soo.jpg
 

QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB

  Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: "Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan.

Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri raggii jifadiisa ahaa "nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa". Sidii ayey yeeleen laakiin markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yiri "ma wanaagsana inaan meeshan iska fadhino ee aan soconno". Markuu hashiisii fuulay oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeeray. Markay kulligood cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yiraahdeen" Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee".  

Markaa ayuuu Cabdimudhalib wuxuu ku nadray in haddii Ilaahay toban wiil siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.  

  Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen ayuu isugu yeeray oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco siiba abtiyaashiis reer bani makhsuum, Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi "magtiinnu waa meeqa?" markaasuu ugu jawaabay "toban halaad", ka dib ayey tidhi "toban halaad iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli noqdo". Cabdimudhalib waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii. Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.  

   Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka geelo ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay ina labo gowrac" oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.  

Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf galay, arrimo badanna waxay ku dhaameen dad badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada helaynin aysanna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.  

Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba ahaa nebiga aabbihiis, waxaa hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu Caa'id binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna, Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da'diisu waxay markaas ahayd 25 sano.

Abdul A.K.

DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW

Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.

Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah". Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.

Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.

Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.

QISADII BAXIIRA

Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.

Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas
ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen waxayna yiraahdeen "weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?", wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri "Ma cid baad ka soo tagteen?", waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri "u yeera gabanka".

Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su'aal weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri "wiilkan mxaad u tahay"? wuxuuna ugu jawaabey "Aabbe ayaan u ahay". Baxiira waxa uu yiri "suurogal maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?". Abii-dhaalib waxaa uu yiri "Adeer baan u ahay", intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su'aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.

Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib "wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda", Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo.

GUURKII KHADIIJA

Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray wuxuu guursaday Khadiija bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh oo ka sheegganayd haweenkii qureysheed, waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa'iidada. Waxay maqashay Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey Maxammed Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo Maysara. 

Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaasna wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa. Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.

Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga SCW ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga SCW arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW loogu meheriyey Khadiijo.

Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano dhaafay, waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdhiya. Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la
oran jirey Dhayib iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran
jirey: Seynab, Ruqiyo,
Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen.

Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: "u fura Maxammed labadiisa gabdhood" wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba k dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.

Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa ay dhasheen Naginimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya saan soo tilmaanayba.

DHISITAANKII KACBADA

Sida la sheego waxaa la yidhaahdaa kacbada waxaa dhisay malaa'ig ama Nebi Aadam laakiin Qur'aanka iyo axaaddiista midna kama hadlin arrinkaas, sidaa darteed waxaa xaqiiqo ah oo Qur'aanka iyo axaaaddiistuba sheegeen in Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil ay dhiseen. Waqtigii qureysheed, Nebiga oo 35 sano jira ah ayey qureysh waxay dheheen kacbadii maaddaama ay duugowday waa in aan dhisnaa oo aan maal u ururinaa, waxayna isku dhaarsadeen in aysan kacbada ku dhisin illaa wax xalaal ah maahane iyo in aysan gelin naag saaniyad ah xoolaheeda iyo xoolo Riba ah iyo wax qof bani aadam ah laga dulmiyey.

Nimankii qureysheed markii ay kacbada dhisaayeen waxaa ka go'ay xoolihii xalaasha ahaa ee ay haysteen sidaa daraaddeed waa ay ka soo soka mariyeen kacbada dhismihii Nabi Ibraahim labada tiir ee Shaam xigay. Markii ay dhismihii dhammeeyeen ayey isku khilaafeen ciddii xajarul-aswadka booskiisii dhigi lahayd maxaa yeelay qabiil walba wuxuu rabay inuu isagu magaca qaato.

Markuu arrinku qir iyo qir daadhey ayey waxay go'aansadeen qofka ugu horreeya ee albaabkaas ka soo galaa inuu kala saaro. Nasiib wanaag qofkii ugu horreeyey ee albaabkii ka soo glay wuxuu noqday Nabiga SCW markaas bay ku farxeen oo waxay dheheen waa Max'ed Aammiin kulligayo raalli baan ka nahay. Arrinkii bay Nagiba SCW u sheegeen markaas buu wuxu yir: "ii keena go", markii go'ii loo keenay buu yiri: "qabiil walba nin ha keeno" markii qabiil kasta nin keenay ayuu dhagaxii go'ii ku dhex riday nin walbana uu dhinac qabtay, markii meeshii la gaarsiyeyna intuu kor u qaaday ayuu saaray.

Arrintaan oo kale meelaha ay qureyshtu ku dhaantey dad badan oo maanta islaam u nasab sheeganaya maxaa yeelay qureyshi waxay garatay in cibaadada Alle iyo beytkiisa aan lagu dhisin xoolo xaaraam ah laakiin in badan oo muslimiin ahi waxaa laga yaabaa ineysan taas fahmin oo cibaadada ilaahay ay xaaraam u adeegsadaan, wax badan oo khayr ahna ay xaaraam geliyaan sida masaajiddada iwm.

Sidoo kale Ilaah way rumeysnaayeen, sida marka la yidhaahdo yaa abuuray cirka iyo dhulka, idinkana yaa idin irsaaqa, roobkana yaa keena waxay dhihi jireen "Allaah". Asnaamtana waa ay ogaayeen in aysan Ilaahyo ahayn laakiin waxay u sameeyeen suurado dad wanwanaagsan sida Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaciil waxayna dhihi jireen Ilaah baannu ugu dhowaaneynaa, sida maantaba dadka u yiraahdaan awliyada Ilaah baannu ugu dhawaaneynaa. Sidoo kale markay ku safraan badda oo dhibi ku timaaddo Ilaahay ayey baryi jireen, laakiin maanta dad muslimiin sheeganaya ayaa hadday dhibi ku timaaddo awliyada keliya baryaya ama Ilaah iyo awliyada amaba Ilaah iyo Nabiga SCW.

Make your own free website on Tripod.com