakiin waxa aan ku leennahay "soco
adiga iyo Rabbigaa oo dagaaallama, annaguna la jirkiinna ayaannu dagaallmaynaaye. Allihii xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye
haddii aad nala socotid ilaa aad ku gaartid Barkul-Qamaad, waan kula soconayna oo kula jiraynaa waxa ka sokeeya ilaa aad ka
gaartid".
Rasuulku SCW wuu ku farxay hadalkaas
wanaagsan ee ay soo jeediyeen saddexdaas nin ee Muhaajiriin kamid ahaa hase yeeshee wuxuu jeclaystay in uu Ansaarna go'aan
kooda wax ka maqlo maxaa yeelay ciidanku Ansaar ayuu u badnaa isla markaasna heshiiskii ay Rasuulka SCW la soo galeen ee Baycatu-Caqabadii
2aad kuma jirin duullaan dibadeed ee wuxuu ahaa difaacid cid kasta oo soo weerarta Nabiga SCW iyo muslimiinta. Rasuulku SCW
wuxuu yiri "dadyahow ii ishaara" oo uu ula jeeday hadla oo talo keena. Waxaa markaa fahmay hoggaamiyihii Ansaar calan koodana
waday, Sacad binu Mucaad, wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in aad annaga (Ansaar) noo jeedid?", markaas ayuu Rasuulku
SCW yiri "haa". Sacad ayaa yiri "waan ku rumaysan nahay waxaa aannu ka markhaati kacnay in uu xaq yahay waxa aad la timid,
waxa aan ku siinnay ballantayadii in aan ku maqalno oo ku adeecno. Ku soco Rasuulkii Allow wixii aad doontid, Allihii xaq
kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad badda nala aaddo oo aad dabbaalatid waan kula dabaalanaynaa, nin annaga naga
mid ahina ka dib dhici maayo, mana kahanayo in aad nala kulansiisid cadowgayaga berri, waan ku sabirnaa dagaalka, waannuna
ka run sheegnaa la kulanka, waxaana la arkaa in Allaah uu naga kaa tusiyo wax ay ishaadu ku qabowsato ee ku soco barakada
Allaah".
Riwaayad kale waxa ay ahayd in uu
Sacad yiri "waxaa la arkaa in aad ka baqdid in Ansaari u aragto in aadan xaq ugu lahayn gargaar guryahooda difaacidooda maahane,
waxaanse leeyahay, aniga oo Ansaar u hadlaya "meeshii aad doontid noo hogaaami, ciddii aad doontid xariggeeda xiriiri oo heshiis
la samayso, ciddii aad doontid xariggeeda goo, wixii aad doontid maalkayaga ka qaado, wixii aad doontid nasii, waxa aad naga
qaadato ayaan ka jecel nahay waxa aad nooga tagtid, amarkayaguna amarkaaga ayuu raacayaa. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad
socotid ilaa aad ka gaartid Qamdaan waan kula soconayanaa, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad badda noo bandhigtid oo aad
gashid waan kula gelaynaa".
Rasuulku SCW markii uu hadalladaas
iimaanku ka buuxo Sacad ka maqlay wuu ku farxay, waxa ayna ku dhalisay firfircooni, wuxuuna yiri "socda oo bishaaraysta, Allaah
SW wuxuu ii ballan qaaday labo arrin midkood in aan ku guuleysanno (Safarka ama dagaalka). Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga
oo hadda eegaya meelihii ragga (gaalada) meydkooda la dhig lahaa". Allaah wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((XUSUUSO MARKUU ALLE IDIIN YABOOHAY
IN AY IDIIN SUGNAATAY (AAD KU GUULAYSANAYSAAN) LABADII KOOXOOD (CIIDANKII AMA SAFARKII) MIDDOOD, WAXAADSE JECLAYDEEN IN AY
IDIIN AHAATO MIDDA DHIBTA YAR, ALLESE WAXA UU DOONAYAA IN UU XAQA KU SUGO KALIMADDIISA OO GOOYO CIRIBTA GALADA)), (Suuratul-Alfaan
7).
Rasuulku SCW ciidankii wuu ka raray
meeshii uu deggenaa oo ahayd Dafraan, wuxuuna u kexeeyey Badar. Markii la marayo meel la yiraahdo Diyah oo Badar qarkeeda
ah ayaa ciidanki degey. Rasuulka SCW iyo Abuubakar ayaa ka dib sahay u baxay, markii ay dhexda sii marayaan ayey la kulmeen
odey dadkii baadiyahaas degganaa ka mid ah. Rasuulka SCW ayaa su'aal weydiiyey oo ku yiri "maxaad war ka haysaa dhinaca qureysh
iyo dhinaca Maxammed SCW iyo asxaabtiisa?" hase yeeshee odeygii wuxuu yiri "idiin warami maayo ilaa aad isku kay sheegtaan",
Rasuulku SCW wuxuu ku yiri "waan isku kaa sheegaynayaa haddii aad noo warrantid". Odeygii wuxuu markaas yiri "waxaa i soo
gaartay in Maxammed iyo asxaabtiisii ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu qofka warkaas ii sheegay run sheegay,
maanta halkaas ayey joogaan. Qureyshna waxaa iga soo gaartay in ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu run sheegay
qofkii warkan ii soo sheegay, maanta iyaguna halkaas ayey deggan yihiin". Odeygu wuxuu labada ciidanba ku sheegay goobihii
ay kala degeen, markii uu hadalkii dhammaystayna wuxuu weydiiyey arrinkii uu sugayey oo ahayd in ay isku sheegaan cidda ay
yihiin. Rasuulku SCW wuu u sarbeebay oo wuxuu yiri "biyo ayaan ka nimid" oo uu ula jeeday biyo ayaa nalaga abuuray, ka dibna
way iska dhaqaaqeen isaga iyo Abuubakr, odeygiina wuxuu lahaa "biyehee? ma biyihii Ciraaq?" oo wuxuu u qaatay dhul webi leh
sida Ciraaq
Casarkii markii la gaaray ayuu Rasuulka
SCW koox sahan ah u diray ceelkii Badar, waxaana kooxdaas ka mid ahaa Cali binu Abii-dhaalib, Subeyr ibnu Cawaam iyo Sacad binu
Abii Waqaas. Markii ay kooxdaasi tageen ceelkii Badar ayey heleen labo wiil oo ciidankii qureysh biyo u dhaaminaya. Labadii
wiil ayey soo kexeeyeen, waxa ayna ula yimaaddeen Rasuulka SCW oo tukanaya. Intii uu Rasuulku SCW tukanayey ayaa labadii wiil
su'aalo la weydiiyey oo la yiri "xaggee ka timaaddeen?", waxa ay yiraahdeen "qureysh ayaan biyo u dhaaminaynay". Muslimintii
qaar ka mid ah, oo weli rajo ka qabay safarkii qureysh, ayaa labadii wiil garaacay. Wiilashii markii ay xanuun sadeen ayey
been sheegeen oo dheheen safarkii (qureysh) baan ka nimid", ka dibna garaacii waa laga daayey.
Rasuulku SCW markii uu salaaddii
ka baxay ayuu isaga oo canaanaya ku yiri muslimiintii "markii ay run idiin sheegeen waad disheen, markii ay been idiin sheegeenna
waad deyseen. Ilaah baan ku dhaartaye run ayey sheegeen oo qureysh bay ka yimaadeen". Rasuulku SCW wuxuu markaas la hadlay
labadii wiil oo ku yiri "ka warrama qureysh?", waxa ay yiraahdeen "duudkaan gadaashiisa ayey joogaan", Rasuulku SCW wuxuu
ku yiri "meeqa ayey dhan yihiin?", waxay ay ku jawaabeen "caddadkoodu waa badan yahay", wuxuu Rasuulku SCW ku celiyey "intee
buu dhan yahay caddadkoodu?", waxa ay yiraahdeen "ma garanayno caddadkooda". "Intee geel ah ayey qashaan maalintii " ayuu
Rasulku SCW weydiiyey, waxa ay yiraahdeen "maalina 9, maalina 10". Markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "waxa ay u dhexeeyaan 900
ilaa 1000". Rasuulku SCW su'aal kale ayuu weydiiyey oo wuxuu yiri "yaa ku jira odeyaashii qureysh?", waxa ay ku jawaabeen
"waxaa ku jira Cutba binu Rabbiica, Sheyba binu Rabbiica, Abuu Bakhtari binu Hishaam, Xakiim binu Xisaam, Nawfal binu Khuwaylid,
Xaarith binu Caamir, Dhuceyma binu Cadiyi, Nadar binu Xaarith, Samca binu-Aswad, Abuu Jahal binu Hishaam" iyo rag kale oo
ay magacaabeen. Rasuulku SCW wuxuu markaas soo qaabilay asxaabtii oo ku yiri "tani waa Makka oo idiin soo tuurtay beerkeeda
gobollodiisii".
Habeenkii markii la gaaray waxaa
bilaabatay naxariistii Ilaahay oo waxaa yimid roob, kaas oo dhinicii gaalada aad ugu da'ay oo qooyey, dhulkiina faagay, kuna
riday gaaladii caajis iyo in ay goobtii u soo hormari kari waayaan. Dhinicii muslimiintana wuxuu ugu da'ay si naraxiis ah
oo wuxuu ka daahiray xumaatadii iyo wiswiskii sheydaanka, wuxuuna adkeeyey quluubtoodii, lugohoodiina dhulka ayuu ku sugay.
Allena isaga oo arrintaas ka hadlaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((XUSUUSTA MARKUU (RABBI) IDINKU
DABOOLAY HURDO, AAMIN AHAANSHO XAGGIISA KA AHAATAY, IDINKAGANA SOO DAJIYEY SAMADA BIYO SI UU IDINKUGU DAHIRO, OO UU IDINKAGA
TAKSIIYO QURUNKA SHAYDAANKA, UGUNA ADKEEYO QULUUBTIINA OO U SUGO GOMADIHIINA)), (Suuratul-Anfaal 11).
Cishihii ka dib ayaa Rasuulku SCW
ciidankii soo raray si uu ugu soo hormaro biyihii ceelasha Badar iyo meelihii istiraatijiga ahaa. Markii uu ceelashii afkooda
soke marayo ayuu degay. Waxaa markaas istaagay nin la yiraahdo Xubaab binu Mundir oo ahaa nin khibrad u leh xeesha dagaalka,
oo yiri "Rasuukii Allow, ma Allaah baa meeshaan ku dejiyey oo markaas nooma ahaanin in aan ka hor marno ama ka dib marno mise
waa ra'yi iyo xeel dagaal?", Rasuulku SCW wuxuu yiri "waa ra'yi iyo xeel dagaal", markaas ayuu Xubaab yiri "Rasuulkii Allow,
meeshaani meel la dego maahane ee socodsii ciidanka ilaa aan ka gaarno ceelasha ugu dambeeya ee dhinacooda (gaalada) xiga
oo aan halkaas ka degno, ceelasha kalena xabaalno, darna aan ka dhisanno oo biyo ka buuxinno. Markii ayuu la dagaallamayno
ayeynu biyaha ka cabbaynnaa, iyaguna harraad ha ku joogaan". Rasuulku SCW wuxuu yiri "xaqiiqdii waad ishaartay", ciidankiina
wuu kexeeyey ilaa u ka gaaray ceelashii ugu xigay cadowga oo halkaas la degay. Isla habeenkiiba darkii baa la dhisay, ceelashii
kalena waa la duugay.
Ka dib Sacad binu Mucaad ayaa fikrad
soo jeediyey oo yiri "Nabigii Allow, maan kuu dhisno waab aad joogtid, rakuub kaagana agtaada ku xirno, dabadeedna aan cadowgayaga
la kulanno. Haddii Ilaah na ciseeyo oo aan cadowgayaga ka guuleysanno, waa arrintii aan jeclayn, haddii ayse sida kale noqoto,
rakuubkaaga ayaad fuuleysaa, waxaadna haleelaysaa raggii naga dambeeyey. Rasuulkii Allow waxaa haray rag aannan annagu jacalkaaga
ka badsan, haddii ay malayn lahaayeen dagaalna, kaama ay hareen, iyaga ayaana ku difaacaya oo kuu gargaaraya, kulan jihaadaya".
Rasuulku SCW wuu yeelay fikradii
Sacad, wuuna u duceeyey dabadeedna waabkii ayey muslimintu u dhiseen, waxayna ka dhiseen meel xoogaa korreysa oo dhinaca woqooyi
bari ka xigta goobtii dagaalka waxaana
waardiye qabtay koox Ansaar ah oo Sacad binu Mucaad madax u yahay. Rasuulku SCW habeenkii geed meesha ku yaalley hoostiisa
ayuu salaad ku tukanayay ilaa uu waagu ka baryey. Ka dib wuxuu subixii ku dhex socday goobtii dagaalku ka dhici lahaa, wuxuuna
sii sheegay qaar ka mid ah madaxdii qureysh meelaha ku nafbixi lahaayeen isagoo gacantiisa ku ishaaraya oo leh "halkaani waa
goobta hebel la dhig doono berri haddii Alle idmo, halkaanna waa goobta hebel la dhigi doono berrii hadii Alle idmo". Muslimiintii
waxay waabariisteen iyadoo ay dabooshay xasillooni, degganaan iyo aamin ahaansho. Habeenkaasi wuxuu ahaa habeen jimce ah oo
bishaa Ramadaan 17 ahayd sannadkii 2aad ee hiriga.
Ciidankii qureysheed wuxuu habeenkaas
ku waabariistey dhinicii kore ee Badar, Allena isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:
((XUSUUSTA MARKAAD AHAYDEEN DHINICII
U DHAWAA (BADAR), IYAGUNA AHAAYEEN DHINICII KA FOGAA (BADAR), SAFARKUNA IDINKA HOOSEEYEY, HADDII AAD BALLAMI LAHAYDEENA WAAD
ISKU KHILAAFI LAHAYDEEN BALLANTA, LAAKIIN ALLAA XUKUMAY ARIN UU AHAA MID SAMEEYA, SI CIDDII HALAGSAMIN SI CAD U HALAAGSANTO,
CIDDII NOOLAANA SI CAD U NOOLAATO, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE MAQLA OO OG)), (Suuratul-Anfaal 42).
Ciidankii qureysheed markuu waabariistay
ayuu soo guuray oo soo degay goobtii dagaalka, ka dibna koox ka mid ahayd ayaa soo aaday darkii muslimiinta si ay biyo uga
cabaan, markaasaa Rasuulku SCW wuxuu asxaabta ku yiri "iska daaya", biyihii ayey ka cabbeen (nimankii) waxayna ku laabteen
ciidankoodii. Kooxdaas biyaha cabtay goobtii dagaalka ayaa lagu wada diley illaa Xakiim ibnu Xisaam maahane, isaga lama dilin,
ka dibna wuu islaamay, islaamkiisuna wuu wanaag sanaaday, markuu dhaarta ku xeel dheeraanayana wuxuu dhihi jirey Allihii maalinkii
Badar iga nabad geliyaan ku dhaartay".
Labadii ciidanba dagaal ayey isu
diyaariyeen iyadoo ciidan walbaba xeeladdiisa dagaal isticmaalayo. Ciidankii qureyshtu waxay direen nin ciidankoodii ka mid
ah oo la oran jirey Cumeyr binu Wahab Al-jumaxi si uu u soo kormeero una soo qiyaaso ciidanka muslimiint caddadkooda iyo hubkooda.
Cumeyr faraskiisii intuu ku dhacay oo ciidankii muslimiinta ku soo wareegay ayuu soo laabtay, markaasuu yiri "Waa 300 oo nin,
ama wax yar bay ka badan yihiin ama wax yar yihiin, laakiin bal ii suga aan soo hubiyo in wax gurmad ahi gadaal u jiro", cabbaar
markuu socday oo uu waxba soo waayey ayuu soo laabtay oo yiri "waxba ma soo arag, laakiin qureysheey waxaan soo arkay geel
mayd xambaarsan, geeli Madiina u aroori jirey oo mayd xambaarsan, Ilaah baan ku dhaartaye iima muuqato in nin laga dilayo
ilaa ay nin idinka dilaan, haddii ay wax gaarsiiyaan tiradiinna oo ay la tagaan (dilaad) caddadkooda in le'eg nolol kheyr
leh ma arag". Xakiim ibnu Xisaam, oo ah ninka ka badbaadi doona raggii
biyaha soo cabbay, marku hadalkaas maqlay wuxuu u tegey Cutba ibnu Rabbiica oo uu ku yiri "Abaa Waliidow qureysh duqeedii
baad tahay, waana lagu maqlayaa ee ma rabtaa in khayrka maanta lagugu sheego waligaa?", Cutba wuxuu yiri "muxuu yahay kaasi
Xakiimow?". Wuxuu yiri Xakiim "ciidanka celi, ninkii aad xulafada la ahayd oo la oran jirey Camar ibnu Xadrami arrintiisa dusha saaro".
Cutba arrinkii wuu u riyaqay wuxuuna yuiri "xaliifkaygii buu ahaa, diyadiisii iyo maalkii laga qaatayba waa dusheyda ee Xakiimow
u tag ibnu Xandaliyah (Abii Jahal) maxaa yeelay amarka ciidanka cid kale ma hayso". Ka dibna Cutba ciidankii buu u khudbeeyey
oo yiri "qureysheey Ilaah baan ku dhaartaye inaad Maxammed iyo asxaabtiisa la kulantaan waxba idiin tari mayso, Ilaah baan
ku dhaartay haddii aad la dagaallantaan ka suuli maysaan ninku in uu ninka kale wajigiisa fiirin waayo, maxaa yeelay ina adeerkiis
buu dilay ama ina abtigiis ama qaraabadiis, haddaba laabta oo isu daaya Maxammed iyo carabtaas kale oo hadii ay ka adkaadaan
waa sidii aad rabteen, hadduuu ka adkaado oo boqortooyo helana idinkoo aan wax dambi ah ka gelin ayuu idiin imaanayaa, idinkuuna
idinka dhashay".
Xakiim wuxuu u tegay Abii Jahal oo
canbuur bireedkiisii haysta oo ku yiri "Cutba ayaa ii soo kaa diray oo sidaas i soo yiri. Abii Jahal wuxuu yiri "Ilaah baan
ku dhaartaye sambabaduu ka bararay (Cutba) markuu arkay Maxammed iyo ciidankiisa ee ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhartaye
ma laabanayo ilaa Ilaahay nakala xukmiyo annaga iyo Maxammed, Cutbana wuxuu arkay in Maxammed iyo asxaabtiisu yihiin rudmo
hilib ah, waxaana ku jira ciidanka Maxammed wiilkiisii Xudeyfa ibnu Cutba oo uu idinkaga baqayo inaad ka dishaan". Cutba markuu
hadalkii Abii Jahal maqlay wuxuu yiri "wuu ogaan doonaa kaayagii fulayoobay ani iyo isaga". Abii Jahal si degdeg ah ayuu u
istaagay isagoo ka baqay in fikraddaan laabashada ah ay ciidanka ku dhex fiddo, wuxuuna u cid diray Caamir ibnu Xadrami, oo
la dhashay ninkii la dili jirey ee Camar ibnu Xadrami, wuxuuna ku yiri "xiliifkaagii (Cutba) wuxuu doonayaa inuu ciidanka
celiyo markaad aragtay aarkaagii aad aarsan lahayd ee orod oo qayli", markaasuu Caamir ku dhex orday ciidanii isagoo qaylinay
aoo leh "waa Camaray".
Markii labadii ciidan fagaarihii
isugu soo baxeen ayaa Rasuulku SCW Allaah baryey oo yiri "Allahayow tani waa qureysh oo kibirkeedii iyo faankeedii la soo
qaabishay la dagaallankaaga iyo beeninta Rasuulkaaga, Allahayow saaka halaaji". Intaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu isha mariyey
gaaladii markaasuu wuxuu arkay Cutba oo rati guduudan saaran markaas ayuu asxaabtiisii ku yiri "haddii ragga nin kheyr leh
uu ku jiro waa ninkaas ratiga guduudan saaran haddii ay adeecaana way hanuunayaan".
Ka dib Rasuusku SCW wuxuu gudo galay
inuu safayo ciidankii muslimiinta isagoo gacanta ku wata gammuun. Waxaa markaa safkii ka soo baxay nin la oran jirey Sawaad ibnu Qays, markaasaa
Rasuulku SCW gamuun caloosha uga muday oo ku yiri "Sawaas is toosi", Sawaad ayaa hadlay oo yiri "Rasuulkii Allow waad i xanuujisay
ee ii qisaas", Rasuulku SCW intuu calooshiisii fayday ayuu yiri "ka aarso", Sawaad intuu Rasuulka SCW isku duubay ayuu caloosha
ka dhunkaday. Rasuulka SCW ayaa waydiiyey "Sawaadow maxaa arrinkaa kugu xambaaray?" Sawaad wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaan
u jeedo ayaa yimid, sidaa darteed waxaan jeclaystay inuu ahaado waqtiga iigu kaa dambeeya jirkeyga oo jirkaaga taabta", markaas
ayaa Rasuuku SCW kheyr ugu duceeyey. Ka dib markii uu Rasuulku SCW safiddii dhammeeyey ayuu ciidankiisii amray in aysan dagaalka
bilaabin ilaa uu amar kama
dambays ah bixiyo. Waxaa kale oo uu u sharraxay arrin ka mid ah bilowga dagaalka oo wuxuu yiri "haddii ay idin hareereeyaan
gammuunadiinna ku gana, seefahana ha siibannina ilaa ay idin dul yimaaddaan", ka dib wuxuu aaday waabkii isaga iyo Abuubakar,
Sacad ibnu Mucaad iyo koox uu watana waardiye ka qabteen.
Dhinaca mushrikiintana Abii Jahal
oo hoggaamiye ahaa ayaa Ilaahay baryay oo yiri "Allahayow kaayagii qaraabada gooyey oo waxaannaan aqoon la yimid saaka halaaji,
Allahayow kaayagii loogu kalgacayl badan yahay agtaada oo loogu raalli ahaansho badan yahay maanta u gargaar", arrintaas Ilaahay
wuu ka aqbalay oo Abii Jahal wuxuu baryeyey ayuu helay, Allena isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((HADAAD KALA XUKUMID DALABTEEN (GAALO)
WAXAA IDIIN YIMID GARGAARKII (ALLE UU U GALAY RASUULKIISA SCW), WAXAANA IDIIN KHAYR INAAD REEBTOONAATAAN, HADDIISE AAD KU
NOQOTAAN (LA COLAYTANKA DIINTA ALLE) ANAGUNA WAANU KU NOQON (U GAR GAARIDDA RASUULKA SCW), WAXNA IDIIN TARI MAYSO KOOXDIINU
(CIIDANKIINU) HABA BATEE, ALLENA WAXA UU LA JIRAA MU'MINIINTA)), (Suuratul-Anfaal 19).
Waxaa la yaab ah in Abii Jahal isagoo
Ilaahay iyo Rasuulkiisii la dagaallamaya uu haddana hadalladaas ku duceysanayo oo uu weliba isu arko inuu isaga xaq ku taagan
yahay. Taani waxay la mid tahay maahmaahda soomaaliyeed oo ah; Nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. Sida badanna qofku
haduu og yahay inuu baadil ku taagan yahay wuu ka haraa mid caniid ah (madax adag) oo hoogey maahane, laakiin haddii uu isu
haysto in uu xaq ku taagan yahay waligiis kama haro, qolo walbana waxay leedahay; anagaa xaq ku taagan", hase yeeshee xaqu ma qarsoomo, mana qaybsamo, Ilaahay baana
ummadda kala saari doona.
Intaa ka dib waxaa bilaabmay dagaalkii
wuxuuna u bilowday sidan: Nin la oran jirey Aswad binu Cabdil-asad Al-makhsuumi, oo ka mid ahaa ciidanka gaalada, ahaana sidiisaba
nin akhlaaq xun, ayaa ka soo dhex baxay ciidankii gaalada isagoo leh "Ilaahay waxaan kula ballamay in aan darkooda ka soo
cabbo ama aan soo dumiyo ama ka soke la igu dilo". Markii uu soo baxay ayaa waxaa u soo baxay Xamsa binu Cabdimudhali oo seef
ka hor geeyey waxayna seeftii kala goysey dhudhunka, dhabar dhabar ayuuna u soo dhacay markaasuu xammaartay isagoo doonaya
inuu dhaartiisii fuliyo oo darka gaaro hase yeeshee Xamsa ayaa ka daba tegay oo seef kale ku dhuftay isagoo darkii ku jira
halkaas ayuuna ku naf waayey. Ninkaas ayaan aahaa ninkii ugu horreerey ee goobtaas Badar ku dhinta.
Waxaa markaas ciidankii qureysh ka
soo banbaxay saddex nin oo isku hal qoys ah lana kala oran jirey Cutba ibnu Rabbiica, Walaalkiis Shayba ibnu Rabbiica iyo
wiilkiisii Waliid ibnu Cutba. Nimankaas oo ahaa halyeeyadii qureysh waxay dalbadeen in saddex nin dhinaca kale soo banbaxaan.
Waxaa markaa Rasuulku SCW u saaray saddex nin oo Ansaar ah oo kala ahaa Cawf binu Xaarith, walaalkiis Mucaad binu Xaarith
iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa. Nimankii qureysh waxay yiraahdeen iyagoo doonaya inay ogaadaan nimanka loo soo xulay "waa kuwama",
markaasaa loogu jawaabay "waa koox ansaar ah", dabadeed waxay yiraahdeen "kuf wanaagsan baad tihiin danse idinkama lihin ee
waxan doonaynaa ilma adeerradayo", weliba nin ciidanka gaalada ka mid aha ayaa intuu qayliyey yiri "Maxammadow noo soo saar
rag noo qalma oo ciddayada ah". Markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu u soo saaray saddexdii nin ee ciidanka ugu xigey oo kala ahaa
Xamsa binu Cabdimudhalib oo adeerkiis ahaa, Cali binu Abii-dhaalib oo ina adeerkiis ahaa iyo Cubeyda binu Xaarith oo ina adeerkiis ahaa.
Markay saddexdaa nin soo banbexeen ayey haddana nimankii qureysh yiraahdeen "waa kuwama", markii ay isu sheegeen ayey yiraahdeen
"waxaad tihiin kuf wanaagsan". Ka dib ninba nin ayuu ku hagaagay; sida uu Ibnu Isxaaq weriyey Cubeyda, oo saddexda muslimiinta
aha u da'yaaraa, wuxuu u baxay Cutba, Xamsana wuxuu u baxay Sheyba, Calina wuxuu u baxay Waliid. Hase yeeshee Axmed binu Xanbal
iyo Abii Daa'uud waxay weriyeen in Cubeyda u baxay Waliiid; Calina u baxay Shayba; Xamsana u baxay Cutba.
Isu banbaxaas ayaa bilaabmay, Xamsa
iyo Cali si dhadhso ahba waxay uga takhaluseen
labadii nin ee ku kala aaddanaa, hase yeeshee Cubeyda iyo ninkii ku beegnaa waxay is dhaafsadeen laba seefood oo laba nabar
oo halis ayey isku dhufteen. Xamsa iyo Cali ayaa markaa u yimid oo ninkii kale is raaciyey, Cubeydana soo xambaaray hase ahatee
dhaawacaas ayuu u dhintay Cubeyda afar ama shan beri dagaalka ka dib iyadoo ay muslimiintu jidka ku sii jiraan. Cali binu Abii-dhaalib wuxuu ku dhaaran
jirey in ay arrinkaas ku soo degtay aayadan. (LABADAANI WAA DOODAYAAL KU DOODAY RABBIGOOD). (Suuratul-Xaj 19).
Nimankii mushrikiinta ahaa markay
arkeen sida ay mubaarasadii (isu soo ban bixiddii) ku dhamaatay, jab iyo guul darro degdeg ahna ay u soo hoyatey, ayna waayeen
saddex oo odeyaashoodii ahaa, kana mid ahaa fardooleydoodii, dagaalkana wax ka hoggaaminayey, ayey hal mar soo qaadeen weerar
ballaaran iyagoo ay ka muuqato caro daran.
Muslimiintii markay arkeen nasriga
iyo guusha degdegga ah ee Ilaaha u soo hooyey iyo dhinaca gaalada jabka ku dhacay iyo weliba weerarka ay hadda soo qaadeen
ayey galeen difaac iyagoo fulinaya amarkii Rasuulka SCW ee ahaa "dagaal ha qaadina ilaa aan amar idin siiyo, markay idiin
dhawaadaan fallaaraha ku gana, hana la bixina seefaha ilaa ay idin dul yimaadaan, taasoo ay xikmadda ku jirtaa tahay in xamaasaddoodu
ay jabto weerarkana ay ku hoobtaan sidaad darteed ayaa waxaa ku dhacay gaaladii khasaare sun.
Rasuulku SCW wuxuu baryayey Rabbigiis,
ducadiina wuu ku ilxaaxyey (ku cel celiyey) isagoo leh "Allahayow i sii wixii aad ii yaboohday, Allahayow waxaan kugu baryayaa
ballaantii iyo yaboohii aad iga qaaday, Allahayow haddaad kooxdan (muslimiinta) maanta halaagtid dib dhulka lagugu caabudi
maayo, Allahayow haddaad doonto lagu caabudu maayo maanta ka dib weligeed. Aad ayuu Rasuulku SCW ugu xeeldheeraaday (ducada)
isagoo Rabbigiis gargaar weydiisanaya oo isu dulleynaya ilaa uu go'iisii kor ka dhacay. Abuubakar ayaa u soo qaaday go'ii
oo Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow kugu filan, Rabbigaana waad ku ilxaaxisay". Sidaa oo kale ayaa looga baahan yahay
qofka mu'minka ah ee mujaahidkaa markuu dadal nooc walba ah la yimaaddo inuu Ilaahay baryo oo uu gargaarkiisa weydiisto uguna
tadarruco (isu bihin bihiyo), una arko ciidan iyo awood wax walba oo uu isu keeno ineysan wax tarayn hadduusan Rabbi u gargaarin.
Intaa ka dib Allaah ayaa u waxyooday
Rasuulkiisa SCW oo ku soo dejiyey aayaddan:
((XUSUUSTA MARKAAD GAG GAAR WAYDIISANAYSEEN
RABBIGIIN OO IDINKU AJIIBAY WAXAAN IDINKU SIYAADIN KUN MALAA'IGTA KA MID AH OO IS RAAC RAACSAN, ALLENA (ARRINKAAS) WAX KALE
UMA YEELIN ILAAA BISHAARO IYO IN AY QULUUBTIINU KU XASISHO MAAHANE, NASRIGUNA MEEL KALE MA AHAA, ALLE AGTIISA MA'AHAANE, ALLENA
WAXA UU AHAADAY ALLE QAALIB AH OO XAKIIM AH)), (Suuratul-Anfaal 9-10).
Wuxuu Allaah sidoo kale u waxyooday
malaa'igtii oo ku yiri aayaddan:
((MARKUU RABBIGAA U WAXYOODAY MALAA'IGTA
(OO UU YIRI) ANAA IDINLA JIREE SUGA (XOOJIYA) KUWA MU'MINIITA AH, WAXAAN KU RIDAYAA KUWA GAALOOBAY QULUUBTOODA ARGAGAX EE
KA GARAACA LUQUNTA KORKEEDA, KANA GARAACA XUBIN WALBA)), (Suuratul-Anfaal 12).
Rasuulku SCW wax yar ayuu markaas
lulmooday ka dibna madaxa ayuu kor u qaaday oo samada eegay wuxuuna yiri "bishaareyso Abuubakarow waxaa kuu yimid nasrigii
Ilaahay, kani waa Jibriil oo faraskiisii wata, wejiga faraskiisuna uu boor leeyahay". Riwaayad kale oo Bukhaari weriyey waxay
ahayd "bishaarayso Abuubakarow waxaa kuu yimid narsigii Alle kani waa Jibriil oo ku dheggen faraskiisa madixiisa oo qalabkisii
dagaalka wata". Rasuuku SCW wuxuu ka soo baxay waabkiisa isagoo qaba cambuur bireedkiisi, wuxuuna akhrinayay aayaddan:
((WAA LA JABIN JAMACA (CIIDANKA GAALADA)
DABADAYNA JEEDIN)), (Suuratul -qamar 45).
Ka dib wuxuu qaatay cantoobo ciid
ah oo ku seyriyey ciidanki gaalada. Ciiddii ayaa markaa Allaah gaarsiieyey kulligood oo ka gashay indhaha, sanka iyo afka.
Allaahna wuxuu soo dejiyey aayaddan:
((MA IDINNAAN LAYN IYAG (GALADA)
EE ALLAAH LAAYEY, MANA AADAN GANIN MARKAAD GANAYSAY EE ALLAA GANY (OO INDHAHA KAWADA GALIYEY), SI UU MU'MINIINTA UGU NIMCEEYO
NIMCO WANAAGSAN, WUXUUNA ALLE YAHAY (ALLE) WAX MAQLA OO KU CILMI LEH)), (Suuratul-Anfaal 17).
Rasuulku SCW wuxuu markaa bixiyey
amarkii kama dambaysta ahaa wuxuuna amray in
ay weerar qaadaan wuxuuna ku booriyey dagaalka isagoo leh "Allihii Maxamed naftiisu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye,
nin maanta ma dagaallamo oo lama dilo isagoo sabraya ajarna urursanaya soona jeeda oo aan daba jeedin illaa Ilaahay Janno
ayuu gelinayaa". Wuxu kaloo yiri "u istaaga Janno ballaarkeedu le'eg yahay smawaatka iyo dhulka". Cummayr ibnu Xammaam ayaa
markuu hadalkaa maqlay yiri "bakhin bakhin" (oo uu ula jeedo liibaan liibaan), Rasuulku SCW wuxuu ku yiri "maxaa kugu xambaaray
hadalkan?", Cummayr ayaa yiri "Rasuulkii Allow wax kale iguma xambaarin illaa inaan damcayo inaan ehelkeeda (jannada) ka mid
noqdo maahane". Rasuulku SCW wuxuu yiri "ehelkeeda ayaad ka mid tahay", Cummayr timir uu cunayey ayuu tuuray oo yiri "haddaan
noolaado intaan timirtan ka cunayo waa nolol dheer" wuuna dagaallamay ilaa uu ka shahiiday. Sidoo kale Cawf binu Xaarith ayaa
yiri "Rasuulkii Allow maxaa addoonku Rabbigiis ku farax geliyaa?". Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay "Ilaahay waxaa farax geliya
inuu arko addoonkiisa oo gacantiisa dhex geliya cadowga isagoon waxba wadan" (oo uu ula jeedo dagaalama isagoon wax uu isku
difaaco (canbuur bireed) wadan). Markaas ayuu Cawf orday oo dagaallamay ilaa laga dilay.
Rasuulku SCW khiddadii uu isticmaalay,
oo ahayd in gaalada la weeraro markay xamaasaddoodu jabto, waxay ahayd xeelad aad u cajiib badan oo ay mulimiintu aad ugu
faa'iideysteen, gaaladiina ku ridday niyad jab iyo fashil iyo in safafkoodii kala jabaan.
Waxaa kale oo muslimiinta intaa u
sii dheerayd dhiirrigelintii Rasuulka SCW iyo wacdarihii uu ka muujiyay goobaha dagaalka, iyo sidoo kale malaa'igtii Ilaahay
oo dagaalka ku jirtey oo iyaduna gaalada ka goyneysey luqumaha dushooda iyo xubin walbaba. Riwaayd laga weriyey Cikrama binu
Subaji wuxuu ku yiri 'maalinkaas waxaa la arkayey madax go'aya iyo gacan finiineysa oo aan la ogeyn cidda ku dhufatay".
Abuu Daa'uudal-maasini wuxuu yiri
"waxaan ceyrsaday nin mushrikiintii ka mid ah si aan u dilo, markaasaa madaxiisii soo dhacay seeftaydii oo aan gaarin, markaasaan
ogaaday in cid kale dishay". Sidoo kale in Ansaartii Rasuulka SCW ka mid ah ayaa soo qafaashay Nabiga SCW adeerkii Cabbaas
binu Cabdimudhalib markaasuu u keenay Rasuulka SCW, markaasaa Cabbaas yiri "Ilaah baan ku dhaartaye inuusan kani i soo qafaalin
ee waxaa i soo qafaalay nin ka mid ah kuwa ugu weji qurxoon dadka oo saaran faras, haddan aanan ku dhex arag ciidanka". Ninkii
saxaabiga ahaa ayaa markaa yiri "anigaa soo qafaalay Rasuulkii Allow", markaasaa Rasuulku SCW yiri "aamus Ilaahay baa kugu
xoojiyey malak wanaagsane". Arrimahaas oo dhan waxay ku tusayaan sida ay malaa'igtii Rabbi uga qayb qaadatay dagaalkaas, nasrigii
Allaahna ugu dhaboobay goobtaas.
Cid walba oo u istaagta manhajka
Alle iyo in ay kalimaddiisu kor noqoto Allaah waa u gargaarayaa, ciddii ka hor timaadda manhajkiisa oo diaacda jidka sheydaankana
Allaah garabkooda ayuu ka baxayaa. Sidaa darteed nimankii qureysh ahaa garabkooda ayuu Allaah ka baxay, safafkoodiina way
kala jajabeen, waxayna bilaaben carar iyo insixaab (dib u gurasho).
Ninkii la oran jirey sheydaan oo awal isku soo
ekeysiiyey Suraaqa ibnu Maalik sidaan soo sheegnayba oo laga soo bilaabo ilaa Makka la soo socday, markuu arkay malaa'igtii
Allaah oo soo degayso ayuu cararay. Xaarith ibnu Hishaam, oo ka mid ahaa odeyaashii qureysh, ayaa sheydaankii tafta ku dhegay
isagoo u malaynaya Suraaqa ibnu Maalik, markaasaa sheydaankii xabadka ku dhuftay oo ku cararay. Ciidankii gaalada qaar ka
mid ah ayaa markaa ku qayliyey oo yiri "xaggee u socotaa Suraaqo?", miyaadan dhihin waan idinla joogayaa oo idin faaruqi maayo?",
markaasuu yiri "waxaan arkaa wax aydin arag , aniga Allaah ayaan ka baqayaa". Allaahna isagoo arrintaan tilmaamaya wuxuu yiri:
((MARKUU SHAYDAANKU U QURXIYAY CAMALKOODA
OO KU YIRI WAX IDINKA QAALIB NOQON KARA OO AAD DAD AH MAJIRO ANNA WAAN IDIN LA JIRAA, MARKAY IS ARKEEN LABADII CIIDANNA GADAAL
BUU U GURTAY, WUXUUNA YIRI "ANIGA BARIBAAN IDINKA AHAY WAXAANA ARKAA WAXAYDAAN ARAG, WAXAANA KA BAQAYAA ALLE, OO WUXUU ALLE
AHAADAY MID CIQAABKIISU DARAN YAHAY)), (Suuratul-Anfaal 48).
Mujrimkii weynaa ee Abii Jahal markuu
arkay waxa ciidankiisii ku dhacay iyo waxa uu Suraaqa ninkii uu u heystay sameeyay, ayuu ciidankiisii la hadlay oo ku yiri
"yeysan idin niyad jebinin khiyaanada Suraaqa, maxaa yeelay Maxammad ayuu ballan la lahaa, yeysanna idin murug gelinnin dilitaanka
Cutba, Shayba iyo Waliid maxaa yeelay way degdegeen, Laata iyo Cusaan ku dhaartaye noqon mayno ilaa aan Maxammad iyo dadkiisa
xargo ku xirxirno, hama dilina ee soo qabqabta si aan u ogeysiino xumaatadadii ay sameeyeen". Hase yeeshee hantaatacaas Abii
Jahal waxba ciidankii uma siyaadin maxaa yeelay xaqiiqdii ayey indhohooda ku arkeen, meeshoodii ayeyna baqdintii iyo cararkii
ka sii wadeen, qoortana looga guray.
Cabdiraxmaan ibnu Cawf wuxuu yiri
"maalinkii Badar anigoo safka ku jira ayaa dhinacayga midig fiiriyey mise waxaa jooga wiil da'yar, dhinacayga bidix ayaan
haddana fiirshey isna waxaa joogey wiil da'yar oo kii hore le'eg , markaasaan is iri "waaba anigoo aan aammin ku ahayn booska
ay iga joogaan. Ka dib labadii wiiil midkood ayaa isagoo kii kale ka qarsanaya igu yiri "adeer Abii Jahal i tus" markaasaan
ku iri "adeer maxaad ku samaynaysaa", wuxuu yiri "waxaaa la ii sheegay inuu caayi jirey Rasuulka Allaah SCW, Ilaahay ay nafsaddaydu
gacantiisu ku jirtey baan ku dhaartaye haddaan arko inaanan is gefaynin ila midkayagii horreeyaa dhinto", markaasaan la yaabay.
Kii kale ayaa isna i qanjaruuftay oo sidii oo kale igu yiri. Muddo yar ka dib waxaan arkay Abii Jahal oo ciidankii dhex boodaya,
markaasaan labadii wiil ku iri "miyeydiinaan u jeedin, wa kaas saaxiibkiinnii aad i weydineyseen", markaas ayey hal mark isa
sii daayeen oo seefihii ku boobeen ilaa ay dhulka dhigeen". Ka dib labdii wiil Rasuulka SCW ayey u yimaadeen, wuxuu ku yiri
"kiinnee diley?", mid kasta wuxuu yiri "aniga ayaa diley", Rasuulku SCW wuxuu yiri "ma masaxdeen seefihiinna?", waxay dheheen
"maya", markaas ayaa Rasuulu SCW seefahodii eegay oo ku yiri "labadiinnuba waa disheen". Dagaalku markii uu dhammadayna hubkii
Abii Jahal wuxuu siiyey mid ka mid ah labadoodii oo la oran jirey ibnu Camar ibnu Jumuux maxaa yeelay kii kale oo la oran jirey Mucaad binu Cafraa' goobtii
ayuu ku shahiidey.
Markii dagaalkii dhamaaday ayaa Rasuulu
SCW yiri "yaa soo eegaya waxa Abii Jahal lagu sameeyey?" markaas ayaa asxaabta qaar ka mid ah baadi goob u galeen. Waxaa helay
Cabdullaahi ibnu Mascuud isagii oo naf xumi ku jirto, Cabdullaahi qoorta intuu cag ka saaray, garkana qabtay ayuu madaxa ruxay
kuna yiri "ma wuusan Alle ku hoojin cadowgii Allow?". Abii Jahal wuxuu yiri "maxaa i hoojiyey, ma nin tolkiis diley baan u
horreeyey, yaase maanta guusha helay?", Cabdullaahi wuxuu yiri "Alle iyo Rasuulkiisa SCW ayaa helay". Markaasuu Abii Jahal
yiri "ari raaciiyow waxaad maanta kortay meel sarreysa", Cabdullaahi wuxuu yiri "weligeedba islaamka ayaa sarrayn jirey".
Ka dib Cabdullaahi intuu madaxii ka soo gooyey ayuu u keenay Rasuulka SCW oo yiri "Rasuulkii Allow, cadowgii Alle ee Abii
Jahal madaxiisii waa kan". Rasuuku SCW markuu arkay wuxuu yiri "Allihii isaga maahane uusan Ilaah kale jirin baan ku dhaartaye ma isagii baa?!
Allaah ayaa weyn, Allaah ayaa mahad leh, Allihii yaboohiisii ku run sheegay, addoonkiisii u gargaaray, axsaabtiina keligiis
jebiyey". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW yiri "kani (Abii Jahal) waa fircoonkii ummaddaan".
Wuxuu Nabigu SCW yiri "waxaan aqoonsaday
in rag reer bini Haashim ka mid ah iyo kuwo kaleba la soo khasbay oo ay san dagaalkeenna dooneyn, haddaba qofkii la kulma
qof reer banii Haashim ah yuusan dilin, qofkii la kulma Abaa Bakhtari binu Hisham yuusan dilin, qofkii la kulma Cabbaas binu
Cabdimudhalibna yuusan dilin waa la soo khasbaye". Markaas ayaa Abuu xudeyfa binu Cutba, oo aabbihiis, walaalkiis iyo adeerkiis
lagu dilay goobta, yiri "ma waxaan leyneynaa aabbayaashayo, walaalahayo iyo qaraabadayo, Cabbaasna waa iska deynaa? Ilaah
baan ku dhaartaye haddii aan la kulmo seef baan ku dilayaa". Arrintii ayaa Rasuulka SCW loo sheegay, markaas ayaa Cumar binu
Khadhaab yiri "ii daa Rasuulkii Allow aan seef qoorta uga gooyee,
Ilaah baan ku dhaartaye waa munaafaqoobey". Abuu Xudeyfa wuxuu dhihi jirey "kama aammin ihi kalimadii aan iri maalinkii Badar, waana ka cabsi qabaa in la ii dhaafi doono ilaa in shahaado (shahiidnimo)
la iig dhaafo maahane". Abuu Xudeyfa wuxuu aakhirkii ku shahiiday dagaalkii Yamaama.
Ninkii la oran jirey Abaa Bakhtari
oo Rasuulku SCW yiri yaan la dilin, waxay ahayd sababta loo yiri, markii Makka la joogey ayuu Rasuulka SCW ka celin jirey
dadka, Rasuulka SCW iyo islaamkana wax dhib ah uma geysan jirin, wuxuuna ka mdi ahaa raggii baabi'ieyey warqaaddii kacbada
ku dhegsaneyd ee lagu cunaqabateeyey rer banii Haashi, hase ahaatee ninkaas waa la diley oo rag asxaabtii ka mid ah ayaa arkay
isaga iyo nin kale oo saaxiibkiis ah, markaasay ku dheheen "adiga kula dagaallami mayno oo waa nalaka reebay dilitaankaaga",
markaasuu yiri "saaxiikayna" waxay dheheen "ma deyneyno saaxiibkaa", markaasuu ku yiri "haddaba waa wada dhimanaynaa aniga
iyo saaxiibkey", markaas ayey dagaallameen oo labadoodiiba halkaas lagu diley.
Sidoo kale Cabdirahmaan binu Cawf
oo wata canbuur bireedyo uu soo qaniimeystey ayaa wuxuu soo maray Umaya ibnu Khalaf oo ahaa ninkii Bilaal addoonsan jirey,
ciqaabka daranna mariyey (markii uu Bilaal islaamay) iyo wiil uu dhalay Umaya oo la oran jirey Cali oo meel taagan markii
ay arkeen in aysan fakan karin, markaasaa Umaya la hadlay Cabdiraxmaan oo ay ahaan jireex saaxiibbo waqtigii jaahiliga ee
Makka la joogey, wuxuuna ku yiri "canbuur bireedyadan aad wadato anigaa kaga faa'iido badan ee miyaadan xoolo dooneyn "oo
uu ula jeeday in isaga iyo wiilkiisa uu qafaalo si aan loo dilin, dabadeedna ay hadhow xoolo tiro badan isku furtaan. Cabdirahmaan,
intuu canbuur bireedyadii tuurey, ayuu kexeeyey Umaya iyo wiiliisi", goor uu sii wado ayuu Umayd ku yiri Cabdiraxmaan; "kumuu
ahaa ninkii riishadda xabad ku watay? markaasuu Cabdiraxmaan yiri "wuxuu ahaa Xamsa ibnu Cabdimudhalib", Umaya wuxuu markaa
yiri "kaas ayuu ahaa ninkii arrinta nagu sameeyey (na laayey)". Cabdiraxmaan wuxuu yiri "goon aan dhexda sii marinayo ayaa
waxaa arkay Bilaal, markaasuu dhawaaqay oo yiri "waa madaxii kufriga Umaya ibnu Khalaf magangal kuuma sugnaan", markaasaan
iri "waa u sugnaaday magangal", Bilaal ayaa markaa aad u dhawaaqay oo yiri "Ansaartii Allaay waa kufriga Umaya ibnu Khalaf
magangal uma sugnaan". Ka dib way na hareereeyeen, aniguna waan isku daboolay, markaas ayey wiilkiisii seef lug uga gooyeen,
Umaya ayaa markaa qaylo aanan weligey iyadoo kale maqal ku qeyliyey, markaas ayaan ku iri "badbaadi naftaada magangal kuuma
sugnaanine, aniguna Ilaah baan ku dhaartaye wax kuuma tari karo". Ka dib seefihii ayaa lagu boobey ilaa laga takhalusay labadoodiiba".
Cabdiraxmaan mid ka mid ah seefihii muslimiinta ayaa dhudhunka uga dhacday, ka dib Cabdiraxmaan wuxuu dhihi jirey "Alle ha
u naxariisto Bilaal dhudhunkeygii ayuu dhaawacay, asiirkieygiina (qafalkeygiina) waa diley".
Cumar binu Khadhaab sidoo kale wuxuu
maalinkaas diley abtigiis Caasin binu Hishaam, Abuubakarna wuxuu u dhawaaqay wiilkiisii Cabdiraxmaan oo dhinaca gaalada ka
soo jeedey isagoo leh 'qurunyahow meeyey maalkeygii", markaasuu Cabdiraxmaan yiri "waxaa ka haray hub, faras carbisan iyo
seef dileysa duq baadiyoobey".
Waxyaabihii mucjisaadka ahaa ee meeshaa
ka dhacay waxaa ka mid ahaa; ninka la yiraahdo Cukaasha binu Muxsin ayaa waxaa jabtay seeftiisii, markaasuu Rasuulka SCW u
yimid isagoo seef ka doonaya. Rasuulku SCW, wuxuu siiyey qori wuxuuna ku yiri "ku dagaal Cukaash". Markii uu Cukaasha qaatay
ayey ruxantay oo noqotay seef dheer oo adag, birteeduna caddahay, dagaalkii ayuuna ku galay Cukaasha, waxaana seeftaa la dhihi
jirey Cawn, wuuna heysan jirey oo wuxuu ku geli jirey jikhaadyada ilaa uu aakhirkii ku shahiidey dagaalkii uu Abuubakar ku
qaaday dadkii riddoobey markuuu Rasuulku SCW geeriyoodey. Sidoo kale waxyaabihii uu iimaanku ka muuqday ee goobtii badar ka
dhacay waxaa ka mid ahaa; markuu dagaalku dhammaaaday ayuu Muscab binu Cumeyr soo maray walaalkiis Abii Casiis binu Cumeyr
oo nin muslim ihi soo qafaalay. Markaasuu ku yiri "si fiican u adkee hooyadiis xoolo ayey leedahay oo waxaa la arkaa in ay
furato". Abuu Casiis aya markaas yiri "ma taas ayaad ii dardaarantay walaalkayow". Muscab wuxuu yiri "kan ayaa walaalkay ah"
oo uu ula jeeday saxaabigii waday.
Arrimahaas oo ku tusinaya sida uu
asxaabta Rasuulka SCW iimaanku qalbigooda u degey oo aysan wax yar oo naxariis ah ugu hayn dadkaas Ilaahay diintiisii iyo
manhajkiisii la colleytamay haba ahaadeen aabbayaashood, addeeradood, walaalahood, abtiyaashood ama qaraabadoodii. Waxayna
ku run shegeen aayaatkii Allaah sida kuwaan:
((KUWA MU'MINIINTA AHW HAKA YEELANINA
AABAYAALKIIN IYO WALAALIHIIN WALIYO HADDAY GAALNIMO KA JECLAADAAN IIMAANKA, CIDII KA WALI DHIGATA (GAALO) OO IDINKA MIDA,
KUWAASAA UN DAALIMIIN AH)), (Suuratu-Tawbah 23).
((MA HELAYSID DAD RUMEEYEY ALLE IYO
MAALINKA AAKHIRO IN AY JECLAADAAAN CID KHILAAFTAY ALLE IYO RASUULKIISA, HABA AHAADAAN AABAYAALKOOD, CARUURTOODA, WALAALAHOOD,
IYO QARAAABADOODA, KUWAAS (AAN JECLAANIN GAALADA) WAA KUWA QULUUBTOODA LAGU QORAY IIMAANKA, WUXUUNA (ALLE) KU XOOJIYEY GAG
GAAR XAGIISA KA AHAADAY, WUXUUNA GALINAYAA JANNOOYIN AY HOOSTEEDA SOCONAYAAN WABIYAAL, WAYNA KU WAARAYAAN DHEXDEEDA, ALLE
WAA KA RAALI NOQDAY IYANA WAA KARAALI NOQDEEN, KUWAASI WAA XISBIGA ALLE, XISBIGA ALLE UN BAANA LIIBAANAY)), (Suuratul-Mujaadala
22).
Ugu dambayntii markii dagaalkii dhammaaday,
jab iyo halaagna ku habsaday ciidankii kufriga ee difaacayey waddada baadhilka ah ee sheydaanka, ayna u qaybsameen wax dhintay,
wax la qafaashay iyo wax cararay oo uu dhaawac ka buuxo, Allaahna uu guul iyo nasri u soo hooyey xisbigiisii u dagaallamayey
in kalimadda Allaah kor noqoto, kalimadda sheydaankuna hooseyso, goobtiina ay iyagu furteen oo u hareen, ayaa Rasuulku SCW
wuxuu amray in ceel ka mid ahaa ceelashii Badar lagu guro bakhtigii gaalada, markaas ayaa lagu guray iyadoo qof qof laagu
ridayo.
Dadkii muslimiinta ahaa ee goobtaas
ku shahiiday waxay dhammaayeen 14 nin; 6 Muhaajiriin ah iyo 8 Ansaar ah, gaaladana waxaa ka dhintay 70 nin oo u badnaa madaxdoodii
iyo odeyaashoodii, waxaana laga qafaashay 70 nin oo kale. Rasuulku SCW raggii odeyaashooda ahaa ayuu magacyadoodii ugu yeeray
oo ku yiri "ma idin farax gelineysaa in aad Ilaah iyo Rasuulkiisa adeecdaan? annagu waan helnay wuxuu Rabbigayo noo ballan
qaaday isaga oo xaq ah ee ma hesheen wuxuu Rabbigiin idiin ballan qaaday isaga oo xaq ah?" Cumar binu Khadhaab ayaa Rasuulka
SCW ku yiri "Rasuulkii Allow maxaad ula hadlaysaa jir aan naf lahayn?", wuxuu markaas Nabiga SCW yiri "Allihii nafsadda Maxammad
gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye ugama maqal badnidin waxa aan leeyahay, laakiin ma jawaabayaan".
Ciidankii gaaladu markii ay hasiimo
ku dhacday oo uu jabay ayuu kala firxaday iyadoo uu nin walba wejiga saaray meeshii ka horreysey. Magaaladii Makkana waxa
ay suggeysey natiijada dagaalka iyo warka cusub ee ka soo yeeri doona goobta dagaalka.
Ibnu Hishaam wuxuu yiri "ninkii ugu
horreeyey ee Makka tagay wuxuu ahaa nin la oran jirey Xaysamaan binu Cabdullaahi Al-khusaaci, markaas ayaa lagu yiri "bal
noo warran", wuxuu yiri "Cutba binu Rabbiica waa la dilay, Shayba binu Rabbiica waa la dilay, Abii Jahal binu Hishaam waa
la dilay, Umaya ibnu Khalafna waa la dilay". Markuu raggii magaca lahaa oo dhan tiriyey ayaa waxaa hadlay Safwaan binu Umaya
oo qolka dhexdiisa fadhiyey wuxuuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye kani waxba ma oga ee bal aniga i weydiiya (iga waraysta)
xaalkeyga", markaas ayey dheheen "ka warran Safwaan binu Umaya?", wuxuu yiri "waa kaa halkaa fadhiya, Ilaah baan ku dhaartaye
aabbihiis iyo walaalkiis ayaa arkayey markii la dilayey.
Dhinaca Madiina, oo iyaguna sugayey
akhbaarta cusub iyo waxa soo yeeri doona, ayaa markuu Rasuulku SCW helay narsirii Allaah waxa uu dhinaca Madiina u diray labo
nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa oo kala ahaa; Seyd binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa. Wuxuuna u kala diray labada dhinac
ee magaalada Madiina. Dhinaca sare wuxuu u diray Cabdullaahi, dhinaca hoosena Seyd.
Yahuuddii iyo munaafiqiintii joogey
Madiina waxay intaa dagaalka lagu maqnaa fidinayeen dacaayado been ah ilaa ay markii dambe faafiyeen in Nabiga SCW la dilay.
Nin munaafiqiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu arkay Seyd binu Xaarith oo soo socda oo fuushan hashii Rasuulka SCW, markaas ayuu
yiri "Maxammad waa la dilay waa tan hashiisii aannu ku naqaanay, kanina waa Seyd oo aan ogeyn waxa uu ku hadlayo argagax dartiis,
firxadkii baana yimid." Wax yar ka dibse markii ay labadoodii (Seyd iyo Cabdullaahi) galeen magaaladii ayaa dadkii muslimiinta
ahaa isku soo hareereeyey iyagoo dhagaysanaya warka cusub ee ka soo yeeray goobtii dagaalka. Markii ay dhegaysteen guusha
iyo nasriga uu Ilaah muslimiinta u soo hooyey waxaa la ruxantay tahliil iyo takbiir, Usaama binu Seyd wuxuu yiri "Waxa uu
warku noo yimid annaga oo markaa ciidda ku rognay gabadhii Rasuulka SCW Ruqiya binu Maxammad SCW, oo uu qabay Cusmaan ibnu
Cafaan. Xanuunkaas gabadha awgeed ayuu Rasuulku SCW Cusmaan uga soo reebay ciidanka, qaybtiisii dagaalka badarna waa uu u
dhigay.
Rasuulku SCW waxa uu sii degganaa
goobtii Badar saddex maalmood, laga soo bilaabo markii uu dagaalku dhammaaday. Intii meeshii la joogay muslimiinta qayb ka
mid ahi waxa ay ceyrsadeen gaaladii, qayb kalena waxa ay ururinayeen qaniimadii meesha laga helay, qayb saddexaadna Rasuulka
SCW ayey waardiyeynaysay. Khilaaf yar ayey markaas asxaabtu isku khilaafeen xoolihii qaniimada ahaa ee gaalada laga furtay.
Markaas ayaa Rasuulu SCW amray in xoolihii oo dhan la soo ururiyo oo isaga loo keeno. Waxaa markaas soo dagtay aayaddan:
((WAXAY KU WAYDIINAYAAN (XUKUNKA)
QANIIMADA, WAXAAD DHAHDAA QANIIMADA WAXAA ISKA LEH ALLE IYO RASUULKA SCW, EE KA BAQA ALLE OO WANAAJIYA DHEXDIINA, WAXAADNA
ADEECDAAN ALLE IYO RASUULKA SCW HADDII AAD TIHIIN MU'MINIIN)), (Suuratul-Anfaal).
Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankiisii
Madiina ayey aadeen iyagoo wata 70 nin oo qafal ah. Maxaabistaas waxaa waday Cabdullaahi ibnu Kacab. Rasuulku SCW wuxuu markaas
degay meel dhexe oo uu ciidankiiiugu qaybiyey xoolihii gaalada laga soo furtay, ka dib markuu ka saaray khumuskii.
Intaa ka dib Rasuulku SCW jidka ayuu
sii qaaday, markuu marayo meesha la yiraahdo Safraa ayuu amray in la dilo Nadar binu Xaarith oo ahaa ninkii waday calanka
gaalada, kana mid ahaa kuwii ugu waaweynaa dambiilayaasha qureysh, islaamkana aad u necbaa. Waxaa ninkaas qoorta u dheereeyey
Cali binu Abii-dhaalib. Waddadii ayay ku sii socdeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisii marki ay marayaan meesha la yiraahdo Cirqu
Dubaya ayuu Rasuulku SCW amray in la dilo Cuqba ibnu abii Muceydh oo ka mid ahaa 70kii nin ee maxabiista ahaa. Ninkaas oo
dhibaatooyinkiisa qaar ka mid ah aynu kitaabkan bilowgiisa kaga soo hadalnay wuxuu ahaa ninkii mandheerta saaray Rasuulka
SCW markuu kacbada ku tukanayey, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii marada ku ceejiyey Rasuulka SCW oo ku sigey inuu dilo. Haddaba
ninkaa oo ka mid ahaa dadkii aadka u dhibay Rasuula SCW iyo diinta islaamka markii uu Rasuulku SCW amray in la dilo ayuu yiri
"yaa maatada u jooga Maxammadow?" Rasuulkuna SCW wuxuu ugu jawaabay "naar". Waxaa ninkaa isagana dilay Caasim binu Thaabit
Al-ansaari, waxaa kale oo la dhahaa waxaa dilay Cali binu Abii-dhaalib. Rasuulku SCW qof kale kama dilin dadkii maxaabiista
ahaa, laakiin labadaan si degdeg ah ayuu u amray dilkooda shartooda oo badnayd awgeed.
Rasuulku SCW markuu marayo meesha
la yirahdo Rawxaa ayaa waxa ka hor tegay qaar ka mid ahaa muslimiintii Madiina ku haray, iyagoo u tahniyadeynaya oo soo dhowaynaya
Rasuulka SCW iyo ciidanka, waxaa markaas hadlay Salama ibnu Salaama oo ka mid aha ciidanka oo yiri "maxaad noogu tahniyadeyneysaaan
Ilaah baan ku dhaartaye waxaan la kulannay habro fadhfadhiya sidii geelii", markaas ayaa Rasuulku SCW dhoolla caddeeyey oo
ku yiri "walaalkay wiilkiisiiyow kuwaasi waa madaxyoweyn". Waxaa isna Rasuulka SCW la hadlay Useyd ibnu Xudeyr (oo ka mid
ahaa dadkii madiina ku haray) wuxuu yiri "Rasuulkii Allow Ilaah ayaa mahad iska leh, Allihii ishaada qaboojiyey, Ilaah baan
ku dhaartaye rasuulkii Allow ma ahayn dib uga dhiciddeyda Badar in aan malaynayey in aad cadow la kulmaysaan, laakiin waxa
aan malaynayeey safarkii (in aad lakulmaysaan), haddii aan malayn lahaa cadowgana ma hareen", Rasuulku SCW wuxuu yiri "run
baad sheegtay".
Rasuulka SCW wuxuu intaas ka dib
soo galay magaalada Madiina isaga oo soo guuleystey oo Ilaahay soo ciseeyey. Maxaabiistiina waxaa Madiina la keenay maalinkii
ku xigey, wuxuuna u kala dhiibay asxaabtiisa, wuxuuna u dardaarmay in la wanaajiyo. Asxaabtu aad ayey u wanaajiyeen maxaabiistaas
oo waxay siinayeen cuntooyinkooda kuwii ugu wanaagsanaa. Rasuulku SCW waxa uu kala tashaday asxaabtiisa sidii uu u geli lahaa
maxaabiista. Waxaa hadlay oo fikrad soo jeediyey Abuubakar oo yiri "Rasuulkii Allow, wuxu waa walaalaheen, ilma adeerradeen
iyo qaraabadeen, waxa aan anigu u arkaa in aad maal ka qaadatid si wixii aan ka qaadano aan gaalada ugu xoogeysana, iyagana
waxaa la arkaa in Ilaahay soo hanuuniyo oo ay garab inoo noqdaan".
Wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri "maxaa
aragtaa ina Khadhaabow", Cumar wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma arko ra'yiga Abuubakar ee waxaan arkaa in aad aniga
ii dhiibtid hebel qoorta aan ka gooyee, Calina aad u dhiibtid walaalkiis Caqiil binu Abii-dhaalib qoorta ha ka gooyee, Xamsana
aad u dhiibtid walaalkiis Cabbas qoorta ha ka gooyee si Ilaahay u ogaado in aannaan wax jacayl ah qalbiga ugu heyn mushrikiinta,
kuwanuna waa madaxdoodii iyo hoggaamiyayaashoodii". Rasuulku SCW wuxuu markaa qaatay ra'yigii Abuubakar, wuxuuna ku xukumay
in ay xoolo isku furtaan.
Cumar wuxuu yiri "maalinkii dambe
ayaan u imid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ooyaya, markaas ayaa ku iri "Rasuulkii Allow ii sheeg waxa kaa oohiyey adiga iyo
saaxiibkaa? haddii aan oohin iska helo waan ooyayaa, haddii kalena waan iska raadinayaa arrintiinna darteed". Markaas ayaa
Rasuulku SCW yiri "arrintii ay ii soo bandhigeen saaxiibbadaa, oo ahayd in xoolo laga qaato (maxaabiista), sababteed waxa
uu cadaabkeedu iga soo dhowaaday geedkan". Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((UMA HABOONA NABI IN AY U AHAATO
KUWA LA QAFAASHAY (MAXAABIIS) ILAA UU KAGA JILCIYO (GAALADA) DHULKA, (OO AY TABAR DHIGAAN) WAXAAD DOONAYSAA MUUQA ADUUNYADA
(XOOLO), ALLENA WAXA UU DOONAYAA AAKHIRO (IN AAD GAALO BAABI'ISAAN), ALLE WUXUU AHAADAY (ALLE) QAALIB AH OO XAKIIM AH)), (Suuratu-Anfaal
67).
Allaah SW wuxuu aayaddaan ku canaantay
Rasuulka SCW oo qafaashay gaaladii kana aqbalay in ay is furtaan, nimankan oo aan weliba ahayn askar keliya ee ahaa hoggaamiyayaashii
ugu khatarsanaa gaalada. Sidaa darteed Allaah wuxuu ku ayiday fikradii Cumar ee ahayd in madaxa laga guro maxaa yeelay Allaah
diintiisii ayey la dagaallameen, xoog baan lagu soo qabtay, in la dilona waxaa ku jirey xikmado badan oo Allaah keliya uu
koobi karo, waxaana ka mid ah:
1. In aysan mar kale cadowga u soo
dagaallamin, Ilaahay diintiisana uga hor imaan sida dhacday in markii la sii daayey ay qaar badan oo ka mid ahi ka soo qayb
galeen duuullaamadii dambe ee islaamka lagu soo qaadday.
2. In la tuso in Rasuulka SCW iyo
muslimiintu aysan wax naxariis ah u hayn ciddii Ilaahay diintiisa ka hor timaadda.
3. In kuwo badan oo ku dhiirran lahaa
dagaalka muslimiinta ay ku quus qaatan oo aysan ku soo degdegin duullaan dambe.
Waxaa lagu xukumay maxabiistii xoolo
qiimohoodu u dhexeeyo kun Dirham ilaa Afar kun oo Dirham, qofkii aan waxba haysanna waxaa la amray in uu qoraalka baro toban
wiil oo muslimiinta reer Madiina ka mid ah, maxaa yeelay reer Madiina sidaa wax uma qori jirin oo reer Makka ayaa uga horeeyey.
Rasuulku SCW wuxuu iska cafiyey oo uusan waxba ka qaadin dhawr nin oo qaarkood u dan sheegtay ayna ka mid ahaayeen; Mudhlab
binu Xandal, Seyfi ibnu Abii Rufaaca iyo Abuu Ciisa Al-jumuxi. Abuu Ciise, oo nabiga SCW aad ugu dan sheegtay, kana ballan
qaaday in uusan duullaan dambe soo raaci doonin, wuxuuu soo racay duullaankii ku xigey ee Uxud markaas ayaa mar labaad la
qabtay oo qoorta loo dheereeyey. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa maxaabiista la cafiyey Abil-Caas oo qabay gabdhii Rasuulka SCW
ee Seynab oo wakhtigaas Makka joogtay. Si ay ninkeeda u furato waxay Makka ka soo dhiibtay qoor xirkeedii, oo ay arooskeedii
hooyadeed Khadiija siisay. Rasuulku SCW markii loo keenay qoor xirkaas wuxuu asxaabtii ka codsaday in ay u sii daayaan Abil-Caas,
iyaguna way ka yeeleen, dabadeedna wuxuu Rasuulku SCW Abil-Caas u shardiyey in uu Seynab soo diro, isaguna waa aqbalay oo
markuu Makka tegey ayuu soo diray, ka dibna wuxuu Rasuulku SCW u direy Seyd binu Xaarith iyo labo nin oo Ansaar ah in ay Seynab
dhex ka soo wadaan. Waxaa kale oo ka mid ahaa maxaabiista nin la oran jirey Suheyl binu Camar oo u hadli jirey gaalada. Cumar
binu Khadhaab ayaa markaas Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow Suheyl foolasha ka siib, carrabkana jeex si uusan mar kale
mowqif dambe ugaga soo hadlin", hase yeeshee Rasuulku SCW wuu ka diiday Cumar fikraddaa uu soo jeediyey maxaa yeelay waa tamthii
(dhalan rogid iyo jir xumayn) Islaamkuna ma ogala.
Intaa aan maxabiistii la sii deyn
ayaa waxaa Makka aaday nin mulimiinta ka mid ah oo la oran jirey Sacad binu Nucmaan si uu u soo cumraysto. Markii uu Makka
tegay ayaa Abuu Sufyaan xabbisay, dadka maxaabiista ahna waxaa ku jirey wiil uu dhalay Abuu Sufyaan oo la oran jirey Camar.
Dabadeedna waxaa loo sii daayey wiilkiisii isna wuxuu sii daayey Sacad.
Maxaabiista oo isugu jirey dad la
cafiyey iyo dad xoolo isku furtay, sidaa ayaa loo sii daayey. Arrintoodiina waxa ay noqotay siduu Abuubakar soo jeediyey Rasuulkuna
SCW ku raacay oo xoolona waa laga helay, badankoodiina aakhirkii waa islaameen. Dagalkii Badarna sidaa ayuu ku dhammaday,
waxaana ku soo degtay oo si fiican u qaadaadhgtay suuradda la yiraahdo Anfaal. Dagaalkaas, oo ahaa dagaal qureysh dulleeyey,
una keenay khasaare iyo hoog, ummada badan oo awal musliminta u soo miciyo lisanayeyna candhuuftii ayey dib u leqeen ka dib
markii ay arkeen waxa ku dhacay qureysh oo ahayd libaaxii carbeed. Waxaana islaamkii qaatay baqdin ay u baqayaan maalkooda
iyo naftooda kooxdii awal ka hadhay labadii qabiil ee Ansaar. Waxaana kooxdaas madax u ahaa Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Saloo,
oo ahaa ninkii ay reer Madiina rabeen in ay madax ka dhigtaan intii aysan islaamin ka hor. Dadki muslimiinta ahaa Ilaahay
wuxuu siiyey ciso iyo guul, wuxuuna ka saaray cabsidii iyo tabar yaridii haysey.
DUULLAANKII BANII SULAYM
DUULLAANKII BANII SULAYM
Markuu dhammaaday dagaalkii Badar,
oo ahaa dagaalkii ugu horreeyey oo ay isaga hor yimaadeen xaqa iyo baadilka. Allaahna uu nasrigiisa siiyey dadkii muslimiinta
ahaa, carab oo dhanna ay ogaatay xoogga iyo awoodda muslimiinta iyo in ay yihiin awood khatar ku ah iyaga, haddii aan laga
hor teginna ay mandiqada oo dhan qabsanayaan, ayaa waxaa bilaabmay naceyb iyo cadaawad loo hayo muslimiinta. Qabiil walba
oo ka mid ahaa mushrikiinta carabta iyo yahuudda wuxuu ku fekerayey sidii uu uga hortegilahaa islaamka.
Waxaa hormood u ahaa cadowtinimadaas
reer Makka, oo iyagoo awalba u ciil qabay Nabiga SCW iyo asaxaabiisa, haddana dharbaaxo xumi ku soo dhacday Badar, halkaas
oo ay ku waayeen madaxdoodii iyo raggoodii khatarta ahaa. Dadkii Makka ku noolaa waxaa quluubtooda buuxiyey nacayb iyo colaad
ay u hayaan islaamka iyo muslimiinta. Sidoo kale saddexdii qabiilo ee yahuudda ahaa oo degganaa Madiina waxa ay la guuxayeen
nacaybka islaamka, qabiil ka mid ihi nacaybkaas islaamka wuuba muujistay. Waxaa degganaa baadiyaha iyo magaalooyinkii ku hareereysnaa
madiina.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxa
uu go'aankoodu ahaa in ay u beerdhigaan cid walba oo islaamka soo milicsata, waxa ayna ka hor tegi jireen cid walba oo duullaan
soo abaabusha damacdana in ay muslimiinta dhib u geysato. Rasuulkuna SCW markuu maqlo qolo soo hub urursanaysa duullaan ayuu
qaadi jirey oo meesheeda ayuu ugu tegi jirey. Sidaa darteed Rasuulku SCW markuu ka soo laabtay Badar oo uu joogey 9 cisho
ayaa wardoonkii Madiina wuxuu u soo gudbiyey in qabiilka la yiraahdo banii Suleym oo ka mid ahaa reer Qadafaan uu u diyaarinayo
ciidankiisii sidii uu duullaan ugu soo qaadi lahaa Madiina. Rasuulku SCW markuu maqlay arrinkaas wuxuu kaxaystay ciidan dhan
200 oo nin oo gaadiidkoodii iyo hubkoodii wata, Madiinana wuxuu madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.
Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxay
gaareen meesha la yiraahdo Kudru oo ay reer banii Suleym degganaayeen. Reer banuu Suleym markii ay maqleen Rasuulka SCW iyo
ciidankiisi ayey kala carareen, waxayna toggii ay deganaayeen uga tageen 500 oo geel ah. Rasuulka SCW iyo ciidankiisiii waxay
goobtii degganaayeen saddex beri, ka dibna way soo laabteen iyagoo geelii soo kexeystay. Rasuulku SCW wuxuu geelii ka bixiyey
khumuskii, afartii boqol ee soo hartayna wuxuu u qaybiyey ciidankiisii oo 200 nin ka koobnaa, sidaas darteed nin walba waxaa
ku soo hagaagay 2 neef oo geel ah. Waxaa kale oo Rasuulku SCW soo qafaashay wiil la oran jirey Yasaar, wuuna xoreeyey, ka
dibna Rasuulku SCW Madiina ayuu ku soo laabtay.
SHIRQOOLKII RASUULKA SCW LALA DAMCAY
Markii uu jab ku soo dhacay mushrikiintii
qureysh (dagaalkii Badar), waxaa Makka buuxiyey colaaddii Rasuulka SCW maxaa yeelay odeyaashoodii ayuu (dagaalkaas ku) laayey,
Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa guri wada fariistay Safwaan binu Umaya, oo aabihiis iyo walaalkiis Badar lagu
dilay, iyo Cumayr binu Wahab Al-jumuxi, oo ka mid ahaa dadkii aad u dhibi jirey Rasuulka SCW iyo asxaabta, wiilkiisii Wahab
binu Cumayrna lagu qafaashay Badar.
Waxay labadaa nin ka sheekeysteen
dadkii Badar lagu laayey ceelka lagu gurey, markaas ayaa Safwaan yiri "Ilaah baan ku dhaartaye nolosha iyaga ka dambaysaa
nolol maaha", Cumayr ayaa markaas yiri "run baad sheegtay, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aysan jirin deyn la igu leeyahay
oo cid iga gudeysaa aysan jirin iyo ciyaal aan rafaad uga baqayo gadaashay, rukuubkayga ayaan fuuli lahaa ilaa aan Maxammed
u tago oo dilo, arrin aan ku cudurdaartana waan haystaa oo wiilkaygii ayey qafaasheen". Safwaan ayaa markaa jeclaystay fikraddaas
wuxuuna yiri "deyntaadu waa dusheyda oo anigaa kaa gudaya, ciyaalkaaguna ciyaalkayga ayey la noolaanayaan, inta ay nool yihiinna
wanaag ayaan u samaynayaa". Cumayr wuxuu yiri "qari go'aankeenna", Safwaanna wuxuu yiri "waa yahay".
Cumar seeftiisii intuu qaatay oo
rakuubkiisi fuulay dhaqaaqay ilaa uu Madiina ka tegey. Ka dib isagoo hashiisii masaajidka agtiisa ku aruminaya ayaa waxaa
arkay Cumar binu Khadhaab oo koox muslimiinta ka mid ah la sheekaysanayey, markaasuu yiri "eygaan Cumayr oo cadowga Ilaahay
ah wax aan shar ahayn lama imaan", ka dibna wuxuu cumar u tegey Nabiga SCW oo ku yiri "Nabigii Allow, kani waa cadowgii Ilaahay
ee Cumayr oo seeftiisii jeeniqaarsan". Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "ii soo daaya". Cumar ayaa u tegey isaga oo seeftiina
dharka u saaray, rag muslimiinta ka mid ahna ku yiri "iila geeya Rasuulka SCW oo agtiisa fariisiya, kana digtoonaada aammin
ma ahane". Markii la soo geliyey oo uu Rasuulku SCW arkay Cumar oo wada ayuu yiri "soo daa Cumarow, war Cumery soo dhowow",
markaasuu Cumeyr soo dhawaaday wuxuuna yiri "subax wanaagsan", Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay "Ilaahay wuxuu nagu karaameeyey
salaan ka kheyr badan salaantaada Cumayrow, waana salaant Ehlu-jannaha", Ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri "maxaad u timid Cumayr?",
wuxuu yiri "waxaan u imid in aad ii soo deysaan wiilkayga aad soo qafaalateen". Rasuulku SCW wuxuu yiri "maxay tahay seeftan
aad qoorta ku wadato?", Cumayr wuxuu yiri "Allaah ha hoojiyo seefo, ma wax bay noo tareen". Rasuulku SCW wuxuu yiri "runta
ii sheeg maxaad u timid?", wuxuu yiri "arrintaas ma ahane wax kale uma imaan". Markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu yiri "adiga
iyo Safwaan baa qol fariistay, waxa aadna ka sheekaysateen dadkii godka lagu guray ee qureysheed, waxaad markaa tiri "haddaan
deyn la igu lahay, ciyaalna ii joogin, waan bixi lahaa ila aan Maxammed soo dilo", Safwaan ayaa markaa dusha saartay deyntaadii
iyo ciyaalkaagii si aad aniga ii disho, Allaahna waa kala fogeeyey aniga iyo arrinkaas". Cumayr wuxuu yiri "waxa aan qirayaa
in aad tahay Rasuulkii Allaah, waxaannuna ahayn Rasuulkii Allow kuwo kugu beeniya in khabar samada kaaga yimaado, waxyina
kugu soo dego, arrintaanna cid kale nalama ogeyn aniga iyo Safwaan, Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan ogaadey Allaah ma ahne
cid kale in aysan warkaan kuu keenin, Alle ayaa mahad leh Allihii islaamka igu hanuuniyey, socodkaanna ii soo waday", dabadeedna
tawxiidkii ayuu qiray. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri asxaabtii "fahamsiiya walaalkiin diintiisa qur'aankana u akhriya,
maxbuuskiisana u sii daaya".
Ninkii Safwaan ahaa, oo Cumayr ay
ballanta isku ogaayeen, wuxuu reer Makka ku dhihi jiray intuu Cumayr maqnaa "ku bishaaraysta dhacdo imaan doonta dhowaan oo
idin hilmaansiin doonta dhacdadii Badar". Wuxuuna dadka socotada ah ee Madiina ka yimaada weydiin jirey Cumayr iyo xaaladdiisa
ilaa markii dambe loo soo sheegay in Cumayr islaamay. Safwaan wuxuu markaas ku dhaartay in uusan Cumayr dib dambe ula hadlin,
waxna tarin. Ka dib wuxuu Cumayr Makka ku soo laabtay, isagoo soo islaamay, wiilkiisiina loo soo daayey, wuxuuna Makka ka
bilaabay dacwo uu dadka islaamka ugu yeerayo, dad badan ayaana gacantiisa ku islaamay.
BALLAN KA BIXII YAHUUDDII REER BANII
QAYNUQAAC
Sida aan soo marnayba Rasuulku SCW
markii uu Madiina u soo hijrooday wuxuu heshiis la saxiixday saddexdii qabiilo ee yahuudda ahaa ee la kala oran jirey: Banii Qaynuqaac, Banii Nadiir iyo Banii qureyda.
Heshiiskaa waxaa ka mid ahaa in Madiina nabad loogu wada noolaado oo aan la isku xadgudbin. Sidaa darteed Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisa oo caan ku ahaa in aysan ballanta ka bixin, haddiise looga baxo ka ficilo qaata, waxa ay siduu ahaa u ilaaliyeen
heshiiska, laakiin yahuudda oo weligeedba lagu yaqaannay ballan darro, khiyaamo iyo dhagar, kama aysan suulin sifadoodaas,
waxayna intaas muslimiinta u maleegayeen shirqoo iyo dhagar, iyagoo weliba dacaayado ka fidinaya muslimiinta, tashwiishna
ku furayey. Waxaana dhagartoodii ka mid ahaa: nin la oran jirey Shaas binu Qays, oo ahaa odey yahuudi ah, ayaa soo maray koox
ansaar ah oo meel wada fadhida, markaas ayuu ka carooday wanaagga iyo jacaylka uu islaamku dhexdooda dhigay labadii qabiil
(Aws iyo Khasraj) oo muddo dheer cadaawad iyo dagaal ka dhexayn jirey, markaas (ayuu) yiri "jamac baa ku kulmay magaaladaan,
Ilaah baan ku dhaartaye la joog nooma ahaanin haddii ay arrin ku kulmaan", wuxuu markaas la hadlay wiil yar oo yahuudi ahaa
oo la socday kuna yiri "u tag nimankaas oo la fariiso, waxaadna xusuusisaa maalintii Bucaath iyo wixii ka horreeyey, una tiri
gabayadii ay isu tirin jireen". Wiilkii meeshii ayuu tegey sidii ayuuna sameeyey. Markaas ayaa raggii meesha joogey sheydaan
simbiririxeyey, waxaana qaadday ficiladii qabiilka ilaa ay arrintii ka hadleen oo ka doodeen, isuguna faanee, ayna isu istaageen
laba nin oo labada qabiil kala ahaa oo midkood kii kale ku yiri "haddii aad doontaan iyadii (Bucaath) ayaan soo celineynaa".
Dabadeedna labadii kooxoodba way caroodeen, waxayna dheheen "ballan aanu samaysanno". Ka dibna waala isku hub doontay.
Arrintii ayaa gaadhay Rasuulka SCW,
markaas ayuu si degdeg ah u soo baxay isaga oo ay la socdaan koox asxaabtiisa ka mid ah, markuu u yimid raggii isku hub doontay
ayuu ku yiri "muslimiiney Allaah, (Allaah), war ma habarwacashadii jaahiligaad (ku dhaqaaqdeen) aniga oo idin dhex jooga,
ka dib markuu Allaah idin hanuuniyey oo idin sharfay, idinkana gooyey arrintii jaahiliga, oo idinka koriyey gaalnimo, quluubtiinnana
isku soo dumay". Markaas ayey raggii ogaadeen in uu sheydaan simbiririxiyey oo ay arrintaanu ahayd makrigii (dhagartii) cadowgooda.
Ka dibna way ooyeen, waana is mucaanaqeeyeen (marxabeeyeen). Dabadeedna Rasuulka SCW ayey soo raaceen iyagoo Ilaahay ka badbaadiyey
fitnadii sheydaankii Shaas binu Qays, oo ka mid ahayd khiddadihii ay yahuuddu muslimiinta la rabeen.
Yahuudda oo mar walba isku dayeysey
in ay qas iyo fitno ka dhex riddo muslimiinta waxay kaloo samayn jireen in qaarkood islaamka qaataan subixii, galabkiina ka
baxaan iyagoo ujeeddadoodu tahay in ay muslimiinta ku beeraan shaki, islaamkana laga baxo. Arrintaasna Allaah isagoo tilmaamaya
wuxuu yiri:
((WAXAY DHEHEEN KOOX EHELU KITAABKA
KA MID AH "RUMEEYA KII LAGU SOO DAJIYEY KUWA (XAQA) RUMEEYEY (QURAANKA) MAALINKA GALINKIISA HORE KUNA KUFRIYA AAKHIRKIISA,
WAXAY MUDDAN YIHIIN (HADAAD SAAS SAMAYSAAN) INAY KA NOQDAAN (ISLAAMKEE) (AMA GAALOOBAAN)". (Suuratu Aali-Cimraan 72).
Sidoo kale waxa ay samayn jireen
in ay maciishadda ku ciriirshaan qofka islaamka qaata, oo haddii ay deyn ku leeyihiin way ku dhibi jireen, haddii uu deyn
uga baahdana way u diidi jireen, haddii uu deyn ku leeyahayna way u diidi jireen, waxayna ku dhihi jireen "waxaa deyntaada
guditaankeedu na saarnaa intii aad diintaadii ku jirtey, haddii aad mar iilatay waxba naguma lihid".
Arrimahaas iyo kuwo la mid ah ayey
yahuuddu samayn jireen intii Badar ka horreysey iyagoo ku hoos gabbanaya heshiiskii Rasuulka SCW, Rasuulka SCW iyo asxaabtiisuna
intaas oo dhan waa ay sabraayeen waxa ayna ku dadaalayeen hanuuninta yahuudda iyo in ay xaqa qaadato, waxaa kale oo ay ilaalinayeen
heshiiskii ay la galeen yahuudda oo ahaa in Madiina nabad loogu wada noolaado. Yahuuddu markii ay arkeen nasriga iyo guusha
Ilaahay uu muslimiinta siiyey dagaalkii Badar waxa ay bilaabeen xiqdi iyo xaasdnimo ay ka xun yihiin guusha muslimiinta. Waxaana
saddexdii qabiil ee yahuudda ahaa ugu sii dhib badnaa reer bani Qaynuqaac, oo ahaa nimankii ugu horreeyey ee ballanta buriyey.
Reer banuu Qaynuqaac waxay ay degganaayeen gudaha Madiina, waxayna ku dheereeyeen sancada iyo birta oo waxay samayn jireen
hubka iyo qalabka dagaalka isla mar ahaantaasna iyaga ayaa saddexdaas qabiil ee yahuudda ah ugu geesisanaa. Ciidankooda dagaalku
wuxuu gaarayey ilaa 700 oo nin.
Rasuulku SCW, markii uu arkay xadgudubka
iyo qooqa ay yahuuddu waddo siiba reer banuu Qaynuqaac, ayuu yahuuddii oo dhan ku kulmiyey suuqii reer banuu Qaynuqaac oo
ku yiri "yahuudeey islaama inta uusan idinku dhicin waxa ku dhacay qureysh", markaas ayey dheheen "Maxammedow yeysan naftaadu
kugu kedinin diliddii aad dishay odeyaashii qureysheed oo ahaa duqow aan dagaalka aqoonin, haddaad annaga nala dagaashana
waxa aad ogaanaysaa in aan rag nahay, annaga oo kalena aadan hore ula kulmin". Allaah isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
(( WAXAAD KU TIRAAHDAA (NABIYAW)
KUWA GAALOOBAY WAA LA IDINKA QAALIB NOQON, WAXAANA LA IDIN KU KULMIN JAHANNAMO, IYADAANA GOGOL U BAAS LAHAATAY)), (Suuratu
Aali-Cimraan 12).
Ka dib Rasuulku SCW wuu qariyey caradiisii,
wayna u sabreen isaga iyo asxaabtiisuba, laakiin arrintaasi waxa ay reer banuu Qaynuqaac u siyaadisay dulmi, qooq iyo in ay
qasaan magaaladii Madiina.
Ibnu Hishaam wuxuu ka weriyey Abii
cawn in haweeney carab ah ay la soo gashay badeeco suuqi reer banii Qaynuqaac, waxayna ag fariisatay nin wax u sancaynayey.
Yahuuddii waxay isku dayeen in ay haweentaa wejiga ka feydaan, iyaduna way diiddey, markaas ayaa mid ka mid ahaa (Yahuuda)
maradeeda dacalkeeda ku xiray dhabarkeeda iyada oo aan ogeyn. Markii ay istaagtay ayey cawradeedii feydantay, qosol ayey iyagiina
la daateen, haweentii waa ay qaylisay. Waxaa arrintii ka xanaaqay nin muslim ah wuxuuna dilay yahuudigii ficilkan sameeyey,
yahuuddiina waxay dileen ninkii muslimka ahaa, ka dib muslimiintii way isu habarwacdeen.
Rasuulku SCW wuxuu la soo baxay ciidankiisii,
Madiinana wuxuu madax uga dhigay Abaa Lubaaba binu Cabdi-mundir, calanka guud ee muslimiintana wuxuu u dhiibey Xamsa ibnu
Cabdimudhalib.
Maalin Sabti ah oo bisha Shawaal
ay kala bar ahayd, sannadkii 2aad ee hijriga, ayuu Rasuulku SCW ciidankiisii kexeeyey ilaa uu ka gaaray degaankii reer banuu
Qaynuqaac.
Markii ay reer banuu Qaynuqaac arkeen
Rasuulka SCW iyo ciidankiisa, waxay galeen dhufeysyadoodii. Rasuulka SCW iyo ciidankiisiina way isku hareereeyeen. Markii
15 beri lagu hareeraysnaa oo la dul degganaa, noloshiina ciriiri ku noqotay, quluubtoodiina uu Ilaahay argagax ku ridey, ayey
is dhiibeen.
Ka dib isagoo Rasuulku SCW doonaya
in uu reerkaas abaalkooda marsiiyo, ayaa waxaa istaagay Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Salool, oo munaafaqii aan ka soo hadalnay
ahaa, wuxuuna Rasuulka SCW ku ilxaaxiyey in uu nimankaas iska daayo, wuxuuna yiri "Maxammed hagaaji gargaarayaasheda" waayo
qabiilkiisa Khasraj iyo binu Qaynuqaac ayaa xulufo ahaa jirey islaamka ka hor. Rasuulku SCW wuu ka jeedsaday hase yeeshee
Cabdullaahi arrintii wuu ku soo celceliyey, wuxuuna gacanta geliyey canbuur bireedka Rasuula SCW jeebkiisa. Rasuulku SCW intuu
aad u carooday oo wejigiisii madoobaaday ayuu yiri "i sii daa, war hooggaagee i sii daa" hase ahaatee munaafaqaasi waa diidey
oo arrintiisii buu ku adkaystay isagoo oranaya "ma jirto Ilaah baan ku dhaartaye ku sii dayn maayo ilaa aad wanaajisid xulafadeyda,
Afar boqol oo seefle iyo Sadex boqol oo canbuur biredle ah oo weligood iga difaaci jiray guduud iyo madow (carab iyo cajam),
miyaad maanta hal mar layneysaa. Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan ka baqayaa halaag". Ka dib Rasuulku SCW wuu u sii daayey
laakiin wuxuu amray in ay Madiina ka guuraan. Markaas waxa ay u guureen dhinaca Shaam in kasta oo qaar kamid ahaa ay khaybar
u guureen, maalkoodiina waxa la wareegay muslimiinta. Qaniimadii waxaa madax looga dhigay Maxammed binu Maslama.
DUULLAANKII SUWEYQ
DUULLAANKII SUWEYQ
Markii laga takhallusay Abii Jahal
oo ahaa hoggaamiyihii qureysheed iyo in badan oo madaxdii qureysh ah ayaa waxaa qureysh madax u noqday Abuu Sufyaan binu Xarbi.
Abuu Sufyaan wuxuu bilaabay tallaabooyin uu ku rabo in uu ku aar guto, wuxuu markaa ku fekeray in uu Madiina tago oo dhib
u soo geysto muslimiinta si ay dhoolatus ugu noqoto oo loo arko in uu awood leeyahay, sidaa darteed wuxuu ku nadray in uusan
janaabo ka qubeysan ilaa uu ku duulo Nabi Maxammed SCW. Wuxuu markaa soo kexeystay ciidan rakuubley ah oo caddadkoodu yahay
Labo boqol oo nin. Wuxuuna isla habeennimadii galay Madiina isaga oo is qarinaya, wuxuuna u tegey Kacab binu Asad, oo ahaa
odeygii yahuudii reer banuu Qureyda, albaabka ayuuna ku garaacay laakiin Kacab baqdin uu ka baqayo Nabiga SCW dareed waa uu
diidey in uu albaabkii ka furo.
Abuu Sufyaan, markii albaabka laga
furi waayey ayuu wuxuu u tegey Salaam ibnu Mashkam, oo ahaa duqii reer banuu Nadiir, keydkoodana hayey. Albaabka ayuu markaa
ku garaacay oo ka idan dalbay, wuuna ka furay oo wuu soo dhoweeyey, wuuna u warramay. Ka dibna abuu Sufyaan waa baxay, wuxuuna
isla habeennimadiiba ku noqday ciidankiisii, dabadeedna wuxuu direy koox ciidanka ka mid aha si ay wax u soo kharbudaan isla
habeennimadaba, maxaa yeelay dhuumaleysi maahane, dagaal caddaan ah uma uusan imaan.
Kooxdii uu direy waxay tageen beer
beerihii muslimiinta ka mid ah, markaas ayey dhirtii jareen, beertiina gubeen, labo nin oo muslimiin ah oo beertooda joogeyna
way soo dileen, ka dibna si degdeg ah ayey Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii Makka ugu noqdeen.
Rasuulku SCW markuu arrintii maqlay
ciidan ayuu ka soo daba qaatay, Madiinana wuxu uga soo tagey Abaa Lubaaba ibnu Cabdi-mundir. Dabadeed markii uu marayo Qarqaratu
Kadar, oo uu gaari waayey, ayuu dib u soo laabtay. Waqtigaasna wuxuu ahaa bishii Dulqacda, sannadkii 2aad ee hijriga.
DILITAANKII KACAB BINU ASHRAF
Kacab binu Ashraf wuxuu ka mid ahaa
dadkii yahuudda ugu dhibka badnaa uguna cadaawadda badnaa islaamka iyo muslimiintaba, wuuna muujistay dhibaatadiisa. Wuxuu
ka mid ahaa qabiilka la yiraahdo Dhii oo ka tirsanaa reer banuu Nuhbaan, hooyadiisna waxay ahayd reer banuu Nadiir, wuxuuna
ku dhex koray yahuud oo wuu yahuudoobay. Nin maalqabeen ah ayuu ahaa, quruxdana carab oo dhan ayuu caan ka ahaa. Wuxuu degganaa
dhinaca koonfur bari ee Madiina oo ka dambaysay meeshii
ay yahuuddii reer banuu Nadiir degganaayeen.
Ninkaas oo ahaa nin aad u shar badan
markii uu maqlay guushii muslimiinta ee Badar iyo dilitaankii odeyaashii qureysheed ayuu wuxuu yiri, "taasi ma xaq baa?",
kuwaasi waxa ay ahaayeen carab kuwii ugu shaaraf badnaa iyo dadka boqorradoodii, Ilaah baan ku dhaartaye haddii uu Maxammed
kuwaas laayey dhulka gudihiisa (Dhimasho) ayaa ka kheyr badan, wuxuuna ammaanay cadowgoodii. Rakuubkiisii (awkiisii) ayuu
markaas fuulay ilaa uu ka tegay Makka iyo qureysh. Wuxuu ku degay Mudhalib binu abii Waddaac Al-sahami. Ka dib wuxuu guda
galay isaga oo ooyaya in uu gabay ku ammaano raggii mushrikiinta looga laayey Badar, wuxuuna ku booriyey dadka in Nabiga SCW
lala dagaallamo oo lala colleytamo.
Abuu Sufyaan iyo raggii mushrikiinta
ahaa waxa ay ku yiraahdeen "ma diintayada ayaa Alle xagiisa loogu jacayl badan yahay mise diinta Maxammed?, labadayada qolose
yaa hanuunsan oo Alle u dhaw?", wuxuu yiri "idinka ayaa ka hanuunsan", Allaah SW isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri:
((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA QAYBTA
LAGA SIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO SHAYDAAN, KUNA DHAHAYA KUWA GAALOOBAY "KUWAAN (GAALADA AH) AYAA WADDO UGA HANUUN BADAN KUWA
MU'MINIINTA AH, KUWAASI (YAHUUDDA) WAA KUWUU ALLE NACLADAY, CIDDII ALLE NACLADANA U HELI MAYSID GAR GAARE)). (Suuratu-Nisaa'
51-52).
Kacab intaas ka dib Madiina ayuu
ku soo laabtay, wuxuuna tiriyey gabayo uu ku af-lagaadaynayo gabdhihii muslimaatka ahaa isla markaasna uu islaamaka ku dhibayo.
Rasuulku SCW, markuu arkay ninkaas iyo sharta uu wada iyo heerka uu gaaray oo ah inuu gabdhihii muslimaatka ahaa af-lagaadeynayo,
islaamkana caayayo, ayuu wuxuu asxaabtiisa ku yiri "yaan Kacab binu Ashraf u diraa, Ilaah iyo Rasuulkiisa ayuu dhibaye?".
Waxaa markaas istaagay Maxammed binu Maslama oo yiri "aniga, Rasuulkii Ilaahayow ma jeceshahay in aan dilo?", Rasuulku SCW
wuxuu yiri "haa". Maxammed binu Maslama ayaa Nabiga SCW ku yiri ii idan haddaba in aan waxaan rabo kaa sheego", Rasuulkuna
SCW wuxuu yiri "dheh wixii aad doontid".
Maxammed binu Maslama waxaa markaa
raacay dhowr nin oo kala ahaa: Cubaada binu bishir, Xaarith binu Aws, Abuu Cabsa binu Xabir iyo Abuu Naa'ila (sulkaan binu
salaam) oo ay Kacab binu Ashraf naas wada nuugeen. Maxammed binu Maslama ayaa markaa Kacab u tegey oo ku yiri "ninkani (Nabi
SCW) wuxuu na weydiiyey sadaqo", Kacab ayaa yiri "Ilaah baan ku dhaartaye waan filayey". Maxammed binu Maslama wuxuu yiri
"hadda waan raacnay, mana ka harayno ilaa aan aragno meesha ay arrintiisu ku dambayso, waxaan marka kaa dooneynaa in aad na
amaahisid jawaan ama labo jawaan (oo raashin ah)", Kacab baa yiri "rahan (carbuun) ayaan idinka rabaa", Maxammed ayaa yiri
"maxaad doonaysaa?", Kacab ayaa ku warceliyey "dumarkiina rahan iiga dhiga". Maxammed ayaa markaa Kacab su'aaley "sidee baan
dumarkayaga kuugu rahannaa adigoo carab ugu qurux badan?", wuxuu Kacab yiri "haddaba wiilashiina ii rahma", Maxammed ayaa
yiri "ma wiilashayada ayaannu kuu rahannaa si hadhow loo caayo oo loo yiraahdo "waa kii jawaanka ama labada jawaan loo rahnay"
taasi ceeb bay nagu tahay, laalkiin waxaan kuu rahmaynaa oo kuu dhiibeynaa hubkayaga". Abuu Naa'ilna sidoo kale ayuu sameeyey.
Kacab ayaa markaa kor u hadlay isagoo
raba in arrinkaa la maqlo, waxaa markaa lagu yiri "war hooggaagee ina Ashrafow dan baan kuu sheeganay ee noo qari", Kacabna,
arrinkaa waa aqbalay, Abuu Naa'ila ayaa markaa hadlay oo yiri "ninkaani (Rasuulka SCW ) dhib buu noogu yimid oo carab haddaanu
nahay caado ayaannu lahayn, hal dhufeys baannu ku wada jirney. Waddooyinkii buu naga gooyey ilaa ay ciyaalkayagii ka caqdaan
oo naftayadii ka dhibaatooto oo annaga iyo ciyaalkayagii dhibaato aan ku sugnaano". Ka dib wuxuu yiri abuu Naa'il "asxaab
aan isku fikrad nahay ayaa ila socotay, waxaan doonayaa in aan kuu keeno oo aad wax ka iibisid, wanaajisana".
Ninkii la oran jirey Kacab binu Ashraf wuu yeelay
arrimahaas oo dhan. Waxaa la ballamay habeeennimadii bisha Rabbiicul Awal ahayd 14, sanadkii 3aad ee hijriga. Kooxdii hawshan
fulineysey waxa ay isla habeenkiiba u tageen Rasuulku SCW wuuna la soo dardaarmay, wuxuuna ku yiri "ku socda magaca Allaah,
Allahayow u kaalmee". Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii oo salaad ayuu galay. Kooxdii waxay tageen aaggii uu
degganaa Kacab waxaana u dhawaqay Abaa Naa'ila. Kacab wuu istaagay si uu u baxo, haweentiisii oo uu mar dhow soo guursaday,
ayaa ku tiri "xaggee saacaddan u baxaysaa? dhawaaqa aan maqlay waa mid dhiig ka da'ayee". Wuxuu yiri Kacab "waa walaalkay
Maxammed binu Maslama iyo midkaan naska wada nuugnay, Abuu Naa'ila, ninka ragga ahna haddii loogu yeero arrin waa yeelaa".
Markaa ayuu soo baxay isagoo barafuun isku soo shubay oo madaxiisu soo carfayo. Abuu Naa'ila wuxuu saaxiibbadiis ku yiri "markuu
yimaado madaxa ayaan qabanayaaye, markii aad aragtaan in aan si fiican u qabtay sefaha ku booba". Kacab markuu yimid oo mudoo
lala sheekeysanayey, ayuu Abuu Naa'ila ku yiri "ka warran ina Ashrafow haddii aannu aadno derbiga duqdii hebla ahayd si aan
isaga sheekaysanno habeenka inta nooga hartay", isna wuxuu yiri "haddii aad doontaan waxba kama qabo".
Markii la baxay oo dhex la sii marayo
ayuu Abuu Naa'ila yiri "caawa oo kale ma arag cid ka catar udgoon Kacab", markuu hadalkaa maqlay ayuu faan galay oo yiri "dumarka
carbeed catarkoodii baa agtayda ah", Abuu Naa'ila wuxuu yiri "ma ii oggolanaysaa in aan ursado madaxaaga?" Kacab wuxuu yiri
"haa", markaas ayuu Abuu Naa'ila gacanta madaxa ka geliyey oo ursaday, saaxiibbadiisna ursiiyey. Xoogaa ayaa la socday. Abuu
Naa'ila ayaa markaa yiri "ma ku celiyaa?", "haa" ayuu Kacab yiri, sidii oo kale ayuu yeelay. Ka dib markii xoogaa la sii socday
oo Kacab is kala dhigtay ayuu Abuu Naa'ila yiri sidii oo kale, markuu Kacab u oggolaadayna, madaxa intuu gacanta ka geliyey
ayuu si fiican uga faro buuxsaday, oo yiri "waan hayaa cadowgii Ilaahay", markaas ayey seefaha ku boobeen hase yeeshee seefihiii
waxba waa ka tari waayeen (wey dili waayeen), markaas ayaa Maxammed binu Maslama mindi ka geliyey caloosha ilaa uu ka diley.
Cadawgii Ilaahay ee Kacab, isagoo
qaylo aad u daran ku qaylinaya, taas oo ka argagixisay wixii gaararkiisa joogey, ayaa naftii ka baxday oo laga takhalusay.
Ka dib kooxdii way soo laabteen iyagoo
seefohoodii qaar ka mid ahi ay dhaawac gaarsiiyeen Xaarith binu Aws, wayna ka soo tageen iyagoo u hasta in ay dhan yihiin
hase yeeshee markii ay dhex marayeen ayey ogaadeen in uu Xaarith ka maqan yahay. Meeshii ayey markaa fariisteen oo mudo ku
sugeen, markii uu u yimidna way soo xambaareen.
Markii ay Rasuulka SCW u soo dhow
yihiin ayey takbiirsadeen, Rasuulkuna SCW markii uu maqlay takbiirtooda ayuu fahmay in ay soo dileen cadowgii Ilaahay, markaas
ayuu isna takbiirsaday. Markii ay u yimaaddeenna wuxuu yiri "wejiyaal baa liibaanay", markaa ayey dheheen "wejigaaguna wuu
liibaanay Rasuulkii Allow", ka dibna madaxii Kacab oo ay soo gooyeen ayey Rasuulka SCW hortiisa ku soo tuureen, Rasuulku SCW
Allaah ayuu mahadiyey dilitaanka ninkaas la dilay, Xaarithna meeshii nabarka ayuu uga tufay, waan u buskootay.
Yahuuddu markii ay ogaatay waxa ku
dhacay Kacab ibnu Ashraf iyo sida khatarta ah oo looga takhallusay, ayaa Ilaahay quluubtooda ku riday baqdin iyo argagax,
waxayna ogaadeen in Nabi Maxammed SCW uu awood u isticmaalayo abaalkoodana marinayo ciddii wanaag iyo nabad diidda. Sidaa
darteed yahuudi wa ku cibro qaadatay arrinkaan iyo kiii ka horreeyey ee reer banii Qaynuqaac ku dhacay, waxayna joojisay kibbirkii
iyo faankii, magaalada Madiinana waxay ku soo laabatay xasiloonideedii, Rasuulka SCW iyo asxaabtiisiina waa ka kala fududaatay
dhibaatadii gudaha ka haysatay ka dib markuu labadaan ficil ku dhaqaaqay
DUULLAANKII DII AMAR
Wardoonkii Madiina ayaa wuxuu soo gudbiyey in qabiilooyinka la kala yiraahdo banii
Thaclaba iyo Muxaarib ay isu urursadeen sidii ay Madiina duullaan ugu soo qaadi lahaayeen. Rasuulku SCW markii uu arrintaa
ka war helay wuxuu diyaariyey ciidan dhan Afar boqol iyo kontan nin, waxayna taariikhdu ahayd bishii Muxarram, sannadkii 3aad
ee hijriga. Rasuulku SCW magaalada Madiina wuxuu madax uga dhigay Cusmaan ibnu Cafaan, dabadeedna ciidankii ayuu la baxay.
Dhex markii la sii marayo ayaa waxaa la qabtay nin u dhashay qabiilkii lagu socday
ee reer banii Thaclaba, ninkaas, waxa uu ugu yeeray islaamka, isna waa aqbalay oo waa islaamay. Dabadeedna wuxuu horkacay
ciidankii si uu u tuso fariisimaha uu cadowga daggan yahay.
Qabiilooyinkii markii ay maqleen soo bixitaanka Rasuulka SCW ayey ka carareen meeshii
ay joogeen oo hawdka galeen.
Rasuulku SCW wuxuu tegey meeshii ay isku urursanayeen, wuxuuna degganaa halkaas
bishii Safar oo dhan, si reer baadiyaha jihadaas deggan oo dhan u ogaadaan awoodda muslimiinta. Ka dibna Rasuulka SCW iyo
ciidankiisii waxa ay ku soo laabteen Madiina.
<><><>
DUULLAANKII BAXRAAN
Bishii Rabbiicul Aakhir, sannadkii 3aad ee hijriga ayaa Rasuulka SCW iyo Saddex
boqol oo nin oo uu hogaaminayo u bexeen meesha la yiraahdo Baxraan, oo Xijaas ka mid ah. Wuxuuna u baxay qureysh, meeshii
ayuu tegey wuxuuna joogey intii ka dhimanayd bishii Rabbiicul Aakhir iyo bishii ku xigtey ee Jamaadul Uulaa, ka dibna Madiina
ayuu ku soo laabtay isaga oo aan wax dagaal ah soo gelin.
ILAALADII SEYD BINU XAARITH
ILAALADII SEYD BINU XAARITH
Markii la gaaray waqtigii jiilaalka ee qureysh Shaam u safri jirtey ayey qureyshtu
isu diyaariyeen safar, markaas ayey ka wada tashadeen waddadii ay safarkooda marin lahaayeen, maxaa yeelay cunaqabatayn ayaa
saaran oo waddo kasta oo ay isku dayaan muslimiinta ayaa ugaarsanaya. Waxaa markaa hadlay Safwaan binu Umaya, oo ay u doorteen
in uu safarka kexeeyo, wuxuu yiri "ma garanayo wax aanu ku samayno Maxammed iyo asxaabtiisa, dadka xeebta degganna way la
heshiiyeen oo badankoodu isaga ayey la jiraan, mana garanayno meel aan marno, haddii aan guryahayaga iska joognana waxa aan
cuneynaa lafahayagii oo waxba noo hari mahayaan, noloshayada Makkana waxa ay ku dhisan tahay ganacsiga jiilaalka ee Shaam
iyo kan xagaaga ee Yaman". Arrimahaas markii uu Safwaan ka warramay ayaa laga wada hadlay mawduucii, waxaana fikrad keenay
Aswad binu Cabdimudhalib oo ku yiri Safwaan: "iska daa waddada xeebta, waxaadna qaaddaa waddada Ciraaq", waddadaas Ciraaqna
waxa ay ahayd waddo dheer oo sii marta Najdi ilaa Shaam laga gaaro, Madiinana waxaa laga marayaa dhinaca bari ee qorrax ka
soo bax oo aad uga fog Madiina, qureyshna ma aqoon waddadaas, mana marin markaas ka hor. Sidoo kale wuxuu Aswad u tilmaamay
safwaan in uu kexeysto ninka la yiraahdo Furaat binu Xayaan, oo u dhashay qabiilka la yiraahdo Banii Bakar, si uu safarka
waddada u mariyo.
Safwaan iyo safarkiisii waa ay bexeen isagoo wata koox rag ah, waxayna qaateen waddadiii
cusbeyd, iyagoo ku baxay si qarsoodi ah. Hase yeeshee sirtoodii waa la helay, sida lagu helayna waxa ay ahayd: nin la yiraahdo
Sulayd binu Nucmaan, oo muslim ahaa, iyo nin gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Naciim binu Mascuud Al-ashjaci, ayaa meel khamro ku wada
cabbey (waana intaan khamrada laxarimin). Markii ay sakhraameen ayaa Naciim si tifafiran uga warramay khiddada safarkka iyo
meesha uu mari doono, markaas ayaa Suleyd si degdeg ah khabarkii Rasuulka SCW ugu soo gudbiyey. Rasuulku SCW markii loo keenay
wuxuu direy ciidan gaaraya Boqol nin oo rakuubley ah, wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu Xaarith.
Ciidankii waxay jidka ku sii jiraan waxa ay si kedis ah ku qabteen safarkii. Raggii
waday oo uu Safwaan madaxda u ahaana way carareen, muslimiina waxay soo qafaasheen safarkii iyo ninkii la oran jirey Furaat binu Xayaan, oo ahaa ninkii dhul yaqaanka ahaa oo safarka hor socday. Riwaaayadaha
qaarkood waxay ku daraan in Furaat iyo laba nin oo kale la qabtay. Ka dib waxa ay ciidankii u tageen Rasuulka SCW iyagoo safarkii
wata. Alaabta safarkaa saarnayd waxaa lagu qiyaasay 100,000 oo Diinaar. Rasuulku SCW markii uu ka saaray khumuskii ayuu xoolihii
u qeybiyey raggii duullaankaas galay. Ninkii ahaa Furaat ee la soo qabtayna waa uu islaamay.
Nimankii qureysh ahaa waxaa u hoydey murugo iyo calool xumo, waxaana ku caddaatay
talo, maxaa yeelay waddada sidaa loogu galay waa waddadii keliya ee ay naf bidayeen. Sidaa darteed waxa ay duruufu kala dooransiisey
in aysan safar dambe gelin, oo ay cunaqabatayntaa ku jiraan in ay Rasuulka SCW heshiis la samaystaan iyo in ay dagaallamaan,
oo iyaga iyo Nabi Maxammed SCW fooda is daraan. Waxayna doorteen midda u dambeysa oo dagaalka ah, waxay xoojiyeen tabaabulshihii
ay ku jiree, waxayn qadeen olole ballaaran sidii ay Rasuulka SCW ula dagaallami lahaayeen.
DAGAALKII UXUD
Qaybtii
1aad
Ka dib markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo ay qureysh u soo hoyatay guul darro iyo jab, lana laayey odeyaashoodii, ayey waxa ay galeen tabaabushe
ay u tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga SCW iyo asxaabtiisa uga aarsan lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan
loo ooyin dadkii Badar lagu laayey, laguna degdegin furashada dadkii lagu qafaashay Badar. Dadkii ugu xamaasad iyo shaqo badnaa
in muslimiinta lala dagaallamo waxaa ka mid ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, Cikrama binu Abii Jaha, Safwaan binu Umaya, Cabdullaahi
ibnu abii Rabbiica. Waxay raggaani soo jeediyeen fikrad ay leeyihiin maalkii saarnaa safarkii Abuu Sufyaan waday oo ka koobnaa
1000 ka rati sababtana u ahaa dagaalkii Badar dadkii iska lahaa waa in aan la hadalnaa. Markii ay dadkii u yimaadeen waxa
ay ku dheheen "qureysheey Maxammed waa idin dabar gooyey, akhyaartiinniina wuu laayey, marka maalkan noogu kaalmeeya sidii
aan kula dagaallami lahayn, waxaa la arkaa in aan ka aar gudannee". Maalkaas oo qiimihiisa lagu qiyasay 50,000 oo Diinaar
dadkii iska lahaa way oggolaadeen, wayna u riyaaqeen fikraddaas, maxaa yeelay waxaa quluubtoodii buuxiyey ciil iyo caro ay
u hayaan Nabi Maxammed SCW. Sidoo waxay hoggaamiyayaashaas qureysh bilaabeen in ay ka ururiyaan dhaqaale cid kasta oo jecel
in ay ka qayb qaadato dagaalka lala gelayo muslimiinta, oo u dhashay qabiillada Kinaana, iyo Tuhaama. Allaah SW isagoo ficilkooda
tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA GAALOOBAY WAXAY BIXINAYAAN
MAALKOODA SI AY (DADKA) UGA JEEDIYAAN JIDKA ALLE, WAY BIXIN DOONAAN (MAALKA) KA DIB WAXAY KU NOQON DOONTAA SHALLAYTO WAANA
LAGA QAALIB NOQON DOONAA, KUWA GAALOOBAY WAXAA LOO KULMIN XAGGA JAHANNAMO)), (Suuratul-Anfaal 36).
Hoggaamiyayaashaa qureysheed waxa
ay aad xoogga u saareen ururintii maalka iyo dhiirri gelinta dadkii qureysheed iyo qabiilladi kale ee xulufada la ahaa iyagoo
adeegsanaya raggoodii gabayaaga ahaa sida ninkii la oran jirey Abaa Cisa, oo ku jirey dadkii la qafaashay dagaalkii Badar,
ka dibna Rasuuku SCW iska cafiyey markuu u dan sheegtay, kulana ballamay in uusan dib dambe islamka uga hor imaanayn, laakiin
ballaantii wuu ka baxay. Sababta uu Abaa Cisa ballanta uga baxay waxa ay ahayd waxaa kadiyey Safwaan binu Umaya oo ku yiri
"waxaan kaa ballan qaaday, haddii aad dagaalka nabad uga soo labato, in aan qani kaa dhigo, haddii aad ku dhimatana aan gabdhahaaga
kafaalo qaado". Sidaa awgeed ninkii Abaa Cisa ahaa gabaygiisii ayuu qabiillada kala dhex istaagay isaga oo ku boorrinaya la
dagaallanka Nabiga SCW iyo asxaabtisa. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Musaafe binu Cabdimunaaf Al-jumxi.
Dadkii reer Makka waxay ku jireen
diyaargarowgaas iyo hub urursi laga soo bilaabo bishii Ramadaan oo dagaalkii Badar dhacay iilaa laga gaaray Bishii Shawaal
ee sannadkii xigay oo dagaalka Uxud dhacay. Waxaa isna cadaawaddii Qureys sii siyaadiyey oo ka caraysiiyey khasaarihii ka
soo gaaray safarkii Safwaan, taas oo ku noqotay murugo kale. Ka dib markii la gaaray bishii Shawaal ee sannadkii 3aad ee hijriga
oo hal sano laga joogo dagaalkii Badar ayaa waxaa u dhammaaday diyaargarowgoodii dagaalka. Sida darteed waxaa Makka ka soo
baxay ciidan gaaraya 3,000 oo nin oo isugu jirey qureysh iyo xulafadooda, waxayna soo kexeysteen 15 dumar ah oo ay ugu talo
galeen in ay ciidanka guubaabiyaan oo dhiirri geliyaan si aan ciidanku u baqan oo uu aad ugu dagaallamo.
Hoggamiyaha guud ee ciidanku wuxuu
ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, ciidanka fardooleydana waxaa madax u ahaa Khaalid ibnu Waliid, waxaana kaaliye u ahaa Cikrama
ibnu Abii Jahal. Calanka ciidanka waxaa waday waday jilibka reer banii Cabdi-daar, gaadiidkii ay wateen wuxuu ahaa 3,000 oo
rati iyo 200 oo faras, dhinaca gaashaanka iyo qalabka difaaca waxa ay wateen 700 oo canbuur bireed. Waxay ka soo ambabexeen
Makka oo soo aadeen dhinicii Madiina iyagoo duullaan ah.
Dhinicii muslimiinta Cabbaas binu
Cabdimudhalib, oo joogey Makka, had iyo jeerna akhbaarta cadawga u soo gudbin jirey Rasuulka SCW ayaa warqad degdeg ah oo
uu ku qoran yahay dhammaan warkooda oo dhan u soo direy. Ninkii warqadda loo soo dhiibey aad ayuu u dheereeyey, wuxuuna ku
gooyey masaafada u dhexeysa Makka iyo Madiina oo ah 500 KM, saddex maalmod. Wuxuuna u tegey Rasuulka SCW oo joooga Masaajidka
Quba, oo warqaddii ugu geeyey. Waxaa warqaddii Rasuulka SCW u akhriyey Ubay ibnu Kacab, markii uu dhammeeyeyna wuxuu Rasuulku
SCW amray in uu qariyo waxa ku yaalla warqadda. Ka dibna Rasuulku SCW si degdeg ah ayuu tegey Madiina, wuxuuna la tashaday
odeyaashii Muhaajiriin iyo Ansaar. Magaaladii Madiinana waxaa laga qabtay waardiye, maxaa yeelay cadowgii jidka ayuu ku soo
jiray, halisna waxay u tahay in ay kedis ku soo galaan, Rasuulkana SCW si gaar ah ayaa waardiye looga qabtay. Waxaana waardiyaha
ka hayey qar ka mid ah odeyaashii Ansaar oo kala ahaa Sacad binu Mucaad, Sacad binu Cubaada iyo Useyd binu Xudeyr. Ciidankii
muslimiintuna wuxuu bilaabay war doon iyo in uu maalin walba la socdo meesha uu cadowgii soo marayo.
Ciidanka gaalada wuxuu ka soo baxay
Makka, dabadeed markuu marayo meesha la yiraahdo Abwaa, oo Rasuulka SCW hooyadiis qabrigeedu ku yaalley, ayaa islaanta la
oran jirey Hinda binu Cutba oo Abii Sufyaan qabay, aabbeheed, walaalkeed iyo adeerkeedna lagu diley Badar, waxa ay soo jeedisey
in la faago qabriga Rasuulka SCW hooyadiis hase yeeshee madaxdii ciidanku waa diideen fikradaas, waxayna ka baqeen cirib xummada
dambe oo ay reebayso. Ka dib socodkoodii ayey sii socdeen, markii ay marayaan togga la yiraahdo Caqiiqo ayay u leexdeed dhinaca
midig, dabadeedna way sii socdeen ilaa ay ka degeen meel u dhow buurta Uxud oo la yiraahdo Cayneyn. Maalinkaas wuxuu ahaa
maalin Jimca ah, 6dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga.
Muslimiintu hadba sidii ay ula socdeen
wararka cadowga iyo hadba meesha uu soo marayo ayaa ugu dambayntii loo soo gudbiyey in uu soo degey buurta Uxud gadaasheeda,
markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu qabtay kulan guud oo uu la tashanayo asxaabtiisa, wuxuuna u sheegay riyo uu arkay oo wuxuu
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye waxaan arkay kheyr oo ah; waxaan arkay lo' la gowracayo, seefteyda oo dhinac ka jabtay iyo aniga
oo gacantayda geliyey canbuur bireed adag. Waxaana ku fasirayay lo'da, qayb asxaabtayda ka mid ah oo la layan doono, seeftayda
dhinaca ka jabtayna waxa aan ku fasiray nin Ehlu-beytkayga ka mid ah oo la dili doono, canbuur bireedkana waxa aan ku fasiray
Madiina".
Dabadeed waxa uu Rasuulku SCW asxaabta
u soo bandhigay ra'yigii uu arkayey oo ahaa in aan Madiina laga bixin oo difaac la galo si cadawga haddii uu magaalada soo
weeraro si xun loogu hoojiyo. Waxaa markaa Rasuulka SCW ra'yigiisaa ku raacay qaar ka mid ahaa odeyaashii asxaabta oo u arkay
in uu ra'yigaani sax yahay. Sidoo kale waxaa ku raacay munaafiqii weynaa Cabdullaahi binu Ubay oo aan saxnimo ugu raacin ee
ugu raacay baqdin uu cadowga ka baqayo iyo in uu ka fogaado dagaal.
Waxaa ra'yigii Rasuulka SCW mid ka
duwan qaatay koox ka mid ah asxaabta oo aan ka qayb gelin dagaalkii Badar, aadna ugu xamasadaysnaa in dagaal kale cadowga
lala galo iyo in badan oo dagaalkii Badar ka qayb gashay laakiin diiddanaa in cadawga magaalada lagu sugo, waxayna Rasuulka
SCW u soo jeediyeen in la baxo oo cadowga meeshiisa loogu tago, aad ayeyna Rasuulka SCW ugu celceliyeen ra'yigaadaas ilaa
mid ka mid ihi yiri "maalinkaan war rajaynaynay, Allaah baanuna u baryaynay, waana noo yimid oo waa soo dhowaaday ee u bax
cadowgayaga yaysan noo arkin in aan ka baqnaye". Sidoo kale raggii aadka ugu adadkaa ra'yigan waxaa ka mid ahaa Nabiga SCW
adeerkiis Xamsa binu Cabdimudhalib.
Rasuulku SCW, markii uu arkay in
asxaabta badankeedu doonayaan in cadowga goobta loogu tago, ayuu ka noqday ra'yigiisii hore wuxuuna qaatay ra'yigan dambe,
isaguuna go'aamiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey salaaddii jimcaha wuuna waaniyey, wuxuuna amray in ad-adkaan
iyo dadaal lala yimaado, wuxuuna u sheegey in ay nasri helayaan haddii ay sabraan, ka dibna salaaddii casar ayuu tujiyey,
dabadeedna wuxuu galay gurigiisa isaga oo ay la socdaan Abuubakar iyo Cumar, hubkiisii ayuu qaatay, laba canbuur bireedna
wuu gashaday, wuuna soo baxay. Ciidankiina diyaar bay wada ahaayeen oo isaga ayey sugeyeen. Sacad binu Mucaad iyo Useyd binu
Xudeyr ayaa asxaabtii ku yiri "Rasuulka SCW waad ku khasabteen bixitaanka ee isaga talada u daaya", Markaas ayey ka qoomameeyeen
arrintaa ay Rasuulka SCW ku kallifeen, markuu Rasuuulku SCW u yimidna waxa ay ku dheheen "Rasuulkii Allow nooma habboona in
aannu ku khilaafno ee samee wixii aad doontid , haddii aad jeceshahay in aad Madiina ku negaatana samee". Rasuulku SCW wuxuu
markaas yiri "uma habboona Nabi haddii uu canbuur bireedkiisa lebisto in uu iska bixiyo ilaa Ilaahay ka kala xukmiyo isaga
iyo cadowgiisa".
Wuxuu Rasuulku SCW ciidankiisii u
qaybiyey saddex qaybood oo kala ahaa Ansaar oo uu labo u sii kala qaybiyey iyo Muhaajiriin oo hal qayb ah. Qaybta Muhaajiriinta
wuxuu calankoodii u dhiibey Muscab ibnu Cumeyr, kaas oo ahaa calanka guud ee ciidanka, qaybta Awsna wuxuu calankoodii u dhiibey
Useyd ibnu Xudeyr, qayba Khasrajna wuxuu calankoodii u dhiibey Xubaab ibnu Mundir. Caddadka ciidanku wuxuu ahaa 1,000 nin,
waxayna wateen 100 canbuur bireed, fardahaa ayaa wateen riwaayadaha ku soo arooray way is kala duwan yihiin: qaar waxay leyihiin
50 faras, qaarna waxay leeyihiin Rasuulka SCW iyo Abuu Burda keliya ayaa ka watay, qaar kalena waxay leeyihiin maba wadan.
Allaah ayaa garanaya sida ay xaqiiqdu tahay. Rasuulku SCW wuxuu Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum. Waxaa
markaa Rasuulku SCW ciidankii ogeysiiyey in la dhaqaaqo, waxaana loo dhaqaaqay dhinicii woqooyi.
Rasuulka SCW waxaa hor socday labo
Sacad, markii ay dhaafeen meesha la yiraahdo Thaniyatul Wadaac ayaa wuxuu arkay Rasuulku SCW ciidan meel xoogaa u jirta ka
muuqda Markaas ayuu asxaabtii weydiiyey oo ku yiri "maxay yihiin?", waxaa la yiri "waa yahuuddii ay reer Khasraj xulufoda
ahaayeen", wuxuu yiri 'ma islaameen?" waxaa la yiri "maya", markaas ayuu diidey Rasuuku SCW in uu gaal gaal kale u kaalmaysto.
Wuxuu Rasuulku SCW ciidankii ka reebay
wiilal yar yar oo aan weli qaangaarin oo ay ka mdi ahaayeen: Cabdullaahi ibnu Cumar, Usaama binu Seyd, Useyd, binu Daahir,
Seyd binu Thaabit, Seyd binu Arqam, Caraawa binu Aws, Camar binu Xasam, Abii Saciid Al-Khudri, Seyd binu Xaarith Al-ansaari
iyo Sumura ibnu Jundub, wuxuuna dagaalka u oggolaaday Raafic ibnu Khadiija iyo Sumura ibnu Jundub, sababta uu labadaan uga
soo reebay dhallinyaradii kalena waxa ay ahayd; Rafiic wuxuu ahaa wiil ganitaanka ku dheereeya oo shiish badan, markaas ayaa
Rasuulku SCW u oggolaaday, markaas ayaa Sumura ibnu Jundub yiri "aniga ayaa ka xoog badan oo legda", markaas ayaa Rasuulku
SCW amray in ay hortiisa ku legdemaan, markaas ayaa Raafic la legday oo Sumara ayaa xoog batay, sidaas ayuu isna ugu oggolaaday.
Ka dib salaaddii maqrib ayaa ugu
soo gashay dhexda, wayna tukadeen, ka dibna cishihii bay tukadeen, dabadeedna way degeen oo habeenkii halkaas ayey beryeen.
Waardiyaha ciidanka habeenkaas waxaa
loo xilsaaray 50 nin oo uu madax u yahay Maxammed ibnu Maslama, oo ahaa ninkii madaxda u ahaa kooxdii Kacab binu Ashraf dishay,
reer Dakwaan binu Cabdiqaysna waxay gaar ahaan ugu istaageen ilaaalinta Rasuulka SCW. Fajarkii ka hor ayaa la kacay, wax yar
ayaana hore loo sii socday ilaa laga gaarey meel cadowgii u muuqata oo la isku jeedo, halkaas oo salaadii subax lagu tukaday.
Muddo yar ka dibna munaafiqii weynaa Cabdullaahi ibnu Ubay ayaa wuxuu la laabtay Sadex boqol oo nin oo ahaa ciidan Rasuulku
SCW watay saddex meelood meel ahaan, wuxuuna yiri munaafiqasi "ma garanayno waxa aanu naftayada u dilayno" isaga oo ku andacoonaya
in ra'yigiisii Rasuulku SCW khilaafay oo uu wiilal yar yar ra'yigood qaatay, laakiin ujeeddadiisu waxay ahayd in uu kala jebiyo
ciidanka muslimiinta kuna rido niyad jab iyo is khilaaf, in badanna ay Rasuulka SCW iyo intii ku hadha, dabadeedna ay Madiina
sideedii hore ku laabato, isna loo soo celiyo madaxtinnimadiisii, maxaa yeelay wuxuu rumeysnaa in madaxtinnimadiisii uu Rasuulku
SCW ka qaatay, wuxuuna intaa xaqa uga soo hor jeeday oo Alle iyo Rasuulkisa SCW ula dhinactameyey in uu madaxnimo helo sida
ay maantaba in badan oo muslimiin sheeganayaa uga horyimaaddaan xaqa si ay madaxtinimo ama dan gaar ah u gaaaraan. Munaafaqaani
waxa uu sigey inuu hir galiyo wixii uu ku haminayey, maxaa yeelay isla markiiba waxaa damcay in ay laabtaan labo reer oo muslimiinta
ka mid ahaa, kuwaas oo kala ahaa jilibka banuu Xaarith oo Aws ka mid ahaa iyo banuu Salama oo Khasraj ka mid ahaa hase yeeshee
Allaah ayaa amarkoodii tawalliyey oo xaqii ku sugay, kana badbaadiyey simbirixashadaas sheydaanka. Allaahna isagoo arrintaa
tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((WAXA IDINKU DHACAY MAALINKA AY
LABADA CIIDAN KULMEEEN WAA ALLE IDANKIIS IYO IN OGAADO MU'MINIINTA, (SIDA KALE) IN LA OGAADO KUWA MUNAAFAQOOBAY, EE LOO YIRI
"KAALAYA OO KU DAGAALAMA JIDKA ALLE AMA DIFAACA" WAXAYNA DHEHEEN HADDAAN OGNAHAY DAGAAL WAAN IDIN RAACI LAHAYN, IYAGU GAALNIMDAY
MAALINKAAS UGA DHAWAAYEEN IIMAANKA, WAXAY AFKOODA KA DHAHAYAAN WAXAAN QULUUBTOODA KU JIRIN, ALLENA WAA OG YAHAY WAXAY QARINAYAAN,
WAA KUWA KU YIRI WALAALAHOOD HADDAY NA ADEECI LAHAAYEEN LAMA DILEEN, WAXAAD DHAHDAA NAFTIINA DHIMASHO KA REEBA HADDAAR RUN
SHEEGAYSAAN)), (Suuratu Aali Cimraan 166-168).
Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankii
muslimiinta oo ah 700 oo nin waxay u dhaqaaqeen dhinicii cadowga, cadowguna wuxuu ka sokeeyey buurta Uxud, wuxuu markaa Rasuulku
SCW yiri "ninkee ayaa naga dhex bixinaya oo na geynaya dushooda buurta xigta?". Abuu Khaythama ayaa yiri "Aniga, Rasuulkii
Allow", wuxuuna abuu Khaythama ciidankii mariyey waddo gaaban oo buurta Uxud gasha, waxayna sii dhex mareen beer uu lahaa
nin la oran jirey Murabac binu Qaydi oo munaafaq ahaa, indhahana aan wax qumman ka arkin, hase yeeshee markii uu dareemay
ciidankii muslimiinta ayuu ciid ku seyriyey, wuxuuna ku yiri Rasuulka SCW "xalaal kuuma aha in aad soo gashid beertayda haddii
aad Rasuul tahay". Rag asxaabta ka mid ah ayaa markaa damcay in ay dilaan hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "ha dilina
qalbiga iyo indhahaba waa ka indho la'yahay". Ka dib waxay muslimiintii degeen meel istaraatiiji ah, oo buurta Uxud degaandeggeed
ah, waxayna dhabark u duween buurtii, Madiinana way soo qaabbileen. Ciidankii gaaladuna waa ka hooseeyey oo wuxuu xigsaday
dhinicii Madiina oo u dhaxaysey ciidankii muslimiinta iyo Madiina. Ka dib Rasuulka SCW ciidankiisii ayuu dagaalka u diyaariyey
wuxuuna soo soocay 50 nin oo gummaad ah (gana yaal ah) oo ku dheereysey shiishka iyo wax ganidda, wuxuuna u direy kooxdaas
dhinaca bidix oo koonfur bari ka xigtay ciidankii muslimiinta una jirtey 150 Mitir, meeshaas oo ahayd meel buurta Uxud karin
gaabo ku lahayd. Ciidankaas 50ka nin ah wuxuu Rasuulku SCW madax uga dhigay Cabdullaahi binu Jubeyr binu Nucmaan, wuxuuna
50kaa nin ugu talo galay in ay dhabar jabinta ciidanka fardooleyda ah aee gaalada oo Khaalid binu Waliid wato ka ilaaliyaan.
Wuxuuna Rasuulku SCW la dardaarmay ninkii madaxda u ahaa 50kii nin oo uu ku yiri "naga joojiya fardaha yeysan gadaal nooga
imaanine, haddaan guuleysanno iyo haddii nalaga guuleystaba meshiina jooga, yaan dhiniciinna nalaka soo gelin". Kontonkii
nina wuxuu ku yiri "dhabarka naga ilaaliya, haddii aad aragtaan in nala laynayo ha noo gargaarinina, haddii aad aragtaan in
aan qaniimeysanaynana ha nala wadaagsannina, haddii aad aragtaan in ay shimbiruhu na kala dafayaan booskiinaas ha ka soo dhaqaaqina
ilaa aan idin soo cid diro, haddii aad aragtaan in aan jebinney oo aan ceyrsanaynana ha soo bixina ilaa aan idiin soo cid
diro".
Rasuulku SCW wuxuu hadalkaas cad
iyo dardaarankaas siiyey nimankii gumaadda ahaa si aan fardooleyda gaaladu dhabar jebin ugu samayn, meeshaas oo ahayd meesha
kali ah ee laga dhabar jebin karayey, maxaa yeelay gadaal iyo dhinaca midigba buurta ayaa ka xigtay, hortoodana cadowga ayaa
ka xigey. Dabadeed wuxuu Rasuulku SCW qaybiyey ciidankiisii, dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Mundir ibnu Camar, dhinaca
bidixna Subeyr ibnu Cawaam oo uu kaaliye u yahay Miqdaad ibnul-aswad, safafka hore ee ciidanka wuxuu u doortay rag khatar
ah. Khidaddaas heerka sare ah ayuu Rasuulku SCW u dejiyey ciidankiisii subaxaas wuxuu ahaa subax Sabii ah, 7dii bishii Shawaal,
sannadkii 3aad ee hijriga.
Wuxuu Rasuulku SCW ciidankiisii ka
reebay in ay dagaal bilaabaan ilaa uu ka amro, wuxuuna ku booriyey dagal iyo in ay ku sabraan markay la kulmaan cadowga, aad
ayuuna u xamaasa geliyey, ka dibna wuxuu kor u qaaday seef oo yiri "yaa seeftaan xaqeeda ku qaaday?". Rag ayaa markaa istaagay
ay ka mid ahaayee Cali binu Abii-dhaalib, Subeyr ibnu Cawaam, Cumar binu Khadhaab iyo abuu Dujaana, wuxuu markaa Abuu Dujaana
yiri "muxuu yahay xaqeedu Rasuulkii Allow?", wuxuu yiri Rasuulku SCW "waa in aad ku garaacdo wejiyada cadowga", wuxu yiri
Abuu Dujaan "aniga ayaa ku qaadaya xaqeeda Rasuulkii Allow", markaas ayuu siiyey Abuu Dujaana.
Abuu Dujaana wuxuu ahaa nin geesi
ah oo is qaad qaada marka dagaalka lagu jiro, wuxuu lahaa maro guduudan oo hadduu madaxa ku xiro dadku ay ogaan jireen in
uu dagaallamayo dagaal wacdaro leh. Markii uu seeftii qaaday ayuu madaxa ku xirtay maradii guduudnayd waana is qaad qaaday,
wuxuu Rasuulku SCW markaa yiri "waa socod Ilaahay ka caroodo markaan oo kale (jihaadka) ma ahane".
Ciidankii gaalada waxaa sidii aan
soo sheegnayba hoggaamiye guud u ahaa Abuu Sufyaan Ibnu Xarbi, dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Khaalid ibnu Waliid, dhinaca
bidixna Cikrama ibnu Abii-Jahal, ciidankii lugtana wuxuu madax uga dhigay Safwaan binu Umaya, ciidankii gammuunleydana Cabdullaahi
binu abii Rabbiica. Calanka waxaa u waday jilibka reer Cabdidaar oo qureysh calanka u wadi jirey, firna u lahaa, cidna kulama
doodi jirin hase yeeshee Abuu Sufyaan ayaa markan canaantay si ay calanka ugu faro adeygaan oo wuxuu yiri "reer banii Cabdidaaro,
calankayaga ayaad waddeen maalinkii Badar, waadna aragteen wixii nagu dhacay, dadkana waxaa lagu jebiyaa calankooda, haddii
uu calankaasi dhaco waa dhacayaan, marka ama calankaas nooga qayba ama noo daaya annaga ayaa idinka kaafineynee". Reer banii
Cabdidaar inta ay xanaaqeen oo ficiloodeen ayey dheheen "ma calankayaga ayaannu kuu dhiibnaa?", waad ogan doontaa berri marka
aannu la kulanno waxa aannu samayno".
Abuu Sufyaan si uu muslimiinta safkooda
u kala dhantaalo, wuxuu waraaq u diray Ansaar, warqadda wuxuu ku lahaa "isu kaaya daaya annaga iyo ilma adeerradayo, waan
idinka tekeynaaye, dagaalkiinnana ma dooneyno", hase yeeshee Ansaartii Rasuulka SCW oo ahaa rag uu quluubtooda iiman buuxiyey,
si adaga ayey u gu soo jawaabeen, wax uu kahdayna waa maqashiiyeen. Sidoo kale nin la oran jirey waagii hore Abuu Caamiri-Raahib,
hase ahaatee uu Rasuulku SCW u bixiyey Abuu Caamir Al-fasiq, oo jaahiligii madax u ahaan jirey Aws, laakiin markuu islaamku
yimid oo Aws islaameen, diidey islaamkii lana colleytamay Rasuulka SCW, Madiinana ka cararay oo qureysh u tegey, isla markaana
abaabulka dagaalka qayb weyn ka soo qaatay, haddana la socday, qureyshna ugu sheekeeyey "haddii ay qabiilkaygii i arkaan way
i soo raacayaan". Ayaa markii Uxud la isugu yimid wuxuu u dhawaaqay tolkiis oo yiri "reer Abuu Caamir baan ahay", markaas
ayey ku dheheen "Alle wanaag il kuuma saaro faasiqiiyow", markaas ayuu yiri "Allaa i lehe tolkay belo ayaa ku dhacday gadaashay".
Halkaas ayuu ku hoogay ninkaas Abuu
Caamir Al-Faasiq, waxa ugu badan oo uu ninkaasi Ilaahay diintiisa iyo Rasuulka SCW ula colleytamay waxa ay ahayd isaga oo
u arkayey in islaamku xukunkiisii ka qaaday, sideedana qofku hadduu soo maro xukun jaahili ah way adag tahay in uu xaqa u
hoggaansamo illaa qof Ilaahay u naraxiistay ma ahane.
Shan iyo tobankii dumarka ahaa ee
la socday ciidanka gaalada iyaguna kaalintooda ayey dagaalka ka qaadanayeen, waxaana dumarkaas hormood u ahaa Hinda bintu
Cutba, oo ahayd abuu Sufyaan xaaskiisii. Waxay haweenkaasi dhex marayeen safafka ciidankooda iyagoo heeso iyo buraanburro
ay ku guubaabinayaan ciidankooda tirinaya. Waxayna lahaayeen iyagoo la hadlayay nimankii calanka waday ee reer banii Cabdidaar
"ilaaliyaashii beledkow xubin walba garaaca". Sidoo kale ciidankana waxay ku lahaayeen "haddaad qaabbishaan (dagaalantaan)
waan idin marxabaynaynaa, gogoshana waan idiin goglaynaa, haddii aad jeesataan waa idin ka tegeynaa, ka tegid aan jacayl ka
dambayn".
Labadii ciidan way isku soo dhawaadeen,
dagaalkii ayaana bilowday. Habka uu dagaalku ku bilowday waxa ahayd: Waxaa soo baxay ninkii waday calanka gaalada ee reer
banii Cabdidaar, magiciisana la oran jirey Dalxa binu abii Dalxa, ninkaas wuxuu ka mid ahaa raggii ugu geesisanaa fardooleydii qureysheed,
muslimiintuna waxay ninkaa ku magacaabeen beerkii kooxda (ciidanka). Ciidankoodii ayuu markaa ka soo dhex baxay ninkaasi isagoo
calankoodii wada, wuxuuna dalbay mubaaraso (banbixid), hase yeeshee wax yar ayaa laga hakaday, maxaa yeelay wuxuu ahaa dagaalyahan
geesinnimo ku caan baxay. Waxaa markaa ninkaa u soo baxay Subeyr ibnu Cawaam, oo Nabiga SCW eeddadiis ay dhashay. Labadii
nin foodda ayey is geliyeen, dabadeedna Subeyr seef ayuu ninkaa uga tuuray rakuubkii uu saarnaa, ciidda ayuuna afka gashaday
isaga oo dhaawac ah, Subeyr ayaa ka daba tegey oo si fiican qoorta ugu dheereeyey. Rasuulku SCW markuu arkay sida dhakhsaha
ah ee Subeyr ninkaas uga takhalushay ayuu takbiirsaday, Subeyrna wuu ammaanay, wuxuuna yiri "Nabi kasta wuxuu lahaa xawaari
(ilaaliye heegan u ah), xawaariyahaygu waa Subeyr".
Dagaalkii ayaa bilaabmay, wuxuuna
intii hore oo dhan dagaalku ku wareegayey calankii gaalada oo ay iska daba qaadayeen ilma banii Cabdidaar. Waxaa markii Dhalxa
la diley calankoodii qaaday walaalkiis Cusmaan binu Abii Dhalxa, waxaa ninkaasna si degdeg ah u dilay Xamsa binu Cabdimudhalib.
Ka dib waxaa calankoodii qaaday walaalkood Abuu Sacad binu abii Dhalxa hase yeeshee waxaa isna gammuun ku diley Sacad ibnu
abii Waqaas, waxaa kale oo la yiraahday Cali binu abii Dhaalib ayaa u soo baxay oo dilay. Saddexdaas walaalaha ah markii ay dhinteen
waxaa calankoodii qaaday wiil uu dhalay kii ugu horreeyey oo la oran jirey Musaafac binu Dhalxa binu abii Dhalxa, waxaa
isna diley Caasim binu Thaabit. Waxaa markaa calankii qaaday kan la diley walaalkiis, Kulaab binu Dhalxa binu abii Dhalxa,
waxaa isna ka takhallusay Subeyr ibnu Cawaam. Waxaa ku xigsaday oo calankii qaaday walaalkood Jalaas binu Dhalxa binu abii
Dhalxa, waxaa isna qoorta u dheereeyey Dhalxa ibnu Cubeydillaah, waxaa kaloo la dhahaa waxaa dilay Caasim binu Thaabit.
Markii ay is raaceen lixdaas nin
ee reer banii Cabdidaar oo ahaa saddex walaalo ah iyo midkood saddex uu dhalay, dhammaantoodna ay ku wada dhinteen calankii
gaalada, ayaa waxaa calankoodii qaaday nin kale oo reer banii Cabdidaar ah oo la oraj jirey Ardha binu Shuruxbiil, waxaa kaasna
diley Cali Abii-dhaalib, waxaa kaloo la yiraahdaa waxaa dilay Xamsa binu Cabdi Mudhalib. Ka dib waxaa calankii u qaaday Shureex
binu Qaarid, oo isla reer banii Cabdidaar ah, waxaase insa dilay diley Qasmaan. Calankii waxaa markan u qaaday abuu Seyd Camar
binu Cabdimanaaf, waxaa isna diley Qasmaan ayaa diley. Waxaa halkaa ku dhintay 10 nin oo reer banii Cabdidaar ah oo dhammaantood
calanka isaga dambeeyey, nin dambe oo reer Cabdidaar ahina kuma harin ciidankii qureysh. Markan waxaa calankii qaaday wiil
xabashi ah oo reer Cabdidaar addoon u ahaa, lana oran jirey Sawaab. Wiilkaas oo aad geesinnimo u muujiyey, una dagaallamay ilaa labadiisa
gacmood la gooyey, ka dibna qoorta iyo xabadka ku qabsaday calankii si aan calanku dhulka ugu dhicin, isna waa laga takhlusay
isagoo leh "Ilaahow ma cudurdaaray", taas oo uu ula jeedo intii karaankiis ah in uu dadaalay. Wiilkaas markii la dilay, ka
dib calankii gaalada dhulka ayuu ku dhacay, qof dambena kor uma uusan qaadin. Inta calankaas lagu dagaallamayey dagaalku dhinacyada
kalena waa uu ka socday, muslimiintuna waxay muujiyeen wacdaro ilaa safafki gaaladu kala jajabeen, waxaanu muslimiinta shicaar
(halku dheg) u ahayd oo ay ku dhawaaqayeen kalimadda ah AMIT, (dhimo), oo calaamad u ahayd dagaalkaas Uxud.
Ninkii ahaa Abuu Dujaana oo watay
seeftii uu Rasuulku SCW siiyey, maradii caseyd ayuu madaxa ku xirtay, ka dibna wuxuu dhexjiirey ciidamadii gaalada ninkii
ka horyimaaddana wuu dilayey. Subeyr binu Cawaam ayaa wuxuu yiri "Rasuulka SCW ayaan seefta weydiistay intuusan Abuu Dujaana
siin ka hor, markaas ayuu ii diidey, ka dibna Abuu Dujaana yuu siiyey. Markaasaan nafsaddayda iska iri "aniga oo eeddadiis
i dhashay, oo weydiistey seefta, ayuu ii diidey oo Abuu Dujaana siiyey, Ilaah baan ku dhaartaye waan fiirin wuxuu sameeyo
(Abuu Dujaana)", markaas ayaan daba kacay. Wuxuu la soo baxay maradii guduudnayd, madaxa ayuuna ku xirtay, Ansaar ayaa markaa
tiri "Abuu Dujaana waxa uu la soo baxay maradii dhimashada", ka dibna wuu baxay oo ciidankii ayuu dhex qaaday. Wuxuu yiri
Subeyr oo hadalkiisii wata Abuu Dujaana nin lama uusan kulmayn illaa wuu dilayey. Gaaladana waxaa ku jirey nin aan dhaawac
nooga tegin ilaa uu dilo maahane. Ka dib ninkaa iyo Abuu Dujaana ayaa isku dhowaaday, markaas ayaan Alle ka baryey in ay iska
hor yimaadaan. Allaahna waa iska hor keenay oo labo seefood ayaa la is dhaafsaday, Abuu Dujaana ayaa markaa intuu seeftii
gaalka gaashaanka isaga dhigay, seef kale u daba mariyey oo halkaas ku dilay. Safafkii gaalada ayuu sii dhex jiirey ilaa uu
gdaal ka tegey oo uu la kulmay naagtii hormuudka u ahayd hawennkii gaalada, Hinda, isaga oo aan garanayn. Seefta ayuu dusha
ka saaray haddana waa ka daayey. Waxaan markaa iri "Alle iyo Rasuulkiisa SCW ayaa wax og". Wuxuu yiri Abuu Dujaana "waxaan
arkay qof dafka aad u guudbaabinaya, markaas ayaa u tegey. Markii aan seeftii kor ugu baacshey ayaan arkay in ay haween tahay,
markaas ayaan ka sharfay seefta Rasuulka SCW in aan haween ku dilo".
Sidoo kale raggii iyaguna maalintaas
wacdaraha muujiyey waxaa ka mid ahaa Xamsa binu Cabdimudhilib, oo aad gaalada u hoojiyey, kuna shahiiday dagaalkaas. Waxaa
uu yiri Waxshi binu Xarbi, oo ahaa ninkii Xamsa diley, isagooka sheekeynaya siduu Xamsa u diley "waxaan addoon u ahaa Jubeyr
binu Mudhcim, oo adeerkiis Dhuceyma lagu diley Badar. Haddaba markii ay qureysh dagaalka Uxud soo aadeysey ayaa waxa uu igu
yiri "haddaad adeerkay u diho Maxammed adeerkiis Xamsa, xor baad tahay". Ciidankii baan markaas soo raacay, waxaana ahaa nin
xabashi ah oo shiishka aad u yaqaanna. Markii dagaalkii Uxud bilowday oo ciidammadii kulmeen waxaan anigu fiirsanayey Xamsa
ilaa aan markii dambe ciidanka dhexdiisa ka arkay isagoo oo aad mooddo awr, Ilaah baan ku dhaartaye waan ka baqay in aan aado,
sidaa darteed waxa aan isku qariyey geed si uu iigu soo dhowaado. Waxaa iiga hormaray Subaac binu Cabdulcuse, Xamsa ayaa arkay
oo ku yiri "kaalay ina buuryagoyseedow" (ninkaas hooyadiis ayaa ciyaalka gudi jirtey). Xamsa hal mar ayuu ku dhuftay seefta
Subaac, madixiisii ayaa markaa kala daatay. Ka dib waxa aan diyaarsaday leebkaygii, markii aan si fiican u hubsadayna waan
sii daayey, wuxuu markaa uga dhacay gumaarka, wuxuuna ka baxay (leebkii) labada lugood dhexdooda. Dhinacayga ayuu markaa u
soo dhaqaaqay hase yeeshee waa miyir doorsoomay waana dhacay. Anigu kalama soo bixin leebkaygii gadaal isaga laabtay oo meel
ayaan iska fariistay, cid kalena dan kama
aanan lahayn, isagana waaxaan u dilay si la ii xoreeyo. Markaan Makka tegeyna waa la i xoreeyey". Ugu dambayntii gadaal ayuu
Waxshi ka islaamay, wuxuuna ka qayb qaatay jihaadyo badan, wuxuuna diley ninkii nabinnimada sheegtey ee Rasuulku SCW u bixiyey
Musaylamatul-kadaab.
Sidoo kale dadkii maalinka aadka
u dagaallamay waxaa ka mid ahaa Xandhala ilaa uu ka sigay oo ka dili gaaray hoggaamiyihii ciidanka gaalada Abuu Sufyaan, oo
markii uu seeftii kor ugu qaaday oo damcay in uu ku dhufto, ayaa waxaa isagii seef ka gaarsiiyey nin ciidankii gaalada ka
mid ahaa oo la oran jirey Shaddaad binu Aswad, halkaas ayuuna Xandhala ku shahiidey, waxaana dhaqay malaa'ig oo waxaa loo
bixiyey Qasiilul-Malaa'ika
Ciidankii muslimiinta ee 50ka nin
ahaa, oo uu Rasuulku SCW u xilsaaray in ay dhabar jebinta ka ilaaliyaan waxaa saddex jeer weerar ku soo qaaday ciidankii fardooleyda
gaalada ee Khaalid madaxda u ahaa, uuna la socdo Abii Caamir Al-faasiq, hase yeeshee saddexdii jeerba si xun ayaa loo waabiyey.
Sidoo kale ciidan weynihi gaalada oo gaarayey Saddex kun dabada ayuu jeediyey, calankooodiina sidii loo diley 10kii nin ee
reer banii Cabdidaar iyo addoonkoodii Sawaab, dhulka ayuu yaallaa, qof dambe oo kor u qaada ama u dhowaadana waa la w aayey,
goobtiina waxa qabsaday ciidankii yaraa ee 700 ahaa ee mulimiinta. Waxaana yimid Ilaahay nasrigiisii iyo gargaarkiisii uu
u yaboohay ciddii diintiisa u gargaarta. Ciidankii gaaladuna baqo iyo carar ayuu dhabarka jeediyey, haweenkii la socdeyna
cararkii ay cararayeen maryihii ayey xayteen ilaa ay dhudhummadoodii ka muuqdeen, oo raggii asxaabta ahaa ay la yaabeen. Halkaas
waxaad ka garanaysaa sida ay haweenkii waqtigaa joogey, gaalaba ha ahaadeene, u xishoon jireen laakiin maanta iska daa kuwa
aan diinta lahayn ee xayawaanka ka hoos maraye, in badan oo islaamnimo sheeganaysa ayaa xishoodkii geed ku soo wartay iyaga
oo arrintaas mooday ilbaxnimo una haysta in gabadhii xishoota oo dhawrsata aysan ilbaxad ahayn.
Xaaladdu markii ay halkaas marayso
oo ciidankii muslimiintu uu goobtii la wareegay, qaniimadii iyo xoolihii gaaladana ay ururinayaan, ayaa 50kii nin oo gumaadda
ahaa, oo Rasuulku SCW sidii la ogaa ula dardaarmay, kuna adkeeyey in aysan meeshooda ka soo dhaqaaqin haddii ay muslimiinta
guul helaan iyo haddii kaleba, ayaa markii ay arkeen in ciidankii muslimiintu guuleystey oo qaniimadii gaalada ururinayo waxaa
qaarkood ka xoog badiyey adduunyo jaceyl, markaas ayey ku dheheen qaarkii kale "war qaniimada, qaniimada, raggeennii baa guuleystey
ee maxaad sugeysaan?". Waxaa markaa la hadlay ninkii 50ka nin madaxda u ahaa Cabdullaahi binu Jubeyr, oo xusuusiyey dardaarankii
Rasuulka SCW, kuna yiri "war ma hilmaanteen wuxuu Rasuulku SCW idin yiri?". Hase ahaatee, laab meeli u caddahay meeli ka madow'e,
arrinkaaas waxba dheg uma aysan jalaq siin, waxaana yaacay 40 nin, goobtiina waxaa ku haray 10 nin oo uu ku jiro Cabdullaahi
binu Jubeyr, oo iyagu amarkii Rasuulka SCW sidii uu ahaa u fuliyey. Waxaa markaa weerar ku soo qaaday Khaalid binu Waliid
oo watey ciidankii fardooleyda gaalada, markaa ka horna ay saddex jeer oo hore waabiyeen. Wuxuu Khaalid laayay 10kii nin,
markaas ayaa ciidankii gaalada oo awal jabay wuxuu ogaaday in xaaladdii is beddeshay, dib buuna u soo laabtay, calankoodii
oo muddaba ciidda iska yaallayna waxaa qaadday haween la oran jirey Camra bintu Calqama, oo ka mid ahayd 15kii haween ee la
socday ciidanka gaalada. Ciidankoodii oo dhan wuxuu ku soo ururay meeshii calankoodu ka muuqday, muslimiintiina hore iyo gadaal
ayey ka hareereeyeen.
Ciidankii muslimiintu markii ay arrintaasi
ku dhacday ayey wareereen oo meel looga yimid garan waayeen. Waxayna u qaybsameen wax buurtii fuula, wax carara oo magaaladii
afka saara iyo wax ciidankii gaalada dhex gala oo kala garan waayey gaaladii iyo muslimiintii ilaa ay iyaga laftoodii is laayeen.
Ninkii la oran jirey Xudeyfa binu Yamaam, ayaa arkay aabbihiis Yamaam oo muslimiinta ka mid ahaa oo muslimiin kale dileyso,
markaasuu qayliyey oo yiri "addoomadii Ilaahayow waa aabbahay, aabbahay", hase yeeshee cidi ma aysan maqal, wayna ku sii wadeen
ilaa ay ka dileen, markaas ayuu Xudeyfa yiri "Allaah ha idiin danbi dhaafo".
Waxay muslimiintii jahwareerkaas
ku jiraanba, waxay arrintii sii kharaaratey markii ay maqleen qaylo oranaysa "Maxammed waa la diley", markaas ayaa niyad jab
ku dhacay ilaa ay raggii qaarkood dagaalkii joojiyeen, ragna dhabarka sii duween. Allaahna isagoo ka hadlaya ragaas cararay
ee dhabarka jeediyey waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA IDINKA MID AH EE JEESTAY MAALINKII
LABADA CIIDAN KULMEEN, WAXAA SIMBIRIXIYEY SHAYDAAN WAXAY KASBADEEN QAARKIISA SABABTEED, ALLESE WAA UU ISKA CAFIYEY, WUXUUNA
AHADAY ALLE MID DHAAFA OO DULBADAN)), (Suuratu Aali-Cimraa 155).
Laakiin dad isku mid ma ahane, rag
baa wacdaro muujiyey sida Anas binu Nadar oo soo maray rag meel iska jooga, markaas ayuu ku yiri "maxaad sugeysaan?", waxay
dheheen "Rasuulkii SCW waa la diley", wuxuu yiri "maxaad nolol ku falaysaan gadaashiis? war soo baxa oo ku dhinta wuxuu Rasuulku
SCW ku dhintay", wuuna sii dhaafay isagoo leh "Allahayow waxaan kaaga cudurdaaranayaa waxa ay sameeyeen kuwaan (muslimiinta),
waxa aana kaaga beri noqonayaa waxa ay sameeyeen kuwaas (gaalada)". Wuxuu la kulmay Sacad binu Mucaad, markaas ayaa Sacad
yiri "xaggee u socotaa?", wuxuu Anas yiri "jannada carafteedii ayaan Uxud sokedeeda ka helayaa", wuxuu Anas ciidankii gaalada
ayuu ku dhex dhacay, aad ayuuna u dagaallamay ilaa uu aakhirkii ka shahiidey. Markii uu dagaalku dhammaadayna cid garata ayaa
la waayey ilaa ay markii dambe walaashiis ku aqoonsatay farihiisii, waxaana jirkiisa ku yaalley dhowr iyo siddeetan nabar
oo isugu jira waran, seef iyo fallaar. Waxaana sida la wariyo sababtiisa ku soo degtay aayadan:
((MU'MINIINTA WAXAA KA MID AH RAG
KU RUN SHEEGAY WAXAY ALLE KULA BALLAMEEN, WAXAA KA MID AH MID GUTAY BALLANTII (SIDA ANAS), WAXAA KA MID AH MID SUGAYA MANA
AYSAN BADALIN (GO'AANKODII)), (Suuratul-Axsaab 23).
Sidoo kale Thaabit binu Daxdaax wuxuu
u dhawaaqay ansaar oo ku yiri "Ansaareey haddii Maxammed SCW la diley Allaah ayaa nool oo aan dhiman ee u dagaallama diintiinna
Allena waa idiin gargaarayaaye". Koox Ansaar ah ayaa markaa isagii raacday oo la dagaal gashay ilaa isagii iyo iyagiiba la
laayey. Sidoo kale nin Muhaajiriinta ka mid ahaa ayaa soo maray nin Ansaar ah oo dhiiggiisa ku dhexgalgalanaya oo naf yari
ku jirto, markaas ayaa kii muhaajirka ahaa ku yiri "hebelow Maxammed SCW la diley waa gaarsiiyey (xaqii) ee u dagaallama diintiinna".
Allena SW isagoo tilmaamaya dhaawaca muslimiinta soo gaaray iyo in uusan kaligood gaar ku ahayn, uuna doonayo rag shuhado
ah oo jidkiisa ku dhinta, waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((HA DACIIFININA HANA MURUGOONINA
IDINKAA SAREEYA HADAAD MU'MINIIN TIHIIN, HADDII DHAAWAC IDIN TAABTAY NIMANKABA (GAALADA QUREYSH) WAXAA TAABTAY DHAAWAC LA
MID AH, WAANA SAAS MAALMUHU OO WAXAAN KU WAREEJINNAA DADKA DHEXDIISA, WAXAANA (AALLE SIDAA U YEELAY IN) UU OGAADO (MUUJIYO)
KUWA MU'MINIINTA AH, IDINKANA YEESHO (QAARKIIN) SHUHADO, ALLENA MA JECLA DAALIMIINTA, IYO IN UU ALLE IMTIXAAMO KUWA MU'MINIINTA
AH GAALADANA TIRTIRO)), (Suuratu Aali-Cimraan 139-141).
Sidoo kale Alle SW isagoo xusuusinaya
mu'miniinta in Nabi Maxammed SCW yahay Rasuul ka mid ah Rusushii uuna dhimanayo sidii Rusushii ka horayseyba ay u dhinteen
haddii uu dhintana aan loo baahnayn in la gaaloobo waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
( (NABI) MAXAMMED SCW MA AHAN WAXAAN
RASUUL AHAY, WAXA TEGAY (DHINTAY) HORTIINA RASUULO, (HADDABA) HADDII UU DHINTO AMA LA DILO MA WAXAAD U GADOOMAYSAAN CIRIBTIINII
(GAALNIMO), QOFKII U GODOOMA CIRIBTIISA (GAALOOBA) WAXBA KA DHIBI MAHAYO ALLE, WUUNA ABAAL MARINAYAA KUWA KU SHUKRIYA)), (Suuratu
Aali-Cimraa 144).
Dhinicii Rasuulka SCW waxaa ku haray
9 nin (7 Ansaar ah iyo 2 Muhaajiriin ah), waxaana isku hareereeyey fardooleydii ciidankii gaalada. Rasuulku SCW dagaalyahannimadiisii
iyo geesinnimadiisii ayuu muujiyey, wuxuuna sameeyey, isagoo sidaa loo hareereeyey oo cadowgii gaaladu ku soo ururay, ayuu
u dhawaaqay muslimiintii, isaga oo og in gaaladu hadalkiisa maqlayso inta aysan muslimiintu maqlin, wuxuuna yiri "addoomadii
Allow kaalaya Rasuulkii Alle ayaan ahaye". Allena isagoo arintaa tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((MARKAAD KORAYSEEN (CARAREYSEEN)
OO AYDAAN MILICSANAYN QOFNA, RASUULKUNA SCW IDINKAGA YEERAYEY GADAASHIINA WAXAA IDINKU DHACAY MURUG AY LA JIRTO MURUG SI AYDAAN
UGA TIIRAAN YOON WIXII ADINKA TEGAY IYO WIXII IDIN ASIIBAY, ALLENA WAA GUN OGYAHAY WAXAAD CAMAL SAMAYNAYSAAN)), (Suuratu Aali-Cimaraa).
Gaaladii ayaa markaa maqashay oo
si fiican ugu soo ururtay. Rasuulka SCW waxaa aad u difaacay 9kii nin, waxayna Rasuulka SCW u noqdeen gaashaan, oo leeb iyo
waran kasta oo lagu soo tuuro iyaga ayaa isu dhigayey, kii gacan ula yimaada Rasuulkana SCW wey ka difaacayeen. Ciidankii
gaaladu si kasta inta ay yeeleen ayey u tegi kari waayeen Rasuulka SCW. Sagaalkii nin sidi ninba mar u shahiidayey waxaa ugu
dambayntii ku soo haray labadii nin oo Muhaajiriinta ahaa, Dalxa binu Cubeydillaah iyo Sacad binu abii Waqaas. Waqtigaasna
wuxuu ka mid ahaa waqtiyadii ugu dhibka badnaa noloshii Rasuulka SCW, waxayna ahayd fursaddii ugu dhoweyd gaalada in ay Rasuulka
SCW dilaan, waxayna u geysteen dhaawacyo dardaran. Waxaa Rasuulka SCW dhagxaan ku soo tuuray nin ciidankii gaalada ka mid
ahaa oo la oran jirey Cutba binu abii Waqaas, oo la dhashay Sacad binu abii Waqaaska Rasuulka SCW difaacayey. Dhagaxaantii qar ka
mid ah ayaa ku dhacay Rasuulka SCW oo ka jebiyey foolka hoose ee midig bishinta hoosena ka jeexay.
Sidoo kale nin kale oo gaalada ka
mid ahaa, lana oran jirey Cabdullaahi binu Shihaab Suhri, wuxuu isna Rasuulka SCW ka dhaawacay wejiga. Wiil reer Faaris ahaa oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu Qum'a ayaa
isna sidoo kale Rasuulka SCW seef daran qoorta uga dhuftay hase yeeshee Ilaahay oo ka badbaadiyey iyo Rasuulka SCW oo labo
canbuur bireed iyo koofi bir ah qabay seeftaasi gudaha uma gudbin inkastoo Rasuulku SCW muddo bil ka badan uu ka sheegan jirey
dhaawacaas. Sidoo kale ninkaasi wuxuu Rasuulka SCW ku dhuftay seef tii hore mid ka daran oo koofiyad bireeddii dhaaftay ilaa
ay birihii Rasuulka SCW ka galeen madaxa, wuxuuna yiri markuu seeftaa Rasuulka SCW ku dhuftay "qaado in Qum'a ayaa ahe". Rasuulku
SCW wuxuu ku yiri isago dhiigga sika tiray a "Alla ku hooji", dabadeedna waxaa ninkaas ku dhacay habaarkii Nabiga SCW oo si
xun ayuu u dhintay. Rasuulku SCW sidoo kale wuxuu yiri "sidee u liibaanayaan dad dilaacshay wejigii nabigooda oo jebiyey foolashiisii
isagoo xaga Alle ugu yeeraya?". Alle aya markaa aayadan soo dajiyey.
((WAXBA AMARKA KUMA LIHID (NABIYOW
SCW, ALLENA) AMA WAA KA TAWBAD AQBALIN AMA WUU CADAABIN IYAGA (GAALADA) MAXAA YEELAY IYAGU WAA DAALIMIIN)), (Suuratu Aali-Cimraan
128).
Muddo ka dibna wuxuu Rasuulku SCW
yiri "Rabbiyow qowmkayga u dhaaf waxba ma ogee".
Gaaladii qureysheed waxay aad ugu
dadaaleen maalinkaas in ay Rasuulka SCW dilaan, wax ay la hareen oo dagaal ahana ma jirin, si kastana way u dagaallameen,
hub kasta oo ay heli kareenna way ku tuureen Rasuulka SCW sida seef, waran, fallaar, dhagax, iwm, laakiin Alle dile ayaa dhinta,
waxaa Alle Rasuulkiisa SCW ku ilaaliyey 9kii nin oo toddobo ku shaahiiddey. Labadii nin ee soo hartay, Daxa iyo Sacad, oo
ahaa niman aad dagaalka iyo shiishkaba ugu dheereeya waxa ay u beerdhigeen ciidan tiro badan oo doonayey in ay Nabiga SCW
dilaan. Waxay labadaa nin isu dhegayeen ama ka celinayeen nabar kasta oo Rasuulka SCW ku socda ilaa ay Dalxa gacantiisii ka
qallashay siduu nabar walba ugu dhigayey. Waxaa Dalxa ku dhacay dhowr iyo soddon nabar. Sidoo kale Tarmadi waxa uu wariyay
in Rasuulku SCW isagoo Dalxa ka warramaya uu yiri "qofkii eegaya shahiid dhulka korkiisa ku socda, ha eego Dalxa binu Cubeydillaah".
Abuubakarna markuu xusuusto maalinkaa Uxud wuxuu oran jirey "maalinkaas oo dhan waxaa iska lahaa Dalxa". Rasuulku SCW isagoo guubaabinaya
Sacad wuxuu yiri "Sacadow gan, aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee".
Allaah wuxuu soo dejiyey nasrigiisii,
waxayna Bukhaari iyo Muslim weriyeen in Sacad yiri "Waxa aan arkay maalinkii Uxud labo nin (malag) oo difaacaya Rasuulkii
Alle SCW, waxayna qabeen dhar cad cad, waxayna ahaayeen dagaalyahanno aanan hore iyo gadaal midna u arag". Riwaayad kale waxay
sheegtay in ay ahaayeen Jibriil iyo Makaa'iil. Waxaa sidoo kale nasrigii Allaah kamid ahaa in Alle uu ku dajiyay Rasuulka
iyo asxaabta daganaansho iyo xasilooni, kana saaray quluubtooda baqdintii ilaa ay mararka qaarkood ka lulmoonayeen, wuxuuna
Bukhaari ka wariyay abuu Dalxa Al-Ansaari in uu yiri "waxaan kamid ahaa kuwii ay lulmadu qabatay maalinkii Uxud ilaa ay marar
seeftaydii gacantayda ka dhacday". Allena isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((WUXUU MARKAA IDINKU SOO DAJIYEY
MURUGTIINII KA DIB AAMIN AHAANSHO LULMO DABOOSHAY KOOX IDINKA MID AH, KOOXNA WAXAA WALAACISAY NAFTOODA, WAXAYNA ALLE U MALEEYEEN
WAX AAN XAQ AHAYN OO AH MALE JAAHILIYADEED, WAXAYNA LEEYIHIIN AMARKA MIYAAN WAX KU LEENAHAY? WAXAAD DHAHDAA AMARKA DHAMMAANTIIS
ALLAA ISKA LEH, WAXAYNA NAFTOODA KU QARINAYAAN WAXAYNA KUU MUUJINAYN, WAXAY LEEYIHIIN HADDAAN AMARKA WAX KU LAHAAN LAHAYN
NALA KUMA DILEEN HALKAN, WAXAAD TIRAAHDAA HADDAAD TIHIIN GURYIHIINA DHEXDOODA WAY U SOO BIXI LAHAAYEEN KUWII LOO QORAY DILKA
MEESHII LAGU DILI LAHAA, (WUXUUNA ALLE SIDAAS U SAMEEYEY) SI UU U IMTIXAAMO WAXA LAABTIINA DHEXDOODA KU JIRA IYO IN UU KALA
SHAANDHEEYO WAXA QULUUBTIINA KU JIRA, ALLENA WAA OG YAHAY WAXA LAABTIINA KU SUGAN)), (Suuratu Aali-Cimraan 154).
Muddo yar ka dib asxaabtii qaar ka
mid ah waxay arkeen Rasuulka SCW, markaas ayay hal mar ku soo firxadeen. Qofkii u horreeyey oo u yimaada wuxuu ahaa Abuubakar
sidiiq. Ibnu Xibbaan wuxuu saxiixiisa ku weriyey in Caa'isha tiri "Abuubakar wuxuu yiri "maalinkii Uxud markii ay dadkii (muslimiintii)
oo dhan yaaceen, qofkii ugu horreeyey oo Nabiga SCW u soo laabtay ayaan ahaa, markaas ayaan arkay nin hortiisa ka dagaallamaya
oo difaacaya, markaas ayaa iri "aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee noqo (ahow) Dalxa", waxaa markaa iga daba yimid Abuu
Cubeyda Ibnu-Jarraax, markii aan Nabiga SCW u tagnayna waaba Dalxa oo Nabiga SCW hortiisa ku dhacay, markaas ayaa Nabiga SCW
yiri "qaada walaalkiin way u waajibtaye (janno)". Waxaa damcay in aan Nabiga SCW ka siibo birihii madaxa ka galay, Abuu Cubeyda
ayaa markaa yiri "Ilaah baan kugu dhaarshaye maad ii deysid Abuubakar", markaas ayaan u daayey. Ilkihiisii ayuuu intuu ku
qabtay soo dhiraandhiriryey si aysan Nabiga SCW u xanuujin. Markuu banaanka birihii u soo bixiyeyna foolkiisii ayaa soo raacay.
Waxaan damcay markaa in aan tii (birtii) kale ka soo bixiyo Nabiga SCW, markaas ayuu yiri "Ilaah baan kugu dhaarshaye Abuubakar
maad ii deysid". Ka dib sidii oo kale ayuu u dhiraandhiriyey, markuu soo saarayna foolkiisii kale ayaa soo raacay. Dabadeed
waxaan u tagnay Dalxa si aan u daweyno isagoo ay ku taallo dhowr iyo toban seefood".
Intaa ka dib asxaabtii ayaa meeshii
ku soo ururtay, gaaladiina waa ka soo ururtay, aad ayeyna msulimiintii ciriiri u geliyeen ilaa uu Rasuulku SCW ku dhacay bohol
uu Abuu Caamir Al-faasiq qoday, oo uu lowga ka murgacday, waana laga soo bixiyey Rasuulka SCW bohoshii. Sidoo kale Rasuulka
SCW fallaaruhu dhinac walba ayey uga imaanayeen, Allaahna dhinac ayuu ka marinayey, waana ka indho saabay in badan oo gaalada
ka mid ahayd sida Cabdullaahi ibnu Shibaab oo oranyey "i tusiya Maxammed SCW, badbaado uma sugnaane" isaga oo agtiisa maraya
oo hadba dhinac u dhaafaya. Ninka la yiraahdo Safwaan binu Umaya sidoo kale wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma aan arag
(Nabiga SCW), waxaanna ku dhaaranayaa in uu mamnuuc naga yahay, annaga oo afar nin ah ayaannu ku soo ballannay in aan dilno,
mana aannaan gaarin".
Dagaalkii mar labaad ayuu si daran
uga dhacay meeshii Rasuulku SCW joogey, gaaladana wuxuu hadafkoodu ahaa in ay dilaan Rasuulka SCW, iyagoo dadaal dheeraad
ah ku bixinaya dilitaankiisa. Hase ahaatee asxaabtii Rasuulka SCW agtiisa ku soo ururtay oo ahaa askar Ilaahay, oo ninkiiba
koox u dhigmo, ayaa faro kulul tusay gaaladii, Rasuulkana SCW aad u difaacay, dadaal iyo ragannimana muujiyey.
Ninka la yiraahdo Abuu Dalxa Al-Ansaari
wuxuu taagnaa Rasuulka SCW hortiisa, wuxuuna ka ilaalinayey Rasuulka SCW oo uu isu dhigayey fallaaraha gaalada, wuxuuna ahaa
nin ganaa ah, maalinkaasna waxaa ka jabay labo qaanso. Sidoo kale Abuu Dujaana wuxuu isna taagnaa Rasuulka SCW hortiisa, dhabarkuuna
u dhigayey fallaaraha gaalada, waxaana la yiri leebabka oo dhabarkiisa ku dhacaya ayuusan is dhaqaajineynin. Sacad binu Abii
Waqaas sidoo kale wuxuu ku dadaalayey in uu dilo walaalkiis Cutba binu Abii Waqaas, oo ahaa ninkii Rasuulka SCW ka jebiyey
foolka. Waxaa hase yeeshee Cutba ceyrsaday oo diley Xaadhib ibnu abii Baltaca, oo ka furtay faraskii iyo seeftiiba. Sahal
binu Xunef wuxuu isaguna sidoo kale Rasuulka SCW la galay Beycatul-Mawt.
Sidoo kale Cabdirahmaan ibnu Cawf
waxaa ku dhacay maalinkaas labaatan nabar ama in ka badan. Maalik binu Sinaan, oo ahaa Abii Saciidul-khudri aabbihiis, ayaa
isna maaalinkaa wacdaro muujiyey. Wuxuu soo nuugay dhiiggii fariistay wejigii Rasuulka SCW ee nabarku ku dhacay, Rasuulkuna
SCW wuxuu yiri "iska tuf" hase yeeshee wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye weligey tufi maayo". Ka dib dagaalkii buu hore
u sii galay, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "qofkii doonaya in uu fiirsho nin ehlu-Janna ah ha fiirsho ninkaas". Dabadeed Maalik
goobtii ayuu ku shahiiday. Sidoo kale Qataada ibnu Mucmaan isha ayaa nabar uga dhacay markaasuu Rasuulka SCW u yimid Rasuulkuna
gacanta ayuu ka mariyay, wayna u raysatay.
Waxaa iyaguna dagaalka qayb wayn
ka qaatay qaar ka mid ahaa gabdhihii muslimaatka oo gadaal ka yimid, sida gabadhii la oran jirey Ummu Cammaara (Nusayba bintu
Kacab) oo u banbaxday ninkii Rasuulka SCW seefaha ku dhuftay, Ibnu Qum'a, waxayna ku garaacday dhowr seefood laakiin dhaawac
weyn ma gaarin maxaa yeelay labo canbuur bireed ayuu iska dul qabay, isaguna hal seef ayuu qoorta uga dhuftay, ka dibna Ummu
Cammaara way si dagaallantay waxaana korkeeda ku dhacay labo iyo toban nabar.
Ninkii ahaa Muscab ibnu Cumeyr wuxuu
waday calankii muslimiinta, wuxuuna maalinkaas dagaallamay dagaal aad u xeel dheer, ilaa bilowgii dagaalkana calanka muslimiintu
gacata ayuu ugu jirey, wuxuuna ka mid ahaa raggii ugu horreeyey ee Rasuulka SCW ku soo laabtay, ka dibna qayb weyn ka qaatay
difaaciddii Rasuulka SCW. Ugu dambeyntii waxaa Muscab laga gooyey gacantii midig ee uu calanka ku waday, markaas ayuu gacantii
bidix ku qabsaday oo sii dagaallamay ilaa gacantii bidixna laga gooyey. Ka dib wuxuu calankii ku qabsaday xabadka iyo qoorta
ilaa uu aakhirkii halkaas ku shahiiday oo waxaa dilay Ibnu Qam'a. Markii uu diley ayuu wuxuu u maleeyey Rasuulkii SCW, markaas
ayuu gaaladii ku dhex dhacay oo qeyliyey yirina "Maxammed waan diley", warkaa beenta ah ayaa ku dhex faafay gaaladii iyo muslimiintii
kale ee aan Rasuulka SCW la joogin. Gaaladii markii ay hadalkaas maqleen way farxeen iyaga oo u malaynaya in ay Nabigii SCW
dileen oo ay u jeeddadoodii gaareen. Markii Muscab la diley wuxuu Rasuulku SCW calankii muslimiinta u dhiibey Cali binu Abii-dhaalib. Cali aad ayuu u dagaallamay isaga iyo
asxaabtii kale ee Rasuulka SCW agtiisa joogtey ilaa ay markii dambe Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii jid banneysteen.
Kacab binu Maalik oo asxaabta ka
mid ahaa, uuna gaaray warkii beenta ahaa, ayaa Rasuulkii SCW arkay, markaas ayuu aad u dhawaaqay oo yiri "muslimiineey bishaareysta,
waa kan Rasuulkii Allee SCW". Rasuulka SCW
ayaa markaa u tilmaamay in uu aamuso si aan gaaladu u ogaan meesha uu Rasuulku SCW joogo, hase yeeshee qayladii waxay gaartay
gaaladii iyo muslimiintiiba, markaas ayaa in badan oo muslimiin ahi ku soo ururtay meeshii, gaaladiina waxa ay kordhiyeen
weerarkoodii. Ninka la yiraahdo Cusmaan binu Cabdullaahi, oo ka mid ahaa fardooleyda gaalada, ayaa Rasuulka SCW ku soo baxay
isaga oo leh "badbaado kuuma sugnaan", Rasuulkuna SCW waa la dagaallamay laakiin waxaa kaga hormaray oo ninkaa diley Xaarith
binu Sumah. Waxaa isna soo orday ninka la yiraahdo Cabdullaahi binu Jaabir, oo isna fardooleydii gaalada ka mid ahaa, wuxuuna
seef qoorta uga dhaawacay Xaarith. Muslimiintii ayaa markaa qaaday Xaarith oo dhaawac ah, ka dibna Abuu Dujaana ayaa si degdeg
ah seef qoorta ugaga gooyey Cabdullaahi binu Jaabir.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisi waxay
xoog ku jireen gaaladii waxayna fuuleen buurtii, waxaa markaa ka daba tegey Rasuulka SCW nin ciidanki gaalada ka mid ahaa
oo la oran jirey Ubay ibnu khalaf, oo ka mid ahaa dadkii Rasuulka SCD ku dhibi jirey Makka, kuna yiri maalin "Maxammed SCW
faras baan u naaxiyaa in aan kugu dilo", Rasuulkuna SCW wuxuu ugu jawaabay" anigaa ku dili doona haddii Alle idmo". Markuu
Rasuulka SCW ka daba tegey ayuu yiri "meeyey Maxammed SCW magangal kuuma sugnaan". Rag asxaabta ka mid ah ayaa markaas yiri
"Rasuulkii Allow nin aan u saarno", hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "iska dhaafa", isagaana leeb ku dhuftay. Ka dib Ubay
ciidankii gaalada ayuuu ku laabtay isagoo dhaawac ah, markaas ayuu qureysh ku yiri "Maxammed baa i diley", waxay ku dheheen
"waad fuleyowday", maxaa yeelay nabar weyni kuma oollin. Markaas ayuu yiri "markaan Makka joogney ayuu Maxammed i yiri "anigaa
ayaa ku dili doona" wuuna i diley". Dabadeedna Ubay wuxuu dhintay markii uu laabtay ciidankii gaaladu isagoo aan Makka gaarin,
waana ninkii keli ahaa ee Rasuulku SCW gacatiisa ku diley.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markii
ay buurtii fuuleen, waxaa iyaguna buurtii dhinac ka soo fuulay ciidan qureysheed oo ay hoggaaminayaan Abuu Sufwaan iyo Khaalid,
markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "Allahayow kuwaas awlo uma ahaanin in ay naga kor maraan". Waxaa markaa la dagaallamay nimankaas
Cumar binu Khadhaab iyo koox la jirta ilaa ay buurtii ka dejiyeen. Kaas ayuuna ahaa dagalkii u dambeeyey ee goobtii Uxud ka
dhacay.
Ciidankii gaaladu waxa uu intaa ka
dib bilaabay in uu isku urursanayo meeshiii uu degganaa dagaalka ka hor, dumarkii la socday iyo raggii qaar ka mid ahaana
waxay ku mashquuleen in ay dhalan rog ku sameeyaan oo ay dooriyaan raggii shuhadada ahaa ee lagu laayey goobta. Waxayna jarayeen
sanka, dhegaha iyo xubno kaleba. Qaar shuhadadii ka mid ahna waxa ay kala baxeen beerka. Hindu binu Cutba waxay beerka kala
baxday Xamsa, markaas qoorxir uga dhigatay ghego iyo sanan ay ka soo jaratay qaar ka mid ah raggii shuhadada ahaa.
Dhinicii gabdhihii muslimaatka ahaa
sidii aan soo sheegnayba qaar ka mid ahaa ayaa qayb libaax ka qaatay dagaalka waxayna badankoodii yimaaddeen markuu dagaalku
dhammaaday. Qaarkood waxay biyaha soo waraabinayeen ayna daweynayeen dadkii dhawaca ahaa, sida Caa'isha, Umu Sulaym iyo Umu
Sulaydh, qaarkoodna way dagaallamayeen sida gabadhii la oran jirey Ummu Ayman oo iyadoo Madiina joogta aragtay rag asxaabtii
ka mid ah oo magaalada baqo ku soo galay, markaas ayey mid ka mid ah ku tiri "waad soo baqday, war i sii seeftaada", ka dibna
waxay timid goobtii dagaalka, waxayna wax ka waraabinaysay dadkii dhaawaca ahaa. Dhammaadkii dagaalka waxaa Ummu Ayman leeb
ku soo tuuray nin la oran jirey Xibbaan binu Curqa, markaas ayey dhacday (iyada oo dhaawaca ah), maradiina ka feydantay. Qosol ayuu markaas
cadowgaas Alle la dhacay, Rasuulka SCW ayaa markaa Sacad binu Abii Waqaas leeb u dhiibay oo ku yiri "ku gan". Sacad ayaa leebki
ku ganay oo dhuunta bartankeeda kala helay, markaas ayuu xabdka u dhacay cawradiina ka feydantay. Markaas ayaa Rasuulku SCW
ku qoslay ilaa ay miciyihiisii ka muuqdeen, wuxuuna yiri "Sacad ayaa u gargaaray, Allaahna wuu aqbalay ducadiisii". Waxaa
halkaan iyo meelo kaleba laga qaatay in gabdhaha muslimaatka ahi ka qayb qaadan karaan jihaadka haddii balad islaam lagu soo
duulo oo xaaladu ay khatar gaadho, wuxuuna jihaadku ku noqonayaa waajib sida raga, sidoo kale gabadha muslimada ahi way is
difaacaysaa haddii nafteeda loogu yimaado.
Ka dib waxaa Rasuulka SCW dhiiggii
ka dhaqay gabadhiisii Faadumo, waxaana biyaha ugu shushubayey Cali, Faadumo markii ay aragtay in biyuhu aysan dhiigga joojineyn
ayey soo qaadatay caw yar, oo inta ay gubtay meeshii saartay ilaa uu dhiiggii joogsaday. Maxammed binu Maslamana wuxuu Rasuulka
SCW u keenay biyo macaan si uu u cabbo. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey salaaddii duhur isaga oo fadhiya.
Markii ay ciidanka gaaladu is urursadeen oo ay noqonayeen ayaa
hoggaamiyahoodi Abuu Sufyaan fuulay buur oo dhawaaqay isaga oo leh "Maaxammed ma idinku jiraa", looma jawaabin, markaas ayuu
yiri "ina abii Quxaafa (Abuubakar) ma idinku jiraa?" looma jawaabin, markaas ayuu yiri "Cumar binu Khadhaab ma idinku jiraa?",
looma jawaabin. Qof kale ma uusan magacaabin maxaa yeelay wuxuu ogaa booska ay saddexdaasi ka joogeen islaamka iyo haddii
ay dhintaan in islaamku halis ku jiro, wuxuu intaas ka dib yiri "kuwaas waa la idinka kaafiyey". Waxaa markaas is hayn waayey
Cumar binu Khadhaab oo yiri "cadowgii Allow kuwaas aad soo sheegtay way nool yihiin, Allena wuxuu u dib dhigay wax ku caro
geliya", markaas ayuu yiri "dadkiinnii la dhalan rogey ma aanan amrin, kamase xumaan". Ka dib wuxu yiri "hubulow kor noqo",
Rasuulka SCW ayaa asxaabtii ku yiri "miyeydaan u jawaabeyn?", markaas ayey dheheen "maxaa dhahnaa?" wuxuu yiri dhaha "Allaah
baa sarreeya oo weyn", markaas ayuu Abuu sufyaan yiri "Cusaan leenahay idinkuse Cuse ma lihidin". Rasuulka SCW ayaa asxaabtii
la hadlay oo ku yiri "miyeydaan u jawaabeyn?" waxay dheheen "maxaan dhahnaa?", wuxuu yiri dhaha "Gargaare ayaanu leennahay
idinkuse gargaare ma lihidin". Wuxuu markaas Abuu Sufyaan yiri "maanta maalintii Badar ayey u dhigantaa, dagaalkuna waa wadaameysi",
Cumar ayaa u jawaabay oo yiri "ma sinnin, dadkayagii la diley jannada ayey ku jiraan, dadkiinniina naar". Wuxuu markaa Abuu
Sufyaan yiri "Kaalay Cumarow". Rasuulka ayaa Cumar ku yiri "u tag oo fiiri xaalkisa", Cumar ayaa u tegey Abuu Sufyaan, markaas
ayuu Cumar ku yiri "Ilaah baan kugu dhaarshaye Cumarow ma dilnay Maxammed?", Cumar wuxuu yiri "maya, haddana wuu ku maqlayaa",
wuxuu yiri Abuu Sufyaan "adiga ayaan kaaga rumeyn badnahay ibnu Qum'a". Abuu Sufyaan iyo ciidankiiisii way baxeen iyagoo oranaya
"ballanteennu waa Badar sannadka soo socda", markaas ayuu Rasuulku SCW nin asxaabtiisa ka mid ah ku yiri "ku dhe waa yehay
waa inoo balllan".
Rasuulku SCW wuxuu markaa ciidankii gaalada ka daba direy Cali
binu Abii-dhalib oo ku yiri "daba kac oo fiiri waxa ay samaynayaan iyo waxa ay doonayaan, haddii ay fardaha hogaamiyaan, geelana
fuulaan Makka ayey u socdaan, haddii ayse fardaha fuulaan, geelana kexeeyaan Madiina ayey u socdaan, Ilaaha ay naftaydu gacantiisa
ku jirtaan ku dhaartaye, haddii ay aadaan Madiina waar raacaynaa oo la dagaallamaynaa". Cali wuu baxay oo daba kacay, wuxuuna arkay fardihiii oo ay hoggaamiyeen iyo geelii oo ay
fuuleen, dhinicii Makkana ay aadeen.
Dadkii muslimiinta ahaa waxa ay intaa ka dib fiirfiirin u galeen
shuhadadii goobta lagu laayey iyo kuwii dhaawaca ahaa. Seyd binu Thaabit wuxuu yiri "Rasuulka SCW ayaa ii direy maalinkii
Uxud in aan raadiyo Sacad binu Rabbiic, wuxuuna igu yiri "haddii aad aragto igu salaan, waxaadna ku tiraahdaa Rasuulkii Alle
wuxuu ku leeyahay sidee tahay". Markaas ayaan dhex qaaday dadkii la laayey, ka dibna waxaan u tegey isagii oo naftii ugu dambeysey
ku jirto, ayna ku yaallaan 70 nabar oo isugu jira waran, seef iyo gammuun, markaas ayaan ku iri "Rasuulkii Alle wuu ku salaamayaa
wuxuuna ku leeyahay iiga soo warran sida aad tahay". Sacad wuxuu yiri "ma Rasuulkii Alle ayaa i salaamaya, ku dheh Rasuulkii
Allow waxaan helayaa jannada carafteedii, qowmkeygii Ansaarna ku dheh cudurdaar kuma lihidin Ilaahay agtiisa haddii Rasuulka
Alle wax la gaarsiiyo idinka oo il qoyani idinku jirto", ka dibna naftii ayaa deysey Sacad.
Raggii asxaabta ahaa oo ku dhex wareegayey meydkii iyo dhaawicii
meesha yaalley, waxa ay arkeen nin la oran jirey Camar
binu Thaabit oo loo yaqaanay Usayram oo naf yar ku jirto, markaa ka horna ay islamka u bandhigi jireen oo diidey. Markaas
ayey isku dheheen "Useyramkan maxaa keenay, maxaa yeelay waxa aannu ka soo tagnay isaga oo xumaan u arka arrinkan (islaamka)?".
Ka dib way u tageen oo weydiiyeen, waxayna dheheen "maxaa ku keenay, ma ficiliaa mise waa jacayl islaam", wuxuu yiri "jacayl
islaam ayaa i keenay, Alle iyo Rasuulkiisa ayaan rumeeyey, ka dibna Rasuulka SCW la jirkiisa ayaan dagaallamay ilaa waxa aad
aragtaan igu dheceen", wax yar ka dibna waa dhintay. Rasuulka SCW markii loo sheegay wuxuu yiri "waa Ehlu-Janno". Abuu Hureyra
isaga oo ninkaa arrinkiisa ka hadlaya wuxuu yiri "hal salaad Alle uma tukan".
Qofku markuu islaamo isaga oo aan shey cibaado ah samayn haddii
uu jihaad galo oo ku dhinto waa Ehlu-Janno, laakiin haddii uu islaam iska sheegto oo uusan tukan jihaadba ha ku dhintee wax
ka soo qaad ma leh maxaa yeelay wuxuu jihaadkiisu ansaxayaa qofkii Ilaahay ku xiran oo muslim ah una dagaallama in ay kalimadda
Alle kor noqoto, haddiise ay niyadiisa wax kale ku jiraan sida xukun, ficilo, wadanimo, is tus tus, maal raadis iyo dan adduunyo,
waxba laga aqbali maayo. Mana ahan jihaadka kaliya ee waa acmaasha islaamka oo dhan.
Sidoo kale dadkii asxaabta ahaa oo ku dhex wareegayey meydkii
iyo dhaawacii meesha yaalley waxa ay soo mareen ninkii ahaa Qasmaan, oo aadka u dagaallamay, dileyna 7 ilaa 8 nin oo ciidankii
gaalada ahaa, oo meel yaalla oo dhaawac culus ah. Markaas ayey u bishaareeyeen waxayna u qaadeen magaaladii Madiina. Wuxuu
yiri Qasmaan "Ilaah baan ku dhaartaye wax kale uma dagaallamin ee sharafta reer tolkey ayaan u dirirayey, haddiise aanay arritaasu
jirin ma dagaallameen", ka dib markii uu xanuunkii ka batay wuu is diley. Rasuulka SCW markii loo sheegay arrinkaa wuxuu yiri
"Ehlu-Naarka ayuu ka mid yahay". Arrinkaas, oo ah abaalmarinta qof walba oo u dagaallama wax aan ahayn kalimadda Alle in ay
kor noqoto, haba ku jiro ciidankii muslimiinta oo u dagaallamayey kor ahaanshaha kalimadda Alle wuxuu u qaaday niyaddiisii
xumeyd oo ahayd u dagaallanka xamiyada (qabiilka), arrinkaas oo ah arrin ay dad badan oo muslimiin sheeganayaa ay ku jiraan,
ciribtiisu waa sidaas Allena wuxuu u ballan qaaday cid walba oo ku dhimata naar.
Sidoo kale waxaa jirey nin yahuudi ahaa oo ka mid ahaa dadkii
la laayey, waxana la yiri markii uu dagaalku dhacay ayuu yahuuddii uu ka dhashay ku yiri "yahuudey Ilaah baan ku dhaartaye
xaq bay dushiinna ku tahay in aad Maxammed u gargaartaan", markaas ayey dheheen "maanta waa Sabti", markaas ayuu ku yiri "Sabti
beela", wuxuuna qaatay seeftiisii oo is diyaariyey, wuxuuna iyagii ku yiri "haddii aan dhinto malkayga Maxammed ayaa iska
leh wuxuu doono ha ku sameeyo", horeyna dagaalkii ayuu u galay ilaa uu ka shahiidey. Ninkaas oo magaciisa la oran jirey Mukheyriiq waxaa Rasuulku SCW yiri isagoo ka hadlaya "Mukheyriqq waa yahuud kii
ugu kheyr roonaa".
Rasuulku SCW wuxuu eegay dadkii shuhadada ahaa markaas ayuu yiri
"kuwaan aniga ayaa markhaati ka ah, qof Ilaahay dartiis loo dhaawacayna ma jiro ilaa Ilaahay wuxuu qiyaamaha soo bixinayaa
nabarkii oo dhiigaya, oo midabkiisu yahay midab dhiig riixdiisuna tahay Miskiga". Ka dib Rasuulku SCW wuxuu maqlay qaar asxaabtii
ka mid ah oo Madiina u qaaday raggii shuhadada ahaa qaarkood, markaas ayuu Rasuulku SCW amray in la soo celiyo oo lagu duugo
meeshii ay ku dhinteen, isla markaana aan ladhiqin, laguna duugo dharkooda. Ka dib markii laga bixiyo wixii bir ama harag
ahaa ee ay xirnaayeen, waxana loo xabaalay labo labo iyo saddex saddex, maxaa yeelay ragga ayaa badnaa. Markii laba nin qabri
la wada gelinayana wuxuu lahaa "kee baa qur'aanka badiya", markii loo sheegana midka qur'aanka badiya ayuu ku hormarinayey
iilka. Wuxuuna isla xabaalay Cabdullaahi binu Camar binu Xaraam iyo Camar binu Jumuux oo ay ka dhexayn jirtey saasxiibtinnimo
iyo jaceyl. Sidoo kale waxaa la isla xabaalay Xamsa binu Cabdimudhalib iyo Cabdullaahi binu Jaxshi oo uu abti u ahaa.
Markii shuhadadii la xabaalayey waxaa la waayey meydii Xandhala,
markaas ayaa la raadiyey. Waxaa la soo helay isagii oo biyo ka da'ayaan. Rasuulka SCW markii arrintii loo sheegayna wuxuu
yiri "malaa'ig baa dhaqdaye bal xaaskiisa weydiiya". Markii xaaska arrinkiisa la weydiiyeyna waxa ay sheegtay in uu janaabo
qabay sidaa darteed waxaa xandhala lagu magacaabay kii ay malaa'igtu dhaqday. Xandhala waxaa dhalay ninkii uu Rasuulku SCW
u bixiyey Abuu Caamir Al-faasiq oo dhinaca gaalada ka soo jeeday.
Rasuulku SCW markuu arkay adeerkiis Xamsa iyo sida loo dhalan
rogay aad ayuu uga murugooday ugana xumaaday, ka dibna waxaa timid Rasuulka SCW eeddadiis Safiya oo dhashay Subeyr ibnu Cawaam,
markaas ayuu Rasuulku SCW amray wiilkeedii Subeyr in uu ka celiyaa oo aysan arag meydka Xamsa. Safiya ayaa tiri "sababtee
la iiga celinayaa, way i soo gaartay in walaalkay la dhalan rogaye, Ilaahay dartiis haddii aanan ku raalli noqonse maxaa kale
oo aan ku raali noqon, waan sabri oo ajar gurubsan haddii Alle idmo", ka dib inta ay u tagtay oo fiirisay ayey u duceysey,
dambi dhaafna Alle u weydiisey, waxayna tiri "INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN".
Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii goobta ku shahiiday Cabdullaahi
ibnu camar ibnu xaraam (jabar aabihii) , wuxuu yiri Cabdullaahi "dagaalka Uxud ka hor ayaan riyo ku arkay Mubshir binu Cabdi
Mundir oo i oranaya waad noo imaanaysaa markaasan ku iri oo xaggee joogtaa? wuxuu yiri "janada dhexdeeda ayaan saan doono
ugu soconaa", waxaan ku iri "oo sawtii maalinkii badar lagu dilay" wuxuu yiri "haa, ka dib ayaase la i nooleeyey". Arrinkaas
ayuu Cabdullaahi Rasuulka SCW u sheegay, Rasuulkuna SCW waxa uu ku yiri "taasi waa shahaado abaa jaabirow".
Waxaa isna kamid ahaa dadkii goobta ku shahiiday Khaythama (abuu
Sacad) oo wiilkiisii Sacad ku shahiiday dagaalkii badar, waxa uu yiri khaythama "waxaa igafay dagaalkii badar, Ilaah ayaanna
ku dhaartaye waan ku dadaalayey (inaan ka qayb galo dagaalkaas) laakiin waxaan qori tuuranay wiilkaygii markaasaa qorigiisii
soo baxay (oo isagii dagaalkii aaday) waxaana lagu irsaaqay shahaado, xalayto ayaan markaa riyo ku arkay isagoo suurad tan
ugu wanaagsan ah oo dhex jooga mirihii janada iyo wabiyadeedii, wuxuuna i yiri "nasoo haleel aan janada dhexdeeda ku rafiiqnee,
waxaan helay wixii Rabbigay ii yaboohay isagoo xaq ah", Haddaba Rasuulkii Allow SCW waxaan waabariistay anigoo doonaya rafiiqnimadiisa
janada dhexdeeda, da daydiina waa waynaatay, lafahaygiina waa gaboobeen, waxaana jeclahay Rabbigay la kulankiisa, ee Alle
ii bari Rasuulkii Allow SCW in uu shahaado igu irsaaqo Sacadna (wiilkiisii) aan janada kula rafiiqo. "Alle ayuu markaa Rasuulku
SCW u baryey, wuxuuna ku shahiiday dagaalkan Uxud.
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa raggii goobta ku shahiiday Cabdullaahi
ibnu Jaxash oo ay Nabiga SCW eeddadiis dhashay ahaana ninkii watay ilaaladii uu Rasuulku SCW u diri jiray Nakhla (Makka iyo
Dhaa'if dhexdooda) waxa uu yiri Cabdullaahi intuusan dagaalku dhicin "Allahayow waxaan kuugu dhaaranayaa in aan barri cadowga
la kulmo oo ay i dilaan ka dibna ay calooshayda soo bixiyaan, ayna jaraan sankayga iyo dhagtayda, dabadeed aad (qiyaamaha
) i waydiiso sababta ay arrintaasi ku dhacday, anna aan kugu iraahdo daraadaa.
Waxaa isna mid ahaa asxaabtii goobta ku shahiiday Camar ibnu Jamuux
oo ahaa nin lug la, wuxuuna lahaa Afar inan oo dhalinyaro ah oo Rasuulka SCW la jihaad gasha, markii Uxud la soo aadayey ayuu
damcay in uu Rasuulka SCW soo raaco markaasay wiilashiisii ku dheheen "maad iska joogtid anagaa kaa kaafinay (jihaadka), Allena
waxa uu ku siiyay rukhso oo jihaad kaama uu rabo". Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yiri "Rasuulkii Allow SCW wiilashaydaani
waxa ay ii diidayaan in aan ku raaco, Ilaah baan ku dhaartaye waxaan rajaynayaa in aan ku shahiido (dagaalka) oo lug la'aantaydaan
aan janada dhexdeeda ku dhutiyo". Wuxuu Rasuulku SCW ku yiri "adiga Alle jihaadka waa kaa daayey", wiilashiisiina waxa uu
ku yiri "maad iska daysaan, waxaa la arkaa in Alle shahaado ku irsaaqee". Rasuulka SCW ayuu soo raacay (oo dagaalkii uxud
ayuu ka wayb galay) wuuna shahiiday.
Waxaa isna ka mid ahaa raggii goobta ku shahiiday Muscab binu
Cumeyr oo ahaa macallinkii reer Madiina, wuxuuna waday calankii muslimiinta Badar iyo Uxudba, islaamkana waxyaalo badan ayuu
u soo qabtay. Muscab, oo ahaa islaamka ka hor nin dhallinyaro ah oo qurxoon aadna u xarrago badnaa, kana dhashay reer xoolo
leh, Makkana caan ka ahaa oo dharka hadba nooc qaadan jirey ayaa markii uu Uxud ku shahiidey waxaa deeqi waayey kafantiisii
maxaa yeelay wuxuu qabay hal go', markii lagu soo daboolo waxaa bannaanaanayey lugaha, markii lugaha lagu soo daboolna waxaa
bannaanaanayey madaxa. Rasuulku SCW aad ayuu markaa uga murugooday wuxuuna yiri "madaxa ku soo daboola (kafanta), lugahan
geedka Idkhirka la yiraahdo saara".
Ragii Muscab aqoon jirey markii ay soo xusuustaan aad ayey uga
tiiraanyoon jireen noloshii uu ku sugnaan jirey Muscab iyo dhimashadiisii, Cabdirahmaan binu Cawf ayaa waqtigii khulafaa'ul-Raashidiinka
waxaa galab loo keenay afur markaasuu yiri "waxaa la dilay (dagaalkii Uxud) Muscab binu Cumeyr waana iga khayr badnaa, waxaa
lagu kafnay go'iisi (markaasuu deeqi waayey) markii lugaha laga saaro madaxa ayaa banaanaanayey, markii madaxa laga saarana
lugaha ayaa banaanaanayey, (sidoo kale) waxaa la dilay Xamsa wuuna iga khayr badnaa, dabadeed aduunyada ayaa naloo fidiyey
waxaana ka baqayaa in xasanaadkayagii naloo soo hor mariyey", markaasuu ooyey oo cuntadii iskaga tegey.
Sidaas ayeyna ahaayeen asxaabtya Rasuulka SCW oo adduunyo iyo
dhal dhalaalkeeda waxay ka doorteen Alle iyo nolosha dabte ah ee aakhiro, raggii muhaajiriinta ahaa waxa ay maalin cad ka
dhaqaaqeen xoolohoodii, xaasaskoodii, carruurtoodii iyo qaraabadoodii, waxayna Madiina tageen iyagoo aan waxba haysan, ka
dibna waxay u istaageen Ilaahay diintiisa iyagoo mararka qaarkood gaajo darteed dhagaxa ay caloosha ku xiran jireen.
Adduunyaduna haddii ay Ilaahay agtiisa qiimo ku leedahay Rasuulka
SCW iyo asxaabtiisa ayuu u doori lahaa. Rasuulkuna SCW wuxuu yiri isaga oo adduunyada ka hadlaya "haddii ay adduunyadu Ilaahay
agtiisa garab kaneeco u dhiganto, gaalka kabbo biyo ah kama uusan waraabiyeen". Sidoo
kale wuxuu Rasuulku SCW Ilaahay ka baryey in risqiga reer Maxammed noqdo quutul-yawm.
Asxaabta Rasuulkuna SCW waxa ay adduunyada furteen iyagoo qeydad
iyo go'yaal qaba, waxa ayna ka run sheegeen islaamnimadoodii, waxayna waqtigoodii ku lumiyeen una dhinteen Alle dartiis.
Rasuulku SCW dagaalkii ka dib waa uu istaagay isaga oo Rabbigiis
mahadinaya oo ammaanaya, asxaabtuna gadaashiisa ayey safteen, wuxuuna yiri "Allahayow adiga ayaa mahad kulligeed iska leh,
Allahayow kii aad disho cid baajin kartaa ma jirto, kii aad baajisana cid dili karta ma jirto, kii aad baadiyeysana cid hanuuninn
kartaa ma jirto, kii aad hanuunisana cid baadiyeyn kartaa ma jirto, wixii aad diiddana cid bixin kartaa ma jirto, wixii aad
bixisanah cid diidi kartaa ma jirt, midkii aad fogeysid cid dhoweyn kartaa ma jirto, kii aad dhoweysana cid dheereyn kartaa
ma jirto, Allahayow dushayada ku fidi barakaadkaaga, naxariistaada, fadligaaga iyo risqigaaga, Allahayow waxaan ku weydiisanayaa
nimco daa'im ah oo aan la teedi karin, dhammaanayn, Allahayow waxaan ku weydiisanayaa kaalmo maalinka dhibka iyo nabadgelyo
maalinka cabsida. Allahayow waxaan kaa magan gelayaa waxa aad na siisey shartooda iyo waxa aad naga celisay shartooda, Allahayow
noo jeclow iimaanka, kuna qurxi quluubtayada, noona nac gaalnimo, fisqi iyo caasinnimo, nagan yeel kuwa hanuunsan, Allahayow
nagu oofso muslinimnimo, naguna noolee muslimnimo, nana haleeshii kuwii wanwanaagsanaa oo aan hoogin lana fitneyn, Allahayow
laa gaalada, kuwa Rasuulkaaga beeniyey, jidkaagana jeedinaya (leexinaya), korkoodana yeel rijsigaaga iyo cadaabkaaga, Allahayow
kufriga laa kuwa kitaabka la siiyey".
Ka dib Rasuulku SCW markuu dhammeeyey duugitaankii shuhadada iyo
ducadaanba waxa ay u gaddoomeen isaga iyo ciiidankisa dhinicii Madiina, markii ay laabteenna waxaa ka hor yimid gabdhihii
mu'minaatka ahaa. Waxa ay la kulmeeen gabadha la yiraahdo Xamna bintu Jaxshi, markaas ayaa loo sheegay in uu shahiidey walaalkeed,
cabdullaahi binu Jaxshi, waxay tiri "INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN" dambi dhaafna waa u weydiisey. Markaas ayaa
haddana loo sheegay abtigeed Xamsa waxay tiri "INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN" dambi dhaafna waa u weydiisey. Markaas
ayaa sidoo kale loo sheegay in uu shahiidey ninkeedii Muscab binu Cumeyr, markaas ayey qaylisay oo jeedsatay, wuxuu markaas
Rasuulku SCW yiri "ninku haweenta meel buu kaga yaal". Ka dib waxa ay soo mareen haweenay reer banii Diinaar ah oo ay shahideen
ninkeedii, aabbeheed iyo walaalkeed. Markii loo sheegay dhimashadooda, ayey tiri "Ka warama Rasuulkii Alle SCW?", markaas
ayey dheheen kheyr buu ku sugan yahay Ummu hebeleey,, Alle mahaddii buu ku sugan yahay iyo sida aad jeceshahay", markaas ayey
tiri "ii dhoweeya aan arkee", markii ay aragtay ayey tiri "dhibaato kasta gadaashaa way yar tahay".
Ka dibna waxay soo mareen Sacad binu Mucaad hooyadiis, Sacadna
faraska Rasuulka SCW ayuu hoggaanka u hayey, markaas ayuu Sacad yiri "Rasuulkii Allow SCW waa hooyaday", markaas ayaa Rasuulku
SCW yiri "soo dhaweeya", markii la soo dhoweeyeyna wuu la istaagay, waxaana loo sheegay wiilkeedii Camar binu Mucaad in uu
shahiiday, markaas ayey tiri "Mar haddii aan ku arkay adiga (Nabiga SCW) oo nabad qaba waan yaraystay dhibtii".
Wuxuu Rasuulku SCW intaa ka dib u yeeray dadkii shuhadada ahaa
ehelkoodii wuxuuna yiri "dadkii la laayey waxa ay dhammaantood rafiiq ku yihiin Jannada, wayna u shafeeco qaadayaan ehelkooda
oo dhan". Sacad hooyadisna wuxuu ku yiri "bishaarayso una bishaaree (dadka)", markaas ayey tiri "waan raalli noqonnay Rasuulkii
Allow SCW", waxa kale oo ay tiri "Rasuulkii Allow SCW u bari dadkii ka haray (shuhadadii)", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri
"Allahayow quluubtooda ka tagsii murugta kana ajar sii dhibaatadood, wanaajina kuwa haray haraagooda".
Dadkii muslimiinta ahaa ee ku shahaday dagaalkii Uxud waxa ay
ahaayeen 70 nin, waxayna kala ahaayeen hal nin oo yahuudii kasoo islaamay, 4 muhaajiriin ah iyo 65 ansaar ah (41 Khasraj ah
iyo 24 Aws ah). Dhinaca gaalada dadka laga laayey khilaaf ayaa ku jira. Ibnu Isxaaq wuxuu sheegay in ay 22 ahaayeen laakiin
Mubar Kafuuri, wuxuu kitaabkiisa Raxiiqul-Makhtuumka ku leeyahay markii la sameeyey baaritaan daqiiq ah oo la fiirshay dhammaan
tafaasiishii goobta iyo arrimihii la xiriirey dadkii gaalada laga laayey marxaladihii kala duwanaa ee dagaalka, waxaa laga
faa'iideysanayaa in ay ka dhimatay 37 nin ee ma aha 22 nin. Calaa kulli xaal Ilaah baa ku cilmi leh intuu caddodkoodu ahaa.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waxa ay ku soo laabteem Madiina galabtii
Sabtida isla maalinkuu dagaalku dhacay oo ahayd 7dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga, waxa ayna habeenkii Axadda
baryeen Madiina iyaga oo aad u ilaalinaya magaalada, gaar ahaan Rasuulka SCW.
Rasuulku SCW wuxuu ka yaabay in gaaladu ku fekeraan oo ay dhahaan
"waxba ma aannu soo faa'iideysan oo goobtii intaanu ku guuleysannay baannu iska soo tagnay annaga oo aan nimankii dabar goyn
oo Maxammed iyo raggi odeyaasha ahaaba joogaan ee aan laabanno". Wuxuu markaa Rasuulku SCW isug yeeray cidankiisi markii la
gaaray subaxii Axadda, 8dii Shawaal, wuxuuna amray ciidanka in cadowgii laga daba tago si haddii ay Madiina dib ugu soo laabtaan
loola dagaallamo, wuxuuna yiri "qof aan shalay dagaalkii Uxud nala gelin nama raacayo". Markaas ayuu munaafaqii weynaa, Cabdullahi
ibnu Ubey yiri "aan ku raaco" hase yeeshee Rasuulku SCW wuu u diidey. Waxaa keliya oo Rasuulku SCW u oggolaaday in uu raaco
Jaabbir ibnu Cabdullaahi, oo aabbihis Uxud lagu diley, oo Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow waan jeclaa in aan goob kasta
kula jiro, laakiin aabbahay ayaa iiga tegey gabdhihiisii".
Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo ay ka muuqato daal iyo diif, badankoodna
dhaawac yihiin, ayey si dhakhso ah ugu hoggaansameen amarkii Rasuulka SCW. Dabadeedna cadowgi ayaa la daba galay, markii ay
muddo socdeen oo ay marayaan meel Madiina u jirta 8 mayl oo la yiraahdo Xamraa-ul-Asad ayey degeen, waxaa markaa soo maray
nin la oran jirey Macbad ibnu abii Macbad oo reer Khusaaci ahaa oo islaamay. Wuxuu ninkaasu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye
Maxammedow way na dhibtay waxa adiga iyo asxaabtaada idin soo gaaray waxa aannu jecel nahay in Ilaahay kaa caafiyo". Rasuulku
SCW wuxuu markaa amaray in uu ka daba tago Abuu Sufyaan oo dhagro.
Ciidamadii qureysheed ee Abuu Sufyaan watay waxa ay arrintoodii
noqotay sidii uu Rasuulku SCW filayey oo markii ay 36 mayl ka socdeen Madiina ayey qaarkood qaarka kale u dheheen "waxba ma
aydin samayn maxaa yeelay inta aad jebiseen (muslimiintii) ayaad ka soo tagteen iyaga oo ay u hareen madax mar kale dagaal
idiin ururineysa, war laabta ilaa aan soo cirib tirno". Arrinkaas waxaa khilaafay Safwaan ibnu Umaya oo yiri "ha samaynina
sidaa maxaa yeelay waxa aan ka baqayaa in auu idiin soo kulmiyo dadkii awal ka haray, war laabta idinka ayaa guusha lehe,
haddii aad laabataan anigu mas'uul kama ihi haddii la idinka guuleysto', hase ahaatee fikraddaa Safwaan ciidanka badankiisu
way diideen waxayna go'aansadeen in ay Madiina ku laabtaan, laakiin intii uuusan Abuu Sufyaan ciidankii dhaqaajin ayaa waxaa
soo maray Macbad ibnu abii Macbad Al-khusaaci. Markaas ayaa Abuu Sufyaan ku yiri "war Macbad maxaad haysaa?", wuxuu yiri "Maxammed
wuxuu la soo baxay asxaabtiisa isaga oo idin raadinaya oo wata ciidan tiradiisa aanan hore u arag, wuxuu soo urursaday dadkii
ka haray maalinkii Uxud iyagoo ka qoomameysan fursaddii ay dayaceen". Abuu Sufyaan markii uu hadalkaas maqlay ayuu baqay wuxuuna
yiri "war hooge maxaad sheegaysaa?", wuxu Macbad yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma arko in aad guuraysaan ilaa aad aragtaan
fardaha fooddooda ama uu idinkaga soo baxo ciidanka horraantiisu duudkaan gadaashiisa". Abuu Sufyaan wuxuu yiri "Ilaah baan
ku dhaartaye waxa aannu isku raacnay in aan ku laabanno oo aan soo dabargoyno", Macbad ayaa yiri "waan kula talinayaaye sidaa
ha sameynin".
Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii waxaa ku dhacay cabsi iyo argagax
waxa ayna ka baqeen in Nabi Maxammed SCW ka daba yimaaddo oo intuu warjeefo uu guusha ka qaato, sidaa darteed iyaga oo baqo
ah ayey si degdeg ah ugu kaceen Makka. Waxaa markaa ka hor yimid niman rakuubley ah oo reer Cabdiqays ah oo u socda Madiina,
markaas ayaa Abuu Sufyaan u sameeyey dacaayad uu rabo in uu Nabi Maxammed SCW iyo ciidankiisa ku celiyo, kuna rido cabsi iyo
baqdin si aysan uga daba imaan. Nimankii ayuu ku yiri "ma iga gaarsiinaysaan Maxammed farriin, markaas aad Makka timaaddaan
ayaan awrtiinna idinkaga buuxinayaa sabiib", waxay dheheen "waayahay", markaa ayuu yiri waxaad iga gaarsiisaan Maxammed in
aannu isku raacnay in aannu soo laabano si isaga iyo asxaabtiisa aannu u dabar goyno. Nimankii way soo ambabexeen, markii
ay soo gaareen Rasuulka SCW iyo asxaabtiiisii oo joogay Xamraa-ul-Asad ayey u sheegeen farriintii Abuu Sufyaan oo ay ku dheheen
"waa la idiin soo kulmaye ka carara meesha", hase yeeshee arrintaasi waxa ay u siyaadisay muslimiintii iiman, waxa ayna dheheen
"Alle ayaa nagu filan, isaga ayaa talo saarasho u nimco lahaaday". Allaahna isaga oo arrintaas tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa
ku yiri:
((WAA KUWA AJIIBAY ALLE IYO RASUULKIISA KA DIB MARKUU ASIIBAY
DHAAWAC, KUWA WANAAGA SAMEEYEY EE KA MID AH (MUSLIMIINTA) OO DHAWRSADAY WAXA AY LEEYIHIIN AJAR WAYN, WAA KUWA DADKU KU YIRI
"DADKII AYAA IDIIN SOO KULMAY EE KA BAQA OO AY ARRINTAASI U SIYAADISAY IIMAAN, WAXAYNA DHEHEEN ALLAA NAGU FILAN ISAGAANA U
NIMCO LAHAADAY WAKIILNIMO, WAXAY LA NOQDEEN NIMCO ALLE IYO FADLI (IYAGOO) AYSAN TAABAN XUMAAN OOLA NOQDAY RAALI AHAANSHAHA
ALLE, ALLENA WAXA UU U SAAXIIB YAHAY FADLI WAYN, KAAS (IDIN LEH WAA LA IDIIN SOO KULMAY) HANA KA BIQININA EE ANIGA IGA CABSADA
HADAAD MU'MINIIN TIHIIN)), (Suuratu Aali-Cimraan 172-175).
Rasuulku SCW wuxuu meeshii Xamraa-ul-Asad degganaa saddex beri,
dabadeedna maalinkii Arbacada oo bisha Shawaal ahayd 11 ayey meeshaa ka soo tageen. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markii ay
soo laabteen ayaa Rasuulku SCW qabtay ninkii la oran jirey Abaa Cisa Al-jumaxi oo ahaa ninkii aan soo sheegnay oo ka mid ahaa
dadkii Badar lagu qafaashay, Rasuulkuna SCW iska cafiyey markuu u dan sheegtay, ballanna ka qaaday in uusan islaamka ka hor
imaanayn laakiin ballantii ka baxay, kana soo qayb glay dagaalkii Uxud. Markii ninkaas la qabtay oo Rasuulka SCW loo keenay
ayuu yiri "Maxamedow i sii daa oo i galladayso, ballan baan kaa qaadayaa in aanan ku laaban wixii aan sameeyey oo kale", hase
yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "dib dambe Makka ugu mushaaxi maysid oo oran maysid Maxammed baan laba jeer soo khiyaameeyey, lagamana qaniino mu'minka god laba jeer". Wuxuu markaa Rasuulku
SCW amray Subeyr binu Cawaam ama Caaskim binu Thaabit in uu qoorta u dheereeyo, sidaas ayaana ninkaas qoorta loogu dheereeyey.
Sidoo kale markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud ayaa waxaa Madiina
yimid nin jaajuus u ah reer Makka oo la oran jirey Mucaawiya
binu abii Muqiira binu Caas. Ninkaasi wuxuu ku soo degey oo magangalay Cusmaan binu Cafaan, oo ay ilma adeer ahaayeen. Cusmaan
Rasuulka SCW ayuu magangal u weydiiyey, Rasuulkuna SCW wuxuu magangal siiyey saddex maalmood, wuxuuna u sheegay in uu dilayo
hadduu saddex maalmood ka dib Madiina ku arko. Markii Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ay qureysh ka daba tageen, oo ay saddex
malmood Xamraa-ul-Asad degganaayeen, maalinkii xigayna ay jidka ku sii jireen, ayuu ninkii muddadii la siiyey ka badsaday
oo afar maalmood Madiina joogey si uu sir badan u ururiyo. Markii ciidankii muslimiintu soo laabteen ayuu cararay, markaas
ayaa Rasuulku SCW ka daba diray Seyd binu Xaarith iyo Cammaar binu Yaasir wuxuun amray in ay soo dilaan, markaas ayey ka daba
tageen oo soo dileen.
Dagaalkan Uxud waxa ay in badan oo culimada islaamka kamid ihi
ka hadlaan in natiijada dagaalku ay jab ku ahayd muslimiinta iyo in kale. Waxaa aan shaki lahayn in awoodda ciidameed ee dagaalku
ay doorkii labad u wareegtay dhinaca gaalada, goobtii dagaalkana ay saydareeyeen, dhimashaduna u badnayd dhinaca muslimiinta,
koox muslimiinta ka mid ahina ay baqdeen, laakiin waxaa haddanaj irey arrimo badan oo gaalada u diidey nasri iyo guul. Arrimahaas
oo kala ah:
- 1. Ciidankii gaalada awood uma helin in uu qabsado fariisinkii ama goobtii muslimiinta.
- 2. In badan oo ciidanka muslimiinta ka mid ihi uma cararin Madiina.
- 3. Ciidankii muslimiintu waxa ay ugu dambayntii ku soo urureen goobtii dagaalka.
- 4. Qof ciidanka msulimiinta ka mid ah gaaladu ma aysan qafaalan.
- 5. Qaniimo lagama furan ciidankii muslimiinta.
- 6. Caadadii waagaas waxa ay ahayd in ciddii guuleysata ay saddex maalmood goobta jooogto hase yeeshee ciidankii gaaladu
isla markiiba way carareen oo goobtii dagaalka waxaa u haray ciidankii muslimiita.
- 7. Ciidankii muslimiinta ayaa maalinkii oo dhan meesha joogey o meydkoodii aastay.
- 8. Ciidankii gaaladu kuma dhiiran in uu aado Madiino oo wax yeelleeyo dadkii musliminta ahaa.
- 9. Markii ay ciidankii muslimiintu ka daba tageen gaalada oo gaareen Xamraa-ul-Asad, ciidankii gaaladu ma soo laaban
ee waxay fidiyeen dacaayad, wayna sii baqdeen.
- 10. Ciidankii muslimiintu waxa ay Xamraa-ul-Asad degganaayeen saddex maalmood oo dadkii carradas deganaa oo dhan ogadeen.
Haddaba arrimahaas oo dhan waxa ay ina tusinayaan oo laga qaadanayaa
in ciidankii gaaladu aysan guuleysan ee arrintu ahayd in muslimiintu dhimasho badnaayeen hase ahaatee ay qaybo badan ku guuleysteen.
Labada qolona khasaare uu soo gaaray. Allaahna isaga oo tilmaamaya in labada qoloba uu khasaare soo gaaray wuxu qur'aankiisa
ku yiri:
((HADDUU IDIN TAABTAY DHAAWAC WAXAA XAQIIQDII NIMANKANA TAABTAY
DHIB LA MID AH)), (Suuratu Aali-Cimraa 140).
Dagaalka Uxud waxaa si aad ah uga hadashay una qaadaa dhigtay
Suuratu Aali-Cimraan oo Allaah uga hadlay in ku dhow 60 aayadood marka laga bilaabo aayadda 121 ilaa lagu dhawaado dhamaadka
suuradda. Sidoo kale dagaalkaas wuxuu Ilaah ka muujiyey calaamooyin wuxuuna ku kala saaray mu'miniintii iimaankoodu dhabta
ahaa iyo munaafaqiintii iimaankooodu beenta ahaa. Allaahna wuxuu yiri:
((MA AHAANIN ALLE MID UGA TAGAYA MU'MINIINTA WAXAAD KU SUGASN
TIHIIN ILAA UU KALA SOOCO KAN XUN IYO KAN WANAAGSAN, ALLENA MA AHAN KII IDIN TUSINAYA WAXA MAQAN, HASE YEESHEE WUXUU ALLE
RUSUSHIISA U DOORTAA CIDDUU DOONO, MARKA RUMEEYA ALLE IYO RASUULKIISA, HADDII AAD RUMAYSAAN (ALLE IYO RASUULKIISA SCW) OO
AAD BAQDAAN WAXAAD LEEDIHIN AJAR WAYN)), (Suuratu Aali-Cimraan 179).
Culimada islaamku aad ayey uga hadlaan xikmadaha iyo faa'iidooyinka
ku sugnaa dagaalkaas iyo sida Rabbi uu u kala saaray mu'miniintii iyo munaafaqiintii. Ibnu Qaymi Al-jawsi wuxuu uga hadlayaa
kitaabkiisa Saadul-Macaadka isaga oo waliba aad u sharaxaya xikmadahaas, cadeeyeyna faa'iidooyinka ku jira iyo waxa laga qaatay,
sidoo kale Ibnu Xajar Al-casqalaani wuxuu uga hadlay kitaabkiisa Fatxul Baariga, Mubaar kafaarina Raxiiqa ayuu ku soo sardinayaa
hadalkaas Ibnu Xajar, wuxuuna yiri Ibnu Xajar "waxa ay culimada islaamku dheheen qisada Uxud iyo waxa ku dhacay muslimiinta
oo ah faa'iidoyin iyo xikmo Rabbaani ah iyo arrimo waaweyn, waxaa ka mid ah; musliminta oo ogaatay cirib xummada ya leedahay
mcaasida iyo amarka Rasuulka SCW oo la khilaafo, maxa yelay raggii gumaadda ahaa (50kii nin) markii ay ta'wiiliyeen amarkii
Rasuulka SCW oo ay khilaafeen ayaa msulimiinta jabkii ku yimid". Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa
ku yiri:
((XAQIIQDII ALLE WUU IDIINKU RUN SHEEGAY YABOOHIISII MARKAAD KU
DILAYSEEN IDANKIISA ILAA AAD FASHILANTEEN OO AAD AMARKA KU DOODEEN AADNA CAASIDEEN (AMARKA RASUULKA SCW) KA DIB MARKII AAD
ARAGTEEN WAXAAD JECESHIHIIN, WAXAA IDINKA MID AH QOF ADUUNYO DOONAYA, WAXAANA IDINKA MID AH QOF AAKHIRO DOONAYA, MARKAASUU
IDINKA JEEDIYEY XAGGOODA SI U IDIIN IMTIXAAMO KA DIBNA WUU IDINKA CAFIYEY, ALLENA WUU KU FADLI LEEYAHAY MU'MINIINTA)), (Suuratu
Aali-Cimraan 152).
Waxaa haddaba maanta jira in dad badan oo muslimiin ah ay khilaafayaan
amarkii Alle iyo kii Rasuulkaba SCW, waxay naftooda iyo sheydaan u qurxiyaanna ay sameynayaan isla markaasna ay doonayaan
in Alle u gargaaro. Allaahna wuxuu qur'aankiisa ku sheegay aayado badan oo ka hadlaya raacitaanka Allaah iyo Rasuulka SCW,
wuxuuna ka digey in Rasuulka SCW la khilaafo sida ay aayaddani caddeyneysaba:
((HAKA DIKTOONAADAAN KUWA KHILAAFAYA (RASUULKA SCW) AMARKIISA
IN AY ASIIBO FIDNO (MUSIIBO) AMA UU U YIMAADO CDAAB DARAN)), (Suuratu-Nuur 63).
Sidoo kale wuxuu Ibnu Xajar Fatxul Baariga ku yiri "Xikmadaha
kale ee laga qaadanayo dagaalkaas waxa ka mid ah in weligeedba caadada Rususha iyo dadka raacaba ay ahayd in marka hore la
imtixaamo, cirib dambeedkana ay iyagu lahaadaan. Sidoo kale waxa ay xikmad kale tahay in haddii mar kasta ay muslimiintu guuleystaan
ay dhici karto in dadka qaarkood is cajabiyaan oo ay hilmaamaan nasriga Alle iyagoo u heysta in ay iyagu guusha keensadeen".
Xikmadda ugu dambaysa waxa ay tahay in haddii muslimiintu ay mar
walba guuleystaan ay ku dhex dhuuman kari lahaayeen dad badan oo aan ka mid ahayn, mana ay kala soocmeen kuwa iimaankooda
ka run sheegaya iyo kuwa aan ka run sheegayn, waana sida Cabdullaahi binu Ubay iyo kooxdiisii ay ku soo galeen islaamka ka
dib markii ay maqleen in muslimiintii ay ku guuleysteen Badar oo jebiyeen nimankii xoogga badnaa ee qureysh, waxa ayna muslimiinta
dhexdooda ku qarsanayeen gaalnimo iyagoo muujisanaya islaam, laakin wuxuu Ilaahay bannaanka sirtoodii soo dhigay dagaalkii
Uxud markii ay dhibtu timid, waxayna muslimiintii ogaadeen in ay gudahooda cadow ku leeyihiin, ka dibna way ka digtoonaadeen
oo u diyaar garoobeen, sideedana dadku marka hore ee nabadda way isku dhex jiraan oo qof walba islaamnimo ayuu muujisanayaa,
laakiin markii fitno iyo imtixam yimaaddaan ayaa la kala baxayaa, lana kala ogaanayaa ciddii uu iimaanku dhab ka ahaa iyo
ciddii uusan dhab ka ahayn. Allaahna isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((DADKU MA WAXA U MALEEYEEYEY IN LOOGA TAGAYO WAAN RUMAYNAY IYAGOON
LA IMTIXAAMIN, XAQIIQDII WAAN IMTIXAANAY KUWII KA HOREEYEY, ALLENA WAA UU KALA MUUJIYEY KUWII RUNTA SHEEGAY IYO KUWII BEENTA
SHEEGAY)), (Suurtul-Cankabuut 1-2).
DUULLAAMADII CIIDAMEED EE KU XIGEY
UXUD
Markii dadkii muslimiinta ahaa dhaawac
ku soo gaaray Uxud ayaa waxaa yaraaday cabsidii iyo baqdintii laga biqi jirey muslimiinta, waxaana bilaabmay guux iyo cadaawad
loo muujinayo dadkii muslimiinta ahaa. Guuxaas wuxuu ka imaanayey gudaha muslimiinta, sida munaafiqiinta, iyo dibedda sida
yuhuuddii Madiina wax ka degganayd iyo qabiilladii reer baadiyaha ee hareeraha Madiina ku noolaa.
Qolooyinkaas oo dhammi markii ay
arkeen in muslimiinta dhaawaca soo gaaray ayey doobbida listeen, qaarkoodna waxa ay ku hammiyeen in ay muslimiinta duullaan
ku soo qaadaan sida reer banuu Asad oo labo bilood ka dib (Uxud) isu diyaariyey in ay duullaan Madiina ku soo qaadaan. Sidoo
kale qabiilooyinka kala ah Cadal iyo Qaara waxay afar bilood ka dib sameeyeen shirqool ay ku dileen 10 nin oo asxaabtii Rasuulka
SCW ah. Qabiillada banuu Caamir iyo banuu Suleym ayaa iyaguna sidoo kale waxa ay si khiyaamo ah u dileen 70 nin oo asxaabtii
Rasuulka SCW ah. Sidoo kale qabiiloyinkii reer Qadafaan waxa ay ku hammiyeen in ay Madiina soo weeraraan.
Haddaba arrimahaas iyo kuwo kaleba
waxaa sameyey qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa oo degganaa Xijaas ilaa Najdi iyagoo doonayey in a islaamka iyo muslimiinta
cirib tiraan maxaa yeelay waxa ay u arkayeen in muslimiintu yihiin khatar ku soo socata Khaliijiul-carab.
Waxaa iyaguna sidoo kale cadaawad
daran muujiyey, har iyo habeenna ku fekerayey sidii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa dhib u gaarsiin lahaayeen yahuuddii reer
banii Qaynuqaac oo Rasuulku SCW ka raray Madiina iyo yahuuddii kale oo Madiina ku hartay (banuu Nadiir iyo banuu Qureyda),
siiba banuu Nadiir oo maleegay shirqol ay rabeen in ay ku dilaan Nabiga SCW.
Markii arrimahaas oo dhan gudaha
iyo dibeddaba ah ay soo food saareen muslimiintii ayaa Rasuulku SCW la qaabbilay xikmadiisii iyo kaartadiisii dagaalka ee
wanaagsanayd, wuxuuna muslimiintii ka saaray ciriirigii iyo dhibtii, Acdaadii Ilaahayna xumaatadoodii iyo makrigoodii ayuu
ku celiyey, wuxuuna soo celiyey cisigii iyo heybaddii muslimiinta.
Tallaabooyinkii uu qaaday Rasuulku
SCW waxaa ugu horreeyey duullaankii Xamraa-ul-Asad oo uu uga daba tegey ciidankii qureysheed ee Uxud ka laabtay, halkaas oo
uu deggenaa saddex maalmood. Waxaa ayna dhammaan acdaadii Ilaah ogaadeen awoodda iyo geesinnimada muslimiinta iyo sida aysan
marnaba u jixinjixeyn. Haddaba waxa aynu mid mid u xoo qaadanaynaa arrimihii iyo dhacdooyinkii dhacay intii u dhexeysey dagaalkii
horeeyeen inkastoo qaarkood la isku khilaafo siday ukala horreeyeyn haddaana waxaan qaadanaynaa sida loo badan yahay.
1) ILLAALADII ABUU SALAMA
Markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud
oo la joogey labo bilood iyo bar, ayaa wardoonkii Madiina wuxuu soo gudbiyey in labada nin oo la kala oran jirey Dhalxa iyo
Abuu Salama oo ilma Khuweylid ahaa ay ciddoodii iyo wixii kale oo raacayba ugu yeereen la dagaallanka Rasuulka SCW. Rasuulku
SCW markii uu arrinkaa maqlay ayuu sidii caadadiisa ahaydba wuxuu diray ciidan gaaraya 150 nin, wuxuuna madax uga dhigey Abuu
Salama. Waqtigaas wuxuu ahaa kowdii bishii Muxarram, sannadkii 4aad ee higriga.
Abuu Salama iyo ciidankiisii markii
ay tageen guryihii reer banuu Asad, oo ahaa qabiilkii duullaanka soo waday, ayaa qabiilkii Ilaahay wuxuu ku ridey rucbi iyo
baqdin meeshiina way ka carareen. Muslimiintii waxa ay meeshaas ka soo kaxeysteen geel iyo ari ay qabiilkaasu lahaayeen, waxayna
soo laabteen iyaga oo aan dagaal gelin soona qaniimeystey. Abuu Salama oo ciidanka watay, markuu Madiina ku soo laabtay, ayaa
waxaa ku soo kacay nabar ku dhacay dagaalkii Uxud, muddo yar ka dibna waa uu shahiiday.
2) DILITAANKII KHAALID BINU SUFYAAN
AL-HUDALI
Sidoo kale isla bishii Muxarram 5teedii
ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey in ninkii la oran jirey Khaalid binu Sufyaan Al-hudali uu ciidan u ururinayo la dagaallanka
muslimiinta, markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu direy Cabdullaahi binu Uneys si uu ninkaas uga soo takhalluso. Cabdullaahi wuxuu
Madiina ka maqnaa 18 habeen, wuxuuna Madiina ku soo laabtay iyada oo ay 7 habeen ka dhiman tahay Muxarram isagoo soo diley
Khaalid binu Sufyaan oo madaxiisii wada, wuxuuna madaxii dhigay Rasuulka SCW hortiisa. Rasuulku SCW arrinkaa wuu ku farxay,
wuxuuna Cabdullaahi siiyey ul uu yiri "tani waa inoocalaamad aniga iyo adiga maalinka qiyaamaha". Cabdullaahi ushii wuu hastay
jirey ugu dambayntiina markii uu dhimanayey wuxuu dardaarmay in usha kafantiisa lala geliyo.
MURUGADII RAJIIC
Bishii Safar, isla sannadkii 4aad
ee hijriga, ayaa waxaa Rasuulka SCW u yimid wafdi ka socda labadii qabiil ee la kala oran jirey Cadal iy Qaara, waxayna Rasuulka
SCW u sheegeen in ay soo islaameen, ka dibna waxay codsadeen in uu ku daro rag diinta bara oo qur'aanka u akhriya. Waxaa markaa
Rasuulku SCW ku daray 10 nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa, wuxuuna madax uga dhigay Caasim binu Thaabit. Markii ay is raaceen
oo ay sii marayaan meesha la yiraahdo Rajiic, oo uu degganaa qabiilka reer Hudeyl, ayaa waxaa maqlay qabiil Hudeyl ka mida
ahaa oo la oran jirey banuu Xayaan, markaas ayey 10kii nin oo asxaabta ahaa ka daba direen 100 nin. Dabadeedna way hareereeyeen,
waxa ayna ku dheheen "ballan baan idinka qaadaynaa haddii aad is dhiibtaan in aannaan cid idinka dilin", laakiin Caasim oo
10kaa madax u ahaa wuu diidey arrinkaas, wuuna dagaallamay isaga iyo raggiisii ilaa ay ka dhinteen 7 nin oo uu Caasim ku jiray.
Mar labaad ayey 3dii nin oo soo hartay ku yiraahdeen "haddii aad is dhiibtaan waxa aannu idiin ballanqaadaynaa in aannaan
hal nin idinka dilin". Markii ay 3dii nin is-soo dhiibeen ayey ula soo baxeen xargo ay rabeen in ay ku xiraan, markaas ayaa
nin 3dii ka mid ihi yiri "tani waa ballan jebintii ugu horreysey", wuuna dagaallamay ilaa ay ka dileen. Labdii nin oo soo
hartay, oo kala ahaa Khubeyb iyo Seyb binu Dathina, ayey qafaasheen, waxa ayna u geeyeen oo ka iibsadeen reer Makka.
Labadan nin waxay ka mid ahaayeen
asxaabtii dagaalkii Badar ka qayb gashay oo wax ka laayey madaxdii qureysh. Seyb binu Dathina waxaa gatay Safwaan binu Umaya
oo uu aabihiis diley, Khubeybna wax xireen ka dibna waxay ay ku xikumeen dil. Waxay khubeyb ka soo bixiyeen xaramka iyaga
oo u wada meesha la yiraahdo Tanciim oo ay rabeen in ay ku dilaan. Wuxuuna ku yiri "i daaya aan labo rakcadood tukadee", way
u oggolaadeen, markii uu labadii rakco tudadayna wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye haddii aydaan dhahayn wuu argagaxay waan
badsan lahaa (salaadda)", sidaa darteed Khubeyb waa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey in uu qofku labo rakcadood tukado marka
la dilayo. Ka dibna Allaah ayuu baryey oo wuxuu yiri "Allahayow tiradooda koob una laa si kala taksan, axadna ha ka reebin".
Abuu Sufyaan ayaa markaa ku yiri "Ma ku farax gelineysaa in uu Maxammed nala joogo oo aan qoorta u dheereyno, adiguna aad
reerkaagii la joogtid?". Khubeyb wuxuu ku jawaabay "maya, Ilaah baan ku dhaartaye ima farax gelineysto in aan reerkaygii la
joogo, Nabi Maxammedna SCW booskaan aan joogo uu joogo oo qodax dhibeysaa ay muddo". Ka dib waxay Khubeyb dilkiisa u saareen
Cuqba binu Xaarith, oo aabihiis uu Khubeyb Badar ku dilay.
Khubeyb intii uu xirnaa waxaa la
arkay isaga oo cunaya Canab aan markaa Makka oollin. Sidoo kale isaga oo xiran ayaa reerkii uu u xirnaa wiil kamid ah u keenay
mindi, markaas ayaa reerkii ka naxeen arrintaas hase yeeshee Khubeyb waxba ma yeelin wiilkaas.
Qureyshtu waxay cid u dirsadeen meeshii
lagu laayey 8dii nin ee kale si qaby ka mid ah jirkii Caasim, hoggaamiyihii 10ka xaabi loogu keeno maxaa yeelay Caasim wuxuu
maalinkii Badar diley rag badan oo odeyaashii qureysh ka tirsanaa. Allaah, oo had iyo jeer ah gargaaraha mu'miniinta, wuxuu
meydkii Caasim u soo diray oo isku hareeraysay shinni aad u tiro badan. Markii ay ku dhici kari waayeen ayey ka tageen oo
dheheen galabta aan u soo laabanno hase yeeshee intii ay maqnaayeen ayaa Alle u soo diray daruur roob ah oo daad ayaa qaaday
meydkiisii, meel uu geeyeyna lama oga. Markii ay gaaladii galabtii u soo laabteena waxay yimaadeen meeshii oo aan waxba oollin
sidaa awgeed shayna jirkiisii kama aysan helin. Caasim intii uu noolaa wuxuu Ilaahay kula ballamay in aan mushrik taaban jirkiisa
isna uusan taaban.
Cumar binu Khadhaab, oo arrintaas
ka hadlaya, wuxuu yiri "Allaah addoonkiisa mu'minka ah wuu xifdiyaa markii uu dhinto sida uu markaa noolyahayba u xifdiyo".
MURUGADII BI'RU MACUUN
Isla bishii Safar ee ay dhacday murugadii Rajiic, ayaa waxaa dhacday murugo kale
oo ka daran, lana yiraahdo Bi'ru Macuun. Sababtuna waxa ay ahayd in nin la oran jiray Abuu Baraa' (Caamir binu Maalik) uu
Rasuulka SCW Madiina ugu yimid. Rasuulku SCW wuxuu yiri "Rasuulkii Allow haddii aad asxaabtaada u dirtid reer Najdi si ay
diintaada ugu yeeraan waxaan rajaynayaa in ay yeeli lahaayeen". Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri "asxaabtayda waan uga baqayaa
reer Najdi", Abaa Baraa' ayaa yiri "aniga ayaa badbaadinaya". Waxa uu markaa Rasuulku SCW ku daray 70 nin oo ka mid ahaa raggii
ugu wanaagsanaa qur'aanka, uguna badiyey asxaabta, wuxuuna madax uga dhigay Mundir binu Camar oo lagu naaneysi jirey (kii
isu xoreeyey dhimashada). Raggani waxa ay ahaayeen kuwo aad u qiimo badan, habeenkii oo dhan waxa ay u soo jeedi jireen qur'aan
akhris iyo salaatu-leyl, maalintiina inta ay soo xamaalaan ayey cunto u soo gadi jireen dadkii asxaabta ahaa oo aan waxba
haysan.
Abuu Mundir iyo asxaabtii uu hoggaaminayey waxa ay Madiina ka baxeen iyaga oo ducaad
ah oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu SCW ay u doorteen dacwadaas islaamka. Raggaas oo uu la socdo ninkii ahaa Abuu Baraa' waxaqy
degeen meesha la yiraahdo Bi'ru Macuuna, oo u dhexeysey labadii qabiil ee reer banuu Caamir (qabiilkii Abuu Baraa') iyo reer
banuu Suleym. Ka dib waxa ay direen Xaraam binu Malxaan, oo ahaa Ummu Suleym walaalkeed, waxayna u dhiibeen waraaq uu Rasuulku
SCW u soo direy cadowgii Alle ee Caamir binu Dhufeyl oo ka mid ahaa odeyaashii reer banii Caamir. Cadowgaas Alle markii ay
warqaddii Rasuulku SCW u tagtay ma uusan fiirin ee wuxuu amray in la dilo ninkii waday, Xaraam binu Malxaan. Waran ayey ku
dhufteen, hase yeeshee markii uu arkay nabarkii iyo dhiiggii ayuu yiri "Allaahu Akbar, waan liibaanay kacbada Rabbigeeda ayaan
kudhaartaye". Ka dib Cadowgii Alle ee Caamir ahaa wuxuu reer banuu Caamir ka dalbay in ay soo laayaan inta ka hadhay raggii
Abuu Mundir la socday hase yeeshee reer banuu Caamir wey diideen amarkaas iyagoo tixgelinaya magangelyadii Abaa Baraa'. Wuxuu
markaa Caamir u qeylo dhaansaday reer banuu Suleym, waxaana amarkiisii yeelay oo soo raacay qabiilooyin ka mid ah banii Suleym
oo kala ahaa Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo Cisiya.
Waxay qabiilooyinkaasi ku duuleen oo hareereeyeen asxaabtii Rasuulka SCW. Asxaabtu
way dagaallameen ilaa laga diley 67 nin. Saddexda nin oo soo hartay waxay kala ahaayeen: Kacab binu Seyd binu Najaar oo labo
meyd ku kala dhex jirey, ayna meyd ahaan uga tageen hase yeeshee noolaa. Wuxuuna ku dhintay dagalkii Axsaab iyo Caamir binu
Umaya iyo Mundir binu Cuqba oo iyagu ka maqnaa goobta. Markii ay meeshii u soo dhowaayeen ayey arkeen haadda ku degtey meeshii
ay ragga ku ogaayeen, markii ay goobtii soo gaareenna Mundir wuu dagaallamay ilaa laga diley, Carna way qafaashen. Cadowgii
Alle ee Caamir markii uu ogaaday in uu Camar ka dhashay reer banii Mundir ayuu foodda intuu ka gooyey ku yiri "waxaan kuu
xoreeyey qoor ay hooyaday xoreyn lahayd" ka dibna wuu sii daayey.
Camar markii la soo daayey wuxuu soo aaday Madiina, markuu jidka dhexe sii marayo
ayuu geed hoos degay, ka dibna waxaa u yimid oo geedkii la degay labo nin oo reer banii Kulaba ah. Muslimiinta iyo reer banii
Kulaaba waxaa ka dhexeeyey heshiis. Camar wuxuu u maleeyey in qabiilka labadaas nin uu ka mid ahaa qabiilladii asxabta wax
ka laayey. Camar, oo aan heshiiska Rasuulka SCW iyo reer banuu Kilaaba ogeyn, ayaa labadii nin markii ay seexdeen diley. Ka
dib Camar wuxuu u tegey Rasuulkii SCW isaga oo wada warkii murugada lahaa iyo ki labadii nin ee uu soo dileyba. Rasuulku SCW
wuxuu markaas yiri "waxa aad dishay labo nin oo aan magtooda bixinayo", dabadeedna wuxuu Rasuulku SCW guda galay in uu magtii
ka soo ururinayo muslimiinta.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxaa aad u xanuujisay una murugo gelisay dhacdadan
Bi'ru Macaana isku mar ayuu Rasuulka SCW u yimid. Murugadani waxay ka weyned tii Uxud maxaa yeelay Uxud dagaal ayaa lagu talo
galay, kuwaanse waxay ahaayeen khiyaamooyin iyo makri ay cadowyada Ilaahay u sameeyeen asxaabtii Rasuulka SCW. Wuxuu Rasuulku
SCW muddo bil ah habaarayey qabiilladii ku kacay falkaas foosha xun. Bukhaari wuxuu ka weriyey Anas binu Maalik in uu yiri
"Rasuulku SCW wuxuu soddon subax ku habaarayey kuwii asxaabtiisa Bi'ru Macuuna ku laayey Salaadda Fajar dhexdeeda. Wuxuu habaarayey
Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo Cisiya isaga oo leh "Cisiya Ilaah iyo Rasuulkiisa ayey caasiday". Ilaahay wuxuu Rasuulkiisa SCW
ku soo dejiyey qur'aan aan akhrinnay haddana la nasakhay. Qur'aankaas wuxuu micnihiisu ahaa (Allahayow gaarsii dadkayagii
in aan la kulannay Rabbigayo oo uu naga raalli noqday annaguna aan ka ralli noqonnay), markaas ayaa Rasuulku SCW iska daayey
Qanuuddii uu salaadda subax oran jirey". Sidaa darteed markii ay muslimiinta ku timaaddo musiibo waa shey wanaagsan in mar
mar la qanuudo, laakiin wax daliil ah islaamka kama haysato in salaadda subax lagu gaaryeelo ama caado looga dhigo salaadda
subax. Arrinkaas ah in salaadda subax la qanuudo ma aysan samayn Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa iyo dadkii wanwanaagsanaa (Salafu
Saalix) ee waddadii Rasuulka SCW qaaday.
DUULLAANKII YAHUUDDII REER BANUU NADIIR
Sida aan soo marnayba yahuuddii Madiina
deggenayd waxa ay islaamka iyo muslimiinta u hayeen cadaawad iyo xumaan, wax ay ula hareeenna ma jirin, in aysan dagaal caddaan
ah ugu soo bixin mslulimiinta maahane, taasna waxaa u diidey markii ay arkeen wixii ku dhacay yahuuddii reer bani Qaynuqaac
oo Madiina laga raray iyo dilitaankii cadowgii Alle Kacab binu Ashraf. Arrimahaasina waxay sababeen in yahuuddu qalaanqalkii
iyo rabshadihii xoogaa joojiso, hase yeeshee markii dagaalkii Uxud dhacay, oo muslimintii xoogaa dhaawac soo gaaray ayey ku
noqdeen sidoodii hore, waxayna muujisteen xumaan iyo cadaawad iyaga oo hoos kala xiriiraya qureyshtii Makka iyo munaafaqiintii
muslimiinta ku dhex jirtey.
Rasuulku SCW intaas oo dhan yahuudda
wuu u sabrayey maxaa yeelay heshiiskiii ay lahaayeen ayuu ilaalinayey, dagaallana way ku furnaayeen, dhaawacna wuxuu soo gaaray
ciidankii muslimiinta oo dhowr bilood gudohood ayaa waxaa shahiidey 150 asxaabtii Rasuulka SCW ka mid ah. Yahuudna arrintani
waxa ay u siyaadisey qooq iyo xadgudub ilaa ay go'aansadeen in ay Rasuulka SCW dilaan, sababtuna waxa ay ahayd: Rasuulka SCW
ayaa kaxeystay koox asxaabtiisa ka mid ah oo u tegey reer banii Nadiir, wuxuuna kala hadlay in ay la bixiyaan magtii labadii
nin ee Camar binu Umaya diley, maxaa yeelay heshiiskii u dhexeeyey ayaa sidaas farayey. Markaas ayey dheheen "waan kuu yeelaynaa
Abal-Qaasim halkaan noo fariiso inta aannu dantaada kaaga fulineyno". Rasuulku SCW wuxuu fariistay meeshii ay u tilmaameen
oo ahayd derbi guryahooda ka mid ah dhiniciis, isaga oo sugayo in ay u fuliyaan ballantaas.
Yahuuddii sheydaan ayaa xumaan u
qurxiyey, waxayna qaateen shir ay uga hadlayaan sidii ay ku dili lahaayeen Rasuulka SCW waxayna ugu dambayntii isku raaceen
in ay dilaan Rasuulka SCW maaddaama uu maanta u soo gacan galay. Haddaba yahuudda oo lagu yaqaanno in aysan si toos ah wax
u dilin ee shirqool iyo dhuumasho wax ku dilaan waxa ay isku raaceen in derbiga gadaashisa inta la istaago dhagax weyn madaxa
looga tuuro Nabiga SCW, markii uu dhintana ay dhaheen "dhagax ayaa ku soo dhacay oo annagu ma aannaan dilin". Waxaa markaa
hadlay koodii ugu caqliga badnaa oo la oran jirey Salaam binu Mashkam oo yiri "arrintaas ha sameynina, Ilaah baan ku dhaartaye
waa loo khabrayaa (Rusuulka SCW) waxa aad damacdeen, ballantii naga dhexeysana way bureysaa", hase yeeshee fikraddaas dheg
jalaq uma aysan siin, waxayna dhehee "yaa hawshan fulinaya?", waxaa markaa yiri "aniga" koodii ugu shar badnaa oo la oran
jirey Camar binu Jaxash. Rasuulka SCW waxaa u yimid Malaku Jibriil oo u sheegay waxa ay go'aansadeen, markaas ayuu iska tegey
oo aaday dhinicii Masaajidka. Rasuulku SCW wuxuu markaa yahuuddii reer banii Nadiir u soo direy Maxammed binu Maslama wuxuuna
ku soo yiri "ku dheh ka guura Madiina ila degganaan maysaane, waxaanna idiin qabtay 10 beri, ka dibna qofka aan ku arko oo
idinka ah qoorta ayaan u dheereynayaa". Yahuuddii amarkii Rasuulka SCW wey diideen, wayna iska sii deggenaayeen magaalada.
Munaafaqii weynaa ee Cabdullaahi binu Ubayna wuu sii dhiirrigeliyey oo hoosta ayuu kala xiriirey wuxuuna ku yiri "jooga oo
ha bixina, guryihiinnana yaan la idinka saarin, aniguna waxaan hastaa 2000 nin oo dhufeyskiina idinla gelaysa idinlana dhimanaysa".
Allaahna SW haddalkaas munaafaqa isaga oo tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((MA OGTAHAY IN KUWII MUNAAFIQIINTA
AHAA KU LEEYIHIIN WALAALAHOODII GAALOOBAY (YAHUUDA) OO EHELU KITAABKA KA MID AHAA HADDII LA IDIN BIXIYO WAA IDIINLA BAXAYNAA,
QOFNA IDIIN ADEECI MAYNO WELIGEED, HADDII LA IDINLA DAGAALAMANA WAAN IDIN GAR GAARAYNAA. ALLASE WAA OG YAHAY IN AY (MUNAAFIQIINTU),
HADDII LALA DAGAALAMANA UMA AY GAR GAARAYAAN, HADDII AY ISKU DAYAAN IN AY U GAR GAARAANA DABADAY JEEDIN KA DIBNA LOOMA GAR
GAARO)), (Suuratul-Xashir 11-12).
Yahuuddii markii ay hadalladaas munaafiqiinta
maqleen ayey ku kadsoomeen, wuxuuna ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey Xuyey binu Akhdhab farriin u soo direy Rasuulka
SCW uu ku leeyahay "ka bixi mayno guryahayga ee waxaad doonto samee". Rasuulka SCW markii uu warkaasi soo gaaray ayuu takbiirsaday,
asxaabtiisiina way takbiirsadeen, ciidankiisiina wuu soo kexeeyey, calankii muslimiintana wuxuu u dhiibey Cali binu Abii-dhaalib.
Madiinana wuxuu uga so tegey Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum. Yahuuddii markii ay Rasuulka SCW iyo ciidammadiisii arkeen ayey
dhufeysyadoodii galeen. Rasuulkuna SCW waa dul degey oo hareereeyey, wuxuuna amray in beerahooda la gooyo oo la gubo si aysan
ugu dhuuman una biilanin. Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
((WIXII AAD GOYSAAN OO GEED AH (OO
CADAWGU LEEYAHAY) AMA AAD KA TAKTAAN IYADOO KU TAAGAN SALKEEDA WAA IDANKA ALLE IYO IN UU HOOJIYO FAASIQIINTA)), (Suuratul-Xashir
5).
Munaafaqiintii muslimiinta ku dhex
jirtey oo awal ballan qaaday in ay yahuud dhufeyska la geli doonaan una gargaari doonaan, far ma aysan dhaqaajin. Sidoo kale
yahuuddii reer banii Qureyda oo Madiina wax ka degganayd iyo qabiilooyinkii reer qadafaan oo ay xulafada ahaayeen midna uma
soo dhaqaaqin oo uma soo gurman. Rasuulku SCW wuxuu ku hareereysnaa 6 beri waxaa kaloo la dhahaa 15 maalmood. Waxaana Ilaahay
yahuud quluubtoodii ku ridey rucbi iyo argagax, wayna is dhiibeen, hubkiina way dhegeen, waxayna u soo cid direen Rasuulka
SCW iyaga oo leh "Madiina waan kaaga guureynaa". Rasuulkuna SCW wuu ka aqbalay laakiin wuxuu yiri "waxaad la bixi kartaan
naftiina iyo ratigu wuxuu idiin qaado oo aan hubku ku jirin". Ka dib sidii ayey yeeleen oo hubkii ayey dhigeen, guryihiina
wixii ay sii kharaabin kareen way sii kharaabiyeen. Allaahna isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri:
((ALLE WAA KAN KA BIXIYAY KUWII GAALOOBAY
EE EHELU KITAABKA KA MIDKA AHAA GURYAHOODII KULMINTII HORABA, MA IDINNAAN MALAYNAYN IN AY BAXAYAAN, IYANA WAXAY MALEEYEEN
IN DHUFAYSYADOODA ALLE KA CELINAYAN, ALLASE WAXA UU UGA YIMID MEE3L AYSAN FILAYN, WAXA UUNA QULUUBTOODA KU TUURAY ARGAGAX,
WAXAY GURYAHOODII KU KHARAABIYEEN GACMAHOODA IYO GACMAHA MU'MINIINTA, KU CIBRO QAATA DADKA ARAGTIDA LAHOW (WAXA KU DHACAY
DADKII ILAAHAY DIINTIISA LA COLAYTAMAY), HADDUU ALLE KU XUKUMIN IN AY BAXAAN WAXA UU CADAABI LAHAA ADDUUNKA, AAKHIRANA WAXA
AY LEEYIHIIN CADAAB DARAN, MAXAA YEELAY WAXA AY LA DHINAC TAMEEN ALLE IYO RASUULKIISA SCW, QOFKII ALLE LA DHINAC TAMANA, ALLE
CIQAABTIISU WAA DARAN YAHAY)), (Suuratyl-Xashar 2-4).
Waxa ay rarteen 600 oo rati, in badan
oo iyaga ka mid ahaa oo ay ku jireen odeyaashoodii waxa ay u guureen Khaybar, qaarkii kalena waxa ay u guureen dhinaca Shaam.
Waxaa dadkaas ka islaamay laba nin oo keliya, waxayna kala ahaayeen Yamin binu Camar iyo Abuu Sacad binu Wahab. Labadaa nin
xoolohoodii waa loo celiyey.
Waxaa Rasuulku SCW la wareegay guryahoodii,
dhulkoodi, beerahoodii, maalkoodii iyo hubkoodii. Qaniimadaas laga helay reer banii Nadiir waxay khaas ku ahayd Rasuulka SCW
in uu sidii uu doono yeelo, khumusna lagama bixin, ciidankiina looma qaybin, maxaa yeelay dagaal laguma soo qabsan. Allaahna
wuxuu arrintaa ku magacaabay "Fey" (Feygu waa xolaha cadawga laga furto iyada oo aan dagaal dhicin). Rasuulku SCW wuxuu qaniimadaas
u qaybiyey Muhaajiriin keliya, Ansaarna wuxuu ka siiyey labo nin oo keliya, labaad oo ceyr ahaa, kalana ahaa Abuu Dujaana
iyo Sahal binu Xuneyf. Waxaa kale oo Rasuulku SCW ka nafaqeeyey xaasaskiisa oo sannad biilkood ugu dhigay, xoolaha intoodii
kalena wuxuu Rasuulku SCW geliyey hub iyo wixii loogu diyaar garoobi lahaa jihaadka jidka Allaah.
Duullaankaas reer banii Nadiir wuxuu
dhacay bishii Rabbiicul Awal, sannadkii 4aad ee hijriga, waxaana Ilaahay duullaankaas ugu warramay Suuratul-Xashar, wuxuuna
Allaah suuraddaas ku sifeeyey yahuuddii reer banii Nadiir iyo munaafiqiintii muslimiinta ku dhex jirteyba, wuxuuna Cabdullaahi
ibnu Cabbas dhihi jirey suuraddaan "Suuradu-Nadiir". Waxaa kale oo Allaah uu suuraddaas ku caddeeyey axkaamta Feyga iyo cidda
la siinayo, wuxuuna ku ammaanay Muhaajiriin iyo Ansaar, wuxuuna caddeeyey in ay bannaan tahay in la gooyo oo la gubo dhulka
cadowga Alle, haddii maslaxad dagaal ay keento, oo aysan arrintaasi ahayn israaf iyo xadgudub. Aakhirka Suuradda wxuu Allaah
ugu dardaarmay in ay xojiyaan Taqwada Allaah una diyaar garoobaan Aakhiro.
DULLAANKII NAJDI
Ka dib markii Alle u gargaaray Rasuulkiisii
SCW uuna hoojiyey acdaa'dii Ilaah ee reer banii Nadiir ayaa wardoonkii soo gudbiyeen in qabiilooyin reer baadiye ah oo ka
mid ahaa reer Qadafaan, lana kala oran jirey Banii Xaarith iyo banii Thaclaba ay isku urursanayaan si ay Madiina ugu soo duullaan.
Markaas ayaa Rasuulka SCW ciidankii kaxaystay uguna teteg meeshii ay degganaayeen hase yeeshee acdaa'dii Ilaahay markii ay
maqleen ciidammadii Alle ayey buuraha iyo kaymaha kala galeen, waxaana Alle ku riday baqdin iyo argagax, ka dibna ciidankii
musimiiintu waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo aan wax dagaal ah la soo kulmin, wuxuna dhacay duullaankani bishii Rabbiicul-Aakhir
ama bishii Jamaadul-Uulaa midkood.
#52 DUULLAANKII BADARTII LABAAD
#52 DUULLAANKII BADARTII LABAAD
Markii Rasuulku SCW uu ka soo laabtay
qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa wuxuu galay tabaabushe iyo is diyaarin uu isku diyaarinayo ballantii ay qureysh wada galeen
maalinkii Uxud oo ahayd in sannadka dambe Badar la isugu yimaaddo. Markii la marayo bishii Shacbaan, sannadkii 4aad ee hijriga
ayaa Rasuulka SCW oo hoggaaminaya ciidan gaaraya 1500 nin ka soo baxay Madiina, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay Cali
binu Abii-dhaalib, waxa ayna wateen 10 faras. Wuxuu Rasuulku SCW tegey ceelkii Badar, halkaas oo uu degey kuna sugayey gaaladii
qureysheed.
Dhinicii reer Makka, Abuu Sufyaan
oo ahaa hoggaamiyahooda wuxuu Makka kala soo baxay ciidan gaaraya 20000 oo nin, waxa ayna wateen 50 faras. Abuu Sufyaan iyo
ciidankiisii markii ay marayaan meesha la yiraahdo Marri Dhahraan ayaa isaga oo ilaa markii uu Makka ka soo baxay caga jiidayey,
waxaa Ilaahay ku diray baqdin iyo argagax, isaga oo ka baqaya in Badartani noqoto Badartii hore oo kale, sidaa darteed wuxuu
go'aansaday in uu laabto, ciidankiisiina wuxuu ku yiri "qureyshey idiinma wanaagsada (dagaal) sannad barwaaqo ah mahane, sannadkanina
waa sannad abaareed, marka anigu waa laabanayaaye ha la laabto". Ciidankii qureysh oo awalba caga jiida ahaa, aadna u niyad
xumaa waxa ay halhaleel u qaateen go'aankii Abuu Sufyaan waxa ayna ku laabteen Makka.
Ciidankii muslimiintu waxa ay Badar
degganaayeen 8 maalmood, dabadeedna markii ay ogaadeen in ay qureyshi baqday oo ay Makka ku noqotay ayay ganagsi galeen oo
alaabtii ay wateen gadeen kana faa'iideen suuqii, waxay u baahnaayeenna ka gateen, maxaa yeelay Badar waxa ay ahaan jirtey
meel lagu kulmo oo badeecada lagu kala beddesho. Ka dibna waxa ya ciidankii muslimiintu ku laabteen Madiina iyaga oo Cisi
iyo guul wata, lana ogaaday awooddooda iyo in qureysh ka baqday
DUULLAANKII DUUMATUL-JUNDUL
Markuu Rasuulku SCW ka soo laabtay
Badartii labaad, waxaa la arkay awooddii muslimiinta, mandiqaddiina waxa ay noqotay amni iyo nabadgelyo, cid walbana candhuuftay
dib u liqday. Hase yeeshee markii lix bilood laga joogo Badartii labaad ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey in qabiilooyin
degganaa meesha la yiraahdo Duumatul-Jnudul oo dhinaca Shaam xigta, loogana socod Madiina 15 beri, ay jid gooyayaal (burcad)
noqdeen oo ciddii jidkaa martaba dhacaan isla markaasna ay isu diyaarinayaan sidii ay duullaan Madiina ugu soo qaadi lahaayeen.
Wuxuu markaas Rasuulku SCW la baxay ciidan gaaraya 10000 nin, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Subaac binu Curfada, waqtigaas
oo ahaa 25kii bishii Rabbiicul-Awa, sannadkii 5ad ee hijiriga. Intii uu jidka ku sii jirey, Rasuulku SCW wuxuu qabtay nin
reer banii Cudra ah oo la oran jirey Madkuur, wuxuu kaxaystay si uu waddada u tusiyo.
Rasuulka SCW iyo ciidankiisu waxa
ay soconayeen habeenkii, maalinkiina way degayeen si ay acdaa'daa Ilaahay u qabtaan iyaga oo khabardaar ah. Hase yeeshee markii
ay muslimiintu u soo dhow yihiin ayey maqleen oo kala yaaceen. Rasuuulku SCW meeshii ayuu gaaray oo maalmo degganaa, wuxuu
dhinacyada u kala diray ciidamo laakiinse waxba lama soo helin, ka dibna Rasuulku SCW Madiina ayuu ku soo laabtay.
Rasuulka SCW iyo ciidankiisii markii
la arkay in ay Shaam ku duuleen oo cid kasta o rabsho laga dareemo meesheeda loogu tegayo ayaa qabiil walba edeb yeeshay oo
aamusay, in uu hoos ka guuxo maahee, mandiqaddiina waxay noqotay nabadgelyo iyo amaan, waxaana fududaaday mashaakilkii
muslimiinta ka heysta gudaha iyo dibedda, munaafiqiintii muslimiinta ku dhex jirteyna way aamuseen. Sidoo kale qabiiilkii
yahuudda ahaa ee haray wuxuu ku dadaalay ilaalintii ballantii ka dhexeysay iyaga iyo muslimiinta. Reer baadiyihii awal Madiina
ku soo qamaamayeyna waxa ay qaateen dersi oo waa degeen. Sidoo kale nimankii qureysh ee awal kibirka iyo isla weynidu ku jirteyna
waxa ay joojiyeen duullaamadii, muslimiintiina waxa ay heleen fursad ay ku fidiyaan dacwadoodii islaamka, degaankiina iyaga
ayaa hogaanka u qabtay
DUULLAANKII AXSAAB
Markii Ilaahay muslimiintii cisi siiyey
oo ay ku xoogeysteen mandiqaddii Jasiiratu-Carab, carabtii iyo yahuuddii ag degganaydna ay qolo gaar u haweysata muslimiinta
yaraatay oo cid walba ka baqday, nimankii ugu xoogga iyo dhibka badnaa ee qureyshna ay salka dhulka ku dhufteen, ayaa yahuuddii
laga raray Madiina waxay sameeyeey khiddo ay rabaan in ay qabiilooyinka oo dhammi (yahuud iyo carab) ugu kulmaan muslimiinta
oo dabar gooyaan.
Khiddadaas waxa ay ahayd: 20 nin oo
ahaa odeyaashii yahuuddiii reer binuu Nadiir ayaa Khaybar ka tegey oo Makka aaday, waxayna qureysh ku boorriyeen la dagaallanka
Rasuulka SCW iyo muslimiinta ikyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen. Qureysh oo sumcadeedii iyo magaceedii hoos u dhacay markii
ay baqeen ballantii Badartii labaad oo dhexda ka laabteen, kana cabsadeen oo ku dhici waayeen in ay keligood Nabiga SCW la
dagaallamaan waxa ay u arkeen in fursaddani tahay fursad dahab ah oo aan la heli karin, waxayna isla markiiiba qaateen fikraddaas
ay yahuuddu u so jeedisay.
Labaatankii nin waxay sidii oo kale
ugu tageen oo ugu boorriyeen la dagaallanka Rasuulka SCW qabiilooyinkii reer Qadafaan. Ka dibna waxay u tageen qabaa'ilkii
kale ee reer baadiyaha ahaa, dhammaantoodna gacmo furan ayey ku soo dhoweeyeen, wayna u riyaaeen fikraddaas maxaa yeelay waxaa
dhammaantood buuxiyey ciil iyo caro ay u qabeen Nabiga SCW iyo axaabtiisa. Yahuuddu way ku najaxda siyaasaddii iyo khiddadii
ay wadatay, waxayna isku soo ururisay acdaa'dii Alle ee dhulkaas degganayd si ay Nabiga Alle SCW ula dagaallamaan, nuurkii
Allena u damiyaan.
Waxaa intaa dabadeed soo baxay oo
Madiina duullaan ku soo qaaday ciidamo aad u tiro badan oo ka kooban qabiilooyin kala duwan, waxayna dul degeen Madiina. Dhinaca
koonfurta waxaa Madiina uga yimid qureysh iyo xulafadoodii, waxayna ciidammadoodu gaarayeen 4,000 oo nin, waxaana hoggaaaminayey
Abuu Sufyaan, dhexdana waxaa kaga soo darsamay reer banuu Suelym. Dhinaca bari waxaa Madiina kaga yimid qabaa'ilkii reer Qadaafaan
oo kala ahaa: banuu Fasaara oo uu hoggaaminayey Cuyeyna binu Xusin, banuu Murra oo uu hoggaamineyey Xaarith binu Cawf, banuu
Ashjac oo uu hoggaaminayey Mascar binu Rukheyla iyo banuu Asad. Qabiilooyinkaas reer Qadafaan waxay ciidammadoodu ahaayeen
6,000 oo nin. Dadkii muslimiinta ahaa ee waqtigas Madiina deggenaa, haddii ragooda, dumarkooda iyo carruurtooda la isku daro,
ma aysan gaareyn tiradaas.
Rasuulku SCW markii la soo gaarsiiyey
duullaanka qabiilooyinkaas iyo ciidammada ay wateen oo isku soo bahaystay sidii ay u dabar goyn lahaayeen islaamka iyo muslimiinta,
ayuu muslimiinta ahaa isugu yeeray shir guud oo loo dhan yahay, lagagana wada hadlayo sidii looga hortegi lahaa acdaa'daas
Alle. Muddo markii arrinkii laga wada hadlayey ayaa nin asxaabta ka mid ahaa oo la oran jirey Salmaanul-Faarisi, oo ahaa reer
Faaris, wuxuu yiri "Rasuulkii Allow annagu markii aanu Faaris joogney haddii nala hareereeyo godad ayaan qodan jirney". Rasuulku
SCW wuu ku farxay ra'yigaas iyo khiddadaas uu Salmaan keenay taas oo ahayd khiddaad cajiib ah oo aysan caRabbi horey u aqoon,
wuxuuna markaa Rasuulku SCW bilaabay fulinteedii, Tobanki ninba wuxuu amray in ay qodaan god dherekiisu yahay 40 dhudhun,
baliciisuna yahay 9 dhudhun, dhammaan godkii laqodayeyna waxaa uu dherekiisu ahaa 500 oo dhudhun.
Ciidankii muslimiintu si firforcooni
iyo hawlkarnimo ka muuqato ayuu u hawl galay, Rasuulkuna SCW amar intuu bixiyey is kama fariisane hawshii ayuu dhiniciisa
ka qabtay isaga oo muslimiinta dhiirrigelinaya una duceynaya oo leh "Allahayow nolosha Aaskhiro ma ahane nolol kale ma jirto,
una Dambi dhaaf Muhaajiriin iyo Ansaar", asxaabtuna iyagoo hawshii qabanaya waxay lahaayeen "waxa aan nahay kuwii Maxammed
SCW kula baayactamay Jihaad inta aannu nool nahay". Saxabigii Baraa' ibnu Caasim isaga oo ka hadlayay Rasuulka SCW shaqadiisa
wuxuu yiri "waxa aan arkay Rasuulkii Alle oo ciidda ka rogaya godkii ilaa aan ka arkay calooshiisa haraggeedii oo boor qariyey,
wuuna timo badnaa, waxa aan maqlay isaga oo akhrinaya tix uu tiriyey Cabdullaahi binu Rawaaxa isaga oo ciidda rogaya, wuxuuna
lahaa "Allahayow adiga haddii aadan ahayn ma hunuunneen, ma sadaqaysanneen, mana tukanneen, nagu soo deji deggenaaan, gommodahayagana
sug haddii aan la kulanno (cadowga), hore ayey noogu qooqeen haddii ay fitno (gaalnimo) nala dooneenna waan diidneay".
Waxaa Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa
intii ay godadkaas qodayeen oo ay hawshaas ku jireen la soo gudboonaatay gaajo aad u daran ilaa ay ka gaareen in ay calooshooda
dhagaxyo ku xirtaan. Saxaabiga la yiraahdo Abuu Dhalxa isaga oo arrinkaa ka hadlaya wuxuu yiri "Rasuulka SCW ayaan u sheegannay
gaajada na haysey, waxaannuna feydnay caloolahayagii oo hal hal dhagax ku xiran yahay, markaas ayuu Rasuulku SCW calooshiisii
feydey mise labo dhagax baa ku xiran". Waxyaalihii goobtaa ka dhacay, oo aan la soo koobi karin, haddii aan wax ka soo qaadanno
dhinicii mucjisaadka iyo calaamooyinkii Nabinnimada. Waxa uu yiri Jaabir ibnu Cabdullaahi "waxaan arkay Rasuulka SCW oo gaajo
darani ka muuqato, markaas ayaan guriga tegey oo neef (ari ah) qalay, saac qamadi ahna xaaskaygii ayaan u geeyey oo ku iri
"u muufee Rasuulka Alle scw iyo dhowr nin oo soo raacda". Markii muufadii la dubey, hilibkiina bislaaday ayuu Jaabir Rasuulka
SCW hoos ula hadlay, markaas ayaa Rasuulku SCW u dhawaaqay wax Alle wixii godadka ku jirey oo dhan, markaas ayey ka cuneen
xeeradii hilibku jirey iyo xoogaagii muufada ahaa ilaa ay dhamaaantood ka wada dhergeen raashinkii oo weli sidiisi ah".
Sidoo kale gabar la dhalatay Nucmaan
binu Bashiir iyada oo timir yar u wadda aabbeheed iyo abtigeed ayey Rasuulka SCW soo martay, markaas ayuu intuu timirtii ka
qaaday u yeeray ciidankiii oo dhan, markaas ayey cuneen ilaa ay ka wada dhergeen timirtii oo intii ka badan.
Waxyaalihii kale ee meeshaa ka dhacay
oo muujinayey mucjisaadka Rasuulka SCW waxaa ka mid ahaa in Baraa' ibnu Caasim uu yiri "maalinkii Khandaq godadkii qaarkood
waxaa naga hor yimid dhagax aan loodin weyney, markaas ayaannu Rasuulka SCW u sheegnay, markii uu yimid ayuu "Bismillaah"
intuu yiri hal mar ku dhuftay dhagaxii, dhagaxii ayaa qayb ka jabtay, wuxuu markaas yiri "Allaahu Akbar waxaa la i siiyey
furayaashii Shaam, Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo hadda eegaya sarahoodii gudguduudnaa", markaas ayuu mar kale ku
dhuftay dhagaxii, qayb kale ayaa jabtay wuxuuna yiri "Allaahu Akbar waxaa la i siiyey furayaashii Faaris, Ilaah baan ku dhaartaye
waaba aniga oo hadda u jeeda sarahoodii cadcaddaa". Mar saddexaad ayuu ku dhuftay dhagaxii intuu "Bismillaahi" yiri, waxaa
markaas jabtay qaybtii dhagaxa ugu dambaysay, markaas ayuu yiri "Allaahu Akbar waxaa la i siiyey furayaashii Yaman, Ilaah
baan ku dhaartaye waaba aniga oo meeshan uga jeeda albaabadii Sanca".
Nimankii munaafaqiinta ahaa, ee afka
islaamka ka sheeganayey, markii ay maqleen hadalladaas Rasuulka SCW ayey dheheen "godad baannu qodanaynaa oo baqdin darteed
madaxa ayaannu kor u qaadi la'nahay, isna wuxuu noogu sheekeynayaa in aanu furan doonno dowladihii waweynaa ee Ruum iyo Faaris".
Hadii aan wax ka soo qaadanno khiddadii
muslimiinta, Madiina waxaa ku wareegsanaa buuro iyo beero dhinaca woqooyi maahane, sidaa darteed wuxuu Rasuulku SCW amray
in dhufeysyada laga qodo dhinacaas woqooyi, maxaa yeelay wuxuu ahaa dhinaca ugu daran ee Madiina looga imaan karayey. Ciidankii
msulimiintu waxa ay dhufeystka qodi jireen maalinkii, habeenkiina guryahooda ayey u hoyan jireen ilaa uu dhufeyskii ka dhammaaday,
ciidammadii gaaladuna ka yimaaddeen.
Ciidammadii gaalada, oo sidii aan
soo sheegnayba ahaa ciidammo aad u xoog badan , iskuna soo bahaystay in ay muslimiinta cirib tiraan, markii ay dadkii muslimiinta
ahaa arkeen waxa ay dheheen hadalka ay aayaddani tilmaantay: ((MARKAY MU'MINIINTU ARKEEN ASXAABTII WAXAY DHEHEEN KANI
WAA KII ALLE IYO RASUULKIISU NOO YABOOHEEN, ALLE IYO RASUULKIISUNA WAA RUN SHEEGEEN, UMANA SIYAADIN WAXAAN IIMAAN IKYO HOGAANSAMID
AHAYN)), (Suuratul-Axsaab 22).
Laakiin kuwii munaafaqiinta ahaa markii
ay arkeen ciidammada aadka u tirada badan ayaa waxaa ku dhacay cabsi iyo argagax, Allahna isaga oo ficilladoodii tilmaamaya
wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((MARKAY YIRAAHDEEN MUNAAFIQIINTII IYO KUWII QULUUBTA KA JIRANAA ALLE IYO RASUULKIISU SCW
WAXAN DHAGAR AHAYN NOOMA YABOOHIN)), (Suuratul-Axsaab 12).
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu diyaariyey
ciidammadiisii, wuxuuna la soo baxay ciiidan gaaraya 3,000 oo nin, waxayna tageen dhufeyskoodii, Shicaarka ciidanku wuxuu
maalinkaas ahaa (XAAMIIM LAA YUNSARUUN). Magaalada Madiina wuxuu Rasuulku SCW u xilsaaray Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.
Ciidankii qureysh oo ahaa 4,000 oo
qof wuxuu degey meesha la yiraahdo Majmuucul-Asyal oo ah dhinaca woqooyi ee Madiina, qabiilooyinkii reer Qadafaan oo gaarayey
6,000 waxay degeen dhinaca bari ee buurta Uxud. Ciidammadaasi markii ay arkeen khiddadii muslimiinta iyo dhufeyska ay qoteen
ayey la cajabeen waxayna dheheen "tani waa khiddad aysan carab hore u aqoonin", waxayna ku wareegaaleysteen dhufeyska hareerihiisii
iyaga oo raadinaya meel uu ka gaaban yahay oo ay ka geli karaan. Ciidankii muslimiintu wuxuu la socday dhaqdhaqaaqooda, wuxuuna
ku ganayey fallaaro. Ciidankii farooleyda qureyshtu wuxuu aad isugu hawlay meel uu godku karin gaabo ka leeyahay, wax ay ku
wareegaanba waxay markii dambe koox ka mid ihi heshay meel yar oo ciriiri ah. Kooxdaas waxaa ku jirey Camar binu Cabdi-wuddi,
Cikrama binu Abii-Jahal iyo Daraar binu Khadhaab. Waxaa markaa ka hor tegey kox muslimiin ah oo uu ku jirey Cali binu Abii-dhaalib,
markii meeshii la isugu tegeyna Camar binu Cabdi-wuddi, oo ka mid ahaa geesiyadii qureysh, ayaa dalbaday mubaaraso (wax u
soo baxa). Cali binu Abii-dhaalib ayaa markaas u soo baxay, intii aan foodda la is darin ayaa Cali la hadlay oo ku yiri "Camaro
waxa aad (hadda ka hor) Alle ballan uga qaadday in haddii nin qureysh ihi kuugu yeero labo arrimood midkood aad ka qaadanayso,
marka waxa aan kuugu yeerayaa Alle iyo Rasuulka SCW iyo islaamka". Camar wuxuu yiri "waxaas dan kama lihi", markaas ayaa Cali
ku yiri "waxa aan marka kuugu yeerayaa in aad soo degtid", Camar wuxuu yiri "sabab, walaalkey wiilkiisiiyow, Ilaah baan ku
dhaartaye ma jecli in aan ku dilo". Cali ayaa markaa ku yiri "laakiin Ilaah baan ku dhaartaye aniga ayaa jecel in aan ku dilo".
Markaas ayuu Camar xanaaqay oo faraskiisii boqno gooyey, wejigana seeeg uga dhuftay (si aysan baqdin u gelin). Ka dib foodda
ayaa la daray, muddo yar ka dibna Cali waa ka takhallusay ninkaas. Kooxdii la socotey markii ay arkeen waxa ku dhacay saaxiibkood
Camar iyo sida dhakhsaha leh oo loo diley ayey baqdeen oo cagaha wax ka dayeen ilaa uu ninkoodii khatarta ahaa ee Cikrama
binu Abii-Jahal ka cararay warankiisii.
Ciidammadii gaaladu waxay soo qaadeen
weerarro is dabajoog ah oo aad u daran hase yeeshee si fiican ayaa loo caabbiyey, iyadoo waxa lagu dagaallamayey ahaayeen
fallaaro iyo warmo, maxaa yeelay seefo laguma dagaallami karin oo labada ciidan god baa u dhexeeyey. Weerarradaasi waxa ay
sababeen in maalmaha qaarkood muslimiintii tukan kari waayaan, markarka qaarkoodna madaxa kor u qaadi waayaan. Saxiixeynku
waxa ayka wariyeen Jaabir binu Cabdullaahi in Cumar binu Khadhaab yimid isaga oo caayaya gaaladii querysheed wuxuu yiri "Rasuulkii
Allow ma karin in aan tukado (casar) ilaa ay qorraxdii ka dhacday", markaas ayaa Nabiga SCW yiri "aniguba ma tukan Ilaah baan
ku dhaartaye", markaas ayey isu raaceen meel la yiraahdo Budxaa oo ku weyso qaateen, casarkiina ku tukadeen markii qorraxdii
dhacday, dabadeedna maqribkii ayey tukadeen. Rasuulkuna SCW wuu habaaray gaaladaas, salaaddii ay ka tagsiiyeen darteed. Bukhaari
wuxuu ka weriyey Cali binu Abii-dhaalib in uu Rasuulku SCW yir i"Ilaah ha ka buuxiyo (gaalada) guryahooda iyo qubuurohooda
naar sida ay nooga mashquuliyeen Salaatu-Wusdhaa (Salaadda Cassar) ilaa ay qorraxdu ka dhacday. Sidoo kale Axmed binu Xanbal
iyo Shaafici waxay weriyeen in gaaladu maalintaa muslimiinta ka mashquuliyeen salaadihi duhur, casar, maqrib, iyo cishe, ka
dbna hal mar ayaa la wada tukaday.
Waqtigaas dadka muslimiinta ah ay
salaaduhu ka tegayeen wuxuu ahaa intii aan la jideyn Salaatul-Khawfka. Ka dib waxaa la jideeyey Salaatul-Khawfka oo uma bannaana
in ay salaad ka tagto qofka muslimka ah jihaad kasta oo uu ku jiro iyo xaalad kasta oo la soo derista illaa labo arrimood
maahane: Hilmaan iyo hurdo, iyagana markii uu qofku xusuusto ama tooso ayuu salaaddisii tukanayaa. Halkaas waxaa laga garanayaa
weynida salaadda iyo meesha ay islaamka ka joogto oo ah in aan marnaba la oggoleyn in qof muslim ah uu salaadda dayaco. Salaadduna
waa xiriirka ka dhexeeyea qofka iyo Rabbigiis, waan waxa kala sooca islaamka iyo gaalnimada sida ay nusuustu caddeysey.
Haddaba waxaa la yaab ah in salaaddii
sidaas ahayd, oo xitaa ninkii jihaadka ku jirey oo Ilaahay diintiisa u dagaallamayey in uu tukado la amray, ayaa maanta dad
badan oo muslimiin sheeganayaa fududeysteen oo markiii ay doonaanna tukanayaan markii ay doonaana iska dhaafayaan. Allaahna
isaga oo dadka noocaas ah ka hadlaya wuxuu qur'aankiiisa ku yiri: ((WAXAA HALAAG U SUGNAADAY KUWA TUKANAYE EE HADDANA
HILMAANSAN SALAADDOODA, DADKANA IS TUSA, UNA DIIDA (DARISKA) ALAABTA (ADEEGA AH)), (Suuratul-Maacuun 4-7).
Sidoo kale Allaah isaga oo ka hadlaya
markii dadkaas la geliyo naarta Saqaro ah wuxuu yiri: ((MARKII LAGU YIRAAHOD MAXA IDIN GALIYEY NAARTA SAQARA AH, WAXAY
DHAHAAN KAMA AANAAN MID AHAYN KUWA TUKADA)), (Suuratul-Muddathir 42-43)
Haddii aan Axaadiista Rasuulka SCW
oo salaadda ka hadashay wax ka soo qaadanno, wuxuu Rasuulku SCW yiri "annaga (muslimiinta) iyo iyaga (gaalada) salaadda ayaa
noo dhexeysa, qofkii ka tagana waa gaaloobey". Sidoo kale wuxuu Xadiis kale ku yiri "waxaa la i amray in aan dadka la dagaallamo
ilaa ay Allaah ka qiraan oo salaadda ka tukadaan, sakadana ka bixiyaan. Haddii ay sidaas sameeyaan way iga ilaaliyeen dhiigooda
iyo maalkooda xaqa islaamka maahane". Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu yiri "qofka waxa ugu horreeya ee qiyaamaha laga xisaabinayo
waxaa weeye salaadda. Haddii ay salaaddiisu wanaagsanaato, camlkiisa kalena waa wanaagsanaanayaa". Asxaabtii Rasuulka SCW
iyagoo salaadda ka hadlaya waxa ay dheheen "waqtigii Rasuulku SCW camal laga tago gaalnimo kuma aannan tirin jirin illaa salaadda
maahane". Haddaba nusuusta ku soo aruurtay ama ka hadashay mawduuca salaada iyo waxay cullimadu ka yiraahdeen haddii aan dhex
galno in aan ka hadalno aad ayey u dheeraanaysa, mowduuceennuna ma ahayn in aan salaadda ka hadalno eearrinta ayaa nal dhex
gashay sidaa darteed intaas ayaannu ku ekeyneynaa, qofkii u baahan mawduucan salaadda ah ha akhristo kutubada ay culimadu
ka qoreen salaadda.
Haddii aan dib ugu laabanno dagaalkii
Axsaab, si daran ayaa la isku dhaafsaday fallaaraha iyo warmaha iyo wixii la tuuri karo oo dhan maxaa yeelay sidii aan soo
sheegnayba seefo laguma dagaallami karin oo godkii ayaa u dhexeeya labada ciidan. Falaarahaa la is dhaafsanayey waxaa musimiinta
uga dhintay 6 nin, gaaladan 10 nin in kastoo hal ama labo ka mid ah (kuwa gaalada ) seef lagu diley.
Haddaba goor ay arrintu sidaas tahay
oo dagaal darani socda, ciidankii muslimiintuna u beer dhigeen 10,000 kun oo isa soo bahaysatay, iyadoo ay weliba gajadu u
sii dheer tahay, ayaa waxaa ku soo kordhay arrin kale oo aysan fileyn. Arrinkaas oo ahaa in qabiilkii yahuudda ahaa ee reer
banuu Qureyda oo Madiina wax ka degganaa uu ballantii ka baxay, dagaalna ku dhawaaqay, sababtuna waxa ay ahayd ninkii la oran
jirey Xuyey binu Akhdhab ee madaxda u ahaa yahuuddii reer banuu Nadiir ee Madiina laga saaray, kuna jirey labaatankii nin
ee ciidammadaan isu keentay, ayaa wuxuu u tegey odeygiii reer banuu Qureyda oo la oran jirey Kacab binu Asad. Kacab markii
uu gartay Xuyey ayuu albaabka ka xirtay maxaa yeelay wuu ogaa in uu san kheyr u wadin hase yeeshee Xuyey kama tegin oo wuu
ku celcelikyey ilaa uu markii dambe albaabkii ka furay oo uu lahadlay.
Xuyey markii albaabkii laga furey
oo uu soo galay ayuu yiri "Kacabow waxaan kuu wadaa samanka sharaftiisii, qureysh baan kuu keenay oo madaxdeedii iyo hoggaamiyayaasheedii
wadata ilaa aan soo dejiyey Majmacu-Asyal, sidoo kale waxaan kuu wadaa Qadafaan oo wadata madaxdeedii iyo hoggaamiyayaasheedii
ilaa aan soo dejiyey Uxud dhiniciisa. Waxayna iga ballan qaadeen oo ay iga gunteeen in aysan noqoneyn ilaa ay jirrid gooyaan
Maxammed iyo cidda raacsan". Kacab wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye waxaad iila timid samanka hoogiisii, war hooge Xuyey
iiga tag aniga iyo waxa aan ku sugnahay (heshiiska). Aniga Maxammed kama arag wax aan run iyo (ballan) oofin ka ahayn", hase
yeeshee Xuyey kama uusan suulin in uu ku celcelinayo ilaa uu weliba markii dambe ka qaaday ballan o ku yiri "haddii qureysh
iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo aan Maxammed waxba yelin waaan kuula gelayaa dhufeyska ilaa ay igu dhacaan wixii kugu dhaca".
Sidaa ayuu Kacab binu Asad ballankiii uga baxay, uuna ugu dhawaaqay dagaal uu muslimiinta uga soo horjeedo, isaga iyo qabiilkiisa
waxay xulafo la noqdeen gaaladii kale.
Warkaasi markii uu soo gaaray Rasuulka
SCW ayuu Rasuulku SCW si uu arrinkaas u hubsado wuxuu u direy dhowr nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa Raggaasi waxay kala ahaayeen:
Sacad binu Mucaad, Sacad binu Caubaada, Cabdullaahi binu Rawaaxa iyo Khawaat binu Jubeyr wuxuuna Rasuulku SCW ku yiri "baxa
oo soo fiirsha warka naga soo gaaray raggaas, ma sax baa mise ma aha. Haddii ay sax tahay dadka dhexdiisa ha iigu sheegginnina
ee ii baaqa, haddii ay oofiyeenna (ballantii) kor ugu sheega dadka". Nimankii markii ay u tageen yahuuddii reer banuu Qureyda
waxa ay kala soo kulmeen arrinkii xumaa oo weliba yahuuddii way soo caydey, waxayna muujisatay cadaawad waxayna tiri "annaga
iyo Maxammed wax ballan ihi nagama dhexeyso".
Raggii way soo noqdeen, markii ay
Rasuulka SCW u yimaaddeenna sidii ay isla ogaayeen ayey ugu baaqeen. Ugu dambayntii muslimiintii markii ay ogaadeen warkii
reer banuu Qureyda arrintii dhib ayey ku noqotay maxaa yeelay iyaga iyo reer banuu Qureyda wax u dhexeeya ma jirin oo magaalada
ayey wada degganaayeen, weliba waxay yahuuddu degganaayeen geeska ciidankii muslimiintu Madiina ka joogey maahane geeskiisa
kale, wax dumarkii iyo carruurtii ka difaacayeyna ma jirin, ciidanka muslimiintuna meeshan kama tegi karin, umana qaybsami
karin labada dhinac. Allaahna isagoo arrintaas tilmaamaya dhibteeda iyo wadciga ay muslimiintu ku jireen wuxuu yiri: ((XUSUUSTA
MARKAY IDIN KAGA YIMAADEEN KOR IYO HOOS OO AY INDHIHII IISHEEN QULUUBTUNA GAARTAY DHUUNTA OO AAD ALLE U MALAYSEEN MALOOYIN
(SIDII IN UUSAN IDIIN GAR GAARAY) HALKAASAA LAGU IMTIXAAMAY MU'MINIINTA, GILGILID DARANA LAGU GILGILAY)), (Suuratul-Axsaab
10-11).
Munaafaqiintii iyo wixii aan Ilaahay
ku kalsooneyn ee iimaankoodu daciifka aha waxaa ku dhacay baqdin iyo argagax, waxayna qaarkood yiraahdeen "Maxammed wuxuu
noo yabohay in aan ka cuni doonno keydadka Kisraa iyo Qeysar, axadkayana maanta kuma aamin aha naftiisa in uu aado bannaanka".
Sidoo kale argagaxoodii waxaa ka mid ahaa in ay meeshii joogi kari waayeen oo cudurdaarro been ah keenteen si ay goobta uga
baxsadaan, waxaana ka mid ahaa hadalladoodii "guryahayagii way af bannaan yihiin oo waxay xigaan dhinaca cadowga oo waannu
u baqaynaa ee na idan (in aad baxno)". Sidoo kale waxa ay yiraahdeen "Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay noo sheegayeen kedo uun
bay ahad iyo in aan halaagsanno". waxayna jeclaysteen in ay Madiina ka cararaan oo baadiyahaas dadka ka wareystaan dagaalka.
Allaahna isaga oo ficilladoodii tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((XUS MARKAY MUNAAFIQIINTU LAHAAYEEN
IYO KUWA QALBIGA KA JIRRAN ALLE IYO RASUULKIISU SCW WAX AAN KADO AHAYN NOOMA YABOOHIN, MARKAY LAHAYD KOOX IYAGA (MUNAAFIQIINTA)
KAMID AH REER YATHRIBOW MEEL AAD KU NAGAATAAN IDIINMA AHAANIN EE NOQDA (OO GOOBTA DAGAALKA KA SOO KACA), KOOX IYAGA KAMID
AHNA WAXAY IDAN WAYDIISANAYSAY NABIGA IYAGOO LEH GURYAHAYAGII WAA DAYACAN YIHIIN, MANA DAYACNAYN EE WAXAAN CARAR AHAYN MA
AYSAN DOONAYN, HADDII LOOGA SOO GALO (MADIINA) DHINACYADEEDA OO GAALNIMO LA WAYDIISTO (OO LA YIRAAHDO GAALOOBA) WAY LA IMAAN
LAHAAYEEN, KUMANA NAGAADEEN MADIINA WAX YAR MA AHANE, XAQIIQDIINA ALLAY HORAY ULA BALLAMEEN IN AYSAN DABADA JEEDIN, BALLANKA
ALLENA WAXA UU AHAADAY MID LA IS WAYDIIYO, WAXAAD DHAHDAA IDINMA ANFACAYO CARAR HADDII AAD KA CARARTAAN DHIMASHO AMA DIL,
HADDABA LA IDINKU RAAXAYN MAHAYO (ADDUUNKA) WAX YAR MA AHANE, WAXAAD DHAHDAA YAA IDINKA ILAALIN ALLE HADDUU XUMAAN IDINLA
DOONO AMA NAXARIIS, MA HELAYAAN ALLE SOKADII WALI IYO GARGAARE, XAQIIQDII ALLE WAA OG YAHAY KUWA REEBAYAALKA AH (CIIDANKA
TASHWISHKA KU FURAYA) OO IDINKA MIDKA AH, IYO KUWA KU LEH WALAALAHOOD (MUNAAFIQIINTA AH) NOO IMAADA, DAGALKANA MA YIMAADAAN
WAX YAR MOOYEE, WAA IDINKU BAKHAYL BADAN YIHIIN (MUNAAFIQIINTU), MARKAY CABSIDU TIMAADANA WAXAAD ARKAYSAA IYAGOO KU FIIRINAYA
OO INDHAHOODU WAREEGAYAAN SIDII KII LA MIYIR DABOOLAY EE DHIMANAYEY, MARKII CABSIDU TAKTANA WAXAY IDINKU DIIRANAYAAN CARRABO
AF BADAN, KHAYRKANA WAA IDIINKA BAKHAYLAYAAN, KUWAASI (XAQA) MA AYSAN RUMAYN ALLENA WAA HOOBIYEY CAMALKOODII, ARRINTAASINA
ALLE WAA U FUDUDAHAY, WAXAY U MALAYNAYAAN INAYSAN AXSAABTU TAGAYN, MARKII AY AXSAABTU (COLKU) YIMAADAANA WAXA AY JECEL YIHIIN
IN AY BAADIYAHA JIRAAN OO AY WARKIINA WARSADAAN, HADDAY IDINLA JOOGAANA MA AY DAGAALAMEEN WAX YAR MA AHANE)), (Suuratul-Axsaab
12-20).
Dhinicii muslimiinta oo ayagu ahaa
rah Ilaahay ku kalsoon, diintiisana u istaagay, mar walbana Ilaahay ka rajaynayey khayr iyo guul iyo in labada wanaagsan (shahiidnimo
iyo guul) midkood siiyo, waxa ay arrintaani u xiyaadisay iimaan iyo geesinnimo.
Rasuulku SCW markii uu arkay muslimiinta
iyo xaalada adag oo ay marayaan, haddii ay ahaan lahayd ciidammada aadka u badan ee har iyo habeen dul taagan ama yahuuddii
reer Madiina oo dagaal caddeysatay, heeganna ah oo qaqti kasta laga baqayo in ay dhabar jebin muslimiinta ku sameeyaan ama
xasuuqdo dumarka iyo carruurta iyo haddii ay ahaan lahayd munaafiqiintii oo intaa tashwiish ku ridaya ciidanka muslimiinta
iyo dhibka gaajada oo ay weliba dagaal ugu taagan yihiin maalin walba, ayuu wuxuu sameeyey in uu ciidankii dhiirrigeliyo,
uuna u sheego in aan Ilaahay hoojineyn, nasriga iyo guushana ay iyaga lahaan doonaa, wuxuuna yiri "Allaahu Akbar, muslimiineey
ku bishaaraysta fatxiga Alle iyo nasrigiisa", ka dibna wuxuu Rasuulku SCW bilaabay in uu khiddaad u dejiyo duruuftaas adag
oo ay muslimiintu marayaan, wuxuuna Madiina u direy ciidan dumarka iyo carruurta ka ilaaliya yahuudda.
Sidoo kale wuxuu sameeyey khiddad
uu doonayey in uu dagaalka uga saaro reer Qadafaan oo 6,000 gaarayey si uu yahuud iyo qureysh abaalkooda u marsiiyo. Khiddadaas
oo ahayd in uu la heshiiyo Cuyeyna binu Xusin iyo Xaarith binu Cawf oo reer Qadafaan madax u ahaa si ay dagaalka uga baxaan,
isaguna u siiyo timirta Madiina ka soo go'day sannadkaas saddex meelood meel ahaan, wuxuuna arrinkaas kala tashaday Sacad
binu Mucaad iyo Sacad binu Cubaada, waxayna dheheen "Rasuulkii Allow, haddii Ilaahay uu arrintaa ku amrayo waan maqalnay,
waanuna yeelnay. Hadiise ay tahay shey aad annaga (muslimiinta) noogu daneyneysid ma dooneyno maxaa yeelay waxa aannu ahaan
jirney annaga (Ansaar) iyo reerkaas (Qadafaan) kuwo Ilaahay u wada shariik yeela oo caabuda Asnaam, kumana aysan cunin mirahayaga
wax aan amaah iyo iiib ka ahayn, haddaba ma hadda oo Alle nagu karaameeyey islaamka oo uu nagu hanuuniyey, adigana nagu kaa
ciseeyey miyaan siineynaa xoolahayaga?, Ilaah baan ku dhaarannaye wax aan seef ahayn ma siineyno". Rasuulku SCW wuu yeelay
ra'yigoodii, wuxuuna yiri "waxay ahayd arrin aan idiin samaynayey markii aan arkay in carab oo dhan hal qaanso idin noqotay".
Ka dib waxay xaaladdu sidaa ahaataba
markii ay tagtay muddo ku dhow bil ayaa waxaa timid arrin uu Alle ku hoojiyey axsaabtii isa soo baheysatey, muslimiintana
uu uga kaafiyey dagaalkii. Arrinkaas wuxuu ahaa: Waxaa Rasuulka SCW u yimid nin reer Qadafaan ah oo la oran jirey Nuceym binu
Mascuud oo ka mid ahaa ciidankii Qadafaan. Wuxuu ninkaasi Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow waan soo islaamay, reerkayguna
ma oga islaamnimadayda ee marka i amar wixii aad doontid". Rasuulku SCW wuxuu yiri "hal nin keliya ayaad tahaye ee bal nooga
dhagar wixii aad doontid, dagaalku waa dhagare".
Nuceym wuu baxay wuxuuna u tegey yahuuddii
reer bannu Qureyda oo ay saaxiibbo ahaayeen, wuxuuna ku yiri "waad garanaysaan jacelka aan idiin hayo gaar ahaan waxa aniga
iyo idinka ka dhexeeyey", waxay yiraahdeen "waa runtaa". Nuceym ayaa markaas yiri "qureysh lama mid tihidin, magaaladani waa
magaaladiinnii, waxaana ku sugan maalkiinnii, dumarkiinnii iyo carruurtiinni, mana awooddaan in aad ka guurtaan. Qureysh iyo
Qadafaan waxa ay u yimaadeen dagaalka Maxammed iyo asxaabtiisa, idinkuna waad u kaalmeyseen; dhulkoodii, maalkoodii iyo dumarkoodiina
nabad bay ugu sugan yihiin, haddii ay guuleystaan waa u fursad haddii kalena waxay aadayaan dhulkoodii, wayna iskaga kiin
tegeyaan idinka iyo Maxammed, wuuna idinka aar gudan doonaa", waxay dheheen "maxaa samaynaa, Nuceymow?", wuxuu yiri "dagaalka
ha la gelina ilaa ay Rahan idiin keenaan", waxay dheheen "Xaqiiqdii taladii waad ishaartay".
Nuceym wuxuu haddana aaday qureysh
wuxuuna ku yiri "qureysheey waad i tagaanniin jaceylka aan idiin hayo iyo sida aan idiinla taliyo", waxay dheheen "haa", wuxuu
markaas yiri "yahuuddu waxay ka qoomameysey wixii ay samaysay oo ahaa ballantii ay Maxammed iyo asxaabtiisa kula jireen oo
ay buriyeen, waxayna Maxammed u fareen in ay Rahan ragga qureysh ugu akhyaarsan ah u keeni doonaan. Marka haddii ay rahan
idin weydiiyaan ha siinina". Ugu dambayntii wuxuu Nuceym u tegey reerkiisii Qadafaan oo ku yiri intii uu qureysh ku yiri oo
kale.
Xaaladdu markii ay halkaas marayso
ayaa habeen Sabti ah bishii Shawaa, sannadkii 5aad ee hijriga, waxay qureysh iyo Qadafaan u cid diren yahuuddii reer banuu
Qureyda, waxayna ku dheheen "annagu dhulkaygii ma joogno, xoolihii aan wadanayna way nooga baab'een ee soo dhaqaaqa aan Maxammed
la dagaalannee oo dabar goynnee". Yahuuddii waxa ay ku soo jawaabeen "horta maalin Sabti ah annagu ma dagaalanno o waad og
tihiin wixii ku dhacay kuwii naga horreeyey markii ay gefka la yimaadeen. Haddana iyadoo ay taasi jirto idinla dagaal geli
mayno ilaa aad Rahan noo soo dirtaan".
Qureysh iyo Qadafaan markii ay maqleen
jawaabtaas yahuudda ayey yiraahdeen "Ilaah baan ku dhaaranaye Nuceym run buu noo sheegay". Ka dibna yahuuddii waxay ku dheheen
"annagu Ilaah baan ku dhaarannaye in aannaan qof idiin soo direyn ee soo baxa dagaalka nala gala" hase yeeshee yahuuddii reer
banuu Qureyda markii ay aragtay in Qureysh iyo Qadafaan rahantii diideen ayey isku yiraahdeen "Ilaah baan ku dharannaye run
buu idiin sheegay Nuceym", sidaas ayaa markaa labadii qolo u kala shakiday, Ilaahayna dhexdooda ugu riday kala tag iyo caro.
Dadkii muslimiinta ahaa Allaah ayey
baryayeen mar walba, waxaana ducooyinkoodii ka mid ahaa "Allahayow cawradayada astur aamminna ka yeel ilaaliyayaashayada".
Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu baryayey Rabbigiis, waxaana ducooyinkisii ka mid ahaa "Allaha kitaabka soo dejiyey xisaabtiisuna
degdegga badantahayow jebi axsaabta, Allow jebi oo nooga gargaar". Allaah wuu ka aqbalay Rasuulka SCW iyo muslimiinta baryadoodii,
wuxuuna keenay nasrigiisii iyo gargaarkiisii, wuxuuna gaaladii oo uu awalba isku diray oo kala jabtay u keenay dabayl aad
u daran, dabayshaas oo dharyihii ka daadisay, dhistiina ka dumisay, una diidday xasillooni, quluubtoodana wuxuu ku riday cabsi
iyo argagax. Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri: ((DADKA MU'MINIINTA AHOW XUSUUSTA NIMCADUU ALLE IDIIN GALAY
MARKAY CIIDAMMADU IDIIN YIMAADEEN OO AAN KU DIRNAY DABAYL IYO CIIDAMO AYDAAN ARKAYN, ALLENA WAXAAD CAMAL SAMAYNAYSAAN WUU
ARKAA)), (Suuratu-Axsaab 9).
Rasuulku SCW habeenkii dabaysha iyo
qabowga darani dhacayey direy Xudeyfa binu Yamaam, wuxuuna ku yiri "soo fiiri oo warkooda noo keen, waxna ha samaynin". Xudeyfa
markii uu u tegey wuxuu arkay dabasha Alle ku salliday iyo xaalada ay ku jiraan iyo in aysan u ekeyn dad meesha sii deggenaan
kara, wax ayar ka dibna hoggaamiyahoodii Abuu Sufyaan ayaa ciidankii isugu yeeray, Xudeyfana ciidankii ayuu dhex galay. Abuu
Sufyaan oo ahaa nin ku dheereeyey arrimaha militariga iyo hawlaha dagaalka ayaa markii uu ciidankii isugu yeeray wuxuu ku
yiri "nin walbow ninka kugu xiga iska hubso oo gacanta qabo", markaas ayuu Xuudeyfa kala hormaray ninkii ku xigey oo ganta
qabtay kuna yiri "kumaad tahay?", markaas ayuu isku sheegay. Ka dibna Abuu Sufyaan wuu hadlay oo wuxuu ciidankii u sheegay
in aysan meesha deggenaan karin oo ay ku rafaadeen, hadday noqoto dabaysha iyo qabowga iyo hadday noqoto muddada dheer ay
meesha joogeen. Dabadeedna wuxuu yiri "ha la guuro anigu waan guurayaaye".
Xudeyfa wuxuu ku soo laabtay Rasuulka
SCW oo tukanaya, markaas ayuu Rasuulku SCW maro weyn oo uu ku tukanayey dhinac ka huwiyey maxaa yeelay qabow daran ayaa dhacayey,
ka dibna markii uu Rasuulku SCW salaaddii dhammaystay ayuu khabarkoodi u sheegay iyo in ay guureen. Ka dib waxay Rasuulkii
SCW iyo muslimiintii waaberiisteen iyaga oo uu Alle u gargaaray oo uu ku xoojiyey ciidammadiisa, ciidammadii isa soo bahaystayna
keligiis (Allaah) ayaa jebiyey oo ku celiyey caradoodii iyaga oo aan wax faa'iido ah gaarin. Allaahna isaga oo tilmaamaya
faa'iido darrada ku dhacday gaalada iy sida uu muslimiinta uga kaafiyey dagalka wuxuu yiri: ((ALLE WAXA UU KU CELIYEY
KUWII GAALOOBAY CARADOODII IYAGOON WAX KHAYR AH GAARIN, ALLENA WUU KA KAAFIYEY MU'MINIINTII DAGAALKA, ALLENA WAXA UU AHAADAY
MID AWOOD LEH O QAALIB AH)), (Suuratul-Axsaab 25).
Duullaankan Axsaab oo dhacay bishii
Shawaal, sannadkii 5aad ee hijriga, waxaa la is dul fadhiyey muddo gaareysa hal bil. Culimada qaarkood waxa ay yiraahdeen
duullaankan Axsaab ma ahayn mid muslimiinta khasaare ugu sugnaa ee wuxuu aha mid ay faa'iido ugu jirtay. Faa'iidooyinkaas
waxaa ka mid ah: isaga oo ahaa duullaankii ugu xoogga badnaa ee Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa lagu soo qaado, haddana Allaah
muslimiinti wax kuma yeelin, gaaladiina iyaga oo bil dhan joogey oo aan waxba u hirgelin balse khasaare ayey la noqdeen. Sidoo
kale gaaladii waxay ogaatay in haddii carab iyo yahuud isugu tagto muslimiinta aysan waxba ka qaadi karin maxaa yeelay iyaga
oo intaas oo ciidan ah watay yahuuddii Madiina deggenaydna raacday, ayey waxba geysay kari waayeen, ciidan intaas ka badanna
ma aysan ururin karin.
Sidoo darteed duullaankani wuxuu
ahaa kii ugu dambeeyey ee Madiina lagu soo qaado, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri isaga oo arrinkaa ishaaraya "hadda (ka dib) annaga
ayaa ku duuleyna, naguma soo duuli doonaan". Ninkii la oran jirey Sacad binu Mucaad, oo ahaa odeygii Ansaar, gaar ahaanna
reer Aws, kana mid ahaa raggii uu Rasuulku SCW aadka ula tashan jirey aanna soo marnay mowqifyadiisii iyo sidii Alle diintiisa
ugu ciseeyey ayaa fallaarihii la is dhaafsanayey ka dhaawaceen lawga, waxaana dhaawacay nin qureysh ka mid ahaa oo la oran
jirey Xibbaan binu Curqa. Markaas ayuu Sacad Ilaahay baryey oo yiri "Allahayow waad og tahay in uusan jirin axad iga jecel
in aan dartaa ula jihaado dad beeniyey Rasuulkaagii oo saaray, Allahayow waxaan malaynayaa in aad joojisey dagaalkii (axsaab
ee ka dhex socday) annaga iyo iyaga (qureysh), haddii uuu haddaba baaqi yahay dagaal qureysh lala geli doono i baaqi yeel
ilaa aan daraadda ula jihaado, haddii aad dhammaysayna i burqi dhiigga oo ka yeel dhimashadayda (isaga oo jecel in uu shahiido)".
Sidoo kale Sacad wuxu Alle ka baryey in uusan dhiman ilaa uu ka arko waxa reer banuu Qureyda lagu sameeyo iyo ciribtooda.
Ka dib Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waxay ku laabteen Madiina, waxaana duullaankan Axsaab ka hadashay Suuratul-Axsaab.
DUULLAANKII REER BANII QUREYDA
DUULLAANKII REER BANII QUREYDA
Isla maalinkii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo laabteen Axsaab
oo ay guryahoodii yimaadeen ayaa Malaku Jabriil u yimid Rasuulka SCW oo ku qubeysanaya gurigiisii Ummu Salama. Jibriil ayaa
markaas ku yiri "hubkiinnii miyaad dhigteen, malaa'igtu weli hubkoodii ma dhigine?", waxaanna hadda u soo laabtay raadin aan
raadinayo ee u soo baxa adiga iyo wixii kula socda reer banuu Qureyda, aniguna waan kaa sii hormarayaa oo waxaan quluubtooda
ku ridayaa argagax, waxaanna gilgilayaa dhufeyskooda". Wuxuu markaa Rasuulku SCW amar ku bixiyey in si degdeg ah loogu baxo
reer banii Qureyda, wuxuu yiri "qofkii Alle iyo malaalinka aakhiro rumeeyey yuusan casarka ku tukan meel aan reer banii Qureyda
ahayn, calankii muslimiintana wuxuu u dhiibay Cali binuu Abii-dhaalib oo faray in uu sii hormaro, Madiinana wuxuu u xilsaaray
Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.
Ciidankii muslimiinta oo (hal bil) dhufeys ku jirey ayna ka muuqato
daal, gaajo iyo rafaad, markaasna guryahoodii yimid oo aan weli nasan, ayaa markii ay maqleen dhawaqii jihaadka iyo amarkii
Rasuulka SCW hal mar yaacay, iyaga oo aan u aabba yeelin dhib kasta oo ay ku jireen, dantoodii khaaska ahaydna ka doortay
dantii guud ee islaamka. Taasina waxay ku tusineysaa sida iimaanku quluubtooda u buuxiyey, har iyo habeenna ay heegan ugu
ahaayeen uguna taagnaayeen diita Rabbi iyo u jihaadka kalimaddiisa in ay kor noqoto.
Asxaabtii markii ay bexeen oo ay dhex sii marayaan, iyaga oo aan
weli reer banuu Qureyda gaarin ayaa salaaddii Casar u soo gashay, markaas ayaa qaarkood dheheen "aan tukano", qaarkii kalena
yiri "tukan mayno ilaa aan gaarno reer banii Qureyda maxaa yeelay Rasuulku SCW wuxuu na amray in aannaan ku tukan meel ka
sokeysa reer banuu Qureyda guryohooda". Markaas ayey kuwii hore dheheen "Rasuulku SCW ulama jeedin arrinka sidaas ee
wuxuu ula jeeday in aan degdeg ku baxno". Sidaas ayey markaa isku khilaafeen oo qolona dhexda ugu tukatay, qoladii kalena
tukadeen markii ay gaareen meeshii reer banuu Qureyda. Rasuulkuna SCW markii loo sheegay labadii qolo midna wax ma dhihin
oo wuxuu u sugay in ay labaduba sax yihiin maxaa yeelay mid walbaba wuxuu fuliyey sidii uu amarkii Rasuulka SCW ka fahmay.
Culimada fuqahadu waxay ka hadlaan Labada qolo kii sii saxsanaa,
qolo waxay tiri "waxaa sii saxsanaa kuwii salaadda dib dhigay maxaa yeelay amarkii Rasuulka SCW ayuu siduu u ahaa u fuliyeen
ta ta'wiilkiina way iska daayeen", qoloda kalena waxay tiri "kuwii dariiqa ku tukaday ayaa sii saxsanaa maxaa yeelay salaaddii
ayey wakhtigeedii ku tukadeen amarkii Rasuulka SCW ee bixitaanka ahaana way fuliyeen sidii uu Rasuulku SCW ula jeeday ayeyna
u fahmeen, kuwaanaana faqiihsanaa, labadii ajarna way wada kulan sadeen". Calaa kuli xaal labada qoloba waa sax siduu Rusuulku
SCW u sugay. Arrintaani waxay ka mid tahay meelaha laga qaato khilaafka furuuciga ah ee culimadu isku khilaafaan in uusan
dhib lahayn haddii aan nas cad la khilaafayn, Rasuulkuna SCW wuxuu xadiis ku yiri "haddii ninka xaakimka ihi dadaalo oo uu
asiibo labo ajar ayuu leeyahay, haddii uu gefana hal ajar".
Ciidankii ugu horreeyey ee gaara degaankii reer banuu Qureyda waxaa
ka mid ahaa Cali Abii-dhaalib, oo waday calankii muslimiinta, Rasuulkuna SCW hore usii direy. Markii uu Cali meeshii tegey
ayuu maqlay cay daran oo ay yahuuddu caayayaan Rasuulka SCW, markaas ayuu u adkeysan waayey oo meeshii ka soo noqday, wuxuuna
ka hor yimid Rasuulka SCW oo la socda ciidankii dambe, markaas ayuu ku yiri "Rasuulku Allow ha tegin meeshaas way caytamayaane".
Rasuulku SCW wuxuu yiri "iska daa haddii aan u tago ma caytami doonaane", markii uu u tegey oo ay arkeen ayey caydii joojiyeen
oo baryootameen. Rasuulku SCW ciidankii uu watay wuxuu ahaa 3,000, waxayna wateen 30 faras. Wuxuu Rasuulku SCW hareereeyey
yahuuddii, iyagiina waxay galeen dhufeysyadoodii. Muddo markii ay ku jireen oo ay rafaadeen ayaa ninkii madaxda u ahaa oo
la oran jirey Kacab binu Asay wuxuu u soo jeediyey dadkiisii saddex fikradood:
Arrinta koowaad wuxuu yiri "Islaama oo gala diinta Maxammed, dhiiggiina,
maalkiinna, carruurtiinna iyo dumarkiinnuba aammin bay noqonayaane, Ilaah baan ku dhaartaye way idiin caddahay in uu yahay
nabi la soo direy, waana kii aad ka helayseen (ku yaalay) kitaabkiinna dhexdiisa". Waxay dheheen "Tawreet ka tegi mayn".
Wuxuu markaas yiri "haddii aad taas diiddeen laaya carruurtiinna
iyo dumarkiinna, ka dibna idinka oo seefihiinna keliya wata dagaalka gala ilaa aad kan idiinku dambeeyaa uu dhinto, haddii
la idinka guuleysto dumar iyo carruur aad u baqaysaan oo la idinka helayo ma jiraan, haddii aad guuleysataanna dumar iyo carruur
waayi meysaan". Waxay dheheen "ma dumarkayaga iyo carruurtayada ayaan gacantayada ku dilnaa, ma jirto taasi".
Wuxuu ugu dambayntii ku yiri "haddii aad taasna diiddeen berri
waa Sabti, Maxammed iyo asxaabtiisuna way is dhiganayaan oo waxay og yihiin in aannaan Sabtida dagaallamin, marka aan weerar
ku qaadno", waxay dheheen "ma Sabti baannu dagaallanaa?, yeeli mayno".
Kacab binu Asad markii uu saddexdaa talo keenay oo ay ku diideen
ayuu isaga oo careysan wuxuu ku yiri "nin idinka mid ihi ma baryin habeen samanka ka mid ah isaga oo go'aan leh, laga soo
bilaabo markii ay hooyadiis dhashay".
Muddo markii ay yahuuddii meeshii ku jireen oo ay ku rafaadeen,
kana bixi waayeen ayey Rasuulka SCW u soo fareen in uu u soo diro Abaa Lubaaba si ay ula tashadaan maxaa yeelay Abaa Lubaaba
xiliif ayuu la ahaa, wuxuuna degganaa aaggooda. Rasuulka SCW wuu ka yeelay oo wuu u diray Abaa Lubaaba. Markii uu Abaa Lubaaba
u tegey ayaa raggii u istaageen, dumarkii iyo carruurtiina ku soo yaaceen iyaga oo ku hor ooyaya, waxayna dheheen Abaa Lubaaba
"ma aragtaa in aan isu dhiibno xukunka Maxammed?", wuxuu yiri "haah", waxay dheheen muxuu nagu samaynayaa, wuxuu gacantiisa
ku ishaaray dhuuntiisa oo u sheegay in la gowracayo, markaas ayuu xasuustay in uu Alle iyo Rasuulkiisii khayaanay oo bixiyey
sirtii muslimiinta. Orad ayuu markaa is xaabiyey oo Rasuulkii SCW iyo muslimiintii kuma uusan leexane wuxuu toos u tegey masaajidkii
Rasuulka SCW, wuxuuna isku xirey tiir ka mid ahaa tiirarka masaajidka, wuxuuna ku dhaartay in uusan iska fureynin ilaa uu
Rasuulku SCW gacantiisa uga furo, sidoo kale wuxuu ku dhaartay dhulkii reer banuu Qureyda oo dambigaasu uga dhacay in uusan
dib dambe u tegin.
Markii Rasuulka SCW loo sheegay arrinkii Abaa Lubaaba wuxuu yiri
"haddii uu ii imaan lahaa waan u dembi dhaaf weydiin lahaa, laakiin haddii uu isagu sidaa isku sameeyey ka furi maayo ilaa
Ilaahay uu ka toobad aqbalo". Arrinkaan iyo kuwo la mid ah waxaa laga qaadanayaa sida asxaabtii Rasuulka SCW haddii uu gef
ka dhaco uu dhulku ugu ciriiriyoon jirey, Rusuulka SCW wuxuu xadiis ku caddeeyey in haddii qofka mu'minka ah gef ka dhaco
uu buur ku soo dhacaysa kala weyn yahay, laakiin haddii uu munaafaqa dambi ka dhaco uu diqsi hortiisa maray kala fudud
yahay.
Nimankii reer banuu Qureyda wuxuu Ilaahay ku riday cabsi iyo argagax,
Allaahna garabkooda ayuu ka baxay, ciddii Allaah garabkooda ka baxana wax u gargaari kara ma jiraan. Reer banuu Qureyda iyaga
oo awooday in ay muddo dheer dhufeyska ku jiraan ama ay dagaallamaan oo ciidan iyo hubba heystey, ayaa Alle ku riday cabsi
iyo badin waxayna isu dhiibeen xukunka Alle iyo Rasuulkiisa SCW.
Rasuulku SCW markii ay is dhiibeen wuxuu amray in raggooda la xirxiro,
dumarkoda iyo carruurtoodana laga fogeeyo goobta. Raggii iyaga oo xirxiran ayaa guri lagu xareeeyey, waxaa markaa Rasuulka
SCW u yimid rag asxaabta ka mid ah oo u dhashay reer Aws, oo ay reer banuu Qureyda xulufo ahaan jireen (islaamka ka hor) waxayna
Rasuulka SCW ku dheheen "Rasuulkii Allow yahuuddii hore ee reer Qaynuqaac waa tii aad iska deysey markii ay walaalahaya Khasraj
oo ay xulufo ahaan jireen kaala hadleen, annagana (Aws) kuwan baa xulufadayada ahaan jirey ee wanaaji", wuxuu Rasuulku SCW
yiri "ma ku raalli noqoneysaan in uu xukumo nin idinka mid ah (Aws)?", waxay dheheen "waa ku raalli noqoneynaa", wuxuu yiri
"waa Sacad binu Mucaad", waxay dheheen "raalli baanu ku nahay".
Wuxuu markaa Rasuulku SCW u cid diray Sacad binu Mucaad, dameer
ayaa markaas la soo saaray Sacad. Markii la keenay ayaa rag reer Aws ihi dhinacyada ka galeen iyaga oo leh "Sacadow wanaaji
xulufadaadii, Rasuulku SCW wuxuu kaaga xaakim yeelay in aad wanaajiso", hase yeeshee Sacad uma jawaabin laakiin markii ay
hadalkii ka badiyeen ayuu ku yiri "Alle dartiis uga biqi maayo nin dagaallamaya dagaalkiis". Ka dib markii Sacad soo
gaaray meeshii uu Rasuulku SCW joogey ayaa Rasuulku SCW yiri "u istaaga sayidkiinna", dabadeed markii dameerkii laga soo dejiyey
ayaa lagu yiri "Sacad kuwani waxa ay sugayaan xukunkaaga", markaas ayuu yiri "xukunkeygu ma ku fulayaa?", waxa la yiri "haa",
wuxuu yiri "muslimiintuna ma fulinayaan?", waxay dheheen "haa", markaas ayuu haddana tilmaamay Rasuulka SCW in uu fulinayo,
Rasuulkuna SCW "haa" ayuu yiri. Sacad ayaa markaa xukumay, wuxuuna ku xukumay in raggooda la laayo, maatadooda iyo maalkoodana
lala wareego. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri "Waxaad ku xukuntay xukunkii uu Alle ku xukumay".
Sacad binu Mucaad wuxuu acdaa'daa Alle ku xukumay xukunkaas aadka
u wanaagsan oo caddaaladda badan, kaas oo waafaqay kii Alle, waxaana acdaa'daa la mariyey abaalkoodii maxaa yeelay waxa ay
xiqdi iyo xaasidnimo darteed u beeniyeen Rasuulkii Alle SCW iyaga oo og, kitaabkoodana loogu sheegay, waxayna la dhinactameen
Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxayna ka bexeen ballantii Alle iyo Rasuulkiisa SCW ay la galeen weliba markii ugu xumeyd iyaga
oo caddeystay dagaal oo rabay in Ilaahay nuurkiisa ay damiyaan. Waxay intaas islaamka iyo muslimiinta u maleegayeen makri,
waxayna muslimiinta u diyaarsadeen hub gaaray 1,500 oo seefood, 2,000 oo waran, 300 oo canbuur bireed iyo 500 oo gaashaan.
Hubkaas iyo xoolohooddii oo dhanba wuxuu Alle ku wareejiyey Rasuulkiisa SCW.
Markii la xukumay ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in raggooda lagu
xereeyo daar lahayd haween reer banii Najaar ah, suuqii Madiina agtiisa waxaa looga qoday godad, ka dibna inta la soo bixiyo
oo goddadka la dul geeyo ayaa qoorta loo dheereynayey. Markii shaqadii iyo dilkii lagu bilaabay ayey odeygoodii Kacab binu
Asad ku dheheen "xaggee na loo wadaa?", markaas ayuu ku yiri "weli wax ma fahmaysaan miyaa, miyeydaan u jeedn qofkii lala
baxo in uusan soo laabanayn, Ilaah baan ku dhaartaye waa dilniin".
Waxaa raggaas reer banuu Qureyda ee la leynayey ku jirey sheydaankii
reer banuu Nadiir oo ahaa ninkii ka dambeeyey soona abaabulay duullaankii Axsaab, lana oran jirey Xuyey binu Akhdhab, wuxuuna
ninkaasi dhalay gabar Rasuulka SCW xaaskiisa ka mid ahayd oo la oran jirey Safiya bintu Xuyey oo uu guursaday sannadkii 7aad
ee hijriga. Wuxuuna ninkaas Xuyey dhufeyska kula jirey reer banuu Qureyda maxaa yeelay waa tuu awal ballanta ku qaaday in
uu Kacab dhufeyska la geli doono haddii ay Qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo aan Rasuulka SCW waxba gaarsiin. Sidaa darteed
isaga oo fulinaya ballantaas ayuu dhufeyska la galay. Markii la soo bixiyey isaga oo qaba jaakad uu meel walba ka jeex jeexay
si aan muslimiintu ugu intifaacin, gamihiisa iyo qoortiisuna isku xiray yihiin, ayuu Rasuulka SCW la hadlay oo ku yiri "Alle
ayaan ku dhaartaye naftayda kuma dagaalayo la colleytankaaga, laakiin qofkii Alle guusha siiyo ayaa guuleysanaya", wuxuu misna
la hadlay dadkii oo ku yiri "dadow dhib ma leh amarka Alle, waana qoraal iyo qaddar iyo imtixaan uu Alle u qoray reer banii
Israa'iil". Ka dib quu fadhiistay oo qoorta ayaa loo dheereeyey, sidaas ayaana loo wada laayey raggii reer banuu Qureyda,
waxayna tiradoodu u dhexeysay 600 ilaa 700 oo nin oo ahaa raggii qaangaaray, wuxuuna Rasuulku SCW amray in la dilo wiilkii
ay timaha hoose u soo bexeen, kii aysan u soo bixinna la iska daayo. Waxaana raggii aysan u soo bixin oo la iska daayey ka
mid ahaa Cadiyatul Quradi oo ka dib soo islaamay. Dumarkii reer banuu Qureyda waxaa laga diley hal naag, iyadana waxaa loo
qisaasay nin muslimiinta ka mid ahaa oo ay dhagax ku soo duurtay ka dibna dhintay. Ninkaas waxaa la oran jirey Khilaad binu
Suweyd.
Waxaa reer banuu Qureyda ka islaamay intii aysan is dhiibin koox,
kuwaas oo loo daayey maalkoodii iyo carruurtoodii. Sidoo kale waxaa habeenkii ka baxay nin la oran jirey Camar oo ahaa nin
aan ka qayb gelin dhagartii iyo ballan jebintii yahuudda, markaas ayaa waxaa arkay Maxammed binu Maslama oo Rasuulku SCW madax
uga dhigay ciidankii ilaalinayey markaas ayuu iska daayey meel uu ninkaasi aadeyna lama yaqaan.
Rasuulku SCW intaa ka dib maalkoodii ayuu asxaabtii u qaybiyey
markii uu ka bixiyey Khumuskii, wuxuuna u kala siiyey sidan: ninkii faras watey saddex saami ayuu siiyey, kii aan wadanna
hal saami ayuu siiyey. Arrinkaasna xikmadda ku jirta waxay ahayd dhiirrigelin lagu dhiirrigelinayo in ay fardo gataan si ay
ugu xoogeystaan jihaadka maxaa yeelay waxa ay farduhu waagaasi joogeen booska ay maanta diyaaraduhu u joogaan ciidammada.
Rasuulku SCW wuxuu maatadoodii u dhiibay koox uu madax u yahay Sacad binu Seyd Al-ansaari si uu u geeyo dhulka Najdi oo uu
ugu soo beddelo fardo iyo hub.
Duullaanka reer banuu Qureyda waxaa muslimiinta uga dhintay oo
ay yahuuddu dileen ninkii ay haweeneydu ka dishay. Waxa kale oo muslimiinta intii ay ku hareereysnaayeen banuu Qureyda ka
dhintay nin la oran jirey abuu Sinaan binu Muxsin.
Markii arrintii reer banuu Qureyda ay dhammaatay oo Madiina lagu
laabtay ayaa Sacad binu Mucaad dhaawicii ku soo kacay, Rasuulkuna SCW Khaymad ayuu masaajidka dhexdiisa uga dhisay si uu had
iyo jeer u soo booqdo, ka dibna dhiiggii ayaa burqaday ilaa uu ka dhintay. Sacad Alle wuxuu u aqbalay ducadiisii uu ka baryey
markii nabarku ku dhacay. Sacad oo ahaa nin islaamka boos weyn u joogay waxa ay saxiixaynku ka weriyey Jaabir ibnu Cabdullaahi
in Rasuulku SCW yiri "Carshigii Raxmaanka ayaa u ruxmay geerida Sacad binu Mucaad". Sidoo kale Tarmadi wuxuu weriyey
in Anas binu Maalik yiri "markii la qaaday janaasadii Sacad binu Mucaad ayey munaafiqiintii dheheen "maxaa fududeeyey janaasadiisa?"
markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "malaa'igta ayaa xambaarsanayd".
Ninkii ahaa Abaa Lubaaba wuxuu tiirkii masaajidka ku xirnaa lix
habeen, xaaskisa ayaana cuntada u keneysey, una fureysay salaadaha iyo bannaankaba. Markii Rasuulku SCW soo laabtay ayaa waqtiga
suxuurta Ilaahay tawbaddiisii ku soo dejiyey Rasuulka SCW oo jooga guriga xaaskiisa Ummu Salama, markaas ayey Ummu Salama
qowladdeedii horteedii inta ay istaagtay tiri "Abaa Lubaabow bishaareyso Ilaah waa kaa tawbad aqbalaye". Asxaabtii masaajidka
joogtay ayaa ku yaacay si ay xariga uga furaan hase yeeshee wuu diidey in cid aan Rasuulka SCW ahayn furto". Markii uu Rasuulku
SCW salaaddi subax yimid ayuu ka furay.
Duullaankan reer banuu Qureyda wuxuu dhacay bishii Dulqacda, sannadkii
5aad ee hijriga, waxaana la dul deggenaa oo lagu hareereysnaa 25 habeen. Allaahna isaga oo si kooban uga hadlaya qisadan reer
banuu Qureyda wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((KUWII U KAALMEEYEY (GAALADA) EE EHELU KITAABKA AHAA, WUXUU KASOO
DAJIYEY (KASOO SAARAY) DHUFEYSYADOODII, WUXUUNA QULUUBTOODA KU RIDAY ARGAGAX, QAARNA WAAD DISHEEN QAARNA WAAD QAFAALATEEN,
WUXUUNA IDIN DHAXALSIIYEY DHULKOODII, GURYAHOODII, MAALKOODII IYO DHUL AYDAAN TAGIN, ALLENA WAXA UU AHAADAY SHAY WALBA KII
AWOODA)), (Suuratul-Axsaab 26-27).
DILITAANKII ABUU RAAFIC
Markii arrinkii reer banuu Qureyda dhammaaday ayaa niman asxaabta
ka mid ahaa oo reer Khasraj ahaa Rasuulka SCW u soo jeediyeen in ay soo dilaan nin la oren jirey Salaam binu Abil-xaqiiq,
kunyadiisana la oran jirey Abuu Raafic, oo ka mid ahaa mujrimiintii ugu waaweynaa yahuudda, degganaana Khaybar, qayb weynna
ka qaatay abaabulkii duullaankii Axsaab, maal badanna ku bixiyey, islaamkana aad u dhibay.
Iyadoo hore loo diley mujrimkii kale ee Kacab binu Ashraf, asxaabtii
disheyna ay wada ahaayeen reer Aws ayaa markii ninkaas dhibtiisa la arkay rag asxaabta ka mid ah oo reer Khasraj ihi waxay
Rasuulka ka dalbadeen in ay soo dilaan kan, iyaga oo raba in ay khayrka kula tartamaan walaalohood Aws, Rasuulkuna SCW wuu
u idmay in ay soo dilaan, wuxuuna ka reebay in ay dumar iyo carruur dilaan. Waxaa markaas baxday shan nin oo reer Khasraj
ah oo uu madax u yahay Cabdullaahi binu Cuteyk. Markii ay tageen Khaybar oo ay u dhowaadeen qalcaddii uu degganaa Abuu Raafic
oo aad u albaabbo badnayd, waardiye adagna laga hayey, ayey sugeen ilaa ay qorraxdu ka dhacdo. Markii ay qorraxdii dhacday
dadkii shaqaalaha ahaana ay soo carraabayeen, ayuu Cabdullaahi binu Cuteyk raggiisii ku yiri "meeshan sii jooga, albaabbada
ayaan aadayaaye, waxaana la arkaa in aan galo". Cabdullaahi meeshii ayuu tegey oo u dhowaaday, ka dibna wuxuu iska dhigay
nin dadka meesha ka mid ah oo albaabkii buu galay, dabadeedna albaabkii waa la xiray furayaashiina meel ayaa la saaray.
Cabdullaahi wuxuu yiri "furayaashii ayaan qaatay ka dibna albaabbadii
baan furey, Abuu Raaficna qowlad kore ayuu joogey, agtiisana waa la joogey. Markii ay ka tageen (dadkii) ayaan u koray, albaab
kasta oo aan furana markii aan galo ayaan sii xirayey ilaa aan ugu dambayntii ugu tegey qol mugdi ah isaga oo la jiifa reerkiisa,
mana ogayn qolka dhinac uu ka jiifo, markaas ayaan iri "Abuu Raafic", wuxu yiri "waa kuma?", markaas ayaa inta aan dhinicii
codku ka yeeray aaday seef ku dhuftay, waxbase kama tarin, markaas ayuu qayliyey. Inta aan guriga ka baxay ayaan mar
kale ku soo laabtay oo ku iri "muxuu ahaa dhawaaqu Abuu Raafic?", markaas ayuu yiri "war hooyadda ha hoogtee nin guriga ku
dhex jira ayaa seef igu dhuftay". Markaas ayaan ku dhaqaaqay oo seef ku dhuftay, markii aan arkay in uusan weli dhimanna seeftii
ayaan caloosha ka geliyey ilaa ay ka baxday dhabarkiisa, markaas ayaan ogaaday in aan diley. Ka dibna waan soo baxay oo albaabbadii
ayaan mid mid u furay ilaa aan ka wada baxay laakiin meel ayaan ka dhacay oo dhudhunka ayaa i jabay, markaasaan cimaamaddaydii
iskaga xiray, waxaanna fariistay albaabkii agtiisa aniga oo niyada ka leh "caawa bixi maayo ilaa aan ka hubsado in aan diley".
Markii qayladii isku yeertay ayaan raggaygii u tegey oo ku iri "soo baxa cadawgii Alle waan dilaye". Dabadeedna Nabiga SCW
ayaannu u tagnay oo arrintii u sheegnay, markaas ayuu i yiri "fidi lugtaada", markii aan fidiyey wuu iga masaxay, waxayna
noqotay sidii iyada oo aan xanuunsanba
ILAALADII MAXAMMED BINU MASLAMA
Markii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo laabteen duullaammadii
Axsaab iyo banuu Qureyda, ciidankii ugu horreeyey ee Rasuulku SCW diro wuxuu ahaa ilaalo uu hoggaaminayey Maxammed binu Maslama
oo ka koobnayd 30 nin, waxayna ilaaladaasi u baxday dhinaca Najdi oo uu deggenaa qabiil la yiraahdo banii Bakar, waxaana meeshaas
Madiina looga socon jirey 7 habeen. Waqtigaas taariikhdu waxay ahayd 10kii Muxarram, sannadkii 6aad ee hijriga.
Ciidanki markii ay meesha tageen ayey qabiilkii ka carareen meeshii,
muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen xoolohoodii qaar ka mid ah, waxayna soo qafaasheen nin la oran jirey Thumaama binu Uthal
oo odey u ahaa reer banuu Xaniif. Waxayna Madiina ku soo laabteen 28kii ama 29kii Muxarram iyagoo wata Thumaama binu Uthal
Al-xanafi. Waxaa ninkaas lagu xiray tiir ka mid ah tiirarka masaajidka, Nabiga SCW ayaa u yimid oo ku yiri "maxaa haysaa Thumaama?",
wuxuu yiri "kheyr ayaa agtayda ah Maxammed, haddiii aad i disho nin dhiig leh ayaad didhey, haddii aad i deysana nin wax mahadiya
ayaad deysey, haddii aad maal dooneysidna i weydiiso wixii aad doontid ayaan ku siinayaa". Rasuulku SCW wuu ka tegey, wuxuuna
ku soo laabtay mar kale oo ku yiri sidii oo kale, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaabay. Mar saddexaad ayuu Rasuulku
SCW ku soo laabtay oo sidii oo kale ku yiri, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaaabay. Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu yiri
"sii daaya", waana la sii daayey.
Markii la sii daayey ayuu intuu baxay oo geed timireed masaajidka
u dhowaa tegey ayuuu soo qubeystay, ka dibna ku soo laabtay Rasuulka SCW oo islaamay, wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa weji aan ka necbaa wejigaaga, haddana wuxuu noqday wejigaagu kaan ugu
jeclahay wejiyaasha, Ilaah baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa diin aan ka necbaa diintaada, haddana waxa ay noqotay
midda aan ugu jeclahay diimo oo dhan. Fardahaaga ayaa i soo qabtay aniga oo cimro u socda". Markaas ayaa Rasuulku SCW u bishaareeyey
wuxuuna amray in uu cimradiisii guto. Ka dib Thumaama wuxuu aaday Makka markii uu Qureysh u tegey ayey ku dheheen "Thumaamow
waad iilatay", markaas ayuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye maya ma iilan ee waan islaamay Maxammed maciisa (la jirkiisa), Ilaah
baan ku dhaartaye Yamaama idinkaga imaan meyso xabbad raashin ah ilaa Rasuulkii Alle SCW idiin idmo".
Dabadeed markii uu magaaladiisii ku laabtay ayuu ka joojiyey Makka
raashinkii, markaas ayey Qureysh dhibaatootay oo waxa ay Rasuulka SCW u soo direen warqad ay ku leeyihiin "riximnimada ayaa
wax kugu weydiisaneynaaye Thumaama warqad u qor oo ha noo soo daayo raashinka na loo soo rarayo". Rasuulku SCW wuu ka yeelay
oo Thumaama ayuu kala hadlay.
DUULLAANKII BANUU LIXYAAN
Banuu Lixyaan waxa ay ahaayeen qabiilkii khiyaameeyey Rasuulka
SCW markii uu tobankii nin ku daray, ka dibna ay ku dileen meeshii la oran jirey Rajiic. Wuxuuna Rasuulku SCW ugu duuli waayey
markii ay arrintaasu dhacday muslimiinta oo xaalad adag ku jirey oo ay ku furnaayeen duruufo adag sida cadowgi Qureysh iyo
reer baadiyihii Madiina agagaarkeeda degganaa oo Madiina ku soo qamaamayey iyo yahuuddii Madiina wax ka deggageyd, sidaa darteed
Rasuulku SCW maslaxo uma arag in uu markaas ku duulo. Laakiin markii uu duullaankii Axsaab dhammaaday oo yahuuddii iyo in
badan oo carabtii reer baadiyaha ka mid ahaa uu iska meeleeyey, qureyshna ay weerarradii joojisey oo difaac gashay, ayaa Rasuulku
SCW munaasib u arkay in uu ku duulo banii Lixyaan oo degganayd Makka duleedkeeda si uu uga jiseeyo khiyaanadii ay sameeyeen
iyo muslimiintii ay laayeen.
Wuxuu markaa Rasuulku SCW baxay bishii Rabbiicul-Awal ama Jamaadul-Awal,
sannadkii 6aad ee hijriga isaga oo wata 200 oo asxaabtiisa ka mid ahayd, Madiina wuxuu uga tegey Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum,
wuxuuna muujiyey in uu dhinaca Shaam ku duulayo si aysan munaafiqiintu u warramin oo u bixin sirta muslimiinta. Rasuulku SCW
wuxuu markaa tegey meeshii lagu laayey asxaabtiisii oo u dhoweyd meesha ay degganaayen reer banuu Lixyaan. Markii ay reer
banuu lixyaan maqleen ayey ka carareen degaankoodii, Rasuulkuna SCW wuxuu meeshaa joogey 2 maalmood, dhinacyadana wuxuu u
kala direy ilaalooyin hase yeeshee waxba ma aysan soo helin. Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu ku soo laabtay Madiina, wuxuuna maqnaa
14 habeen.
Waxaa is weydiin leh inta aynaan munaasibadaan ka gudbin Rasuulka
SCW qabiil kasta oo uu ku duulo way kala cararaan isaguna dhulkooda ayuu maalmo degganaanayey, marka sidee qabiil dhan oo
degganaa u sal kacayaan?. Arrintaa jawaabteedu waxaa weeye Rasuulku SCW markii uu ku duulo qabiil oo ay maqlaan in aysan ka
hor tegi karin, raggooda hubka wataa way kala carari jireen. Sidaa darteed haddii ay raggii dagaallamayey carareen ma aysan
keeni siyaasadda xakiimka ah ee Rasuulka SCW iyo ciddii raacdaba in maatada la laayo oo la bililiqeysto ama nin dhulkiisii
ka qaxay la daba kaco sida ay maanta ku dhisan tahay siyaasadda caalamku. Sidoo kale Rasuulka SCW iyo muslimiintu ma dili
jirin ragga aan hubka wadan oo aan dagaallamayn
ISRAACRAACII ILAALOOYINKA
Waxaa israacraacay duullaamadii iyo ilaalooyinkii uu Rasuulku SCW
u kala dirayey jihooyinka, waxayna ahaayeen sidatan:
1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir,
sannadkii 6aad ee hijriga koox ilaalo ah oo ka koobnayd 40 nin oo uu hoggaaminayey Cukaasha binu Muxsin, waxayna aadeen meesha
la yiraahdo Qamri oo reer banii Asad degganaayeen. Cukaasha iyo raggiisii markii ay gaareen meeshii loo direy ayey qabiilkii
kala carareen, muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen 200 oo halaad oo dadkaasi lahaayeen, waxayna ku soo laabteen Madiina.
2. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir,
, sannadkii 6aad ee hijriga, wuxuu Rasuulku SCW u direy meesha la yiraahdo Dil-qasa oo ay degganaayeen reer banii Thaclaba
koox ilaalo ah oo ka koobnayd 10 nin uuna madax u ahaa Maxammed binu Maslama. Maxammed binu Maslama iyo kooxdiisi way bexeen,
markii ay meeshii gaareen ayaa iyaga oo hurda waxaa u yimid qabiilkii ay u socdeen oo 100 nin gaaraya ayaa iyaga ayey wada
dileen kooxdii muslimiinta ahayd ilaa Maxammed binu Maslama oo dhaawac ahaan uga fakaday maahane.
3. Markii la laayey asxaabtii Rasuulka SCW ee uu hoggaaminayey
Maxammed binu Maslama ayaa Rasuulka SCW isla meeshii Dil-qasa ee reer banii Thaclaba u diray ciidan kale oo gaaraya 40 nin,
uuna madax u yahay Abuu Cubeyda ibnu Jarraax, waqtigaas oo ahaa bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga. Abuu Cubeyda
iyo ciidankiisii markii ay gaareen meeshii goor subax ah ayaa reer banii Thaclaba ka baqday meeshii. Waxay markaa muslimiintu
soo kaxeysteen xoolo ay lahaayeen, ninna way soo qafaasheen, wuuna islaamay ninkaasi.
4. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga
wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan uu hoggaaminayo Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy meesha la yiraahdo Jumuum oo ay deggenaayeen
reer banuu Suleym oo ahaa nimankii Bi'ru Macuuna ku laayey 70kii oo asxaabta Rasuulka SCW aha. Seyd iyo ciidankiisii markii
ay meeshii gaareen ayey waxay qabteen haweeney oo kaxaysteen si ay u tusto meesha ay joogaan reer banuu Suleym, markii ay
tageen meeshii ayey dadna ka soo qafaasheen xoolona ka soo kaxeysteen.
5. Sidoo kale bishii Jamaadul-Awal isla sannadkii 6aad ee hijriga
wuxuu Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 170 nin oo uu madax uga dhigay Seyd binu Xaarith, wuxuuna ciidankaas u direy meel
la yiraahdo Ciis. Seyd iyo ciidankiisii way bexeen, waxayna meeshii ka soo qafaasheen safar qureysheed oo uu waday Abul-Caas,
oo ahaa ninkii qabay gabadhii Rasuulka SCW ee Seynab. Markii safarkii iyo Abul-Caas la keenay Madiina ayaa markii salaadda
subax la tukanayey Seynab ay gadaal ka hadashay oo tiri "dadow aniga ayaa magan geliyey Abul-Caas", markaas ayaa Rasuulku
SCW asxaabtiisa ku yiri "waad maqasheen waxa ay tiri, marka waxaan idiinka codsanayaa maalkiisiina haddii aad u celin kartaan
in aad u celisaad", markaas ayey asxaabti u wada celiyeen maalkiisii, waana la iska sii daayey isaga iyo maalkiisiiba.
Abul-Caas wuxuu ku laabtay Makka, wuxuuna xoolihii u celiyey dadki
lahaa, ka dibna wuu islaamay oo Madiina ayuu u soo hijrooday. Markii uu Madiina yimidna Rasuulku SCW wuxuu ku celiyey Seynab,
nikaaxoodii hore ayuuna isugu celiyey oo nikaax kale ma samayn. Waxa ayna kala maqnaayeen saddex sano iyo bar, mana ka furmin
intii uu Abul-Caas gaalnimada ku jirey oo waxay ahayd intii aan muslimiinta iyo gaalada la kala xarriimin. Laakiin intii muslimiinta
iyo gaalada la kala xarrimay wixii ka dambeeyey haddii labo qof oo is qaba midkood islaamo, midna gaalnimadii ku haro way
kala furmaayaan, waana kala xaaraan in ay is qabaan labo qof oo midi muslim yahay midna gaal, ismana guursan karaan ilaa waxa
keliya oo laga soo reebay in ragga muslimiinta ahi guursadaan dumarka Ehlu-kitaabka ah (yahuud iyo nasaara) ee dhowrsan, in
kastoo ay ka kheyr badan tahay in ninka muslimka ihi guursado gabar dhowrsan oo muslim ah. Gabadha muslimadda ah iyada xaaraam
ayey ka tahay in ay guursato nin gaal ah loomana oggola, nikaaxooduna ma ansaxayo.
6. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Jamaadul-Aakhir,
isla sannadkii 6aad ee hijriga ilaalo uu hoggaaminayo Seyd binu Xaarith oo ka koobnayd 15 nin, wuxuuna u direy meel la oran
jirey Dharifi, oo ay daganaayeen reer Banii Thaclaba. Hase yeeshee reer Banii Thaclaba waxa ay u maleeyeen in Rasuulku SCW
ku soo baxay markaas ayey carareen. Seyd iyo kooxdiisii waxa ay ku soo laabteen Madiina, waxa ayna maqnaayeen afar habeen.
7. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW bishii Rajab isla sannadkii 6aad
ee hijriga direy ilaalo ka koobnayd 12 nin oo uu madax u ahaa Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy meesha la yiraahdo Waadil-Quraa
si ay u soo ogaadaan dhaqdhaqaaqa cadowga, hase yeeshee markii ay meeshii tageen ayaa waxaa weerar ku soo qaaday dadkii meeshaa
degganaa, waxa ayna dileen sagaal nin, saddex uu Seyd ku jirana way ka baxsadeen.
8. Wuxuu sidoo kale Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 300 oo nin
oo uu u direy in ay ka hortagaan safar qureysheed, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Abuu Cubeyda ibnu Jaraax, waxaana ciidankani
intii uu maqnaa qabatay gaajo aad u daran, waxa ayna qasheen saddex neef oo geel ah oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen, Abuu
Cubeyda oo ahaa amiirkii ciidanka ayaa markaa ka joojiyey arrintaan ah in ay qashaan gaadiidkooda. Dabadeed baddii
ayaa u soo tuurtay Cambar (nibiri) iska weynaaday oo ay cunayeen bil barkeed, ka dibna waxa ay ku soo laabteen Madiina iyaga
oo hilibkiisii wax ka mid ah wata. Markii ay Rasuulka SCW u sheegeen wuxuu ku yiri "waa risqi Ilaahay idiin soo saaray ee
wax ma ka haysaan hilibkiisii", markaas ayey u keeneen.
Waxa aan in badan siirada ku arkaynaa in Rasuulku SCW uu marar
badan dirayey cidamo ilaalooyin ah oo cadadkoodu yar yahay, arintaas oo xikmaddo ku jirta uu Alle garanayo, waxaa hadana ugu
muhiimsanaa sadex qodob oo kala ah sidan:
1) Ciidanka wayn oo aan had iyo jeer bixi karin, una baahnaa dhaqaale
badan iyo tabaabushe, maxaa yeelay qof walba waa garan karaa dhaqaalaha uu u baahan yahay ciidan gaaraya 2,000, oo maqnaanaya
bil iyo ka badan, maalinkiina qalanaya 20 geel ah.
2) Ciidamadaas la dirayey waxa ay u badnaayeen ilaalooyin cadadkoodu
intuu doono uu noqon karo, ilaalana waa la yaqaannaa maata oo waxaa weeyey ciidan loo direy arrin, oo aan ahayn dagaal musalax
ah, inkasta oo aan arkayno in ilaalooyinka qaarkood ay ahaayeen ciidan xoog badan oo duullaan qaaday.
3. Waxa ay ahaayeen ciidamadaas ducaad dadka ugu yeeraya diinta
Alle, waxayna muhiimaddooda ahayd in ay dadka gaarsiiyaan dacwada islaamka, iyaga oo adeegsanaya habkii wanaagsanaa ee Rasuulku
SCW u baray, sidaa daraadeed haddii loo diido in ay xaqii dadka gaarsiiyaan, oo lagula dagaalamo diinta Alle, waxa ay raggii
ducaada ahaa oo jilicsanaa isku badali jireen kumaandoos manexeyaal ah, oo hoojiya cadawga Alle.
DUULLAANKII BANII MUSDHALIQ
Waxa uu dhacay duullaankan banii Musdhaliq bishii Shacbaan sannadkii
6aad ee hijriga. Sababtiisuna waxay ay ahayd: Waxaa Rasuulka SCW soo gaadhay in odeygii reer banuu Musdhaliq oo la oran jirey
Xaarith binu abii Daraar uu qoladiisii iyo wixii kale oo raacay u diyaarinayo sidii uu Rasuulka SCW ugu soo duuli lahaa. Wuxuu
Rasuulku SCW si uu arrintaa u xaqiiqsado wuxuu direy Bureyda binu Xuseyb Al-aslami. Bureyda ayaa markaa u tegey oo la hadlay
ninkii madaxda u ahaa, ka dibna ku soo noqday Rasuulka SCW oo warka dhabnimadiisa u soo sheegay. Rasuulku SCW markii uu arrintii
xaqiiqsaday ayuu asxaabtiisiii la soo baxay, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay Seyd binu Xaarith ama Abaa Dar Al-qafaari
ama Thumayla binu Cabdullaahi Laythi.
Ninkii la oran jirey Xaarith binu Diraar ee madaxda u ahaa reer
banii Musdhaliq wuxuu dirsaday nin jaajuus ah si uu war uga keeno ciidanka muslimiinta hase yeeshee ciidankii muslimiinta
ayaa ninkaa qabtay oo diley. Xaarith iyo ciidankiisii markii ay maqleen in Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii soo baxeeen, ninkoodii
wardoonka ahaana la diley ayaa Ilaahey cabsi ku ridey oo ka baqdeen meeshii. Muslimiintiina meeshii ayey tageen waxayna soo
qafaasheen dumarkoodii, caruurtoodii iyo maalkoodii. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW qaniimadii iyo dadkii la soo qafaashay u
qaybiyey asxaabtiisii. Dadkaas la soo qafaashay waxaa ka mid ahayd gabar uu dhalay ninkii madaxda u ahaa qabiilkaas oo la
oran jirey Juweyriya bintu Xaarith, waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays, markaas ayuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW aya
markaas xoolihii ka bixiyey oo guursaday. Markii ay asxaabtii arrinkaa wada arkeen ayey wada xoreeyeen dumarkii ay qayb ahaanta
u heleen oo dheheen "waa xididkii Rasuulka SCW".
Duullaankan Banii Musadhaliq markii laga soo laabtay waxaa dhacay
laba arrimood oo ay sameeyeen nimankii munaafiqiinta ahaa oo iyagu had iyo jeer muslimiinta dhexdooda ku rida khalkhal iyo
tashwiish, dacaayado been ahna fidiya. Nimankaas oo sidii aan soo sheegnayba uu hormuud u ahaa Cabdullaahi binu Ubay oo isagu
xiqdi iyo xaasidnimo u hayey islaamka iyo muslimiinta, weliba gaar ahaan cadaawad gaar ah u hayey Rasuulka SCW maxaa yeelay
sidii aan usoo sheegnayba isaga oo loosharraxayo madaxnimo ayaa islaamku yimid Madiina, markaas ayey dadkiisi islaamka qaateen,
madaxnimadiisiina iska joojiyeen, sidaa darteed wuxuu u arkayey in islaamku ka qaaday madaxnimadiisii, wuxuuna bilaabay xiqdi
iyo xumaan, laga soo bilaabo markii Rasuulka SCW iyo muhaajirintu ay Madiina yimaadeen. Waxaana dhacday in Rasuulku SCW markii
uu Madiina yimid oo uu muddo yar joogey uu soo baxay isaga oo raba in uu soo booqdo Sacad binu Cubaada oo jirran, markaas
ayuu isaga oo dameer saaran soo maray meel ay fadhiyeen rag uu ku jiro Cabdullaahi ibnu Ubay, markaas ayuu qur'aan ku dul
akhriyey, dacwadana ugu yeeray. Cabdullaahi ibnu Ubay intuu sanka qabsaday ayuu Rasuulka SCW ku yiri "ha na booraynin, gurigaagana
joog oo meelaha aan fariisanayno ha noogu imaan".
Cabdullaahi binu Ubay iyo raggiisu waxa ay gaalnimadoodii ku jiraan
waxay islaameen markii ay arkeen in ay muslimiintu Badar ku guuleysteen hase yeeshee xumaatadoodii iyo cadaawaddoodii ayey
hoos ka wadeen, waxa aanna soo marnay in uu munaafaqaani ku hagoogtay yahuuddii reer banii Qaynuqaac. Sidoo kale dagaalki
Uxudna wuxuu la laabtay 300 oo nin oo muslimiinta garabkooda ayuu ka baxay. Sidoo kale munaafaqan iyo munaafaqiinta kaleba
waxa ay muujisan jireen wanaag iyo kheyr, qalbigoodana waxaa buuxiyey nifaaq iyo gaalnimo. Waxaana ka mid ahaa waxyaabihii
uu dadka u muujin jirey marka Rasuulku SCW Jimcaha u istaago ayuu asxaabta ku dhihi jirey "kani waa Rasuulkii Alle idinku
karaameeyey idinkuna ciseeyey ee u gargaara, xoojiya, maqla oo adeeca" hase yeeshee markii dagaalkii Uxud dhacay, oo sidii
la ogaa uu sameeyey, ayuu Jimcihii ka dambeeyey istaagay isaga oo raba in uu hadalkiisii oo kale jeediyo, markaas ayaa asxaabtii
dharkii ka jiideen oo dheheen "nafa fariiso cadowgi Allow, ehel uma tihid (arinkane) wixii aad samaysay baad samaysaye", markaas
ayuu iska baxay isaga oo dadka luquntooda ka tallaabsanaya, markaas ayaa waxaa ka hor yimid nin asxaabta ka mid ah wuxuuna
ku yir "war hooggaaga ee laabo Rasuulku SCW ha kuu dembi dhaaf weydiiyee", markaas ayuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma doonayo
in uu ii dembi dhaaf weydiiyo".
Sidoo kale waxa aan soo marnay in markii yahuuddii reer banuu Nadiir
ay ballantii ka baxday oo Rasuulku SCW go'aansaday in uu ku duulo, uu munafaqaani hoos kala xiriiray oo ku yiri "ha bixina".
Sidoo kale Dagaalkii Axsaab waxa ay munaafaqaas iyo raggiisu muslimiinta ku dhex fureen tashwiish iyo dacaayado. Sidoo kale
gaaladi qureysheed intaa hoos ayey kala xiriiri jireen.
Haddaba nimankaas munaafaqiinta ah dusha ka sheeganayey islaam,
hoostana uu uga buuxay nifaaq iyo gaalnimo, had iyo jeer dacaayada ku dhex fidinayey dadkii muslimiinta ahaa sida dacaayaddii
ay fidiyeen markii uu Seyd furay Seynaba bintu Jaxshi oo Rasuulku SCW eeddadiis dhashay, dabadeedna uu Rasuulku SCW guursaday
ayna dheheen "Maxammed wuxuu guursaday gabadhii uu furay wiilkii mowlihiisa ahaa" arrintaas oo carabta dhexdeeda waqtigii
jaahiliga ceeb ka ahaan jirtey, maxaa yeelay ninku wiilka mowlihiisa ah wuxuu ka soo qaadi jirey wiilkiisii oo kale sidaa
darteed islaamku caadadaas xun wuu baabi'iyey sidii uu caadooyinkii xumaa oo kaleba u baabi'iyey, waxaan aarrintaan lagu bilaabay
Rasuulka SCW laftiisa, wuxuuna Alle yiri:
((XUSUUSO MARKAAD KU LAHAYD KII ALLE U NIMCEEYEY ADNA AAD U NIMCAYSAY
(SAYD) HAYSO XAASKAAGA ALLENA KA BAQ, WAXAADNA NAFTAADA KU QARINAYSAY SHAY ALLE MUUJIN DOONO, WAXAADNA KA BAQAYSAY DADKA,
ALLAASE U XAQ LEH IN LAGA BAQO, (HADDABA) MARKII SAYD DANTIISA KA GUTAY (OO UU FURAYNA) AAN KUU GUURINAY SI AYSAN MU'MINIINTU
DHIB UGALA KULMIN HAWEENTA (WIILASHA) AY ISUGU YEERAY MARKII AY KA DHAMAYSTAAN XAAJADOODA, ALLE AMRKIISUNA WAXA UU AHAADAY
MID LA FULIYO)), (Suuratul-Axsaab 37).
Sidoo kale Seynab waxa ay ahayd haweentii shanaad ee Rasuulku SCW
markaas ayey dheheen "qur'aanku afar haween ah ayuu banneeyey ee maxay tahay haweenta 5aad". Haddaba nimankaas oo mar walba
dacaayad hoosaad ku waday Rasuulka SCW iyo mu'miniinta waxaa ficilladooda had iyo jeer muujinayey Allaah oo wax walba ka war
haya, wuxuuna Alle yiri isaga oo Rasuulkiisa SCW la hadlaya:
((MUNAAFAQIINTU WAXA AY KA DIGTOON YIHIIN IN AY KU SOO DEGTO SUURAD
KA WARAMAYSA WAXA QULUUBTOODA KU JIRA, WAXAAD TIRAAHDAA ISKA JEES JEESA ALLE WAA SOO BIXIN WAXA AAD KA DIGTOONTIHIINE, HADDII
AAD WAYDIISO WAXA AY DHAHAYAAN (XOOGAA) BAAN TIIMBANAYNAY OO CIYAARAYNAY, DHEH MA ALLE, AAYAADKIISA IYO RASUULKIISAAD KU JEES
JEESAYSAAN HA CUDURDAARANINA WAAD GAALAWDEEN IIMAANKIINII KA DIBE, HADDAAN CAFINNO KOOX IDINKA MID AH WAXAA CADAABAYNAA KOOX
MAXAA YEELAY WAXA AY AHAAYEEN MUJIRIMIIN)), (Suuratu-Tawbah 64-66).
Haddaba ragga arrimahaas samaynaya oo Rasuulkii Alle SCW iyo mu'miniinta
xumaatada kula dhex wareegaya waxa ay Cumar binu Khadhaab iyo rag la mid ihi soo jeediyeen in la laayo hase yeeshee wuxuu
Rasuulku SCW ku yiri Cumar "ma waxaad dooneysaa in ay dadku ku sheekaystaan Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?" maxaa yeelay
dadka dibedda ahi waxa ay u haysteen in munaafiqiintaasi asxaabta ka mid yihiin.
Haddaba haddii aan usoo laabano labadii dhacdo oo ay sameeyeen
munaafiqiintu duullaankan reer banii Musdhaliq waxa ay ahaayeen:
1. Markii la aday duullaankii ayey raaceen cidankii iyaga oo aan
u siyaadineyn ciidanka wax aan ka ahaydn culeys iyo fitno sidii uu Allaahba ku sheegay aayaaddan:
((HADDAY BAXAAN DHEXDIINA (OO AY IDIN RAACAAN) IDIIN SIYAADIN MA
HAYAAN WAXAAN KA AHAYN XUMAAN IYO (SHAR) WAXAYNA U DAGDAGI LAHAAYEEN FITNAYNTA DHEXDIINNA IYAGOO IDINKA DOONAYA FITNO, WAXAANA
IDINKA MID AH (MUSLIMIINTIINNA) KUWA MAQLAYA (OO QAADANAYA WARKA MUNAAFAQIINTA)), (Suuratu-Tawbah 47).
Haddaba markii la soo laabtay ayaa meel la degey, markaas ayaa
meel biyo laga dhaansanayey waxaa ku dagaallamay labo wiil, mid Cumar binu Khadhaab adeege u ahaa lana oran jirey Jahjaahul-qafaari
iyo mid Ansaari ah oo la oran jirey Sinnaan binu Wabar Al-juhani, markaas ayaa Sinnaan yiri "yaa Ansaar ahey", Jahjaahna yiri
"yaa Muhaajiriin aheey". Arrintii ayaa waxaa maqlay munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay oo la fadhiya koox raggiisii ah oo uu
ku jirey Seyd binu arqam oo wiil yara, markaa ayuu munaafaqaasi carooday oo yiri "ma sidaas ayey sameeyeen (muhaajiriin)?.
Magaaladayadii ayey ku faafeen oo ku bateen Ilaah baan ku dhaartaye annaga iyo iyagu waxaan isku nahay sidii hore loo yiri
oo ahayd "naaxi eygaaga ha ku cunee". Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan Madiina ku noqonno kan casiiska ihi (isagaa iska
wada) waxa uu ka saari doonaa Madiina kan dulliga ah (oo uu ula jeedo Rasuulka SCW)", markaas ayuu lahadlay kuwii la fadhiyey
oo ku yiri "tani waa wixii aad naftiinna ku samayseen, magaaladiinnii baad u oggolaateen, maalkiinniina waad la qaybsateen.
Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad waxa gacantiina ku jira ka haysan lahaydeen meel kale ayey idiin dhaafi lahaayeen".
Seyd binu Arqam ayaa markaas arrintii adeerkiis u sheegay, adeerkiisna
wuxuu u sheegay Rasuulka SCW oo uu la joogo Cumar binu Khadhaab, Camar ayaa markaas yiri "Rasuulkii Allow amar Cubaada binu
Bishir ha dilee (munaafaqaas)", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "Cumar ma waxa aad doonaysaa in uu dadku ku sheekeysto
Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?" (maxaa yeelay dadka dibadu waxa ay u qabaan in uu asxaabta ka mid yahay) ka dib wuxuu Rasuulku
SCW amray in la guuro waqtigaas oo aad u kululaa oo uusan Rasuulku SCW guuri jirin, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr oo nin
odeya ahaa u yimid Rasuulka SCW oo ku yiri "Rasuulkii Allow waxaad guurtay waqti xun", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "miyeysan
ku soo gaarin waxa uu saaxiibkiin yiri?", Useyd wuxuu yiri "muxuu yiri?", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "wuxuu sheegtay in
haddii uu Madiina ku laabto kan casiiska ihi ka saari doono Madiina kan dulliga ah", markaas ayuu Useyd yiri "Rasuulkii Allow
adiga ayaa haddii aad doontid Madiina ka saaraya. Ilaah baan ku dhaartaye isaga ayaa dulli ah adiguna casiis baad tahay",
ka dib wuxuu yiri Useyd "Rasuulkii Allow isaga tartiibi, Ilaah baan ku dhaartaye Allaah ayaa noo kaa keenay isaga oo reerkiisu
madaxtinimo u diyaarinayaan sidaa darteed wuxuu u arkaa in aad boqortooyadiisii kala wareegtay". Rasuulku SCW geeddigii ayuu
ku jirey ilaa laga gaaray maalinkii dambe duhurkii oo uu degey, markaas ayey asxaabtii geedaha ku kala yaaceen oo daateen,
Rasuulkuna SCW wuxuu arrinkaan u sameeyey si aan warka munaafiqa loogu sheekeysan oo looga mashquulo, asxaabta dhexdeedana
aysan fitno ugu noqon.
Cabdullaahi binu Ubay markii uu arkay in talo faro ka baxday ayuu
inkiray hadalkii oo sidii munaafaqiinta lagu yaqaaney dhaar been ah maray isaga oo leh "Ilaah baan ku dhaartaye ma dhihin",
markaas ayaa asxaabtii qaar ka mid ahi Rasuulka SCW ku dheheen "Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in wiilka yari is moodsiiyey
oo uusan weelayn oraahdii ninka" hase ahaatee Allaah SW oo wax kasta la socday ayaa u rumeeyey seyd hadalkii uu ka sheegay
munaafaqaas, wuxuuna ku soo dajiyey Suuratul-Munaafiquun oo ay ku jiraan aayadahaan:
((MUNAAFAQIINTU WAA KUWA LEH HAQUDININA KUWA RASUULKA SCW LA JOOGA
ILAA AY KA KALA TAGAAN, ALLAA ISKA LEH KHASNADAHA SAMAWAADKA IYO DHULKA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA FAHMAYAAN, WAA KUWA LEH HADDII
AAN MADIINA KU NOQONNO WAA IN KAN CASIISKA IHI KA BIXIYOAA (MADIINA) KAN DALIILKA AH, WAXAA CISA ISKA LEH ALLE, RASUULKIISA
IYO MU'MINIITA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA OGA)), (Suuratul-Munaafaqiin 7-8).
Waxa ay saxiixaynku wariyeen in markii ay suuradaan soo dagtay
uu Rasuulku SCW u cid direy Seyd markii uu u yimidna uu ku dul akhriyey suuradan Munaafiquun, kuna yiri "Alle wuu kuu rumeeyey
(hadalkaagii) Seydow.
Sheekadii waxaa maqlay wiil uu dhalay munaafaqaas oo la oran jirey
Cabdullaahi binu Cabdullaahi binu Ubay oo ahaa nin saxaabi ah oo wanaagsan. Markaas ayaa markii Madiina la soo gelayey Cabdullaahi
seeftiisii galka kala baxay oo aabbihiis hor istaagay kuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye in aadan meeshaan dhaafayn ilaa Rasuulkii
Alle kuu idmo, isaga ayaana casiis ah adiguna dulli baad tahay". Rasuulku SCW markii uu meeshii soo maray ayuu u idmay, ka
dib Cabdullaahi Rasuulka SCW ayuu u tegey oo ku yiri "Rasuulkii Allow waxa aan maqlay in aad rabtid in aad dishid aabbahay.
Ilaah baan ku dhaartaye reerkayagu waa og yihiin in nin aabbihiis iiga baarrisani uusan jirin, marka haddii uu qof dilo waxaa
laga yaabaa in aan wax u qaado qofkaas ee haddii aad doontid in aad disho aniga i amar, Ilaah baan ku dhaartaye madaxiisa
ayaan kuu keenayaa".
SHEEKADII BEEN ABUURASHADA
Qisadan waxa ay sababteedu ahayd: Rasuulku SCW markii uu duullaan
ama meel kaleba aadayo wuxuu kaxeysan jirey xaasaskiisa mid ka mid ah, wuuna u qori tuuri jirey. Sidaa darteed markii uu aadayey
duullaankii Banii Musdhaliq ayaa waxaa qori tuurkii ku soo baxay Caa'isha oo raacday.
Markii laga soo laabtay duullaankii ayaa meel la degay, markaas
ayey Caa'isha goor habeen bar ah aaddey bannaanka si ay xaajadeeda u soo gudato, caadana waxaa u ahaan jirtey dumarkii waqtigaa,
weliba kuwii mu'minaatka ahaa ee aadka u xishoodka badnaa in haddii ay bannaanka aadayaan ay fogaadaan oo sharqarta ka dhex
baxaan, ilaa haddana meelaha uu xishoodku ku dambeeyo waa laga helayaa.
Markii ay Caa'isha soo laabatay ayaa waxaa ka lumay kuul ay wadatay
oo ay gabar ka soo caariyeysatay, markaas ayey raadkeedii dib ugu laabatay iyada oo baadi goobeysa hase yeeshee waa meel Ilaahay
arrin ka watee intii ay Caa'isha maqnayd ayaa Rasuulkii SCW amray in la guuro, lagamana war hayn in ay Caa'isha maqan tahay
maxaa yeelay marka la guurayo waxay dhex geli jirtey bahal la yiraahdo Hawdaj oo loogu talo galay. Hawdajkaas ayaa markaas
dhowr nin geesaha qaban jirtey oo ratiga saari jirtey, sidaa darteed nimankii hawdajka qaadayey waxay u maleeyeen in Caa'isha
ku dhex jirto mana aysan dareemin fudeydkiisa maxaa yeelay Caa'isha waxa ay ahayd gabar yar oo aan hilib lahayn, sidoo kale
guuritaanka ciidanku waqti dheer ma qaadan maxaa yeelay waxa ay ahaayeen rag ciidan ah oo aan alaab badan wadan oo nin walba
hubkiisa iyo daabbadiisa ayuu soo qabsanayey.
Caa'isha markii ay soo laabatay iyada oo kuushii soo heshay ayaa
waxa ay timid goobtii oo lagu kala guuray oo wax sii sharqamayana usan jirin, markaas ayey meesheedii iska fariisatay iyada
oo is leh "haddii lagu tebo waa lagu soo raadinayaa" hase yeeshee sidii ay u fadhiday ayey indheheedii ka qaalib noqdeen oo
ay gama'day. Waagii markii uu baryey ayaa waxaa arkay qofka meesha jiifa saxaabi la oran jirey Safwaan binu Mucdhil oo ahaa
nin hurdo weyn, marar badanna ciidanka ka dib dhici jirey. Safwaan markii uu meesha yimid ayuu Caa'isha gartay maxaa
yeelay intii aan xijaabka la is amrin ka hor ayuu yiqiinney, markaas ayuu yiri "Innaa Lilaahi wa inaa ileehi raajicuun, waa
xaaskii Rasuulkii Alle". Caa'isha ayaa markaas hadalkiisa ku toostay. Safwaan intuu neefkiisii geela ahaa u arumiyey (fariisiyey)
ayuu ka durkay, markii ay fuusheyna wuu ku waday. Goor harsimadii ah ay ayuu ciidankii oo meel degey ka daba tegey.
Munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay markii Madiina la tegey ayuu wuxuu
sameeyey been abuurasho uu ku been abuuranayo Caa'isha iyo Safwaan, dacayad ayuuna suuqa geliyey, aad ayeyna u dhex dabbaasheen
dacaayaddaas isaga iyo munaafaqiintii kaleba, waxaa kale oo ku simbiriraxday dad wanaagsanaa oo asxaabta ka mid ahaa sida
Misdhax, Xasaan binu Thaabit iyo Xamna bintu Jaxshi.
Caa'isha markii ay Madiina ku soo laabatay ayey xanuunsatay, mana
aysan maqal dacaayaddan been abuuradka ah ee suuqa ku jirta. Maalin dambe ayey bannaanka aadeen iyada iyo Misdhax hooyadiis.
Goor ay meel dhexe marayaan ayey turaanturrootay duqdii, markaas ayey tiri "Misdhaxow hoog". Caa'isha ayaa markaas ka celisay
oo tiri "ma nin Badar ka qayb galay ayaad sidaas leedahay?", markaas ayey duqdii tiri "miyaadan maqlin waxa uu suuqa wax ka
geliyey?", Caa'isha waxa ay ku jawaabtay "maya". Duqdii ayaa markaas u sheegtay qisadii suuqa ku jirtey ee lagu been abuurtay.
Caa'isha oo ahayd gabar cafiifad ah oo dhawrsan, waxaasna beri ka ahayd, markii ay maqashay warkaas foosha xun ee suuqa galay
ayaa xunuunkii hayey xanuun kale ugu darsamay, waxayna gashay oohin is daba joog ah. Waxaa kale oo Caa'isha intaas uga sii
darnayd in ay aragtay Rasuulka SCW oo aan u hayn naxariistii uu u hayn jirey, siiba markii ay xanuunsato, markii uu guriga
soo galana wuxu ku gaabsanayey "sidee tahay?". Caa'isha waxa ay markaas uga idan qaadatay Rasuulka SCW in ay aaddo guriga
waalidkeed, Rasuulkuna SCW waa u idmay.
Rasuulka SCW markii Madiina lagu soo laabtay wax qur'aan ama waxyi
ah oo arrintaa ka hadlaya laguma soo dejin, wixii arrintaa ka jireyna ma ogeyn maxaa yeelay Rasuulku SCW qeybka (waxa maqan)
kama war hayn, wax Rabbi uu u waxyoodo maahane. Rasuulku SCW wuxuu markaa arrintii kala tashaday Cali Abii-dhaalib iyo Usaama
binu Seyd oo markaa dhowr iyo toban jir ahaa. Cali wuxuu Rasuulka SCW ku yiri "dumarka aan iyada ahayn waa badan yihiin, hase
yeeshee Usaama wuxuu yiri "Rasuulkii Allow xaaskaaga wax aan wanaag ahayn kuma ogi ee hayso". Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW
arrinka Caa'isha ka wareystay gabar jaariyad guriga ka ahayd, waxayna gabadhaasi tiri "wax xumaan ah ama ceeb ah kuma ogi
in ay tahay gabar yar oo cajiinka ka seexata maahane". Rasuulku SCW waxaa kale oo uu arrintaa wax ka weydiiyey xaaskiisii
Seynaba bintu Juxshi oo walaasheed dacaayadda wax ka wadday, waxay Seynaba tiri "wax aan wanaag ahayn kuma ogi Caa'isha".
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Caa'isha ugu tegey gurigoodii iyada oo
ay la joogaan aabbeheed iyo hooyadeed markaas ayuu ku yiri "Caa'isha arrintaas ayaa iga kaa soo gaartay, haddii aad beri ka
tahay Alle waa ku bari yeeli doonaa, haddii aad dembigaas ku dhacdayna Alle dembi dhaaf ka dalab oo u toobad keen maxaa yeelay
addoonku haddii uu dembigiisa qirto Allena u toobad keeno Alle waa ka toobad aqbalaa. Caa'isha waalidkeed ayey marba mid la
hadashay iyada oo ku leh "u jawaab Rasuulka" hase ahaatee mid walba wuxuu yiri "maxaan Rasuulka SCW ugu jawaabaa?". Waxay
markaas Caa'isha tiri "Ilaah baan ku dhaartaye waan ogahay in aad sheekada maqasheen ilaa naftinnu ku qanacday oo aad rumeyseen.
Hadii aan marka idin dhaho beri baan ka ahay iima rumeyneysaan, haddii aan idiin qirtana waad ii rumeyneysaan . Haddaba Alle
ayaan ku dhaartaye idiin dhihi maayo wax kale, sidii Yuusuf aabbihiis yiri oo kale maahane", waxayna akhriday aayadda micnaheedu
yahay:
((SABIR WANAAGSAN, ALLAANA KA KAALMAYSTAY WAXAAD SIFAYNEYSAAN)),
(Suuratu-Yuusuf 18).
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ka istaagay memberkii masaajidka isaga
oo ka dacwoonaya Cabdullaahi binu Ubay, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr, oo odeygii reer Aws ahaa, yiri "Rasuulkii Allow
haddii uu annaga yahay waan kaa kaafineynaa oo waan dileynaa, haddii uu walaalahayo Khasraj yahayna amar ha dilaane", markaas
ayaa Sacad binu Cubaada oo odeygii reer Khasraj ahaa xoogaa xammiya ihi qaadday oo yiri "waxa aad ogaatay in uu annga (Khasraj)
yahay", Rasuulka SCW ayaa markaa kala dajiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu tegey gurigii reer Abuubakar, waxaa markaas ku soo
degey waxyi isaga oo la fadhiya, markaas ayuu yiri "Caa'isha Ilaah waa ku beri yeelay", markaas ayaa Caa'isha hooyadeed ku
tiri Caa'isha "u istaag Rasuulka" hase yeeshee Caa'isha way diiddey oo waxay tiri "Ilaah baan ku dhaartaye u istaagi maayo,
mana mahadinayo cid aan Alle ahayn?".
Allaah SW wuxuu ku beri yeelay Caa'isha oo uu sababteeda ku soo
dejiyey toban aayadood oo Suuratu-nuur ku jira oo uu uga hadlayo been abuurashadan iyo cidda bilowday, waxaana lagama maarmaan
ah in aan soo qaadanno oo macneyno aayaddahan maxa yeelay arrimahan oo kale maanta aad ayey ugu badan yihiin dadka muslimiinta
ah, in badanna waxaa la arkayaa in dadka munaafiqiinta ah, ee Cabdullaahi binu Ubay oo kale ah, oo maan jooga oo aan akhlaaqda
lahayn ay gabdhaha asturan oo dhawrsan xuman iyo sino ku ganaan, Allaahna dadka noocaas ah wuxuu ku ridey nacalad iyo in naxariista
Alle laga fogeeyo oo ay cadaab daran leeyihiin, adduunkana wuxuu ku ciqaabay in aan markhaatigooda laga aqbalin, siddeetan
jeedalna lagu dhufto, ayna yihiin faasiqiin daacadda Alle ka baxay. Wuxuu Allaah aayadahaas ku yiri:
((KUWA LA YIMID BEEN ABUURASHADA (CAA'ISHA) WAA KOOX IDINKA MID
AH, HANA UMALAYNINA IN AY SHAR IDIIN TAHAY EE WAXAY IDIIN TAHAY KHAYR, QOF WALBA OO IYAGA KAMID AHNA WAXA UU LEEYAHAY WUXUU
KASBADAY OO DAMBI AH, KAN ARRINTA WEYNANKEEDA TAWALIYEY (IBNU UBEY) OO IYAGA KA MID AHNA WAXA UU LEEYAHAY CADAAB WAYN, MAXAAD
MARKAAD MAQASHEEN MU'MINIINTA IYO MU'MINAATKU UGU MALAYN WAAYEEN NAFTOODA KHAYR OO AYSAN U DHIHIN KAASI WAA BEEN ABUURASHO
CAD, MAXAYSE ULA IMAAN WAAYEEN (MUNAAFAQIINTU) AFAR MARKHAATI AH, HADDAYSAN LA IMAAN MARKHAATI KUWAASI ILAAHAY AGTIISA IYAGAA
BEENAALAYAAL AH, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE IDIIN TAABAN LAHAA WIXII AAD DHEX DABAALATEEN SABABTIIS CADAAB WAYN, MARKAAD
CARRABKIINA KULA KULMAYSEEN (KU KALA QAADAYSEEN) OO AAD AFKIINA KU LAHAYDEEN WAX AYDAN OGAYN, UNA MALAYNAYSEEN WAX FUDUD ISAGOO
ALLE AKTIISA KU WAYN, MARKAAD MAQASHEEN MAAD DHAHDAAN NOOMA HABOONA IN AAN KU HADALNO WAXAAN, ALLAA XUMAAN KA NASAHANE WAXAANI
(QADAFKU) WAA BEEN ABUURASHO WAYN, ALLE WAXA UU IDIN KA WAANINAYAA INAAD U NOQOTAAN ISAGOO KALE WALIGEED HADDII AAD
MU'MINIIN TIHIIN, ALLENA WAA IDIIN CADDEEYEY AAYADKII, ALLENA WAA (ALLE WAX WALBA) OG OO XAKIIM AH (FAL SUUBAN), KUWA JECEL
INAY KU FAAFTO XUMAANTA MU'MINIINTA DHEXDOODA WAXAY LEEYIHIIN CADAAB DARAN ADDUUN IYO AAKHIRO, ALLENA WAA OG YAHAY IDINKUSE
MA OGIDIN, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE IDIIN GALAY IYO NAXARIISTIISA IYO IN ALLE YAHAY TURID BADANE NAXARIISTA (WUU IDIN
KA ABAAL MARIN LAHAA INTIINII KA WAY QAADATAY FALKAA XUN)). (Suuratu-Nuur 11-20).
Ka dib waxaa xadkii qadafka laga oofiyey oo 80 jeedal lagu dhuftay
saddex qof oo asxaabtii ka mid ahaa oo dacaayaddaas dhex dabbaashay, waxa ayna kala ahaayeen: Misdhax, Xasaan binu Thaabit
iyo Xamna bintu Jaxshi.
Ninkii munaafaqa ahaa ee arrinta oo dhan been abuuratay lama jeedalin,
sababtana waxa ay culimadu dhaheen: Xadka laga oofiyo qofka dembiga ayuu ka fududeeyaa, isagana (Cabdullaahi binu Ubay) Alle
ayaa isaga oo adduunka jooga u yaboohay cadaab, iska deyntiisana xikmado badan oo Alle iyo Rasuulkiisu garanayaan ayaa ku
yirey.
DIRITAANKII CIIDAMEED EE KU XIGEY BANII MUSDHALIQ
1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Shacbaan, sannadkii 6aad ee
hijriga ciidan uu hoggaaminayey Cabdiraxman binu Cawf, wuxuuna u direy qabiilka la yiraahdo banii Kilaab, wuxuu Rasuulku SCW
u dardaarmay Cabdiraxman arrimo ku saabsan dagaalka, wuxuuna ku yiri "haddii ay ku adeecaan (islaamaan) guurso gabadha uu
dhalay ninkooda madaxda ah". Cabdiraxman iyo ciidankiisii waxay ka ambabaxeen Madiina, markii ay gaareen meeshiii ay qabiilkaasi
degganaayeen way degeen, waxayna islaamka ugu yeerayeen saddex maalmood, markaas ayey islaameen. Ka dib Cabdiraxman wuxuu
guursaday gabadh uu dhalay ninkii odeyga u ahaa oo la oran jirey Tamaadar bintu Asfaq.
2. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy isla bishii Shacbaan ee
sannadkii 6aad ee hijriga ciidan uu hoggooaaminayo Cali binu Abii-dhaalib, wuxuuna u direy qabiilkii la oran jirey banii Sacad
banii Bakar oo ciidammo ururinayey yahuuddii Khaybar degganayd. Wuxuuna dhammaa ciddankaas 200 oo nin, waxayna socon jireen
habeenkii maalinkiina way degi jireen. Markii ay dhex marayaan ayey qabteen nin qabiilku ay Khaybar iyo yahuud u dirsadeen,
markii ninkii la wareystayna wuxuu u sheegay in Khaybar loo diray si uu yahuudda Khaybar ugu bandhigo in ciidan loo soo diro
iyaguna ay timirta Khaybar wax ka bixiyaan. Ninkii ayey markaas kaxeysteen si uu u tusiyo meesha ay cadowgu ku shirayeen.
Qabiilkii reer banii Sacad markii ay ciidankii muslimiinta maqleen way kala yaaceen. Ciidankii muslimiintu waxa ay meeshii
ka soo kaxeysteen 500 oo geel ah iyo 2,000 oo ari ah, dabadeedna waxa ay ku soo laabteen Madiina.
3. Waxaa iyana sidoo kale dhacay bishii Shawaal isla sannadkii
6aad ee hijriga in kooox rag ah oo u dhashay qabiilooyinka la kala yiraahdo Cukal iyo Cureyna ay soo islaameen oo Madiina
yimaadeen. Maalmo markii ay Madiina joogeen ayey jirradeen, markaas ayuu Rusuulku SCW wuxuu u direy geel sadaqo ahaa oo magaalada
duleedkeeda loogu hayey, wuxuuna amray in ay isku darsadaan caanaha iyo kaadida geela oo ay cabbaan. Markii ay sidii yeeleen
oo caafimaadeen ayey ninkii geela ilaalinayey dileen, geeliina dheceen. Warkii ayaa Rasuulka SCW soo gaaray, markaas ayaa
Rasuulku SCW ka daba direy ciidan ka kooban 20 nin oo uu madax u ahaa Kuras binu Jaabir. Kuras iyo ciidankiisii way ka daba
tageen, muddo dabadeedna iyaga oo wada ayey keenee. Wuxuu markaa Rasuulku SCW amray in nimankaas lugaha iyo gacmaha la jaro,
indhahana maddane dabeysan looga soo saaro. Dabadeedna waxaa lagu tuuray kulaaleyda Madiina iyaga oo ku dhawaaqaya "biyo"
ilaa ay ka naf baxeen, taas oo ahayd abaal marintoodii maxaa yeelay way riddoobeen, ninkii muslimka ahaa ee Rasuulka SCW geela
u hayeyna way dileen, geeliina way dheceen. Waxay isku darsadeen gaalnimo, dil iyo tuuganimo. Allaahna waxa uu qur'aankiisa
ku yiri isaga oo tilmaamaya arrinkooda iyo kuwa la midka ah sida qaadhicu dariiqiinta wadada istaaga oo dadka dila xoolahana
dhaca sidan:
((ABAAL MARINTA KUWA LA DAGAALAMA ALLE IYO RASUULKIISA OO DHULKA
FASAAD KULA SOCDA WAA IN LA DILO AMA LA SALBIYO AMA GACMAHA IYO LUGAHA IS DHAAF LOO GOOYO AMA DHULKA LAGA MUSAAFIRIYO, TAASINA
WAXAA WEEYE IN AY LEEYIHIIN ADDUUNKA DULLE, AAKHIRANA CADAAB WAYN)), (Suuurtul-Maa'ida 33).
HESHIISKII XUDEYBIYA
Heshiiskan wuxuu dhacay bishii Dul-Qacdi sannadkii 6aad ee hijriga.
Sababtiisuna waxay ahayd markii ay najaxday dacwadii islaamka, Rasuulkuna SCW uu kala xalliyey acdaa'dii Ilaahay ee islaamka
ku soo qamaameysey haddii ay noqon lahaayeen yahuudii Madiina degganayd iyo cawaantii carbeed ee baadiyaha ku nooleyd, dadkii
muslimiintuna ay awood yeesheen ayey muslimiintii u baahdeen in ay masjidka xumada leh tagaan oo soo cumreystaan. Masaajidkaas
waxaa laga hor joogey oo loo diidayey in ay ku soo cibaadeystaan lix sano. Rasuulku SCW wuxuu manaam ku arkay isaga iyo asxaabtiisa
oo galay masjidkii xurmada lahaa, furihii kacbadana qaaday oo ay dhawaafayaan, ayna cimreysanayaan, qaarkoodna madaxa xiirteen,
qaarkoodna gaasadeen. Rasuulku SCW wuxuu arrintaa u sheegay asxaabtii, markaas ayey farxeen, waxa ayna u maaleeyeen in ay
isla sannadkaas gelayaan. Wuxuu Rasuulku SCW markaas asxaabta u sheegay in uu baxayo oo cimro aadayo, wuxuuna kaxeystay
ciidan gaaraya 1400 oo nin, Madiinana wuxuu ugu tegey Cabdullaahi ibnu umi Maktuum ama Numayla Laythi, xaasaskiisiina wuxuu
kaxeystay Ummu Salama, waxayna isaga iyo ciidankiisii Madiina ka bexeen maalin Isniin ah, bishiii Dul-Qacda, sannadkii 6aad
ee hijriga, ujeeddadooduna waxa ay ahayd in ay soo cumreystaan, hubkoodana way qaateen maxaa yeelay qureysh la iskuma aamino
karin.
Rasuulku SCW markii uu marayo meesha la yiraahdo Dul-xuleyfa, oo
dadka dhinaca Madiina ka yimaaddaa xajka ku xirtaan, ayuu hadyigiisii qoor xiray, cumrana xirtay, qureyshna wuxuu u direy
nin si uu u ogeysiiyo in uusan dagaal u socon. Ninkii ayaa markaa soo laabtay, wuxuuna Rasuulka SCW u soo sheegay in ay isu
diyaarinayaan dagaal oo ay doonayaan in ay xaramka u diidaan Rasuulka SCW. Wuxuu markaa Rasuulku SCW la tashaday asxaabtiisii.
Abuubakar ayaa markaa hadlay oo yiri "Alle iyo Rasuulkiisa ayaa u aqoon badan, waxa aan annagu u nimid in aan cumraysanno
oo keli ah ee uma aannan imaan in aan cid la dagaallanno hase yeeshee ciddii annaga iyo xaramka na kala dhex gasha waan la
dagaallamaynaa".
Qureysh markii ay maqashay in Rasuulkii SCW soo baxay ayey qabteen
fadhi ay uga hadlayeen tallaabadii ay qaadi lahaayeen, waxa ayna ugu dambayntii go'aansadeen in muslimiinta loo diido xaramka,
dabadeedna way is diyaariyeen, waddadii Makka soo gelaysay ee Rasuulku SCW soo hayeyna waxa ay dhigeen ciidan fardooley ah
oo uu madax u ahaa Khaalid binu Waliid, tiradooduna ahayd 200 oo nin. Khaalid iyo ciidankiisii waxa ay fadhiisteen meesha
layiraahdo kuraacul-qamiim oo waddadii ku taala, dabadeedna waxa ay arkeen ciidankii muslimiinta oo salaad duhur tukanaya
oo rukuucsan. Markaas ayuu Khaalid yiri "markii ay ku jireen (salaada) haddii aan ku duuli lahayn waan baabi'in lahayn", markaas
ayaa loo sheegay in salaad ay taas ka jecel yihiin u soo socoto, (taasoo ah salaada casar). Wuxuu markaa Khaalid go'aansaday
in markii ay muslimiintu galaan salaadda Casar uu weerar ku qaado hase yeeshee Allaah SW oo wax walba la socda ayaa soo dejiyey
aayadaha ka hadlaya sida loo tukado Salaatul-khawfka, wuxuuna yiri:
((MARKAAD (NABIYAW SCW) KU DHEX JIRTO (MUSLIMIINTA) OO SALAADDA
AAD OOGTO HAKULA ISTAAKTO (KULA TUKATO) KOOX KAMID AH HANA QAATEEN HUBKOODA, MARKAY SUJUUDAAN (TUKADAAN) HA AHAADAAN GADAAL
(OO HA SOO BADELAAN KOOXDII CADAWGA WAARDIYEYNAYSAY) HANA TIMAADO KOOXDII KALE EE AAN TUKAN OO HAKULA TUKATO HANA QAATAAN
DIKTOONIDOODA IYO HUBKOODA, WAXAY JECELYIHIIN KUWA GAALOOBAY IN AAD HILMAANTAAN HUBKIINA IYO ALAABTIINA OO AY IDIN SOO WEERARAAN
HAL MAR, KORKIINANA DAMBI MA AHAANIN HADDUU IDINKU SUGAN YAHAY DHIB ROOB DARTII AMA AAD TIHIIN KUWA XANUUNSAN INAAD HUBKIINA
DHIGATAAN, QAATANA DIGTOONIDIINA ALLENA WAXA UU GAALADA U DARBAY CADAAB ILHAAMEEYA (DULLEEYA)), (Suuratu-Nisaa' 102).
Aayadahani waxa ay tilmaameen xaaladdii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtu
markaas ku sugnaayeen oo ahayd in cadowgu ka xigey dhinaca qiblada, laakiiin haddii cadowgu xigo dhinac kale oo aan qiblada
ahayn, sidii loo tukan lahaa waxaa sheegay axaadiista Rasuulka SCW oo waxaa weeye: labo qaybood ayey isu qaybinayaan,
qayb cadowga ilaalisa iyo qayb salaadda gasha, markii ay hal rakco imaamka la tukadaan ayey rakcadda labaad dhammaystiranayaan
oo kuwii kale soo beddelayaan, imaamkuna rackadda labaad ayuu ku sugayaa qolada dambe, markiii uu rakcaddaa tujiyana
wuxuu ku sugayaa Attaxiyaatka, markii ay rakcadda 2aad dhammeystaana isku mar ayey salaadda ka baxayaan iyaga iyo imaamku.
Haddiise dagaalku socdo oo ay ciidammadu is dhex galaan, nin walba sidii uu awooodo ayuu u tukanayaa.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu dhinaca midig uga leexday waddadii uu
hayey oo Makka gelaysay ilaa uu ka garay meesha la yiraahdo Xudeybiya.
Khaalid markii uu arkay in ciidankii muslimiintu ka leexdeen waddadii
ayuu nin qaylo dhaamis ah u direy Makka. Rasuulku SCW markii uu marayo meesha la yiraahdo Thaniyatu-Miraar ayey hashiisii
fariisatay, markaas ayaa asxaabtu dheheen "hashii baa fariisatay", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "waxaa xabbisay wixii xabisay
maroodigi (Xaabbisu-Fiil)". Ka dib wuxuu yiri Rasuulku SCW "Allihii naftaydu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye haddii
ay i weydiistaan arrin ay ku weyneynayaan xurumaadka Alle waan siinayaa", ka dib hashii way sii socotay ilaa ay tagtay Xudeybiya
oo ay degeen. Dabadeed waxaa Rasuulka SCW u yimid nin la oran jirey Baddiil bin Warqaa, wuxuuna ku yiri "waxa aan ka imid
Kacab binu Lu'lu' (qureysh) oo kuu diyaarisay ciidan si ay kuula dagaallamaan kaagana celiyaan (kacbada)", markaas ayaa Rasuulku
SCW yiri "annagu uma aannaan imaan in aan la dagaallanno qof ee waxa aannu u nimid in aan cimraysanno, qureyshna waxa dhibay
oo hoojiyey dagaal, haddii ay doonaan aniga iyo dadka ayey isku kaaya deyn lahaayeen, haddii ay doonaanna waxa ay geli lahaayeen
wixii ay dadku galeen (islaamka), haddii ay diidaan wax aan dagaal ahayn Allihii naftaydu gacantiisa ku jirtey baan
ku dhaartaye arrinkayga ayaan kula dagaallamayaa ilaa aan kala waran jiidno (quusano)". Badiil wuxuu yiri "waan gaarsiinayaa
waxa aad tiri", markaas ayuu baxay oo qureysh ku laabtay oo ku yiri "ninkaas baan idinkaga imid (Rasuulka SCW), waxa aanna
maqlay isaga oo leh hadal, haddii aad doontaanna waan idiin dheegi", markaas ayaa kuwii maangabka ahaa ee qureyshtu dheheen
"ma doonayno in aad wax nooga sheegto" hase ahaatee kuwoodii wax garadka ahaa ayaa yiri "keen wixii aad maqashay", markii
uu u sheegay hadalkii uu Rasuulka SCW ka soo maqlay aye Rasuulka SCW u direen nin la oran jirey Makras binu Xafsin.
Rasuulku SCW markii uu arkay ninkaas oo soo socda ayuu yiri "ninkaani
waa ballan laawe", markii uu yimidna wuxuu Rasuulku SCW ku yiri ninkaas intii uu Baddiil ku yiri oo kale, ka dibna ninkii
wuu laabtay oo qureysh ayuu u sheegay hadalkii, markaas ayaa nin la oran jirey Xuleys binu Calqama yiri "bal aniga ii daaya
aan u tagee", markaaas ayey dheheen "u tag", markii uu Rasuulku SCW arkay ninkaas oo soo socda ayuu asxaabtiisii ku yiri "ninkaani
waa hebel, wuxuuna ka mid yahay ragga hadyiga weyneeya ee u soo saara hadyiga", markuu ninkii arkay hadyigii iyo raggaan xaramka
u socda ee aan wax dagaal ah u jeedin ayuu yiri "ma habbona in kuwaan loo diido Beytka", wuxuna ku laabtay qureysh oo ku yiri
"waxa aan soo arkay hadyi la soo qoor xiray, mana arko in loo diido", hase ahaatee queysh way ka hor yimaaddeen fikraddiisii.
Waxaana markaa hadlay nin la oran jirey Curwa binu Mascuud oo yiri "kani (Rasuulka SCW) wuxuu idiin soo bandhigay khiddo wanaagsan
ee aqbala, anigana ii daaya aan u tagee". Markaas ayey "u tag", markii uu yimid ayuu Rasuulka SCW la fariistay oo la hadlay,
Rasuulkuna SCW wuxuu u sheegay hadalkii uu kuwii hore u sheegay, markaas ayuu Curwa yiri "bal ka warran Maxammedow haddii
aad tolkaa dabar goysid, ma maqashay Nin carab ka mid ah oo tolkiis baabi'iyey adiga hortaa, haddii ayse tan kale dhacdo (lagaa
guuleysto) waxaan arkaa wejiyaal loo abuuray (asxaabta) in ay kaa cararaan oo kaa tagaan". Markaas ayaa Abuubakar
Sidiiq u jawaabay oo ku yiri "ku dheg buuryada Laata, ma annaga ayaa ka cararayna (Rasuulka SCW)?", wuxuu yiri "Ilaah baan
ku dhaartaye haddii uusan jiri lahayn abaal aad ii gashay waan kuu jawaabi lahaa". Ka dib Curwa wuxuu sii watay hadalkiisii
uu Rasuulka SCW la hadlayey, mar kasta oo uu Rasuulka lahadlayana wuxuu qabanayey Rasuulka SCW garkiisa, Rasuulka SCW
dudhiisana waxaa taagnaa Muqiira binu Shucba oo uu Curwa adeer u ahaa oo duub xiran, seefna gacanta ku haysta, wuxuuna Muqiira
samaynayey mar kasta oo Curwa laaco garka Rasuulka SCW seefta ayuu gacanta uga dhufanayey wuxuuna ka lahaa "ka daa gacanta
garka Rasuulka SCW", markii dame ayuu Curwa inta madaxa kor u qaaday yiri "waa kuma kani?", waxaa la yiri "waa Muqiira binu
Shucba", markaas ayuu Curwa yiri "nacaskiiyow miyaanan ahayn kii diyadaadii weli gudayey", taas oo ula jeedo niman uu Muqiira
diley intii uusan islaamin ka hor oo uu magtoodii gudey. Ka dib Curwa wuxuu ku laabtay qureysh wuxuuna ku yiri "Ilaah baan
ku dhaartaye waxa aan wafdi ahaan ugu tegey Qaysar iyo Kisraa iyo Najaashi. Ilaah baan ku dhaartaye ma arag boqor ay dadkiisu
u weyneynayaan sida ay asxaabta Maxammed u weyneynayaan Maxammed. Ilaah baan ku dhaartaye ma uusan tufeyn candhuuf ilaa nin
ayaa gacanta u dhiganayey oo wejiga iyo jirka marsanayey, haddii uu amrana way u kala tartamayeen amarkiisa, haddii uu weyseystana
waxa ay ku siganayen in ay isku dagaallamaan weysadiisa, haddii uu hadlana hoos ayey codkooda u dhigayeen, fiirmadana kuma
dhammaynayn weyneyn ay weyneynayaan darteed. Haddaba waxa uu idiin soo bandhigay ninkaasi (Rasuulka SCW) yeela".
Odeyaashiina way u riyaaqeen, laakiin qaar ka mid ah dhallinyaradii
queysheed ayaa markii ay arkeen in odeyaashii heshiis doonayaan waxa ay sameeyeen arrin ay ku doonayaan in ay heshiiska ku
joojiyaan oo dagaal ku ridaan. Arrintaasina waxa ay ahayd in ay habeenkaas baxaan oo tagaan meesha uu ciidanka muslimiintu
degganaa oo ay dagaal huriyaan. Waxaana habeenkii soo baxay 30 nin oo doonayey in ay arrinkaas fuliyaan hase yeeshee Maxammed
binu Maslama oo ahaa madaxa ciidanka ilaalada muslimiinta ayaa nimankii dhammaantood gacanta ku dhigay oo Rasuulka SCW u keenay.
Rasuulku SCW wuu iska sii daayey nimankii maxaa yeelay dagaal uma uusan imaan, wuxuuna doonayey cumro. Allaahna SW isaga oo
tilmaamaya sida uu u kala badbaadiyey dagaalka labada qolo waqtigaas wuxuu yiri:
((ALLE WAA KII GACMAHOODA IDINKA REEBAY KUWIINANA KAREEBAY MAKKA
GUDAHEEDA KA DIB MARKUU IDIN MAKANSIIYEY KORKOODA (AAD QABATEEN), ALLENA WAXA AAD CAMAL FALAYSAAN WAA ARKAA)), (Suuratul-Fatxi
24).
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu go'aansaday in uu nin u diro qureysh
si uu u xoojiyo go'aankiisii oo qureysh u tusiyo ujeeddada uu safarkaan ka lahaa, wuxuu markaas Rasuulku SCW u yeeray Cumar
binu Khadhaab si uu Makka ugu diro. Markaas ayaa Cumar yiri "Rasuulkii Allow Makka iima joogo qof reer banii Kacab ah (xigtada
Cumar) oo ii ficiloonaya haddii la i dhibo ee dir Cusmaan binu Cafaan isaga ayaa xigtadiisu joogtaaye, wixii aad doontana
gaarsiinaya". Wuxuu markaa Rasuulku SCW qureysh u direy Cusmaan binu Cafaan wuxuunana ku yiri "u sheeg in aannaan dagaal u
socon oo aan cumro u nimid, islaamkana ugu yeer". Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW Cusmaan amray in uu u tago ragga iyo dumarka
muslimiinta ah ee Makka jooga oo uu ugu bishaareeyo fatxi una sheego in Alle uu Makka diintiisa ku daahirin doono oo uusan
qofna iimaankiisa ku dhex qarsan doonin.
Cusmaan wuu soo baxay wuxuuna soo maray ciidankii qureysh oo jooga
meel la yiraahdo Baldax, markaas ayey dheheen "xaggee ayaad u socotaa?", wuxuu yiri "Rasuulki Alle ayaa ii soo direy arrinkaas",
waxa ay dheheen waa wanaagsanyahay hadalkaagu ee fuli dantaada. Waxaa raacay nin la oran jirey Abbaan binu Saciid binu Caas
si uu u ilaaliyo ilaa uu Makka ugu tago odeyaashii qureysheed oo uu farriinta ka gaarsiiyo. Ka dib markii Cusmaan u tegey
odeyaashii qureysheed oo arrintii lala soo direy uu u gudbiyey ayey waxa ay u soo bandhigeen in uu kacbada dhawaafo hase yeeshee
Cusmaan wuu diidey oo wuxuu yiri "dhawaafi maayi ilaa uu Rasuulkii Alle ka dhawaafo". Ka dib Cusmaan way celiyeen sababta
ay u celiyeena waxaa la arkaa in ay arrimahaa kala niqaashayeen, Ilaah baase ku cilmi leh.
Markii maqnaanshihii Cusmaan dheeraaday ayaa muslimiintii waxaa
gaaray in Cusmaan la diley, markaas ayuu Rasuulku SCW asxaabtii ku yiri "tegi mayno ilaa aan nimanka foodda is darno", wuxuuna
asxaabtiisii ka wada qaaday Beyco, taas oo ahayd in aysan cararin oo ay dagaallamaan weliba qaar ka mid ihi waxa ay kula mubaayacoodeen
dhimasho.
Rasuulku SCW markii uu asxaabtii oo dhan ka qaaday beycadii ayuu
gacanta is qabtay oo yiri "tanina (beycadani) waa Cusmaan". Markii beycadii dhammaatay ayuu Cusmaan yimid oo isna Rasuulka
SCW la mubaayacooday. Waxaa la yiraahdaa ciidankii Rasuulka SCW la socday waxaa beycadaas ka maqnaa nin munaafaq ahaa oo dhuuntay,
ninkaas waxaa la oran jirey Jadu binu Qays. Beycadaas waxaa lagu qaadayey geed hoostiis, waxaana loo yaqaannaa Beycatu-Ridwaan
maxaa yeelay Allaah wuu ka wada raalli noqday dadkii beycadaas galay, wuxuuna arrintaas isaga oo tilmaamaya qur'aankiisa ku
yiri:
((ALLE WAA KA RAALI NOQDAY MU'MINIINTA MARKAY KUGULA MUBAAYACOONAYEEN
GEEDKA HOOSTIISA, WUXUUNA OGAADAY WAXA QULUUBTOODA KU SUGAN MARKAASUU KU SOO DAJIYEY XASILOONI, WUXUUNA KU ABAAL MARIYEY FATXI
DHAW (KHAYBAR)), (Suuratul-Fatxi 18).
Rasuulku SCW waa uu u bishaareeyey dadkii baycadaas ka qayb galay
oo wuxuu yiri "idinkaa ugu khayr badan waxa dhulka dushiisa ahaaday", sidoo kale waxa uu yiri "dadka geedkaan hoostiisa igula
mubaayacooday qof kamid ihi naar gali uu mahayo haddii Alle idmo".
Cumar binu Khadhaab ayaa markii uu khilaafada islaamka hayey arkay
geedki Beycatu-Ridwaan ka dhacday oo la barakaysanayo oo dadka juhalada ihi markii ay agmarayaan ay ka fadilayaan geedaha
kale oo hoos fariisanayaan, markaas ayuu amray in la gooyo.
Qureysh waxa ay si degdeg ah u soo dirtay nin la oran jirey Sahal
binu Camar si uu heshiis ula soo saxiixdo Rasuulka SCW, waxa ayna ku soo dheheen "sannadkan ha naga laabto maxaa yeelay CaRabbi
ku sheekaysan mayso in uu xoog ku galay xaramkii". Rasuulku SCW markii uu arkay Sahal binu Camar oo soo socda ayu asxaabtii
ku yiri "arrinkiinnii Alle waa idiin dududeeyey mar haddii ay ninkaan soo direen heshiis bay doonayaan". Sahal markii uu yimid
in badan ayey Rasuulka SCW iyo isagu wada hadlayeen, ugu dambayntiina waxaa la isku waafaqay heshiis. Qodobbada heshiisku
waxa ay ahaayeen sidan:
1. In Rasuulka SCW iyo ciidankiisu sannadkan laabtaan oo aysan
Makka iyo xaramka gelin, sannadka soo socda haddii la gaarana ay yimaadaan oo ay saddex beri xaramka joogaan, hubna aysan
la soo gelin ilaa hubka socotada maahane, seefuhuna ay galka ku jiraan, wax dib ahna aysan samayn.
2. Dagaal in la joojiyo 10 sano, oo amni la isa siiyo
3. In ciddii doonta heshiis Rasuulka SCW la geli karto, ciddii
doontaana qureysh la geli karto heshiis. Qabiilkii labada dhinac midkood raacana in loo aqoonsado in uu qoladaas ka mid yahay,
colaaddii lagu qaado qabiilkii dhinac raacana ay la mid tahay colaad lagu qaaday dhinicii kale.
4. Ninkii qureysh ka soo baxsada oo soo islaama in loo celiyo qureysh,
ninkii islaamka ka riddooba oo qureysh u baxsadana aan la soo celin.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu u yeeray Cali binu Abii-dhaalib si uu
u qoro heshiiska. Cali heshiiskii ayuu qorayey, Rasuulkuna SCW wuu u yeerinayey, wuxuuna yiri Rasuulku SCW "qor Bislmillaahi
Raxmaani Raxiim", markaas ayaa Suheyr yiri "Ilaah baan ku dhaarannaye ma garannayno Raxmaan wuxuu yahay ee qor Bismikallaahumma",
markaas ayuu Rasuulku SCW amray Cali in uu sidaas u qoro, ka dibna wuxuu u yeeriyey "Tani waa arrimihii uu kula heshiiyey
Rasuulkii Alle ee Maxammed", markaas ayuu Suheyr yiri "haddii aan og nahay in aad Rasuulkii Alle tahay xaramka kuuma diidneen
kulamana dagaallanneen ee qor Maxammed binu Cabdullaahi", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "waxa aan ahay Rasuulkii Alle
haddaad doontaan i beeniyee ", ka dibna Cali ayuu amray in uu ereyga Rasuulullaah tiro oo qoro Maxammed binu Cabdullaahi hase
yeeshee Cali waa diidey in uu Rasuulullaah tiro. Rasuulka SCW ayaa markaas yiri "i tusi", markii la tusiyeyna isaga ayaa tirey.
Sidaas ayaa warqaddii loogu qoray qodobbadii heshiiska.
Waxaa intii warqadda la qorayey Makka ka yimid wiil uu dhalay Suheylka
Rasuulka SCW heshiiska la saxiixayey oo la oran jirey Abuu Jandal binu Suheyl oo ka mid ahaa muslimiintii dadkoodu Makka ku
cadaadinayeen. Abuu Jandal wuxuu jiidanayey xarkihii uu ku xirxirnaa. Suheyl ayaa markaas yiri "tani ayaa ugu horreysa waxa
aan kugula heshiiyey in aad i celiso", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "weli ma aynaan dhammayn warqaddii", markaas ayuu Suheyl
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye in aanan marka waxba kugula heshiineyn weligeed", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "aniga ii daa
marka", wuxu yiri "kuu deyn maayo". Ka dib Suheyl Abuu Jandal ayuu kexeystay isaga oo ku jiidaya xarkihii uu ku xirnaa. Abuu
Jandalow sabir oo ajar gurubso, Alle wuxuu yeelayaa faraj adiga iyo dadka kale ee mestadcafiinta ah, annaguna waxa aan nimanka
la galnay heshiis oo waxaan siiney iyaguna na siiyeen ballantii Alle, mana jebineyno". Cumar binu Khadhaab ayaa markaa garab
socday Abuu Jandal isaga ooo ku leh "iska sabir Abuu Jandalow iyaguna waa mushrikiin oo qofkood dhiiggiisu waa dhiig Ey",
wuxuuna Cumar u raariciyey seeftiisii, wuxuuna yiri "waxa aan rabay in uu seefta igala baxo oo aabbihiis ku dhufto hase yeeshee
ninku aabbihiis wuu u turay".
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii amray in ay hadyigooda gowracaan
hase yeeshee qofna ma ajiibin maxaa yeelay waxa ay ka careysnaayeen heshiiskan gaalada lala galay. Markii uu saddex jeer ku
celiyey oo qofna ajiibi waayey ayuu istaagay oo u galay xaaskiisii Ummu Salama arrintiina u sheegay, markaas ayey tiri "Rasuulkii
Allow bax oo qofna ha la hadlin ilaa aad neefkaaga gowracdo, timo jarahaagana u yeerato oo uu kuu xiiro". Markaas ayuu Rasuulkii
SCW baxay oo isaga oo aan qofna la hadlin neefkiisii gowracday, timo xiirana u yeertay. Asxaabtii markii ay arkeen ficilka
Rasuulka SCW ayey kaceen oo hadyigoodii gowraceen, timihiina qaarba qaarka kale u xiiray, waxayna maalinkaas hadyi ahaan u
gawraceen Todobo geel ah iyo Todoba lo ah, Rasuulkuna SCW waxa uu gawracay riti uu lahaa Abii Jahal oo dagaalkii Badar lagu
furtay.
Waxaa Rasuulka SCW ka dib u yimid dumar mu'minaat ah oo ka soo
cararay Makka, markaas ayey dadkii xigtadooda ahaa ka daba yimaadeen, hase yeeshee Rasuulku SCW wuu u diidey maxaa yeelay
heshiisku rag keliya ayuu ahaa oo dumarka in la celiyo kuma jirin. Allaahna isaga oo arrintaa xoojinaya wuxuu soo dejiyey
aayaddan:
((KUWA MU'MINIITA AHOW HADAY IDIIN YIMAADAAN GABDHO MU'MINAAT AH
OO SOO HIJRODAY IMTIXAAMA (IN AY DHAB KA TAHAY IYO IN KALE) ALLENA WAA OG YAHAY IIMAANKOODA, HADII AAD OGAATAAN IN AY MU'MINAAT
YIHIIN HA U CELININA (GAALADA) MEHERKOODII (AY HAWEENKAN KA BIXIYEEN) DAMBINA KORKIINA MA AHAANIN IN AAD GUURSATAAN (HAWEENKAAS)
HADII AAD MEHERKOODA SIISAAN, HANA HAYSANINA KUWA GAALADA AH NIKAAX ISKUMA KIIN QABTEE, WAYDIISTA (GAALADA) WAXAAD (MEHER)
U BIXISEEN IYANA HA IDIN WAYDIISTAAN WAXAY (MEHER) U BIXIYEEN, WAANA KAAS XUKUNKII ALLE KU XUKUMAY DHEXDIINA, ALLENA WAXA
UU AHADAY (ALLE) CALIIM AH (WAX WALBA OG) OO XAKIIM AH (FAL SUUBAN)), (Suuratul-Mumtaxina 10).
Rasuulku SCW wuxuu markaa guda galay in uu imtixaanayo (dumarka),
tii ka soo baxdana in uu shuruudihii kula mubaayacoonayo, mana gacan qaadayn ee afka ayuu kula mubaayacoonayey. Sida ay Caa'isha
sheegtay Rasuulka SCW gacantiisu ma taaban naag ajnabi ka ah gacanteed. Markii ay aayadahaasi soo degeen ka dib oo muslimiintii
iyo gaaladii la kala xarrimay ayey asxaabtii wada fureen haweenkii gaalada ahaa ee ay qabeen. Cumar binu Khadhaab wuxuu furay
labo haween ah oo gaalo ahaa oo Makka joogey, ka dibna waxaa kala guursaday Mucaawiye binu Abii Sufyaan iyo Safwaan binu Umaya
oo gaalo ahaa waqtigaas.
Ciidankii muslimiintu aad ayuu uga xumaaday heshiiskii qureysh,
waxayna u arkeen in dhinacooda lagu dulmiyey, waxayna ku soo laabteen murug iyo caga jiid maxaa yeelay waxa ay u haysteen
oo riyadii Rasuulka SCW u fasirteen in isla sannadkaas la gelayo Makka. Sidoo kale waxa ay u arkayeen in qureyshi ay Rasuulka
SCW ku dirqisay wixii ay rabtey oo iyadoo uu Rasuulku SCW xaq ku taagan yahay, Allaahna ballan qaaday in uu diintiisa kor
yeelo la ilhaameystay diintoodii. Raggii arrimahaa aadka uga xumaa waxaa ka mid ahaa Cumar binu Khadhaab, Nabiga SCW ayuuna
u yimid isaga oo leh "Rasuulkii Allow miyaanaan xaq ku taagnayn iyaguna Baadhil ku taagnayn?" Rasuulku SCW "haa" ayuu yiri,
wuxuu Cumar yiri "sow dadkeennii la laayey janno kuma jiraan, kuwoodii la laayeyna naar kuma jiraan?", Rasuulku SCW "haah"
ayuu yiri, Cumar wuxuu yiri "haddaba maxaynu diinteenna dulliga u siineynaa?, aan laabanno ilaa Ilaahay na kala xukmiyo".
Markaas ayaa Rasuulu SCW ku yiri Cumar f'ina Khadhaabow anigu Rasuulkii Alle ayaan ahay mana caasinayo, isaga ayaana ii gargaaraya
ina dayici maayo weligey", Cumar wuxuu yiri "miyaadan noo sheegin in aan Beytka tegi doonno oo dhawaafi doonno?", Rasuulku
SCW wuxuu yiri "haah waan kuu sheegay, waxa aan kuu sheegay in aan tegi doonno", Cumar wuxuu yiri "may" isaga oo u heysta
in ay sannadkaas ahayd, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar "waad tegi doontaa waadna dhawaafi doontaa".
Ka dib wuxuu Cumar u tegey Abuubakar oo intii oo kale ku yiri,
Abuubakarna sidii Rasuulku SCW ugu jawaabay oo kale ayuu ugu jawaabay, weliba wuxu u raacsiiyey "heyso adeecitaankiisa ilaa
aad ka dhimatid, Ilaah baan ku dhaartaye xaq ayuu ku taaqan yahay". Ka dib intii jidka lagu sii jirey waxaa soo degtay Suuratu-Fatxi,
markaas ayuu Rasuulku SCW u yeeray Cumar oo ku dul akhriyey, markaas ayuu Cumar yiri "Rasuulkii Allow ma kan ayaa fatxi ah?",
markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "haa", ka dib Cumar wuu iska degey, wuxuuna ka qoomameeyey hadal ku celintii Rasuulka SCW,
wuxuuna sameeyey camal wanaagsan oo badan oo isugu jirey sadaqo, soon iyo salaad cabsi uu ka cabsanayo ficilkii maalintaa
ka dhacay darteed.
Hashiiska Xudeybiya, in kasta oo muuqaalkiisa guud la moodo in
waxyaabo lid ku ah muslimiinta ay ku jireen, asxaabtuna aysan jeclaysan waxyaabaha qaarkood, haddana waxa ay xaqiiqdu ahayd
in u uahaa nasri weyn oo muslimiinta u soo hoyday iyo Faxi sida uu Allaahba sheegay. Waxaana arrimaha uu nasriga ku ahaa ka
mid ah:
1. Qureysh oo aqoonsatay awoodda iyo jiritaanka muslimiinta ee
ay awal dafiri jirtey, isla markaana joojisey inku taxalujintii ay isku taxallujin jirtey sidii ay islaamka u dabar goyn lahayd
ama dadkii kale ee Jasiiratul-carab degganaa ugu diri lahayd.
2. Qureysh oo faraha ka qaadday ciddii islaamka gelaysa oo nafteeda
isku koobtay taas oo ahayd fashil iyo jab ku dhacay qureysh maxaa yeelay waxa ay awal sheegan jirtey in ay carab ku hoggaamiso
diin, xaramkii Allena deggan tahay, diinteeduna tahay midda keliya ee saxda ah, islaamkuna yahay bidco aan la aqoon.
3. Qureysh waxa ay ahayd caqabo ummado badan ka hor taagnayd in
ay islaamka qaataan markiise ay faraha ka qaadday oo ay la heshiisay aad ayaa islaamka loo soo galay, waxaana loo arkay in
ay diintaani xaq tahay oo faafeyso, wax walbana ka sare mari doonto.
4. Qureysh waxa ay oggolaatay in la fidiyo dacwadii islaamka oo
ay 13 sano Makka ku hor taagnayd, taas oo ahayd hadafkii ugu weynaa ee ay muslimiintu raadinayeen weligood. In dacwada islaamka
dadku xor u noqdaan. Xornimadaas waxa ay dacwadii islaamka u keentay guul weyn taas oo laga garan karo ciidanki msulimiinta
ee 3,000 ahaan jirey oo labo sano ka dib markii Rasuulku SCW Makka furanayey 10,000 noqday.
5. Qabiillo iyo dad badan oo awal islaamka u soo geli waayey qureysh
sababteed ayaa fursad u helay in ay islaamka soo galaan.
6. Qureysh waxa ay u oggolaatay muslimiinta xaramkii ay 6da sano
ka hor taagnayd, taas oo ku tusineysa awood darrida iyo dacfiga ku dhacay, maxaa yeelay way awoodi weyday in ay muslimiiinta
u sii diiddo xaramka sannadkaas maahane oo isna ay ku andacooday in dadku ay ku sheekeysanayaan Maxammed ayaa xoog xaramka
ku galay.
7. Qodobkii ugu darnaa heshiiska ee msulimiintu dhibka u arkayeen
oo ahaa ninkii islaamka ka riddooba in aan la soo celin, kii qureysh ka soo islaamana la celiyo waxa ay ahayd xikmadda ku
jirtaa qof islaamaka arkay oo iimaanka macaankiisa dhadhamiyey, kana mid noqday asxaabtii Rasuulka SCW, in uu riddoobo oo
galnimo doorto way adkayd, Qofkii se taas sameeye kheyr ma leh, faa'iidana kuma jirto in mujtamaca nadiifka ah ee muslimka
lagu soo celiyo oo in uu ka dhex baxo ayaa ka kheyr badan in uu ku dhex jiro. Rasuulkuna SCW isaga oo arrinkaas tilmaamaya
wuxuu yiri "qofkii naga aada (qureysh) Alle ha fogeeyo".
Dhinaca kale qofkii reer Makka ka soo islaama oo loo celiyo lama
dileyn, haddii ay u badatana qaraabadiisa ayaa ciqaabeysey, waxa ayna ahayd arrin imtixaan ah oo Allaah ku kala saarayey,
qofkii islaamku dhab ka ahaa wax kasta oo la mariyo waxba kama dhibeyn, qofkiise uusan dhab ka ahayn ama ujeeddo kale u socday
markii loo caga jugleeyo ayuu horay u boodayaa oo gaaloobayaa.
Midda kale dhulka Allaah waa waasic oo Madiina iyo Rasuulka SCW
maahane meeshii uu doono ayuu aadi karaa sida dhulka xabashida oo ay muslimiin kale jireen muddaba, xornimana lagu siiyey
diintooda. Rasuulkuna SCW isagoo oo tilmaamaya arrinkaas wuxuu yiri "qofkii nooga yimaada (soo islaama) Alle wuxuu u yeeli
doonaa faraj". Allaahna wuu u yeelay faraj oo markii Rasuulku SCW ku soo laabtay Madiina oo uu muddo yar joogey ayaa waxaa
Madiina yimid oo Makka ka soo cararay in ka mid muslimiintii Makka lagu ciqaabi jirey magiciisana la oran jirey Abuu Bashiir.
Markaas ayey qureysh ka soo daba dirtay Abuu Bashiir labo nin,
markii ay labadii nin Madiina yimaadeen ayey Rasuulka SCW ku dheheen "noo dhiib ninkaan waa tii ballan naga dhexaysaye", markaas
ayuu Rasuulku SCW u dhiibay, markii ay la sii marayaan meesha la yiraahdo Dil-xuleyf ayey degeen oo la soo baxeen timir ay
wateen si ay u cunaan, markaas ayaa Abuu Bashiir labadiii nin midkood ku yiri "Ilaah baan ku dhaartaye hebelow waxa aan seeftaan
u arkaa in ay wanaagsan tahay", markaas ayuu soo saaray oo yiri "haa Ilaah baan ku dhaartaye way wanaagsan tahay, waana jarribay
oo jarribay". Abuu Bashiir wuxuu yiri "i tusi bal aan eegee", markii uu u dhiibay ayuu ku dhuftay o qoorta u dheereeyey, kii
kale ayaa markaa cararay ilaa uu Madiina ka gaaray oo u galay Rasuulka SCW iyo asxaabtii oo masaajidka jooga. Rasuulku SCW
markii uu arkay ninkaas baqaha ah oo fiigsan wuxuu yiri "war kani wuxuu soo arkay wax ka aragagixiyey". Ninkii markii uu Rasuulka
SCW u soo galay ayuu ku yiri "saaxiibkayna wuu diley aniguan wan ka soo baxsaday".
Ninkii Abuu Bashiir ahaa muddo ka dib ayuu yimid isaga oo seeftiisii
wata, wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri "Nabigii Allow Ilaah ayaan ku dhaartaye waad oofisay ballantaadii, waadna ii celisay,
ka dibna Alle ayaa iga soo koriyey", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "hooyadii ha hoogtee waa kii dagaal hurin lahaa haddii
uu cid heli lahaa". Abuu Bashiir markii uu hadalkaas Rasuulka SCW maqlay ayuu fahmay in usan Rasuulku SCW warkiisii yeelin
oo uu ballantii ilaalinayo, haddii ay mar kale yimaaddaana (qureysh) uu u dhiibayo, markaas ayuu iska tegey ilaa uu ka gaaray
badda ageeda.
Waxaa isna Makka ka soo baxsaday Abuu Jandal binu Suheyl, Madiinana
ma tegin ee wuxuu u tegey Abaa Bashiir. Ka dibna waddadaa ayaa furantay oo ninkii Makka ka soo islaamaba wuxuu u tegi jirey
Abuu Bashiir ilaa ay koox ka noqdeen, waxayna fariisteen jidkii ay qureysh Shaam u sii mari jirtey markaas ayey wixii safar
ah oo qureysh leedahay oo Makka u socda ama ka yimaada qaban jireen oo raggana layn jireen, xoolahoodana dhici jireen ilaa
ay reer Makka ciriiri galeen oo waddadii mari kari waayeen, markaas ayey Rasuulka SCW farriin u soo direen ay leeyihiin "nimankaas
nooga yeero ciddii ku soo aaddana waa aamin".
Markaas ayuu Rasuulku SCW u cid diray Abuu Bashiir iyo raggiisii
oo Madiina yimaadeen, halkaas ayuuuna ku burburay qodobkii ahaa ninkii reer Makka ka soo islaama ha la soo celiyo oo Alle
ayaa farajkaas u furay, qofkii dambe oo soo islaamana si toosa ayuu Rasuulka SCW iyo Madiina ugu tegi jirey, waxaana ka mid
ahaa dadkii bilowgii sannadkii 7aad ee hijriga sida tooska ah Madiina u yimid oo soo islaamay Camar binu Caas, Khaalid binu
Waliid iyo Cusmaan binu Dhalxa. Saddexdaas nin oo ka mid ahaa halyeeyadii qureysh markii ay yimaadeen wuxuu Rasuulku SCW yiri
"Makka waxa ay idiin soo tuurtay beerkeeda gaballadiisii".
|