Make your own free website on Tripod.com

Open Book

Taariikhda Culimada Isalaamka

Home
Sawirada Calaamadaha alle tusay dadka
Siiradii rasuulka Scw
Suaalaha iyo Jawabaha
Favorite Links
Muxadirooyinka
Taariikhda Culimada Isalaamka
Qisooyinkii Anbiyada

Aslaama Calykum Warax matulaahi wabaraka tuhu.
 
waxaan halakan ku soo ururiyey Taariikhda Culimada Muslinka iyo Somalida.
 
 
 

1_84633_1_3.jpg

Taariikh Nololeedkii Sh. Axmed Yaasiin

Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku dhashay tuulo yar oo caan ah oo la yidhaahdo Jawratu Casqalaan bishii Juun sanadkii 1936, sanadkaas oo ahaa sanadkii ay qaraxday kacdoonadii lagaga soo horjeeday saamayntii ay Yuhuuddu ku soo yeelanaysay dhulka Falastiiniyiinta. Aabihii wuxuu dhintay isagoo shan sano jiray.

     Sh. Axmed Yaasiin wuxuu u soo joogay jabkii waynaa ee ku dhacay Carab sanadkii 1948kii isagoo waqtigaasi jirey 12 sano,dhacdadaas oo uu ka qaatay darsi saamayn wayn ku yeeshay noloshiisa siyaasadeed iyo fikirba,kana bartay in ay markasta Falastiiniyiintu muruqooda ku tashadaan.Isagoo dhacdadaas ka waramaya ayaa wuxuu yidhi:-"Ciidamadii kasocday waddamada Carabta ee ka soo dagaal galay Falastiin ayaa hubkii aannu haysannay naga qaaday iyagoo ku andcooday inaan la oggolaan karin in cid kale oo milaterigii Carbeed ahayni aanay haysan karin hub, markaasaa aayahayagii wuxuu ku xidhmay ciidamadaas, markii ay jabeenna waannu la jabnay , markaas oo ay qawlasatii Yuhuuddu bilawday inay baabiiyaan oo ay gumaadaan dadkii dhulka degenaa,haddii aannu haysan lahayn hubkayagiina maanta taariikhdu waji kaleayay yeelan lahayd".

     Magaaladii uu ku dhashay ayuu ka bilaabay dugsiga ilaa uu ka gaadhayay fasalka shanaad, hase yeeshee markii uu dhacay jabkii 1948kii ayuu reerkoodii ula qaxay gacanka Qasa.Baahidii waynayd ee reerkooda saamaysay ayaa ku kalliftay intii u dhaxaysay 1949-1950kii inuu waxbarashadiisa joojiyo si uu uga qayb qaato quudinta qoyskooda ballaadhnaa,isagoo ka shaqeeyay maqaaxi laga cuno fuulka, lix iyo toban jir markii uu gaadhay ayaa waxaa ku dhacay shil culus oo saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan noloshiisa ilaa intii uu ka shahiidayay, kaasoo ahaa isagoo qoorta ka jabay sanadkii 1952 mar uu la ciyaarayay caruuro la fil ahaa,iyadoo 45 cisho kaddib markii nuuraddii qoorta lagaga duuduubay laga furay la ogaaday inuu inta noloshiisa ka hadhsan naafo aan waxba qabsan karin uu ahaan doono in lacaawiyo mooyaane, isagoo waqtigaas laga bilaabo kursi ku socon jiray. Naafadaas oo markii dambena ugu biiray xanuuno kale sida isagoo isha midig beelay kaddib markii ay ciidamada baadhista Yuhuudu jidh dil ku sameeyeen, isla markaana ishii kale aanu si fiican waxba uga arki kari jirin, sidoo kalena wuxuu qabay xanuuno dhagaha,sambabada iyo caloosha ah.

     Sanadkii 1958kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisii dugsiga sare,isagoo bilaabay shaqo macalinimo ahayd,labaatan jir markii uu gaadhay ayuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday duulaankii saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Masar sanadkii 1956kii, waxaana beryahaas soo baxday codkarnimadiisii iyadoo dhallinayrada iyo dadkoo dhamiba ay u soo joogsan jireen khudbadihiisii soo jiidashada badnaa taasoo keentay inay dabagalaan nabadsugiddii Masar oo waagaa ka talin jirtay gacanka Qasa ,sanadkii 1965kii ayayna xabsiga u taxaabeen iyagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,isagoo xabsi keli ah ku jirey muddo bil ah.

     Sanadkii 1967kii markii ay Yuhuuddu wada qabsatay dhulka Falastiin oo gacanka Qasana ku jiro ayuu bilaabay inuu ku guubaabiyo dadka khudbadihiisii dhiirigalinta ahaa ee uu kaga soo horjeeday gumaysiga Yuhuudda ee dhulkoodii boobay,isagoo isla markaana ururin jirey kaalmooyin la siiyo qoysaska laga shahiiday iyo kuwa laga xidhan yahay,wuxuuna madax ka noqday kulanka Islaamka ee gacanka Qasa. Dhaqdhaqaaqyadiisaasina waxay ka cadhaysiiyeen Yuhuudda ,taasoo keentay in  sanadku markuu ahaa 1982kii la xidho ,laguna xukumo 13 sano oo xadhig adag ah, hase yeeshee 1985kii ayaa lagu sii daayay iswaydaarsi maxaabiis oo dhexmaray dawladda Israa'iil iyo Jabhadda Shacbiga Xoraynta Falastiin "Hoggaanka Guud".

   Sanadkii 1987kii ayuu Sh. Axmed Yaasiin kula heshiiyay koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka Ururka Ikhwaanulmuslimiinta aasaasidda urur Islaami ah oo la dagaalama Yuhuudda, ururkaas oo loo bixiyay "Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta Islaamiga ah" oo marka la soo gaabiyo loogu yeedho "Xamaas", waxaanu qayb laxaad leh ka qaatay kacdoonkii waqtigaas ka bilawday degaanada Falastiiniyiinta,kacdoonadaas oo loogu magac daray kacdoonkii Masaajidka, laga soo bilaaba waqtigaana waxa uu naqday Aabaha Ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqaas.

     18kii Mey 1989kii ayaa Sh.Axmed Yaasiin iyo xubno badan oo ka tirsan ururka xamaas xabsiga la dhigay iyadoo dawladda Israa'iil ku eedaysay inuu isagu ka dambeeyay aasaaska ururka Xamaas garabyadiisa Ciidan iyo nabadsugidba leh, ururkaas oo ka dambeeyay dilka askar badan oo Yuhuud ah iyo basaasiin badan oo iyaga u shaqeeyaba. 16kii bishii Obtoobar sanadkii 1991kii ayay maxkamad milatari ku xukuntay xabsi daayin(madaxaa ha ku furto) iyo waliba 15 sano oo xadhig dheeraada ah. 13kii bishii Diisambar 1992kii ayay koox naftood-hurayaal Falastiiniyiin ahi afduubeen askari Israa'iili ah si ay ugu badashaan Sh. Axmed Yaasiin iyo maxaabiis kale oo dad gaboobay ahaa, hasee yeeshee dawladda Israa'iil way diiday arrintaas iyadoo isku dayday inay xoog ku soo furato, isku daygaasna waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada Yuhuudda ee isku daygaa samaynayay,askarigii la furanayay iyo taliyihii naftood-hurayaasha.Hase yeeshee Sh. Axmed Yaasiin waxaa lagu sii daayay maxaabiis ay iswaydaarsadeen dawladda Boqortooyada Urdun iyo dawladda Israa'iil, 1dii Oktoobar sanadkii 1997kii, iyadoo ay maxaabiista Yuhuuddu ahaayeen laba nin oo ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Yuhuudda oo isku dayay inay ku dilaan madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas ku leeyahay Cammaan Khaalid Mashcal.

    Ka hor dilkan dhacay      ee ay Yuhuuddu ku dishay Ilaahay ha u naxariistee Sh. Axmed Yaasiin waxay 6dii Sebtember sanadkii 2003dii isku dayday dil ay helikobtarada Yuhuuddu la beegsadeen guri gacanka Qasa ku yaala oo uu ku jiray, weerarkaasna waxaa garabka midig ka soo gaadhay dhaawac fudud.Falkan u dambeeyay ee ay Yuhuuddu ku dishay Sh. Axmed Yaasiin waxaa uu dhacay isagoo ka soo baxay Masaajid ku yaal Qasa oo uu ku soo tukaday Salaaddii Subax, waxaa kaloo isla weerarkaa ku dhintay laba kalkaaliyayaashiisa ahaa. Ilaahay Naxariistii Jano ka ha waraabiyo dhammaantood. Aamiin.


Xigasho:-

  • Kanaalka Satalaytka ee Aljaziira

  • Sheekha Mujaahidka ah Axmed Yaasiin  / Xarunta Warfaafinta Falastiiniyiinta

1_72490_1_3.jpg

Taariikh Nololeedkii Dr. Sh. Cabdicasiis Al-Rantiisi

 

Dr. Sheekh Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid  Alrantiisi wuxuu ku dhashay tuulo yar oo la yidhaahdo Yibna oo u dhaxaysa Casqalaan iyo Yaafa taariikhdu markay ahayd 23/10/1947kii lix bilood markii uu jiray ayay sanadkii 1948kii reerkiisu u qaxeen xerada qaxootiga ee Khaan Yuunis oo ku taala gacanka Qasa, qoyskooduna wuxuu ka koobnaa 6 wiil iyo laba gabdhood.

     Lix sano markii uu jirey ayuu galay dugsi ay gacanta ku haysay Wakaaladda Gargaarka iyo Shaqo siinta Falastiiniyiinta. Sanadkii 1965kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisa dugsiga sare.1972kii ayuu ka qalin jabiyay kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Al-Iskanderiya ee dalka Masar,isla jaamacddaas ayuu ka qaaday shahaadada Maajisteerka isagoo ku qaatay caafimaadka qaybta caruurta. Sanadkii 1976kii ayuu shaqo ka bilaabay dhakhtar Naasir la yidhaahdo oo ku yaala xerada Khaan Yuunis.

     Waxaa uu ka soo shaqeeyay Jaamacadda Qasa tan iyo intii la furay sanadkii 1978kii ,sanadkii 1983kii ayaa xabsiga loo taxaabay markii lagu eedeeyay inuu diiday bixinta cashuurta uu siinayo dawladda Israa'iil,  mar kale ayuu sanadkii 1988kii xidhnaa 21 cisho.Sanadkii 1987kii ayuu koox ka mid ah hormoodadii dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah la aasaasay Dhaqaaqa iskacaabinta Islaamiga ah ee Xamaas. 4.2.1988 ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay falal ka dhan ah Israa'iil waxaanu ku jiray muddo laba sano iyo badh ah waxaana la soo daayay 4.9.1990kii.Isla sannadkaas ayaa haddana xabsiga loo taxaabay isagoo ku jiray muddo hal sano ah. Xabsiga ayuu ku dhex xafiday Quraanka Kariimka ah isagoo qol kula xidhnaa Ilaahay ha u naxariistee Sh. Axmed Yaasiin. 17.12.1992 ayaa isaga iyo 400 oo qof oo kale oo ka kala tirsanaa ururada Jihaad iyo Xamaas ayaa loo tarxiilay koonfurta Lubnaan halkaasoo ahayd meeshii uu magaciisu ku soo shaac baxay kaddib markii uu af hayeen u noqday dadka laga saaray waddankoodii.Kaddib markuu dib uga soo noqday xeradii ay koonfurta Lubnaan kaga jireen ayay ciidamada Israa'iiliyiintu haddana xabsiga u taxaabeen, halkaasoo uu ku jiray ilaa badhtamihii sanadkii 1997kii. Kaddib markii uu xabsiga ka soo baxayna waxaa xabsiga haddana dhigay xukuumadda Falastiiniyiinta ee ka jirta Qasa iyo Daanta galbeed halkaasoo dhawr jeer lagu celceliyay iyadoo marka uu ka soo baxaba mar kale lagu celinayay wuxuuna guud ahaan ku jiray celcelis ahaan 27 bilood.Bishii Juun 2003dii ayuu ka badbaaday gantaal ay ku dhufteen diyaaradaha Israa'iil gaadhi uu ku jirey isagoo gacanka Qasa jooga waxaana ka soo gaadhay dhaawac isaga iyo wiilkiisa oo la socday.Kaddib 22kii Maarso 2004ta markii la dilay hoggaamiyihii hore ee Xamaas Sh. Axmad Yaasiin Ilaahay ha u naxariistee ayaa loo doortay hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa markaasoo uu ballan ku qaaday in loo aari doono, hase bil in ka yar dabadeed taariikhdu markay ahayd 17kii Abril 2004ta ayuu ku geeriyooday gantaal ay diyaaradaha Irsii'iil ku dhufteen gaadhi uu la socday waxaa kaloo isla goobtaas ku dhintay labo ruux oo la socday.Ilaahay ha u naxariisto.     

 


Xigasho:-

  • Kanaalka Satalaytka ee Aljaziira

barkhat.gif

Shiikh Cumar faaruuq waa ka fadhiya dhinaca Midig
 
 

Taariikh Gaaban oo ku saabsan

Sheekh Cumar Faaruuq

 

W.Q. Maxamed Xasan

 

Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Waxa uu dhashay sida loo sheegay goor barqo ah, maalin Khamiis ah, xilli dayr ah, bisha iyo sannadkase lama yaqaan.

 

Carmaale waxa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo. ka koobanayd dugsi Quraan oo uu hayey wadaad la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis, iyo cilmiga oo isagu uu akhrin jirey.

 

Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashay qoys diineed. Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootay, aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano. Isagoo weli la gudin baa Aabbihii dhintey. Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo iyo walaalihiis ka waaweynaa. Sheekha dugsiga qur'aan, dugsigii 1aad wuxuu galay isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah . Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen sh. Axmed-guure la yiraahdo. Dugsigaasaa isagoo 12 jir ah uu quraanka ku dhameeyey, hase yeeshee dusha kama qaban. dugsigii 3aad isagoo 14 jir ah ayuu galey. Dugsigaas ayuu Cumar-Faaruuq quraanka dusha uga qabtey isagoo 14 jir ah. Dabadeed qur'aankii waa uu hilmaamay, sababtuna waxay ahayd isagfoo ku mashquulay shicir wax la oran jirey oo dhaqan u ahaa qoyska uu ka dhashay ah ilaa uu shicirkii dusha ka qabtey.

 

Markaa qur'aanka Sh. Cumar-Faruuq 3 goor buu dhameeyey. Ka dibna isagaaba macallin-dugsi noqdey, markaasoo uu 14 jir ahaa. Mar wuxuu ku qabtey dugsi magaalada Qallaafe isaga oo kutubta raacda oo xer ah, una dhiga carruurta reerkii uu markaas uu la noolaa. Reerkaasi oo uu lahaa nin la yiraahdo Olol Diinle, waxay saaxiib ahaayeen aabahiis. Dugsigii labaadna wuxuu u qabtey niman reer Ugaas la yiraahdo, meel la yiraahdo Maraacaato. Dugsigaas labaadna dugsi buu kiciyey.

Sheekh Cumar Faaruuq Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Sh. Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane.

 

Dhinaca luqadda Carabiga guriga ayaa loogu akhrin jirey, niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sh. Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid ayaa si toos ah ugu akhriyey Naxwaha, Ajruumiga, Camriidiga, Mulxaha, Mutamimka, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha. Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u khriyey wadaad la dhihi jirey Sh. Yuusuf muddadaasoo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa.

Cilmiga Xadiiska ayuu markaa nin Sh. Ibraahim Muxumed Cali (Sh.Ibraahim Suuley) ka akhristay. Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassa ku taalley Xamar oo la oran jirey "Machadu-Diin bil-Muqdisho" oo ay Masaaridu dhigi jirtey. Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe. Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku oolli jirey lambar afar oo ay sucuudigu maamuli jireen. Kadib waxa uu galay Jaamacadda Medina , kulliyadda "Al-Dacwa wa-usuula-Diini", markaasoo taariikhdu ahayd 1975, wuxuuna ka qalin-jabiyey 1979kii.

 

Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay Sacuudiga. Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah iyo siirada oo dhowr kitaab ah, manhajul-Muslim, taysiirul-aclaam, Arbaciinu-Al-Nabawi iyo kutub fara badan oo noocaas ah intii uu joogey Sucuudiga. Kutubadaas ayaa gaarey Yurubta iyo Ameerikaba. Kutubtaas dartood baa dadkii ku noolaa dibedda ay jecleysteen inay arkaan, markaasoo uu 1993kii bishii July 12keedii uu Shiikhu tegay dalalka Sweden, Norwey, Danmark, Finland, Swizarland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadaraad iyo duruus kaleba.

 

Kadib sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryaaley, Afgooye, Wallaweyn, Buurhakaba, Beydhabo.

 

Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran oo ka kooban seddex qaybood. Kan hore waa midaynta culimada diinta ku abtirsada, mid mid ama xisbi xisbi ha ahaadeene; Kan labaad (Tawjiihul Uzucamaa) la talinta iyo toosinta ragga qabqablayaasha ka ah siyaasadda Soomaaliya; iyo qaybta seddexaad (Tadqiiful-Ummah) oo ah waxbaridda ummadda Soomaaliyeed, oo siduu sheegay Shiikhu "goorahan dambe Ilaahay hanuun siiyey" sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdi iyo waano.

 

Sheekh Cumar Faaruuq waa mufti ay si wayn bulshada Soomaaliyeed uga haybaysato, waxqabadkiisuna uu ka muuqdo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, iyadoo cilmigiisa dunida oo dhan laga wada raacdo. Dalka Sucuudiga oo uu degganaa tan iyo 1974kii, waxa uu si toos ah uga akhrin jiray kutubta, kuwaasoo cajaladaha laga duubo muxaadarooyinkiisa ay soo gaari jireen dunida inteeda kale.

 

Laba goor ayuu sannadkan Soomaaliya tegay Sheekh Cumar Faaruuq, halkaasi oo uu ka bilaabay tafsiir xaafadda km 4, duruustaasi oo maqal iyo muuqaalba laga duubay si mar walba loo isticmaalo faafiddooduna u fududaato. Waxa uu islamarkaa Jimcayaasha jeedin jiray muxaadaro looga kala yimaado Muqdisho iyo magaalooyinka ku hareeraysan sida Afgooye, Marka, iyo Qoryoolay. Tirada ka soo qaygasha dhagaysigiisa waxa lagu qiyaasay 4000 oo qof markiiba, iyadoo celcelis ahaan ay 1500 oo ka mid ahi haween yihiin.

 

Sheekh Cumar Faaruuq booqashada uu Toronto ku yimid waxa ay ka dambaysay codsiyo iyo martiqaad ay bulshada Soomaaliyeed ee Kanada u fidisay in uu u yimaado.

 

Intii uu ku sugnaa Toronto waxa uu ka akhriyey laba risaalo oo kala ah "al-caqiidal-Waasidiyah" iyo "al-caqiidal daxawiyah". Waxa kaloo uu bixiyey muxaadarooyin kale oo ay ka mid yihiin kuwo dumarka u gaar ah iyo kuwo ragga u gaar ahba.

 

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu leeyahay 13 carruur ah iyo afar xaas, iyadoo ubadkiisa iyo kuwa ay sii dhaleen ay gaarayaan dhowr

sheekh-frame.gif

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxamed Macallin

Maxamed Xaaji Cabdullaahi "Ingiriis"
Muqdisho, Soomaaliya

Waxaa dhawaan ku geeriyooday dalka Talyaaniga Sheekh Maxamed Macallin Xasan oo ahaa aabbihii baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Sheekh Maxamed Macallin waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa iskugu yimid kumanaan-kun oo qof oo iskugu jira culumada, ducaadda iyo dadweynaha ku nool Xamar. Bogga Islaamka ee tirsigan waxaan ku soo qaadanaynaa taariikh nololeedkii Sheekh Maxamed Macallin Xasan.

Sheekh Maxamed Macallin wuxuu ku dhashay sannadkii 1934-kii baadiyaha magaalada Buur Hakaba. Wuxuu Qur’aanka ku bartay isla goobtaas. Sagaal jir markuu ahaa ayuu Qur’aanka dhammeeyey, kaddib wuxuu billaabay inuu u safro dhanka galbeed iyo magaalada Harar, halkaas oo 20 sano ku dhowaad uu culuunta kala duwan ee Islaamka ku baranayay.

Kadib wuxuu u soo wareegay Sheekhu gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, halkaas oo markii ugu horreysay Masjidka Jaamaca ah ee weyn ee magaalada Hargeysa uu ka billaabay tafsiirka Qur’aanka kariimka ah sannadkii 1952-kii. Muddo yar kadib wuxuu Shiikhu u safray dalka Masar halkaas oo waxbarashadiisa markii la qiimeeyey loo oggolaaday fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare ee Macaahidda Al-Azhar. Sannad kaddib wuxuu ku biiray Jaamacadda Al-Azhar, gaar ahaan. Kuliyadda Usuulu-Diin, qeybta caqiidada iyo falsafadda. Halkaasna wuxuu ka qaatay Shahaadada (M. A.) Mastrate. Dabadeed, wuxuu u gudbay darajada Diktorate PhD. Sheekh Maxamed wuxuu cilmibaarista ugu danbaysay ka qorayey Iimaanka iyo raadka uu ku leeyahay qofka iyo bulshada. Sheekhu isagoo aan dhamayn ayuu ku noqday Soomaaliya sanadkii 1968.

Intii uu Qaahira joogay Sheekh Maxamed wuxuu ahaa madaxa ardayda Soomaaliyeed ee halkaa ku noolayd. Febraayo 1968-dii ayuu Sheekh Maxamed Macallin Allaha u naxariistee ku soo laabtay dalka. Febraury illaa bishii September sanadkii 1968 wuxuu Shiikhu sameeyey daraasad la xiriirta xaaladda diineed ee dalka Soomaaliya ee uu xilligaas ku jiray dalku.

Waxaa u soo baxday inay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed baridda iyo baraarujinta diinta Islaamka, waana midda keentay inuu September dabayaaqadeedii isla sanadkaa tafsiir ka billaabo masjidka weyn ee maqaamka Sheekh C/qaadir. Taariikhdan gaaban waxaan ka soo xigtay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo ka mid ahaa raggii ay Shiikha aadka isugu dhowaayeen.

Sidoo kale, isagoo ka warramaya wixii kala qabsaday Sheekh Maxamed iyo dowladdii milateriga ayuu yiri Sheekh Axmed, sannad kaddib, markii xukuumaddii milateriga ay dalka ka dhalatay, baraarugga Islaamkana uu si wanaagsan uga socdo magaalada Muqdisho, wuxuu isku dayey maamulkii milateriga ahaa inuu Shiikha ka joojiyo Tafsiirka. Balse, Shiikhu wuu diiday, walow loo magacaabay Agaasimaha arrimaha diinta si uu isaga dhaafo tafsiirka. Sheekhu taa wuu ka dhega adaygay, wuxuuna si dardar ah u watay tafsiirkiisii oo ay u wehliyeen muxaadarooyin diini ah. Sheekh Axmed oo weli ka sii hadlaya arrintaas waxa uu yirii Maamulkii milateriga ahaa wuxuu kaloo isku dayey inuu Shiikha u magacaabo safiir si uu dibadda isaga dheereeyo balse Shiikhu taasna wuu diiday, waxayna keentay inuu ka mid noqdo 54-kii qofood ee shaqaalihii ugu horreeyey ee loo bixiyey liiskii madoobaa ee laga eryey dowladda, wuxuuna ahaa qofkii afraad ee liiskaas ku qornaa.

Arrintaasi uu ku dhaqaaqay maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxba kama beddelin Sheekh Maxamed Macallin, sida uu noo sheegayo Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow, maadaama uu lahaa dad fara badan oo aad u jeclaa noloshiisa wax ciriiri ah ma aysan gelin. Wuxuu sii watay Tafsiirkiisii. Dowladdii Barre ayaa xirtay sannadkii 1976-kii illaa 1982-kii isagoo ku xirnaa xabsigii Labaatan Jirow oo dhib badan loogu geystay. Markii la soo daayey ayuu dib u billaabay Tafsiirkiisii.

August 1984-kii ayaa mar kale amar lagu soo rogay inuu joojiyo tafsiirka, balse wuu diiday, taasina waxa ay keentay in mar kale la xiro xabsigana lagu jirdilo. Dhacdadaaas waxa ay keentay in dowlado badan oo Carbeed iyo dowlado magac ku leh dunida ay Shiikha u soo jeediyaan inuu dalka isaga soo baxo, noloshiisana ay kafaalo qaadayaan. Sheekh Maxamed Macallin ma uusan yeelin, wuxuuna ku adkeystay inuu dadkiisa diinta ku baraarujin doono oo dadkiisu ay u baahan yihiin.

Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa cajal laga duubay, waxa uu ku sheegay in waxyaabihii ugu darnaa ee noloshiisa soo mara ay ahayd xariggii xabsigii Labaatan Jirow oo lagu gaarsiiyey rafaad iyo cadaab, nimankii askarta ahaa ee aan u xirnaa waxa ay sameynayeen wax kasta oo aniga i dhibaya ayuu yiri mar sii horreysay Sheekh Maxamed Macallin.

Xilli adag ayay ahayd xilligii uu xabsiga ku jiray Sheekhu. Waxaa magaalada Muqdisho ka furnaa 13 Orientation (goobaha hanuuninta dadka) oo Shuuciyadda dadka lagu hanuuniyo, taasina dadka waxay ugu yeereysay in uusan Ilaahay jirin oo dabeecaddu ay wax kasta iyadu maamuleyso. Sida Shiikhu uu sheegay waxaa jiray dad badan oo arrintaa ciidan u noqday. Waxaa Shiikhu dadka uga digi jiray intii aan la xirin shuuciyadda, isagoo aan waxba ka sheegi jirin dowladda. Waxaa dhacday in dadweynhii Soomaaliyeed, ha ahaado dadkii shaqaalaha, ama ganacsatada ama arday ama boolis ama ciidan kale inay ku soo xirmaan tafsiirkii Sheekh Maxamed. Halka ay goobihii Kacaanku ay dadka ku xareysan jireen ay dadkii ku yaraadeen Markaas ayaa la xiray Sheekh Maxamed Macallin.

Sida Sheekh Maxamed Macallin uu sheegay, waxaa u tagay maamulkii Kacaanka odoyaal, waxayna yiraahdeen shiikha haddii aad dambi ku haysataan noo sheeg, haddii kale annagaa damaaano qaadayna ee noo soo daaya. Markaas Maxamed Siyaad Barre waxaa la sheegaa inuu yiri ninkaan (Sheekha) dambi ma laha. Waa nin waddani ah oo toosan, laakiin asna Orientation buu furtay, annaguna 13 Orientation ayaan furannay. Isagii baa dadkii naga leexsaday kolka waan ka xoog badannahay, waana iska xareynay

Sheekhu wuxuu xabsiyadii dowladdii milatirga ku jiray muddo 11 sano iyo dheeraad ah. Waxa uu sheegay mar uu arrintaasi hadda ka hor ka hadlay Sheekhu inaanu is lahayn si ammaan ah ama adigoo nabad ah ayaad ka soo bixi doontaa xabsigii Labaatan Jirow. Markii uu xabsiga ka soo baxay waa uu xanuunsaday, kaddibna dibadda ayuu aaday. Qalliin ayaa lagu sameeyey, waana uu ku ladnaaday. Waxa uu dib ugu noqday casharkii, markuu sagaal cashar galay ayaa xabsiga lagu celiyey. Waxaa la moodayey in dadkii casharkiisa ku xirnaayeen ay is illoobeen, dadkiina waa ay ka soo dareen. Muddadaas dheer ee uu xirnaa, wax is beddel ah noloshiisa kuma imaan Sheekh Maxamed.

Sheekh Axmed Cabdi oo mar kale ka hadlaya sannadihii ugu dambeeyey ee Shiikha waxa uu yiri wuxuu ka mid ahaa shiikhu aasaasayaashii Kulanka Culumada Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Kulankaas. Dagaalladii sokeeye kaddib wuxuu Tafsiirka ka billaabay masaajidka Isbahaysiga. Shiikhu wuxuu ahaa qof iimaankiisu sarreeyo, noloshiisa oo dhanna diinta ku kooban tahay, dadkana ay isugu mid yihiin. Aad ayuu u naxariis badnaa. Waxaan oran karaa wuxuu ahaa aabbaha baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa nin saqi ah oo gacan furan. Hoggaamiye mujaahid ah, ummaddaana sheegi doonta waxtarkiisa. Qiyaastiisa oo idil waxay ku saleysnayd Islaamka. Ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow.

Geeridiisa qof kasta ayaa ka naxay oo Soomaaliyeed. Waxa uu ku tiraabay Sheekh Axmed inay jeclaan lahaayeen inuu maanta la joogo, waxaa naga geeriyooday caalim Islaami ah, oo sida kaalintiisa lagu buuxiyaa ay adag tahay” ayuu yiri Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow.

Sheekh Cumar Faaruuq oo la hadlayey idaacadda BBC-da, waxa uu ku tilmaamay Sheekh Maxamed Macallin inuu ahaa caalim aqoon qoto dheer u leh diinta Islaamka. Sidoo kale, Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu sheegey in inta badan dadka maanta ku hawlan fidinta diinta Islaamku ay wax ka soo barteen Sheekha.

Shariif Cabdi Nuur oo ah nin caalim ah oo caan ka ah dalka Soomaaliya iyo dalalka Islaamkaba ayaa tibaaxay inuu ahaa Sheekh Maxamed Macallin nin furfuran oo faham badan. Isagoo u warramayey Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Shariif Cabdi Nuur, waxa uu yiri Sheekh Maxamed waxaan ku tilmaamayaa nin deggan oo aamus badan oo Qur’aan akhris badan oo laqwiga neceb. Waxa uu sheegay Shariifku inuu ahaa Sheekh Maxamed nin furfuran oo kaftan badan, “aniga iyo asaga waan isla kaftami jirnay kolkii uu ii yeerayo wuxuu iigu yeeri jiray Awkeey Shariif, anigana waxaan dhihi jiray “Shiikh Nawaaq.

Sheekh Maxamed waxaa lagu yaqaannay dadka uu ka weyn yahay inuu u adeego, xataa sida la ii sheegay shilka uu Shiikhu ku galay Sacuudiga waxay ahayd inuu u adeegay nin ay ku wada noolaayeen hal meel uu wax uga doonay dukaan. Dabadeed, asagoo jidka goynaya ayaa waxaa ku yimid gaari ordaya. Arrintaasi waa mid aan shaki lahayn oo lagu yiqiinnay shiikha. Tawaaduc iyo u jajabni dad u adeegidiisa mid lagu yaqaannay oo caam ah bay ahayd, Allaha u naxariisto” ayuu yiri Shariif Cabdi Nuur.

Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed oo mar noqday Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, xabsigana ay iskula jireen Sheekha ayaa ka sheekeeyey noloshii dheereyd ee xabsigii Labaatan Jirow. Dhaawac weyn bay ku tahay geerida Sheekh Maxamed Macallin dacwadda Islaamka, gaar ahaan dhulka Soomaalida ayuu yiri Sheekh Cabdiqani oo hadda ka tirsan xarunta cilmi baarista Fiqhiga ee dalka Kuwait.

Sheekh Maxamed Macallin, 30-kii sano ee aan soo dhaafnay dacwadda Islaamka intii uu ka geystay iyo intuu ka qaatay ma jiro ruux ka qaatay. Maxamed Macallin Allaha u naxariisto, geeridu xaq weeye laakiin aad iyo aad baan uga murugsannahay. Waxay ahayd waqti loo baahnaa dacwaddii uu Sheekh Maxamed waday iyo dhallinyaradii uu tacliiminayey, qaasatan tafsiirka Qur’aanka uu ku tarbiyadeyn jiray ayuu yiri Sheekh Cabdiqani.

Sheekh Cabdilqani isagoo ka hadlaya waxbarashadii Sheekha waxaana uu yiri Sheekh Maxamed markii uu tagay Jaamacadda raggii Soomaaliya ka yimid imtixaan ayaa laga qaadi jiray. Ninkii Sheekh Maxamed imtixaanka ka qaadayey inta uu istaagay ayuu madaxa ka dhunkaday. Sheekh Maxamed asagoo caalim ah buu tagay dalka Masar. Nin aad u fahmo badan ayuu ahaa. Xaafid Qur’aan ayuu ahaa, waxaana leeyahay maanta geeridiisu waxay nagu tahay khasaaro. Waa waqti aan u baahannahay oo dacwadda Islaamka Soomaalida looga baahan yahay.

Sheek Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb-gashay aaska Sheekha ayaa isaguna ka hadlay, wuxuuna yiri, Sheekh Maxamed waxa uu ahaa ahammu-shaqsiya diiniya oo ku suga Soomaaliya. Hadda oo uu dhintayna ma lihi arrintaas ee waxaan qoray sanadkii 1982, mar ay I soo weydiiyeen Raabidadu. Waxaana marqaati ka ah sida ay maanta shacabka Soomaaliyeed u aaseen.

Mar ay odoyaal ka tirsan deegaanka Bay iyo Bakool wax ka weydiiyeen xabsigii labaatan jirow iyadoo laga furayo halkaas maxkamado Islaami ah, Sheekh Maxamed Macallin waxa uu sheegey, inuu xilligaasi ahaa xilligii ugu adkaa noloshiisa. Waxay odoyaashaasi ugu tageen hoteelkii uu deggenaa, waxaana ay ku yiraahdeen Sheekhow waxaan ka mid ahayn ardaydaadii Tafsiirka kaa baran jirtay. Xabsigii Labaatan Jirow markii aad ku jirtay xaaladdaada waan la soconnay ee waxaan ku su’aaleynaa sidee ayaad u kala garan jirtay sannadka, maalmaha, usbuuca iyo bishaba?.

Waxa uu su’aashaasi uga jawaabay Sheekh Maxamed Macallin waxaan ahaa xaafid Qur’aan. Usbuuca waxaan ula socday toddobada jallaad ayaan maalin walba jallaad ka aqrin jiray. Bishana waxaan ula socday maalin walba jus ayaan akhrin jiray. Sannadkana, cilmiga xiddigaha ayaan wax ka aqiinnay, waxaana xiddigaha iyo qorraxdaba kala socday duleel yar oo ku yaallay saqafka kore ee qolka. Muddo kaddib duleelkii yaraa ayaa geed ka soo dul baxay oo iga qariyey xiddigaha sidii aan u arki lahaa. Madaxa askarta xabsiga ayaa la ii geyn jiray maalmo kaddib si la ii wareysto xaaladdeyda. Waxaan u sheegay in meel duleel ah oo ay qorraxdu ka soo gasho ay dhib igu hayn jirtay, Ilaahay baa meeshii qorraxdu ka soo galaysay ka soo bixiyey geed oo qaraxdii aan ka reystay. Kolkaa aniga waxaan rabaa si geedka loo gooyo, isla markiiba way gooyeen, waana sidii aan rabay ayuu yiri Sheekhu.

Mar uu ka hadlayey wixii ugu yaab badnaa ee uu kala kulmay xabsigaas, waxa uu yiri waxaa iigu yaab badnaa inay anigu caado ii ahayd inaan salaad walba aadaamo, waxayna igu yiraahdeen askartu ‘waa inaad joojisaa aadaanka.’ Waxaan iri xabsiyada dalka oo dhan waa laga aadaamaa ee maxaa keligey la iga rabaa, waxayna yiraahdeen ‘waa amar jooji,’ anigana ma aanan joojin oo sidii ayaan u watay aadaankii kaddibna qolkii dhexdiisii ayay igu xir xireen (miig). Isma lahayn adoo nool ayaad ka baxaysaa ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin. Sidii anigoo u rafaadsan ayaa la iga soo beddelay Labaatan Jirow oo waxaa la i soo beddelay Xabsiga Dhexe, waxaana la igu xiray qol ciriiri ah oo Shimbiroole la yiraahdo, magacaasna waxaa loogu bixiyey waxaa ka buuxay dhilqo fara badan oo sidii shimbiraha oo kale kugu soo dagaya. Kaddib askartii gudaha ee xabsiga ayaa go’aansatay inay wax ii qabtaan. Qolkii ayay iga soo bixiyeen, kaddibna inta ay dhaqeen oo ay mariyeen rinji kaddibna ay ku xireen nal ayay igu yiraahdeen ‘Shiikhow naga raalli ahaaw,’ markaas kaddibna waxay noqotay in qolkii ay ku soo bixiyaan maxaabiista kale laaluush si ay u soo galaan ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin Xasan.

Dhallinyarada baraarugga Islaamka ee Muqdisho ayaa ka sameeyey Sheekh Maxamed Macalliin qoraallo badan oo taariikhdiisa ku saabsan, waxaana ay ka sheekeeyeen bilowgiisii geeddi socodka iyo markii uu billaabay inuu raadiyo cilmiga diinta. Waxaa qoraalladaasi ku jira in markii Shiikhu yaraa ee uu geeriyooda aabbihiis Macallin Xasan, ay isku qabsadeen adeeradiis iyo abtiyaashiis. Waxaa dhex galay isticmaarkii waagaa joogay oo labada dhinac laba gees kala istaajiyey, dabadeedna amray in Sheekha oo yar la istaajiyo dhexdooda, kaddibna halka uu raaco ay qaadanayaan. Dabadeed wuxuu shiikhu raacay abtiyaashiis, sida uu sheegayo mid ka mid ah dhallinyaradii Shiikha haysay taariikhdiisa.

Abtigii ayaa inta uu u dhiibay kitaab safiino ah safar ku soo daray si uu kitaab ugu aqristo Baydhabo. Beydhabadii kuma uusan nagaanin Shiikhu oo asagoo meel fadhiya oo nin Imaam uu tujiyey is leh kitaabka ha kuu akhriyo ayaa nin kale soo ag fariistay oo yiri ‘kaalay anigaa kuu akhrinaayo oo galbeed baan ku geynayaa.’ Ninkii buu iska soo raacay. Wuxuu yimid Jigjiga iyo agagaarkeeda. Sheekh la yiraahdo Sheekh Maxamed C/llaahi oo dugsi meesha ku haya ayuu arkay. Habeen bey la hoydeen asaga iyo dad kale. Sheekhuna wuxuu ku haray halkaas oo uu ka bilaabay kitaabkii ugu horreeyey Safiinaha ah oo muqtasir ah.

Dugsigii markii dambe Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa la wareegay. Macallin dugsi ayuu noqday oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan xerta iyo Shiikhoodaba. Waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la yiraahdo Xaaji Cali oo ka yimid Sacuudiga magaalada Maka, wuxuuna dugsi ku qabtay magaalada Dirirdhabe oo aad looga aflaxay. Sheekhu wuxuu markaas aqristay kutubta naxwaha iyo fiqiga intooda hoose, wuxuuna ka raacday cilmi badan ayay ku qoreen majalad ka hadlaysa taariikhda Sheekha. Sidoo kale, Sheekhu wuxuu arday u noqday culimo waaweyn oo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Jowhar iyo Sheekh Buraawi.

Sheekhu, markii uu ka tagay gobolka Soomaali Galbeed waa uu lugeeyey, waxaana uu maray dalalka Itoobiya, Ereteriya, Suudaan illaa uu ka gaaray dalka Masar dabayaaqadi sannadkii 1958-kii. Inta uusan ka tegin gobolka Soomaali Galbeed waxa uu ka yimid magaalada Hargeysa oo uu ka soo baxay, waxa uu maray Jigjiga iyo magaalooyin kale oo bariga dalka Itoobiya ah. Intii uu joogay Masar Sheekhu wuxuu arday u noqday Sheekhul-Azharkii xilligaas, Sheekh Cabdulxaliim Maxmuud. Sheekh Cabdulxaliim Maxmuud ayaa u ahaa ninka la talinayey markii uu diyaarinayey PhD-da.

Sheekh Maxamed Macallin Xasan, waxa uu dalka Masar wax ka baranayey markii ay sida adag isugu hayeen dalkaas xarakada Al-Ikhwaanul Muslimiinka iyo dowladda, dabayaaqadii sannadkii 1950-kii iyo bartamihii 60-kii. Waxay ahayd waqti ay isku herdiyayaan xarakooyin fara badan oo dhanka saaxada fikriga iyo siyaasadda. Xarakada walaalaha Muslimiinta ayaa aad u shaac baxday. Sheekha waxaa raad ku yeeshay afkaarta raggii hormoodka ka ahaa oo u akhriyey kutubadooda. Waxaa ka mid ahaa culumadaas Al-Imaam Shahiid Xasan Al-Banaa, Shahiid Sayid Qudub, Hudeybi. Markii Sayid Qudub la daldaleyey, Shiikhu waxa uu joogay Qaahira, wuxuuna u sheegay BBC-da inuu runtii aad ugu saamoobay arrintaas, aadna uga xumaaday.

Sheekh Maxamed Macallin waxa uu ku lahaa magac weyn iyo taariikh dheer Soomaaliyaa. Waxa uu ahaa caalim laga tixgeliyo dhulalka Muslimiinta. Dacwadii Sheekh Maxamed Macallin Ilaahay waa barakeeyey, waxayna aqbalaadda in badan oo ka mid ah dadweynaha iyo culumada Soomaaliyeed. Sidaasna wuxuu ku noqday aabbaha saxwada Islaamka ee Soomaaliya. Sheekha aaskiisii waxaa iskugu yimid culumo farabadan oo kala leh itijaahyo iyo aragtiyo kala duwan, kana kala tirsan ururrada Islaamdoonka Soomaaliyeed. Shiikhu wuxuu ifka kaga tagay hal wiil iyo saddex gabdhood iyo hooyadood.

Geeridiisu waxa ay ka nixisay dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sidaasi darteed, Sheekhaas weyn ee caanka ah waxaan leennahay Alle ha u naxariisto, ha u nuuriyo xabaasha, iilka neecaw udgoon iyo ha ku siiyo naruuro, Aamiin

 

Asalaamu Calaykum wr wb.

Taariikh-dii Imaamul Muslim (Raximahu laah)

Waxa si rasmi ah loo bilaabay diiwaan gelinta xadiisyada Rasuulka (CSW) wakhtigii khilaafada Cumar Binu C/casiis isagoo ku tala bixiyay in la qoro xadiisyada rasuulka (CSW), waxa uu fariimo u diray magaalooyinkii kala fogfogaa ee islaamka, culumadana waxa uu amar ku siiyay in ay aruuriyaan xadiisyadii rasuulka (CSW) oo ay diiwaan geliyaan, waxana jiray qoraalo ay sameeyeen reer madiina. Cumar Binu C/casiis waxa uu yidhi “waxa aan ka baqayaa duruusta cilmiga in ay ehelkoogu dabar go’aan”, laga bilaabo wakhtigaa culumadii islaamku waxa ay bilaabeen in ay aad ugu hamiyaan una samraan uruurinta axaadiista rasuulka (CSW) oo ay ku diiwaan geliyaan kutub, may ahayn mihiimad sahlan iyo masuuliyad fudud, culumadaa u hawlgashay in ay xadiisyada rasuulka (CSW) soo aruuriyaan waxa ay galeen hawl ka daran tii soo aruurinta quraanka ee wakhtigii Abu bakar (RC) waayo quraanka waxa wada xafidsanaa asxaabta Rasuulka (CSW) waana ay adagtahay in quraanka wax lagu khaldo laakiin sunaha rasuulka (CSW) waxa laga soo aruuriyay dhul kala fog fog lamana garanayo tirada axadiista rasuulka (CSW), beenalayaashuna waxa ay dhex gelinayeen axadiista rasuulka wax aan ahayn hadalkiisii sidaa darteed waxa loo baahday in la helo manaahij iyo garasho xeel dheer oo lagu kala cadaynayo xadiiska rasuulka (CSW) iyo wixii aan ahayn, sidaa ayayna ku hawl galeen culumadii waaweynayn ee soo aruuriyey axaadiista rasuulka (CSW).

Intii lagu jiray qarnigii labaa ee Hijriyada ayay bilaamatay diiwaan gelinta axaadiistii rasuulku (CSW), ninkii ugu horeyey ee xadiiska Maka ku aruuriyey waxa uu ahaa Jureex Al Basri oo dhintay 150H iyo Maxamed Binu Isaxaq oo 151H ku dhintay Madiina, Macmar Binu Raashid oo isna ku dhintay Yaman 153H, Saciid Binu Abi Caruuba oo isna ku dhintay Basra, Layth Binu sacad oo isna ku dhintay Masar 175H, Maalik Binu Anis oo isna ku dhintay Madiina 179H, dhamaantood illaahay ha u naxariistee.

Waxa ugu weynaa mu-alalifaatka ay dejiyeen culumadaasi xadiiska rasuulka (CSW) iyo fatwooyinkii asxaabta iyo taabiciinta sida ku cad kitaabka Al Muwada ee uu dejiyey iimaam maalik , waxana uu ka kooban yahay ilaa 3000 oo masalo iyo 700 oo xadiis, kitaabka markii la qorayay ragbaa taagnida ugu yeedhiyay iyagoo xafidsanaa xadiisyada iyo ma-alafaad khaas oo kale waxana soo baxday kutubtii Musnadka ee lagu soo aruuriyey xadiisyada, xadiiskastana waxa lagu hoos qoray magaca asxaabigii soo weriyey waxana lagu celiyey musnadka axmed binu xamar oo ah kitaabka ugu caansan uguna waafisan diwaanada sunaha.

Hadaba markii la soo gaadhay qarniga saddexaad ee hijriyada waxa bilaamay dhaqdhaqaaq firfircoon oo lagu aruurinayo xadiisyada, is barbar dhigna lagu samaynayo daciifnimada iyo saxeexa xadiiska iyo aqoonta ragii xadiiska iyo derajada ay ka gaadheen alle ka cabsiga iyo toosnaanta.

Waxa markaa soo baxay kutub xadiisyada saxeexa ah lagu soo aruuriyey, ninkii ugu horeeyey ee qora kutub xadiis ah oo saxeex ah waxa uu ahaa Iimamul Bukhaari waxana ku xigay imaamul muslim oo raaciyay kitaabka saxeexul muslim waana kuu ku saabsan yahay mawduucan aynu ka hadlayno.

Dhalashadii iyo Barbaarintii Imamul Muslim (Raximahu Laah)

Muslim binu Xujaaj waxa uu ku dhashay magalada niysaabur (Naisabur) Sanadku markuu ahaa 206H, magaaladaas oo ahayd magaalo qani ah cilmiga iyo aqoonta xadiiska sida ay isku raacsan yihiin culumada taariikhda, waxa uu ku soo barbaray qoys fiican waxana lagu edbiyay guri uu leeyahay nin caalim ah, aabihii waxa uu akhriyi jiray xalqado cilmi ah sidaa darteed ayuu aabihii ku tarbiyadeyay wax barashada, waxna uu korey isaga oo aad u jecel cilmiga, isagoo sagaal jir ah waxa uu wax ka dhigan jiray culimadii Naysaabur, caalimkii ugu horeeyey ee wax u dhigaana waxa uu ahaa Yaxye Binu Bakar.

Waxa ay xusaan kutubta taariikhdu in uu ahaa nin ganacsada ah oo mulkiyey hanti, waana uu ka tagay hawshii ganacsiga ahayd si uu wakhti ugu helo barashada cilmiga, waxa uu galay socdaalo faro badan oo uu ku raadsanayo culumadii faro badnayd ee ku baahsanayd calamka islaamka ee balaadhan, waxa uu bilaabay socdaal kiisu ugu horeyey ee cilmiga waxana uu tagay Xijaas, isagoo da-diisu ayna gaadhin 14 ayuu soo gutay xajka, waxana uu la kulmay culumadii xadiiska iyo sheekhyo waaweyn intii uu joogay Xijaas, waxa uu wax ka baranjiray Ismacil Binu uways iyo Saciid Binu Masuur, intaa ka dibna waxa uu tagay Basra, Kuufa, Raay, Shaam iyo meelo kale, mudadii uu ku jiray safaradan waxa uu la kulmay xaafidiin waaweyn iyo muxadisiin gaadhaya ilaa boqol, waxana ka mid ahaa Imaamul Bukhaari muda ayuuna la joogay waxana uu gaadhay jacalkiisu heer uu ku yidhaado “Kaalay aan lugaha aan ku qabsado macalinkii macalimiintow, sayidkii muxadisiintow, dhakhtarkii xadiiska ka saarayay cilladow”.

Waxa ka mid ahaa mucalimiintii wax baray Maxamed Binu Yaxya oo ahaa imaamkii ehlu xadiiska ee kharasan iyo xaafidkii daarami oo ka mid ah kuwii xafidsanaa axadiista, C/laahi binu Muslama iyo Abu Sarcata Al raasi oo ahaa muxadis deganaa magalada Raay.

Heerka uu ka gaadhay aqoonta

Dadaalkasta oo uu u galay cilmiga waxa uu helay midhihiisi, illaahay (SW) ayaa u barakeyey wakhtigiisi waxana uu helay cilmi aanay isku keenin kuwii la mid ka ahaa, illaahay waxa uu ku arsaaqay xusuus aan kala go lahayn iyo caqli degan iyo fahan xeel dheer, taas ayaana ku keentay in ay soo jiidato culimada.

Waxa ay culimadu ku amaani jireen isaga oo yar in uu iska celin jiray waxa la siiyo waxana uu uga waramay macalinkiisi Isaxaq in uu arkay daabad iyo ninkii ilaalinayay waxa uu ku yidhi ninkii waar yaa leh daabadan ka dibna waxa uu ku noqday sheekhiisi Maxamed Bishaar waxa uu ku yidhi xaafidiinta aduunyadu waa afar Abu Sarca al raasi oo magaalada Ray ku sugan iyo Imaamul muslim oo Masabur ku sugan, C/laahi Daarami oo Samra qandi ku sugan, Maxamed Binu Ismacil oo reer bukhaari ah.

Imaamul muslim (raximahu Laah) waxa aad u amaanay culumada ehlu xadiiska waxa uu yidhi Qaadi Cayaad oo ka mid ahaa imaamyadii islaamka iyo xaafidiintii xadiiska iyo musanifiinta kuwii ugu qanisanaa sida uu u amaanay umay amaanin kuwa danbe iyo kuwa horeba, culumadu waxa ay isku raaceen imaam-nimadiisi iyo horu markiisa saxsanaanta xadiisyadiisa iyo is barbardhigiisa, kalsoonidiisa iyo aqbalaada xadiisyadiisa.

Waxyaaba uu alifay

Imaamul Muslim (Raximahu Laah) waxa uu ka mid ahaa culumada ugu tahliifka badan xadiiska faniyadiisa kala duwan iyo warintiisaba, waxa naga soo gaadhayna waxa ka mid ah tiro aan yareen oo ka markhaati ah heerka uu ka gaadhay xadiiska oo yar yihiinba wax ka gaadhay marka loo eego dadka u adeega sunaha iyo kuwa lagu arsaaqay balaadhnida cilmiga oo ku fiday, waxa ka mid ah mu-alifaadyadiisa Alkunya wal asmaa, Dabaqaad Taabicin, Rijaalu Curwa Binu Sumer, Mu faridaatu Wujdaan, waxa kaloo uu leeyahay kutub kale oo laba helaynba wax ka mid ah Awlaadul asxaaba, Ikhwatu wal akhwaat, Aqraan, Aw haam muxadisin, Dikri awlaadul xuseyn, Mashaayikhul Maalik , Mashaayikhul Thawri iyo Mashaayikhul Shucba.

Saxeexul Muslim

Waxa baahiyay magaciisa oo caan ka dhigay kitaabka weyn ee saxeexul mulsim, culumadu aqoon umay laheen heerka garashada imaamul muslim uu u leeyahay cilmiga xadiiska ilaa inta uu dhamaynayay kitaabka, kitaabka ayaa lagu bartay caana uu ku noqday.

Waxa uu yidhi Imaamul Nawawi hordhaca sharixiisa saxeexul muslimka (waxa ka soo hadhay xusuus qurux badan iyo amaan wanaagsan ilaa qiyaamaha) waxa uu bilaabay alifaada kitaabka mudo hore isagoo jooga naysabuur markii uu soo dawaafay dhulal badan, culimo badana la kulmay, waxna ka soo bartay, cimrigiisu waxa uu ahaa markii uu bilaabay hawshan barakaysan ee kitaabka qoristiisa 27 jir, qorida kitaabkuna waxa ay ku qaadatay 15 sano, waxana uu isku keenay imaamul muslim xadiisyo uu qoray oo gaadhaya 3033 oo uu ka maqlay culimadiisa intii uu ku jiray socdaalka waxana uu ka soo qaatay 3033 xadiis oo ku soo noqnoqonayn kitaabka halka inta ku soo noqnoqonaysaana ay tahay 7395 xadiis marka laga soo bilaabo 10 kan xadiis uu ku sheegay hordhaca kitaabka, axaadistani waa kuwa u dejiyay tartiibta wanaagsan si ay ugu sahlanaato cidii baranaysa, waxana uu u dejiyay qaybo, kitaab kastana waxa uu ka kooban yahay intaas oo qaybood, kutubtiisa saxeexa ah ee nambarsana waxa ay gaadhaan 54 kitaab oo ka bilaabma kitaabul Imaan oo ay ku hoos jiraan qaybta ah Diintu waa naseexo iyo qaybaha nifaaqa, Xaaranimada kibirka, waxana uu akhriyey kitaabka imaamka iyo ka daharamada, kitaabka xaydka, kitaabka salaada, waxa uu ku dhamaada saxaaxul muslim kitaabka tafsiirka oo ah kitaabka 54-naad.

Muslim waxa u laasimay in uu xadiiskasta uu geliyo mawduuc kaliya isagoo ku soo koobay dariiqooyinkii loo doortay xaga sanadka iyo laftiga kala gedisnaantooda si ay ugu sahlanaato daalacashada ardayga ee wajiga xadiiska ee ah sanadkiisa iyo qoraalkiisa iyo kala gaxaynta, umaduna waxa ay isku raacday qubuulka kitaabka saxeexul muslimka waxana la barbar dhigay saxeexul bukhaari, waxana la tiriyay inta xadiis ee saxeex ah ee ku jirta, waxana culumadu is barbar dhigeen labadoodaba, badhkood waxa ay door bideen imaamul muslim, laakiin sida ku cad daliilka muxaqiqiinta ahlu cilmiga ah saxeexul bukhaariga ayaa ka afdalsan xaga saxnimada xadiiska, saxeexul muslimkuna waxa uu kaga fadli badan yahay xaga sahlanaanta axaadiis ku kulmo mawduuc kaliya oo aanay qoybo kala jarayn sida uu yeelay bukhaari, culimadu aad ayay uga shaqeeyen ugana adeegeen saxeexul mulsimka, waxa la sameyeyna toban sharax waxana ka mid ah Ikmaalu Al macalin bi fawaa’id muslim oo uu qoray Qaadi cayaad, Minhaaj waxa qoray Nawawi, Ikmaalu macalin waxa qoray Maxamed Binu Khaliifa, sadexdan sharaxba wey daabacan yihiin weyna diiwaan gashan yihiin.

Itijaahan saxeexul muslim culimo badan ayaa wax ka qoray oo ay ka mid yihiin Ibnu Manjawi Al Asbahaani, waxa kale oo culimadu ka sameeyeen kitabo koobkooban (Mukhtasir ah ) sida ka Qurdibi, Culimada badhkood waxa ay meel isku geeyeen labada saxeex (Bukhaari iyo muslim) Sida ka Jawsaqi, waxa kale oo qoray muslim waxa u ka waafaqay Bukhaari waxana qoray Shanqiidi, waxa isaguna jira lulu wal marjaan oo ka kooban waxa ay isku waafaqeen labada sheikh waxa qoray Maxamed Fu’aad.

Waxa la daabacay saxeexul muslimka dhowjeer oo kali kali ah iyo isaga oo sharixiisu la socdaba waxana ugu wanaagsan ka uu xaqiijiyay Maxamed Fu’aad Cabdi baaqi waxana uu u sameeyey xadiisyada nambaro iyo tusmooyin kala saaraya.

Dhimashadii

Imaamul muslim binu xujaaj intii uu joogay Naysabuur waxa uu qaban jiray xalqado cilmi ah oo ay wax ka bartaan ardayda iyo dadka jecel dhageysiga xadiisyada rasuulka (CSW) waxana ugu caansanaa ardaydiisi uu ka tagay Abu Ciisa Tarmiidi, Yaxya Binu Saacid, Ibnu Khusayma, Abu bokor Maxamed Binu nadir iyo kuwa kale oo badan.

Wakhtigiisi oo dhan waxa uu ku mashquulsanaa alifaada iyo tasniifta kutubta ilaa habeenkii uu geeriyooday waxa uu ku mashquulsanaa xaqiijinta masalo cilmi ah oo lagu weydiiyay majliskii uu casharada ka akhriyi jiray waxana uu u soo toosay si uu u baadho masaladan laakiin waxa uu la kulmay rabigii intaanu waagu baryin 25 Rajab 261-kii oo la mid ah 6 may 875M isagoo dadiisu ah tahay 55 jir waxana lagu aasay maalin isniin ah Qubuuraha Nasrabaad ee Naysabuur.

Wabilaahi Tawfiiq

Waxa wada jir u diyaariyey

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
C/fataax Xasan Aadan
cabdifataax_96@hotmail.com

 

Taariikhdii Imaamul Bukhaari
(raxima hu laah
)

Dadka inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaq siyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal tooyada umadda Islaamka kitaab kiisa loo yaqaan Saxiix-ul-Bukhaari laakiin isagu uu u bixiyey Saxiixul Jaamic oo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran, Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaqsantahay inuu yahay Bukhaari Imaamu ahlul Xadiis iyo ninka ugu xifdin badan sunada Nabiga (scw) waana kitaabka loogu kalsoon yahay agtooda Kutubta lixda ah ee waa wayn ee loo yaqaan Situ Umuhaat kuwaas oo kala ah Saxiixul Bukhaari, Saxiixul Muslim, Sunan Abii Daa’uud, Sunan At-tarmethey, Sunan Ibnu Maajah iyo Sunan An-Nisaa’i .

 Inta uu jiro qof muslim ah oo baranaya sunnada Nabiga (scw), baalka uu Imaamku kaga dhigan yahay taariikhda Islaamka waxa uusan ka engegeyn carabka inta wanaaga ku xusaysa. Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta sunnada Nabiga (scw) barashadeeda uheelan had iyo goor, fahamkeedana u oomman, waana Amiirul muslimiin fil Xadiis.

 Dhalashadii Imaam Bukhaari (raxima hu laah)

 Magaciisu waa: Abu-Cabdullahi, Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim, ibnu muqiirah, ibnu Burdazbah Al-Jacfi Al-Bukhaari wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara, oo ku taal dalka Ruushka maanta loo yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu ahaa 194H 13-ka bisha Shawwaal habeen jimceed, waxuu ahaa asalkiisu Faarisi laakiin ku magacaabida (Aljacfi) Aabihiis baa wuxuu ku Islaamay Gacanta Al-yamaani Aljacfi uuna u ahaan jiray Mowle sidaas baa loogu magac daray Al-jacfi.

 Bukhaari Aabihii, Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Mughiirah al-Jacfi, wuxuu ka mid ahaa Muxaddisiintii waa weynaa ee reer Bukhaara wuxuuna caan ku ahaa uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga (scw). Bukhaari Aabihi wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga tagey hanti fara badan. oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis  Maalkayga oo dhan ma garanyo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis.

 Barashadii sii Cilmiga  Xadiiska

 Imaam Bukhari markuu gu’ tobnaad gaarey ilaahey wuxuu laabtiisa ka buux shey xiisaha barashada Axaadiista Nabiga (scw). Wuxuu galay dugsiga Axaadiista lagu barto ee Bukhaara, sanad kadibna wuxuu marjac iyo tixraac u noqday macallimiintiisa oo mararka qaarkood ka saxan jirey Matniga (Lafdiga) iyo Asaaniida (Sil silada lagu kala wariyo Axaadista).Imaam Bukhaari  Markuu lix-iyo-toban jirsadey, wuxuu dusha ka qeybey kutub tay qoreen Ibnu Mubaarak iyo Wakiic,  Imaam Bukhaari Sareynta xifdigiisa iyo sugnaanta fahamka uu u leeyahay Axaadiista Nabiga (scw) waxaa la yaabay culumadii Xiligiisa  nooleydey.

 Imaam Bukhaari Sideed-iyo-tobon markuu jiray  wuxuu la xajiyey hooyadii iyo walaal kii Axmed, Xajka ka  dib, Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray Xaramka, ka dibna wuxuu qoray kitaauu ugu magac daray “Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin”. Wax yar ka dib wuxuu aadey magaaladii Nabiga (scw) Madiina Anabawiyah , intuu joogeyna wuxuu qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “At-Taariikh al_Kabiir.”

 Imaamku wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga (scw). Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeeldheerayd xilligiisii, waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo. Asagoo taa xusayana wuxuu yiri, Cilmi dalabka waxaan u aaday Masar iyo Suuriya laba goor, Basrana afar goor, lix sanaan    Xijjaaz u joogey,inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u raacayna maba koobi karo.

 Arrimihii dadka cajab geliyey ee Imaamku lahaa waxaa ugu weynaa xifdigiisa, Xaashid Ibnu Ismaaciil ooy Bukhari isku xer ahaayeen, wuxuu yiri:

 Bukhaari wuxuu axaadiista nagala baran jirey culumada Basra. Axaadiista waa qoran   jirney isaguse ma qoran jirin. Arrintaa waa ku canaanannay, ka dib Bukhari wuxuu codsay innaan waxaan qoranney u keenno wuxuuna ku kordhiyey shan-iyo-toban-kun oo Xadiis oo xifdigiisa uu ka sheegay. Waxaan kutubteenna ka sixi jirney xifdiga Bukhaari.

Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada tahay,  iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn.

 Waxaa xifdiga u dheera fahamka iyo garashada Axaadiista. Wuxuu ku xeel-dheeraa lifaaqida iyo tifa tirida Axaadiista marnana ma suuroobi jirin in Imaamka hadalka Nabiga (scw) laysku daba mariyo. Muxudisiintii reer Baqdaad ayaa isugu qasay muttuun (Lafdi) iyo asaaniiddii (Silsiladii) Axaadiista bal si ay u hub sadaan qotoda iyo gunta garashada Bukhaari u leeyahay Cilmiga Axaadiista markey maqleen innuu Baqdaad ku soo socdo.

 Imaam Bukhaari Markuu magaalada soo galay, waxaa loo qabtey xaflad balaaran oo lagu soo dhawey nayey ooy ka soo qeybgalleen culumaddii Axaadiista ee reer Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna waxaa Bukhaari loo soo bandhigay boqol xadiis oo kas loo marooriyey ula kacna leys ku daba mariyey, Sidii lagu yaqaaney Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu mid-mid u dhiraan-dhiriyey Asnaadoodii saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka saaray (marlabaad buu ugu celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga (scw) looga wariyey u qaadaa dhigaya ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka Nabiga (scw).

 Dhacdadaasi waxay muu jisay xeel dheeraanta aqoontiisa xifdiga iyo garashadiisa Cilmiga Xadiiska Nabiga (scw), Bukhaari wuxuu u adeegsaday inuu ku uruuriyo inta ugu saxan uguna hubsan Axaadiista nabiga (scw) kuna qoro hal kitaab. Bukhaari wuxuu yiri “Xadiis kasta oon ku qoray Kitaabkeyga labo rakco baan u tukadey, Allaah baan kala tashaday (Istikhaara), sixadiisana waan hubsaday.” Waxey ku qaadatay 16-sano (lix-iyo-toban-sano) inuu ku dhameeyo qorista kitaabka Caanka ah ee uu garanayo Qofkasta oo Muslima oo wuxuun diina garanaya amase maqlay Nabigaa (scw) sidaa yiri  A-Saxiix-ul-Bukhaari. “ Waa Xujjo aniga iyo Allaah noo dhexa” buu Imaamku yiri. Markuu dhammeys tirayna wuxuu u bandhigay  Axmed Inbu Xanbal, Yaxyaa Ibnu Maciin, Cali Inbu Madiini, iyo Rag kale kuligoodna waxay u qireen kitaabkiisa sixid iyo sugnaan. Arrintaasi waxey noqotey ficil aad loo mahadiyey nacfigiisa iyo wax tar kiisana maanta la qirsanyahay oo qofkii Xadiis soo daliiliya ama sheega haduu yiraahdo Rawaahul Bukhaari aan laga daba hadlayn Muslimiintuna ku qanacsan yihiin inuu yahay warkii Nabiga (scw) ilaahow qabriga kuu nuuri sidaad sunada u nuurisay.

 Qofnimadiisii Imaamul Bukhaari

 Imaamka waxaa lagu yaqaaney deeq, zaahidnimo iyo Alle ka cabsi. Wuxuu ahaa nin Adduunku uusan agtiisa wax ka aheyn. Imaamku, Sidii culumaddii la xilli ahaa lagu yaqaaneyba, Allaah nin ka baqa buu ahaa. Nin cibaado badan buu ahaa. Waxaa la wariyey inuu maalin walba oo bisha Ramadaan ka mid ah uu Qur’aan-ka dhamayn jiray.

 Imaamku waxuu ahaa Nin dadka xaqooda iska ilaaliya, hadaladiisii waxaa kamid ahaa “Waxaan rajeynayaa innaan Allaah la kulmo, Annoon la iga xisaabin qof aan xantay.” Welligiis qof xummeeyey uma caroon baa la wariyey xagga zaahidnimada.

 Bukhaari waxuu ahaa nin caato ahoo cuno yar oo meel dhexaad ah aan dheerayn gaabnayna, wuxuu ahaa nin timo jilic san, waxuu ahaa nin ahsaan badan aadna deeqsi u ah, xataa waxaa la wariyaa inuu halmaalin sadaqaystay 3000 oo dirham, wuxuu ahaa nin warax xalaal quudato ah, waxuu ahaa nin taqi ah oo cibaado badan wuxuu kaloo ahaa marakay soo gasho bisha Ramadaan Quraanka wuxuu dhamayn jiray maalin kasta.

   Kheyr kuu lahaa Bukhaari qoraal kan yar laguma soo koobi karo. Hadaad fadaa’ishiisa rabto bal aqri tarjumada Imaam Ibnu Xajar Al casqalaani kaqoray Imaamka ee ku taal  hordhaca kitaabka uu ku sharxay  Saxiix-al-Bukhari  oo lagu magaacabo Fatxul Baari oo runtii isna u baahan in mar gooni ah laga sheekeeyo, waxaase kusoo koobaynaa waa kitaabka ugu qaalisan kutubta lagu sharxay Saxiix Albukhaari dhinac walbaba.

 Geesimadii Imaamka

 Markuu muddo ka maqnaa Bukhaara ayuu bukhaari go’aansaday inuu ku laabto dad kiisii iyo magaaladiisii. Markey maqleen reer Bukhaara safarka bukhaari ee xagooda ah, farax iyo ray-reyn baa ka buuxsamay. Waxay diyaariyeen qaabilaad aan hore loo arag, xatataa magaalada duleedkeeda bey Teendhooyin ka dhiseen. Markuu Bukhaari magaalada yimid, wuxuu durbadiiba guda galay baarista Axaadiista Nabiga (scw) . Hase yeeshee waxaa damcay inuu handado,qash-qashaadna ka deyn waayey ninkii Bukhaara xilligaa waalli-ga (amiirka)  ka haa ee la oran jiray Khaalid Binu Axmed Ad-duhaley  ugana ahaa Khuraasaan dowladii Cabbaasiyyiinta.

  Wuxuu Imaamka ku yiri amiirkaas sida lagu yaqaan raga madaxda ah inay amar taag leeyaan, gurigeyga caruurta wax iigu bar, Bukhaari wuxuu si geesinimo leh ugu jawaabey, “Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo la meeraysto iridaha guryaha madaxda, ee haddii cidi rabto iney aqoon kororsato ha timaado dugsigeyga.” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha ku celiyey oo yiri “ Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado, ha la fariisin ardada kale ee gooni wax ugu dhig.” Bukhaari baa yiri, “Qofna kama mancin karo xadiis dhegeysigi.” Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax ugu dhigi mayo Imaamku Gacanta ayuu ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey Madaxtooyda taas oo ay ku guul daraysteen Culimo Badan oo joogta xili kasta, kuwaas oo ku mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaa’u Dowlah (culimada dowlada).

 Khaalid Ibnu Axmed, Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo waxuuna aaday magaalo kale oo ka tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis ah ay daganaayeen, laakiin  dul migaas kama faa iidin Amiirkii Khaalid ee Bukhaari wuu habaaray ilaahayna waa ka aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee haystay Khuraasaan ayaa amray in xoolahana laga qaado xabsigana loo taxaabo Amiirkii isagoo Dameer saraan baa Jeelka ladhigay halkaas buuna ku dhintay Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee dulmi iska ilaali walibana midka culimada).

Waxaa kaloo Geesinimada kamida inuu ku haray Maka mudo badana uu u wareegayey dhulal badan inuu Cilmiga xadiiska kasoo horka laabto ilaahay na waa ku guuleeyey oo waxuu kasiiyey Qayb wayn. 

Geeridiisii

  Imaam ku waa ka xumaaday Tarxiilkaa lagu sameeyey  wuxuuna go,aansday  inuu xagaa iyo Samarqandi, aado markuuse muddo usoo jiro ayuu maqlay in dadku asaga isku khilaafeen, aaraa kala duwanna ka qabaan. Ka dib Imaam Bukhaari wuxuu goostay inuusan magaalada gelin ee uu tuulo u dhow dego. Waxaa la wariyey inuu markuu tuulada degey Allaah baryey oo uu yiri “ Allow dhulkii Ballaarnaa wa ila yaraaday ee I oofso”  ka dibna wuu xanuunsaday.

 Imaamku Asagoo xannuunsan ayaa ergo ka socota Samarqandi codsaneysana inuu magaalada soo galo u timid. Markuu ajjiibeyna xanuunkii baa ku sii kordhay. Imaamku wuxuu geeriyooday habbeenkii Ciidu-al-Fidri-ga ee bisha Shawwal kawda aheyd, 256H. Cumrigiisu wuxuu ahaa Imaamka 62 sano oo laba-iyo-toban habeen dhimman  markii la oof-saday Imaam Bukhaari. Waxaa hubaal ah in sanadkaas qoraxdii aqoonta cilmiga xadiiska dhacday. Waxaa damay oo shiiqay ilayskii aqoonta ee u ifayey shucuubtii degeneyd Samarqand, Bukhara, Baqdaad, iyo Nisaabuur. Imaam Bukhaari, Allaha u naxariistee, si weyn baa loo tabey, Ragii xiligaa joogey ee gabayaaga ahaa waxay mariyyeen gabayo  boroordiiq ah ooy ku cabbireen siday Imaam-ka u tabeen. 

Gabagabadii

 Ugu danbayntii waxaa halkaan inoogu sugan ku waana qaadasho iyo ku dayasho wanaagsan sida culimada Islaamku ugu dadaali jireen Barashada Sunada Nabiga ayna u gali jireen safaro dhaadheer oo aan dhulkooda ahayn iyagoo dalbaya khayr,waxaan kaloo ka faa iidaysanaynaa inuu cilmigu yahay midka la xifdiyo oo qalbigaaga ku jira ee uusan ahayn oo kaliya midka waraaqaha ku qoran, waxaan kaloo ka faa’iidaysanaynaa in ay muhiim tahay inaan ku camal falo waxaan baranay ayna noo kordhiso alle ka cabsi, dhowr sanaan, xalaal miirad iyo Cibaado.

 Waxaan kafaa iidaysanaynaa sida culimadu ay uga run sheegayaan cilmigooda ayna ugu adag yihiin diintooda dhib kasta oo ay kala kulmaan iyo inaysan isu dulayn qof ay bidayaan Mansab ama meeqaan dheeri ah, waxaa kaloo muhiim ah oo ogaanay in dadka ahlu xaqa ah la dhibi jiray xataa xili hore, ilaa Saacadu kadhacdona waa jirayaa dhibkaas marka waxaa nalooga baahan yahay Sabir dheeraad ah. 

Waxaa iyana la oran karaa waa Mucjiso Shiikh dhintay 1200 oo sano kahor oo hadana caan ka ah Caalamka Muslimiinta  oo dhan, taasna waxuu ku mutays tay, wuxuu jeclaaday Illaahay iyo Nabigiisa iyo Sunada Rasuulka oo uu xifdiyey oo ilaaliyey Illaahayna wuxuu ku abaal mariyey inuu magiciisu waaro loona duceeyo ilaa uu jiro qof Jecel Nabi Maxamed warkiisa (scw).

 Gabagabdii Imaamul Bukhaari waa bashar inagoo kale ah wuu gafaa wuuna asiibaa ma’han macsuum sida Malaa’igata ama Nabiyaasha (cs) wuxuu asiibay waan qaadan wuxuu ku gafayna waynu katagi sidaa waxaa ahaa hadalkii Imaamul Maalik ilaahay ha u naxariistee “qof kasta hadalkiisa waa laqaadan waana latuuri ilaa qabrigaan saaxiib kiisa ma’ahane” wuxuuna ula jeedaa Rasuulka (scw), Bukhaari ilaahay baan jano iyo wanaag uga rajaynaynaa Ilaahow Firdowsa kugu abaal mari, inagana ilaahay hanagu anfaco Cilmigiisa.

 Fg: Kitaabkaan waa dhaxal uu nooga tagay imaamku cidnana aan laga lahayn aadna u fudud oo labaran karo  ee yeynaan ka qadin dhaxalkaas wanaagsan, intaan kuma dhama Taariikhdii Imaamka waa qayb kamida wuxuu ka raadsan karaa qofkii siyaado raba kutub taan iyo kuwa kaloo fara badan.  

Muqadama Fatxul baariga          Xaafid ibnu xajar

          Siyaru aclaamu Nubalaa   Imaamu Thahabi

 Liibaan Beddel Shiikh Maxamuud

E-mail: risaala@msn.com --- Webmaster@risaala.com

Ila soo xidhiidh hoos emailka firi

Web kayga kale halakan ka sii fiiri

By:maxamed c/laahi cali tiriig