soo.jpg
 

SOO DIRITAANKII RASUULKA SCW

Markii ugu horreysey ee Rasuulka uu waxyiga ku bilaabanayey waxaa lagu bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada ugu imaaneysey oo u cad sida oogga waabberi oo kale. Riyaadaas waxay socotey muddo lix bilood ah Rasuulku SCW wuxuu jecleystey inuu meel gaar ah ku cibaadeysto wuxuuna tegi jirey god la yiraahdo Qaaru Xiraa oo ku yaalley buurta Nuur oo Makka laba mayl u jirta, halkaas oo uu soo joogi jirey habeeenno intuu sahaydiisa (cuntaddiisa)

qaato, waxaa uu Rasuulka SCW ku cibaadeysan jirey iney diintii Nabi Ibraahiim aheyd iyo in kale ma kala cadda, laakiinse waxaa cad in shirkigii iyo asnaamtii taalley Khaliijul-carab uu ilaahay ka dhowray uuna nacay.

Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba, maalinkii dambe ayaa Malag u yimid wuxuuna ku yiri: "akhri", markaasuu Nabigu SCW ku yiri: "wax ma akhriyo", ka dib intuu qabtey oo majuujiyey ayuu mar labaad yiri: "akhri" Nabiguna wuxuu yiri: "wax ma akhriyo", mar saddexaad intuu qabtey ayuu yiri: "ku akhri magaca Rabbigaagii abuuray (koonka), akhri Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo baray (dadka) qalimka, dadkana baray waxaysan ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5) Markaasuu Rasuulku ka daba akhriyey, intaa ka dibna malagii waa uu tegey.

Rasuulku SCW isagoo naxsan oo wadnihiisu boodboodayo ayuu gurigiisii yimid markaasuu ku yiri xaaskiisii Khadiija: "I deda I deda" iyana wy dedday ilaa uu argagaxii ka tegey, markii naxdintii ka ba'day ayuu qisadii u sheegay Khadiija kuna yiri: "naftayda ayaan maanta u baqay" markaasay tiri: "ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin maayo weligaa mxaa yeelay martidana waad soortaa, xaqana waad u kaalmaysaa", markaa ka dib ayey Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa Khadiijo ina adeerkeed, diintii Nebi Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo aad u da'weyn oo indho la'kuna turjumi jiray kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga. Markay u tegeen ayaa Khadiijo tiri: "ina adeer bal dhegayso wiilka aad adeerka u tahay", Waraqa wuxuu Nabiga ku yiri: "maxaad aragtay?" markaasuu Rasuulku SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu qisadii dhegaystey ayuu fahmay arrintii wuxuuna yiri: "kaa kuu yimid waa kheyr wadihii Nabi Muuse u imaan jirey" wuxuuna intaa sii raaciyey "shallaytadeydee maan noolaado marka qoomkaagu ku bixinayo".

Rasuulka SCW waxa uu la yaabay wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan ah Makka ayaa laga saari doonaa, markaasuu yiri: "oo ma i bixinayaan", Warqaa wuxuu yiri: "Haa, qof lama imaan waxa aad la timid ilaa waa lala colleytamay, haddii aan maalinkaa gaarana waan kuu gargaari" hase yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo badan ma sii noolaan, waxyigiina waa is raacraacay. Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka kala go'ay si argagaxu uga tago, debadeed wuxuu yiri Rasuulka SCW: "anigoo soconaya ayaan samada markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu yimid oo kursi ku fadhiya samada iyo dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay ilaa aan dhulka ku dhacay.

Ka dib reerkaygii ayaan u tagay oo ku iri: "I dede i deda" markaasay i dedeen. Alle ayaa markaa soo dejiyey aayadahan: "(NABIGA) IS DADAYOW, KAC OO DIG RABBIGAANA WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD" (sida asnaamta) (Suurat Al-Mudathir)

HABABKII UU WAXYIGU UGU IMAAN JIRAY RASUULKA SCW

wuxuu waxyigu ugu imaan jiray Rasuulka SCW toddoba nooc oo kala ahaa sidatan:

1) Riyo wanaagsan oo hurdada ugu imaanaysay, taasoo u caddayd sida oogga waabberi waana tii waxyigu ugu bilaabmay.

2) Arrimo uu malaggu qalbigiisa ku rido isagoon malagii arag.

3) Malagga ayaa nin isugu soo matali jiray oo la hadli jiray ilaa ay mararka qaarkood asxaabtu ka arkeen.

4) Waxyiga ayaa ugu imaan jiray sida qaylada gambaleelka waxayna taasi ahayd habka ugu daran Rasuulka SCW ee waxyiga ugu imaan jiray oo wuu dhididi jiray.

5) Malagga ayaa ugu imaan jiray suuraddiisii Alle abuuray oo u waxyoon jiray, waxayna arrintaani dhacday labo jeer sida ay tilmaantay suuratu Wannajmi.

6) Alle ayaa uga waxyooday samawaadka dushooda sida habeenkii la dheelmiyey ee salaadaha lagu soo farad yeelay Alle ayaa toos ula hadlay siduu Nabi Muuse ula hadlay.

DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY

Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa soosaaraymas'uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi, dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex sano.

Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.

Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu markaa Abuubakar dacwadii gaarsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:

1. Cusmaan Binu Cafaan
2. Subyr binu Cawaama
3. Cabdiraxmaan binu Cawf
4. Sacad binu abii waqaas
5. Dalxa binu Cubeydillah

Ka dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu Cabdilasa, Arqaam ibnu abii Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib, Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadhaab walaalishiis), Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale waxaa uuna ibnu Haashim gaarsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen dadkii islaamka ugu horreeyey, dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu
islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.

Odeyaashii qureysheed markii ay maqleen arrinkaas dan kama gelin oo waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii markaa ka horba ay niman qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin walbana ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo weyn ma aysan qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga ahayd.

MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW

  Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku socotaba markii saddex sano la marayo ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu dacwadiisa muujiyo ummaddana uga digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan.

Wuxuu Allah SW yiri: (U DIG QARAABADAADA KUU SII DHAW). (Suuratu-Shucaraa:214).

   Rasuulka SCW markay aayaddani soo degtay wuxuu fuulay buurta Safa wuxuuna yiri: "Waa saabaxaa (waa wareey)", markaas ayaa dadki Makka joogay oo dhan ay soo yaaceen oo meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof ayuu soo dirsaday oo ku yiri: "soo eeg wuxuu yahay". Markii meeshii la iskugu yimid ayuu Rasuulka SCW yiri: "ka warrama haddaan idin iraahdo toggaan fardo duullaan idinku ah ayaa soo maraya ma rumaynaysaan", markaasey dheheen "haa been kuguma aannaan baran",  markaasuu yiri Rasuulka SCW "waxaan idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka horreeya", Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu u yeeray qabiil walba oo  qureysh ka mid ah illaa uu ka soo gaarey qabiilkiisii oo uu isna reer ugu sii dhawaaqay ilaa uu kasoo gaaray gabadhiisii Faadumo ahayd oo uu ku yiri "faaduma bintu Maxammedey naftaada ka badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye inaanan Alle waxba kaaga tarayn". Sidoo kale muslim waxa uu wariyay in markii ay aayaddaani soo dagtay uu Rasuulku si guud iyo si khaas ahba ugu yeeray (quraysh) wuxuuna yiri qurayshey ka badbaadiya naftiina naar reer baniii kacabow ka badbaadiya naftiina naar. Arrintaas dadkii qureysheed way ka caraysiisey waxayna kicisey buuq  magaaladii oo dhanna waa la isla dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab oo ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid wuxuu Rasuulka SCW ku yiri: "halaag ha kuu sugnaado maalinta inta ka hartaye ma waxaan baad noo soo kulmisay". Allaah ayaa u jawabey oo ku soo dejiyey Suuratu Tabbad.Wuxuuna Allaah ugu bishaareeyey ninkaas iyo xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa iyo dintiisa ayey la colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo dejiyey aayadan.

Wuxuu Allaah SW yiri: (Muuji waxa lagu amrayo, Isagana jeedso Mushrikiinta). (Suuratul-Xijri:94)

  Aayaddan waxa uu Allaah Rasuulka ku amray inuu muujiyo xaqa, gaaladana ka jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u qumay meel walbana waxa uu ka caddeeyey shirkiga iyo khuraafaadka ay ku jiraan iyo xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney Allah keliya waxidaan oo Ilaahnim u qiraan.

   Odeyaashii qureysheed markey arkeen Maxammed SCW iyo diinta cusub ee uu la yimid iyo inuu khilaafay diintoodii iyo ilaahyadoodii kuna sheegay iney yihiin baadi ayeye olole qaadeen si ay dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin lahaayeen, baaddilka iyo xumaatada ay ku jiraanna u difaaci lahaayeen. Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay qaadeen waxaa ka mid ahaa in qaar ka mid ah ay u tageen Abii-dhaalib kuna dheheen "Abii-dhaaliboy, wiilka aad adeerka u tahay ilaahyadadii ayuu caayey, diintayadiina wuu ceebeeyey, waxgaradkayagiina wuxuu ka dhigey maangaab, aabbayaashayona wuu baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama isku kaaya daa, adiguna annagaad nala mabda' tahay oo waad is khilaafsan tihiin makra aan kaa kaafino'. Abii-dhaalib wuxuu ugu jawaabay hadal jilicsan", odeyaashina wa laabteen.

   Rasuulku SCW isagu waxaas uma jixinjixin dhegna jalaq uma siin wuxuuna gudayey dacwadiisii, maxaa yeelay cid aan Ilaahey aheyn oo uu maqlayaa ma jirto meel walbuuna xaqii kala istaagey. Odeyaashii qureysheed markii ay arkeen in tallaabadii hore ay waxba ku socon waayeen uuna soo dhowaadey waqtigii xajka, waxay bilaabeeen tallaabo kale waxayna isugu yimaadeen shir ay uga hortegayeen Nabiyullaah Maxammed SCW inuusan dacwada gaarsiin dadkaas tirada badan ee xajka u imaanaya waxayna u tageen nin duqowdoodii ka mid ah o la oran jirey Waliid ibnu Muqiira inuu keeno arrinkii Maxammed dadka looga ceyrin lahaa. Waliid wuxuu yiri: "hal arrin isku raaca hana is khilaafinina si aan qarkiin qaarka kale u beenin, si aysan dadku idiin fahmin, maxaa yeelay hadday qaarkiin dhahaan waa saaxir, qaarna dhahaan waa waalan yahay dadku way idin fahmayaan", markaasey dheheen adigu noo go'aami (middii aan isku raaci lahayn) wuxuu yiri: "bal idinku wax keena waan idin dhegaysanayaaye", odeyaashii ayaa warkii bilaabey oo yiri: "waa wax sheege (kaahin)", Waliid wuxuu yir: "Ilaah baan kudhaartaye ma aha kaahin, waana naqaannaa kuhannada iyo wax sheeggooda", waxay dheheen aan dhahno waa waalan yahay" wuxuu yiri "ma waalna, waana naqaannaa waallida iyo isku dhexyaaceeda" waxay dheheen aan dhahno waa saaxir" wuxuu yiri "ma aha saaxir, waana naqaannaa sixirleyda iyo sixirkooda", waxay dheheen aan dhahno waa gabyaa" wuxuu yiri "maaha gabyaa, waana naqaanna gabayga qeybihiisa oo dhan", waxay dheheen "maxaan marka dhahnaa", wuxuu yiri "hadalkiisu waa macaan yahay, wax kastoo aad tiraahdaanna wa la fahmeyaa inaaan waxba ka jirin ee  bal muddo i siiya waan k a soo fekerayaaye', muddadii ka dib ayuu soo laabtay wuxuna yiri "saaxir  baa ugu whow", taas ayaa markaas la go'aansaday oo la isku raacey. Ninkaas fekerkiisaasna waxa ka hadashey Suuratul-mudathir laga bilaabo aayaddaa 11 ilaa 30.

  Ka dib markii go'aankii Waliid la isku raacey waxay bilaabeen sidii ay ku dhaqan gelin lahaayeen waxayna isku qeybiyeen waddooyinkii Makka soo gelayeye si qof walba oo soo mara ay ugu digaan arrinta uu wata Nabiga SCW iyagoo ku sheegaya saaxir. Sidoo kale waxay ka hadlayeen meelihii ay dadka xujeda ihi isugu imaanayey. Dadkii arrimahas aadka uga qeyb qaateyna waxaa ka mid ahaa Abii-lahab oo Nabiga scw adeerkiis ahaa wuxuuna samaynayey ninkaasi intuu Nebiga SCW daba galo ayuu cid kastoo Nabiga SCW u tago oo xaqa gaarsiiyo isagoo ka daba hadlaya ku lahaa "ha u rumeynina waa beenlowe, diintiisii buu ka iishee", qureyshna jidadkii Makka iyo meel walba intey tagaan ayey lahayeen 'iska jira waa saaxir dadkii kala geeyaye" laakiin arrintoodaasi waxay noqotay dacwo oo dad  badan oo aan ogeyn Nabi Maxammed SCW dacwada uu wato ayaa ogaadey, cidohoodiina gaarsiiyey Nabiga cusub oo soo baxay.

    Qureysh weli ma gaarin iney gacan ula tagaan Nabiga SCWiyo dadkii raacsanaa laakiin waxay ku jireen dacaayad iyo jeesjees iyo in dadka lagu diro oo la yiraahdo iska jira. Sidoo kale waxay mararka qaarkood Rasuulka SCW u soo bandhigayeen fikrado ay ku leeyihiin Ilaahaaga iyo diintaada qaar ka soo tanaasul oo ka soo dabac annaguna qaar baan ka tanaasuleynaaye. Waxay kaloo sameynayeen iney Rasuulka SCW rag u soo diraan oo dhahaan "haddaad madaxtinnimo rabto madax baan kaa dhiganeynaa, haddaad maal rabto waan kuu ururineynaa ilaa aad noqoto kan noogu taajirsan, haddaad jirran tahay maalkayaga ayaannu kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo, haddaad gabar rabto gabdhaha qureysheed tan ugu quruxda badan ayaannu ku siineynaa" hase yeeshee arrimahaas oo dhan lagama yeelin. Ka dib markey arkeen in Nabiyullaahi Maxammed SCW diintiisa iyo dacwadiisa marna ka tanaasuleyn, shirkigooda iyo khuraafaadkoodana uusan ka aamuseyn ayey waxay aad u kordhiyeen dacaayadohoodii kala duwanaa maxaa yeelay Rasuulka SCW gacan ulama aysan tegi karin  oo Abii-dhaalib ayey uga baqaayeen. Dacaayadohoodu waxay u qeybsanaayeen dhowr qeybood oo kala ahaa:
1) Rasuulka oo ay ku jeesjeesaan, xaqiraan, caayaan, ku oriyaan, wax kastana dhahaan. Arrimahaasna Allah isagoo tilmaamaya wuxuu ku soo dejiyey aayado kala duwan, waxaana ka mid ah:

((WAXAY DHEHEEN KAN QUR'AANKA LAGU SOO DAJINAYOW ADIGU WAAD WAALAN TAHAY)), (Suuratul-Xijir:6)

Sidoo kale Allaah isagoo inooga warramaya markay muslimiinta ku jeesjeesayaan wuxuu yir:

((KUWII DAMBAABAY WAXA AY AHAAYEEN KUWA KU QOSLA KUWII XAQA RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY IS QANJARUUFAN JIREEN, MARKAY EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY LAABAN JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA) KU RAAXAYSANAYA, MARKAY MUMINIINTA ARKAANA WAXAY DHAHAAN WAA BAADIYEYSAN YIHIIN, LOOMANA DIRIN IYAGA IN AY (MUSLIMIINTA) ILAALIYAAN))

2. Waxaa ka mid ahaa dacaayadihii iyo been abuurashadii ay Rasuulka iyo qur'aanka ka fidin jireen iney dhahaan "waa been uu abuurtey ama dad kale ayaa soo baray" arrintaasna Allaah oo tilmaamaya wuxuu yiri:

3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dacaayadihii ay qur'aanka iyo Rasuulka SCW kula dagaallami jireen iyagoo raba iney dadka u tusiyaan inuu Nabigu SCW wato sheekooyinkii ummadihii hore laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir binu Xaarith uu aadey Faaris uuna soo bartey taariikhdii boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku soo laabtey, wuxuuna ninkaaas samayn jirey markii Rasuulka SCW meel ka istaago oo dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni jirey sheekooyinkaas dhihina jirey "Maxammed igama sheeko qurxoona".

   Qureysh markey arkeen ineysan nooc walba oo dacaayad iyo xumaan ah waxba ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen wada hadallo ay rabaan iney isugu soo dhowaadaan iyaga iyo Nabiga SCW oo isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag yahay iyana iiney tooda ka soo dabcaan oo meel dhexe la isugu yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase yeeshee Allaah subxaanahu watacaalaa oo had iyo jeer Rasuulka SCW tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan xaqa iyo baadilku wax wada qeybsan karin iyo inaan xaqu marna tanaasul oggoleyn.

Wuxuu yiri Allaah:  ((WAXAAD DHAHDAA GAALOOY, MA CAABUDAYO WAXAAD CAABUDAYSAAN, IDINNA MA CAABUDAYSAAN CIDDA AAN CAABUDAYO, MANA CAABUDIN WAXAAD CAABUDEEN, IDINKUNA MA CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO, DIINTIINAAD LEEDIHIIN ANNA DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-Kaafiruun).

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaalahay Rasuulka SCW u soo bandhigi jireen oo ay rabeen in la isugu soo dhowaado in qaar odeyaashoodii ka mid ahaa ay Rasuulka SCWu soo jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad la caabudo hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey jawaabtii loogu jawaabi lahaa ehlu-baadilka.

Wuxuuna yiri:  ((WAXAY JECELYIHIIN IN AAD U SOO DABACDO OO AY SOO DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9)

  Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii waxay soo go'aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo geysan lahaa waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.

Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab oo aan soo marnay dadka kulmiyey Rasuulka SCW inuuku yiri "halaag ha kuu sugnaadee ma waxan baad noo soo kulmisey". Sidoo kale laba wiil oo uu Abii-lahab dhalay lana kala oran jirey Cutba iyo Cuteybaa waxay kala qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-kalthum sidaan soo sheegnayba Abii-lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan, iyaguna way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu werisey in markuu dhintey wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-lahab u tegay odeyaal qureysheed oo meel fadhiya kuna yiri: "bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo waa abtar (gablan)". Dhibkaas Abii-lahab keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la oran jirey Ummu Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata Nabiga SCW. Ummu Jamiil waxa ahayd haeen aad u carrab dheer oo dhib badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey soo qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo kacbada wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW ku dhufato. Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya ayey indheheedu qabteen markaas ayey ku tiri: "meeyey Maxammed waatuu hadda kula fadhiyaye, waana maqlay inuu i caayey ee haddaan arki lahaa dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa", intaas keliya kuma harine waxay tirisay gabay yar oo leedahay "Mudamamaan waan caasinney amarkiisana waan diidney diintiisana waan nacney". mudamaman waxay ula jeeday Maxammed oo ay si khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka caydeedii; Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam maxamed ayaan ahay.

    Sidoo kale dadkii Rasuulka aad u dhibi jirey waxaa ka mid ahaa Xakam ibnu Abil-Caas, Cuqba ibnu abii Muceydh, Cadiyyi ibnu Xamraa iyo kuwo kale. Dadkaasi waxay Rasuulka SCW ku dhibi jireen xitaa gurigiisa; maxaa yeelay qaar ka mid ah ayaa Rasuulka SCW deris la ahaa. Ibnu Isxaaq wuxuu weriyey Xakam ibnu Abil-Caas maahane intoodii kale inaan midna ka islaamin. waxaana ugu xumaa Cuqba ibnu Muceydh.

   Waxa uu Bukhaari ka werirey Cabdullaahi ibnu Mascuud in maalin odeyaashii qureysh oo Abii Jahal madax u yahay kacbdana fadhiya ay arkeen Nabiga SCW oo kacbada ku tukanaya. Markaasay dheheen "yaa noo keenaya mandheerta geela reer hebel oo Maxammed markuu sujuudo dhabarka ka saaraya", waxaa si halhaleel ah u boodey Cuqba ibnu abii Muceydh, mandheertii ayuu keenay markaasuu sugey ilaa uu Rasuulka SCW ka sujuuday. Markuu Rasuulku SCW wejiga dhulka la helya ayuu garbaha ka saarey mandheertii. Abii-jahal iyo raggiisii markey arkeen qosol ayey iskula  daateen, Rasuulkuna SCW sujuuddiisii ayuu iska sii watay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri: "arrinkaas waan u jeeday hase yeeshee far ma dhaqaajin karin", sidaa darteed waxaa timid Nabiga SCW gabadhiisii Faadumo oo k qaadday mandheertii iyagiina cayday. Rasuulka SCW markuu salaaddii dhammaystey ayuu Ilaahay baryey oo yiri saddex jeer "Allow qureysh qabo", dabadeedna mid mid ayuu u magacaabay raggii goobta joogay yiri: "Allow qabo Abii-Jahal. Cutba ibnu abii Rabbiica, Sheyba ibnu abii Rabbiica, Waliid ibnu Cutba, Ummaya binu Khalaf, Cuqba ibnu abii Muceydh", markaasey naxeen maxaa yeelay waxay rumeysnaayeeen ducada xaramku ay mustajaabo tahay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri "waxay ahaayeen toddoba, waxaana arkay toddobadoodii oo goobtii Badar la dhigay oo lagu guray ceelkii  lagu gurayey meydkii gaalada", Cuqba ibnu Abii Muceydh (oo asna ka mid ahaa dadkii bader lagu qafaashey oo dhex lagu dilay) maahane. Sidoo kale waxaa Muslim weriyey in maalin Abuu-Jahal dadkii ku yiri "weli ma dhexdiinnaa Maxammed wejigiisa ciidda ku camcaminayaa" markaasey dheheen "haa", wuxuu yir "Laata iyo Cussa ayaan ku dhaartaye haddaan arko isagoo wejiga dhlka ku camcaminaya inaan qoorta uga istaagayaa oo wejigiisa si fiican u booreynayaa". Maalin dambe ayuu markaa arkay Nabiga SCW oo kutanaya, markaasuu ku soo dhaqaaqay si uu go'aankiisii u fuliyo, markuu ku dhaqaaqay ayaa dadkii arkeen isagoo gadaal gadaal u soo bodey oo gacmaha taagaya. Markaasay dheheen: "maxaa kugu dhacay", wuxuu yiri "god naar ah ayaa dhexdayada ka samaysmay". Nabiga SCW markii arrintaa la weydiiyey wuxuu yiri "haddii uu ii soo dhowaan lahaa malaa'igta yaa xubin xubin u kala dafi lahayd".

Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU) WAA XAD GUDBEEN, MARKUU ISKU ARKAY (GAALKANI) QANINIMO, RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA ADDOON (RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN HADDUU HANUUN KU SUGAN YAHAY (KAN LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO, KA WARRAN HADDUU (KAN WAX REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA JEESTAY (XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq: 6-14)

   Ka dib Abii-Jahal waxa uu yimid Rasuulka SCWwuxuuna ku yiri: "ma waanan kaa reebin arrinkaan? markaasaa Rasuulka SCW si adag ula hadlay isagan dhaqaaqay markaasuu Abii-Jahal ku yiri Nabiga: "waad ogtahay inaysan jirin cid iga gurmad badan: Allaah ayaa ninkaas u jawaabay waxa uuna qur'aankiisa ku yir:

((ARRINKU SAAS MA AHANE HADDUUUSAN JOOGIN WAXAANNU QABAN FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS) GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU) YEERIN MALAA'IKTA SABAANIYA, ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN (RABBIGAANA U) SUJUUD UNA DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19).

   Rasuulka SCW markii ay quraysh beenisay oo ay aad ula colaytantay si xunna ula dhaqantay Ayuu  Ilaahay uga baryay in uu abaar ku rido wuxuuna yiri: "Allahayow iigu kaalmee in toddoba (sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo kale ah ay dushooda ahaato: Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa baryadii wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii abaartii haleeshay oo ay hal sano hasyay oo ay cirkii waxaan qiic iyo hunri ahayn ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga ayo hargaha ka cuneen, ayaa Abii Sufyaan Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri: "waxaad amraysaa hoggaansamidda Alle iyo in riximka la xiriiriyo, tolkaana way halaagsamayaan marka Alle u bar". Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka qaado (abaarta) ay mu'miniiin noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo Quraysh dhibkii waa ka feydey, hase yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii ayey sii wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu yiri:

((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ CAD, OO DABOOLAYA DADKA KAASOO AH CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN) RABBIYOW NAGA FAYD CADAABKA WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY WAANTOOBIN, WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY, MARKAASAY KA JEESTEEN ISAGII AYNA DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)), (Suuratu-Dukhaan: 10-14).

DHIBAATOOYINKII ASAXAABTA LAGU HAYEY

   Kufaartii qureysh markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa islaamay waxay sameyn jireen iney canaantaan, caayaan oo ku diraan eheladiisa, inta badanna gacanta ulama aysan tegi jirin. Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan qabiil xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa aysan jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u geysan jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya iyo gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo kaleba.

    Bilaal wuxuu addoon u ahaa oo ciqaabi jirey Ummaya ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi jireyna waxay ahayd intuu xarig qoorta ka geliyo ayuuu ku jiidi jirey ama qorrax kuleylka duhurkii intuu seexiyo oo dhagax weyn xabadka kasaaro ayuu dhihi jirey "ama waad dhiman ama Maxammed baad ku kufrin". Bilaal wuxuu ku dhihi jirey "AXAD" oo uu ula jeedo Ilaah keliya baan rumays nahay oo aan caabudayaa, dhib kasto loo geystana wax kale afkiisa waa soo mari waayeen. Maalinkii dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa soo maray Abuubakar Al-siddiiq, markaasuu ku yiri ninkii ciqaabayey: "maad Ilaahay uga baqdid ninkaan miskiinka ah", markaasuu yiri: "wax u qabo adigaa diintiisii ka fasahaadiyee', markaasuu Abuubakar yiri: "waxaan ku siinayaa addoon aniga ii jooga oo aad isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa", sidaas ayuuna ku xoreerey Bilaal. Markuu Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa suuqa loo geliyey inuu axsaan hore ka dhexeeyey (labadooda) hase yeeshee Allaah ayaa difaacey oo u jawaabey dadkii waxaa ku hadlayey. Wuxuuna ku soo dejiyey aayadahan:

Wuxuu Alle SW yiri:  ((Waxaa ka fogaada (naarta) kan cabsada, waa kii bixiyey maalkiisa si uu isu dahiriyo, ruux wax siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu u bixiyey Rabbiga sarreeya dartii, dib dambuuna u ralli noqon doonaa)), (Suuratul- layl 17-21).

  Sidoo kale Cammaar ibnu Yaasir iyo Aabbihiis Yaasir iyo Hooyadiis Summaya, oo ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinka dardaran loo geystey, ayaa maalin iyadoo la ciqaabayo waxaa soo maray Nabiga SCW markaasuu ku yiri: "sabra reer Yaasirow, mowcidkiinnu waa jannee", Odeygii Yaasir iyo habartii Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas oo weliba habarta waxaa gacantiisa ku diley Abii-jahal oo iyadoo la ciqaabayo ayuu waran farjiga  uga dhuftay halkaas oo ay ku naf baxday kuna noqotay qofkii u horreeyey ee ummaddaan Nabi Maxammed SCW Alle dartiis loo dilo. Willkoodii Cammaarna intay aad u ciqaabeen ayey ku dheheen "hadaad Maxammed caydid, Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid waan ku sii deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay ayuu sameeyey siday ku dirqiyeen, ka dib markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u tegey una sheegay waxay ku dirqiyeen, Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan:

Alle SW wuxu yiri: ((WAXAA ABUURTAY BEEN KUWA AAN RUMAYN AAYAADKA ALLE, KUWAASI WAA BEENALAYAAL, KUWA ALLE KU KUFRIYEY IIMAANKOODII KA DIB (WAA HLAAGSAMEEN), RUUX LAGU KHASBAY QALBIGIISUNA KU XASILAN YAHAY IIMAANKA MOOYEE, RUUXIISE XABADKIISU U WAASIC NOQDO GAALNIMADA WAXAA KORKOODA AHAADAY CARO XAGGA ALLE KA AHATAY, WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB WAYN)), (Suuratu-Naxli 105-106).

   Sidoo kale dadkii la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa addoomo dad gacantood ku jirey, hase yeeshee waxaa wada xoreeyey Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas xoreeyey ayaa aabbihiis abu-quxaafa oo aan weli islaamin ku yiri: "Maandhow maad xoolahaaga ku bixisid dad xoog leh oo ku difaaci kara hadhow intaad dad ducafa ah ku bixineysid, hase yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas Alle dartiis ula jeedo.

    Sidaan soo sheegnay Muscab ibnu Cumeyr oo ku jirey dadkii aadka loo ciqaabay oo ay dhashay islaan maalqabeen ah, ahaana nin dhallinyaro ah oo qurxoon oo aad u xarrago badan, maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka. Muscab markay hooyadiis maqashey inuu islaamay ayey xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u cadaadisay hase yeeshee markay intaas oo dhan wax uga qaadi weydey ayey dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu jirkiisii jilif yeesho, wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday Xabashida. Markuu xabashida ka soo laabteyna waxaa Rasuulku SCW dacwo ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu muddo yar ka dib dacwadii wada gaarsiiyey guryihii reer Madiina kuna noqday macallinkii reer Madiina.

  Sidoo kale Khabaab wuxuu isna ka mid ahaa dadkii ay gaaladu dhibka ku hayeen ilaa uu maalin u tegay Rasuulka SCW oo Kacbada hooskeeda jooga isagoo doonaya in uu Ilaahay u baryo si dhibka looga fududeeyo wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow maad Alle noo baridid, markaasaa Rasuulku SCW fariistay oo ku yiri: waxay ahaayeen dadkii idinka horreeyey (muminiinta ahaa) kuwo loogu shanleeyo hilibka iyo lafta dhexdooda shanlo bira, arrinkaasna kamana kala dhambali jirey, kamana reebi jirin diintooda, Allena wuu taamyeelin isagoo Alle maahee aan cid kale ka baqayn, sidoo kale waxa uu Khabaab shaqo u qabtay Caas binu Waa'it oo ka mid ahaa kufaartii Quraysheed, markaasaa Khabaab ku yeeshay xoolo markaasuu u tegay oo ku yiri: "isii waxaygii hase yeeshee Caas waa diiday wuxuuna yiri, ku siin mahayo ilaa aad Maxamed ku kufridid. Khabaabna waxa uu guu jawaabay ku kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo misna lagu soo bixiyo, Caas wuxuu yiri: "ma intaan dhintaa qiyaamaha la i soo saarayaa,? Khabaab ayaa ugu jawaabay "haa," waxa uu yiri: "halkaasna waxa aan helayaa maal iyo ilmo oo markaasaan kuu gudayaa. Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la midka ah tilmamaya waxa uu Qur'aankiisa ku yiri:

((KA WARRAN KAN KU KUFRIYEY AAYAADKAYAGII OO YIRI(AAKHIRO) LA I SIINAYAA MAAL IYO CARRUUR, MA WUXUU DAALACDAY QAYBKA, MISE ALLAHA RAXMAANKA AH AGTIISA AYUU BALLAN KA YEESHAY, SAAS ARRINKU MA AHANE WANNU QORIN WUXUU LEEYAHAY, WAXAANA U FIDINAYNAA CADAABKA FIDIN, WAAN DHAXLAYNAA WAXA UU SHEEGANAYO (EE UU KU FAANAYO) WUXUUNA NOO IMAANAYAA ISAGA OO KALIGIIS AH)), (Suuratu-Maryam 77-80).

  Dhibaatooyinkaas aan soo tilmaannay oo isugu jiray dil, ciqqab, cadaaadis, dulmi, boob, iyo aflagaaddo ayaa dadkii asxaabta aha lagu hayeysiiba kuwoodii taagta darraa ee cid difaacaysa aysan jirin aad ayuuna dhibkaasi uga batay wax walba ayaana lagula dhaqmay, hase yeeshee Alle iyo Rasuulkiisa ayaa intaas amrayey inay dhibka ku samraan oo taqwada iyo daacada Alle ku dadalaal dagaalna aysan samyn ee ay gacmahooda laabaan, hase yeeshee asxaabtu waxay jeclaayeen in ay is difaacaan oo iska celiyaan cadowga Alle, marar badanna waxa ay u yimaadeen Rasuulka iyagoo ka sheeganaya dhibka lagu hayo oo jecel inay is difaacaan, sida dhacday maalin in Cabdiraxmaan bin Cawf iyo koox kale oo asxaabta ka mid ahayd u yimaadeen Rasuulka kuna dheheen: "Nabi Allow markaan shirkiga ku jirnay awood baan lahayn, markaan iimaanka qaadanayna xaqiiriin baan noqonnay". Markaasaa Nagibu SCW ku yiri: "waxaan idin amrayaa iska dhaafid hana la dagaalinina qowmka, sidaas ayaa asxaabtii Rasuulku u fuliyeen amaradii Alle iyo kuwii Rasuulka SCW uguna samreen dhibkii iyo cadaadiskii ka imaanayey acdaadii Alle, Allena mar walba waxa uu soo dejinayey aayado uu ku amrayo inay ay samraan oo gacmahooda laabaan, Rasuulkuna arrintaas ayuuu ku boorrinayey, Cabdullaahi bin Cumar isagoo tilmaamaya dhibaatadii asxaabta lagu hayey waxa uu yiri: 'Islaamku waa yaraa sidaa darteed ninka diintiisa ayaa laga fidnaynayeey, way dili jireen ama wa cadaabi jiree".

DAARTII ARQAM BINU ABII ARQAM

Daarta Arqam binu abii Arqam waxay ahayd rugtii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ku kulmi jireen oo uu diinta ku bari jirey kuna tarbiyeyn jirey, kuna kala war qaadan jireen intii Makka la joogey. 

In kastoo ay dacwadu jahri (qarsoodi) aheyd, haddana xikmadda dacwadu waxay keentay in meel qarsoodi ah la isugu tago oo ay diinta ku bartaan howlahoooda khaaska ahna ku qabsadaan, maxaa yeelay haddii ay bannaanka ku shiri lahaayee ama ay diinta isku bari lahaayeen dhib weyn ayaa soo food saari lahaa, sidii dhacdayba maalin ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu tageen buuraha Makka oo ay ku tukanayeen, waxaa markaa arkay gaaladii oo dagaal ku soo qaadday halkaasoo dhibaatooyin la isku gaarsiiyey sida saxaabiga la yiraahdo Sacad ibnu abii Waqaas oo muslimiinta ka mid ahaa uu laf madaxa ugu jeexay nin mushrikiinta ka tirsanaa oo caayey diintiisa, dhiiggaasuna wuxuu ahaa dhiiggii u horreeyey oo Alle dartiis loo daadsho intii Rasuulka SCW la soo diray.

                                                                    Abdul A.K.

 HIJRADII U HORREYSEY EE XABASHA LOO HIJROODAY

Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii rumeeeyey Rasuulka scw ee qaatey caqiidada islaamka ayaa marba marka ka dambeysa aad u sii siyaadayeey ilaa la gaarsiiyey asxaabtii Rasuulka scw heer aad u adag oo ay xammili kari waayeen iney ku noolaadaan magaaladii Makka oo ay ku dhasheen tolkoodna degganaa, iyadoo waxa lagula dagaallamayaana ay ahayd caqidadaas islaamka oo ay qaateen iyo iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex jiray ee shirkiga iyo caadooyinka foosha xun ahaa Xaaladdu markay halkaa marayso ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa sheegay muslimiintii in uu dhulka Alle waasic yahay.

Rasuulku scw markuu arkay heerka adag ee asxaabtiisu marayso iyo dhibaatooyinka daran ee soo gaaraya dadkii islaamka qaadanayey siiba kuwoodii masaakiinta ahaa ayuu u sheegay iney u hijroodaan dhulka xabashida oo uu ka talinayey boqor caaddil ah si fiicanna u heystey diintii Nabi ciise magaciisana la oran jirey Najaashi. Sidaa darteed ayaa waxaa baxay bishii Rajab ee sannadkii ee sannadkii shanaad kooxdii ugu horreysey oo u hijroota xabashida. Kooxdaas oo ka koobnayd 12 rag ah iyo 4 dumar ah waxaa hoggaaminayey Cismaan binu Caffaan oo ay la socotey xaaskiisii Ruqiya oo ahayd gabadhii Rasuulka. Wuxuuna Rasuulku scw yiri isagoo ka hadlaya labadooda "waa ehelu-beytkii u horreeyey ee u hijrooda jida Alle intii ka dambeysey Nabi Ibraahiim iyo Nabi Luud". Waxay kooxdaasi ku baxday si qarsoodi ah iyagoo baxaya habeennimo maxaa yeelay si caddaan ah uma bixi karin, gaaladii qureysheed markay ogaadeen in kooxdaasi baxday waxay ka daba direen ciidan si loo soo qabto, maxaa yeelay baadilku waqti kasta oo u joogo iyo meel kasta oo u joogo waa isku af, raallina ugama ahan xaqa inuuu ku fulo gudaha dibeddaba.

Nasiib wanaag kooxdii muslimiinta ahayd waxay isla markiiba tageen baddii Ilaahna wuxuu uga sahlay doonyo ijaar ah oo meesha marayey, waxayna tageen dhulka Xabashida iyagoo Nabad qaba. Ciidankii gaaladu soo dirtey waxay tageen baddii oo cidla ah dabadeedna waxay ku soo laabteen Makka, xaaladdu markay halkaas marayso laba bilood ka dib, bishii Ramadaan ee isla sannadkii shanaad ee soo diriddii Rasuulka scw, ayaa maalin Rasuulka scw uu ugu yimid madaxdii qureysheed oo kacbada gabren, markaasuu sidii caadadiisa ahaan jirteyba inuusan xaqa cidna uga cabsoon cid walbana gaarsiiyo diinta Alle ha yeesho ama ha diiddee, ayuu odeyaashii ku dul akhriyey suuratu al-najmi oo ah suurad aad cajiib u ah. Odeyaashii meesha joogay markay maqleen suuraddaas waa is hanan kari waayeen markaasay si fiican u dhegaysteen uguna khushuuceen, maxaa yeelay in badan fursad ma siin iney qur'aanka dhegaysteen oo waxay iska ilaalin jireen iney maqlaan wayna ku buuqi jireen, laakiin maanta ilaahay ma haleeshiin iney ku buuqaan. Rasuulku scw markuu dhammeeyey akhriskii suuraddaas ayuu sujuuday sida mashruuca ah in la sujuudo marka suuraddaa la dhammeeyo. 

Odeyaashii qureysh ee dhageysanayey iyagoon is ogeyn ayey hal mar sujuud la wada daateen dhammaantood, markay sujuuddii ka soo kaceen ayey is haaraameen waliba kuwii meesha ka maqnaa ayaa canaantay kuwii dhagaystey oo sujuudey kuna yiri: "ma maantaad qur'aankiisii iyo ilaahiis u sujuuddeen!?". Odeyaashii waxay isla markiiba degsadeen jawaab been ah si ay isu difgaacaan waxayna yiraahdeen: "ilaahyadayaduu ammaanay oo markuu marayey Laata, Cussa iyo Manaat ayuu yiri "kuwaasu waa asnaamtii sarreysey, shafeecadoodana la rajaynayey", sidaa darteed ayaannu u sujuudney". Waxaa kale oo culimada qaarkood yiraahdaan hadalka ay sheegayaan shayaaddiintoodii ayaa dhegahooda ku akhrisey, markaasey sujuudeen.

Markii qisadaani dhacday ayaa kooxdii muslimiinta ahayd ee dhulka Xabashida u hijrootey waxaa la gaarsiiyey warkii oo la bddelay oo waxaa lagu yiri: "odeyaashii qureysheed waa islaameen" markaasay si halhaleel ah uga soo laabteen dhulkii Xabashida maxaa yeelay awalba waxaa geeyey dhul aysan garaneyn dadkiisa iyo dhaqankiisa carar ay diintooda la cararayeen. Muddo markay soo socdeen oo ay soo gaareen duleedka Makka ayey ogaadeen xaqiiqdii iyo in warkii sidii loogu sheegay uusan ahayn cadaadiskii iyo dulmigii Makka yaalleyna uu sidii hore kaba daran yahay, markaasaa talo ku caddaatey waxayna ka tashadeen waxay samayn lahaayeen. Ugu dambeyntii waxay u kala qeybsameen saddex qeybood: Qeyb ku noqotay dhulkii Xabashida, qeyb dhuumasho ku soo gashay Makka iyo qeyb magangelyo weyddiisatey qaar ka mid ah odeyaashii qureysh. Qureysh markay arkeen in dadkii shalay fakaday ay soo laabteen ayay kordhiyeen dhibkii iyo cadaadiski ay muslimiinta ku hayeen waxayna soo saareen go'aanno cusub oo ah: in qabiil walba uu wiilkooda ama gabadhooda ku filnaado oo ciqaabo cadaasna saaro.

Kooxdaan dhowr iyo tobanka ahayd ee xabasha u hjrootay waxaa ka mid ahaa Abuu Bakar siddiiq hase yeeshee markay sii marayeen Barkul Qimaad ayaa waxaa la kulmay nin la oran jiray ibnu Daqinna oo oday u ahaa reer Qaara markaasuu Abuu Bakar ku yiri: "xaggee u socotaa, Abuu Bakar ayaa markaa ku yiri: tolkay ayaa isoo bixiyey waxaana doonayaa in aan dhulka ku socdo oo (tago meel aan) Rabbigay ku caabudo. Ibnu Daqinna ayaa hadlay oo yiri: "adigoo kale ma baxo lamana bixiyo ee laabo oo baladkaaga Rabbigaa ku caabud anigaa ku meggan geliyeye, markaasuu Abuu Bakar Ibnu Daqinna la soo noqday, Ibnu Daqinnana ogeysiis ayuu bixiyey inuu Abuu Bakar meggan geliyey. Qureyshna wa ay ka aqbashay (laakiin waxay Abuu Bakar u ogalaadeen) in uu gurigiisa dhexdiisa ku caabudo Rabbigiisa oo uusan muujisan. Sidaas ayuu markaa Abuu Bakar ahaa ilaa muddo wuxuuna sameyn jirey Qur'aanka ayuu kor u qaadi jirey isagoo gurigiisa joooga markaasaa waxaa ku soo ururi jirey dumarka iyo carruurta gaalada iyagoo eegaya oo la yaabban, wuuna ooyi jirey Abuu Bakar marka uu Qur'aanka akhrinayo, arrinkaasi wuxuu dhibay Qureysh waxay markaa u tegeen Ibnu Daqinna oo ka codsadeen inuu ka laabto (meggan gelyadii uu Abuu Bakar u fidiyey), Ibnu Daqinna ayaa markaa Abuu Bakar u tegey oo kala doorransiiyey inuu (Abuu Bakar) cibaadada siraysto ama kala noqdo meggan gelyadii, Abuu Bakar ayaa markaa u celiyey meggan gelyadiisii kuna yri: "waa kuu celiyey meggan gelyadaadii, waxaana ku raaali ahay meggan gelyada Alle.

HIJRADII LABAAD EE DHULKA XABASHIDA

Markuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu hayey dadkii muslimiinta ahaa ee joogey Makka oo aad u kordhay iyadoo waxa lagula dagaaallamayey ay ahayd tawxiidka iyo ciqiidada saliimka aha oo ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray asxaabtiisii mar labaad iney dhulka Xabashida u hijroodaan oo sidaan soo sheegnayba uu ka talinayey boqor caaddil ah. Waxaa marka baxay oo hijroday 83 rag ah iyo 18 dumar ah oo ku baxay si qarsoodi ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo nabad qab ayey ku gaareen dhulkii Xabashida.

Madaxdii qureysheed markay maqleen in dadkii muslimiinta ahaa ay dhulka xabashida u hijroodeen iyagoo ah caddad tiro badan, oo tegey meel ay diintooda iyo naftooda ku ammaan helayaan, aad ayay u caroodeen waxayna isla markiiba qaateen tallaabo degdeg ah oo ay uga hortegayaan arrintaas. Waxay direen laba nin oo la kala oran jirey Cumar binu Caas iyo Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica, waxayna u dhiibeen hadiyad badan, waxayna ku dheheen "waxaad hadiyaddan u geysaan boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa, kuna hormara wasiirrada oo intaad arrinka ka dhaadhicisaan u kaxaysta boqorka, boqorka markaad la kulantaanna waxaad u sheegtaan inuu gacanta idinka soo geliyeo dadkaas isagoo aan ka hadalsiin".

Labadii nin waa ay baxeen iyagoo xoolo badan oo hadiyaad ah daadihinaya, siday arrintu ahaydna waxay ku hormareen wasiirradii, nin walba oo ka mid ahaana waxay siiyeen hadiyad fiican, go'aankii ay wateen way ka dhaadhiciyeen, ka dibna labadii nin iyo wasiirradii oo wada socda ayaa u wada tegey boqorkii ahaa Najaashi, hadiyaddiisiina waa loo geeyey. Ka dibna labadii nin ee wafdiga ahaa mid ka mid ah ayaa istaagay si uu barnaamijkii ay boqork iyo dowladda Xabashida ugu yimaadeen u soo gudbiyo, wuxuu yir "boqorow waxaa dhulkaaga soo galay niman dhallinyaro ah oo aan caqli lahayn oo diintoodii kuwii u sharaf badnaa oo ahaa odeyaashoodii noogana ogaal badan xaalkooda iyo waxa ay ku ceebeynayaan". Intaa markay soo bandhigeen labadii nin ayaa waxaa hadalkii qaatey wasiirradiii, oo sidaan soo sheegnayba ahaa niman xoolo cunay waxayna yiraahdeen: "boqoroow run bay sheegayaane u dhiib ha celiyaane".

Najaashi oo siduu Rasuulka scw sheegayba aha boqor caaddil ah, markuu dhegaystay hadalkii ay soo jeediyeen nimankii wafdiga ahaa ee hadiyadda keenay iyo ayiditaankii wasiirradiisa ma uusan qaadan hadalkoodii kumana kedin arrimaahaasi inu caddaaladda ka tago oo hal dhinac keliya dhegaysto ee wuxuu yiri: "ha la ii keena dhinaca kale". 

Markii loo tegey dadkii muslimiinta ahaa oo loo sheegay in boqorku rabo ayna yimaadeen niman loo soo diray ayey ka wada hadleen siday u qaabbili lahaayeen arrinkaas, ugu dambeyntiina waxay qaateen go'aankii lagu yaqaanney qofka iimaanka macaankiisa dhadhamiya inuusan qofna uga cabsoon Ilaahay diintiisa waxayna go'aansadeen wax kasta oo ku yimaada ineysan diintooda marna ka soo dabcin. 

Waxayna af-hayeen ka dhigteen Jacfar binu abii-dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis, dabadeed boqorkii ayaa loo yimid, hadalkiina waxaa bilaabay Jacfar wuxuuna yiri: "boqoroow waxaan ahaan jirnay dad jaahiliya ah, sanamkaan caabudi jirney, bakhtigana waan cuni jirney, faaxishadana waan la imaan jirney, qaraabadana waan goyn jirney, deriskana waan xumeyn jirney, midkayaga xoogga lehna wuxuu boobi jirey kan tabarta daran, sidaas ayaan ahayn, markaasaa Ilaahay wuxuu no soo diray Rasuul annaga naga mid ah, oo aan naqaan nasabkiisa, runtiisa, ammaanadiisa iyo dhowrsanaantiisa, wuxuuna noogu yeeray Ilaahay keliya inaan waxidno oo aan caabudno kana dhex baxno wixii annaga iyo aabbayaashayo aannu caabudi jirney; sido kale wuxu na amray inaan warka ka run sheegno, ammaanadan gudanno, qaraabdana xiriirinno, deriskana wanaajinno, xaaraamta iyo dhiigga dadkana ka fogaanno; sidoo kale wuxuu naga reebay xumaan oo dhan, markhaati beenaalaha, xoolaha agoonta oo la cuno, gabdhaha dhowrsoon oo la af-lagaadeeyo (qadfo); sidoo kale wuxuu na amray Allaah keliya inaan caabudno oo aanan u shariik yeelin; haddaba Rasuulkaas ayaannu rumeyney waana raacnay wuxuu noo keenay oo Ilaahay diintiisa ah; Ilaah keliya ayaanna caabdunay, waxna ugu shariik yeeli mayno, waanna xarrimnay wuxuu Ilaahay naga xarrimay, waana xalaalaynay wuxuu Alle noo xalaaleeyey; sidaa markaan yeelnay waxaa nagu xad gudbay dadkayagii, way na cadaabeen, diintayadii ayey naga fitneeyeen, waxayna doonayaan inaan bannaysanno xumaataan bannaysan jirnay, markay na dirqiyeen, na dulmiyeen oo ay na ciririyeen oo annaga iyo diintayadii ay kala dhex galeen ayaan waddaankaaga u soo baxsannay oo adiga ku doorannay, derisnimadaadaanna jecel nahay, waxaanna rajayney inaan agtaada nalagu dulmineyn", intaas markuu Jacfar ku soo koobay hadalkiisii aadka u qiimaha badnaa dhinac walbana wax ka ishaaray, ayaa Najaashi su'aal weydiiyey Jacfar oo ku yiri: "waxa uu Nabigaasi xagga Ilaahay ka keenay wax ma ka haysaa", Jacfar wuxuu yiri haa, Najaashi ayaa yiri "akhri", markaasuu Jacfar akhriyey Suuratu Maryam oo si fiican uga hadahsya qisadii Maryam iyo wiilkeedii Nabi Cise.

Najaashi markuu dhegaystey suuraddaas oohin ayuu la dhacay ilaa uu gadhkiisii ka qoyey, wasiirradii meesha fadhiyeynaa sidoo kale way ooyeen markay maqleen Ilaahay aayaatkiisaas. Najaashi ayaa markaas hadlay oo yiri: "waxaad akhriday iyo wixii Nabi Ciise la yimid hal dariishad bay ka soo baxeeen", ka dibnay wuxuu ku jeestey labadii nin ee qureysh soo dirsatay oo ku yiri "Ilaahay ku dhaartaye inaanan idiin dhiibayn dhibna looma geysan karo".

Intaas markuu fadhigii ku dhammaaday oo lagu kala dareeray ayaa Camar binu Caas ku yri saaxiibkiisii Cabdullaahi ibnu Rabbiica "Ilaah ayaan ku dhaartaye shirqool ayaan u samaynayaa dadkaas berrito aan ku dabargooyo markaasoo Cabdullaahi ku yiri "ha samynin arrintaa, maxaa yeelay waa tolkeen haba na khilaafaane', hase yeeshee Camar waa ku adkeystey go'aankiisii wuxuu mar labaad ku laabtay Najaashi isaga iyo saaxiibkiis waxayna ku dheheen "boqoroow dadkaani Ciise ibnu Maryama waxay ka sheegaan hadal weyn", markaasaa mar kale loo yeeray muslimiintii, markay yimaadeenna Najaashi ayaa hadlay oo yiri "maxaad ka aamminsan tihiin Nabi Ciise?", Jacfar ayaa u jawaabay oo yiri 'waxaan ka aamminsannahay wixii Nabigayagu noo sheegay oo ah inuu yahay Ilaahay addoonkiisii, Rasuulkiisii, ruuxdiisii iyo kalimmaddiisii uu Maryama ku riday", markaasaa Najaashi qori yar kor u qaaday oo yiri "iska taga aammin baad ku tihiin dhulkayga qofkii dhib idiin geystana waa dambiile, mana jecli in la siyo buur dahab ah oo qof idinka mid ah dhib loo geysto", labadii nin ee qureysh ka socdeyna wuxuu u yiri "ha loo celiyo hadiyaddooda uma baahniye". 

Ka dibna isagoo hadalkiisii sii wata wuxu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye hadda ka hor markii inqilaabka la igu sameeyey ee Ilaahay iiga gargaaray laaluush igama uusan qaadan, qof bini aadan ahna arrinteyda kalama uusan tashan, aniguna arrintiinna laaluushna ku qaadan maayo qof binu aadan ahna ku raaci maayo". Hadalkaas oo ula jeedo in Ilaahay u gargaaray, asna Ilaahay diintiisa iyo xisbigiisa uu u gargaarayo, sidaas ayaana arrintii ku dhammaatay, wafdigii qureyshna ku laabtay isagoo la murug geliyey, hadiyaddiina lagu soo celiyey, muslimiintiina waxaa Ilaahay siiyey cisso iyo wanaag, waxayna dhulkii Xabashida ku joogeen nabadgelyo iyo wanaag.

Madaxdii qureysheed markii wafdigoodii ku soo laabtay una warramay wixii uu dhulka Xabashida kala soo kulmay ayey aad u caroodeen kana xumaadeen, waxaa kaloo murugo kale ku sii noqotay in Ilaahay diintiisii ay Makka dhaaftay oo ay gaadhay Afrika ammaanna ku heshay, ayna baab'day arrintii ay doonayeen oo ahayd in diintu aysan Makka dhaafin oo ay halkaas ku cabburiyaan.

Asalaamu aleykum,
OsmanBillad

U TEGITAANKII ABII-DHAALIB

Qureysh markay tallaabo walba oo ay qaadday, oo ay rabtey in ay dacwada islaamka ku joojiso, ay u suurtageli wayday, dacwadii islaamkuna ay marba marka ka dambeysa sii fideyso, dadka raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay Nabi Maxammed SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen waxna aan ka qaban Nabi Maxammed ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku dheheen "Abii-dhaalibow waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh hadda ka horna waan kuu nimid annagoo kaaga dacwooneyna wiilkaad adeerka u tahay, hase yeeshee nagama aadan qaban oo kaalintaadii waad ka soo bixi weydey, haddaba ilaah baan ku dhaarannaye ku sabri mayno mar dambe wuxuu nagu samaynayo wiilkaad adeerka u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo, ilaahyadayada oo wax laga sheego iyo caqligayaga oo la duro, marka ama naga qabo ama noo daa", Abii-dhaalib dacwadaas ay odeyaashu ula yimaadeen oo ka dhex taagan wiilkiisa iyo tolkiis aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeeray Rasuulka SCW oo ku yiri "adeer reer tolkaa waa ii yimaadeen sidaasayna i yiraahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood u lahaynna ha igu kallifin". Rasuulka SCW markuu dhegaystey fikraddii adeerkiis u soo jeediyey, arkayna in adeerkiis ka soo dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici karto inuu ka baxo garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yiri "adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma awoodo in aan ka tago arrinka la ila soo diray, markaasuu abii Dhaalib yiri: "Ilaah baan ku dhaartaye ben ma sheegin wiilkaan adeerka u ahay weligiis e iska noqdo".

Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu ka istaagay isagoo ilmo ay indhihiisa ku soo joogsatay waayo arrinka uu maanta adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in xaqa iyo diinta laga haro oo kufri la raaco. Abii-dhaalib markuu arkay go'aanka kama dambaysta ah ee uu Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeeray oo ku yiri "adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma ay soo gaarayso awooddoodu (dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee amarkaaga la jahar wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna bishaarayso indhahaaguna ha ku qaboobaan sidaas".

Madaxyaweyntii qureyshee d markay arkeen Abii-dhaalib inuusan waxba ka qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii iyo diintoodii uu ku sheegayo baadi uguna yeerayo iney Ilaah kaliya caabudaan ayey mar saddexaad Abii-dhaalib ku laabteen waxayna ku dheheen "Abii-dhaalibow waxaad tahay nin akhyaar ah wiilkaagana wuxuu samaynayo waad la socotaa, adiga laftaaduna nala diin baad tahay oo m araacsanid diintiisa haddaba wiilkaan dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii ku ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee, (dilnee) adigana waxaan kuugu beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid abnu Muqiira oo la yiraahdo Cimmaara, oo ah wiil aad u fiican, marka qaado wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba", Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yiri "ma waxaad iigu timaaddeen inaan wiilkiina idiin koriyo, keygana aad dishaan", meeshiina waa lagu kala tegey.

U TEGITAANKII ABII-DHAALIB

Qureysh markay tallaabo walba oo ay qaadday, oo ay rabtey in ay dacwada islaamka ku joojiso, ay u suurtageli wayday, dacwadii islaamkuna ay marba marka ka dambeysa sii fideyso, dadka raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay Nabi Maxammed SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen waxna aan ka qaban Nabi Maxammed ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku dheheen "Abii-dhaalibow waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh hadda ka horna waan kuu nimid annagoo kaaga dacwooneyna wiilkaad adeerka u tahay, hase yeeshee nagama aadan qaban oo kaalintaadii waad ka soo bixi weydey, haddaba ilaah baan ku dhaarannaye ku sabri mayno mar dambe wuxuu nagu samaynayo wiilkaad adeerka u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo, ilaahyadayada oo wax laga sheego iyo caqligayaga oo la duro, marka ama naga qabo ama noo daa", Abii-dhaalib dacwadaas ay odeyaashu ula yimaadeen oo ka dhex taagan wiilkiisa iyo tolkiis aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeeray Rasuulka SCW oo ku yiri "adeer reer tolkaa waa ii yimaadeen sidaasayna i yiraahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood u lahaynna ha igu kallifin". Rasuulka SCW markuu dhegaystey fikraddii adeerkiis u soo jeediyey, arkayna in adeerkiis ka soo dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici karto inuu ka baxo garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yiri "adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma awoodo in aan ka tago arrinka la ila soo diray, markaasuu abii Dhaalib yiri: "Ilaah baan ku dhaartaye ben ma sheegin wiilkaan adeerka u ahay weligiis e iska noqdo".

Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu ka istaagay isagoo ilmo ay indhihiisa ku soo joogsatay waayo arrinka uu maanta adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in xaqa iyo diinta laga haro oo kufri la raaco. Abii-dhaalib markuu arkay go'aanka kama dambaysta ah ee uu Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeeray oo ku yiri "adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma ay soo gaarayso awooddoodu (dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee amarkaaga la jahar wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna bishaarayso indhahaaguna ha ku qaboobaan sidaas".

Madaxyaweyntii qureyshee d markay arkeen Abii-dhaalib inuusan waxba ka qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii iyo diintoodii uu ku sheegayo baadi uguna yeerayo iney Ilaah kaliya caabudaan ayey mar saddexaad Abii-dhaalib ku laabteen waxayna ku dheheen "Abii-dhaalibow waxaad tahay nin akhyaar ah wiilkaagana wuxuu samaynayo waad la socotaa, adiga laftaaduna nala diin baad tahay oo m araacsanid diintiisa haddaba wiilkaan dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii ku ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee, (dilnee) adigana waxaan kuugu beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid abnu Muqiira oo la yiraahdo Cimmaara, oo ah wiil aad u fiican, marka qaado wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba", Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yiri "ma waxaad iigu timaaddeen inaan wiilkiina idiin koriyo, keygana aad dishaan", meeshiina waa lagu kala tegey.

ISLAAMIDDII XAMSA BINU CABDI MUDHALIB

Xamsa binu Cabdimudhalib oo ah Nabiga SCW adeerkiis sida uu ku islaamay waxay ahayd, maalin ayuu ugaar doontay intuu gammuunkiisii iyo qaansadiisii qaatey, goor uu ugaarashadii jiro ayuu Abii-jahal Rasuulka SCW aad u caayey gacanna ula tegey.

 Markuu Xamsa soo laabtay ayaa arrintii loo sheegay oo lagu yiri "haddaad arki lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd waad yaabi lahayd", Xamsa markii arrintii loo sheegay loo sheegay ayuu xanaaqay markaasuu dhaqaaqay isagoo qaansadiisii iyo gammuunkiisii wata wuxuuna tegay kacbada oo ay fadhiyaan Abii-jahal iyo rag kale oo qureysh ah, markaasuu caayey Abii-jahal dhinaciisa fadhidey soo yaacday si ay Xamsa u waxyeelleeyaan. 

Abii-jahal ayaa markaa hadlay oo yiri "iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii uu adeerka u ahaa dhib u geystaye", iyadoo Abii-jahal sababtuu sidaa u yeelayey ay ahayd biqid uu ka baqayey in Xamsa islaamo ama ay arrintu gaadho heer laboa qabiil loo kala safto.  

Xamsa oo xanaaqsan ayaa hadlay oo yiri "wiilkaan adeerka u ahaa baad dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay", sidaas ayuu Xamsa ku islaamay

ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAAB

Cumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii hore islaamka iyo muslimiinta aadka u dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo diriddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo kacay isagoo raba inuu Rasuulka SCW dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yiri "Cumar xaggee u socotaa?", wuxuu yiri "waxaan rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala geeyey", markaasuu ku yiri "ma waxaad u malaynaysaa haddii aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid, haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii Siciid way islaameene maad iyaga wax ka qabatid!". 

Cumar ayaa markaa aaday gurigii walaashii isagoo xanaaqsan, markuu gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay qur'aan la akhrinayo waxaana guriga joogey walaashiis, ninkeedii iyo Khabaab oo qur'aan u akhrinayey. Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen inuu Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina waraaqihii qur'aanku ku yiilley xaseysey (qarisay). 

Cumar markii guriga laga furay ayuu gabadhii ku yiri "keen wixii aad akhrineyseen", markey u diideenna Siciid ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday ninkeedii ilaa uu iyadii dakharro gaarsiiyey. Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaarsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey dheheen "waxaad doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna islaamnay". Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo dhibkuu reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri "i tus waxaad akhrineyseen", waxay dheheen "waxaad tahay nijaas ee soo qubeyso haddaad rabtid inaan ku tusno", wuu soo meyrtay markuu soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu suuraddii akhireyey ayuu yiri "hadalkaan waa hadal cajiib ah".  

Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu maqlay hadalka Cumar iyo siduu u soo dabcay ayuu soo baxay oo ku yiri "Cumarow waxaan rajaynayaa iney kugu dhacday ducadii Rasuulka SCW kolkuu lahaa "Ilaahow laba Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo Abii-jahal) midkaad kheyr ku og tahay islaamka ku xooji". Cumar intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay qalbigiisa hanuun ku soo riday ayuu yiri "xaggee joogaa Nabigii?", markaas ayaa loo tilmaamay meeshuu joogo. Cumar isagoon weli hubkiisii iska dhigin ayuu meeshii tegey oo ku garaacay gurigii Rasuulka SCW iyo asaxaabtiisu ay joogeen. Asxaabtii markay arkeen Cumar, ayaa la yiri "waa Cumar", markaasaa Xamsa oo muddo yar ka hor sii islaamay meeshana joogey yiri "soo daaya, hadduu wanaag u socdana waan arkaynaa, hadduu xumaan u socdana seeeftiisaan ku dileynaa'. Cumar gurigii ayuu galay, ka dibna halkaa ayuu ku soo islaamay.  

Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen Ilaahay wuxuu muslimiintii siyaadiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is beddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin wuxuuna yri "waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay inuu Abii-jahal yahay, markaasaan gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay, albaabka ayuu iga furay oo i soo dhoweeyey yirina "maxaad iigu timid Cumar", waxaan ku iri "waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo rumeeyey Alle iyo Rasuulka SCW , waxaan haysan jirneyna aan beeniyey", Abii-jahal intuu naxay ayuu yiri "waxaad la timid baa xumaaday" gurigii buuna ku cararay. Sidoo kale wuxuu Cumar yiri "waxaan is weydiiyey ninka ugu warqaadka badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara, waxaan xasuustay inuu yahay Sumeyn ibnu Camar al-juhani", markaasaan u tegay oo ku iri "waan islaamay " markaasuu u qeyliyey isagoo leh "Cumar ibnu Khadhaab waa iishay" Cumarna wa ka daba hadlay isagoo leh "ma iilane waan islaamay". 

Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii allow sow xaq kuma taagnin, waa inaan baxnaa oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukannaa", Rasuulkuna SCW waa ka yeelay, markaasaa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah oo safna Cumar ku jiro safna Xamsa. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Cumarna gaarsiiyey Caas ibnu Waa'il.  

Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii muslimiiinta ahaa cissi waxayna bilaabeen in waxyaalo badan oo ay la dhuuman jireen ay bannaanka soo dhigaan siduu Bukhaari ka weriyey Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu yiri "kama aannaan suulin cissi intuu Cumar islaamay".

ERGEYGII QUREYSHEED EE RASUULKA SCW U TEGEY

Duqowdii qureysheed markay arkeen xaaladdu meesha ay ka sii degeneyso iyo ineysan waxba ku joojin karin dagaal iyo xumaan ayey beddeleen go'aankoodii ahaa in Rasuulka SCW la dilo, waxayna bilaabeen iney tartiib iyo wada hadallo ku wadaan hawsha sidaa darteed ninkii la oran jirey Cutba binu abii Rabbiica, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii qureysh ayaa ku yiri odeyaashii "ka warrama haddaan Maxammed u tago ooarrimo u bandhigo, waxa la arkaa inuu naga aqbalee", odeyaashii waa ku farxeen waxayna dhaheen waa yahay.

Cutba wuxuu u tegey Rasuulka SCW wuxuuna ku yiri "i dhegeyso wiilkaan adeerka u ahaayow, waad la socotaa sharafta iyo wanaagga aad tolkaa ku lahayd iyo meeshaad ka joogtay, sidaad sidaa u ahayd waxaad la timid arrin weyn oo is haysigii tolkaa kala geeyey, caqligoodiina waa durtay, ilaahyaashoodiina waad ceebaysey, aabbayaashoodii tegeyna waad baadiyeysey, haddaba dhowr arrimod baan kuu soo bandhigayaaye dhegeyso" Rasuulka SCW wuxuu yiri "dheh Abaa Waliid, waan ku dhegeysanayaaye" wuxuu yiri Cutba "wiilkaan adeerka u ahaayow haddaad arrinkaan u samaynaysid maal badsasho, maal ayaan kuu ururineynaa ilaa aad ka noqoto kan noogu xoolo badan, haddaad dooneyso sharafna sayid baan kaa dhiganaynaa, haddaad boqornimo dooneyso boqor ayaan kaa dhiganaynaa, haddii waxa kuu imaanaya uu yahay jinni oo aad jirran tahay dhakhtar ayaan kuu geynaynaa, maalkaygana waa kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo".

Rasuulka SCW wuxuu ku yiri "ma dhammaysatay abaa Waliid?", wuxuu yiri "haa", markaasuu Rasuulka SCW yiri "anna bal i dhegayso" markaasaa Rasuulka SCW bilaabay oo ku dul akhriyey suuatu Fusilat. Cutba markuu qur'aankii dhegaystay ayuu aad ugu khushuucay ka dibna wuxuu yiri "iga jooji". Rasuulku SCW markuu aayaatkii dhammeeyey odeyaashii ayuu ku laabtay isagoo beddelan. Odeyaashii markay arkeen Cutba oo cagajiid ah oo soo laabtay ayey isu dheheen "Ilaah ayaan ku dhaaranaye, wejigii uu idin kala tegey weji aan ahayn ayuu la soo socdaa". Ka dib markuu yimid ayaa la yiri "maxaad waddaa?" wuxuu ku jawaabay waxaan soo maqlay hadal aanan weligey maqal isagoo kale, Ilaah baan ku dhaartaye inuusan ahayn sixir, mana ahan curraafinnimo, ee nimanyohow maanta hadalka igu raaca oo ninkaas iyo arrintuu wato faraha ka qaada, waxa uu akharinayana wuxuu la imaan doonaa sha'ni weyn, ninkaasna faraha ka qaada oo isu daaya isaga iyo carabta kale oo hadday dilaan oo ay idinka kaafiyaan waa sidaad rabteen, haduu isagu guuleystana boqortooyadiisu waa tiinna, cissigiisuna waa cissigiinna oo idinkaa iska leh, waxaadna noqon doontaan kuwa dadka ugu nasiib badan". 

Odeyaashii qureysh oo ahaa niman aan Ilaahay xaqa la doonin si walba oo wax loo tusaaleeyana aan ku qancayn, wax walbana ka hor keenaya madax adayg iyo caniidnimo markay dhagaysteen fikraddaas wanaagsan ee ninkaa odeyga ihi u soo jeediyey waxay dheheen "wuu ku soo sixray oo carrabku kugu soo sixray". Cutba wuxuu yiri "waa taas aniga taladaydii ee waxaad doontaad sameeya".

CUNAQABATAYNTII REER HAASHIM IYO REER MUDHALIB

Odeyaashii qureysh markay arkeen in aan Nabiga SCW marna u soo dabcayn, boqortooyo iyo wax walba oo loo ballanqaadana uusan doonayn, diintiisiina ay soo xoogeysanayso, rag khatar ahna ayba raaceen, hadday sidaa ku sii socotana ay rag badan oo kale raaci doonaan, ayey ku laabteen ficilkoodii hore oo kordhiyeen dhibkii ay Nabiga SCW ay u geysanayeen gacanna ula tageen.

Abii-dhaalib markuu arkay waxay qureysh samaynayso iyo go'aanka ay gaareen oo ah iney Nabiga SCW dilaan, wuxuu isugu yeeray reer Haashim iyo reer Mudhalib wuxuuna ku yiri "xaal meeshuu marayo waad aragtaan iyo in la rabo Maxammed la dilo, Maxammedna idinkuu idinka dhashay cid kale oo difaaceysaana ma jirto haddaba waa inaan difaacnaa dhammaanteen". Go'aankii Abii-dhaalib waa la qaatay oo labadaas reer waxay go'aan ku gaareen in kooda muslimka ah iyo kooda gaalka ahi ay difaacaan Nabiga SCW Abii-lahab oo diidey maahee. Qureysh markay go'aanka labadaas reer ay wadajirka u qaateen oo ah iney Nabiga SCW difaacaan waxay isugu yimaadeen shir ay arrintaa ku falanqeynayaan, ugu dambayntiina waxay soo saareen go'aan adag oo ah in cunaqabatayn lagu soo rogo labadaas reer, warqado ayeyna go'aammadii ku qoreen kuna dhejiyeen kacbada. Go'aammadaa waxaa ka mid ahaa: inaan wax laga gadan karin lagana iibin karin, inaan loo guurin karin lagana guursan karin, inaan lala macaamaloon karin lana caawin karin.

Labadii reer waxay iyaguna go'aansadeen in aan loo jixinjixin arrimahaas ay qureysh soo saartay, mowqifkoodiina waxba ka beddelin, Abii-dhaalibna wuxuu go'aamiyey in la dego kayntii uu degganaa iyo in la ilaaliyo Rasuulka. Abii-dhaalibna wuxuu sameyn jirey, habeenkii Rasuulka SCW ayuu gogoshiisa ku seexin jirey, gogosha Rasuulka SCW qof kale ayuu seexin jirey. Cunaqabatayntan oo bilaabatay bilowgii sannadki 7aad ee soo diriddii Rasuulka SCW waxay socotay saddex sano ilaa laga gaaray sannadkii 10aad. Waxaa labadaas reer la soo gudboonaatay dhibaato iyo baahi aad u daran ilaa ay caleenta iyo haragga ka cuneen, dhawaqa carruurtuna uu guryahooda ka baxayey.

Sannadkii 10aad horraantiisii ayey cunaqabataytii dhammaatay oo laga takhalusay. Habka looga takhalusayna wuxuu ahaa, nin la oran jirey Hishaam ibnu Camar ayaa markuu arkay dhibaatada iyo dulmiga lagu hayey reerahaasi meesha ay gaartey iyo inaan loo dulqaadan karin waxay qureysh samaynayso ayuu is xilqaamay oo u istaagay siduu arrintaa ku tirtiri lahaa, wuxuuna uu ugu horreyntii u tegey nin la oran jirey Suheyr ibnu abu Ummaya oo ay dhashay Caatika bintu Cabdimudhalib markaasuu ku yiri "waxa aan samaynayno ma wax loo dulqaadan karayo ayey kula yihiin, mase ku raalli noqotay inaad dheregto abtiyaashaa iyo habaryarahaana ay meeshaa ku gaajoodaan." Markaasuu Suheyr yiri "Anigaa nin keliyaan ahaye maxaa samayn karaa." Hishaam wuxuu yiri "Anigaa kula jira cid kalena waa raadineynaa". Wuxuu u tegey saddex nin oo kale oo arrintii ka dhaadhiciyey dabadeedna shantoodii ayaa tashaday. 

Subixii dambe markii kacbada la isugu yimid ayaa Suheyr intuu si fiican u soo lebbistay oo kacbada dawaafay ayuu yiri "warqaddaas xunta ah oo daallimadda ah dadkana baabi'isay bari baan ka nahay." Abii-jahal baa soo boday oo yiri "been baad sheegtay lamana baabi'inayo", shantoodii mid kale oo ka mid ah ayaa ka daba hadlay oo ku yiri Abii-jahal "adigaa ka been badan " intuusan Abii-jahal weli hadlin ayaa midkii saddexaad yiri "labadaas nin ayaa run sheegay wax kale ninkii ku jawaabaana been ayuu sheegay, kii shanaad ayaa sidoo kale u hadlay. Abii-jahal markuu arkay intaas oo nin oo iska daba hadashay oo weliba xamaasadaysa, wax kale oo ka dambeeyana uusan garanayn ayuu yiri "arrinkaan meeshaan meel aan ahayn ayaa lagu soo qaatay xalay baana loo soo dhiray" sidaa ayaa warqaddii kacbada ku dhegganayd oo qodabbadii cunaqabtayntu ay ku qornaayeen loo baabi'iyey, cunaqabatayntiina ku dhammaatay. Waqtigaasu wuxuu ahaa bishii Muxarram sannadkii 10aad marka laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.

XUSUUSIN: "Dhamaan inta casharka ku xiran ama jecel in ay bartaan Siirada Xabiibkeena Maxammed SCW, ha isku dayaan in ay bartaan oo ku daydaan wuxuu Isuga samayn jirey. Yeyna inta iska aqrin faraha ka qaadin ee ku dayda isaga qofkii kaloo aad uga sheekayn kartidna u sheeg." OsmanBillad

Make your own free website on Tripod.com